Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,016
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. AQOfaqvSlcLamA1ccHUB8a8TsKGB2_2SSim9RUHirICqdEnbomjfuRYjIeRc1WW4O-FRRUIMy2sZASrEF7_h4-Pb Qaran News
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbad ka jeediyay, Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, kaasi oo looga hadlayo xaaladdaha Beni-aadannimo ee ay wajahayaan shacabka ree Falastiin iyo Lubnaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisa ku dul istaagay mugga qasaaraha gaaray shacabka Biri ma-geydada ah Falastiin iyo Lubnaan, xasuuqa aan loo meel dayin iyo burburka kaabayaasha nolosha, isaga oo soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee xalka Nabad waarta oo ka hanaqaadda Bariga dhexe. “Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxa ayna salka ku haysaa xuquuqda aadanaha, karaamada iyo caddaaladda. Xalka nabad waarta oo bariga dhexe ka dhalata, waxa uu ku imaan karaa oo kaliya in la sameeyo dowlad Falastiini ah oo leh xuduudaheedii 1967-kii, caasimaddeeduna tahay Qudus” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay madaxda dowladdaha Shirka ka qayb galaya iyo beesha caalamka in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo gurmad degdeg ah lagu gaarsiinayo shacabka dhibaateysan, waxa uuna soo jeediyay in la dhaqan galiyo xabad joojin degdeg ah, isla markaana dib loogu laabto miiska wada hadallada. Source: goobjoog.com
  3. Kismayo (HOL) — Somali federal parliamentarians representing Jubaland delivered a sharp rebuke of the federal government on Saturday, accusing it of actions that deepen political rifts and threaten Somalia's unity. Gathering in Kismayo for consultations, these lawmakers warned that recent federal decisions exacerbate divisions and stall dialogue aimed at bridging differences between Jubaland and Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  4. AQMgfBCQurIvJb4JxOtNt1gbhmjcZz2cSSG4MsaxkY3Zca1vDIefYRxWtbf6yyQldPdd5RzhD4Az0YMb-siV-YAR Qaran News
  5. Riyaad (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbad ka jeediyay, Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka. Shirkaan ayaa ka socda magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, waxaana looga hadlayaa xaaladaha bini’aadannimo ee ay wajahayaan shacabka ree Falastiin iyo Lubnaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisa ku dul istaagay mugga khasaaraha gaaray shacabka biri mageydada ah ee reer Falastiin iyo Lubnaan, xasuuqa aan loo meel dayin iyo burburka kaabayaasha nolosha dadkaas. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee xalka Nabad waarta oo ka hanaqaada Bariga Dhexe. “Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxayna salka ku haysaa xuquuqda aadanaha, karaamada iyo caddaaladda,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Xalka nabad waarta oo bariga dhexe ka dhalata, waxa uu ku imaan karaa oo kaliya in la sameeyo dowlad Falastiini ah oo leh xuduudaheedii 1967-kii, caasimadeeduna tahay Qudus.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda dowladaha Shirka ka qayb galaya iyo beesha caalamka in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo gurmad degdeg ah lagu gaarsiinayo shacabka dhibaateysan. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in la dhaqan galiyo xabad joojin degdeg ah, isla markaana dib loogu laabto miiska wada hadallada. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan oo shir caalami ah uga dhawaaqay qadiyadda Soomaaliya ee reer Falastiin appeared first on Caasimada Online.
