Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,082
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Islamic State in Somalia has approximately doubled in size over the past year, the chief of U.S. Africa Command told VOA. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) — A record-breaking number of nearly 4,000 students participated in the National University Admission Test for Somali National University this year, marking the largest turnout in the university's history. Source: Hiiraan Online
  3. Siyaasi Khaliif Maxamed Warsame (Xiinwaal), oo muddo dheer ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ayaa maanta shaaciyay in uu iska casilay xisbigaasi kuna biiray xisbiga WADDANI Qoraal uu baahiyay siyaasi Khaliif waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan “Maanta oo ay Taariikhdu tahay Arbaca, 2da October 2024, waxa aan halakan ku caddaynayaa in aan iska casilay xubinnimadii iyo Golihii Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo aan muddo dheer ka tirsanaa. Taas beddelkeeda, waxa aan go’aansaday in aan tamartayda iyo waayo’aragnimadayda ku biiriyo Xooggaga Isbeddeldoonka ee lagu samatabixinayo Somaliland. Waxaan guud ahaan bulshada Somaliland iyo Gaar ahaanna taageerayaashayda u caddaynayaa in aan ku biiray maanta laga bilaabo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. Ballanteennu waa badbaadinta Somalilandtii tacabka badani innaga galay. Khaliif Maxamed Warsame. Qaran News
  4. The Minneapolis Police Department has recently added 23 officers. with two of them making history. One is a Somali-American woman, Ikran Mohamed. Another is a woman, Lesly Vera, who came to the U.S. from Mexico when she was four and became a permanent resident. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in la maalgeliyo waaxda beeraha dalka, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay fursado waaweyn oo lagu horumarin karo wax-soo-saarka. Ka dib hadal uu ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ku saabsan maalgelinta silsiladda qiimaha beerta, oo ay wada qabanqaabiyeen Midowga Yurub, ayuu Madaxweynaha sheegay in dalka uu leeyahay awood aan kaliya naftiisa quudin karin, balse sidoo kale uu dhoofin karo wax-soo-saar dhinacyo kala duwan oo adduunka ah. Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay leedahay dhul bacrin ah oo ku habboon in lagu soo saaro noocyo kala duwan oo dalag ah, wuxuuna carabka ku adkeeyey in fursadahaas ay weli yihiin kuwo aan si buuxda loo isticmaalin. “Maalgashadayaasha caalamiga ah waxay door muhiim ah ka ciyaari karaan dib u soo nooleynta waaxda beeraha,” ayuu yiri. Isagoo xusay fursadaha maalgashi, Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay si gaar ah ugu habboon tahay in laga dhigo xarun loojistik ah oo dhoofin ah, iyada oo dekedaha Kismaayo, Muqdisho, iyo Berbera ay yihiin tusaalayaal muujinaya awoodda gaadiidka. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in la maalgeliyo kaydinta, gaadiidka, iyo habeynta wax-soo-saar si kor loogu qaado dhoofinta, isagoo tusaale u soo qaatay guulaha la xiriira wax-soo-saarka Sisinta oo dalka laga dhoofiyo. Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in dhalinyarada Soomaaliya ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan dib u dhiska waaxda beeraha, isagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin inay qaataan hal-abuurka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay dejisay shuruuc iyo siyaasado taageeraya maalgashiga, sida Shuruucda Maalgashiga iyo Ilaalinta Maalgashiga. “Qorshaha Isbeddelka Qaranka ayaa dhidibada u taagay sidii loo hirgelin lahaa aragtidan,” ayuu yiri, isagoo muujinaya ballanqaadka dowladda ee horumarinta kaabayaasha beeraha iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka qaybta gaarka ah. Gabagabadii, Madaxweynuhu wuxuu ku adkeeyey in waqtigii lagu maalgelin lahaa beeraha Soomaaliya la joogo, isagoo ku baaqay in la wada shaqeeyo si loo gaaro mustaqbal ifaya oo barwaaqo ah. Source: goobjoog.com
  6. Mogadishu (HOL) — Haluk Bayraktar, CEO of Turkey's defence giant Baykar and manufacturer of the internationally renowned Bayraktar TB2 drone, visited Mogadishu over the weekend, signalling the strengthening of ties in the already robust relationship between Somalia and Turkey. Source: Hiiraan Online
