Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,082
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Israa’il ayaa shaacisay in ay duqeysay xarunta sirdoonka Xisbullah ay ku leedahay magaalada Beyrut, weerarkaas oo ay sheegtay in ay qiimeyneyso khasaaraha ka dhashay. Saakay waabarigiina, qaraxyo ayaa laga maqlay nawaaxiga koofureed ee Beyrut, balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Ciidamada Isra’il ayaa soo saaray digniin ay u direen dadka ku nool saddex xaafadood oo ku yaalla dhinaca koofureed ee Beyruut. Israa’iil ayaa dhanka kale aanan wali ka jawaabin duqeymihi cuslaa ee dhawaan kaga yimid Iran. Iran ayaa ku dhawaad 200 oo gantaal oo ah nuuca baallistiga ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla Isra’il, kaas oo ay Iran ku sheegtay in ay uga jawaabeyso duullaanka ay Isra’il ku qaadday Lubnan. Ilaa 1.2 milyan oo ruux ayaa ku baracakay duqeymaha iyo dagaalka ay Isra’il ku qaadday Lubnan saddexdi todobaad ee lasoo dhaafay. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo shaacisay in ay duqeysay xaruntii Sirdoonka Xisbullah ee magaalada Beyrut appeared first on Puntland Post.
  2. Amb. Elmi Declares Somalia Has No Stake in November 13 Elections in Somaliland Somaliland has consistently maintained that it operates as a fully sovereign state, independent from Somalia, since declaring its separation in 1991. The upcoming November 13 elections in Somaliland fall under the jurisdiction of the Somaliland government and its National Election Commission, a point that Ambassador Rhoda J. Elmi emphasized in her statement. Amb. Elmi, Somaliland’s Deputy Minister of Foreign Affairs, issued this statement on Friday. The assertion is clear that these elections are solely the responsibility of Somaliland’s government and people, with no involvement from Somalia’s government. She hit out at recent comments by Somalia’s Foreign Minister Ahmed Fiqi at the United Nations Security Council (UNSC) regarding Somaliland’s elections. Amb. Elmi’s stance suggests that the statements by Fiqi were misleading, and it’s notable that no challenges were raised against his claims during the briefing. The tension between Somalia and Somaliland continues to revolve around the latter’s quest for international recognition as a separate entity, which Somalia does not acknowledge. This ongoing disagreement is central to political discussions and events like these, where statements on sovereignty and election matters can provoke significant responses from both sides.q Qaran News
  3. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu cambaareeyay, hadalkii Wasiirka Arimaha Dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu ka jeediyay shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiir Fiqi ayaa fadhiga Qaramada Midoobey ka sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya si dhaw ula socoto doorashada ka dhacaysa Somaliland bisha soo socota ee November. Qoraalka Somaliland ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquusho arimaha nabadda iyo soo celin amniga ee dalkeeda. “Somaliland waa dal dhaqan u leh nidaamka dimuqraadiyadda oo dadkiisuna ay xaq u leeyihiin aayo ka tashigooda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland. Somaliland ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada oo dhacaysa bisha November ee gabagabada sanadkaan 2024-ka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay arrimaha doorashooyinka markii ugu horeysay ka ka jawaabay heesaha lagu karbaashay ee Xidigaha Geeska ay ku dhaliileen xukunkiisa, kuwaas oo toos ula saftay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Muuse Biixi ayaa heesahaas ku tilmaamay “ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland” sida uu hadalkiisa u dhigay, isagoo sheegay in cida askarta u heestay aysan ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, wuxuuna ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, heesahaas iyo kooxaha qaaday. “Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu cambaareeyay, hadalkii Wasiirka Arimaha Dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu ka jeediyay shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiir Fiqi ayaa fadhiga Qaramada Midoobey ka sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya si dhaw ula socoto doorashada ka dhacaysa Somaliland bisha soo socota ee November. Qoraalka Somaliland ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquusho arimaha nabadda iyo soo celin amniga ee dalkeeda. “Somaliland waa dal