Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/Warka-Subax-04112020.mp3 View the full article
  2. Ilhaan Cumar oo ah Gabadha keliya ee Soomaaliyeed, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraykanka, ayaa saacado ka hor dib loo doortay kadib markii ay difaacatay kursigeeda. Mrs Ilhaan oo ay tartan adag la galeen musharixiin dhawr ah, ayaa dhammaantood kaga guulaysatay Kursiga, iyadoo doorashada ay codkooda ka dhiibteen Soomaali badan. Ilhaan Cumar ayaa 2018-kii, waxa ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo loo doorto in ay xubin ka noqoto Aqalka Koongareeska ee waddanka Mareykanka. Ilhaan Cumar, ayaa waxa maalintii dhaarinta lagu dhaariyey bannaanka Aqalka Koongareeska ee Mareykanka, iyadoo la timid Kitaab Qu’raan ah oo uu awoowgeed horay hadiyad ahaan ugu siiyay. PUNTLAND POST The post Ilhaan Cumar oo mar kale dib loogu doortay Aqalka Kongarayska Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar ku siiyay millatariga dalkiisa in ay gutaan waajibadkooda ah in dalka iyo dadka la badbaadiyo, islamarkana ay tallaabo ka qaadaan gobolka Tigreeda oo ku eedeeyay inay dagaal bilaabeen. Raysal wasaaraha ayaa xisbiga TPLF ku eedeeyay inay weerareen saldhig millatari oo ku yaalla gobolka. TPLF ayaa hore waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyriska Corona si uu awoodda u sii hayo maadama waqtigiisu ku ee kaa bisha October. Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku eedeeysay gooni TPLF inay ka dambeeyeen qulqulutooyinka ka dhacay meelo dalka ka mid ah. Sida ay sheegtay shirkadda la socodka xorriyadda internet-ka ee Netblocks- waxaa gobolka Tigreeda ka go’an maanta internetka iyo khadka talefoonada. Bayaanka uu soo saaray rai’sul wasaaraha ayaa waxaa uu ku yidhi “in khadka cas laga tallaabay” islamarkana si dadka iyo dalka loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado,” TPLF. Horraantii toddobaadkan gudoomiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay maamulka rai’sul wasaare Abiy in ay kala shaqeynayaan dowladda dalka Eritrea si loo diyaariyo weerar gobolka lagu soo qaado. Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sanno markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay 2018. Balse TPLF ayaa waxay wali ka taliyaan gobolka Tigreeda. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli muddo bilo ah ay sii kordhaysay xiisadda u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Tigreega. Waxay sidoo kale arrintani ay ku soo beegmaysaa xilli maalintii shalay ahayd 32 qof oo amxaaro ah lagu dilay gobolka Oromiya. Source
  4. Orlando, Florida – President Donald Trump’s victory in Florida on election night kept his chances for a second term alive but unlike past presidential election cycles, this race will not hinge on the Sunshine State. Source: Hiiraan Online
  5. (SLT-Washington)-Waxaa la dhammeystiray tirinta cododka kursiga Degmada 5aad ee gobalka Minnesota ee laga soo doorto Xildhibaan Ilhan Omar oo markale si fudud uga guulleysatay murashaxiintii la tartameysay. Ilhan Omar ayaa heshay 64,6% cododka la tiriyey iyadoo si fudud uga guulleysatay murashaxii xisbi Xaakimka ee Jamhuuriga, Ilhan ayaa hore uga soo guulleysatay murashaxiin kula tartamey xisbiga dimuquraadiga dhexdiisa kuwaasi oo la sheegay inay maalgelinayeen Tujaarta taageerta Maamulka Israa’iil. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale ololihiisa sii gaar ah ugu weeraray Ilhan Omar iyo waliba guud ahaan Soomaalida, isagoo ugu baaqay taageerayaashiisa inay ka shaqeeyaan inaan markale la dooran Ilhan Omar. Inkastoo guusha Ilhan Omar lagu dhawaaqay waxaa weli socota tirinta cododka Doorashada Madaxweyna ee gobalada kala duwan ee dalka Maraykanka, waxaa sidoo kale loolankan adag uu ka socdaa kuraasta labada Aqal ee Kongareeska Maraykanka. Source
