Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga, kuwa Koonfur Galbeed oo garab ka helaya ciidanka Itoobiya ay howlgallo ka wadaan gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fulinaya ururka 260-aad guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomalaiyeed. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in howlgalladaas laga sameeyey deegaanada Kurtooyow iyo Walaqle oo 45 KM u jira degmada Waajid ee gobolka Bakool. Abaandulaha ururka 260-aad guutada 9-aad eee qeybta 60aad oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay inay howlgalladaasi ku qaadeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi, islamarkaana ay ku gaarsiiyeen khasaare kala duwan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobolka Bakool oo dhaca koonfurta Soomaaliya. Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya View the full article
  2. (SLT-Riyadh)-Muslimiinta ajaanibka ah ee ka yimaada dalalka kale ee dunida ayaa markii ugu horraysay muddo dhawr bilood ah loo ogolaaday in ay masaajidka Xaramka ee Makka cimro ku tagaan tan iyo markii safmarka fayraska korona dillaacay. Laga bilaabo shalay oo Axad ahayd 10,000 oo qof ayaa loo ogolaanayaa inay xaramka cimro u tagaan. Waxa shardi ah in dadka cimrada gudanayaa marka ay Sucuudiga gaadhaan ay muddo saddex maalmood ah is karantiimeeyaan inta aanay xaramka galin ee aanay ku dawaafin Kacbada. Sucuudigu si taxadir leh ayuu u furayaa masaajidada tan iyo markii uu bilaabay in uu debciyo xayiraaddii ka hortagga fayraska korona. Dadka ku nool dalka gudihiisa ayaa iyaga cimrada loo ogolaaday bishii Oktoobar, hase yeeshee waxa la kordhiyey tirada dadka cimraysan kara si fursad loo siiyo dadka dalka dibadiisa ka imanaya. Xajkii sannadkan oo ku beegnaa bishii July ee 2020 waxa loo ogolaaday oo keliya 10,000 qof oo ah dadka dalka Sucuudiga gudihiisa ku nool. Taas oo ahayd tiro aad uga yar tiradii malaayiinta qof ahaan jirtay ee sannadadii ka horreeyey sida sawirkan la qaaday xajkii 2016 muujinayo Source
  3. MOGADISHU (HOL) - Upper House Speaker Abdi Hashi has protested the decision by the National Consultative Council to authorise the Federal Government to appoint an elections committee for Somaliland. Source: Hiiraan Online
  4. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and the Chairman of the Sovereign Council of Sudan Abdel Fattah Al-Burhan on Sunday visited the Adama Industrial Park as well as the Eastern Industrial Zone. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/Warka-Subax-02112020.mp3 View the full article
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi ka dhacay shir ay ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, waxgarad iyo odayaal ka tiran Beesha Dir, iyadoo laga soo saaray war ku saabsan Doorashada Soomaaliya. Shirka oo ay ka dhex muuqdeen siyaasiyin ay ka mid yihiin Feysal Cali Waraabe, Maxamed Cabdi Maareeye, Ridwaan Xersi iyo xubno kale ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ku baaqay in Doorashada xildhibaannada Dirta waqooyi ay u dhacdo si xalaal ah oo ay u madax bannaan yihiin magacaabiddda guddiyada Doorashada. Guddoomiyaha Xibsiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa shirka ka sheegay in Dir ay Baarlamaanka Soomaaliya ku leedahay 75 kursi, lana mid yihiin Daarood, Mogadishu Clan iyo Digi/Mirifle balse aysan muuqan doorkooda, loona baahan yahay inay awood qeybsiga ka qeyb galaan, arrintaasna xoogga la saaro. Shirka Dir ee magaalada Nairobi ayaa socda muddo laba maalmood ah, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi uu shaaciyey inuu isugu soo magacaabayo guddiyada Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland. Xigasho: Goobjooge The post Maareeye, Faysal Waraabe iyo siyaasiyiinta beesha DIR oo war culus kasoo saaray doorashada Somalia + Video first appeared on Caasimada Online.
  7. Fewer than 1 in 4 Algerian voters took part in Sunday's constitutional referendum, officials said, despite government efforts to encourage high turnout as part of a strategy to turn the page on last year's political unrest. Source: Hiiraan Online
  8. The African Union Mission in Somalia (AMISOM), in partnership with the US Army’s Civil Affairs Unit, on Saturday distributed personal protective equipment and sanitary supplies to traders in Mogadishu, to support efforts to combat the spread of COVID-19. Source: Hiiraan Online
  9. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay laba jeer la kulmay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. Kulankaan oo ka dhacay hoteelka uu dagan yahay Sheekh Shariif ayaa qaatay saacado waxaana dibada ka joogay dhamaan dadkii la socday labada dhinac. Warar aan ka helnay xubno kamid ah labada dhinac oo kulamada kadib la kulmay Shariif iyo Guudlaawe ayaa Caasimada Online u sheegay in Sheekh Shariif la wadaagay Madaxweyne Guudlaawe go’aano uu ku xaliyay beelo badan oo tabashooyin qabay islamarkaana uu aqbalay Cali Guudlaawe. Go’aanadaas lama sheegin nuuca ay yihiin hase yeeshee wararku waxey tilmaamayaan in dadka tabashada qaba lagu qanciyay xilal islamarkaana Cali Guudlaawe laga dalbaday inuu fuliyo iyo qaar loo sameeyay balan qaadyo kale. Dhinaca wararka aan helnay ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen qorshaha doorashada Soomaaliya iyo rabitaanka Sheekh Shariif ee xilka Madaxweynaha. Cali Guudlaawe, ayaa Sheekh Shariif la wadaagay cadaadiska saaran iyo dhibaatooyin uu kala kulmayo Villa Somalia isagoo dhinaca kale u balan qaaday inuu la shaqeyn doono haddii uu noqdo Madaxweynaha HirShabeelle. Sheekh Shariif, ayaa Cali Guudlaawe la wadaagay rajadiisa ah inuu Soomaaliya markale hogaamiyo isagoo dhinaca kale u rajeeyay inuu guul ka gaaro doorashada HirShabeelle. Mas’uuliyiintaan ayaa la sheegay in ay u harsan yihiin kulamo kale oo ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo arimaha HirShabeelle. The post Xog: Maxay ka wada hadleen Shariif iyo Cali Guudlaawe? first appeared on Caasimada Online.
