Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,074
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa’id ku qatay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeyso Itoobiya. Wasiirka ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Itoobiya, wuxuuna sheegay in aysan ciidamadeeda qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub AUSSOM, haddii aysan ka noqon heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland. Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka cusub uu dhawaan bilaaban doono, isla markaana uu beddali doono howlgalka ATMIS oo muddo dheer ka socday Soomaaliya. “Howgalgalka cusub ee AUSSOM dhowaan ayuu billaabanaya wuxuuna badali doona ATMIS, Itoobiya kama mid noqon doonto haddii aysan ka laaban heshiis beenaadka ay la gashay Maamulka Somaliland” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo inay dalka ka baxaan ciidamadaas oo ay ka horyimaadaan go’aanka Soomaaliya uu noqon doono ciidan gumysi ku qabsaday gudaha dalka, kadibna ay furan tahay in lala dagaalo. “Itoobiya subaxa dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo in ay dhaqaajiso way dhaqaajineesa wixii intaa ka badan waa ciidan cumeysi oo dalka qabsaday oo in lala dagaalamo u baahan” ayuu mar kale yiri wasiirku. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhawaan ka dhawaajiyay madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay xoog ku qabsadeen garoomada gobolka Gedo iyo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaalitya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa horay u diyaarsatay beddalka Itoobiya, waxayna dhawaan heshiis la gashay Masar oo sidoo kale 10 kun oo askari usoo diri doonta Soomaaliya. The post Daawo: Soomaaliya oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  2. Musharrax Cirro oo100 neef oo adhi ah iyo 32 neef oo Geel ah ku wareejiyay ciidanka Jiida hore ku sugan ee magaalada OOG. Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo gudoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa booqasho ku tagay taliska ciidanka Qaranka Somaliland ee magaalada OOG . Qaran News
  3. Madaxweyne Deni marna kama caban karo metelaadda federaal maamulka Somaliland ku leeyahay Muqdisho marna kuma doodi karo in “Somaliland la fogeeyay”. Garoowe (Faallo) —Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Hoggaamiyaha maamulka ku meelgaarka ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) waa labo hoggaamiye oo bannaanka ka taagan Golaha Wadatashiga Qaranka oo hadda ku shirsan Muqdisho. Deni isagu xaq ka qeybgal shir ayuu leeyahay hase ahaatee wuu diiday inuu shirkaas ka qeybgalo. Sanadkii hore (2023) ayuu maamulka Deni xiriirka u jaray dowladda federaalka Soomaaliya. Sababaha uu cuskaday waxaa ka mid ahaa in maamulka Somaliland uu metelaad ku dhex leeyahay hay’adaha federaalka inkastoo uusan aqoonsanayn dowladda federaalka, sheeganayana inuu yahay dal ka go’ay Soomaaliya. Dhowr toddobaad ka hor Deni wuxuu ku dooday in maamulka Somaliland la fogeeyay. Goormuu saxan yahay Deni? Deni wuxuu u doodayay maamul duqeyn, dil iyo burburin ka geystay Laascaanood xilli xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ay diiddayd inay beeniso doodaha beenta ahaa oo uu maamulka Somaliland u cuskaday duqeynta Laascaanood oo kala ah in “maamulka Somaliland dal gaar ah yahay iyo inuu Laascaanood kula dagaallamayo Al-shabaab”. Deni iyo Firdhiye waxay dhaxleen xaalad siyaasadeed oo Puntland ka dhigtay maamul leh itaal siyaasadeed oo yar tanaasulaadkii maamulladii hore ee Puntland sameeyeen markii laga baxayay ku meelgaarka awgood 2012kii iyo sanadkii 2013kii marka shirkii New Deal uu ka qabsaoomayay Beljimka. Shirkaas Puntland waxay oggolaatay in maamulka Somaliland habka Special Arrangement wax lagu siiyo iyo in Puntland wax la qeybsato maamullada kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Hadda dhulka juqaarfi ahaan Puntland ah kuna salaysan cahdigii 1998 waa dhul go’doonsan siyaasad ahaan, xiriir aan la lahayn beesha caalamka. Dadka dhulkaasi ku nool way ka qatan yihiin deeqaha horumarineed sida deeqda ay hay’adda USAID bixisay toddobaadkan oo ka badan 60 milyan oo doollar. Puntland lix gobol ayay ka kooban tahay (oo labo gobol — Nugaal iyo Bari— ay buuxiyaan shuruudda samaynta maamulka federaal), hase ahaatee Puntland waxay la awood tahay dhanka siyaasadda iyo wax qaybsiga maamul federaaleedyada kale sida Galmudug oo hal gobol iyo bar ka kooban. Puntland saameyn weyn ayay ku lahayd qoristii dastuurka ku meelgaarka