Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Abeba- Prime Minister Abiy Ahmed has just announced that the National Defense Forces (ENDF), led by a command post, is given order to start military offensive against TPLF in Tigray regional state. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya kuwooda ka soo jeeda gobollada Woqooyi ee Somaliland ayaa si adag uga hor-yimid dalabkii gudoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in xubnaha Somaliland ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaal ay iyagu soo magacaaba doonaan. Xildhibaanadaas oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay u wakiisheen inay soo magacaawdo xubnaha Somaliland ku meteli doona guddiyadaas. Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayey ku eedeeyeen inuu dayacay masuuliyadaas, isla markaana uu xaq u lahaa inuu talo ku yeesho heshiisyadii doorashada ee lagu gaaray Dhusamareeb iyo Muqdisho, isagoo metelaya Somaliland. War-saxaafadeed ay ka soo saareen shirkaas waxay ku sheegeen in maadaama guddoomiye Cabdi Xaashi uu dayacay mas’uuliyadaas, uu madaxweyne Farmaajo ku metelayey heshiisyadii laga gaaray doorashada dalka. “Majiro heshiis ay gaareen siyaasiyiinta gobollada Waqooyi ugu jira dowladda federaalka, mana jirto cid uu guddoomiye Cabdi Xaashi kala tashaday ama ku metelo warqadii uu dhawaan soo saaray,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka xubnahaas ka soo jeeda Somaliland ay soo saareen. Sidoo kale war-saxaadfadeedkan waxaa eedeyn loogu jeediyey Madaxsha Xisbiyada Qaran oo taageero u muujisay dalabkii guddoomiye Cabdi Xaashi. Madasha Xisbiyada oo shalay soo saaray qoraal ku saabsan arrinta kuraasta gobollada waqooyi ayaa xukuumadda federaalka kula talisay in doorka doorashada kuraasta gobollada waqooyi looga dambeeyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, maadaama uu yahay masuulka ugu weyn ee la doortay. Hoos ka Daawo war-murtiyeedka The post Xildhibaanada Waqooyi oo kasoo horjeestay qorshaha Cabdi Xaashi, lana saftay xukuumadda first appeared on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/bar___Qubanaha-03112020.mp3 View the full article
  4. Galmudug ayaa heshiis laga gashay shirkad fadhiheedu magaalada London ee dalka Ingiriiska, taas oo la sheegay inay dhisi doonto dekedda Hobyo. Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug Saabir Shuuriye ayaa sheegay in dhismaha dekedda Hobyo uu heshiis kula saxiixday shirkad lagu magacaabo Oriental Terminal oo ah isbahaysi ka koooban saddex shirkadood oo ka soo kala jeeda Turkey, Ingiiriis iyo Soomaali. “Waxaan maanta heshiiska dhismaha dekedda Hobyo kula saxiixanay shirkadda Oriental Terminal oo ah isbahaysi ka koooban saddex shirkadood oo ka soo kala jeeda Turkey, Ingiiriis iyo Soomaali” ayuu yiri Saabir Shuuriye. Saabir oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “shirkadan oo saldhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska waxa ay Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug la gaartay heshiiskan kadib markii bilihii ugu dambeeyey aan kulamo kala duwan la qaadanay shirkadaha ugu tayada wanaagsan arrimaha horumarinta Dekedaha iyo Maamulka Mashaariicda waaweyn ee horumarinta kaabaayaasha Dhaqaalaha, Islamarkaana waafaqsan shuruudaha maalgashiga Galmudug, ee uu fadhigoodu yahay dalalka Turkey, UK, Belgium iyo Netherland”. Wasiirka Dekedaha Galmudug ayaa sheegay in heshiisku uu dhigayo in dhammaadka bishan ay dalka soo gaari doonaan kooxda hore ee sahanka, si ay u qiimeeyaan hababka kala duwan ee dhismaha iyo howlgelinta dekedda, farsamada, saameynta deegaanka & bay’ada iyo guud ahaan diyaarinta qorshe buuxa oo cilmiyeysan, islamarkaana waqtiyeysan oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, halka wajiga labaad ee dhismaha uu bilaaban doono bisha Maarso 2021. Saabir ayaa tilmaamay in heshiiska ay galeen shirkada dhisaysa dekedda Hobyo ay goobjoog ka ahaayeen sharciyaqaano ku takhasusay arrimaha badda oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Holman Fenwick Willan, kuwaas kala talinaya dhinaca sharciga Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Galmudug. PUNTLAND POST The post Galmudug oo heshiis la gashay shirkad dhisi doonta dekedda Hobyo appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo uu wehlinayay wasiirka qorsheynta maamulkaas oo maalmahaan ku suggnaa Muqdisho ayaa maanta xarunta Safaaradda Maraykanka waxaa ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Muqdisho. Xubnaha ay la kulmeen wasiirka iyo wafdigiisa ayaa Mareykanka u qaabilsan Barnaamijka Dembi baarista (CIP), xafiiska UNODC iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ay kala hadleen sidii Galmudug loogu tababar lahaa waaxda dambi barista ee Ciidamada Booliska Galmudug. “Wasaaradda amniga Galmudug waxay soo dhowaynaysaa wada shaqayn dhex Marta Barnaamijka INL iyo xafiiska qaramada midoobay ee UNODC gaar dhinaca tababarka waaxda Dembi Baarista ee ciidamada Booliiska Galmudug oo dhowaan ay wasaaradda amnigu aasaasayso” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Hogaamiyaha Xisbiga National Unity Party ayaa xabsiga loo taxaabay maanta kadib markii uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha doorashada Yugandha ee la qorsheenayo inay dhacdo Feberaayo 2021. Robert Kyagulanyi, oo ah heesaa isubedalay siyaasi ayaa caan ku ah magaca Bobi Wine waana 38 sano jir doonaya inuu xilka ka tuuro Madaxweynaha mudada dheer ka talinayey Ugandha ee Yuweri Musefeni. Bobi Wine ayaa kadib markii loo fasaxay inuu tartanka ka qeyb geli karo sheegay in dhalinyarada Yugandha ay doonayaan inay iska xoreeyaan Kalitaliska Musefeni ee dalkaasi kasoo talinayey 35 sano. Maaha markii ugu horeysay oo la xiro siyaasigan oo taageero badan ka heysta dhalinyarada, Taliska Booliiska ayaan weli wax war ah kasoo saarin xarigiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Inta badan Shirkadaha Duulimaayada ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa maanta joojiyey duulimaadyadii caadiga ahaa oo ay ku tagi lahaayeen garoonka magaalada Dhuusmareeb ee xarunta Galmudug, kadib markii xalay Al-Shabaab ay weerareen diyaarad ka kaceysay garoonka. Diyaaraddaas ayaa waxaa saarnaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, waxaana lagu riday 7 oo xabadaha baasuukaha ah, kuwaasi oo ay seegeen. Warar aan ka helnay saraakiisha amniga ee Dhuusamareeb iyo madaxda shirkadaha ayaa sheegaya in dhamaan shirkadaha ay diideen in garoonkaas tagaan sababo amni aawgeed, waxaana jirin diyaarad maanta halkaas ka dagtay. “Ma jirto wax diyaarad ah oo maanta Dhuusamareeb tegay waxaana baaqday rakaab badan oo ay maanta aheyd in la qaado,” ayuu yiri mid ka mid ah madaxda shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya oo maanta tagi laheyd Galmudug. Shirkadaha ayaa la sheegay inay la xiriireen maamulka Galmudug kana dalbadeen damaanad qaad amni, balse maamulka uu sheeegay inuusan siin karin, taasi oo keentay inay diidaan inay garoonka tagaan. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in kaliya aysan ahayn maanta, balse ay u badan tahay in maalmaha ama toddobaadyada soo socda aysan diyaarad ka degin garoonkaas. Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in hadda ururinayaan ciidan dagaal qaada oo Al-Shabaab ka sifeeya deegaanada ku dhow garoonka ee ay weerarka kasoo qaadayaan. Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay duqeymaha garoonka Dhuusamareeb, hase yeeshee madaafiicdii ay shalay ku rideen diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa xaaladda meel xun gaarsiisay. Magaalada Dhuusamareeb ayaa u muuqata in bilooyinkii la soo dhaafay uu sii xumaanayo amaankeeda oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana usii dheer duqeymaha magaalada ee joogtada noqday. The post Shirkadaha diyaaradaha oo diiday inay Dhuusamareeb tagaan kadib weerarkii lagu qaaday diyaarada Qoor Qoor first appeared on Caasimada Online.
