Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,074
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Israa’iil duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee saaka oo Axad ah. Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza. Bayaan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax. Israa’iil ayaa muddo sannad ah duqeyn iyo dagaal uu dhiig badan ku daatay ka wadda Gaza. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymaha Isra’il ee Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiiniyiin ah. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo bara-kacayaal ku dishay Masjid ku yaalla Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay duqeymo xooggan ka gaysteen bariga gobolkaasi. Diyaaradaha ayaa duqeeyay aagga deegaanada Baraag Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladda ay cakiran tahay, isla markaana weerarka cirka ah uu bilowday saala aroortii hore, waxaana barbar socda dagaallo toos ah. Weerarkan ayaa daba socdo duqeymo shalay ka dhacay isla gobolka Galgaduud oo lagu laayay Al-Shabaab badan. Warsaxaafadeed Sabtidii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Nisa, Macawiisleyda iyo saaxibada caalamiga ah lagu dilay illaa 50 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad la weeraray. Sidoo kale waxaa la burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii fariisinka u ahaa maleeshiyaadka la laayay. Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka cirka ah ee lagula beegsaday gobolka Galgaduud. Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa ka socda guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo horay looga xoreeyay magaalooyin badan oo ka tirsan Galmudug. The post Xog ku saabsan duqeymo lagu beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  3. International partners and countries contributing troops to the African Union peacekeeping mission in Somalia are uneasy with the growing influence of Somalia’s new-found ally Egypt, whose military is to be deployed as part of the new security arrangement for the Horn of Africa nation after the expiry of the current African Union’s peacekeeping mandate. Source: Hiiraan Online
  4. Embattled Kenyan Deputy President (DP) Rigathi Gachagua on Thursday made a last-ditch attempt to block an impeachment vote against him in the National Assembly, with more than 10 petitions filed in different courts challenging the process. Source: Hiiraan Online
  5. Liverpool remain top of the Premier League on Saturday night thanks to a 1-0 win away to Crystal Palace, while Manchester City and Arsenal both won their respective matches to keep up the chase. Source: Hiiraan Online
  6. Seeking safety from Israeli strikes, many foreign domestic workers face additional hurdles of displacement and discrimination. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU, Somalia - More than 100 al-Shabaab terrorists were killed and many others wounded when the Somali National Army (SNA) backed by locals and international security partners carried out operations against the group in the central province of Galgadud, the country’s defense minister said Saturday. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) — A two-year-old Somali boy was among four migrants who died while attempting to cross the English Channel from France to Britain on Saturday, according to French authorities. The child suffocated aboard an overcrowded boat carrying nearly 90 people, underlining the growing dangers of human trafficking operations in the region. Source: Hiiraan Online
  9. Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Suudaan ayaa maanta isku soo hor fariisanaya kulan ku saabsan nabadda oo ka dhaca Magaalada Johannesburg ee dalka koonfur Afrika. Wafdiga dowladda ayaa waxaa hoggaaminaya madaxweyne ku xigeenka Golaha Sare ee ciidamada Suudaan Malik Aqar Air, halka dhinaca RSF uu hor kacaya abaanduulahooda janaraal Mohammed Hamdan Dagalo. Labada dhinac oo ka wada ka qeyb-galaya shirka sanadlaha ah ee Madasha Nabadda iyo Amniga Afrika oo ay Hay’adda Mbeki ku qabanayso dalka Koonfur Afrika ayaa la filayaa inay kulan toos ah yeelan doonaan. Dowladda Suudaan ayaa dhaliishay marti-qaadka hoggaamiyaha fallaagada RSF uu kaga qeyb-galaya Madasha Nabadda iyo Amniga Afrika sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka SUNA, balse dhexdhaxaadiyaasha ayaa isku dayay inay labada dhinac kulansiiyaan. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaalka Suudaan oo uu sanadkii labaad socda, islamarkaana ciidamada dowladdu ay dib u qabsanayaan meelo badan oo ay magaala-madaxda Khartoum kamid tahay. Source: goobjoog.com