  6. If you were going to have a creature named after you then a scorpion may not be your first choice, but Ahmed Ibrahim Awale believes the pandinurus awalei will serve as an inspiration to budding Somali scientists. Source: Hiiraan Online
  7. (SLT-Kampala)-Hoggaamiyaha Xisbiga National Unity Party ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha doorashada Yugandha ee la qorsheenayo inay dhacdo sannadka 2021. Robert Kyagulanyi, oo ah heesaa isubedalay siyaasi ayaa caan ku ah magaca Bobi Wine waana 38 sanno jir doonaya inuu xilka ka tuuro Madaxweynaha mudada dheer ka talinayey Ugandha ee Yuweri Musefeni. Bobi Wine ayaa kadib markii loo fasaxay inuu tartanka ka qeyb geli karo sheegay in dhalinyarada Yugandha ay doonayaan inay iska xoreeyaan Kalitaliska Musefeni ee dalkaasi kasoo talinayey 35 sanno. Maaha markii ugu horreysay oo la xidho siyaasigan oo taageero badan ka heysta dhalinyarada, Taliska Booliiska ayaan weli wax war ah kasoo saarin xadhigiisa Source
  8. As Trump considers withdrawing US troops from Somalia, Somali analysts believe this is dangerous rhetoric which has more to do with domestic politics than security in Somalia and the wider region. On October 13, Bloomberg reported that US President Donald Trump asked the Pentagon to develop a strategy to withdraw troops from Somalia where they support the Somali government’s fight against Al Shabab with a “quasi-coalition” that also includes the EU, the UK, the AU and Turkey. Source: Hiiraan Online
  9. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka. “Kooxda TPLF waxay weerareen xero militari oo ku taalla gobolka, waxayna isku dayeen inay bililiqeystaan hanti militari,” ayuu Abiy ku yiri qoraallo uu soo dhigay facebook iyo twitter. “Ciidamadeena difaaca waxaan amray inay fuliyaan howl-gal lagu bad-baadinayo dalka. Waxaa laga gudbay diilintii ugu dambeysay ee caseyd. Waxaa ciidamada loo adeegsanayaa tallaabada kama dambeysta ah ee lagu bad-baadinayo shacabka iyo dalka,” ayuu yiri. Illaa iyo hadda wax faah-faahin lagama hayo weerarka la tuhunsan yahay inuu ka dhacay gobolka Tigray, waxaana gobolka laga jaray isgaarsiinta iyo internet-ka. Waxaan sidoo kale caddeyn inta ay la ekaan doonto jawaabta ay bixinayaan militariga federaalka, inkasta oo diblomaasiyiinta iyo taxliiliyayaasha ay muddo ka digayeen in is mari-waaga u dhaxeeya dowladda iyo TPLF uu isku rogi doono dagaal buuxa. TPLF ayaa muddo ku dhow 30 sano xukumayey Ethiopia ka hor inta anau Abiy xukunka la wareegin sanaddii 2018. Intii uu xukunka hayey Abiy, hogaamiyayaasha Tigray ayaa si joogto ah uga cabanayey in si aan caddaalad aheyn loola beegsaday dacwado la xiriira musuq-maasuq, laga eryey xilal badan oo sare, islamarkaana dusha laga saaray mas’uuliyadda dhibaatooyinka dalka ka jira. Xiisadda labada dhinac ayaa kasii dartay horranatii sanadkan markii dowladda ay dib u dhigtay doorahsooyinkii dalka, ayada oo qiil ka dhiganeysa cudurka Coronavirus, taasi oo ay ka hor-yimaadeen TPLF. Gobolka Tigray ayaa kadib sheegay inuusan aqoonsaneyn dowladda Abiy, oo ay sheegeen inuu waqtiga ka dhammaaday bishii August, waxayna qabteen doorasho u gaar ah, taasi oo dowladda iyana ay dhankeeda sheegtay inaysan aqoonsaneyn. Ma cadda sida xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxay u muuqataa in Ethiopia ay lugaha la gashay dagaal muddo laga cabsi qabay lagana digayey. The post Abiy Ahmed oo ciidamada Ethiopia amray dagaal lagu qaado gobolka Tigray-ga first appeared on Caasimada Online.
