Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu hareer fadhiyo ku-xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo maanta looga hadlay qodobo kala duwan, laguna meelmariyey afar (4) Hindise sharciyeed. Kulanka ayaa ugu horreyn warbixin la xiriirta amniga looga dhageysatay Wasiirka Amniga Gudaha oo golaha usoo bandhigay qorshaha dib u xorreynta Deegaannada maqan. Golaha ayaa go’aamiyey in la xoreeyo deegaanka kujira gacanta argagixisada, lana bilaabo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. Sidoo kale shirka ayaa lagu soo hadalqaaday falkii gurracnaa ee todobaadkan ka dhacay Cabudwaaq. waxaana hoosta laga xariiqay in gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii geystay fal-danbiyeedkaas. Golaha Wasiirada Galmudug ayaa go’aamiyey in si daahfuran loo soo xulo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha. waxayna u xilsaareen Guddi ka kooban Wasiiradaha; Maaliyadda, Shaqadda, Waxbarashadda, iyo Caafimaadka inay ka gacansiiyaan Hay-adda Shaqaalaha Rayidka ee Dowlad Goboleedka Galmudug arrintaas. Ugu danbeyntio Golaha ayaa kulankooda ku meelmariyey sharciyada; Sharciga Nootaayada, Sharciga Guddiga Adeegga Garsoorka, Sharciga Kalluumeysiga iyo Sharciga Shirkadaha Ganacsiga. View the full article
  2. Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 8-aad ku yeeshay xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa, waxaana ay ku ansixiyeen hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta Iyo Aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed. Kulanka oo ay ku sugnaayeen 143 mudane ayaa waxaa ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed, mana jirin xildhibanaad ka aamusay iyo mid diiday. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay sidaas uu ansax ku yahay sharcigga Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed. Kulanka oo ay shir Guddoominayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa sido kale waxaa Akhrinta 2-aad ay Xildhibaanaddu mariyeen Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka. View the full article
  3. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa goordhow soo saartay War Saxadeed lagu dalbanayo in la ilaaliyo xuquuqda Xildhibaannada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi u leeyihiin in si’ xor ah oo loogu doorto magaalada Muqdisho. Madasha ayaa ku talisay in Guddoomiyaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi looga dambeeyo magacaabidda Guddiyada loo xil saarayo maamulka Doorashada Mudanayaasha ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka maadaama uu yahay masuulka ugu sarreeyo ee la doortay kana soo jeeda Somaliland. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/Warka-habeen-02102020.mp3 View the full article
  5. Waxaa laga cabsi qabaa in Dagaal Sokeeye uu ka dhex dilaaco Amxaarada iyo Oromada kadib Xasuuq ay shalay geysteen Oromadu. 100 Qof oo Rayid ah [...] The post Dhacdo fool xun oo Itoobiya ka dhacdey, 100 Amxaaro ah oo Oromodu dileen appeared first on . Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hay’adda Diiwangelinta Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo Hay’adda DADSOM. Muhiimadda gaarka ah ee ansixinta Sharcigaan uu uleeyahay hooyo, aabe iyo ilmo walba oo Soomaaliyeed waa xagga aqoonsiga iyo jiritaanka qof walba oo Soomaaliyeed inuu yeelanayo lambar tirsi ah oo ku xiran dhalasho ilaa geeri iyo dhanka dhaqaalaha dalku sii kobcayo. Soomaalidu waa dad is-gacan qabta, mudadii ay dhibtu jirtayna xawaaladaha ayaa u fududeeyay howlahaas, waxaana abuurmay bankiyo caalamka la tartami kara, laakin wadamo badan way xireen xawaaladaha xafiisyadooda dibadda, bankiyadiina way awoodi la’yihiin in lacagta si toosa loogu diro banki kale oo caalami ah oo iyaga la siman! Sababtuna waxa ay tahay in lagu xiray shardi ah in ay soo buuxshaan nidaamka caalamiga ah ee loo yaqaan macmiilkaaga aqoonso (Know Your Customer) ee bankiyada dunida oo dhan ku shaqeeyaan. Nidaamkaan oo hirgeli kara in qof walba leeyahay National ID u gooni ah. Haddaba, ansixinta Golaha Shacabka ee Sharcigaan ayaa