  8. Garowe (PP News Desk) — The Office of Puntland Human Rights Defender weighed in with a carefully worded statement on three cases. “The Office is keeping an eye on Shurki Ahmed’s complaint about the police, the case of a girl whose body was found in Bosaso, and the murder of an adminstrative assistant with the Military Court” reads the statement. Last week, Nugaal Police Division unlawfully arrested Shukri, who was in her house in Dangoroyo district. The Office of Puntland Human Rights has been reticent about Shurki’s underage daughter whom Dangoroyo Police arrested before arresting and transferring her mother to a police station in Garowe. Said A. Mumin: Chairman of the Office of Puntland Human Rights Defender The Office of Puntland Human Rights Defender is closely monitoring the three cases to ensure that investigations lead to justice being served. “We contacted Shurki Ahmed, who was arrested in Dangoroyo, Nugaal Police Division, the Military Court and the Somali Police Command” the statement added. OPHRD Statement: All investigations must be conducted transparently The Office of Puntland Human Rights Defender urged law enforcement agencies and Puntland judiciary to conduct fair and transparent investigations into the three cases. “The Police must take extra care with firearms, and respect the sanctity of human life. All investigations must be carried out in line with procedures and rules” the statement concluded. © Puntland Post, 2020 The post Office of Puntland Human rights Defender Urges Transparent Investigations into Three Cases appeared first on Puntland Post.
  9. Troubles facing the miraa sector in Meru have presented a battle ground between Governor Kiraitu Murungi and his rival, Agriculture CS Peter Munya. Source: Hiiraan Online
  10. Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Danjire Xasan Xundubey Jimcaale ayaa booqday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, waxaana ku soo dhaweeyay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mohamed Yilmez. Labada mas’uul ayaa kulan ay ku yeesheen safaaradda Turkiga ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho kaga wada-hadlay iskaashi amniga iyo horumarintiisa iyo taageerada Turkigu uu ka gaato arrimaha ammaanka, waxaana kulan ku wehlinayay taliyaha booliska Gobolka Banaadir janaraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon). Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mohamed Yilmez ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay booqashada wasiirka amniga, isagoo tilmaamay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo xiriir wlltinimo. Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda fedeeralka Soomaaliya Danjire Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in Turkigu kaalin muhiim ah kaga jiro dib u dhiska ciidamada iyo dowlad dhisida Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xilli adag Turkigu garab istaag u muujiyay Soomaaliya. View the full article
  11. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida ay ula xanuunsanayaan dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay roobabkii maalmihii tagay ka da’ayey Muqdisho. Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlayey shirka banbaxa golaha wasiirrada ee maanta ka bilowday muqdisho, ayaa faray wasaaradda arrimaha gudaha iyo Maamulka gobolka Banaadir maareynta dhibaatadii ka dhalatay roobabka, dadkana lala gaaro gurmadka ay u baahan yihiin. Mudane Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka in gurmadka ay qeybtooda ka qaataan. View the full article
  12. Dowlad goboleedka Galmudug ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda Oriental Company oo ay ku mideysan yihiin seddex shirkadood oo Turki, Ingriis iyo Soomaali isugu jira oo ku howlan dhismaha Dekedda Hobyo. Heshiiska waxaa dhanka Galmudug u saxiixay Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga, Cabdisabir Nuur Shuuriye, halka dhinaca Bariga ay u mataleen Crom LTD, Hobyo Investment LTD, Indian Ocean Holding LTD. Xafladda saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Holman Fenwick Willan (HFW), oo ah sharikad ka shaqeysa arrimaha sharciyada badda ee UK oo kala talinaysa Sharciga Dowlad Goboleedka Galmudug Shirkadda Oriental ee fadhigeedu yahay London ayaa heshiiskan la gashay Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug ka dib shirar xiriir ah oo bilihii la soo dhaafay ay la yeesheen wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Nuur Shuuriye, ”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Dekedaha qeyb ka mid ah. View the full article
