Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano ku yaalla gobolkaasi. Ciidamada oo howl-gallo ka sameeyey duleedka degmada Waajid ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada Kurta iyo Walaqle ee gobolka Bakool. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in iska hor imaad ay la galeen Al-Shabaab, balse ay ka adkaadeen, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana ciidamada milatariga Soomaaliya ay weli dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan deegaanada hoos yimaada degmada Waajid ee Bakool. Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  2. Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay doorashada HirShabelle, kadib ku dhowaaqistii golaha wasiirada Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa ugu horreyn hambalyo loogu diray xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamukaasi. Sidoo kale wasaaradda ayaa boggaadisay howlaha u qabsoomay guddiga farsamada ee doorashooyinka HirShabelle. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  3. Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa is-rasaaseyn saaka ka dhacday isgoyska Dabka oo kala qeybiya degmooyinka Hodan, Howlwadaag & Waabari ee gobolka Banaadir. Iska hor imaadka ayaa ka dhashay ka gadaal markii rag hubeysan oo ka dagay mooto Bajaaj ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugnaa halkaasi. Ugu yaraan labo qof oo dhinacyadii is-rasaaseeyey ahaa ayaa ku dhintay halkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay qof kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ruuxa dhaawacmay uu ka tirsanaa kooxda weerarka soo qaaday, waxaana la wareegay oo baaris ku heysa laanta dambi baarista ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee CID-da oo saraakiil ka socota ay tageen goobta. Weli wax faah faahin ah saraakiisha ammaanka dowladda Soomaaliya kama bixin shaqaaqadaasi. Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii la soo dhaafay ammaanka Muqdisho uu ahaa mid yare degan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada dowladda Soomaaliya. Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegata weerarada, qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. View the full article
  4. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/Warka-Duhur-01112020.mp3 View the full article
  5. Haddii Eebaha wayni ogolaado doorashadii madaxwaynenimada Maraykanku waa maalin kadib, Salaasada ugu horraysa bisha November ee aynu ku jirno ayaa la qabtaa afartii sannoba mar iyadoo shuruudaha laga rabo qofka madaxwayne noqonaya ay kamid yihiin in da’diisu ugu yaraan tahay 35, ku dhasho Maraykanka uuna deganaa illaa 14 sanno. Laba nin ayaa u taagan doorashada Salaasada dhacaysa, Donald Trump madaxwaynaha imika oo ka socda xisbiga Jamhuuriga iyo Joe Biden oo kasoo jeeda midka kale ee Dimuquraadiga. Bal haddaba si aad u fahanto qaabka ay u dhacdo doorashada dalkaasi, iyo cidda loo saadaalin karo xafiiskan Ovul Office ee aqalka cad ku yaalla, fadlan ila joog. Doorashadan ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid kamid ah kuwii ugu cuslaa ee dhacaya taariikhda USA, waxyaabo badan oo lasii saadaalin lahaa, cudurka Coronavirus ayaan ka dhigin suurtagal, kumannaan Maraykanka ah ayuu dilay cudurku, Malaayiin baa qaaday xitaa Trump laftiisa ayuu haleelay. Labada xisbi ee ugu waawayn dalkaasi, waxay soo xusheen qofka baratanka u galaya, qofkaasina wuxuu isna soo xushay qofka madaxwayne-xigeen u noqon doona. Shirwayneyaal waawayn ayay qabsadeen xisbiyadu, waxaanay ku safreen oo jaanta wada mariyeen gebi ahaanba dalka oo dhan iyagoo u sharraxaya qorsheyaashooda siyaasadeed iyo fikradahooda. Haa kharash badan baa baxay, laakiin xusuusnow kooxaha ololaha xisbi walba ayaa taageerayaashooda ka ururiyay tobannaan Milyan oo dollar. Malaayiin