  10. Mogadishu (HOL) — Somalia's Lower House of Somalia's Parliament unanimously approved two agricultural bills to regulate the use of agricultural chemicals and establish Somali Agricultural Research and Inspection Services (SARIS). Source: Hiiraan Online
  11. In ka badan 100 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay kuwa kalena waa la dhaawacay markii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada amniga caalamiga ah ay howlgallo ka fuliyeen gobolka Galgaduud, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Kooxda ayaa lagu beegsaday nawaaxiga Bida Isse iyo Geriile oo hoos taga degmada dhawaan laga xoreeyay ee Ceeldheer ee Galmudug. Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Muqdisho sheegay in howlgallada hadda socda ay ku jiraan duqeymo dhulka iyo cirka ah oo lagu burburinayo kaabayaasha kooxda Shabaab. “Xaaladda guud ee dalka, SNA waxay wadaan howlgallo bartilmaameed ah oo lagu sii wiiqayo saldhigyada iyo hoggaanka Al-Shabaab,” ayuu yiri. Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadida xoreynta degmooyin cusub si dadka halkaasi kunool nolol loogu soo celiyo. Isaga oo ka hadlayey hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in sannadka soo socda hawlgal cusub “la bilaabi doono si loogu beddelo ATMIS, ciidamada Itoobiya-na kama qeybgali doonaan ilaa ay ka laabaan heshiisyadooda khaldan.” Source: goobjoog.com
  12. Following discoveries by Turkish ship, Somali region will be 'recognized for economic development, prosperity, and peace,' says President Recep Tayyip Erdogan Source: Hiiraan Online
  13. Gaza (Caasimada Online) – Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Isra’il duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee Axadda maanta. Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza. Bayaan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax. Weerarkan ayaa imanaya xilli hal maalin ay ka hartay sannad-guurada koowaad ee dagaalka Gaza. Isra’il ayaa muddo sannad ah duqeyn iyo dagaal uu dhiig badan ku daatay ka wadda Gaza. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymaha Isra’il ee Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiiniyiin ah. Duullaanka Isra’il ee Gaza ayaa ka danbeeyay, kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, 7-badi bishi October ee sannadki hore, halkaas oo ay ku dishay 1200 isla markaana kusoo aduubatay boqollaal Isra’iliyin ah. The post ISRAEL oo gantaallo ku dhufatay masajid ku yaalla Gaza appeared first on Caasimada Online.
  14. 462029239_1036116804723905_1726951424868100082_n Qaran News
  15. Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigey koox dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay falal nabad-gelyada lid ku ah, islamarkaana Boolisku ay tilmaameen inay ciyaal weero yihiin. War ka soo baxay Ciidanka booliska ayaa lagu yiri sidan “Ayadoo La fulinaayo Amarka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulahi ee ahaa in laga Hortago waxkasta oo keeni kara Qalqal Amni Bulshadana dhibaata ah waxaa caawa fiidkii Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir lagu soo qabtay eedeysanayaal ciyaal wareero ah, oo gaaraya 24 dhalinyaro ah kuwaas oo galabtay Garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow ka geestay falal ammniga liddi ku ah, kana baxsan xeerarka taageerayaasha ciyaaraha. Waxaana ku socota baarista Boliiska waxaana la horgeydoonaa Maxalmadda Awooda u leh. Digniin Waxaa looga digayaa dhalinyarada usoo daawashataga ciyaaraha Dagamooyinka Gobalka Banaadir in ay ka fogaadaan falal Ammni darada ah ilaaliyaana xasiloonida ciyaaraha iyo xeerarka u yaala”. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa dheeraaday, wuxuuna berri gelayaa maalinkii 5-aad, waxaana xogo raami ah laga helayaa arrimaha la isku mari la’ayahay. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markaan noqday falaago ka aragti duwan madaxda kale, wuxuuna diiday inuu saxiixo qorshaha lagu heshiiyey ee ku saabsan doorashooyinka dalka, isagoo la yimid aragti kale iyo shuruudo. Ilo wareedyo ku dhow shirka golaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe diiday in dowlad goboleedyada loo sameeyo hal sano oo muddo kororsi ah, kadibna la qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha November ee sanadka 2025-ka. Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka. Xujadaan cusub ee Axmed Madoobe la yimid waxay ku soo aadeysaa iyadoo xalay maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo uu codsaday in lagu casuumo shirarka golaha wadatashiga qaranka ee go’aanka looga gaarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka Qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo xambaarsan muddo kororsi hal sano ah oo dowlad goboleedyada loo sameynayo waxaa wadata dowladda federaalka, waxaana ku qancay Guudlaawe, Laftagareen iyo Qoor Qoor, sida ay sheegeyso xogtii ugu dambeysay, balse Axmed Madoobe oo aaminsan in doorasho qof iyo cod ah uu ku bixi karo ayaa diidan. Berri oo shirkaan uu gelayo maalinkii 5-aad waxaa lagu wadaa in madaxdu ay ka soo saaraan war-saxaafadeed, inta ka horeysana waxaa socda dadaalo lagu qancinayo Axmed Madoobe, si heshiiskaan uu qeyb uga noqdo, balse hadii uu diido waxaa suurtagal ah in waqtiga shirka uu sii dheeraado, maadaama madaxda dowladda federaalka ay ku adkeysanayaan go’aankaas. The post Xog: Shirka Golaha Wadatashiga oo u xayiran Axmed Madoobe oo diiday hal arrin appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal ay caawa fuliyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gobalka Banaadir ayaa lagu soo qabtay kooxo ku eedeysan inay ciyaal wareero yihiin, kuwaas oo gaaraya 24 dhalinyaro ah. Kooxahaan ayaa ku eedeysan in galabta Garoonka Ciyaaraha ee Eng. Yariisoow oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ay ka geesteen falal amniga liddi ku ah. “Waxaa ku socota baarista Boliiska, waxaana la horgey doonaa maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Dhalinyaradaan ayaa loo heystaa inay galabta fowdo ka kiciyeen garoonka, iyagoo markii hore ku yimid inay yihiin taageerayaal. Booliska ayaa soo qabqabtay iyagoo qaarkood gacanta kula jira falalka ay ku eedeysan yihiin, waxaana laga xiiray Tinta, iyagoo caawa ku hoyanaya xabsiga. Booliska ayaa soo sawiray dhalinyaradaan oo tinta laga xiiray, waxaana la sheegay in baaritaan kadib lagu maxkamadey doono falalka lagu soo eedeeyey ee ‘ciyaal weeranimada ah.’ Sida lagu sheegay qoraalkaan, Howlgal waxaa amray taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya Asad Diyaano oo maalinkii uu xilka la wareegay balan qaaday in wax amni darro ah aysan Muqdisho ka dhici doonin, inta ay awoodaana ay ka hortegi doonaan. The post Sawirro: Booliska oo soo bandhigay 24 dhalinyaro ah oo fal xasaasi ah ka geystay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday safarro muhiim ah oo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uu qorsheynayey inuu ku tago. Dalalka Uganda iyo Burundi ayuu qorshuhuu ahaa in Xasan Sheekh uu ku tago safar muhiim ah, si looga tashado howlgalka gabagabada ah ee ATMIS iyo mar xaladda kala guurka ah ee amniga Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa u baaqday shirka golaha wadatashiga qaran ee weli Muqdisho ka socda, kaas oo natiijo rasmi ah aan laga gaarin ilaa hadda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarada uu ka baaqday Xasan Sheekh waa kuwo muhiim u ah amniga qaranka iyo marxaladda kala guurka ah ee howlgalka ATMIS iyo kan bedelaya. Howlgalka ATMIS ayaa ku eg dhamaadka sanadkaan, waxaana muhiim ah waqtigaas inta aan la gaarin in la dedejiyo diyaarinta howlgalkii bedeli lahaa ATMIS, kaas oo talo iyo tusaaleyn buuxda ay ku leeyihiin wadamada ka qeyb geleya. Afartii maalmood ee lasoo dhaafay shir aan loo kala kicin ayaa madaxda Soomaalida uga socday magaalada Muqdisho, kaas oo ilaa hadda aan laga gaarin wax natiijo ah, sidoo kale shirkaan wuxuu saameeyey safaradii qorsheysnaa ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegi lahaa dalalka Uganda iyo Burundi. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in qodobada qaar ee miiska lasoo saaray uu diiday, sida in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna ku doodayaa in doorasho dadban la aado, maadaama uusan harin waqti lagu diyaariyo doorasho dadweyne. The post Xog: Xasan Sheekh oo hal sabab uga baaqday safarro uu ku tegi lahaa Burundi iyo Uganda appeared first on Caasimada Online.