  13. A prominent United Arab Emirates minister has called on Muslims to accept the stance of French President Emmanuel Macron on his claims about the need for “integration” in Western societies. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Denmark, Ireland, Poland ee Soomaaliya, kuwaasi oo howlgal diblomaasiyaadeed maanta ka aas-aasay Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Denmark Ole Thonke oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda Dalkiisa Marwo Margrethe Alexandrine ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Ireland Marwo Fionnuala Quinlan oo warqadaheeda aqoonsi u gudbisay Madaxweynaha ayaa muujisay sida ay ugu hanweyn tahay ka mid noqoshada bahda diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna. Danjiraha Jamhuuriyadda Poland Jacek Bazanski ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Andrzej Duda, isaga oo nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiiyey Madaxweynaha. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhaxeeya dalalka caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday. The post Sawirro: 3 dal oo Yurub ah oo howlgal diblomaasiyadeed maanta ka aas-aasay Somalia first appeared on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/warka-Habeen-03112020.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay sannad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Somaliland oo maanta ku beegan. Munaasibadda xuska 27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay taliska guud ee ciidanka Booliska, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, qaar kamid ah madaxda hay’adaha gacansaarka la leh ciidanka Booliska, Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya Aas-aaskii ciidanka Booliska iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan taabbo-gelinta amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo hantida shacabka. Ugu horrayn ku-xigeenka hoggaanka hawl-gelinta ciidanka Booliska gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan, ayaa ugu horrayn shacabka la wadaagay dambiyadii kala duwanaa ee dalka ka dhacay sannadkii ugu dambeeyey iyo sida ay ciidanka Boolisku ula tacaaleen, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen eedaysanayaashii ugu badnaa ee loo tirinayey inay ku lug lahaayeen dambiyadii dalka ka dhacay oo ay dilalka dadka iyo kufsigu safka hore kaga jiraan. Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sarreeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa isaguna ku dheeraaday horumarka ballaadhan ee uu ku tallaabsaday ciidanka Boolisku ee dhinacyada tababarka, gaadiidka iyo helitaanka agabyada kale ee muhiimka ah u ah shaqada ay bulshada ugu igman yihiin, isaga oo carrabka ku adkeeyey inay ciidan ahaan samaysteen qorshe iyo yool cad oo ay ku gaadhayaan abbaarta u astaysan ee ay higsanayaan muddooyinka soo socda. Taliyuhu waxa uu sheegay inay ka hoggaan ahaan muhiimad gaar ah siiyeen sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ciidanka ee dhinaca la shaqaynta shacabka iyo isku xidhnaantooda, islamarkaana ay aqoonta baadhayaasha iyo midda taliyayaasha saldhigyadaba dhiseen, dib-u-habayn ballaadhanna sameeyeen, islamarkaana ay sameeyeen waax gaar u ah cabashooyinka dadweynaha si la isugu soo dhaweeyo shacabka iyo booliska. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ugu horrayn hambalyeeyey ciidanka Booliska Jamhuuriyadda xuska sannad-guuradooda, waxana uu si qoto dheer u sharraxay kaalinta ay boolisku kaga jiraan kaga jiraan amniga dalka iyo badqabka nafta iyo maalka bulshada, waxana uu bulshada ugu baaqay inay ciidanka la shaqeeyaan, isaga oo shaqada ay boolisku dadka u hayaanna bogaadiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidanka Booliska hallala shaqeeyo, hana laga daayo dacwadda laga barbar wado, ciidanka Booliskana waxan faraynaa shaqada in lasii kordhiyo, shaqaduna waa joogto, taasaana ciidan loo yahay, aad iyo aadna waan ugaga mahadnaqayaa sida ay hawlahoodii uga soo baxeen.