Maraykanka ah ayaa imika codkooda sii dhiibtay codayn-horudhac ah. Saadasha illaa hadda la qirsan yahay waa in Biden ku horreeyo codadka dadwaynaha Maraykanka. Sug sug sug, hadda ogow doorashadii 2016, markii ay wada tartamayeen Trump iyo gabadhii Hillary Clinton, gabadha ayaa ka horraysay Trump ku dhawaad 3 Milyan oo cod, markaa waxaa jira nidaam kale oo la maro doorashada Maraykanka. Nidaamkaasi waa maxay? Dabcan waxaa la yidhaa Electoral College, aabbeyaashii Maraykanka ayaa sameeyay nidaamkani 200 oo sanno kahor, ujeedkooduna waxaa uu ahaa haddii dadwaynuhu ay doortaan qof aan u qalmin inuu noqdo madaxwayne in lagu hor istaago. waa dad ka wada shaqaynaya dan guud, gobollada Maraykanka oo dhan baa loo qaybiyaa, tiradooda imiku waa 538 qof, kuwaas oo loo qaybiyo guud ahaan gobollada Maraykanka. Haddii dadwaynuhu kuu codeeyaan oo lagaaga guulaysto 538-kan qof ma noqonaysid madaxwaynaha Maraykanka, markaa waa in aad ku guulaysto ugu yaraan 270 kamid ah 538 qof. In badan ayaa laysku dayay in la bedelo nidaamkan, balse weli hawshiisu way socotaa. Waxaa jira gobollo ay xisbiyadu haystaan oo mid weliba hubo inuu codadkiisa helayo kuwaas oo lagu kala muujiyay midabada casaanka iyo buluugga, halka qaar kalena lagu sumadeeyay midabka hurdiga ama hurudda, oo ah inay isbed-bedelaan oo ay hadba xisbi ugu ridaan codka. Gobollada haysta tirada codad ee ugu badan Electoral College-ku waa California Oo Haysta 55 Cod Texas 38 New York Iyo Florida-Na Mid Waliba Wuxuu Leeyahay 29 Cod . 4. Illinois iyo Pennsylvania midkiiba waa 20. Halka Ohio Ka Haysto 18 Cod. Gobollada ugu codka yar waxay kala yihiin sidan: Alaska, Delaware, The District Of Columbia, Montana, North Dakota, South Dakota, Vermont And Wyoming Midkiiba Wuxuu Haystaa 3 Cod. Hawaii, Idaho, Maine, New Hampshire And Rhode Island Midkiiba Afar Cod Ayuu Leeyahay. Nebraska, New Mexico, And West Virginia Midkiiba Shan Cod Buu Yeeshay Arkansas, Iowa, Kansas, Mississippi, Nevada And Utah Midkiiba 6 Cod Ayuu Leehayay Connecticut, Oklahoma Iyo Oregon Midkiiba 7 Cod Ayuu Haystaa. Doorashadani tijaabo ayay u tahay dimuquraadiyadda Maraykanka, dad badan ayaa werwersan sababo la xidhiidha hadallo hore uga soo yeedhay madaxwayne Trump in haddii laga guulaysto aanu wareejin doonin amaba aanu aqbali doonin natiijada doorashada, isagoo ku sababaynaya in codadka lagu dhiibto Email-lladu aanay ahayn kuwo lagu kalsoonaan karo oo ku shubasho ka dhici karto, inkasta oo khubaradu ay sheegeen inayba yihiin kuwa ugu musuqmaasuq yar. Khuburadu waxay sheegayaan oo kale in doorashada aan lagu dhawaaqi doonin isla habeenimada la xidho goobaha cod-bixinta ee ay qaadan karto muddo inta lakala hufayo ee lakala haadinayo codadka Emaillada lagu soo dhiibtay. Saamaynta uu leeyahay madaxwaynaha Maraykanku, kuma koobna oo keliya gudaha dalkaasi, marka uu xafiiskan qaabka beedka leh ee Oval Office oo ku yaalla daanta galbeed ee aqalka cad soo fadhiisto madaxwaynaha Maraykanku, wuxuu ku saxeexaa amarro saamayn ku leh adduunka oo dhan, wuxuu noqdaa taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka, kaasi oo amri kara ganista gantaalaha wax baabiiya iyo duqaynta ay gaystaan diyaaradaha is-wada, kuwaas oo xitaa duqaymo ka gaysta Soomaaliya. Madaxwaynaha Maraykanku waa midka ugu ilaallada adag adduunka, kaas oo ku safra gaadiid si aad ah u qalabaysan oo ay kamid yihiin diyaaradda sida kuwa shacabka u eg balse ah nooca Militariga ee Air Force One, midda qumaatiga u kacda ee Marine One iyo baabuurta sida aadka ah u gaashaaman ee The Beast ama Limo One. Source
  6. Every year, the rains gift Somali communities with much-needed water for their animals and agricultural activities. However, in many riverine areas in the south and central States, intense rains result in the Juba and Shabelle rivers overflowing. This causes floods, which destroy homes and roads among other assets and infrastructure, and exacerbate the spread of water-borne and vector-borne diseases, such as cholera and malaria. Source: Hiiraan Online