  19. Lix askari oo Pakistani ah iyo ugu yaraan 8 fallaago ah ayaa lagu dilay laba iska horimaad oo ka dhacay waqooyi galbeed, sida uu sheegay milatarigu. Garabka warbaahinta milatariga ayaa Sabtidii sheegay in Gaashaanle Sare Muhammad Ali Shoukat uu ka mid ahaa lix askari oo lagu dilay dagaal habeen hore ka dhacay degmada Waqooyiga Waziristan ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo ay weheliyaan lix fallaago ah. “Ciidamada ammaanka ee Pakistan waxaa ka go’an inay tirtiraan khatarta argagixisanimada, naf-hurnimada askarteena geesiyaasha ahina waxay sii xoojinaysaa go’aankeenna,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee militariga Pakistan. Ciidamada ayaa sheegay in howlgal gaar ah ay ku dileen labo ka mid ah mucaaradka deegaanka Swat oo ka tirsan degmada kale ee Khyber Pakhtunkhwa, kuwaas oo Mid ka mid ah la sheegay inuu ku lug lahaa weerar bishan gudaheeda lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen qaar kamida safiirada dalalka shisheeye. Iska hor-imaadyada militariga Pakistan iyo kooxaha xagjirka ah ayaa si joogto ah uga dhaca qaar kamida gobollada dalkaas, Wasaaradda Arrimaha Guduhuna waxay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2023 oo kaliya, 930 qof oo isugu jira ciidamada qalabka sida iyo dad kale ay ku naf waayeen falalka argagixisanimo, qiyaastii 2,000 oo qofna ay ku dhaawacmeen. Source: goobjoog.com
  20. Mogadishu (HOL) – Somali Defense Minister Abdukhadir Mohamed Noor reiterated on Saturday that Ethiopian forces would not participate in the upcoming African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM) unless Ethiopia withdraws from the Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland. Source: Hiiraan Online
  21. 
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu gudoominaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii afaraad ka socdo xarunta Madaxtooyada villa Soomaaliya,iyadoo ay madaxda heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ay si wadajir ah uga doodayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka. 
 
Kulamadii maanta ayaa waxa ay ahaayeen kulan doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey gudiyo farsamo, kuwaas oo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka Golaha.

 Inkastoo Madaxweynaha Hirshabelle mudane Cali Guudlaawe uu qaatay fasax ku aadan ka qeybgalka xafladda sanadguurada Hirshabelle balse waxa uu ku soo biiri doonaa kulamada berrito lagu balansan yahay. Shirkan ayaa la filayaa in dhowaan la soo gebagebayn doono, islamarkaana laga soo sari doono war-murtiyeed ay ku xusanyihiin qodobo ay madaxdu ku heshiiyeen oo ku saabsan arrimaha nabad-gelyada dalka, doorashooyinka, xadgudubka Itoobiya iyo xoojinta wada-shaqaynta labada heer dowladeed. 
 Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan xarunta madaxtooyada qaranka waxaa weli ka socda shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirka oo diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee dalka, siiba arrimaha doorashooyinka ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, iyada oo madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka. Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo lagu faah-faahiyay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in kulamadii maanta dhacay ay ahaayeen kulamo doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey guddiyo farsamo, kuwaas oo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka golaha. Villa Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay in wada-hadalladu ay u socdaan sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay madaxdu soo saari doonaan qodobo muhiim ah oo heshiis lagu wada yahay. “Kulamada GWQ waa kuwo ku socdo si habsami leh, waxaana rajeynayaa in dhawaan si wada jir ay loo soo saari doono hishiis siyaasadeed iyo qodobo muhiim u ah nidaamka dowlad-dhiska Soomaaliya’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Xudeyfi oo ah afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya. Dhinaca kale Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa qaatay fasax ku aadan ka qeyb-galka xafladda sanadguurada HirShabelle, wuxuuna u baxay magaalada Jowhar, inkastoo uu ku soo biiri doono kulamada berri loo balansan yahay ee golaha wadatashiga qaranka. Waxaa kale jira caqabado uu wajahayo shirka sida diidmada madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka horyimid in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, waxaase weli soconayo dadaallo lagu qancinayo, maadaama keligiis uu ku yahay go’aanka diidmada ah. Sida uu qorshuhu yahay shirka ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo maalinta berri ah, ayada oo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ku heshiinayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. The post Cali Guudlaawe oo baxay iyo wararkii ugu dambeeyay shirka golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.