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa ciidanka Booliska hambalyo guud u diray, waxana uu sheegay inay qaran ahaan og yihiin hawsha adag ee ay bulshada u hayaan, taas oo inta badan ay kasoo gaadho khasaare naftooda halis geliyaa, waxana uu yidhi, “Waxan hambalyo u dirayaa dhammaan ciidanka Booliska, janannadooda, saraakiisha, saraakiil-ku-xigeenka, alifleyda, dablayda, iyo xaasadkoodaba, qaran ahaanna waannu uga mahadnaqaynaa hawsha ay noo hayaan, waana ciidan maalin walba iyo saacad walba hawl aan loo ogayn ku jira, dhaawacooda iyo dhimashadooduna badan tahay, qaran ahaanna waannu garab taagannahay.” Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu billado dahab ah iyo derejooyin ku taxay qaar kamid ah saraakiisha kala duwan ee ciidanka Booliska, kuwaas oo shaqo-wanaag iyo hawl-karnimo muujiyey muddadii ay ciidanka kamid ahaayeen, waxana uu kormeeray gaadiid iyo dhismeyaal kala duwan oo ciidanka Booliska usoo kordhay, isaga oo xadhigga ka jaray dhisme ballaadhan oo loo bineeyey saraakiisha ciidanka Booliska. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  17. Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga Qaramada Midoobay Danjire James Swan ayaa la sheegay inay Isniintii Shalay Telefoonka ku wada-hadleen. Ma Jiro War Rasmiya oo ay labada dhinac ka soo saareen Wada-hadalkooda, laakiin Ilo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika in Madaxweyne Biixi iyo Danjire James Swan ay Shalay Telefoon kaga wada-hadleen Xurgufta soo dhex gashay Somaliland iyo Qaramada Midoobay, taasi oo gaadhay in Madaxweyne Biixi uu goob fagaare ah uu eedaymo ugu jeediyo Qaramada Midoobay. Wada-hadalka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ergayga Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu yimid, ka dib markii Danjire James Swan uu maalmihii u dambeeyay Somaliland ka codsanayey inay Madaxweyne Biixi Telefoonka ku wada-hadlaan, waxaana la filayaa inay Madaxweynaha iyo Ergaygu Telefoonka kaga wada sheekaysteen is-marin-waaga iyo sida xal looga gaadhi karo. Wargeyska Geeska Afrika oo la xidhiidhay Xafiiska Warbaahinta ee Danjire James Swan si uu wax uga waydiiyo Wada-hadalkan ayaanay u suurto-gelin inuu wax jawaab ah ka helo. Sidoo kale, Wargeyska Geeska Afrika wuxuu isku dayey inuu la xidhiidho Xukuumadda Somaliland, si uu arrintan wax uga waydiiyo, laakiin uma suurto-gelin inuu ka helo wax jawaab ah. Ugu dambayn, Xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay ayaa Xurguf soo kala dhex gashay, ka dib markii sida Xukuumadda Somaliland ku doodayso ay Qaramada Midoobay isku dayday inay gudaha Somaliland ka fuliso Qorshaha horumarinta Soomaaliya ee 5-ta sano ee soo socda, taasi oo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka biyo-diiday isla-markaana soo saartay Amar ay ku joojinayso shaqooyinkii Hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen gudaha dalka, arrintaas ayaana ah ta sida la sheegay ay wada-hadleen Madaxweynaha iyo Danjiraha Qaramada Midoobay. Source
  18. Xulka Gobolka Xaysimo ayaa 3 Gool iyo 2 kaga badiyey xulka Gobolka Sanaag oo ay ku wada jiraan Guruub C, kadib markii ciyaar aad u kulul ay galabta iskaga horyimaadeen tartanka ciyaaraha gobollada ee ka socda garoonka kubadda cagta ee Hargeysa. Ciyaartaas oo aad u xamaasad badnayd waxa qaybtii hore lagu kala nastay barbar dhac hal gool iyo hal gool ah. Qaybtii labaad ee ciyaartaas oo labada xulba wax ka beddeleen qaab ciyaareedkoodii, waxa gobolka Sanaag la yimaadeen laba gool oo kale, halka xulka gobolka Sanaagna qaybtii labaad ay keensadeen goolkii labaad, sidaasna waxa ciyaaraasi ku dhammaatay 3 gool iyo 2 gool oo guushu ku raacday xulka Gobolka Xaysimo. Sidoo kale waxa ciyaar aad u adag iskaga horyimid xulalka gobollada Daad-madheedh iyo Saaxil, kuwaasi oo ku kala baxay barbar-dhac 2 gool iyo laba gool ah. Source