lagaga baxayay iyo dejinta shuruudaha maamul federaal ku samaysmo. Ma jirin maamul federaal la heer ah Puntland dhanka baaxadda dhulka iyo taariikhda maamul oo lahaa saameyn markii ku meelgaarka laga baxayay. Hoggaamiye Firdhiye waa inuu fekero siyaasado yarayn kara in ismaandhaafka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya uu hor istaago xuquuqda helista deeqda horumarineed ee dadka SSCK. Maamulka SSC-Khaatumo wuu taageersan yahay siyaasadda dowladda federaalka dhanka metelaadda iyo arrimmaha dibedda, halka Puntland ay ku maandhaafsan tahay dowladda federaalka labadaas siyaasadood. Waxaa xusid mudan in ilaa hadda maamulka Puntland uusan u hoggaansamin soo jeedinta Guddiga Maamulka Maaliyadda (Financial Governance Committee) inay soo sheegto dakhliga ka soo gala canshuuraha iyo shatiyada kalluumaysiga. Dhowaan Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa wuxuu sheegay in dad maamulka Puntland uusan ka warhaynin ay keenaan shirkadda kalluumaysi oo xaalufin ka wada badda. Hadalka Wasiirku wuxuu muujinayaa in maamulka kheyraadka badda uu yahay wax ka baxsan awoodda dowladda Puntland oo dhowr jeer isku dayday inay wax ka qabato shatiyada kalluumeysi oo si sharcidarro ah magaca Puntland loogu bixiyay. Maamulka SSC-Khaatumo ma laha aqoonsi maamul federaal mana jiraan siyaasado yarayn kara saameynta ismaandhaafka dowladda federaalka iyo Puntland uu ku yeelan karo xuquuqda dadka maamulka SSC-Khtaamo uu metelo. Dhowaan Firdhiye wuxuu sheegay in xildhibaannada SSC-Khaatumo lagu soo xuli doono dhulka SSC-Khaatumo. Haddii doorasho sidii tii 2022 lagu heshiiyo oo sababtay inuu Deni soo xusho xildhibaanno u gaar ah, way adag tahay sida Firdhiye sheegay xildhibaanno loo soo xulo. Ma cadda in Deni mar kale isku dayi doono inuu u tartamo noqoshada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu u tartamay 2017 iyo 2022. Waa in Deni iyo Firdhiye gartaan inay dhaxleen xaalad siyaasadeed oo hoggaamiyayaashii hore ee Puntland unkeen iyaga oo aan ka fekerin saameynta go’aammadoodu ku yeelan doonaan awood qeybsiga iyo kheyraad qeybsiga. Maamullada samaysmay ama la ballaariyay kaddib 2013 ayaa ka faa’iiday dowlad dhisidii ay Puntland horseedka ka ahayd markii ay 1998 soo jeedisay in habka federaalku ka ilaalin karo Soomaaliya awood meel dhexe ku urursan oo aan lala xisaabtami karin. Puntland tusaale uma noqonin awood-daadejin (decentralisation). Soomaaliya waxaa ilaa xad ka hirgalay dowlad dhisiddii ay Puntland soo jeedisay makii ay ahayd maamulka keliya oo ay beesha caalamku talooyinkiisa qaadanaysay. Punland sooyaal maamul dhisid oo lagu qaddariyo ayay lahayd. Sanadkii 2023kii wuxuu ahaa sanad Puntland ay la kulantay xujooyin waaweyn sida dagaal socday toddoba bilood, qabashada doorashooyinka golaha deegaanka iyo colaad ka dhalan gaartay isku raacsanaan la’aantii sida doorashadii 2024 uga qabsoomaysay Puntland ka hor inta aysan odayaasha SSC-Khaatumo xal dhexe oo habka 66 ku salaysan keenin. Deni iyo Firdhiye waa inay xusuustaan macnaha maahmaahda raqba waa ku raggeed. Isbeddello waaweyn ayaa Soomaaliya ka dhacaya oo siyaasiyiinta meel xun ka istaaga sababi kari doonaan in gobolladoodu go’doon siyaasadeed galaan xilli beesha caalamku maalgelin badan u hurayso dib u dhiska hay’adaha siyaasadda ee Soomaaliya heer dowlad federaal iyo heer xubin dowlad federaal. © Puntland Post, 2024 The post Sida Puntland iyo SSC-Khaatumo Uga Qeybqaadan Karaan Geeddiga Dowlad Dhisidda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  4. Istanbul (Caasimada Online) – Maanta oo Sabti ah waxaa dalka Turkiga kasoo dhaqaaqay markabka Oruç Reis, kaas oo ku soo jeeda gudaha Soomaaliya. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka. Oruç Reis ayaa kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, sida ay sheegtay dowladda Turkiga. Sida qorshaha uu yahay markabkan wuxuu kusoo xiran doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhamaadka bishan October, ayada oo la filayo inuu qaato qiyaastii 19 maalmood. Markabkan ayaa marka uu yimaado Soomaaliya wuxuu fulin doonaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 Square. Sidoo kale wuxuu howlgalkiisu qaadan doonaa qiyaastii toddoba bilood, si uu sahmin uga sameeyo Soomaaliya. Waxaa kale oo uu sameyn doonaan xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya. Markabka Oruç Reis oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir ayaa loo aqoonsaday inuu yahay hanti muhiim ah oo ka mid ah dadaallada sahminta badda ee Turkiga. Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya. The post Markabka qodaya shidaalka Soomaaliya oo kasoo dhaqaaqay Turkiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. Dowladda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay Ciidanka Xoogga Dalku ay dileen ugu yaraan 47 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, ka dib markii ay howgal ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud. War-saxaafadeedka ay dowladdu soo saartay ayaa u dhignaa sidan “47 xubnood oo ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay hawlgalo bartilmaameed ah oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka (NISA) oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaano hoos tago degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka ayaa ku beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad badan oo Khawaariij ah, waxaana halkaas lagu laayay maleeshiyaad badan iyadoo dhanka kale la baabi’iyay fariisinkii Khawaarijtu isku aruursanayeen. Sida oo kale inta uu howlgalka socday waxaa la burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa ku guulaystey in ay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen. Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka, iyo geesiyaasha dadka degaanka ayaa hawlgalo qorshaysan oo sifayn ah ka sameeyay deegaannada Xuseen Cagay iyo Cali Yabaal, waxaana ciidanku ay ku guulaysteen inay burburiyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Khawaarijta. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibaartay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana dowladda ka go’an ciribtirka cadowgaan ku soo duulay waddankeenna” . Source: goobjoog.com
  6. Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo waftigii uu hogaaminaayey ee socdaalka walaaleye ayaa maanta si baaldhan loogu soo dhaweeyey Magaalooyinka Wadamo-Goo iyo CAYNABA . Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah isha ugu hayo shirka xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran haatan uga socda Villa Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka dalka. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qayb ka ah mucaraadka Muqdisho oo qoraal soo saaray ayaa marka hore ka hadlay doorka madaxweynaha iyo jiheynta dalka, wuxuuna sheegay in kaalintiisa ugu wayn ay tahay ilaalinta dastuurtka iyo isku haynta dalka. Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumada iyo baarlamaanka looga baahan yahay dheelitirka awoodaha siyaasadeed ee dalka. “Madaxweynuhu wuxuu leeyahay aragtida (vison)-ka iyo jihaynta siyaasadda guud ee dalka, kaalintiisuna waa ilaalinta dastuurka, isku haynta dalka iyo ka shaqaynta midnimada iyo wadajirka umadda, halka laga doonayo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda in ay aragtida u daadejiyaan waaqaca, taasoo kaga baahan dheelitirka awoodaha siyaasadeed ee dalka sida Maamullada Gobollada, Baarlamaanka, siyaasiyiinta kale ee saamaynta leh iyo xubnaha beesha caalamka, waxaase muuqata in labadii hawl uu Madaxweynaha isku darsaday” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Dhinaca kale xildhibaanka ayaa dalab culus soo saaray kahor go’aammada la filayo inay soo saaraan xubnaa Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna sheegay haddii ay sameynaa isbeddallo cusub lagama maarmaan ay tahay in wada-tashiga laga qayb-geliyo saamileyda siyaasadda oo dhan. “Waxaa gar ah doodda oranaysa haddii hawshu sidii heshiiska lagu ahaa lagu wedayo noo wada, haddiise isbeddel cusub uu jiro, waa in saamilayda siyaasadeed si dheelitiran wadahadalka looga qaybgeliyaa” ayuu mar kale yiri siyaasiga caanka ah ee Warsame. Horay sidaan oo kale xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne Shariif Sheekh ayaa uga digay in golaha uu ku dhawaaqo muddo kororsi horleh oo aan heshiis lagu ahayn. “Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah,” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay xisbiga Sheekh Shariif. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasa Cali Cali Khayre ayaa isna ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo dib u dhigi kara dowladnimada, gaar ahaan muddo kororsi. “Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna” ayuu yiri Mudane Xasa Cali Khayre. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si aad ah la’isugu hayaa doorashooyinka dalka ee heer dowlad goboleed iyo heer federaal ee dalka. The post Mucaaradka oo ka digaya arrin xasaasi ah kahor go’aannada golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan , Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka Oruç Reis, kaasoo kusoo jeedda Soomaaliya. Sida ay sheegeen Warbaahinta Turkiga Markabkan sahminta (seismic) ayaa maanta kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas. Wuxuu soo gaari doonnaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhammaadka bisha Oktoobar, iyadoo safarka la filayo inuu qaato qiyaastii 19 maalmood. Marka uu Oruç Reis yimaado Soomaaliya, wuxuu fulin doonaa baaritaan 3D seismic oo ka kooban 15,000 km², hawlgalkuna wuxuu socon doonaa qiyaastii toddoba bilood. Inta lagu jiro waqtigan, markabku wuxuu ururin doonaa xog muhiim ah oo ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, waxaana xogta la ururiyey loo diri doonaa Ankara si loo falanqeeyo, taasoo hagi doonta hawlaha qodista ee mustaqbalka. Oruç Reis, oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir, waa hanti muhiim ah oo ka mid ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye. Hawlgalkan wuxuu ballaarinayaa khariidadda sahminta, wuxuuna furayaa xiriir cusub oo ka dhexeeya Türkiye iyo Soomaaliya, si wadajir ah loogu sahmiyo keydka gaaska dabiiciga ah iyo saliidda. Source: goobjoog.com
  9. Mogadishu (HOL) – Somali National Army (SNA) forces, supported by international partners and local militias, killed at least 50 al-Shabab militants during military operations in the central Somali region of Galgadud, the Somali Ministry of Information confirmed in a statement released Saturday. Source: Hiiraan Online
  10. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay hawlgal qorshaysan ku dishay ku dhawaad 50 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka Al-shabaab. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in hawlgalkaasi laga fuliyay degaannada Bidda Ciise iyo Geriile oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. “Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibbada caalamka ayaa beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bidda Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad badan oo Khawaarij ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka dowladda. “Sidoo kale inta uu howlgalka socday waxaa la burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay hawlgal qorshaysan ku dishay 50 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  11. Minnesota Attorney General Keith Ellison filed a lawsuit Wednesday in Hennepin County against a Minnesota property development company that is soliciting down payments from Somali families looking to buy a home, according to a news release. Source: Hiiraan Online
  12. Ceeldheer (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saartay howlgallo culus iyo duqeymo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud ayaa sheegtay in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka oo si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Nisa, Macawiisleyda iyo saaxibada caalamiga ah lagu dilay illaa 50 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad la weeraray. Sidoo kale waxaa la burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii fariisinka u ahaa maleeshiyaadka la laayay. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka: Muqdisho, October 05, 2024: Ilaa 47 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgalo bartilmaameed ah oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka (NISA) oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaano hoos tago degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka ayaa beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad badan oo Khawaariij ah, waxaana halkaas lagu laayay maleeshiyaad badan iyadoo dhanka kale la baabi’iyay fariisinkii Khawaarijtu isku aruursanayeen. Sidoo kale inta uu howlgalka socday waxaa la burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa ku guulaystey inay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen. Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka, iyo geesiyaasha dadka degaanka ayaa hawlgalo qorshaysan oo sifayn ah ka sameeyay deegaannada Xuseen Cagay iyo Cali Yabaal, waxaana ciidanku ay ku guulaysteen inay burburiyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Khawaarijta. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibaartay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana dowladda ka go’an ciribtirka cadowgaan ku soo duulay waddankeenna . -Dhammaad- The post Shabaab-kii ugu badnaa oo lagu laayey hal goob appeared first on Caasimada Online.