  10. In essence, "It's governing, not campaigning, that counts," American University's Prof. Allan Lichtman explained. Source: Hiiraan Online
  11. In an effort to expand initiatives to allow people more time outside in a secure environment, Mogadishu, Somalia’s capital, has created a number of football pitches that are off the street, so residents can enjoy some sport and free air. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulan ku yeelan doono xaruntooda Villa Hargeysa ayaa ka doodaya labo qodob oo muhiim ah. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa xalay lagu war-geliyey dhammaan xildhibaanada baarlamaanka, si ay u soo xaadiraan. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in kulankan oo ka mid ah kulamada caadiga ah ee baarlamaanka inuu furmo saacadaha soo socda. Xildhibaanada ayaa si gaar ah uga doodaya ajandayaasha kala ah: – 1. Akh 3aad ee H/Sh Hay’ada Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda, 2. Akh 2aad ee H/Sh Socdaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhowaan shaaciyey inay dardar-gelin doonaan howlaha hor-yaalla baarlamaanka Soomaaliya. Si kastaba, golaha shacabka oo uu haatan ka sii dhammaanayo muddo xileedka ayaa doonaya inay ka faa’iideystaan waqtiga yar ee u haray, ka hor doorashada 2020/21. The post BF Somalia oo ka doodayo labo arrin oo muhiim ah first appeared on Caasimada Online.
  13. Laba shacab oo dhulkooda hooyo lagu dul dagaalamayo Cidna ma oga tirada rasmiga ah ee daka ku dhintay dagaalka sida cusub uga qarxay gobolka Nagorno-Karabakh. Madaxweynaha Ruushka wuxuu sheegay dagaalkaasi iney ku dhinteen 5,000 oo qof, oo isugu jira dad rayad ah iyo ciidamada labada dhinac ee dagaallamayey. Haddaba waa kuwan qaar ka mid ah sheekooyinka dadka labada dal dagaalka uga dhintay. “Anigu wey igu adag tahay balse waan ku faanaa wiilkeyga inuu dhiiggiisa uu ku baxay dhulkeenna hooyo,” ayey tiri Mushkenaz Haziyeva oo ku sugan magaalada Kurdamir ee dalka Azerbaijan oo taleefan iigu warrameysay. Ziyadhan Aliyev oo 24 jir ah wuxuu bartay maaddada ‘Computer Programming’, wuxuuna jeclaa akhrinta buugaagta taariikhda. Mana ahayn nin guurka u degdega. Adeegga askarinimada iney u dhammaato waxaa ugu harsaneed toddobaadyo oo keli balse wuxuu geeriyooday 1-da Oktober, maalmo marka uu socday dagaalka cusub. Ziyadhan waxaa lagu dilay dagaalka lagu qaaday dib u qabsashada tuulada Talish. Waaliddiintiisu waxay asal ahaan ka soo jeedaan tuulada Soltanli, ee ku taallo koonfurta gobolka Jabrayil. Qoyskiisa iyo boqollal kun oo qoys oo ka soo jeeda qowmiyadda Azerbaijan ayaa lagu qasbay iney guriyahooda ka baxaan kaddib marki ay ciidamada Armeniya dhulkaasi qabsadeen 1990-kii. Ziyadhan aabbihii wuxuu ka qayb galay dagaalki ugu horreeyey ee Karabakh. Waxyar kaddibna waxaa lagu dhawaaqay xabbad joojin balse ma jirin heshiis nabadeed oo ay labada dal kala saxeexdeen. Gobolka Nagorno-Karabakh ee ay isku haystaan labada dal ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa caalamka looga aqoonsan yahay inuu ka trsan yahay dalka Azerbaijan, balse waxaa gacanta ku haya qowmiyadda Arman ee Armeniya ka soo jeedda. “Haddii aad biyo iyo ciid isku darto waxaa kuu soo baxaya wasaq, balse haddii aad ciid iyo dhiig isku darto waxaa kuu soo baxaya dhulka hooyo,” ayey tiri hooyadii. Dagaalka cusub ee u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa dib u billowday 27-ka bisha September. Azerbaijan qasaaraha ciidamadeeda gaaray wax faahfaahin ah kama bixin, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in la helayo macluumaad ku saabsan aaska iyo qabuuro tira badan oo ciidamada loo sameynayo. Warar rasmi ahna waxay sheegayaan 1,100 askari iney Armenia dagaalka kaga dhinteen. Ciidamada ugu badan ee dagaalkaasi ku dhintayna ay yihiin ciidamo dhawaan la qoray oo badankood dhashay wixi ka dambeeyey sanadki 2,000. Labada dhinacna waxaa dagaalka kaga dhimatay dad rayad ah oo ay tiradodu kor u dhaafeyso 130. Dagaalka labada dal u dhaxeeya ayaa soconaya xilli ay labada dalba la daalaa dhacayaan cudurka safmarka ee Coronavirus. Dalka Armenia oo ay dadka ku nool ay gaarayaan 3 malyan, dadka dagaalka kaga dhintay qiima weyn ayey ugu fadhidaa. Sargis Hakopyan oo 19 jir ah waa farshaxaniste sawir gacmeedka aad ugu wanaagsan. Dagaalka socda waxaa ku dhimatay hooyadii iyada oo ilaa iyo hadda aan meydkeeda qoyskeeda la siinin. Aziza Gasanova, oo 27 jir ah waxaa dagaalka kaga dhintay Fariz Gasanov. “Aragtidiisa waxaa iigu dambeysay 10-ka bisha October. Guriga ayuu yimid isaga oo aad u degdegsan qabeys