dhaqan u leh nidaamka dimuqraadiyadda oo dadkiisuna ay xaq u leeyihiin aayo ka tashigooda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland. Somaliland ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada oo dhacaysa bisha November ee gabagabada sanadkaan 2024-ka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay arrimaha doorashooyinka markii ugu horeysay ka ka jawaabay heesaha lagu karbaashay ee Xidigaha Geeska ay ku dhaliileen xukunkiisa, kuwaas oo toos ula saftay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Muuse Biixi ayaa heesahaas ku tilmaamay “ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland” sida uu hadalkiisa u dhigay, isagoo sheegay in cida askarta u heestay aysan ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, wuxuuna ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, heesahaas iyo kooxaha qaaday. “Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. The post Somaliland oo si adag uga jawaabtay sheegashada DF ee doorashooyinkeeda appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (HOL) – Turkish President Recep Tayyip Erdogan and top Somali officials will attend a farewell ceremony for Turkey's domestically developed Oruc Reis research vessel in Istanbul on Saturday. Source: Hiiraan Online
  6. New York (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay kala dhaxeeyay dalka Eritrea oo ay deris yihiin, Jabuuti iyo Eritrea ayaa mar hore ku kala tegay dagaal al dhashay soohdinta labada dal. Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay Maxamed Sayid Duule ayaa sheegay in khilaafka xuduudda ee aan la xalin ee u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea ay hadda diyaar u yihiin in lagu xaliyo wadahadal. Mar uu ka hadlayey Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Maxamed Sayid ayuu sheegay in Jabuuti ay dooneyso inay ogaato meesha ay joogaan askarteeda oo Eritrea ay maxaabiis ahaan u qabsatay intii lagu jiray dagaalkii dhexmaray labada dal. “Masuuliyadda askarteenna maqan waa wax ku weyn qalbiyadeenna, qoysaskoodu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan hal arrin, waana nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyaan askarteenii,” ayuu yiri Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay Maxamed Sayid Duule. Wuxuu intaas ku sii daray, “Jabuuti waxay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkeeda Eritrea, sidoo kale waxay diyaar u tahay in khilaafkaan la xaliyo, iyadoo loo marayo wadahadal, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.” Majirto jawaab ka timid Eritrea oo ku saabsan codsiga Jamhuuriyadda Jabuuti, balse waxaa suurtagal ah in markaan ay soo jawaabto Eritrea, maadaama hoggaamiyaha dalkaas uu hadda isisoo furfurayo oo muhiimdan uu siinayo la macaamilka dunidii go’doomisay 30 sano ka hor. Sanadkii 2008-dii ayuu qarxay khilaafka ugu dambeyntii lagu kala tegay ee salka ku haya xuduudda Jabuuti iyo Eritrea, wuxuuna khilaafkan sababay dagaal milatari oo lagu hoobtay, wixii intaas ka dambeeyana ma jirin habayaraatee wax cilaaqaad ah oo labada dowladood ay yeesheen. Sanado ka hor dowladda Eritrea waxay sheegtay in aysan jirin ciidamo Jabuutiyaan ah oo maxaabiis ahaan ay u heystaan, iyadoo arrinta maxaabiista ku macneyaay dibindaabyo ay reer Galbeedku wadaan, halka Jabuuti ay marar badan ku celcelisay in Eritrea ay nolosha ku qabatay askar badan oo nolol ay ku tuhmeyso iyo inay xabsiyada Eritrea ku jiraan. Dowladaha Itoobiya iyo Sacuudiga ayaa sanadkii 2018-kii isku dayey inay xaliyaan khilaafka labada dalka ee Jabuuti iyo Eritrea, labada Madaxweyne ee Isayas Afewerki iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu kulansiiyey magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, balse lama gaarin heshiis rasmi ah. Wuxuu noqday kulan taariikhi ah oo sababay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax uu booqday Jabuuti, isagoo xiligaas la kulmay masuuliyiintii Jabuuti. Dowladda Jabuuti ayaa shirkii Qaramada Midoobey ee July 2018 ka jeesiday codsi nabadeed oo ay dooneyso in lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya Eritrea, safiirkii Jabuuti ee Qaramada Midoobay ayaa u qoray Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres “Waxaan rabaa inaan ku xaqiijiyo inaan diyaar u nahay inaan aqbalno xal nabadeed oo kasta oo Golaha Ammaanka ee QM uu soo jeediyo, si loo soo afjaro khilaafka Jabuuti iyo Eritrea.” The post Jabuuti oo heshiis ka dalbatay Eritrea oo ka heysata dhul iyo askar maxaabiis ah appeared first on Caasimada Online.