ah mid ay kujirto danta qof walba oo Soomaaliyeed, midka magaalada jooga iyo kan baadiyaha jooga, kan dibada jooga iyo kan gudaha jooga, kan ganacsada iyo kan dowlad u shaqeeya iyo in dalka u soo galo dhaqaalihii dibadda ku xanibnaa si waafaqsan nidaamka caalamiga ah. Sida Sharcigu dhigayo Hay’adda DADSOM waxay umadda Soomaaliyeed gude iyo dibad u qaban doontaa in ay: 1. In ay muwaadin walba iyo cid walba oo si sharci ah dalka kujoogta siiso lambar tirsi ah oo u gooni ah 2. In ay bixiso kaarka Aqoonsiga heer Qaran (National ID) 3. In ay dajiso oo u fududeyso barnaamijyada ay degmooyinka iyo gobolada ku bixin lahaayeen waraaqaha aqoonsiga sida dhalashada, dhimashada, guurka, furiinka iyo geerida, oo leh hal hanaan (one standard) oo la raaci karo. 4. In ay isku xirto laamaha dowladda qaab elektroonik ah oo u fududeynaya wadashaqeyn iyo howl fududeyn heersare ah. Howl-gelinta iyo dardargelinta shaqooyinka DADSOM ayaa ah mid culeys badan kaga dhacayo eedaymo badan oo dhawaan Security Council usoo jeediyeen Soomaaliya iyo mid ay fududeyn doonto howlaha iyo baahiyaha muwaadin walba oo Soomaaliyeed. The post Maxay yihiin afarta shaqo ee ay qaban doonto hay'adda DADSOM ee maanta la ansixiyey? first appeared on Caasimada Online.
  7. Guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka 2aad ee maamulka goboleedka Hirrshabeelle ayaa goordhow shahaadooyinka aqoonsiga murashaxa guddoonsiiyey musharaxiinta ku tartamayo qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen ee maamulkaasi. Qabashada xilka guddoomiyaha ayaa waxaa u taagan murashaxiinta kala ah Murashax Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Murashax Maxamuud Maxamed Goodir, waxaana ay ku tartami doonaan codadka 90-ka xildhibaan ee golaha wakiillada Hirshabeelle, kii guuleysta ayaana noqon doona guddoomiyaha. Sidoo kale guddiga ayaa waxaa ay shahaada aqoonsiga ay siiyeen Murashaxiinta u taagan qabasha ku-xigeenka 1-aad ee Baarlmaanka iyadoo ay ku tartamayaan Murashax Saadaq Salaad Warsame iyo Murashax Siraaji Sheekh Isaaq, iyagoo ku hardamayo codadka xildhibaannada. Dhanka kale waxaa ku xigeenka 2-aad shahaadada aqoonsiga ay guddiga doorashada ay u siiyeen murashaxiinta kala ah Murashax Mahad Xasan Cismaan iyo murashax Marwo Canab Axmed Ciise oo ku tarmaysa ku –xeenka ee golaha wakiillada Baarlmaanka 2-aad maamulka goboleedka Hirshabeelle. Xildhabaannada ayaa maalinta barrito ah waxaa ay dhageysan doonaan khudbooyinka murashaxiinta iyadoo maalinta arbacada ah oo taariikhdu tahay 4 bisha la qaban doono doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo labadiisa ku –xigeen sida ku cad jadwalkii uu soo saaray guddiga. Xilka Guddoomiyaha Ku-xigeenka 1-aad. Ku-xigeenka 2-aad Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. PRESS RELEASE Arab Bank for Economic Development in Africa (BADEA) and International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) Intensify their Support to the African Countries to Fight COVID-19 Pandemic through the Arab Africa Trade Bridges (AATB) Program The contribution of BADEA will help finance key initiatives targeting the health and pharmaceutical sectors in Africa JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, November 2, 2020/ — The Arab Bank for Economic Development in Africa (BADEA) intensifies its partnership with the International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) (http://www.ITFC-IDB.org) to support African Countries to fight COVID-19 through a joint program under the Arab Africa Trade Bridges (AATB). This took place during a signing ceremony at the Headquarters of the International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) between Eng. Hani Salem Sonbol, Chief Executive Officer of ITFC and Dr. Sidi Ould Tah, BADEA’s Director General. The contribution of BADEA will help finance key initiatives targeting the health and pharmaceutical sectors in Africa. The collaboration also includes technical assistance which will be provided within the framework of the recently announced initiative: Harmonisation of Standards for