ayuu galay markina wuu baxay xataa cunta ma cunin. Wuxuu gacanta ku sii qaatay oo keli ah 3 xabba oo shokolaata ah, wuu degdegsanaa carruurta ayuuna dhunkaday wuuna baxay” ayey tiri iyada oo xusuusaneyso xilligi argatida ninkeeda ugu dambeeyey. “Fariz da’diisu waxay ahayd 34 jir, wuxuu ahaa ninka wanaagsan oo naxariis badan, askarinimada wuxuu qortay 19 jir wuxuuna ahaa mid iinta badan xaaladda Karabakh ka murgo, wuxuuna sheegi jiray dhibka gobolka ka taagan inuu ahaa mid uu aabbihii uu ka dhaxlay ayuu ii sheegi jiray, ayey tiri. Aziza Gasanova, seygeeda geriyooday iyo gabadheeda Taleefankiisa waxaa iigu dambeysay 11-ka bisha October. Maalma kaddibna Aziza waxay ogaatay inuu ninkeeda uu ku dhintay magaalada Fizuli, oo ay dib u qabsadeen ciidamada Azerbaijan. Maalmo kaddibn waa la aasay. “Carruurtannada waxaan ku ababineynaa naceybka Armenia sababta oo ah waxay dileen ilmahannaga. Haween badanna carmal ayey ka dhigeen, hooyooyinna carruurtooda ayey ka dileen. Balse dhulkan innagaa leh. Cidwalba wey ogtahay dhulkan iney Azerbaijan leedahay.” Dagaalka u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa ka dhashay muranka ku aadan gacan ku heynta gobolka Nagorno-Karabakh kaas oo bilowday horraantii sagaashamaadkii. Labada dhinac waxay isku jeedinayaan eedeynta ah in dagaalka mid-ba midka kale uu ku soo qaaday. Nagorno-Karabakh waa gobol dhaca dalka Azerbaijan, waxaana inta badan ku nool shacab kasoo jeedo Armenia oo taageera ka hela dhinaca Armenia. Xaqiiqooyin ku saabsan Nagorno-Karabakh Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya Qaran News
  14. Maalinta Talaadada ee November 3, 2020 muwaaddiniinta Mareykanka ee aan weli codkoodii bixin ayaa u dareeri doonaa goobaha codbixinta. Donald Trump oo ah madaxweyne xilfadhiya oo shacbiyad lixaad leh ku yeeshay fulinta ballanqaadkii dib u soo kabista dhaqaalaha, ayaa wajahaya Joe Biden oo ah siyaasi ruugcaddaa oo ku ololneynaya in maamulku ku fashilay maareynta caabuqa safmareenka ah “Covid-19” ee ilaa hadda dilay tiro ku dhawaad rubac malyan (230,ooo) qof oo Mareykan ah. Madaxweyne Donald Trump oo ay muuqato inuu baac dheer yahay musharrax Joe Biden marka lays barbar dhigo xamaasadda taageerayaasha, ayaa dadka da’da ah oo kolkii hore doortay iyo kuwa madow oo badankoodii Heleray Clinton u codbixin ayaa muuqda inay u weecdeen dhinka Biden. Wax weyn ma kala tira badna taageerayaasha labada xisbi Jambuuriga iyo Dimuqraaddigaba, balse waxaa doorashooyinka dhinac u rida codbixiyeyaasha loo yaqaan kuwa “madaxabannaan.” Sida muuqata hoggaanka xisbiga Dimuqraaddiga waxuu bartilmaamsanayaa inuu dib ula soo noqdo seddaxdii gobol ee kolkii hore laga boobay (Michigan, Wisconsin iyo Pennsylvania). Taas waxay ka dhigan tahay in lagu biyo keenay xisbiga Jamhuuriga, lagana yaabo inay lumiyaan mid ama ka badan xubnaha aqalka sare ee gobollada Arizona, Georgia iyo Nord Carolina. Ma sahlana in si sax ah loo saadaaliyo natiijada doorashada, inkastoo ilaa hadda ay codkoodii bixiyeen dad kor u dhaafay 90 malyan oo u dhigma saddex meelood laba meel codbixiyeyaashii 2016kii. Walwalka taagan ayaa ah inaan la hubin odorasyaashu inaysan ku dhici doonin qaladaadkii doorashadii hore (2016), inkastoo sanadkaan ay yar tahay codbixiyeyaasha aan weli go’aansan dhanka codkoodu u dhacayo. Maqaalka uu Thomas Friedman ku qoray wargeyska New York Times asagoo ka walwalsan dimuqraadiyadda dalkiisa ayuu ku yiri, “codayn xor ah iyo xalaal ah, iyo rajada ah in si nabad ah xukunka loo wareejiyo ayaa labadaba su’aal ka taagan tahay.” Madaxweyne Trump ayaa siyaabo kala duwan u sarbeebay in dib loo doorto mooye uusan si sahlan awoodda u wareejin doonin. Taas waxuu micnaheedu yahay in laysla aadi doono maxkamad dibna loo tiri doono codbixinta isu dhowaata ee gobollada qaarkood. Siyaabo badan ayaa doorashada Mareykanka u saamayneysaa dunida. Afar sanadood oo dheeraad ah inuu helo Trump waxay ka dhigan tahay in Maraykanku dib uga gurto taageerada caalamka xilli dunida u baahan tahay hawlgalkiisa. Dalalka Shiinaha, Iraan, Midowga Yurub waxay u arkayaan inuu yahay qof aan la saadaalin karin. Aragtidaas mid ka duwan waxaa qaba dalalka Hindiya, Ruusha, Khaliijka Carbeed, iyo kuwo kale. Si kastaba ha ahaate, Maraykan waxaa ka hirgashay dimuqraadiyadda ugu da’da weyn dunida, walow jawiga qaranka ay soo wajahday cabsi dhalin karta rabshado tijaabo gelisa Dimoqraadiyada. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Doorashada USA: Guusha Trump ama Joe Biden maxay uga dhigan tahay dunida? first appeared on Caasimada Online.