  6. Somaliland, a breakaway region of Somalia at the centre of a diplomatic storm, will hold a presidential election on Wednesday at a tense moment in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) — Somalia is facing a mounting political crisis as tensions between the federal government and the southern state of Jubbaland escalate over a disputed electoral reform plan. Prime Minister Hamza Abdi Barre called an emergency cabinet meeting on Sunday to address what has evolved into a deeply divisive issue, with Jubbaland's leadership rejecting federal election proposals in favour of regional autonomy. Source: Hiiraan Online
  8. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ujeedka socdaalka guddoomiye Cabdi Xaashi ee Nairobi ayaa ah ka qeyb-galka shirka 18-aad ee guddoomiyeyaasha baarlamaanada dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (𝐄𝐀𝐂) uu ka furmayo caasimadda Kenya. Soomaaliya oo bilo ka hor ku biirtay ururka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ayaa si firfircoon uga qeyb-qaadanaysa howlaha iyo dejinta qorshayaasha hortabinta u leh ururka. Source: goobjoog.com
  9. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay xubno matalayay urur weynaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaataan ka shaqeynta nabadda, horumarinta bulshada iyo xasilinta amniga guud ee dalka, isagoo u balanqaaday inuu tixgalin gaar ah siin doono codsigooda ah in haweenka booliska ku jira la dalacsiiyo, xilal sarena loo magacaabo. Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhinaca kale tilmaamay in haweenka qaranka ay udub dhexaad u yihiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madax-bannaanida iyo midnimada dalka, wuxuuna ku booriyay inay dadaalkooda halkaasi kasii wadaan. Taliyaha waxaa kulanka ku wehlinayay G/le Qaali Axmed Cadaan oo ah Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Boliiska iyo Bulshada iyo saraakiil kale. Source: goobjoog.com
  10. Washington (Caasimada Online) — Israel way sugi la’dahay inta madaxweyne Trump ka bilaabaneyso muddo xileedkiisa, maadaama oo ay horey usoo arkeen Trump oo madaxweyne ah. “Aad ayaa ugu faraxsanahay” ayuu yiri Raphael Shor oo ah wadaad ku nool magaaladii hore ee Jerusalem. Si fiican ayuu u yaqaan luuqadda Bariga Dhexe ayuu yiri. Wax kasta oo Iran ay dooneyso waxay ku xiran tahay welwelka ay ka qabto natiijada ka imaaneysa. “Waxay ila tahay hadii Kamala la dooran lahaa, ma jiri laheyn cabsida ah weerar ay qaadaan Mareykanka ama Israel”. Qofkii ugu horeeyay ee u hambalyeeyay markii la doortay madaxweyne Trump wuxuu ahaa raysalwasaare Benjamin Netanyahu. Bartiisa X waxa uu qoray “ Hambalyo soo noqoshadii ugu weyned abid”. Netanyahu hore waxa uu ugu tilmaamay Trump saaxiibka ugu wanaagsan ee Israel ay weligeed ku yeelato aqalka cad. Trump markii ugu horeysay ee la doorto wuxuu sumcad weyn ka helay ka bixista heshiiska Nukliyeerka Iran kaas oo ahaa mid ay Israel ka horjeeday. Wuxuu sameeyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu dhisayay xiriirka u dhexeeya Israel iyo dalalka Carabta. Sidoo kale wuxuu beddelay siyaasadii muddada dheer Mareykanka ku dhaqmayay ee dibadda isagoo u aqoonsaday Jerusalem caasimadda Israel. “Israel waxay rajeyneysaa in uu isla wadadii ku soconayo. Balse waa in aan wajahnaa runta shaqsiyadda Trump iyo waxa uu yahay iyo halka uu taagan yahay” ayuu yiri safiirkii hore Israel ee Mareykanka Michael Oren. Ugu horeyn safiirka waxa uu sheegay in Trump uusan jacleyn dagaalka sababtoo ah wuxuu u arkaa in lacag badan ku baxeyso. Trump wuxuu ka dalbaday Israel in ay dagaalka degdeg u joojiso. Sidoo kale kama mid ahan taageerayaasha waa weyn ee in Israeliyiinta la dajiyo Daanta Galbeed, wuxuuna ka horjeestay dalabka qaar ka mid ah Israeliyiinta ee ah in dhulkaas ay qaataan. Labada siyaasadood ayaa laga yaabaa in ay ka horkeenaan xisbiyada garabka midig ee isbahaysiga kula jira Netanyahu kuwaas oo ku hanjabay in ay ridayaan dowladda hadii uu qaato siyaasad aysan dooneyn. Intii uu socday dagaalka Gaza, markii Netanyahu lagu qasbay in uu kala doorto dalabka Mareykanka oo ah isbahaysiga Israel ugu weyn oo dhinac ah iyo dalabka isbahaysiga dowladiisa oo dhinac kale ah, wuxuu u janjeersaday dhinaca Isbahaysiga. The post Maxaa ka jira in Donald Trump uu fasaxayo Netanyahu? appeared first on Caasimada Online.