Pharmaceutical and Medical Devices co-launched by ITFC, Afreximbank and ARSO to promote the quality and safety of medicines and medical devices imported or produced in Africa. On this occasion, Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC commented on the importance of this collaboration, that it is coming at the most needed time for African countries. “COVID-19 had deeply impacted the region, specially the health sector; and it is within the core mandate of the AATB Program and working closer with partners we need to provide critical life-saving support to our member countries who need immediate help. We will work together with BADEA, who is a founding member of the AATB Program and a constant supporter, in joint initiatives that will also provide economic integration between African and Arab countries.” From his side, Dr. Sidi Ould Tah, Director General of BADEA also expressed his continuous support to the AATB Program and commended the partnership with ITFC specially at these critical times. He emphasized that enhancing the capabilities of the healthcare facilities in Africa cannot be overlooked anymore. “The AATB Program’s initiatives such as the Harmonization of Standards of Pharmaceutical Products, business matching activities that open trade and investment doors between Africa and the Arab world have been indispensable to effectively respond to challenges imposed by COVID-19 outbreak.” It is worth mentioning that since the outbreak of the pandemic, ITFC and its partners have approved an AATB Program Action Plan to support African and Arab countries to strengthen their socio-economic resilience in light of the COVID-19. The healthcare and pharmaceutical sectors were prioritized, with immediate measures including supporting the Network of Laboratories in West Africa with the supply of COVID-19 testing kits, lab equipment and personal protection equipment (PPE) for medical and para medical staff. Distributed by APO Group on behalf of International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC). View multimedia content Qaran News
  9. Garowe (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa bilaabay dar-dar galinta howsha loo idmay ee la xiririta sugidda amniga goobaha doorashooyinka, wuxuuna markaan ku sugan yahay magaalada Garowe ee dowlad goboleedka Puntland. Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga caasimada maamulka Puntland ee Garoowe, ayaa kulan la qaatay Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Ku-simaha madaxweynaha iyo Taliye Xijaar ayaa ka wada-hadlay sidii dowladda federaalka iyo maamulka Puntland ay uga wada shaqeyn lahaayeen dar-dar gelinta arrimaha doorashooyinka, oo dhawaan heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa sidoo kale waxa diirad lagu saaray sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen sugida Amniga doorashooyinka labada aqal, gaar ahaan kuwa lagu qabanayo deegaanada Puntland. Taliyaha wuxuu kormeer ku sameeyay dhawr goobood oo ay ka dhici doonto doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana wehliyay saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland. Qiimeynta ay sameeyeen waxey kaliya ku wajahneed magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana Booliska Soomaaliya loo xil saaray iney sugaan amniga iyo isku-dubaridka doorashooyinka. Taliyaha wuxuu kormeer arrimahaan doorashooyinka la xiriira ku tagay Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana la rajeynayaa inuu tago maamulada kale ee haray sida Jubbaland iyo Hirshabelle, si uu ammaanka doorashooyinka uga agaasimo. Bishaan Novembar wuxuu dalka galayaa doorashooyin, waxaana la filayaa in laga bilaabo labada aqal ee Baarlamaanka, sidaas darteed maamul walba waxaa loo asteeyay laba meelood oo la dhigi doono kuraasta xildhibaanada aqalka hoose. Taliyaha wuxuu u muuqdaa mid si hordhac ah u fulinaya hawlahiisa iyadoo doorashada wakhtigeeda rasmiga ah aan la shaacin. The post XIJAAR oo qorshe la xiriira doorashada ka billaabay magaalooyinka Puntland first appeared on Caasimada Online.