  7. Weerar mindi loo adeegsaday oo 2 Ruux lagu dilay 5-kalena lagu dhaawacay wadan reer Galbeeda+Cida fulisay Dhismaha baarlamaanka ee Quebec Ugu yaraan laba qof ayaa toorey lagu diley, shan kalena waa lagu dhaawacay magaalada Quebec ee dalka Canada. Booliska ayaa dadka u sheegay inay ku jiraan guryaha ka dib markii nin “ku labisnaa dharka qarniyadii dhexe” uu “dad badan weeraray. Ninka weerarka geystay oo ku jira da’da 20-meeyada ayaa la qabtay waxyar ka hor 01:00 waqtiga maxalliga ah, saraakiisha ayaa sidaas yidhi. Laakiin dadka deegaanka ayaa wali loo sheegayaa in ay ku ekaadaan gudaha maadama baaritaan uu socdo. Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka baarlamaanka Hill oo ku yaal xaafadda taariikhiga ah ee Old Quebec. Warbixinadii ugu horreeyay ee weerarka ayaa soo baxay waxyar ka hor 22:30 waqtiga maxalliga ah. Kadib markii lagu qabtay agagaarka beerta ganacsiga ee Espace , ninka ayaa waxaa loo qaaday isbitaalka. Le poste de commandement du @SPVQ_police est déployé devant l'hôtel du Parlement du Québec. pic.twitter.com/WEjxJeqquK — ICI Québec (@iciquebec) November 1, 2020 Weriyeyaasha goobta ku sugan ayaa Twitterka ku baahiyay sawirro muujinaya taliyaha booliiska oo ku sugan bannaanka Dhismaha Baarlamaanka ee Quebec. Qaran News
  8. Jowhar (Caasimadda Online) – Guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa maanta soo saaray islamarkaana shaaciyay jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle. War kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta Berri oo Isniin ah ay bilaabaneyso qabashada Araajida musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, halka 3-da Bisha November oo ku aadan Talaalada ay musharixiinta jeedin doonaan khudbadahooda. Sidoo kale Guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa sheegay in 4-ta Bisha November oo ku beegan Maalinta Arbacada ah la qaban doono doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle. Jadwalka ayaa waxaa lagu caddeeyey in min hal maalin loo qoondeeyey qabashada araajida musharixiinta, hadal jeedinta iyo doorashada, waxaana doorashada guddoonka oo ka kooban Guddoomiye iyo laba ku xigeen lagu dooranayaa muddo seddex maalmood gudahood ah. Doorashada Hirshabelle ayaa si xowli ah ku socoto iyadoo u muuqato mid aan u baahneyn olole oo Mas’uuliyiintii xilalka qaban lahaa ay diyaarsan yihiin. Halkan hoose ka aqriso qoraal ay soo saareen guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Hirshabelle; The post Jadwal deg deg ah oo loo sameeyey DOORASHADA G/Baarlamanka HirShabelle first appeared on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (PP News Desk) — Plain clothes security men at Makah Al Mukaramah Road in Mogadishu exchanged fire with gunmen early in the morning. The firefight erupted when gunmen in a tricycle taxi opened fire at the security men. Security forces shot two of the gunmen dead, and injured one gunman, who has been hospitalised. Makah Al Mukaramah thoroughfare. The Federal Government of Somalia deployed plain clothes security officers at main roads in the capital city to keep a watch on CCTVs intalled on main roads. Al-shabaab operatives damage CCTVs and solar street lights in parts of Mogadishu. “The strategy to deploy plain clothes security agents serves as remarkable deterrent against Al-shabaab operatives and robbers” said a Somali MP. The Federal Government is beefing up security in the capital ahead of planned elections to take place in February 2021. © Puntland Post, 2020 The post Gunmen Open Fire at Plain Clothes Soldiers in a Busy Mogadishu Road appeared first on Puntland Post.