  11. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi barre ayaa magacaabay agaasimaha xaafiiska amniga qaranka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilkan u magacaabay Cabdimaalik Cabdullaahi Cabdi , kaas oo xukuumadda u qaabilsanaan doona arrimaha Amniga Qaranka. Xaafiiska Ra’iisul wasaaruhu faahfaahin kama bixin qaabka uu shaqaynayo xaafiiskani, mana kala cadda in masuulkan la magacaabay uu wasaaradda amniga gudaha ka madax bannaanyahay iyo in kale . Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Jubaland waxay kamid ahayd isbahaysigii mucaaradka ee lagu soo afjaray xukunkii Nabad iyo Nolol, waxayna kaalin muuqatay ka qaadatay isbedelkii dalka ka dhacay 15-kii May 2022 ee dib loogu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Jubaland kuma qasaarin isbedelkaas, waxayna federaaalka ka heshay maamuuski ugu waynaa dhanka siyaasadda, iyada oo la siiyay wasiirka koowaad ee xukuumadda. Labadi sanoo ee lasoo dhaafay, waxaa lagu wada socday degganaan iyo feejignaan u muuqatay in la leeyahay hal hiigsi laakin wax kasta waxay si kedis ah isku bedeleen markii la furay faylka doorashooyiinka. Mucaaradkii saldhigoodu ahaa Muqdisho ee ka tirsanaa isabahasyigaas maanta intooda badan waa mucaarad, waxayna xukuumadda hadda joogta u jiraan masaafo la eg tii ay u jireen dowladdii Farmaajo. Puntland kuma negaan agjooga iyo la shaqaynta federaalka waxayna xuduudkeeda xiratay markii isbedel lagu sameeyay qaybo ka mid ah cutubyada dastuurka, inkasta oo la aamisanyahay inuu markii horeba jiray salluug siyaasadeed . Villa Somalia waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii ay dalka uga hirgelin lahayd doorasho qof iyo cod ah. Doorashadaas waxaa lagama maarmaan u ah in loo helo heshiis siyaasadeed oo ay qalinka ku duugaan madaxada federaalka iyo kuwa dowlad goboleeyada. Sharciyeynta heshiiskaas waxaa u xilsaaran Baarlamaanka halka ay xukuumaddu leedahay hirgelin doorashada qof iyo codka. Ilaa iyo hadda waxaa intaas ogol gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Dhacdooyinka ka dhashay khilaafka Dowladda Dhexe iyo Jubaland 7dii October- Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubbaland, Axmed Sheekh Maxamed iyo wafdigiisa ayaa isaga baxay shirkii Golaha wadatashiga Qaran ee xilligaas ka socday magaalada Muqdisho, iyada oo aan wax heshiis ah laga soo saarin shirka. 13-kii October- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa booqday Kismaayo si uu Axmed Madoobe ugu qanciyo dib ugu soo laabaashada shirka basle Axmed Madoobe wuu ka biya diiday. 16-kii October- Xafiiska Ra’iisul wasaaruhu waxay uu sheegay in shirka GWQ uu weli socdo iyada oo uusan Axmed Madoobe joogin Muqdisho. 27 October- Waxaa dib loo billaawday kulamdii shirka Golaha Wadatashiga Qaranka iyada oo aysan Jubaland qayb ka ahayn. 30 October- waxaa shirka olaha Wadatashiga Qaran laga soo saaray go’aan ah in sanandka 2025 si toos ah loosoo doorto dowladaha hoose iyo Madaxda Dowlad Goboleedyad 31- October- Jubaland ayaa ka hor timid go’aankaas waxayna caddeysay inay qabsan doonto doorasho u gaar ah oo dadban. 2dii bishaan November, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ogolaaday inu muddo bil dib loo dhigo fasaxa xildhibaanada si loo meelmariyo shuruucda doorashooyinka 3dii Bishan November- Waxaa is casilay Wasiiru Dowlihii wasaaradda Qorsheynta C/rashiid Jire iyo Axmed Cismaan Daqare oo ahaa Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada. Labaduba waxay kasoo jeedaan Jubaland Islama maalintaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa shir wadatashi isugu yeeray Xildhibaannada Labada Aqal ee Jubaland ku matala Baarlamaanka JFS 4tii bishaan November- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wasiiradii is casilay ku bedelay Xildhibaan Axmednuur Sheekh Maxamed C/rashiid Maxamed Ducaale Isla maalintaas, Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay usoo dirtay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka yimid dhanka Kenya. 7dii bishaan November- Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa magacaabay Guddi Kumeel gaar ah oo qaabilsan diyaarinta Xeerarka doorashooyinka iyo Xisbiyada. 9kii bishaan November- Jubaland ayaa magacawday guddiga doorashooyinka dadban, dowladda federaalka ayaa ka hortimid, waxayna ku tilmaamtay sharci darro. 10 ka bishaan November- Jubaland ayaa hakisay xiriirkii ay la leheed dowladda federaalka. Haddaba, Maxay kula tahay tillaabada xigi doonta? Isha: Dawan The post Yaa ku haray isbahaysigii dhaliyay isbedelkii uu kusoo baxay Xasan? appeared first on Caasimada Online.