  10. Rep. Ilhan Omar (D) is project to win reelection to her House seat in Minnesota, brushing aside a challenge from a Republican tech entrepreneur in securing a second term on Capitol Hill. Source: Hiiraan Online
  11. The Kenyan government on Tuesday announced a shift to e-visa services effective January 1, 2021. Source: Hiiraan Online
  12. Seynab Haji Ali Siigaale, widely known as Baxsan, passed away on 19 October 2020 and was buried a day later in Sheikh Sufi Cemetery behind the Somali National Theatre building in the capital Mogadishu. Along with the likes of Halima Khalif Omar ‘Magool’, Baxsan was one of the most popular female Somali singers of all time. Almost 60 years after she embarked on her singing career, it remains impossible to find anyone in Somalia who doesn’t recognise her name. Source: Hiiraan Online
  13. Forget using up a lunch break. This election, with its massive increase in absentee ballots due to the coronavirus pandemic, saw some voters taking desperate measures in order to get to the polls in time. Source: Hiiraan Online
  14. For many Minnesotans from immigrant communities, the political is personal. Since Donald J. Trump first came down an escalator calling Mexicans rapists, he has made immigration restrictions the central policy platform of his campaign and his presidency. In rally appearances in Minnesota and farther afield, Trump has singled out Minnesota’s immigrant and refugee communities with taunts and insults. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ugaaska guud ee beesha Xawaadle,Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyagoo kulankooda ahaa mid looga hadlayay arrimaha gobolka Hiiraan iyo dhismaha HirShabeelle. Ugaas Khalif oo mudo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulankii labaad la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, waxayna si gaar ah ugu wada hadleen geedi socodka nabadeed iyo dhismaha maamulka HirShabeelle ee cusub oo loo dhan yahay. Ugaaska Khalif ayaa lagu warramay inuu la dhacsan yahay qaabka dowladda federaalka wax u maamuleyso ee dhismaha HirShabeelle, isagoona u muuqda inuu ku taageerayo dowladda dhismaha maamulka la filaayo in HirShabeelle yeelato. Ugaas Xasan oo horay looga bartay mucaaradnimo iyo inuu kasoo horjeesto maamuladii hore ee Hirshabeelle xiligii dowladdii Xasan Sheekh ayaa hadda si aad ah ula dhacsan nidaamka socda. Warar lagu kasloon yahay ayaa sheegaya in magacaabida wasiirka arrimaha gudaha uu ku yimid dalabka Ugaas Khaliif, taasoo u sabab ah inuu aqbalo nidaamka doorasho ee Hirshabeelle xiligaan ka socda. Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda ay ku tixgelineyso Ugaaska soo xulida xubnaha xildhibaanada beesha Xawaadle ee ugu mid noqonaya baarlamaanka Somalia. Ugaas Khalif ayaa lagu xasuustaa go’aanadiisii mayalka adkaa ee uu kaga horyimid dowladdii Xasan Sheekh iyo eedeymihii uu warbaahinta ugu gudbin jiray. The post Maxaa kasoo baxay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo ugaaska beesha Xawaadle? first appeared on Caasimada Online.
  16. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahin ayaa xafiiskeeda ku qaabishay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka Sadik Syed. Wasiir Xaniifa Maxamed ayaa sheegtay in Soomaaliya tallaabooyin u qaadday ka qeyb galka siyaasadda haweenka, iyadoo ballan qaadday in ay sii wadi doonto taageerada ay siinayso hirgalinta Axdiga Haweenka Soomaaliyeed oo la jaal ah qaraarka Qarammada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1,325. Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka Sadik Syed ayaa wasaaradda haweenka ku ammaanay dadaallada ay waddo,isagoo wasiirka cusub ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay. PUNTLAND POST The post Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo la kulantay Madaxa Q.Midoobay ee Arrimaha Haweenka appeared first on Puntland Post.