  10. Maamulka Hirshabele waxaa wali ka jira khilaaf ka dhashay Doorashada Maamulka khiæaafkadoo dib u dhigay Doorashadii maamulkaas. Hada waxaad moodaa in Dagaalka Doyaasadeed ee ka [...] The post Shariif iyo Farmaajo oo ku dagaalamaya Jowhar appeared first on . Source
  11. Siyaasiyiin badan ayaa horay uga shakisanaa qaabka uu kusii socon karo heshiis lala galo Madaxweyne Farmaajo, Oo ay Siyaasiyiintaas u arkaan Inuusan ku fiicneyn Taaba [...] The post Dowlada Federaalka oo ka Baxdey Heshiiskii Doorashada appeared first on . Source
  12. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s newly appointed Prime Minister Mohamed Roble has vowed to root out corruption in government as the Horn of Africa nation remains one of the most countries in the world. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s newly appointed Prime Minister Mohamed Roble has vowed to root out corruption in government as the Horn of Africa nation remains one of the most corrupted country in the world. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya 2020 illaa 2021 ee horey loo shaaciyey, kadib heshiiskii ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. Sida uu qorshuhu ahaa maanta oo ay ku beegan tahay 1-da bisha November ayaa lagu waday inuu billowdo qorshaha soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixinta, balse waxaa muuqata inuu dib u dhac ku yimid qorshahaasi iyo jadwalkii la shaaciyey. Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey 10-20-ka October ee bishii hore in lasoo magacaabo guddiga doorashada, hayeeshee uu dib u dhac ku yimid, welina laguma dhowaaqin guddigaas, walow maamul goboleedyada ay soo dhameystireen xubnihii ku metali lahaa guddiga doorashada iyo ka xalinta khilaafaadka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Dib u dhac-yadan ayaa loo sababeynayaa arrimo farsamo, balse waxaa haatan socda dadaalladii ugu dameeyey ee doorashada oo ay wado xukuumadda Rooble. Qorshaha ayaa sidoo kale ah in doorashada Aqalka Sare ay dhici doonto 1-da illaa 10-ka December, halka tan golaha shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka December. Sidoo kale doorashada guddoonka labada Aqal iyo tan maadaxweynaha ayaa dhici doonto 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo ee sanadka soo socda 2021-ka. Si kastaba dadka falanqeeya siyaasadda iyo sidoo kale hoggaanka xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka ayaa ka digaya wax kasta oo dib u dhac u keeni kara ama fashilin kara jawdwalkii lagu heshiiyey ee doorashooyinka Soomaaliya 2020/2021-ka. The post Dib u dhac ku yimid jadwalkii doorashada ee lagu heshiiyey first appeared on Caasimada Online.