  7. Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay ka dib markii labo doonyood oo muhaajiriin ah ay ku dagtay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay. “Doomuhu waxay ka tageen Yemen, waxaana saarnaa 310 qof,” waxaa sidaas sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, iyadoo intaas ku dartay in qaar badan oo dadkaas kamida weli la la’yahay. Waa masiibadii ugu dambeysay ee marinka halista ah ee loogu yeero Jidka Bari ee muhaajiriinta ka imaanaya Afrika. Ku dhawaad ​​32 qof oo badbaaday ayaa la soo badbaadiyay, IOM ayaa sheegtay in X, IOM ayaa sheegtay inay gacan ka geysanayso goobidda iyo samatabbixinta. Sannad kasta tobanaan kun oo muhaajiriin ah ayaa ku dhiirada Jidka halista badan ee isku xira waqooyiga Afrika iyo Yurub, iyaga oo doonaya in ay ka baxsadaan iskahorimaadka, masiibooyinka dabiiciga ah ama rajo-xumo dhaqaale iyaga oo ka gudbaya Badda Cas una sii jeeda Gacanka qaniga ku ah saliidda. Qaar badan ayaa isku dayaya in ay gaaraan Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka Carabta halkaas oo ay ka heli karaan shaqo shaqaale ama shaqaale guri. Bishii Agoosto, ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay markii doon ay saarnaayeen ku degtay xeebta degmada Taez ee dalka Yemen. Muhaajiriinta gaarta Yemen ayaa inta badan la kulma khataro dhanka ammaankooda ah, maadaama dalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta uu dagaal sokeeye hareeyay muddo ku dhow toban sano. Source: goobjoog.com
  8. As Minnesota’s Somali population has grown, it’s increasingly looking to flex its political muscle. That’s especially true in St. Cloud, where the Somali American population has surged dramatically in recent years. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) — Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) has arrested five Al-Shabaab operatives during an operation in Mogadishu, successfully disrupting a planned attack on the capital. Source: Hiiraan Online
  10. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wararka ayaa sheegaya in Saciid Deni diyaarad gaar ah uu ku tegay halkaasi, isaga oo kasoo ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana Boosaaso ku soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ciidan. Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Boosaaso ka bilaabi doono dhaq-dhaqaaqyo culus iyo kulamo looga arrinsanayo xaaladaha ka jira magaaladaasi, isaga oo la shiri doono mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qorshaha ugu wayn ee uu Deni u tegay Boosaaso ay tahay dardar-gelinta dagaalka ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, isaga oo la kulmo saraakiisha Mareykanka. Ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in madaxweynuhuu uu hoggaamin doono abaabul culus oo kooxda lagu qaadi doono, si looga saaro dhulka Puntland gaar ahaan buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad oo ay ku dhuumeystaan. Dhowaan ayaa Puntland ay sheegtay in ay soo afmeeri doonto kooxahaasi oo ay ku jiraan rag ajaaniib ah oo ka barbar dagaalama, halisna ku ah amniga Puntland iyo guud ahaan dalka. Dhinaca kale safarka Deni ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Boosaaso ay ka jirto xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada PSF iyo Puntland, taas oo ka dhalatay isku haysiga garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo dhowaan ay digniino kasoo sareen ciidamada PSF. Xiisadda ayaa si weyn looga dareemayaa magaaladan oo ah xarunta ganacsiga Puntland oo ay horay labada dhinac ugu dagaalameen kadib khilaaf soo kala dhex galay. The post DENI oo gaaray BOOSAASO xilli ay weli taagan tahay xiisadda kala dhexeyso PSF appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) — Somalia's Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation strongly condemned the attack on the residence of the United Arab Emirates (UAE) ambassador in Khartoum, calling it a violation of international law and a serious breach of diplomatic norms. Source: Hiiraan Online
  12. Xeeldheereyaasha dunida ee aqoonta u leh arrimaha militariga iyo sirdoonka ayaa si weyn u fallanqeynaya weerarkii ballaarna ee Iran ay saaacado ka hor ku qaaday maamulka Israa’iil. Qubarada ayaa tilmaamay in weerarkani uu gebi ahaanba ka duwanaa midkii bilo ka hor ay Iran qaaday, ayadoo tilmaamay in boqolkiiba 80 gantaalladii ay ciidamada Iran rideeni ay ku guulaysteen inay ku dhacaan goobihii loogu talo-galay, halka boqolkiiba 30 ay Israa’iil ka hortagtay. Weerarkan oo la sheegay inuu jawaab u yahay dilkii Ismaaciil Haniyeh ayaa yimid muddo dheer oo aamusnaan ah ka dib, taas oo keentay in Israa’iil ay aamintay in Tehran aanay wax aargoosi ah sameyn doonin. Sidoo kale weerarkan Iran waxay u adeegsatay gantaallada ballistic-ga ah ee codkooda ka dheeraya, halka kii hore ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ay waqti dheer ku qaadanayso inay gaaraan bartilmaameedkooda, taas oo Israa’iil u fududaysa inay intooda badan ka hortagtay. Dhanka kale warbaahinta Israa’iil ayaa warinaysa in tiro badan oo ciidamada ka mida isbitaallada la geeyay ka dib weerarkii Iran, balse weli lama hayo xogta rasmiga ah ee waxyeellada duqeymahan oo la filayo inay tahay culus. Source: goobjoog.com
  13. Mogadishu (HOL) — Asad Osman Abdullahi Diyaano officially took the helm of the Somali Police Force on Tuesday in a ceremony held at the police headquarters in Mogadishu, marking a new chapter in the leadership of the nation's security apparatus. Source: Hiiraan Online