  17. Sheekh Salaad ku tukaday Macbadka Hindu-ga Gudihiisa ka dibna la xidhay+Sababta Faysal khan Nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo lagu magacaabo Faysal Khan ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay in uu salaad ku dhex tukaday mandar ama macbad ay Hindu-ga leeyihiin oo ku yaalla deegaan lagu magacaabo Mathura ee gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya. Dhowaan ayaa laga gudbiyay dacwad ka dhan ah Faysal khan iyo seddax qof oo kale oo la socotay oo salaadda ku tukaday macbadka 29-kii bishii October. Kiiska dacwadda wuxuu la xiriiraa in Faysal iyo Chand Muhammad ay dad kale salaad ku tujiyeen macbadka Nandababa ee degmada Mathura. Xilligaas waxaa kaloo la socday Nilesh Gupta iyo Alok Ratan oo ka mid ah dadka ay isla shaqeeyaan. Raggan oo ka safray magaalada Delhi waxay Mathura u tageen in ay la kulmaan baadariyaal iyo dad kale iyo in arrimo diini ah ay uga hadlaan Mandarka Nandababa temple. Faysal Khan, ka hor intii aan la xirin, wuxuu BBC u sheegay, “Waxaan booqanay goobo 84 ah. Ka dib markii aan dhameynay kulamada, waxaan aadnay macbadka Nandababa. Ka dib markii wadaadka uu noo ogolaaday, waan waysaysanay waana tukanay. Balse hadda waxaan oganay in dacwad na laga gudbiyay”. “Xilligii aan tukaneynay Wadaadadii Mandarka way nagu faraxsanaayeen, waxay ahaayeen rag jaceyl horey u socodka, waan hubaa in cadaadis ay la kulmayaan.” Sushil Goswami, oo ka tirsan shaqaalaha Nanda Baba temple, wuxuu BBC u sheegay in iyaga ay u ogolaadeen raggan in halkaa ay ku tukadaan, balse sawirkii laga qaaday ayaa baahay, waxaana ka carooday dad badan oo deegaanka ah. Sushil Goswami wuxuu yiri: “Faysal Khan wuxuu isku tilmaamay maskaxda isu soo dhoweyneysa labada diimood. Markii uu tukaday, wuxuu iska qaaday sawir isagoo joogay meel u dhow albaabka. Ma sheegi karin in uu meeshaas ka aadimay ama uu sawir keli ah iskaga qaaday”. “Markii sawirka uu ku faafay baraha bulshada ayaan ogaanay dhacdada. Waxaa ka cadhooday bulshada Goswami. Waxaan hadda dalbaneynaa in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo dhacdada,” ayuu hadalka ku sii daray. Faysal Khan iyo raggii la socday waxaa lala xiriiriyaa dhaqdhaqaaq bulsho oo lagu magacaabo ‘Khudai Khidmatgar’. Khudai Khidmatgar waa hay’ad aan dowli ahayn oo ka dhisan Delhi taas oo sheegtay in ay ka shaqeyso nabadda, walaaltinimada iyo isu dulqaadashada bulshooyiinka. Afhayeenka hay’adda, Pawan Yadav, wuxuu sheegay in ay dadaal badan geliyaan sidii ay isugu soo dhoweyn lahaayeen bulshooyiinka haysta diimaha kala duwan, iyo in ay arrintaa dhiirageliyaan. Faysal Khan iyo asxaabtiisa waxay hay’addan Khudai Khidmatgar Sangathan billaabeen sannadkii 2011-kii, waxayna sheegeen in ay faafiyaan farriimaha is dhexgalka iyo is jaceylka bulshooyiinka, taasna ay tahay ujeedadooda ugu horreysa. Hay’ad isla magacaa Khudai Khidmatgar wadatay waxaa sannadkii 1929 aasaasay hoggaamiye la socday Gandhi oo lagu magacaabay Khan Abdul Ghaffar Khan. Xilligaas waxaa socday ololihii xuriyad doonkii Hindiya. Faysal Khan wuxuu sheegay in ujeedada