  15. President Donald Trump reportedly has asked the Pentagon for plans to withdraw U.S. troops from Somalia. But any potential drawdown of the 650 to 800 troops on the ground does not necessarily mean an end to U.S. military action in the country. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynihii Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhow waxaa uu gaaray gobolkii uu ku dhashay ee Shabeellada dhexe. Shariif marka laga soo tago inuu gobolkaasi ku dhashay waxaa uu sanadihii 2001-dii ilaa 2002-dii ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda maamulkii gobalka Sh. Dhexe, isaga oo halganka maxkamadeynta halkaasi ka bilaabay kadib Muqdisho madax ka noqday maxaakiimtii Islaamiga. Dib u noqoshada Shariifka ee Jowhar ayaa lagu micneeyey inuu taageero u muujiyo mas’uuliyiinta doonaya madaxweynaha Hirshabelle, inuu tashiyo soo sameeyo iyo inuu wax ka ogaado dhismaha maamulka iyo u diyaargarowga Jowhar ee doorashada 2020/2021. Mudane Sheekh Shariif ayaa sanadkan ah murashax doonaya inuu kursiga Villa Somalia ka badalo ninka uu siyaasadda soo geliyey, dadkana baray ee Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kaga digay golahiisa wasiirada iney ku kacaan musuq-maasuq iyo ku tagri-fal awoodeed mudada ay xilka hayaan. Eng Rooble ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay sii dar-dar galineyso qorshayayaasha kasoo horjeeda musuqa xilli uu booqday saddex xarun oo muhiim ah. Ra’iisul wasaaraha wuxuu booqday Bangiga dhexe, Wasaaradda Maaliyadda iyo Dekedda magaalada Muqdisho wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda iyo maamulka hay’adahaan iyagoo ku sugan goobtooda shaqada. Wuxuu ka dhageystay warbixin ku saabsan sida ay ugu adeegaan shacabka iyo hufnaanta maaliyadeed oo ay adeegyada ku fuliyaan. Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay dhowridda amaanada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed isagoo dul istaagay iney muhiim aheyd tallaabooyinkii ay dowladda qaaday oo xubno ka tirsan xukuumadii hore loogu eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne. Kormeerka Maxamed Xuseen Rooble wuxuu salka ku hayay inuu dar-daaran siiyo maamulka ilaha dhaqaalaha dalka iyadoo wadanka uu ku jiro kala guur, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay iney dar-dar galiyaan hawlahooda iyadoo dhaqaalaha uu hoos u dhigay xanuunka Covid19 oo dunida dhibaato weyn kusoo kordhiyay. Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa looga fadhiyaan iney dalka dhaafiso marxaladaan kala guurka ah kana shaqeyso arrimaha doorashooyinka, amniga iyo sidoo kale waxyaabaha aas-aasiga ah ee looga gudbi karo marxaladaan. The post ROOBLE oo hal arrin oo uga digay Golahiisa Wasiirada first appeared on Caasimada Online.
  18. Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa howl-gallo ballaaran ka wada degmada Qansaxdheere iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolka Baay. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa ujeekooda waxa uu yahay kuwa lagu xaqiijinayo amniga guud, sida uu Shabelle u sheegay guddoomiyaha maamulka degmada Qansaxdheere, Cabdirisaaq Cabdi Ibraahim oo shalay ka bad-baaday qarax lala eegtay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qorshahooda uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada iyo tuulooyinka hoos yimaada degmadaasi. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro culus ka fuliya labadaasi gobol oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. View the full article
  19. Waxaa soo baxaya in gebi ahaanba aan lagu shaqeyn karin jadwal ay horay usoo saareen golaha wadatashiga qaran ee madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada oo shir ku yeeshay Muqdisho. November 1, oo aheyd in la guda galo soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha cod bixinta ayaa waxaa muuqata in aan xilligeeda la joogin, iyada oo aan la fulin labo qodob oo ka horeeyey. Waxaa horay u guuldareystay Magacaabista guddiga doorashada ee labada heer oo ahaa in la sameeyo 10-20-ka october 2020. Waxaa kale oo fashil ku dhammaaday dhismaha iyo tababarka guddiyada oo ahaa 20-30 November 2020 Akhriso: Jadwalka: Source: goobjoog.com