  10. SOMALILAND DOORASHOOYIN MA KA DHACAYAAN , HADIIBA LA QABTO GOORMA AYEY DHACAYAAN ? Waa su’aalo u baahan in jawaabo loo helo , maanta Gudomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland oo gudida joogtada ah ee Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland wax ka weydiiyeen ayaa yidhi yaan sas laga qaadin labada doorasho ee isku sidkan xeer baa sheegaye? Haddana waxa kale oo uu ka hadlay in diwaan galintii codbixeyaasha la bilaabi doono oo aanay wali hawshaasi dhamaystirin ee ay ku jiraan , hadalkiisa kuma cada xiliga la bilaabayo, xiliga ay doorashadu mudeysan tahay iyo qaabka ay noqon doonaan. Haddaba horta Gudomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland waxa aan leeyahay doorashada isku sidkan xeerku waajib kamuu dhigin, ee farsamadeeda waxa leh komishanka doorashooyinka jamhuuriyada Somaliland oo waa hawl kuu taalla sida aad isku waafajinayso iyo waliba furistii ururada siyaasada waxa laga yeelayo oo ay saameyn ku yeelanayaan doorashooyinkiisu. Xeerka doorashada Xeer Lr 91/2020 waxa uu qorayaa qodobkiisa 6aad faqradiisa 3aad komishanka doorashooyinku waxa uu markiiba wada qaban karaa hal doorasho iyo waxii ka badan hadii ay haboonaato. Qodobkaasi waxa loogu talogalay in hadii doorashooyinka jamhuuriyada Somaliland ee baahsan la soo ururinayo in aanu xeer xanibin, laakiin farsamada waxa iska leh komishanka oo ah cida sheegaysa in ay qaban karaan mar hal doorasho iyo waxii ka badan, laakiin waxa muhiim ah doorashada isku sidkani in aanay qaranka caqabad kale galinin oo ka daran tan qabsoomid la’aanta doorashada. Waxa kale oo hawlaha komishanka ka muuqda in aanay ka hawlgalin daneeyayaasha doorashooyinka soo socda oo aan kaliya aheyn sadexda xisbi qaran , maadaama ay suuragal tahay in tartankii ururada siyaasada lagu dhawaaqo inkasta oo aanay xiligiisii gaadhin Laakiin doorashadii ay ahayd in lagu furaa ay meesha ka baxayso hadii mar lawada qabto 2021 doorashada Golaha wakiilada iyo deegaanka. Gudiga diwaan galinta ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland ayaa iyagana looga baahan yahay in ay ka hadlaan arinkan doorashada isku sidkan, si aanay meesha uga bixin tartankii ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka ee 2022 dhici lahaa , taasi oo caqabad sharci iyo murug siyaasadeed ku keenaysa qaranka maadaama ay jiraan muwaadiniin dooneysa in ay ururadii siyaasada furtaan. Xeer lr 14 qodobkiisa 6aad faqradiisa 5naad ayaa waxa ay si cad u qeexaysaa mudada xisbiyada siyaasada oo ah 10 sanadood kana bilaabmaysa maalinta shahaadada la siiyo , in ay shahaado haystaana waxa sheegaya Qodobka 8aad ee Xeer lr 14 faqradiisa 1aad. Qodobka 25naad ee isla Xeer lr 14 waxa uu sheegayaa in gudiga diwaan galinta ururada iyo axsaabta qaranku ay ku ilaaliso axsaabta siyaasada ee soo baxda tayeynta iyo habeynta xisbiyada qaranka oo ah maamul wanaag iyo dimuqaradiyad. Marka aad eegto sida wax isugu huursan yihiin isla markaana aan la hayn dad ka hadla waxa suuragalaya doorashada ay doonayaan axsaabta qaranka jamhuuriyada Somaliland oo meesha ka saari doonta Xuquuq siyaasadeed ay lahaayeen muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland ahna mid aan la laali karin . Waxa aanu u soo jeedinaynaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, Goleyaasha xeerdejinta dalka , komishanka doorashooyinka qaranku in ay arimahani u raadiyaan xal waara oo aan xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta Somaliland na meesha ka saarin dalkana ay doorasho uga dhacdo . Muxamed Dhimbiil Qaran News