  14. Karim Adeyemi starred as Borussia Dortmund ran riot against Celtic while Barcelona and Manchester City claimed their first wins in the restructured Champions League on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  15. Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu promised that arch foe Iran would pay for its missile attack against Israel on Tuesday, while Tehran said any retaliation would be met with "vast destruction", raising fears of a wider war. Source: Hiiraan Online
  16. Luis Enrique had taken a big gamble by leaving Ousmane Dembélé out of his squad for PSG’s biggest game of the season against Arsenal. Source: Hiiraan Online
  17. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/461770095_846220931046795_7360341625741226697_n.mp4 Qaran News
  18. Buuhoodle (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa dagaal nooc cusub ka bilaabay deegaano hoostaga magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada ammaanku. SSC ayaa sheegtay in halkaas ay ka fulisay howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya, waxayna ciidamadu bartilmaameedsadeen xarumo ku yaalla halkaasi. Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah ugu qaabilsan la dagaalanka ‘anshax xumada iyo maandooriyaha’ ayaa warbaahinta u sheegay inay cagta mariyeen goobo gaar ah oo lagu iibiyo waxyaabaha maanka-dooriya, kadib xog ay ka heleen shacabka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo xirxireen shaqsiyaad ku eedeysan inay ka ganacsanayeen maan-dooriyaha, kuwaas oo uu tilmaamay in la horgeyn doono sharciga. Waxaa kale oo uu taliyuhu intaasi kusii daray in dagaalkooda uu sii socon doonno ilaa inta laga soo afjarayo guud ahaan kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya. Maalmihii u dambeeyay ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo ayaa howlgallo ka waday deegaanada maamulkaasi si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago wax kasta oo halis ku ah. Si kastaba, Khaatumo ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo lagu hormarinayo deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaas oo horay dagaal culus ula galay Somaliland. The post SSC-Khaatumo oo dagaal nooc cusub ah ka bilowday Buuhoodle + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) — Somalia is intensifying its efforts to boost its search and rescue (SAR) operations in both the maritime and aeronautical sectors. Two major initiatives launched with EUCAP Somalia and other European allies aim to address the country's long-standing gaps in emergency response. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU, (CAJ News) – SOMALIA is set to be the first country to benefit from China’s recently-announced Action for a Mine-free Africa initiative. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Somali scholar Mohamed Ibrahim Ahmed has secured second place in the "Full Quran Memorization with Different Narrations" category at the 5th edition of the Mohammed VI Quran Competition for African Scholars, held remotely from Fes, Morocco. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) aya maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore Jeneraal Sulub Axmed Firin, kadib munaasabad ka dhacday Muqdisho. Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, wasiirka amniga gudaha, xildhibaanno, saraakiil iyo marti sharaf kale. Taliyaha cusub oo goobta ka hadlay ayaa markii uu xilka wareegay sameeyay ballan qaadyo waa wayn, isaga oo xusay inuu wax ka qaban doono amniga iyo horumarinta Booliska. “Waxaan u taaganahay sugidda nabadda, ilaalinta xuquuqda aadanaha dhowrista sharafta Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan ka shaqeyn doonaan sare u qaadida tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sare u qaadida wada shaqeynta ka dhexeys Booliska iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu la imaan doono qorshayaal cusub oo lagu sugi doono amniga magaalada Muqdisho oo xudunta dalka. “Waxaan curin doonaa qorshayaal amni oo saldhig u tahay cilmi iyo aqoon oo lagu sugayo amniga caasimada, iyo sidii aan u gaarsiin lahaa adeegga bulshada gobolka kasta oo Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay. Asad Diyaano ayaa sidoo kale shaaciyay inuu ka shaqeyn doono abuurista kalsoonida ay shacabka ku qabaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u wada shaqeeyaan. “Waxaan xoogga saari doonaa in Booliiska shacabku ku kalsoonaado Min Raas Kambooni illaa Raas Caseer” ayuu mar kale yiri taliyuhu. The post Daawo: Taliye Aasad oo xilka la wareegay, kadibna sameeyay ballan qaadyo waa wayn appeared first on Caasimada Online.
  23. The boats were traversing a route described as one of the busiest and most dangerous in the world for refugees and migrants from Africa. Source: Hiiraan Online
  24. Somalia on Tuesday imposed a long-delayed ban on single-use plastic bags to help tackle pollution, the latest African country to try to stem the tide of non-biodegradable waste. Source: Hiiraan Online
  25. (ERGO) – Since mid-June, Abdirahman Ibrahim Mohamed’s family of 10 has struggled to eat a meal once a day after he lost his construction job in Berbera, in Somaliland’s Sahil region, where he had been working for several years. Source: Hiiraan Online