  13. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQPKxnnBmyojVPRaQp-WVpJ4OpVevcEoWHloLLlXXsgCP7DaMBQ5zSvOzRpQC7S1ZtfkPl4DncWk7R4Nbt5nwTrs.mp4 Qaran News
  14. The committee appointed by Abdulkadir Aw Ali work on “will work on cooperation, partnership and solidarity between Puntland State and the SSCK administration.” Las Anod (PP News Desk) — The leader of the Sool, Sanaag, Cayn, and Khaatumo (SSCK) interim administration, Abdulqadir Aw Ali (Firdhiye), has appointed a nine-member committee to hold talks with the government of Puntland State of Somalia. “The committee will work on cooperation, partnership and solidarity between Puntland State and the SSCK administration,” reads a press release from the SSCK communications office. Yesterday, the SSCK Parliament commended the Federal Government for including the administration in consultations on proposed constitutional amendments but urged it to broaden the consultations and seek input from both Puntland State and Jubaland. Puntland State of Somalia supported the Las Anod declaration on 6 February 2023 and the establishment of the SSCK interim administration. The committee members appointed by SSCK leadership are as follows: 1. Mud. Cabdiqani Xuseen Hiirad (Chairman) 2. Xil. Cali Warsame Cismaan (member) 3. Xil. Maxamuud Salaad Warsame (member) 4. Xil. Cabdixamiid Daahir Maxamed (member) 5. Mud. Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel (member) 6. Dr. Cabdikariin Xasan Jaamac (member) 7. Eng. Cali X. Cige Cabdulle (member) 8. Mud. Cali X. Khaliif Faarax (member) 9. Mud. Maxamed Axmed Cige (member) © Puntland Post, 2024 The post SSCK Leader Appoints Nine-Member Committee to Deepen Cooperation with Puntland State of Somalia appeared first on Puntland Post.
  15. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQPTZN0X3107dqztEI-culVkFTbr1acBotcwhl7JUGaVkQHwWIJ_mFT7R7gxe9Q583WOyPrqYO1Xe_thG49nq1En.mp4 Qaran News
  16. Kulankii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa lagu ansixiyay habraaca cusub ee fadhiyada wadajirka ah, oo muhiim u ah habka loo ansixinayo seddax hindise sharciyeed oo muhiim ah. Hindisayaashani waa kuwo uu ku shaqeyn doono Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal, oo mas’uul ka ah diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyada, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, iyo qorshe howleedka guddiga. Hindisahan oo ah tallaabo cusub oo lagu horumarinayo hab-raaca siyaasadda iyo doorashooyinka dalka, waxaa ansixiyay 170 xildhibaan iyadoo aan xildhibaan ka soo horjeedin ama ka aamusay uusan jirin. Maxay ka Dhigan Tahay Go’aankani? Go’aanka cusub ee ay ansixiyeen xildhibaanadu wuxuu muujinayaa in la xoojiyo hanaanka sharciyeed ee doorashooyinka iyo ururrada siyaasadda ee dalka, si loo helo doorashooyin daahfuran oo lagu kalsoonaan karo. Waxaa muuqata in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu si dhab ah u daneynayo inuu dejiyo hanaan sharciyeed oo haga doorashooyinka iyo hirgelinta ururrada iyo xisbiyada, taas oo ah tallaabo weyn oo horumarineed. Go’aankani wuxuu kaloo iftiiminayaa midnimada iyo iskaashiga labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama aysan jirin wax xildhibaan ah oo ka soo horjeestay ama ka aamusay. Waxay tani muujineysaa isku duubnida xildhibaanada iyo sida ay u daneynayaan horumarinta nidaamka siyaasadeed ee dalka. Source: goobjoog.com