  11. Kooxda Kubbadda Cagta Elman ayaa shaacisay in ay soo qaadatay macallin Muraad Cabdiqaadir Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada wax ku soo bartay qurbaha heer sarane ka gaaray xirfada tababarnimo,isagoo sheegayin uu aad ugu faraxsanahay hogaaminta naadiga Elman,wuxuuna taageerayaasha iyo maamulka kooxdiisa u balan-qaaday in uu gaarsiin doono guulo waaweyn mustaqbalka soo socda. “Waan ku faraxsanahay in aan macallin u noqdo kooxda Elman,waxaan u mahad-celinayaa maamulka,ciyaaryahanada iyo taageerayaasha sida wanaagsan ay soo dhaweeyeen,waxaan sidoo kale in aan halkan imaado door weyn ka qaatay guddoomiyihii hore naadiga Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje)” ayuu saxaafada isboortiga u sheegay tababraha kooxda kubbadda cagta Elman Muraad Cabdirqaadir. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/11/Whats-muraad.mp4 Guddoomiyihii hore kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa qeyb ka qaatay in tababare Muraad Cabdiqaadir Cabdiqaadir uu yimaado dalka,isagoo u rajeeyay guul iyo horomar. “Muraad waa macallin da’yar oo ku haboon shaqada loo igmaday,waxaan u arajaynayaa in uu ku guulaysto mudada uu hogaamindoono kooxda Elman”ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyihii hore kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar Garooje. Macallin Muraad Cabdiqaadir Maxamed wuxuu haystaa shahaada UEFA,isagoo inta uusan imaanin Soomaaliya soo maamulaya kooxda Solihull City ee ka dhisan Wadanka Ingiriiska “Gacmo furan ku soo dhawaaw macallin Muraad,Elman waxa ay kugu soo qaadatay qibradaada iyo aqoonta aad haystao,waxaan rajaynayaa in aan noo keento guulo,sidoo kale aad wax badan ku soo kordhiso kubbadda cagta Soomaaliya” ayuu warbaahinta u sheegay Cabdirashiid Cabdulle Maxamed (Joorje) oo ah Maamulaha Kooxda Kubbadda Cagta Elman https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/11/whats-opo.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay mowqifkeeda ku aadan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi (Somaliland) ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xili uu maalmihii u dambeeyay hadheeyay khilaaf xoogan. Madasha ayaa sheegtay inay adkayneyso ahmiyada iyo qiimaha ay siyaasiyiinta gobolada waqooyi ugu fadhiyaan dowladnimada dalkeeda, isla markaana ay rabto in hanaan hufan oo raali lagu wada yahay loo hirgeliyo doorashada xubnaha goboladaasi. Waxay si cad garab istaag ugu muujisay Madashu waraaq uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi, kaasi oo ku dalbanayay inuu magacaabo xubnaha guddiyada doorashada ee gobolada waqooyi, isla markaana uu kaga hor imanayey hanaankii lagu go’aamiyey heshiiskii Muqdisho ee doorashada 2020/2021. Madasha ayaa si adag uga digtay in hanaan aan loo mideysneyn ay jideeyan madaxda dalku, iyadoona soo jeedisay in hanaanka doorashadaasi lagu saleeyo habraacyadii meel-marka ahaa ee lagu galay doorashadii dad-baneyd ee 2016-kii. “Waxaan cadeyneynaa in guddoomiyaha aqalka sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu yahay mas’uulka ugu mudan xagga sharciga iyo nidaamka federaalka labadaba inuu magacaabo xubnaha guddiyada doorashada ee gobolada waqooyi, maadaama uu yahay siyaasiga ugu maamuuska sarreeya ee la doortay, hogaamiyana siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolladaas, isla markaasna hadda ah guddoomiyaha aqalka sare ee BFS” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha. Waxa kale oo war-saxaafadeedkaasi lagu yiri “Madashu waxay ugu baaqeysaa madaxda labada heer dowladeed in ay si wadajir ah u dhameystiraan wadar-ogolka hirgelinta hanaanka doorashooyinka 2020/2021 lagana fogaado waxkasta oo ku keeni kara muran iyo isqab-qabsi doorashooyinka loo madlan yahay” War-saxaafadeedkan maanta kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isgarab istaag loogu muujiyay qoraal uu Guddoomiye Cabdi Xaashi u kala diray madaxweyne Farmaajo, ra’iisal wasaare iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo uu ku dalbanayey inuu isaga soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi. Cabdi Xaashi ayaa qoraalkaasi ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada gobollada waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha dowlad goboleedyada. The post Madasha Xisbiyada oo ka soo horjeesatay qaabka loo xulayo xildhibaanada Gobollada Waqooyi ee BF first appeared on Caasimada Online.