hay’addan ay tahay mid la mid ah tii hore. Taariikhda Faysal Khan Faysal Khan, oo 48 sano jir ah, wuxuu ka soo jeedaa deegaanka Kayamganj ee degmada Farrukhaba oo ka tirsan gobolka Utter Pradesh. Wuxuu wax ka bartay Jaamacadda Islaamiga ah ee Aligarh Muslim, ka dib wuxuu noqday qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada. Xilligii uu jaamacadda dhiganayay wuxuu ku biiray dadkii bulshada u dhaqdhaqaaqayay sida Medha Patekar iyo Dr Sandeep Pandey. Pawan Yadav, oo saaxiib dhow la ah Faysal wuxuu yiri: “Walaalahan Faysal iyo Dr. Sandeep Pandey, waxay ka mid ahaayeen koox u safartay Lahore si ay bulshada iyo diimaha isugu soo dhoweeyaan, sannadkii 1990-maadkii. Faysal ayaa sidoo kale ka mid noqday dhaqdhaqaaqyo kale oo kala duwan oo arrimaha bulshada la xiriira. “Ka dib, sannadkii 2011-kii, wuxuu aasaasay Khudai Khidmatgar Sanstha, si bulshada uu ugu adeego, sidoo kale waxay hay’addiisa qabataa kulamo. Waxaa xubno firfircoon ka ah illaa 70 qof “, ayuu yiri ninkaa ay sida weyn isugu dhow yihiin. Faysal Khan wuxuu hadda ku nool yahay aagga Jamia Nagar ee Delhi, waxaana la xiray Isniintii. Sannadkii 2015-kii, Faysal wuxuu xaafad lagu magacaabo Ghaffar Manzil, ka dhisay guri wayn oo lagu magacaabo ‘Sabka Ghar’ kaas oo ay ku wada nool yihiin dad haysta diimo kala duwan. Dadkaas islama noola oo keli ah, balse waxay xitaa wadaagaan dabaaldegyada iyo xafladaha iyagoo raacaya diinta ay aaminsan yihiin. Dr. Kush Kumar oo ay isla shaqeeyaan Faysal, isuna raacaan meel kasta, wuxuu BBC u sheegay: “Faysal Bhai waxaan la kulmay xilli aan daweynayay bukaan. Ka dib waxaan ogaaday in uu bulshada u dhaqdhaqaaqo. Waan arkay shaqadiisa waxaana ogaaday in isaga iyo hay’adda ay shaqo fiican hayaan. Ma jirto arrin ay gacmaha ka laabanayaan gaar ahaan in kalgacayl laga dhex abuuro bulshada. Markii ay dib u soo celinayeen Khudai Khidgatgar, waan la joogay”. Dr Kush wuxuu sheegay in la cambaareeyo in raggan ay Mandar ku dhex tukadeen ay sabab u tahay in dadka aysan la qabsan iyo in ay fahamkooda dhaafsiisan tahay. Waxa keliya ee aan ka shaqeyneyno waa isu soo dhoweyn. Sida uu dhaqtarkaas sheegay, Faysal wuxuu korka ka xifdiyay dhammaan diimaha iyo waxa ay dhigayaan. Sidoo kale waa xaafidul-Quraan. Faysal Khan wuxuu si aad ah ugu dhex safray Hindiya, sidoo kale wuxuu booqday dalal kale, wuxuuna intaa ka shaqeynayay arrimaha bulshada. Kush wuxuu sheegayaan in Faysal uu yahay tusaalaha bulshada iyo is dhexgalkeeda, wuxuuna isu keenaa dad kala aaminsan caqiidooyiin kala duwan, sida dabaaldegyada Holi, Diwali, Ciid, Christmas. Dr Kush wuxuu beeniyay in ay jirto meel ka baxsan Hindiya oo Faysal uu dhaqaale ka helo. Lacagta waxaa ku tabaruca shaqaalaha hay’adda ka tirsan iyo dad kale oo sadaqeysta, sida uu aaminsan yahay. Wuxuu afhayeenka hay’addaas, Pawan Yadav, sheegay in aysan jirin meel kale oo shilin lacag ah ay ka helaan. Sidoo kale, waxaa horey u jiray kiisas dacwo ah oo laga gudbiyay Faysal iyo hay’addiisa. Sannadkii la soo dhaafay, xilli uu safar usii ahaa Kashmiir, waxaa laga soo celiyay garoonka diyaaradaha, waxaana loo diiday in uu halkaas aado. Xilligaas waxaa la socday dad kale sida Dr. Sandeep Pandey. Dhammaantoodna waa loo diiday in ay Kashmiir u safraan. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Doorashooyinka guud ee dalka Soomaaliya ayaa bilaaban doona bishan iyadoo taxnaan doonta sida jadwalka yahay ilaa bisha February ee sanadka soo aadan, waxaana jirta hadal heyn badan oo dhan walba ah. Siyaasiyiinta xildoonka ah ee Soomaaliya waxey wadaan olole uu mid walba ku doonayo inuu kursiga looga arrimiyo dalka ku fariisto afarta sano ee soo socota, waxaana inta badan ay ololayaashu ka socdaan dalka bannaankiisa. Haddaba maxey tahay hadal heynta uu Muqdisho ka dhex abuuray hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame? Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ka mid yahay tiro musharaxiin la ogyahay iney mar kale isu soo taagi doonaan doorashada, wuxuuna muddadii ay dowladdaan jirtay caan ku noqday mucaaradnimo fagaare ka hadal u badan, balse markaan wuxuu sameeyay hadal heyn. Hogaamiyaha xisbiga Wadajir wuxuu noqday musharaxii ugu horreeyay ee boorarkiisa ololaha ku dhajiya wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana aad looga hadal hayaa baraha bulshada maadaama uu xilli hore muujinayo doorkiisa. Waxaa la xasuustaa in hogaamiyaha uu sanadkii 2017 aad u tartamay, balse ma gaarin wareegyada ugu dambeeya walow uu markaan filanayo inuu kaalintii hore mid ka xoogan soo bandhigo. Bishaan November waxaa bilaabanaya doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka labada aqal ee (Aqalka sare) iyo Golaha Shacabka, waxaana jira loolan adag oo u dhaxeeya musharaxiinta taasoo salka ku heysa cidda kusoo baxeysa xildhibaanka, balse wax walba waxey kala cadaan doonaan mudooyinka soo socda. The post Maxey tahay hadal heynta uu CC Shakuur abuuray ee la xiriirta ololaha doorasho? first appeared on Caasimada Online.
  19. Saddexda cinwaan ee aad beri ku waa bariisan karto Xilli ay bilaabatay codeynta doorashada Mareykanka xilli uu loolan adag ka dhex taagan yahay Trump iyo Biden ayaa weriyaha BBC-da ee waqooyiga Amerika Jon Sopel wuxuu sharraxayaa arrimo dhowr ah oo ku saabsan waxaa ay ku danbeyn doonto doorashada Mareykanka. Weriyaha BBC-da wuxuu sheegaya inay dhici karaan saddex arrimood oo suurogal noqon kara xilligan doorashada Mareykanka. Biden oo si fudud u guuleysta Arrinta ugu horreysa waxay tahay in natiijada ra’yi uruurinta ay tahay mid sax ah, Joe Biden wuxuu habeenkii Talaadada gaaraya guusha. Iyadoo uu jahwareer iyo khilaaf ka dhashay ololaha doorashada Mareykanka xilligan marka loo barbardhigo afar sano ka hor- Ra’yi uruurinta laga sameeyo dowladda dhexe iyo gobollada muhiimka ah waa kuwa aan waxbo iska baddalin oo sax ah. Biden wuxuu guud ahaan dalka ku hogaaminayay ra’yi uruurinta, wuxuu shacbiyad badan ka heystaa gobollo dhowr ah. Sida uu qorayo bogga FiveThirtyEight blog, sida ku xusan ra’yi uruurinta waxay cel celis ahaan kala horreeyaaan boqolkiiba 0.1 iyadoo ay isku dhawan yihiin. Marka aan tebineyno natiijada ra’yi uruurinta waxaan