  17. Mogadishu (HOL) — Somalia's bicameral parliament approved key electoral laws on Monday, including rules governing elections, parties and political organizations and establishing the country's electoral commission. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland ayaa goordhoweyd qaadacay shuruucda la xiriirta doorashooyinka ee baarlamaanka la horgeeyay, kuwaasi oo maanta la ansixiyey habraaca fadhiyadooda. Illaa 35 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka labada aqal ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa sidoo kale qaadacay tallaabadii guddiga kumeel-gaarka loogu saaray diyaarinta xeerarka doorashooyinka, taas oo ah mid baalmarsan dastuurka. “Xildhibaanada waxay si adag uga soo horjeedaan, una cambaareynayaan in xeerarka doorashooyinka, xisbiyada, guddiga doorashooyinka la horkeeno labada aqal ee baarlamaanka, maadaama aan lasoo marin habraacii sharciga ahaa ee goleyaasha lagu horgeyn lahaa,” ayey Xildhibaannada Jubbaland ku metela baarlamaanka ay ku yiraahdeen war-murtiyeed ay soo saareen maanta. Xildhibaannada ayaa taageero weyn u muujiyay doorashada uu maamulka Jubbaland galayo, taasi oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid waafaqsan sharciga iyo dastuurka dowladda Federaalka iyo kan Jubbaland. “Waxaa nasiib darro iyo lama filaan ah in anagoo weli ku hawlan xal u helida iyo isuo soo dhaweynta kala aragti duwanaanta iyo xalinta khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo Federaalka in xukuumadda DFS iyo guddoonka labada aqal ee sharci-dejinta ay qaadaan tallaabooyin shrci darro ah oo sii hurinaya khilaafka, iyadoo ay waajib ku aheyd inay xalka qeyb ka noqdaan kana warsugaan natiijada wadatashiga aan ku jirno,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Xildhibaannada ayaa tilmaamay in ficiladan ay calaamad muuqata u yihiin in dowladda federaalku iska indho tireyso xaqiiqada iyo in aanay jirin cid ay ixtiraam u hayso, kuna sifoowday oraahdeedii aheyd “loo joojin maayo”. Xildhibaannada ayaa sidoo kale waxay war-murtiyeedkan kusoo saareen qodobo dhowr ah oo ku saabsan dhinacyada; siyaasadda iyo amniga iyo weliba baaq ku socda dowladda federaalka Soomaaliya. Hoos ka aqriso qodobadda war-murtiyeedka The post Xildhibaannada metela Jubbaland oo qaadacay go’aankii uu maanta gaaray barlamanka appeared first on Caasimada Online.
  19. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQPQ4xFSEUgUW1K-tfDfwtzKusnIy7BjJfWpS-_xjm3mvytdvPgKjl-s_1DZ3ePOTV-EAgxineF6zZYNYizOLN_J.mp4 Qaran News
  20. Musharaxa madaxweyne Xisbiga WADDANI Cabdirahman Mohamed Cabdilaahi Cirro ayaa la kulamay xubno ka tirsan , Goob-joogayaal Caalamiya oo ka socda wadamo kale duwan. Oo dalka u yimid in ay goobjoog u noqdaa doorashada madaxtooyada ee dhacay 13/Nov/2024. Kulankan ayaa musharaxa iyo Goobjoogayaashu iska wareysteen hawlaha doorashooyinku sida ay u socdaan iyo qorshaha diyaar garowga hawlaha goob-joonimada. Waxa kulanka Musharaxa ku weheliyay gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Dr Mohamed Abdilahi Omar , Siyaasi Maxamed Cismaan Fadal , Xildhibaan Koodbuur iyo masuuliyiin kale. Qaran News
  21. 35 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa qaadacay shuruucda la xiriirta doorashooyinka ee Baarlamaanka la horgeeyay iyo tallaabadii Guddiga Kumeel gaar loogu saaray oo ah mid baalmarsan Dastuurka. Xildhibaannada ayaa taageero weyn u muujiyay doorashada ay Jubbaland galeyso, taasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid waafaqsan sharciga iyo dastuurka dowladda Federaalka iyo kan Jubbaland. “Iyadoo ay naga go’an tahay in xal loo helo wadashaqeynta Jubbaland iyo dowladda Federaalka, haddana tallaabooyinkan ay qaadayso dowladda Federaalka waxay halis ku yihiin inay sii ballaariyaan khilaafyada jira” ayay ku sheegeen Warsaxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadaasi. Khilaafka Jubaland iyo dowladda federaalka ayaa salka ku haya nooca doorasho ee la qabanayo, ayada oo dowladda federaalka ay dooneyso doorasho toos oo qof iyo cod ah, halka Jubaland ku adkeysanayso doorasho dadban. Halkan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubaland oo la mowqif noqday Madaxweyne Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.