  13. Bishaa soo socota ee Decembar ayuu ku egyahay Wakhtiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, inta badan Xildhibaanadu waxay aadeen Deegaanadii lagasoo doortay si ay kursigooda u difaacaan. [...] The post Nus ka mid ah Xildhibaanada Walhtigoodu dhamaadey ayaa ansixiyey Sharci cusub appeared first on . Source
  14. Dagaalka Siyaasadeed ee u dhexeeya Xukuumada Itoobiya iyo Maamulka Tigreega ayaa cirka galay tasoo laga cabsi qabo in Tigreya iyo Amxaatadu ay Iskaashi Siyaasadeed yeeshaan [...] The post Tigreya Waa Awooda Ciidan ee uguweyn Geeska Afrika appeared first on . Source
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharci muhiim ah kadib markii ay kulan caadi ah ku yeesheen xaruntooda kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka Koowaad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kulanka shir gudoominayay, waxaana lagu ansixiyay Hindise-Sharciyadeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta & Aqoonsiga Dadweynaha. Kulanka waxaa soo xaadiray 143 mudane, iyadoo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay sharciga miiska saarnaa, ma jirin xildhibaan ka aamusan iyo mid diiday toona. Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka waxey akhriyeen markii labaad hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka, dib ayaana la isugu soo laaban doonaa si go’aan looga gaaro. Gudoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal C/raxmaan wuxuu aad ugu mahad celiyay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka isagoo sharciga la ansixiyay ku tilmaamay mid sax ah. Xildhibaanada Baarlamaanka muddo xileedkooda waa gabaabsi, waxaana bishaan gudaheeda bilaaban doona doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka kuwaas oo ka kala dhici doona goobo lagu cayimay heshiiskii ay gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. The post Xildhibaanada BF oo maanta ansixiyay sharci muhiim ah first appeared on Caasimada Online.
  16. Xildhibaannada goloha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey mid ka mid ah sharciyo maanta la horgeeyey. Ajandaha kulanka ayaa ahaa akhrinta saddexaad hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda dii-wangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaliyeed iyo akhrinta 2aad Marsiiyaan H/Sharciyeedka hey’adda Socdaalka. Xildhibaannada ayaa dood ka dib meel mariyey sharcigaan, waxaana u codeeyey 143 mudane ma jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay. Dhinaca kale, golaha ayaa kulankoodii akhrinta saddexaad ku marsiiyey Hindise sharciyeedka hey’ada diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. SIDRA: Puntland Government should urge the Federal Government to introduce a new reliable paper money to replace the already shrinking market of the local currency. Introduction After scrutinising at the actual situation in Puntland we seem to have come to the conclusion that the simple answer is NO for the claimed Puntland inflationary predicament. Let us draw our facts from some reliable sources a few key lines to answer this big question at this point in time. Before we do that, we will attempt in this Policy Briefing to make some inherent definitional confusions between inflation and devaluation (depreciation) in Puntland as well as deflation and revaluation (appreciation). It is not clear that these phenomena occur in two distinct markets (Financial Market and Goods & Services). We will begin to make some clarification on these definitional transcriptions: Devaluation (Depreciation) An increase in the Exchange rate (SoSh/US$) is NOT inflation but can cause or influence inflation rates provided that all people in Puntland use the SoSh; Revaluation refers to an upward adjustment to the country’s official exchange rate the relative to price of the foreign currency (US$). In the same vein appreciation of a currency associated with a floating or managed floating exchange rate system. Whereas revaluation of a currency is associated with the fixed exchange rate regime. Impacts of appreciation and revaluation of a currency. Exports: Appreciation and revaluation of currency make the exports less competitive in the international market. In other words, both appreciation and revaluation have similar impacts but they have some differences. Revaluation increases the value of the domestic currency with respect to the foreign currency. Revaluation is a feature of the fixed exchange rate regime, where the exchange rate is determined by the central bank or the government. Revaluation is opposite to devaluation, (or depreciation) which is a downward adjustment. Download the briefDownload The post Do we really have an Inflationary pressure in Puntland? appeared first on Puntland Post.
  18. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada Graoowe ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wefdi uu hoggaaminayo. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya uu Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya. “Taliyaha Ciidamada Booliska DFS ayaa Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri Qoraalka. Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen Xijaar oo haatan ku sugan Garoowe ayaa saacadihii la soo dhaafay booqday xarumaha kala duwan ee Booliiska Garoowe iyo Goobaha loo diyaariyay Doorashada Xildhibaannada Baarlamanka heer Federaal halkaas oo uu kormeer ku sameeyay. PUNTLAND POST The post Karaash iyo Xijaar oo kulan ku yeeshay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  19. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo dhagax dhigey dib-u-dhiska iyo dayactirka dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa tilmaamay in ay go’an tahay xukuumadda dhismaha xarumihii hay’adaha dowladda ee ku burburay dagaallada. Mudane Mahdi ayaa sheegay in labada wasaaradood ay muhiimad weyn u leeyihiin dalka, una mahad celiyey cid walba oo gacan ka geysanaysa dib-u-dhiskooda. “Dib-u-dhiska dhiska xarunta Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta, Awqaafta waxay ka tarjumaysaa muhiimadda ay u leeyihiin dalkaan, gaar ahaan arrimaha caddaaladda iyo Diinta oo Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siineyso”. Dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta oo ku burburay dagaalladii dalka soo maray ayaa lagu dhisayaa barmaanijka Isxilqaan ee ay hormuudka u yihiin Shaqaalaha dowladda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo dhagax dhigey dib-u-dhiska Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta appeared first on Puntland Post.