  7. Laascaanood (Caasimada Online) – War-saxaafadeed garnaqsi ah oo uu soo saaray hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo ayaa farriin loogu diray Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ku shiraya, waxaana si guud looga codsaday in SSC ay metelaad ku yeelato shirkaas oo madaxda lagu casuumayo ay kamid noqdaan. Qoraalka Khaatumo waxaa lagu sheegay golahaan uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, ayaguna ay yihiin maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan metelaad iyo inay go’aanka lagu gaarayo miiskaan wax ku yeeshaan. Hoos ka akhriso qoraalka SSC oo dhameystiran: Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii 6-da February 2023 ee ay dadka SSC- Khaatumo ku gaadheen dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 19 Oktoober 2023, ee ayiddida go’aanka bulshada SSC-Khaatumo ee dhismaha Maamulka, iyo Aqoonsiga Maamul KMG ah ee SSC Khaatumo. Si waafaqsan Qodobada Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Cutubka 5-aad, qodobadiisa 48-aad 49-aad, iyo 50-aad. Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran. Golaha Wadatashiga Qaran oo ah madal looga wadatashado arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga iyo Bulshada inta aan loo gudbin goleyaasha dowliga ah waa madal ka qayb galkeedu ku dhisanyahay matalaad Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamullada xubnaha ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Hadaba, Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu caddeynayaa: 1. In aan marna la aqbali karin in midnimo iyo wadajir la doono, matalaadda dad iyo deegaan baaxad lehna aysan qayb ka ahayn aayo katashiga arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dowlad-dhiska Soomaaliya. 2. In SSC-Khaatumo xaq u leedahay ka qayb galka, ka tashiga iyo ka talinta arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee saamaynta ku leh Soomaaliya. 3. In Maamulka SSC Khaatumo xaq u leeyahay mashaariicda horumarineed iyo kabka miisaaniyadeed ee heerarka iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad- goboleedyada xubnaha ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir. SSC Khaatumo waxa ay Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ka rajeynaysaa in ay ka dhabeeyaan magaca iyo masuuliyadda Goluhu huwanyahay. SSC-Khaatumo waxa ay sii laba jibaari doontaa hawlaheeda dowlad-dhiska, amniga iyo difaaca, iskutashiga, daadajinta maamulka iyo dimoqraadiyaynta. SSC Khaatumo Soomaaliya Loo Dhanyahay. The post Khaatumo oo soo saartay qoraal garnaqsi ah farriin culusna u dirtay Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Caasimada Online.
  8. Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa khudbad naadir ah, oo uu jeediyey Jimcaha maanta, ku sheegay in xulufadiisa gobolka ay sii wadi doonaan dagaalka Israel, isaga oo difaacay weerarkii gantaallo ee ay ku qaadeen. Khudbadda Aayatullah Cali Khamenei ee Tehran ayaa ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii Iran ay fulisay weerarkeedii labaad ee abid ay ku qaado Israel. Sidoo kale waa tii ugu horreysay tan iyo markii rasaas is-weydaarsigii dagaal-yahannada Xzibullah iyo Israel uu isku rogay dagaal ballaaran. Isagoo la hadlayay kumanaan qof oo isugu soo baxay dalka ku hadla luuqadda Farsiga ee Iran, ayuu Khamenei ku yiri Carabi”Iska caabinta gobolka kama waaban doonaan in ay shahiidaan, wayna guuleysan doonaan.” Khudbadda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Israel ay darseyso aargudasho ka dhan ah weerarkii ee Iran, oo ay Tehran sheegtay in ay ugu aargudaysay dilkii Nasrallah iyo xubno kale oo sar sare. PUNTLAND POST The post Khamenei oo sheegay in Iran iyo Xulafadooda aysan ka waaban doonin dagaalka Israel appeared first on Puntland Post.