  22. Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa markii u horreysay maanta sheegay in ay Israa’iil xasuuq ka geysanayo marinka Gaza, waxaana uu sidoo kale cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday Iran. Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ayaa ku baaqay xabad-joojin deg deg ah oo ka dhacda Gaza iyo Lubnaan, iyo dal ay helaan Falastiiniyiinta, isaga oo hadal ka jeediyey shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka. Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan oo furay shir madaxeedka ayaa sheegay in beesha caalamka ay tahay in ay “sida ugu dhaqsaha badan u joojiso falalka Israa’iil ee ka dhanka ah walaalaha reer Falastiin iyo Lubnaan.” Waxaa kalo uu dalbaday in Falastiin loo aqoonsado dawlad madax bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay. “Sacuudi Carabiya waxay xaqiijinaysaa taageerada ay siiso walaalaha Falastiin iyo Lubnaan si ay uga gudbaan cawaaqib xumada masiibada ah ee ka dhalata gardarrada joogtada ah ee Israa’iil,” ayuu yiri Maxamed bin Salmaan. PUNTLAND POST The post Dhaxal sugaha Sacuudiga oo dalbaday in Falastiin loo aqoonsado dowlad madax-bannaan appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Mudaneyaasha labada Aqal ee BJFS oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta saddex hindise sharciyeed oo la xiriira qorshaha doorasho qof iyo cod ah. Saddexdan hindise sharciyeed ayaa waxaa ku shaqeyn doono guddiga kumeel-gaarka ah ee labada aqal ee baarlamaanka dalka ee u xil-saaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga. 170-Xildhibaan ayaa u codeysay maanta, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay, waxaana sidaas ansax ku noqday habraaca fadhiyada wadajirka ah ee ansixinta saddexda hindise-sharciyeed, sida uu sheegay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada gole ka hor akhriyay ahmiyadda ay shurucdaan u leeyihiin dalka iyo dadka, isagoo sheegay in seddexda hindisa sharciyeed ee golaha horyaal dib u babeen iyo wax kabadal lagu sameeyay. Xildhibaan Mahdi Guuleed oo ah guddoomiyaha guddiga KMG ah ee labada gole u qaabilsan diyaarinta xeerarka doorashooyinka ayaa golaha ka hor akhriyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda hindise shharciyeed ee uu ku shaqeyn doono guddiga kumeel-gaarka ah. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diiradda saareyso qorshaha iyo dadaallada lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah, xilli uu dhawaan golaha wadatashiga uu gaaray heshiis ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland. Si kastaba, tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka ayaa imaneysa kadib markii uu aqbalay codsi uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si looga shaqeeyo arrimaha doorashooyinka iyo xeerarka kale ee muhiimka ah. The post BF oo maanta qaaday tallaabadii ugu horeysay ee doorashada qof iyo cod appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa mar kale kusoo laatay hoggaaminta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib markii ay xalay golaha wasiirada ansixiyeensoo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabistiisa. Sababta loo soo celiyay Odowaa ayaa ah si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab oo dagaal ay ku jirto dowladda federaalka Soomaaliya. Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha Xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana xalay mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Tallaabadan ayaa sidoo kale abuurtay rajo cusub, waxaana si weyn ugu farxay shacabka oo intooda badan soo dhaweeyay magacaabista taliye Odowaa Yuusuf Raage. Cabdirashiid Muxumed Cali “Hambalyo S/Gaas Odowaa ciidanka waa kuu baahnaa gadaashaana waa liicay”. Axmed Naaji Cabdalla “Nin wayn baa ku soo laabtay hogaanka ciidanka Xoogga dalka, hambalyo Taliye”. Axmed Gaashaan “Allaha kula qaado masuuliyadda Culus Moralka ciidanka xooga ayaa dib usoo noqday. Gen. Odowaa Yuusuf Raage, hambalyo Taliye”. Cabdulqaadir Beddal “Qofka in shaqadii shalay laga qaaday looga maarmi waayo ee mar kale lagu soo celiyo qiimo ayay u samayneysaa!”. Maxamed Geeddi “Libaax labo ma ahan waxaa tahay halyay ay tabeen Umadda Soomaaliyed iyo CXDS soo dhawoow mudane”. Maxamuud Cabdisalaan “Odowaa waa mudanyahay inuu hoggaamiyo ciidanka qaranka mar labaad i kastoo wakhtigii uu mudnaa xilka lag qaaday,”. Macruuf Mataan “Waa howlkar laga maarmi waayay guul ayaan u rajayn dhammaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed”. The post Soo laabashada taliye Odowaa oo rajo cusub abuurtay – Sidee? appeared first on Caasimada Online.