  15. Ankara (Caasimad Online) – Saraakiil sare oo u dhow madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kuwaasi oo ka tirsan madaxtooyada iyo golaha dalkaasi. Ibrahim Kalin oo ah afhayeenka madaxweyne Erdogan ayaa shaaciyey maalintii shalay aheyd in laga helay cudurka, isagoona sheegay inuu isku arkay astaamaha yar-yar ee cudurkaasi. Afhayeenka ayaa ka gaabsaday in uu faah-faahin dheeriya ka bixiyo xaaladiisa caafimaad, kadib marka laga helay cudurka, midaasi oo ka dhigeysa in halis caafimaad uu wajahi karo madaxweyne Erdogan. Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Suleyman Soylu ayaa isaguna shaaciyey in cudurka Coronavirus laga helay, isaga iyo xaaskiisa, iyo weliba gabadh ay dhaleen. Soylu oo wax laga weydiiyay xaaladooda caafimaad ayaa sheegay in xaaladooda ay hadda wanaagsan tahay, isla markaana ay kasoo reysanayaan cudurka. Labadan mas’uul ayaa lasoo warinayaa inay kulamo la qaateen madaxweyne Erdogan, ka hor inta aan la xaqiijin inay qabaan cudurkaasi, maadama ay ahaayeen labo mas’uul oo aad ugu dhawaa madaxweynaha. Madaxweyne Erdogan ayaa gebi ahaanba ka bad-qaba cudurkan, kadib markii baaritaano lagu sameeyay, markii laga helay cudurkaasi afhayeenkiisa iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha. Turkiga ayaa markale u muuqda in uu kusoo labo kacleeyay cudurka Coronavirus, iyada oo kiisaska lasoo wariyey maalintii shalay aheyd oo kaliya lagu sheegay 75-kiis. The post Xaaladda ERDOGAN kadib markii saraakiil u dhow laga helay cudurka Covid-19 first appeared on Caasimada Online.
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa markii u horeysay luuqad adag kula hadlay golihiisa wasiirada, isagoona carabka ku adkeeyay in looga baahan yahay inay si deg-deg u qabsadaan shaqooyinkooda. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada Galmudug & Hay’adaha kala duwan ee maamulkiisa laga rabo inay sida ugu dhaqsaha badan u gutaan waajibaadkooga, xili uu hadal ka jeedinayay baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale waxa uu sheegay in shuruucda kala duwan ee Galmudug ay jiraan wasaarado baarlamaanka u gudbiyay iyo kuwo aan weli gudbin, isagoona faray in wasaaradaha dhiman ay soo dhameystiraan shuruucdooda. Qoor Qoor ayaa golaha baarlamaanka Galmudug kula dar-daraamay inay si adag ula xisaabtamaan golaha wasiirada Galmudug iyo hay’adda kale ee maamulkiisa, midaasi oo uu sheegay inay meesha ka saareyso ‘gaabis ku yimaada waxqabadkooda’. Ugu dambeyntiina waxa uu xildhibaannada baarlamaanka Galmudug uga mahad-celiyay sida ay u meel-mariyeen shuruuc kala duwan oo ay u gudbiyeen qar kamid ah golaha wasiiradiisu. The post Madaxweyne Qoor Qoor oo digniin u diray wasiiradiisa first appeared on Caasimada Online.
  17. TAARIIKHYAHANADII CARBEED EE DHULAKA SOOMAALIDA WAX KA QORAY. Waxa aynu soo sheegnay in diinta islaamku ay dhulka soomaalida soo gaartay xilli ku siman qarnigii koobaad ee soo ifbixitaankeedii. Haddana sidaas oo ay tahay markii ugu horaysay ee dhulka soomaaalida iyo dadkoodaba ay taariikhyahannadii iyo badmareennadii carbeed ee muslimka ahaa ay xusaan, waxa ay ahayd qarnigii saddexaad ee Hijriga. Ciddii ugu horaysay ee dhulka soomaalida xustana waxa uu ahaa caalimkii waynaa ee juquraafiyahanka ahaa ee Abu Cabbaas Al-Yacquubi oo kitaabkiisi taariikhda ku xusay. Horraantii qarnigii afraad ee Hijriga oo ku beegan bilowgii qarnigii tobnaad ee Miilaadiga waxaa xeebaha dhulka soomaalida maray taarikhyahankii carbeed ee Abu Xasan Cali Ibn Xuseen Al-Mascuudii. Mascuudii, mar uu tafaasiil ka bixinayey dhulka iyo dadka soomaaliyeedba waxa uu kitaabkiisa ‘Muruuj A-dahab’ ku yiri: “Badda Xabashidu waa khaliij xiriiriya dhulka Xabashida siina mara dhulka Barbarka, illaa uu ka gaarayo dhulka Zinji. Waxaana loo yaqaan marinka Barbara. Dhererkiisu waa 500ml ballacuna waa 200ml. Barbarkaanu maahan midkii dagganaa waqooyiga Afrika, ee waa umad kale oo daggan dhulka u dhaxeeya Xabashida iyo Zinjiga oo ah dad madow. Waa dadkii dumarkooda meherka uga dhigi jirey ninka ay dilaan cisalkiisa. Waana dad aan xaddarad lahayn” Waxaa jira taariikhyahanno badan oo carbeed oo xilligaas hore dhulka soomaalida wax ka qoray sida Abu Isxaaq Ibrahim Ibn Muxammed Istikhri, Mohamed Ibn Ahmed Al-Maqdasii iyo Ibn Xawqal. Istikhri oo noolaa qarnigii tobnaad ee miilaadiga waxa uu kitaabkiisa ‘Al-Mamaalik Wal-Masaalik’ uga hadlay magaalada Zaylac iyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee xilligaas ka jiray. Waxa uuna yiri: “Kasoo horjeedka Cadan waxa ahaa dhulkii haraggaha laga sameeyo kabaha looga keeni jiray Yaman. Dhulkaan waxaa daggan dad Muslim ah oo leh marso la yiraahdo Zaylac oo ah meesha loo maro Yaman iyo Xijaas“. Markii la soo gaaray qarnigii 12aad iyo 13aad ayaan oran karnaa waa markii ay taariikh iyo juqiraafiyahannadii carbeed ee muslimiinta ahaa ay