  19. (SLT-Laascaanood)-Allaah ha u naxariistee waxa Magaalada Laascaanood lagu dilay Askari ka mid ahaa Ciidammada Booliska ee Gobolka Sool ee Somaliland. Badhasaabka Gobolka Sool, Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyey Geerida Askariga la dilay. Askariga ayaa gudaha Magaalada Laascaanood lagu dilay Xalay Fiidkii, laakiin si dhab ah looma oga Cidda geysatay dilka Askariga. Maamulka Gobolka Sool iyo Ciidammada Booliska oo iskaashanaya ayaa markii dilku dhacay bilaabay baadhitaano arrintaa la xidhiidha, hase-yeeshee lama oga in Cid loo qabtay Dilkaa iyo in kale. Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa Sanadihii u dambeeyay waxa ku yaraa Dilalka Ciidammada Amniga, wallow Toddobaadkii hore Saldhigga lagala baxay Askar loo hayey inay dileen Dad Shacab ah. Source
  20. Dalka Maraykanka waxa meelaha qaar ka bilaabantay codaynta maalinta ugu danbaysa ee doorashooyinka madaxtinimada dalkaas, waxaana tartan adagi uu dhex marayaa madaxweyne Trump iyo murashaxa Dimuqraadiga ee Joe Bide. Labada murashax ee doorashada ayuu gabalku ugu dhacay gobolada ay u arkaan in ay go’aamin doonaan doorashada, iyagoo halkaas kusoo xidhay ololaha. Biden waxa ololaha meelaha qaar ka caawinayay madaxweynihii hore ee Maraykanka Obama oo cambaarayn xoogan u jeediyay Trump. Gobolada go’aaminaya doorashada cidda heli doonta ayaa wali aan la saadaalin karin dhanka ay raacayaan, balse waxa jira xog-ururino badan oo guusha u tirinaya Biden. Meelaha qaar sida deegaano ka tirsan gobolka Georgia waxa ay dadku iibsadeen qoryo badan iyo rasaas, iyagoo ka cabsi qaba in rabshado ay dhacaan. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in saddex midkood ay noqon doonto doorashadu, in Joe Biden uu soo baxo sida la saadaalinayo, in guul aan la filahayn uu gaasho Trumo, iyo in guul aan hore loo arag uu gaadho Biden mar kale. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii meesha looga saari lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Faysal Cali Waraabe oo Labadii Toddobaad ee u dambeeyay dalka kaga maqnaa Safar dibedeed isla-markaana Magaalada Nairobi kaga qayb-galay shir ay yeesheen Waxgarad iyo siyaasiyiin ka mid ah Beelaha Dir, ayaa khudbad uu Shalay ka jeediyey Xaflad loo sameeyay Arday ka qalin-jebiyey Jaamacad ku taalla Hargeysa, wuxuu sheegay in dagaal uu Farmaajo keenay Tuke-raq, mid uu ka wado Badhan iyo Buuhoodle ay doonayaan inay u rarraan Magaalada Muqdisho. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Soomaaliya ma jirto wax Dawlad la yidhaahdo oo jirta, Magaalada Muqdisho ayuun bay Marba Qolo fadhiisataa oo ay tidhaahdaa Dawlad baanu nahay, waana meesha la innaga dilo, doorkana Dadkii u xumaa ee Cadowgeena ahaa baa fadhiistay, doorashadeedii baa jirta, Waa Qabaa’il nidaamka 4.5 ah, marba qolo ayay halkaa fadhiisiyaan.” Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu doonaynaa Dagaalkii uu Farmaajo keenay Tuke-raq, ka uu ka wado Buuhoodle iyo Badhan inaanu Xamar geyno haddii Allaah yidhaahdo oo aanu Xamar ka saarno, Waayo? Qalwadii ina Siyaad baa galay, ina Siyaad baanu Xamar ka saaraynaa haddii Allaah yidhaahdo oo Saacadda dib ugu celinaya 1969-kii…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu la dardaarmay Shacabka Somaliland “Haddaad halkan uun fadhidaan oo ka sheekaysaan Siciid baa u jawaabay Maxamed Kaahin, Muusaa Oodeyne Caano lagu soo siiyey, kornayl Mire ayaa yimid, waxaas Adduunka kama jiro, Adduunku wuu isbeddelayaa, Geeska Afrika iyo halkan aynu degganahay ayuu ka socdaa dagaalku, intaad isku meeraysanaysaan waalla idiin tashanayaa, Siyaaasiyiinta waxaanu leenahay kor Madaxa u qaada, Waa inaynu cadowgeena eegnaa, Waayo? haddii aynu innagu Cadow isku noqono geedkaa gaadhi mayno. Waa inaynu dalkeena ilaalinaa, dalkeena aaminaa, waayo? Xamar waxba ma yaallaan oo Xabad baa taalla, Is-qarxi baa yaalla.” Source
  22. (SLT-Addis Ababa)-Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa cambaareeyay dilalkii dhowaan ka dhacay Itoobiya ee u dhaxeeyay qowmiyado. Rabshadaha isirka ku saleysan ayaa beryihii dambe ku soo badanayay dalkaas, iyadoo weerar Axaddii ka dhacay gobolka Oromia ay ku dhinteen 32 qof. Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) ayaa sheegay in dad ka soo jeeda qomwiyadda labaad ee ugu weyn Itoobiya ee Amxaarada lagu beegsaday weerarkaas. Mr Faki Mahamat, ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in la joojiyo rabshadaha isla markaana laga xaajoodo arrimaha ugu muhiimsan. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay in laga shaqeeyo wax ka qabashada xiisadaha ka sii daraya ee dalkaas ka jira. Source