  13. TUKWILA, Wash. —Rideshare drivers are set to protest in Tukwila after prosecutors dropped charges against one driver who was arrested and charged with raping a passenger in Thurston County. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — Jubaland President Ahmed Madobe has reportedly opposed Somalia's federal government's plan to implement a one-person, one-vote (1PV) system, citing concerns over missed election deadlines and the potential for term extensions. His resistance, discussed during the ongoing National Consultative Council (NCC) meeting in Mogadishu, threatens to derail the country's electoral reforms and cast doubt on whether the 1PV system can be implemented in time. Source: Hiiraan Online
  15. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi ayaan Maanta Kormeerey Xarunta laanta Dhexe ee Ilaalinta Canshuuraha Boliiska Soomaaliyeed Taliyaha ayaa Warbixin ka dhageystey Saraakiisha laanta Dhexe ee ilaalin Canshuuraha ayagoona ugu warbixiyey shaqada ilaalinta canshuuraha Taliyaha ayaa saraakiisha ku dardaarmay in Bulshada loogu adeego si dhaw lana ilaaliyo Habraaca Canshuur Qaadis, Taliyaha ayaa amray in aan la arki karin askari sifo sharci daro ah lacag ugu qaadan kara Bulshada Askarigii lagu arkana talaaba sharci ah laga qaadi doono. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda kulamo xasaasi ah iyo dadaallo la doonayo in lagu qanciyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), si uu taageero go’aannada la xiriira doorashada oo ay soo saarayaan Golaha Wadatashiga Qaranka. Axmed Madoobe ayaa si shaqsi ah u diiday in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah oo ay isku raaceen madaxda kale ee ka qayb-galeysa shirka, taasi beddalkeedana wuxuu ku dooday inuu qabsanayo doorasho dadbadan. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dadaallo lagu qancinayo madaxweynaha Jubbaland, waxaana hakad galay shirkii u socday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Dadaallada waxaa haatan kusoo biiray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maanta isaga iyo ra’iisul wasaaraha kulan gaar ah la qaateen Axmed Madoobe, kaas oo ujeedkiisu ahaa inuu kasoo dabco mowqifkiisa diidmada ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax natiijo ah oo la fahamsan yahay oo laga gaaray dadaallada socda, si loo dhammeeyo doodda taagan, una fashilmin Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka. Shirkan waxaa ka horeeyay mid kale oo xalay Villa Soomaaliya ku dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo Axmed Madoobe, laakiin wuxuu isna kusoo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii uu go’aankiisa ku adkeystay Axmed Madoobe. Ma cadda illaa iyo hadda waxa sababay in nadaxweynaha Jubbaland uu qaato go’aanka uu kaligiis ku yahay iyada oo dhammaan madaxdii kale ay isku aragti ka noqdeen dooda doorashada ee miiska saaran. Inkastoo aanu si toos ah u fashilmin shirkii guud ee NCC, haddana waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso in la qanciyo Axmed Madoobe The post Dadaallo lagu qancinayo A/Madoobe oo socda iyo shirkii golaha wadatashiga oo hakad galay appeared first on Caasimada Online.
  17. The Somalia passport has been recovering its lost glory over the past decade, rising from a lowly 128th position more than 10 years ago to 95th on the Passport Power Rank. But there are still issues to do with how the document is issued and how other countries see it. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay mid kamid ah ganacsatada deegaanka loogu geystay xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Daahir Diirshe ayaa waxaa goobtiisa ganacsi ugu tegay rag afka soo duubtay, kadibna toogasho ku dilay. Wararka ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay uu marxuumka hanjabaad kala kulmay kooxda Al-Shabaab, taas oo la xiriirta kaamirooyin uu ku xiray xaruntiisa ganacsi. Ganacsadaha oo ka dhaga adeegay amar kooxda ayaa ugu dambeyn soo qorsheysay in la dilo, waxaana xalay sidaas ku toogtay maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo baxsaday. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah. Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh. Inta badan ganacsatada ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. The post Ganacsade Cabdinaasir Daahir oo lagu dilay MUQDISHO + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) – Somali army forces have killed 24 al-Shabab militants and wounded 30 others during a military operation in the Lower Shabelle region, according to military officials. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xalay Shir gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ugu yeeray Madaxweyne Axmed Madoobe halkaasi oo uu ka dhacay Shirka labada dhinac. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday Shirkaasi ay Madaxweynaha Jubaland ugu yeereen Madaxweynaha Soomaaliya oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha dalka. Labada dhinac ayaa isku mari waayay qodoba ku saabsan in hal sanno oo mudda kordhin loo sameeyo Madaxda Dowlad goboleedyada iyo in doorashooyin guud oo qof iyo cod ah laga qabto dalka waxaana la sheegaya in Villa Somalia ku guul-darraysatay in ay labadaasi qodob ku qanciyaan Axmed Madoobe. Arrintani ayaa sii fogayn karta in wax la isku raacsan yahay uu ka soo baxo Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada uga socday magaalada Muqdisho kaasi oo u xanniban mowqifka Madaxweyne Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Shir xalay dhexmaray Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubaland oo fashil ku dhammaaday appeared first on Puntland Post.