sheegnaa in in heerka khaladaadka natiijadaas ay noqon karaan in lagu daro ama laga jaro boqolkiiba 3, markaa boqolkiiba 0.1 oo ay wax isku baddaleen dhowr toddobaad kaddib waa arrin aanan la qiyaasi karin, weriyaha wuxuu sheegayaa in habeenka taaladada haddii natiijada ay noqoto middan uusan la yaabin doonin. Doorashada Mareykanka-codbixiyeyaal ku sugan gobolka Georgia Guul lama filaan ah oo usoo hoyato Trump Waana arrinta labaad ee suurtagalka ah, waa sida dhacday sanadkii 2016-kii, ra’yi uruurinta waxay noqon kartaa mid khalad ah, Donald Trump wuxuu mar labaad ku guuleysan karaa doorashada, arrinta muhiimka u ah guushiisa waa waxa ka socda gobollada Pennsylvania iyo Florida. Mana jirto cid rumeysan in ra’yi uruurinta muujineyso in saddex ama afar dhibcood uu Biden ku horreeyo gobolka Florida, sanadkan Trump wuxuu shacbiyad badan ka hesytaa dadka Laatinka ah marka loo barbardhigo doorashadii sanadkii 2016-kii. Gobolka dhaca galbeedka ee Pennsylvania, halkaas oo ay ku nool yihiin dadka caddaanka ah ee shaqeeyo waa arrin horseedeyso guusha madaxweynaha. Xilli Mareykanka uu ka jiray xayiraadda ka hortagga cudurka Covid-19, Tageerayaasha Trump ee ku kala sugnaa Florida, Ohio, Tennessee, Pennsylvania, North Carolina, Georgia iyo Virginia waxay u muuqdeen kuwa si weyn ugu sacab tumaya isla markaana qaddarin u hayo madaxweynaha. Siyaasiyiinta dimuqraadiga waxay dhaleeceynayeen madaxweynaha oo ay ku sheegeen in uu yahay qof qeyrul mas’uul ah oo isku keenayo kumanaan qof oo ka qeyb qaadanayo ololahiisa doorashada iyadoo dadkaas aysan kala fogaaneyn. Doorashada Mareykanka ayaa sanadkan si ka duwan kuwii hore u dhaceysaa iyadoo la adkeeyay nidaamka codeynta si looga hortaggo fiditaanka cudurka. Sababta kale ee ka qeyb qaadaneyso guusha Trump waxay tahay in Joe Biden uusan si wanaagsan ugu fiicneyn ololaha doorashada gaar ahaan marka ay timaaddo dhiiregelinta codbixiyeyaasha. Musharraxa xisbiga dimuqraadiga Doorashada Mareykanka, Joe Biden Guul lama filaan ah oo uu gaaro Biden Qodobkan wuxuu lamid yahay kii hore- natiijada ra’yi uruurinta waa been ah, xilligan marka laga reebo, ra’yi uruurinta waxay noqon kartaa mid khalad ah marka dhinaca kale loo fiiriyo, waxaa jiri kartaa suurtagalnimada ah in Biden uu guul weyn gaaro, waana doorasho xamaasad leh, sida dhacday markiii Ronald Reagan uu ka guuleystay Jimmy Carter sanadkii 1980-kii ama markii George HW Bush uu ka guulesytay Michael Dukakis sanadkii 1988-dii. Madaxweynaha waxaa la arkayay toddobaadkii ugu danbeeyay ee ololaha Trump- inay sare u kaceen kiisaska cudurka, iyadoo ay sare u kaceen dadka la seexinayo cisbitaallada halka tirada dhimashada ay maalin kasta gaartay 1000, tan iyo bishii March dhaqaalaha Mareykanka waxaa si ba’an u saameeyay cudurka. Xilligii ololaha doorashada Mareykanka sanadkii 2016-kii, Donald Trump wuxuu shacabka u gudbinayay farriin cad ah oo ah- in uu doonayay dhistaanka gidaarka Mexico, in musliimiinta uu ka mamnuuci doono Mareykanka, in uu soo cusbooneysiin doono heshiisyada ganacsi ee Mareykanka la galay dalalka iyo in uu xoojin doono wax soo saarka Mareykanka- Sanadkan wuxuu si cad uga hadlayay waxa uu noqon doono muddo xileedkiisa haddii mar labaad uu xilka qabto. Qaran News