dhulka soomaalida ka qoreen tafaasiishii ugu horraysay oo wax ku oola. Dadka xilligaas noolaa ee dadka iyo dhulkaba si wanaagsan wax uga qoray waxaa ka mid ahaa Shariif Al-Idirisii, Ibn Saciid iyo Yaaquut Al-Xamawi. Tusaale ahaan, Shariif Al-Idiriii waxa uu kitaabkiisa ‘Nus.hatul Mushtaaq Fii Ikhtiraaq Al-aafaaq’ ku xusay tuulooyin tiro badan oo u dhaxeeyey magaalada Zaylac illaa Marka oo uu ku sheegay in ay ahaayeen dhulkii Barbarka. Tuulooyinkaas oo isugu xiga sidii uu u qoray waxay ahaayeen: Zaylac, Manquuna Qaljuun, Aqnat, Baaqide, Badaa, Juh, Qarqoona, Barma, Xaafuun, Haawiya, Marka iyo Najaa oo uu ku sheegay in ay ahayd meesha ugu dambaysa dhulka Barbarka. Mar uu tilmaan ka bixinayey magaalada Zaylac, waxa uu Shariifku yiri: “Zaylac, waa magaalo yar qaddar ahaan, laakiin dad ahaan badan, oo dadka u soo safraana ay badan yihiin. Inta badan maraakiibta badda Qalsam (badda cas) magaaladaan ayay u soo qasdiyaan. Iyaga oo wada noocyada tijaarada ku socota dhulka Xabashida. Waxayna ka soo qaadaan addoonta iyo qalinka. Dahabku laakiin waa uu ku yaryahay. Waxa ay ka cabbaan ceelasha, dharkooduna waa suuf guntasho ah” Mar uu Shariifku tilmaan ka bixinayey marsooyinkii dhulka Barbarka ka midka ahaa ee gacanka Cadmeed iyo badda Hindiya saarnaa waxa uu yiri: “Magaalooyinka Qarqoona, Marka iyo Najaa waxa ay ka mid yihiin dhulka Barbarka waana halka badeecadda u soo qasdidaa ku dhamaato, waxa ayna saaran yihiin badda Yamaneed, dadkooduna waxa ay cunaan hilibka qubada oo ay u yaqaanaan Basah. Magaalada Juh illaa Qarqoona labo bari oo xagga badda ah ayaa loo kala socdaa. Qarqoona illaa Barmana waxaa loo kala socdaa saddex bari oo dhanka badda ah, halkaas ayuuna ka bilowdaa jabalkii Xaafuun ee toddobada madax lahaa, baddana ku jirey Afartanka Mayl. Madaxyada Jabalkaan waxaa ku teedsan tuulooyin yaryar oo ay ka mid tahay mid la yiraahdo Hawiya. Xaafuun ilaa Marka oo ah magaalo uu wabi soo galo, dadkeeduna beerto masaggada waxaa loo kala socdaa saddex majaar oo fudud oo dhanka badda ah. Marka illaa Najaa oo ah halku ugu dambaysa dhulka Barbarkana waxaa loo kala socdaa maalin iyo bar dhanka badda, barrigana afar maalmood.” Shariifku magaca Hawiya waxa uu ku tilmaamay tuulo Xaafuun ku dhawayd, laakiin ibn Said oo isaga qarni in ka badan ka dambeeyay ayaa Hawiyaha ku tilmaamay sida aynu cutubka labaad ku arki doonno ummad Barbarka ka mid ahayd oo dagganayd konton tuulo oo hoos tagi jirtay magaalada Marka. Arintaan waxa aynu si fiican uga ka hadli doonaa marka aynu joogno cutubka labaad ee daka Soomaaliyeed oo aynu ku caddayn doonno in Barbarkii dhulka dagganaa uu ahaa awoowayaashii hore ee Soomaalida maanta. Yaaquut Al-Xamawi oo noolaa qarnigii 13aad waxa uu kitaabkiisa ‘Mucjam Al-Buldaan’ si wanaagsan ugaga sheekeeyey magaalada Zaylac iyo dadkii ku noolaa, caadooyinkii iyo dhaqamadii qariibka ahaa ee ay lahaayeen iyo in ay u cilmi doonaan jireen dhulka Maqrib Al-Carabi oo looga yaqaanay dadkii Zuhdiga iyo Quraanka jeclaa. Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkii Barbarka la oran jirey ee dhulka soomaalida dagganaa ay ahaayeen dad madow oo ku hadla luuqad aan qornayn. Yaaquut, mar uu tilmaamayey magaalada Muqdisho iyo nooca ay ahayd waxa uu sheegay, in magaaladu ahayd magaalo ganacsi oo laga qaadi jirey Canbarka, Sandalka iyo Caajka. Waxa uu yiri: “magaaladaani waxa ay ku taallaa bartanka dhulka Barbarka laakiin dadka daggani waxaa weeye dad qalaad oo aan madoobayn, boqor u taliyana aan lahayn, laakiin guurti ayaa taladooda goysa.” Yaaquut waxa uu u jeedaa in uu ku baro in dadkii xilligaa Muqdisho dagganaa ay ahaayeen dad gibilcad ah oo soo galooti ahaa. Ugu dambayntiina waxaa macluumaadkii ugu wanaagsanaa dhulka soomaalida ka qoray badmareenkii caanka ahaa ee reer Maqrib Ibnu Batuuta oo isagu booqday magaalada Zaylac iyo Muqdisho. Ibnu Batuuta oo noolaa qarnigii 14aad, sidii raggii ka horeeyey oo kale ayuu dhulka u dhaxaysa Zaylac illaa Muqdisho ku tilmaamay dhulkii Barbarka. Badmareenku waxa uu magaalada Muqdisha oo uu xoogaa ku nagaaday ku tilmaamay magaalo wayn oo ganacsi oo qaniya. Waxa uu sheegay in magaalada uu ka jiray ganacsi xoog lihi iyo in dharka lagu sameeyo Muqdisho uu caan ka ahaa dhulka carabta gaar ahaan Masar. Si ka gadisan Yaaquut Al- Xamawi oo qarni ka hor Muqdisho ku tilaamay magaalo aan nidaam siyaasadeed lahayn, Ibn Batuutu waxa uu xilligiisii Muqdisho ku sheegay magaalo lahayd hannaan iyo nidaam dawladnimo, oo waliba suldaanka talada hayey uu ahaa dadkii dhulka lahaa ee Barbarka, halka qaaddiga magaaladuna uu ahaa mid reer Masar ahaa. Eeg, kitaabkiisa Rixlatu Ibn Batuuta. La soco qaybta 6aad oo ka hadli doonta xilligii Boortaqiiska. Mohamed Ahmed Elmi. The post Taariikhda Qadiimka ah ee Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed – Qabtii 5aad appeared first on Puntland Post.