  23. Jowhar (Caasimada Online) – Ilaa hadda waxaa si rasmi ah loo heli la’yahay xogta dhabta ah ee safarkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobaleedka HirShabeelle. Dad badan oo siyaasiin ah ayaa is weydiiyay maxey ka wada hadleen Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif? Madaxweyne Shariif wax dhaafsiisan intii uu sheegay Jowhar ma u tagay? Kadib safarkiisii Jowhar iyo is-casilaada Waare maxaa isku beegay? Iyo su’aalo kale. In badan oo kamid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa aaminsan in Madaxweyne Sheekh Shariif uusan wax sahlan u tagin HirShabeelle oo uu ka maqnaa muddo ku dhow 15 sano, islamarkaana safarkiisa ku aadiyay waqti kala guur ah oo ay taagan tahay khilaafyo culus oo degaanka iyo dalkaba ah. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in safarkii Madaxweyne Sheekh Shariif uu badalay qorshaha Nabad iyo Nolal ee HirShabeelle oo si hoose ku socday, waxaana laga yaabaa in wax kasta isbadalaan doorashada baarlamaanka kadib. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalin iyo habeen ku soo qaatay Jowhar waxa uuna intii uu joogay la kulmay odayaasha dhaqanka, Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle iyo dad kale oo ah siyaasiin miisaan culus ku leh siyaasadda HirShabeelle. The post Safarkii Shariif ee Jowhar oo su’aal weyn ka dhax-dhaliyay siyaasadda Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  24. MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble has convened a three days meeting with his new cabinet to deliberate on development agenda for the remainder of the term. Source: Hiiraan Online
  25. London (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta heshiis taariikhiya oo lagu dhisayo dekedda Hobyo la saxiixatay Shirkadda Oriental oo ah Isbahaysi ka kooban Seddex Shirkad oo Turkey, Ingiiriis iyo Soomaali ah. Heshiiskan ayaa waxaa maanta dhinaca Galmudug u saxiixey Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug, Mudane Cabdi Saabir Nuur, halka Shirkadda Oriental ay metelayeen shirkadaha kala ah Crom LTD, Hobyo Invesment LTD, Indian Ocean Holding LTD. Waxa madasha lagu saxiixay heshiiskaasi ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Shirkadda Holman Fenwick Willan (HFW) oo ah sharciyaqaano ku takhasusay arrimaha Badda oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska, oo kala talinaya dhinaca Sharciga maamulka Galmudug. Shirkadda Oriental oo saldhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay Wasaaradda dekedaha iyo kalluumeysiga Galmudug la gaartay heshiiskan, kadib markii bilihii ugu dambeeyey kulamo kala duwan ay la qaateen wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradaasi. Heshiiskan kadib ayaa waxaa la filayaa in dalka ay soo gaaraan dhamaadka bishaan koox sahan ah oo ka socota shirkada Oriental, kuwaasi oo darsi doona qaabka loo bilaabayo dhismaha Dekadda Hobyo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay heshiiskan. Wasiir Cabdi Saabir Nuur oo isaguna ka hadlay saxiixa heshiiskan ayaa ugu horeyntii bogaadiyey, isagoona sheegay in wajiga labaad ee heshiiskan uu bilaaban doono Bisha Maarso 2021. “Waxaa xaqiiqo ah in dhismaha Dekedda Hobyo ku soo kordhin doonto isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo dowlad-goboleedyada la deriska ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay wasiir Saabir. Heshiiska dhismaha Dekedda Hobyo ayaa la rumeysan yahay inuu abuuri doono fursado shaqo, ganacsi oo horseeda isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda, saameyn toos ah ahna ku yeelan doono nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo dowlad-goboleedyada la deriska ah. The post DEG DEG: Galmudug oo heshiis lagu dhisayo dekedda Hobyo la saxiixatay shirkado caalami ah first appeared on Caasimada Online.