-
Content Count
211,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeisa (HOL) — The interim administration of SSC Khaatumo has formally requested representation in the ongoing National Consultative Council meetings in Mogadishu. The administration argues that, as a recognized federal entity under Somalia's government, it is entitled to participate in discussions shaping the country's future. Source: Hiiraan Online
-
Ganacsade si weyn looga yaqaanay Xaafadda Suuqa ee Xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu dilay halkaasi sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelkiisa. Ganacsadahaan oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Daahir Diirshe. Kooxo hubeysan ayaa toogtay ganacsadaha xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi ka dibna waxa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen. Sida Ehelkiisa ay noo xaqiijiyeen wuxuu wajahayay maalmihii lasoo dhaafay Hanjabaado uga imaanayay kooxda Shabaab ka dib markii uu goobtiisa ganacsi ku xiray Kaamirooyinka Amniga. Ciidanka booliiska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo. Source: goobjoog.com
-
Hargeisa(HOL) — Somaliland's President Muse Bihi took aim at the popular musical group Xidigaha Geeska, accusing them of mocking soldiers imprisoned for defending Somaliland's sovereignty. The musicians, known for their provocative lyrics, have been releasing a wave of songs that criticize not only Bihi's administration but also his Kulmiye party. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke. “Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Alle ha u naxariisto Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke waxuu kaalin mug leh kasoo qaatay horumarinta Waxbarashad dalka iyo dowlad-dhisk.’’ Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. Sidoo kale masuuliyiin kale oo isugu jira kuwa hadda xilal haya iyo madax hore ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid wasiir hore Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo kaalin ka soo qaatay hormarinta Waxbarashada Soomaaliya iyo dib u dhiska dowlidnimada dalka. Mas’uulkan oo jimcihii la soo dhaafay magaalada Nairobi ku geeriyooday ayaa laba jeer soo moqday wasiirka waxbarashada dalka xilligii dowladdii kacaanka, asagoo sidoo kale ahaa wasiirkii ugu dambeeyay ee wasaaradda Qorshaynta ka hor burburkii. Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay inuu magaalada Eyl ee gobolka Nugaal ku dhashay sanadkii 1937-dii, asagoo tilmaamay inuu halkaas ka billaabay waxbarashadiisa, intaas ka dibna uu noqday macallin wax ka dhiga dugsiyada deegaanka. Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke Allaha u naxariistee wuxuu sheegay in ardayda uu wax soo baray uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad gobololeedka Puntland mudane Mudane Cabdiraxmaan faroole oo hadda ah Senator ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke Allaha u naxariistee wuxuu hormarinta waxbarashada Soomaaliya ku howlanaa in ka badan 70 sano, asagoo xil ka billowday heer macallin dugsi hoose dhexe ilaa wasiir waxbarashona shaqo qaran oo sidii silsiladda u xariirsan dalkiisa ugu soo adeegsaday. Source: goobjoog.com
-
Sida ay sheegeen Millatariga Mareykanka waxa ay duqeymo cirka ah ku garaaceen bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ku leeyihiin magaalooyinka Sancaa iyo Xudeyda ee dalka Yemen. Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen ilaa shan xarumood oo waaweyn oo isugu jira, qeybaha ay yaallaan keydadka hubka, saldhiyo millatari iyo saanado ciidan oo ay leeyihiin kooxda Xuutiga ee taageerada ka hela Iran. Warbaahinta Xuutiga ayaa ku warrantay in 7 gantaal ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Xudeyda, oo ah magaalo istaraatiiji ah oo leh dakad weyn. Waxay kaloo sheegeen, in afar gantaal lagu dhuftay eeriyada Siyaana ee magaalada caasimadda ah ee Sancaa. Meelaha kale ee ay ciidamada Mareykanka garaaceen waxaa ka mid ah gobolka Damar iyo gobolka kale ee Beyda ee dhanka koofurbari kaga beegan magaalada Sancaa. Weeraradaasi cirka ahaa ayaa yimid, maalmo kaddib marki ay Xuutiyiintu ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan howlgallada millatari ee ka dhanka ah Isra’il, waxyar kaddib marki ay soo rideen diyaarad ku aanan duuliyaha laheyn oo uu leeyahay Mareykanka oo kor mareysay hawada Yemen. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The government of Somaliland has dismissed recent comments by the Somali government regarding its upcoming presidential elections as "baseless" and an attempt to undermine its sovereignty. This sharp response follows Fiqi's comments at the United Nations Security Council, where he expressed concern over the political situation in Somaliland and raised issues of Somali territorial integrity. Source: Hiiraan Online