  18. Just as people across the United States will be waiting eagerly for the results of Tuesday’s voting, thousands of kilometres away, on the far eastern corner of Africa, Somalis will also be closely watching the hard-fought matchup between Donald Trump and Joe Biden. It hardly comes as a surprise. A country of some 15 million people, Somalia has for decades felt the impact of US policies – both directly and indirectly. “Ever since Somalia got independence in 1960, America and its leaders have tried to have a strong foothold in the country,” said Hassan Sheikh Ali, a lecturer of international relations at Somali National University. The main reason? Somalia’s “strategic location”. Bounded by the Indian Ocean to the east and the Gulf of Aden to the north, the Horn of Africa country occupies a significant geopolitical position along major trade routes. Up to 30,000 ships, carrying goods from crude oil to iron ore, pass annually through the Gulf of Aden, a key transit zone for maritime traffic between the Indian Ocean and the Mediterranean Sea. “America is in Somalia to protect its commercial interest,” said Hassan. The US’s engagement in Somalia remained steadfast throughout the Cold War when it competed with the Soviet Union for influence and control. “Somalia first sided with the West, then the USSR, before switching sides yet again in the 1980s and going with the West,” said Hassan. In the late 1980s, Washington deployed military aid and trainers to stem the tide of a rebellion threatening the government of autocratic ruler Siad Barre. But in 1991, after 21 years in power, Siad was overthrown by rival clan militias. As fighters ransacked the country, the US closed its embassy in Somalia’s capital, Mogadishu, and watched from afar as chaos reigned. The next year, Somalia was hit by a severe drought that led to a catastrophic famine. The militias pillaged whatever little resources the country had, including international food convoys that had arrived as part of a United Nations-led humanitarian effort. In late 1992, as hundreds of Somalis died of starvation and thousands more were on the brink, the UN approved a proposal by then-US President George H W Bush to deploy US combat troops with the goal of protecting aid workers. But it would not be long before the operation ended in a bloodbath. In early October 1993, Somali fighters loyal to rebel leader Mohamed Farah Aidid engaged US forces on the streets of Mogadishu and shot down two US Black Hawk helicopters. Hundreds of Somali militia fighters and 18 US soldiers were killed in the so-called Battle of Mogadishu. Television footage showed the bodies of the dead US soldiers being dragged through the capital’s streets. Soon after, newly elected President Bill Clinton withdrew all US troops – who at the height of the mission numbered some 28,000 – from the country. “It was a disaster. Instead of helping, they [US forces] caused more misery,” Hassan said. “The US has never helped the people here. Their actions have always led to more harm than good. But that has never stopped American leaders from meddling in Somalia,” he added. ‘War on terror’ The US returned to Somalia after the September 11, 2001, attacks as President George W Bush launched his “war on terror” and started carrying out military operations in the country. In 2011, under Barack Obama, the US carried out its first drone attack in Somalia targeting al-Shabab, an al-Qaeda-linked group fighting the country’s internationally recognised government. US boots also returned on the ground with soldiers and contractors training Somali troops. Then Republican President Donald Trump took office in January 2017. Weeks later, the new US president relaxed some of the rules of engagement for preventing civilian casualties and designated large swathes of Somalia as “areas of active hostilities”. This led to a record number of drone raids and an increase in the number of civilian casualties as the US carried out some 150 drone attacks in Somalia until the end of last year, according to figures from the Bureau of Investigative Journalism and the US army. In just five of those attacks, at least 14 civilians were killed and eight others wounded, Amnesty International said in March 2019. Meanwhile, the number of US soldiers in Somalia has also risen. The United States Africa Command (AFRICOM) reportedly has between 650 to 800 troops in the country at any given time, including special forces helping to train Somalia’s army. “Under Trump, American involvement in Somalia has been nothing short of a disaster,” said Abukar Arman, a former Somalia special envoy to the US. “There is no strategy; mercenaries and war-profiteers are running the show,” he added. “If Trump returns [to office], it will only get worse. It appears like the State Department is not leading the policy towards Somalia but AFRICOM. Anything is better than the current state.” In October, reports said Trump was preparing to withdraw US soldiers from the country – but Abukar remains sceptical. “Trump will not pull US soldiers out of Somalia – that is just a campaign bluff,” he said. “They are not in Somalia to fight al-Shabab. They are there to block other superpowers; China and Russia.” ‘Muslim ban’ Beyond commercial interests and geopolitical rivalries, there are other reasons why Tuesday’s hotly contested election has piqued Somalis’ interest. The US is currently home to tens of thousands of people born in Somalia, including Congresswoman Ilhan Omar who fled the country’s civil war at a young age along with her family. Her state of Minnesota is home to the largest Somali diaspora in the US. In his first week in office, Trump barred nearly all immigrants and travellers from seven Muslim-majority nations, including Somalia, from entering the US. In July, Biden promised to lift the so-called “Muslim ban” on his first day in office if he wins the polls. “Many Somali families who were in the process of uniting with their relatives in America have been affected. Their life has been put on hold by that decision. There are many Somalis in Somalia and America who want to see Trump out of office because of that,” Hassan said. “If Biden wins, there is hope,” Abukar added. “From my experience, Democrats seem to have better intentions when it comes to Somalia. They do prefer state-to-state deals rather than having mercenaries and war profiteers on the ground.” SOURCE : AL JAZEERA The post Why Somalis are closely watching the US elections first appeared on Caasimada Online.