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa wada-hadal ay yeesheen kasoo bixin wax natiijo ah. Somaliland ayaa deegaanadeeda todobaadkii hore ka mamnuucday Qaramada Midoobay kadib markii UN–ka uu soo saaray gudaha Somaliland ka fuliso qorshaha horumarinta Somaliya ee 5-ta sano soo socda, taasi oo Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ka hor timid, isla-markaana soo saartay amar ay ku joojinayso shaqooyinkii Hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen gudaha Somaliland. Ilaa hadda wax war ah oo labada dhinac kasoo saareen wada hadalkooda oo khadka isgaarsiinta ku dhex maray ma jirto, laakiin la isku fahmi waayay qaabka shaqo ee Qaramada Midoobay iyo heshiisyada caalamiga ee UN-ka ansixiyay. Somaliland ayaa ku doodeysa in ay ka madax banaan tahay Somalia, isla markaana ay tahay dowlad gooni ah, inkastoo aysan jirin cid aqoonsatay marka laga reebo dalka Taiwan oo isaga naftiisa caalamka aqoonsaneyn. The post Muuse Biixi iyo ergeyga QM ee Soomaaliya oo yeeshay wada-hadal lagu kala tegay first appeared on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqday qorshe cusub oo wax looga qabanayo Ayax fara badan oo ku habsan deegaano kamid ah gobolada dalka. Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Saciid Xuseen Ciid ayaa kulan looga hadlayo qorshahaasi la qaatay Wasiirka Beeraha Daaqa & Dhirta Galmudug, Axmed Nuur Xaaji oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay sidii loo kordhin lahaa dagaalka ka dhanka ah Ayaxa, oo baabi’iyey dalagyo ku beernaa Beero ku yaalla degaano ka tirsan maamulka Galmudug, sida uu sheegay wasiirka Beeraha maamulkaasi. Kulankaasi ayaa sidoo kale lagu lafo-guray sidii wasaaradda beeraha dowladda federaalka iyo tan Galmudug ay u kordhin lahaayeen la dagaalanka Ayaxa oo dhibaato ku haya degaano ka tirsan Maamulka Galmudug iyo deegaano kale. Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa sheegay in qorshaha dowladda ee ku aadan la dagaalanka ayaxu uu yahay kordhinta howl-galada iyo dagaalka ka dhanka Ayaxaasi, oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga soo gudbay dhinaca dalka Yemen. Waxaa uu xusay in deegaano badan oo ka tirsan Galmudug ay ka bilaabeen howl-gallo lagu buufinayo Ayaxa, isagoona xusay in maamulada kale ay kala hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha lagula dagaalayo Ayaxa. Ayaxa ayaa muddooyinkii dambe waxa uu dhibaato badan ku hayay deegaano ka tirsan dalka, gaar ahaan Maamulada Hir-Shabeelle & Galmudug oo uu ka baabi’iyey dalagyadii ku yaalay beeraha deegaanadaasi. The post DF Somalia oo Muqdisho uga dhowaaqday qorshe looga hortagayo dhibaato taagan first appeared on Caasimada Online.
  22. Addis Abeba- Prime Minister Abiy Ahmed has just announced that the National Defense Forces (ENDF), led by a command post, is given order to start military offensive against TPLF in Tigray regional state. Source: Hiiraan Online