-
Beyruut (Caasimada Online) – Isra’il ayaa sheegtay in Jimcihi shalay ay duqeysay xarunta sirdoonka Xisbullah ay ku leedahay magaalada Beyrut, weerarkaas oo ay sheegtay in ay qiimeyneyso khasaaraha ka dhashay. Saakay waabarigiina, qaraxyo ayaa laga maqlay nawaaxiga koofureed ee Beyrut, balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Ciidamada Isra’il ayaa soo saaray digniin ay u direen dadka ku nool saddex xaafadood oo ku yaalla dhinaca koofureed ee Beyruut. Isra’il ayaa dhanka kale aanan wali ka jawaabin duqeymihi cuslaa ee dhawaan kaga yimid Iran. Iran ayaa ku dhawaad 200 oo gantaal oo ah nuuca baallistiga ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla Isra’il, kaas oo ay Iran ku sheegtay in ay uga jawaabeyso duullaanka ay Isra’il ku qaadday Lubnan. Ilaa 1.2 milyan oo ruux ayaa ku baracakay duqeymaha iyo dagaalka ay Isra’il ku qaadday Lubnan saddexdi todobaad ee lasoo dhaafay. The post ISRAEL oo weerartay xarunta mukhaabaraadka Xisbullah appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay duqeymo xooggan ka gaysteen bariga gobolkaasi. Duqeymaha oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lagu garaacay goobo ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi. Deegaanada la duqeeyay ayaa dhaca dhulka Caragaduudka ah ee ku yaalla inta u dhaxeysa Mesagawey, Baraag Sheikh Caamir, illaa Coosweyne ee gobolka Galgaduud. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in goobaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen in ka badan 300 oo maleeshiyo ah, kuwaas oo lala beegsaday duqeynta. Illaa 6 gantaal ayaa lasoo wariyay inay ku dhaceen aaggaasi, waxaana jira khasaare xoogleh oo Al-Shabaab kasoo gaaray duqeynta. Dhinaca kale qoraal kooban oo uu soo saaray wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa waxa uu ku sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay kooxda. “Khawaarijtii Caawa aaga Galgaduud qumbulado Jahannami ah ayaa ku wada dhacaaya! Ducadu waa xagiina.Geeshkayagoow Guuleysta” ayuu yiri wasiirku. Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka cirka ah ee lagula beegsaday gobolka Galgaduud. The post Wararkii ugu dambeeyay duqeymo culus oo ka dhacay gobolka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
washington — In a crucial week for Somalia's security plan, discussions in Washington and New York have underscored the urgent need for preparation for the upcoming African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM), as escalating tensions between Somalia and Ethiopia over a maritime agreement Ethiopia signed with Somaliland raised concerns among international stakeholders. Source: Hiiraan Online
-
Washington— In a crucial week for Somalia's security plan, discussions in Washington and New York have underscored the urgent need for preparation for the upcoming African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM), as escalating tensions between Somalia and Ethiopia over a maritime agreement Ethiopia signed with Somaliland raised concerns among international stakeholders. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somalia's banking sector, valued at $2 billion, is on track for growth, bolstered by regulatory reforms and rising interest in fintech. However, cryptocurrency integration poses challenges, as the sector must align with international financial standards and Islamic banking principles. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Macluuimaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan gaar ah oo xalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaas oo xalay ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid lagu qancinayay Axmed Madoobe oo diiday go’aan la xiriira doorashada oo ay isku raaceen madaxda kale ee ka qaybgaleyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo weli ka socdo magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in hoggaamiyeyaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle ay madaxda dowladda dhexe ku raaceen in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, waxaase qodobkaas ka horyimid madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ku dhagan yahay inuu qabsado doorashada u gaar ah oo loo marayo habka xildhibaannada baarlamaan goboleedka oo uu horay ugu soo caano maalay. Intaas kadib ayaa waxaa xalay kulan gaar ah isugu yimid madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo Axmed Madoobe, si loo qanciyo balse waxaa la xaqiijiyey inuu markale ku adkeystay in deegaanada Jubbaland uu ka qabanayo doorashadii dadbaneyd. Ma cadda illaa iyo hadda waxa sababay in nadaxweynaha Jubbalane uu qaato go’aanka uu kaliguus ku yahay iyada oo dhammaan madaxdii kale ay isku aragti ka noqdeen dooda doorashada ee miiska saaran. Inkastoo aanu si toos ah u fashilmin shirkii guud ee NCC, haddana waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso in la qanciyo Axmed Madoobe The post Xog: Kulan dhex-maray Xasan, Xamza iyo Axmed Madoobe oo natiijo la’aan soo dhamaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Wakiilka Shiinaha Qaramada Midoobay Dai Bing, ayaa ugu ku baaqay in dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed ay sii wadaan dadaalka nabadda iyo wada-xaajoodka. Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in lagu dadaalo in khilaafaadka la xalliyo iyada oo loo marayo wada hadal si loo gaaro midnimo. Dai Bing, oo ah wakiilka joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay, Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay dib-u-dhiska -ka qaranka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadgelyada. Wuxuu xusay in hawlgalada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay galeen marxalad muhiim ah, taasoo u baahan in la xoojiyo taageerada caalamiga ah. Wuxuu muujiyay in lagama maarmaan tahay in la xoojiyo aasaaska isbeddelka amniga, si loo hubiyo in ciidamada gudaha ay ka soo baxaan taageerada caalamiga ah iyo in amniga dalka la sugo. Wakiilku wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in si habsami leh loo hormariyo isbeddelka UNSOM (Hawlgalka Caawinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya) si loo hubiyo in taageerada la siinayo Soomaaliya ay waafaqsan tahay baahida dalka. Dai Bing ayaa ku xusay in taageerada bulshada caalamka ay tahay mid aan la dhimi karin waqtigan, isagoo ku boorinaya in dhammaan dhinacyadu ay ka wada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa xasillooni iyo horumar waara. Source: goobjoog.com
-
Work is underway in Mogadishu on mission design and funding for the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM) that will replace ATMIS (AU Transition Mission in Somalia) three months from now. Source: Hiiraan Online
-
Tensions are increasing in the Horn of Africa where a dispute between Ethiopia and Somalia over access to the Red Sea has brought Egypt and its military might into the frame. Facebook posts in Ethiopia are adding to the sabre-rattling by circulating videos in misleading contexts. Source: Hiiraan Online
-
Sanca (Caasimada Online) – Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeymo cirka ah ku garaaceen bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ku leeyihiin magaalooyinka Sancaa iyo Xudeyda ee dalka Yemen. Saraakiil u hadashay millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen ilaa shan xarumood oo waaweyn oo isugu jira, qeybaha ay yaallaan keydadka hubka, saldhiyo millatari iyo saanado ciidan oo ay leeyihiin kooxda Xuutiga ee taageerada ka hela Iran. Warbaahinta Xuuriga ayaa ku warrantay in 7 gantaal ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Xudeyda, oo ah magaalo istaraatiiji ah oo leh dakad weyn. Waxay kaloo sheegeen, in afar gantaal lagu dhuftay eeriyada Siyaana ee magaalada caasimadda ah ee Sancaa. Meelaha kale ee ay ciidamada Mareykanka garaaceen waxaa ka mid ah gobolka Damar iyo gobolka kale ee Beyda ee dhanka koofurbari kaga beegan magaalada Sancaa. Weeraradaasi cirka ahaa ayaa yimid, maalmo kaddib marki ay Xuutiyiintu ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan howlgallada millatari ee ka dhanka ah Isra’il, waxyar kaddib marki ay soo rideen diyaarad ku aanan duuliyaha laheyn oo uu leeyahay Mareykanka oo kor mareysay hawada Yeen. Kooxda ayaa sidoo kale todobaadki hore sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka oo marayay Badda Cas. The post Mareykanka oo duqeeyay bartilmaameedyo ku yaalla YEMEN appeared first on Caasimada Online.