  19. XISBIYADA QARANKA SOMALILAND MIYAANAY HAN IYO HIMILO XAMBAARSANAYN? Nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu ka soo koobiyaysanay wadamada reer galbeedku waxa uu u muuqdaa mid aan si dhayal ah ugu xididaysan karin Somaliland iyo guud ahaanba gayiga ay Somalidu dagto, marka la eego hab-dhaqanka siyaasiyiinta iyo sooyaalka bulshada Somalida oo ah mid ay qabyaaladdu halbeeg u tahay. Waxa hubaal ah, in nidaamka dimuraadiga ah ee aynu Somaliland hadda ka yegleelaynaa uu la daalaadhacayo dhibaatooyinka iyo duruufaha ay qabyaaladdu beertay, ku waa soo laf-dhuungashay ku noqday hirgalinta nidaamka dimuqraadiga ah oo ku dhasan isla-xisaabtan, daah-furnaa iyo cadaalad (check and balance). Geesta kalena wali ma muuqto calaamad iyo ifo-faale muujinaya in laga sii durkayo qabyaaladda iyo siyaasadda isbarkan ee gayigeena ku faaftay, taa soo u muuqata in ay maalinba maalinta ka denbaysa sare u sii kacayso, iyada oo sidii hore ka casriyaysan. Waxay shacabka Somaliland ay rajo weyn ka qabeen in nidaamka axsaabta badan uu noqon doono, midkii ay kaga bixi la-haayeen qabyaaladda, kala qo-qobnaanta iyo saboòlnimada daashatay, islamarkaana ay ku gaadhi la-haayeen horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo wax ku ool ah. Nasiib-darro se taasi waxay u muuqataa mid ay rajadeedu sii yaraanayso oo lagu hungoobay. Marxaladda ay xisbiyada Somaliland hadda ku sugan yihiin, maaha mid ay shacabku u guuxayaan ama ay ku niyadsan yihiin, marka la eego hab-dhaqanka siyaasiga ah ee ay bulshada la wadaagayaan. Marka la eego sida xisbiga talada hadda hayaa uu u surmo-seegtaynayo halka ay bulshadu ka taahayso, ama ay ka dhutinayso, sidoo kalena uu ula kacaa-kufayo masuuliyadda iyo xilka ka saaran sidii uu ummadda ugu geedi-galin lahaa guri ka barwaaqaysan kan aynu maanta ku nool yihiin. Marka la eego sida xisbiyada mucaaradku ugu guuldaraysteen in ay bulshada u soo bandhigaan qorsheyaal cad cad oo si cilmiyaysana loogu sargooyay xaaladaha nololeed ah ee Somaliland hadda ka jira, haddii ay yihiin kuwo dhaqaale, kuwo siyaasadeed iyo kuwo bulsho, sidoo kalena ay awoodi-kari-waayeen in ay bulshadooda farta ugu fiiqaan jidkii ay gaadhi-lahaayeen, hadafka iyo himilooyinka ay ku riyoonayno. Waxyaalaha kala ee cajaa’ibka leh ee aynu maanta arkayno waxa ka mid ah, in kuraasta hogaamineed ee xisbiyadu ay noqdeen kuwo reero u kala suntan oo aanay cid kale soo hungurayn karin kursiga uu reerku leeyahay, islamarkaana uu hankaagu ku xidhan yahay hadba sida uu jaanis uga banaan yahay booska uu reerkiinu xisbiga ku leeyahay. Waxa taa ka sii daran seddexdii xisbi qaran ee lays-lahaa waxay noqon doonaan xisbiyo sal-balaadhan oo ay iskugu yimaadaan haldoorka iyo ninkarmeedka ay bulshadu leedahay, waxay noqdeen meel ay iska leeyihiin shaqsiyaad yar oo kooban oo aan cid-kale waxba uga ogoleyn, haddiiba ay dhacdo in cidkale ay soo hungurayso, waxa daaqadda lagaga saaraa jiqil iyo laad aan tudhaale la hayn, oo waxaynu maalin walba aragnaa nin ama koox sida fiinta uga qaylinaya warbaahinta. Sideedaba ujeedooyinka iyo dulucda aynu xisbiyada u aas aasanay waxay ahaayeen in ay seeska u dhigaan saaxad balaadhan oo siyaasadeed, taa soo lagu carbinayo, laguna laylyayo hadba inta hibada iyo hal-abuurka siyaasiga ahi ka dhex-guuxayo, si ay bulshada ugu soo baxaan, hogaamiyeyaal han iyo himilo xambaarsan oo ka sabata-bixin kara duruufaha iyo waayaha qallafsan ee shacabkooda soo wajaha.. Xisbiyada waxa loo aas aastay waxay ahaayeen, in ay la yimaadaan mabadi’ iyo aragtiyo siyaasiya oo ay bulshada ku soo jiitaan, ku waa soo ka turjumaya xaaladaha iyo baahiyaha dhabta ah ee ay shacabku dareenayaan, halka ay maanta qabyaaladda iyo tolnimada dib ugu cilinayaan, markii ay tahli-waayeen in ay bulshada wax kale ka iibiyaan. Waxay arrimahan iyo kuwo kale oo badaniba rajo beel ka dhigayaan hadafkii iyo ujeedii loo aas aasay axsaabta qaranka ee ahayd in lagaga guuro nidaamka beelaysiga iyo reernimada ku dhisan, loona guuro nidaam dimuqraadiya oo shuruuc iyo mabadi’i hagayso, (constitutional democratic system) kaa soo la jaanqaadi kara, nidaamyada casriga ah ee ay dunidu ku liibaantay. Si kastaba ha ahaatee, waxa saluugga ay bulshadu muujinayso udub dhexeed u ah seddexdan arrimood:- waa midda koobaad, xisbiyada qaranku malaha qorsheyaal iyo hal-beegyo siyaasiya oo ka turjumaya xaaladda dhaqan-dhaale ee ay bulshadeennu hadda ku sugan tahay, haddii ay leeyihiinna maaha kuwo ficilkooda innoo muuqdo. Waa midda labaade, xisbiyada dhexdooda kama jirto dimuqraadiyad iyo fur-furnaan siyaasadeed oo u gogol-xaadhi karta in ay dadka hanka lihi jaanis u