  21. Dalka Lubnaan, gaar ahaan magaalooyinka koonfurta iyo Bartmaha ku yaalla oo ay caasimadda Beyruut ku jirto waxaa ku socda duqeymo xooggan oo aan kala joogsi lahayn, kuwaas oo uu wado maamulka Israa’iil. Duqeymahan ayaa sababay in inta badan duullimaadyadii diyaaradaha ee dalkaas tagey jiray ay joogsadaan, waxaana socda qax iyo barakac baaxad oo ay muwaadiniinta Lubnaan iyo ku shisheeye ee dalkaas ku nooli ku jiraan. Dowladaha dunida ayaa qaarkood diyaarado gaar ah u diray muwaadiniinta ku sugan Lubnaan si loo soo daadgureeyo, waxaana kamida Shiinaha oo in ka badan 200 oo qof oo dalkiisa u dhashay ka soo saaray magaalooyinka dalkan wajahaya duullaanka cirka iyo dhulka ah. Sidoo dalalka reer galbeedka iyo kuwa deriska ah ayaa ku howlan daadguraynta muwaadiniintooda, balse Soomaali badan oo dalkaas ku nool ayaa ku jira xaalad go’doon ah, ayadoo dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay dadkaas gurmad la gaarto. Soomaaliya ku sugan Lubnaan ayaa isugu jira arday dalkaas waxbarasho u tagey iyo dad muddo ku noolaa oo halkaas ganacsiyo iyo hanti ma guurto ah ku leh, kuwaas oo ay adagtahay inay dalkaas ka soo baxaan maadaama la joojiyay diyaaradihii dalkaas tagi jiray. Soomaaliya xariir dublamaasiyadeed oo toosa lama laha Lubnaan, safaaradna kuma laha, balse dalka deriska ah ee Suuriya ayay ku taal safaaradda Soomaaliya, waxaana walaac laga muujinayaa xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku xayiran. Source: goobjoog.com
  22. Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay kala dhaxeeyay dalka Eritrea ee ay deriska yihiin. Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in khilaafka xudduudda ee aan la xallin ee u dhexeeya labada dal lagu xallin karo wada hadal. Mar uu ka hadlayey Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Maxamed Sayid Duule waxaa uu sheegay in Jabuuti ay dooneyso inay ogaato meesha ay joogaan askarteeda oo uu sheegay inay Eritrea qabatay intii lagu jiray khilaafka xudduudda ee ka dhex jira labada dal. “Mas’uuliyadda askarteenna maqan waa wax ku weyn qalbiyadeenna; qoysaskoodu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan hal arrin.” “Jabuuti waxay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkeeda Eritrea. Sidoo kale, waxay diyaar u tahay inay khilaafka xalliso iyada oo loo marayo wada hadal sida waafaqsan sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri diblomaasigan. Ma jirto wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxday Eritrea oo ku saabsan bayaanka Jabuuti ee muujinaya in ay dooneyso in meesha laga saaro mad-madowgii kala dhaxeeyay. Xiriirka u dhexeeya labada dal ma aheyn mid caadi ah tan iyo markii uu khilaafka xudduudda uu ka dhex qarxay labada dal sanadkii 2008-dii. Khilaafkan ayaa sababay dagaal milatari. Jabuuti waxay Eritrea ku eedaysay inay ku maqan yihiin qaar ka mid ah askarteeda kadib markii ay Eritrea qabatay. Dhinaca Eritrea, waxaa la sheegay inaanay jirin ciidammo Jabuutiyaan ah oo xabsiga ku jira, iyadoo arrintaa ku tilmaantay dibin-daabyo ay wadaan dalalka reer galbeedka. Dowladda Qadar ayaa ciidamo dhigatay xuduudda u dhaxeysa labada si ay u dejiso xaaladda. Si kastaba, xiisadaha u dhexeeya dowladaha Khaliijka iyo isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa saameeyey xiriirka u dhexeeya Eritrea iyo Qatar, taasoo ku qasabtay Qadar inay ciidamadeeda dib ula laabato. Sanadkii 2018, hindise ay soo diyaariyeen Itoobiya iyo Sacuudiga oo lagu doonayey in la isugu soo dhaweeyo hoggaamiyeyaasha labada dal ayaa fashilmay. Kulankii u dhexeeyay Madaxweyne