-
Israa’il ayaa shaacisay in ay duqeysay xarunta sirdoonka Xisbullah ay ku leedahay magaalada Beyrut, weerarkaas oo ay sheegtay in ay qiimeyneyso khasaaraha ka dhashay. Saakay waabarigiina, qaraxyo ayaa laga maqlay nawaaxiga koofureed ee Beyrut, balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Ciidamada Isra’il ayaa soo saaray digniin ay u direen dadka ku nool saddex xaafadood oo ku yaalla dhinaca koofureed ee Beyruut. Israa’iil ayaa dhanka kale aanan wali ka jawaabin duqeymihi cuslaa ee dhawaan kaga yimid Iran. Iran ayaa ku dhawaad 200 oo gantaal oo ah nuuca baallistiga ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla Isra’il, kaas oo ay Iran ku sheegtay in ay uga jawaabeyso duullaanka ay Isra’il ku qaadday Lubnan. Ilaa 1.2 milyan oo ruux ayaa ku baracakay duqeymaha iyo dagaalka ay Isra’il ku qaadday Lubnan saddexdi todobaad ee lasoo dhaafay. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo shaacisay in ay duqeysay xaruntii Sirdoonka Xisbullah ee magaalada Beyrut appeared first on Puntland Post.
-
Amb. Elmi Declares Somalia Has No Stake in November 13 Elections in Somaliland Somaliland has consistently maintained that it operates as a fully sovereign state, independent from Somalia, since declaring its separation in 1991. The upcoming November 13 elections in Somaliland fall under the jurisdiction of the Somaliland government and its National Election Commission, a point that Ambassador Rhoda J. Elmi emphasized in her statement. Amb. Elmi, Somaliland’s Deputy Minister of Foreign Affairs, issued this statement on Friday. The assertion is clear that these elections are solely the responsibility of Somaliland’s government and people, with no involvement from Somalia’s government. She hit out at recent comments by Somalia’s Foreign Minister Ahmed Fiqi at the United Nations Security Council (UNSC) regarding Somaliland’s elections. Amb. Elmi’s stance suggests that the statements by Fiqi were misleading, and it’s notable that no challenges were raised against his claims during the briefing. The tension between Somalia and Somaliland continues to revolve around the latter’s quest for international recognition as a separate entity, which Somalia does not acknowledge. This ongoing disagreement is central to political discussions and events like these, where statements on sovereignty and election matters can provoke significant responses from both sides.q Qaran News
-
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu cambaareeyay, hadalkii Wasiirka Arimaha Dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu ka jeediyay shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiir Fiqi ayaa fadhiga Qaramada Midoobey ka sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya si dhaw ula socoto doorashada ka dhacaysa Somaliland bisha soo socota ee November. Qoraalka Somaliland ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquusho arimaha nabadda iyo soo celin amniga ee dalkeeda. “Somaliland waa dal dhaqan u leh nidaamka dimuqraadiyadda oo dadkiisuna ay xaq u leeyihiin aayo ka tashigooda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland. Somaliland ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada oo dhacaysa bisha November ee gabagabada sanadkaan 2024-ka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay arrimaha doorashooyinka markii ugu horeysay ka ka jawaabay heesaha lagu karbaashay ee Xidigaha Geeska ay ku dhaliileen xukunkiisa, kuwaas oo toos ula saftay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Muuse Biixi ayaa heesahaas ku tilmaamay “ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland” sida uu hadalkiisa u dhigay, isagoo sheegay in cida askarta u heestay aysan ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, wuxuuna ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, heesahaas iyo kooxaha qaaday. “Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu cambaareeyay, hadalkii Wasiirka Arimaha Dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu ka jeediyay shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiir Fiqi ayaa fadhiga Qaramada Midoobey ka sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya si dhaw ula socoto doorashada ka dhacaysa Somaliland bisha soo socota ee November. Qoraalka Somaliland ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquusho arimaha nabadda iyo soo celin amniga ee dalkeeda. “Somaliland waa dal dhaqan u leh nidaamka dimuqraadiyadda oo dadkiisuna ay xaq u leeyihiin aayo ka tashigooda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland. Somaliland ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada oo dhacaysa bisha November ee gabagabada sanadkaan 2024-ka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay arrimaha doorashooyinka markii ugu horeysay ka ka jawaabay heesaha lagu karbaashay ee Xidigaha Geeska ay ku dhaliileen xukunkiisa, kuwaas oo toos ula saftay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Muuse Biixi ayaa heesahaas ku tilmaamay “ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland” sida uu hadalkiisa u dhigay, isagoo sheegay in cida askarta u heestay aysan ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, wuxuuna ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, heesahaas iyo kooxaha qaaday. “Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. The post Somaliland oo si adag uga jawaabtay sheegashada DF ee doorashooyinkeeda appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay kala dhaxeeyay dalka Eritrea oo ay deris yihiin, Jabuuti iyo Eritrea ayaa mar hore ku kala tegay dagaal al dhashay soohdinta labada dal. Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay Maxamed Sayid Duule ayaa sheegay in khilaafka xuduudda ee aan la xalin ee u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea ay hadda diyaar u yihiin in lagu xaliyo wadahadal. Mar uu ka hadlayey Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Maxamed Sayid ayuu sheegay in Jabuuti ay dooneyso inay ogaato meesha ay joogaan askarteeda oo Eritrea ay maxaabiis ahaan u qabsatay intii lagu jiray dagaalkii dhexmaray labada dal. “Masuuliyadda askarteenna maqan waa wax ku weyn qalbiyadeenna, qoysaskoodu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan hal arrin, waana nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyaan askarteenii,” ayuu yiri Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay Maxamed Sayid Duule. Wuxuu intaas ku sii daray, “Jabuuti waxay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkeeda Eritrea, sidoo kale waxay diyaar u tahay in khilaafkaan la xaliyo, iyadoo loo marayo wadahadal, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.” Majirto jawaab ka timid Eritrea oo ku saabsan codsiga Jamhuuriyadda Jabuuti, balse waxaa suurtagal ah in markaan ay soo jawaabto Eritrea, maadaama hoggaamiyaha dalkaas uu hadda isisoo furfurayo oo muhiimdan uu siinayo la macaamilka dunidii go’doomisay 30 sano ka hor. Sanadkii 2008-dii ayuu qarxay khilaafka ugu dambeyntii lagu kala tegay ee salka ku haya xuduudda Jabuuti iyo Eritrea, wuxuuna khilaafkan sababay dagaal milatari oo lagu hoobtay, wixii intaas ka dambeeyana ma jirin habayaraatee wax cilaaqaad ah oo labada dowladood ay yeesheen. Sanado ka hor dowladda Eritrea waxay sheegtay in aysan jirin ciidamo Jabuutiyaan ah oo maxaabiis ahaan ay u heystaan, iyadoo arrinta maxaabiista ku macneyaay dibindaabyo ay reer Galbeedku wadaan, halka Jabuuti ay marar badan ku celcelisay in Eritrea ay nolosha ku qabatay askar badan oo nolol ay ku tuhmeyso iyo inay xabsiyada Eritrea ku jiraan. Dowladaha Itoobiya iyo Sacuudiga ayaa sanadkii 2018-kii isku dayey inay xaliyaan khilaafka labada dalka ee Jabuuti iyo Eritrea, labada Madaxweyne ee Isayas Afewerki iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu kulansiiyey magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, balse lama gaarin heshiis rasmi ah. Wuxuu noqday kulan taariikhi ah oo sababay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax uu booqday Jabuuti, isagoo xiligaas la kulmay masuuliyiintii Jabuuti. Dowladda Jabuuti ayaa shirkii Qaramada Midoobey ee July 2018 ka jeesiday codsi nabadeed oo ay dooneyso in lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya Eritrea, safiirkii Jabuuti ee Qaramada Midoobay ayaa u qoray Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres “Waxaan rabaa inaan ku xaqiijiyo inaan diyaar u nahay inaan aqbalno xal nabadeed oo kasta oo Golaha Ammaanka ee QM uu soo jeediyo, si loo soo afjaro khilaafka Jabuuti iyo Eritrea.” The post Jabuuti oo heshiis ka dalbatay Eritrea oo ka heysata dhul iyo askar maxaabiis ah appeared first on Caasimada Online.