  20. Jowhar (Caasimada Online) – Waxa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabeelle ay ka bilaabato diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoonka baarlamaanka maamulka, xili shalay lasoo saaray jadwalka doorashadaasi. War kasoo baxay Guddiga ayaa shalay waxa lagu sheegay in maanta oo Isniin ah ay bilaabaneyso qabashada Araajida musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, halka 3-da Bisha November oo ku aadan Talaalada ay musharixiinta jeedin doonaan khudbadahooda. Jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka oo u muuqday mid deg-deg ah ayaa waxa lagu soo koobay in saddex maalin gudahooda ay ku dhacdo doorashadaasi, oo loolan adag ugu jiraan dhinacyo badan. Waxaana jira xubno badan oo isku taagay jagada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, kuwaas oo isugu jira kuwa ku cusub saaxada siyaasadda iyo kuwo horay xilal u soo qabtay, waxaana xubnaha musharaxnimadooda ku dhawaaqay kamid ah: 1: Canab Axmed Ciise: Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaankii 1aad ee Hirshabelle 2: Xildhibaan Siraaji Sheikh Isaaq: oo u sharaxan Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka Hir-shabeelle. 3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan: u sharaxan Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee baarlamaanka Hir-shabeelle. Waxa kale oo iyaguna jira shaqsiyaad loolan xoogan ugu jira qabashada xilalkaasi, kuwaasi oo la soo warinayo inay ku kala hirdamayaan mucaaridka iyo dowladda federaalka oo madaxdeedu ay rabto inay markale soo laabtaan. Arrimahan dhan ayaa imanaya xili maanta amaanka caasimada maamulka HirShabeelle si weyn loo adkeeyay, iyada oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin miisaan culus ku leh dalka, oo isha ku haya hanaanka doorasho ee maamulkaasi. The post Loolan cusub oo ka billowday HirShabeelle iyo wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
  21. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo dhagax dhigey dib-u-dhiska iyo dayactirka dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa tilmaamay in ay go’an tahay xukuumadda dhismaha xarumihii hay’adaha dowladda ee ku burburay dagaallada. Mudane Mahdi ayaa sheegay in labada wasaaradood ay muhiimad weyn u leeyihiin dalka, una mahad celiyey cid walba oo gacan ka geysanaysa dib-u-dhiskooda. “Dib-u-dhiska dhiska xarunta Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta, Awqaafta waxay ka tarjumaysaa muhiimadda ay u leeyihiin dalkaan, gaar ahaan arrimaha caddaaladda iyo Diinta oo Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siineyso”. Dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta oo ku burburay dagaalladii dalka soo maray ayaa lagu dhisayaa barmaanijka Isxilqaan ee ay hormuudka u yihiin Shaqaalaha dowladda. View the full article
  22. Maamulka, macalimiinta iyo ardayda iskuulka faca weyn ee Hoyga Xamar ayaa maanta dhigay isu soo bax ay uga cabanayaan ganacsatado dhulka boob ku hayo xarunta iskuulkaasi oo ay leedahay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya. Ganacsatada ayaa dooneysa in ay deegaan u bedalaan dhismaha iskuulka, sida uu shaaciyey maamulka dugsiga Hoyga Xamar Dibad-baxa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay midowga dugsiyada gobolka Banaadir & Abuukar Cawaale (Qaad Diid) oo isagu ka mid ahaa dadkii ka aflaxay Hoyga Xamar. Ardayda iyo macalimiinta ka qeb-galay banaan-baxan ayaa ku qeylinayey (Farmaajo noo hiili) iyo erayo kale oo ay ku cabirayeen dareenkooda. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/WARKA-ZAAKRIYE-HOYGA-XMAR.mp3 View the full article