Isayas Afewerki iyo dhiggiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ee Jeddah ayaa la filayey inuu yareeyo sanado badan oo xiisad ah oo u dhexeeyay labada dal. Munaasabadda ayaa ahayd dib-u-saxiixiidda heshiiska nabadda oo u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya oo ka dhacay Jeddah kadib 20 sano. Kadib dhacdadan taariikhiga ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cusmaan Saalax, ayaa booqday Jabuuti si uu ula kulmo mas’uuliyiinta Jabuuti. Bishii July sanadkii 2018-ka, Jabuuti waxay ka codsatay Qaramada Midoobay inay si nabad ah u xalliso khilaafka Eritrea oo ay u gudbiso garsoor caalami ah. Waqtigaa, safiirka dalka Jabuuti ee Qaramada Midoobay ayaa u qoray Xoghayaha Guud Antonio Guterres: “Waxaan rabaa inaan ku xaqiijiyo inaanu diyaar u nahay inaan aqbalno xal nabadeed oo kasta oo Golaha Amniga soo jeediyo.” Bbcsomali Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo Jimcihii shalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu laayay xubno badan Al-Shabaab ahaa. Howlgalka oo ay fulisay guutada 7-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka iyo Bululoow ee gobolka Shabeelaha Hoose. Inta la xaqiijiya waxaa howlgalka lagu dilay illaa 24 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka lagu dhaawacay 30 kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Xoogga dalka. Sidoo kale waxaa la gubay inta uu howlgalka socday gaari caasi ah oo ay lahayd kooxda,kaas oo goobta ku basbeelay. “In kabadan 24 dhagarqabe ayaa Khawaarijta halkaasi looga dilay iyo dhaawaca tiro kabadan 30 dhagarqabe, waxaana laga gubay Gaari caasi ah, iyaggoo ka cararay boorso ay ku jireen Daawooyin” ayaa lagu yiri qoraal ay shaacisay Warbaahinta Codka Ciidamada. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maydadka xubnaha laga dilay kooxda ay horay usii qaadatay, isla markaana ay gaysay deegaanada Buulo Madiino iyo Cumar Beyre, si halkaasi ay ugu aasaan. Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay sida xoogan uga socdaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada gobolkaasi. The post Howlgal lagu laayay Shabaab badan oo ka dhacay Sh/hoose + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  24. Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeymo cirka ah ku garaaceen bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ku leeyihiin magaalooyinka Sancaa iyo Xudeyda ee dalka Yemen. Saraakiil u hadashay millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen ilaa shan xarumood oo waaweyn oo isugu jira, qeybaha ay yaallaan keydadka hubka, saldhiyo millatari iyo saanado ciidan oo ay leeyihiin kooxda Xuutiga ee taageerada ka hela Iran. Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sidoo kale ku warrantay in 7 gantaal ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Xudeyda, oo ah magaalo istaraatiiji ah oo leh dakad weyn. Waxay kaloo sheegeen, in afar gantaal lagu dhuftay eeriyada Siyaana ee magaalada caasimadda ah ee Sancaa. Weeraradaasi cirka ahaa ayaa yimid, maalmo kaddib marki ay Xuutiyiintu ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan howlgallada millatari ee ka dhanka ah Isra’il, waxyar kaddib marki ay soo rideen diyaarad ku aanan duuliyaha laheyn oo uu leeyahay Mareykanka oo kor mareysay hawada Yemen. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo duqayma culus ku garaacay bartilmaameedyo ku yaalla dalka Yemen appeared first on Puntland Post.
  25. The US military says it has launched strikes on the Iranian-backed Houthi group in Yemen, hitting 15 targets. Source: Hiiraan Online