  20. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan HirShabelle, maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ku soo dhoweeyey garoonka Jowhar. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan ayaa inoo sheegay inuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka qeyb-geli doono dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka maamulkaas, lamana oga sida uu sameyn ugu yeelan karo. Shariif ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda HirShabelle ee ku sugan Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. HirShabelle oo muddo fog wajaheysay dhibaatooyin adag ayaa hadda ku jirta marxalad kala guur ah, iyada oo lagu muransan yahay qabsoomida doorashooyinka maamulkaasi. Si kastaba, safarka Sheekh Shariif ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimad Kenya oo uu ka waday kulamo siyaasadeed. The post Sawirro: Sheekh Shariif oo gaaray Jowhar + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  21. (SLT-Laascaanood)- Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Somaliland, Madax dhaqameed iyo Mudan kale ayaa ka qayb galay Munaasibad lagu soo gabo gabeeyay heshiis buuxa oo la dhex dhigay laba ardaa oo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhex martay deegaanka adhi cadeeye ee gobolka Sool. Waxaa Munaasibadaas laga akhriyey heshiis 18 qodob ka kooban oo lagu soo afjaray xaaladii keentay shaqaaqo dhex marta labadaasi ardaa. Sidoo kale Wasiiradda Warfaafinta, Horumarinta biyaha, Ganacsiga, iyo Arrimaha gudaha ayaa halkaasi ka hadlay soona dhaweeyay heshiiskan labada ardaa ay wada gaadheen. Muuqaalkan Hoose ka daawo Go’aamadii Shirkaas lagu soo khatimay iyo Hadaladii ay ka jeediyeen Xubnaha golaha Wasiiradda iyo Madax dhaqameedkii kale ee ka hadlay Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay meel adag ka taagan tahay Aflagaado kasta oo lagula kaco Nebi Muxamed (N.N.K.H), xilli Wadamada Muslimiintu meel adag iska taageen xidhiidhka Dalka Faransiiska, maaddaama uu Madaxweynaha Faransiisku uu taageero u muujiyey ninkii la dilay ee sawir gacmeed uu wax kaga sheegayo Nebiga sameeyey. Wasiirka Arrimaha Dibedda Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo dalka ka maqan ayaa sidoo kale sheegay in aan gorgortan la galin karin qaranimada Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Innagu waxaynu nahay dad islaam ah, waxaanu ALLE inagu nimcaystay imaanka islaanimada, wuxuu ALLE inoo soo diray Nebi Muxamed, markaas sinaba raali uguma nihin in Nebigeena wax laga sheego, Nebiguna waa iftiinkii iyo nuurkii Adduunka, oo iyaduu casri jahili lagu jiro, ayuu ALLE Nebi Muxumed Adduunka keenay, waxaanu Nebigu ina baray waxaynu if iyo akhiraba ku liibanayno, markaas inuu jecaylkiisu qalbigeena ku waynaado oo aynu saligiisa joogteeyno ayaa la inaga rabaa, Muslimiintuna meel kasta oo ay joogaan inay Nebiga taageero iyo jacayl u muujiyaan waa waajib, oo waa kii hore Rasuulku u yidhi ilaa naftiina iga jeclataan imaankiinu taam maaha, markaas inaynu Rasuulka nafaheena ka jeclaano ayaa waajib ah, waana inuu Rasuulku mar walba inagu weynaada”. Wasiirka Arrimaha dibeddu waxa kale oo uu ka hadlay Hay’adaha Qaramada Midoobay oo Xukuumadda Somaliland ku samaysay shaqo-joojin kuna eedaysay inay doonayaan inay inay qorshaha Soomaaliya ka fuliyaan Somaliland, waxaanu Madaxweynaha ku taageeray hadal ahaan inaan dalkan laga fulin karin wax Qarannimadiisa lid ku ah “Waa sidaas uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi sheegay, waxna kaga noqon maayo hadalka Madaxweynaha, oo Madaxweynaha ayaa wax walba ka hadlay, laakiin Somaliland qaranimadeeda gorgortan iyo shaki lama galin karo, cid kasta oo dood ka qabtana in aanu ku qancino sharcinimada dalkayaga ayaanu diyaar u nahay, Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo guud ahaan Beesha Caalamka, waxaanu ugu baaqaynaa inay qaranimadayada qadariyaan, oo ixtiramaan mawqifka Shacabkayaga, maxaa yeelay waxaanu nahay dal buuxiyey shuruud kasta oo looga baahan yahay dal jira” Source