helaan, sidii ay ugu loolami lahaayeen garoomada siyaasadeed ee ay xisbiyadu gadh-wadeenka ka yihiin. Waa midda seddexaade, xisbiyada laftooda ayaa u baahan in lagu sameeyo isbadalo siyaasadeed oo dhumuc meyn, ku waa soo taabanaya madaxda sare sare ee xisbiyada iyo inta u cumaamad in ay majaraha u qabtaan hogaaminta dalka, maxaayeelay xisbi walba waxa hor fadhiya shaqsi ama koox ay bulshada isku indho bateen, islamarkaana aanay ka sugaynin in wixii ay shalay soo qabteen, barri wax ka duwan ay la iman doonaan. Ugu denbaleyn waxaan xisbiyada kula talin lahaa in ay la yimaadaan aragti siyaasiya oo ka jawaabaysa xaaladda nololeed ee bulshadeennu hadda ku sugan tahay, sidoo kalena ay ka waantoobaan in ay qabyaalad cod ku raadsadaan. By Cumar Axmed Cali; cumaraxmed331@gmail.com tel: 0634244802. Qaran News
  20. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle, waxaana halkaas soo dhoweyn ballaaran ugu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle iyo kuwa maamulka gobalka Shabeellada Dhexe. Sheekh Shariif, ayaa socdaalkiisa ku sheegay inuu u kuur galayay doorashada maamulka HirShabeelle iyo in uu soo arko xaaladda gobalka iyo bulshada degaanka. Ilo-wareedyo ku dhow ayaa socdaalka madaxweynihii hore ku sheegay laba arrin oo kala ah. 1- Inuu ka qeyb qaato dadaallada lagu dhameynayo tabashooyinkii ka dhashay soo xulista baarlamanka iyo qeyla dhaanta ka soo baxeysa qaar ka mid ah beelaha dega HirShabeelle. 2 – Iyo inuu la soo kulmo baarlamaanka, madaxda maamulka, odayaasha degaanka iyo qeybaha bulshada maadaama uu yahay musharax Madaxweyne islamarkaana uu gobalkaas ka soo jeedo, si uu u muujiyo dareenkiisa ku aadan dhismaha maamulka iyo rabitaankiisa siyaasadeed. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sanado badan tagin gobalka Shabeellada Dhexe oo saameen gaar ah ku leh iyo guud ahaan HirShabeelle, waxa uuna socdaalkiisa ku aaday iyadoo ay socoto doorashada maamulka oo meel dhexe mareyso. Xiisad ka dhalatay dhismaha cusub ee maamulka HirShabeelle, kadib markii sida wax loo wado ay diideen qaar ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan, ayaa hadda u muuqata inay meesha ka baxday kadib markii beelahaas ay qancisay Villa Somali. The post Xog: Safarka Sheekh Shariif ee Jowhar oo salka ku haya laba arrin first appeared on Caasimada Online.
  21. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil uu hogaaminayay ayaa galabta gaaray magaalada garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Punland. Wafiga waxaa duleedka magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay, taliye ku xigeenka ciidanka booliska dowlad goboleedka Punland Sareeyo guuto Ceydiid Axmed Nuur ,taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Ameeriko.iyo sarakiil ka tirsan ciidanka booliska Punland. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahaan safaro socdaal ah ku marayay qaar ka mid ah gobolka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Nairobi (PP News Desk) — The Chairman of UCID party of Somaliland Faisal Ali Warabe endorsed the Somali elections to take place in February 2021. Faisal: We have to play an effective role in elections in Somalia. In a break with Somaliland Government policies that distance the self-proclaimed ‘Republic of Somaliland’ from the Somali political process, Faisal delivered a keynote speech for representatives from Dir clan meeting held in Nairobi. Under the 4.5 powersharing formula the UCID Chairman belongs to Dir clan. “Two clans vie for the presidency and the prime minister’s office. We have to play in role in the forthcoming elections” Faisal told participants of the meeting. Qabyatire: Let’s raise funds and meet regularly. Mohamed Adan Qabyatire, a former Somaliland Planning Minister, attended the meeting. “We have to meet regularly and raise funds” said Qabyatire. Last month the Government of Somaliland issued a statement in which it had rejected the election of Somaliland MPs and Senators in Mogadishu for 2021 elections. The Nairobi meeting is likely to infuriate President Muse Bihi who censured United Nations recently. The participation of influential politicians from Hargeisa in the Nairobi meeting is likely to infuriate a government that reiterated its opposition to UN position on the political unity and territorial integrity of Somalia. It is the first time a Somaliland politician openly endorsed the Somali electoral system. © Puntland Post, 2020 The post Somaliland Political Leaders Endorse the Somalia Electoral Model appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/Bar___Qubanaha-01112020.mp3 View the full article