  9. Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 7-aad ayaa Howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada hoose ku diley in ka badan 24 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab sida ay sheegtay warbaahinta afka ciidamada qalabka sida ku hadashahi. Deegaanada Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka iyo Bululoow ayey Ciidanku howlgalka ka fuliyeen, ayagoo si gaadmo ah uga dul dhacay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo ay ka dileen ugu yaraan 24 xubnood sida laga soo xigtay Saraakiisha. Taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka Xoogga G/dhexe Axmed Cabdi Cali “Axmed Gaashaan” oo howlgalkaan hoggaaminayey ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xogta la xariirta howgalkan. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah gulufka ballaaran ee ay ciidamada Xoogga, kuwa Daraawiishta, iyo xoogagga deegaanku kula jiraan kooxda Alshabaab oo ku sugan meelo ka tirsan gobollada koonfurta iyo Bartamaha dalka. Source: goobjoog.com
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo markii ugu horeysay ka hadlay silsilad suuggaaneedka ay Xidigaha Geeska ku dhaliileen xukunkiisa ayaa ku tilmaamay “ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland.” Muuse Biixi ayaa sheegay in cida askarta u heestay aanay ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, isaga oo ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, sida uu hadalka u dhigay. “Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Kooxda hobollada Xidigaha Geeska oo haatan taageeradooda iskugu geeyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dhawaan soo saaray heeso silsilad ah oo ay ku dhaliilayaan xukuumada uu hoggaamiyo madaxweyne Biixi. Kooxda ayaa si gaar ah madaxweyne Biixi ugu dhaliishay jabkii ciidamada Somaliland kasoo gaaray dagaalkii Laascaanood iyo dhulka ay Somaliland lumisay intii uu talada hayay. Heesahaan oo si weyn u qabsaday baraha bulshada maalmihii lasoo dhaafay ayaa badankooda waxay ka siman yihiin inay muujinayaan in lagu qaldamay xulashada xisbul-xaakimka Kulmiye, islamarkaana uusan oofin ballamihii uu qaaday, taas oo dhaawac weyn gaarsiin karta ololaha uu rabo in markale lagu doorto madaxweyne Biixi. Si kastaba, heesaha ayaa xilligaan loo arkaa kuwo kaalin weyn ku leh wax kabedelka aragtida siyaasadeed ee Soomaalida, maadaama la aaminsan yahay inay tahay habka ugu habboon ee Soomaalida ay haatan ku gudbiso aragtiyaha kala duwan. The post Muxuu MUUSE BIIXI ka yiri heesaha sida weyn u faafay ee lagu dhaliilay xukunkiisa? appeared first on Caasimada Online.
  11. Kenyan President William Ruto on Wednesday opened an international travel expo in the capital, Nairobi, reaffirming his commitment to growing tourist numbers through diversification and targeted marketing in emerging source markets. Source: Hiiraan Online
  12. Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa khudbad naadir ah, oo uu jeediyey Jimcaha maanta, ku sheegay in xulufadiisa gobolka ay sii wadi doonaan dagaalka Israel, isaga oo difaacay weerarkii gantaallo ee ay ku qaadeen. Khudbadda Aayatullah Cali Khamenei ee Tehran ayaa ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii Iran ay fulisay weerarkeedii labaad ee abid ay ku qaado Israel. Sidoo kale waa tii ugu horreysay tan iyo markii rasaas is-weydaarsigii dagaal-yahannada Xzibullah iyo Israel uu isku rogay dagaal ballaaran. Isagoo la hadlayay kumanaan qof oo isugu soo baxay dalka ku hadla luuqadda Farsiga ee Iran, ayuu Khamenei ku yiri Carabi: “Iska caabinta gobolka kama waaban doonaan in ay shahiidaan, wayna guuleysan doonaan.” Khamenei ayaa ammaanay ururka Xizbullah, isaga oo sheegay in ay “adeeg muhiim ah u hayaan gobolka oo dhan iyo dhammaan caalamka Islaamka”. Khudbadda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Israel ay darseyso aargudasho ka dhan ah weerarkii ee Iran, oo ay Tehran sheegtay in ay ugu aargudaysay dilkii Nasrallah iyo xubno kale oo sar sare. Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa ku hanjaby “kuwa weerara qaranka Israel, waxay bixiyaan qiimo culus”. Iran ayaa sheegtay in ay sare u qaadi doonto jawaabteeda haddii Israel ay weerar celis sameyso. Ku dhowaad sanad kadib weerarkii dhimashada badnaa ee Xamas ay ku qaaday Israel 7-dii October, Israel ayaa ku dhowaaqday inay diiradda u wareejineyso xaqiijinta xuduudda Lubnaan. Israel waxay sheegtay in hadafka uu yahay in ay u ogolaato in 60,000 oo Israa’iiliyiin ah oo ku barakacay gantaallada Xizbullah, ay ku soo noqdaan guryahooda. Weerarada Israel ee meelaha ay ku xoogan tahay Xizbullah ee Lubnaan ayaa dilay 1,000 qof tan iyo 23-kii September, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan, waxaana ku barakacay boqolaal kun oo qof. Waxay sidoo kale dilaan, Jeneral Irani ah iyo taliyeyaal sare oo ka tirsan Xizbullah, oo uu ku jiro hoggaamiyihii kooxda Xasan Nasrallah. The post Khamenei oo ku dhowaaqay arrin uga sii dareysa xiisadda Israel appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa su’aal ka keenay goorta ay Jubbaland u abaal-gudeyso Puntland, xilli uu hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu maqnaanshaha Puntland soo saaray miiska shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socda Villa Soomaaliya. Fahad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Puntland ay abaal siyaasadeed aan lasoo koobi karin ku leedahay Jubbaland, marka loo fiiriyo duruufihii adkaa ee siyaasiga ahaa ee Saciid Deni uu kala soo dabaashay Axmed Madoobe. “Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Fahad. Sidoo kale waxa uu yiri “Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka.” Hoos ka aqriso qoraalka Fahad JUBALAND GOORMEEY GUDEYSAA ABAALKII PUNTLAND? Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo. Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka. Waxaa la hadal hayaa in Madaxweyne Madoobe shirka madasha kaga khudbeeyey in Punland la’aanteed aanan go’aanno masiiri ah la gaari karin. Haddii ay dhab ka tahay oo uu Puntland u abaal gudayo iyo haddii uu hadal hayn kaliya uga dan lahaa, waxaa laga ogaan doonaa war murtiyeedka shirka laga soo saari doono. The post Fahad: Jubaland goormey gudeysaa abaalkii Puntland? appeared first on Caasimada Online.
  14. Musharax Cabdiraxmaan Cirro iyo waftigii uu hogaaminaayey ee Socdaalka walaaleye ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobalka Daadmadheedh . Qaran News
  15. New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay Soomaaliya u joogto dhul ballaarsi ee aysan aheyn mid ay uga difaaceyso cadowga. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM ayaa eedeynta u jeediyay Itoobiya, isagoo xusay in joogitaankooda aysan la xiriirin la-dagaalanka argagixisada. “Aan caddeeyo sheegashada ah in Itoobiya ay Soomaaliya u joogto la-dagaalanka argagixisada waa marmarsiyo lagu doonayo natiijada dhabta ah ee ku qabsaneyso, kuna ku goosaneyso dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in xasadaraha ay Itoobiya ku wajaheyso dalalka deriska ay ka leedahay sidii ay indhaha bulshadeeda uga leexin laheyn halista ka taagan gudaheeda, taasboo ay maareyn la’dahay. “Natiijada dhabta ah ee ka dambeysa cadaawada ay baryihii dambe ku wajaheyso dalalka deriska waa isku day ay ku dooneyso inay dareenka dadka looga leexiyo arrimaha halista ah ee ka taagan gudaha dalkaasi ka jira,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu Itoobiya ku eedeeyay in ay u dhaqantay si ka baxshan shuruudaha howlaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ay Itoobiya qeybta ka tahay, ayna hub sharci darro ah soo gelisay gudaha dalka, kuwaasi oo uga sii dari kara xaaladda taagan. Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala furtay kadib markii horraantii sanadkaan ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland heshiis u gacan gelinaya qeybo kamid biyaha Soomaaliya, kaasi oo ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ku tilmaamtay “xad-gudub” ka dhan qarannimada iyo midnimadeeda. The post FIQI oo joogista ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya la xiriiriyey qorshe halis ah appeared first on Caasimada Online.
  16. Dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay hubka sharci darro ah ku soo daabulayso gudaha dalka, islamarkaana ayadoo la dagaallanka Alshabaab ku marmarsiyoonaysa ay doonayso inay qeyb kamida dhulka Soomaaliya goosato. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM ayaa ku eedeeyey Itoobiya in joogisteeda Soomaaliya aysan la xiriirin la dagaalanka argagixisada, balse ay tahay mid ay ‘ku qabsanayso’ dhul Soomaaliya ay leedahay. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya bilihii la soo dhaafay ay diiwaangelisay 4 shixnadood oo hub ay Itoobiya dalka soo gelisay ah, kaas oo ay doonaysay inay gacanta u galiso kooxo maleeshiyaad ah, asagoo intaa ku daray in maamulka Abii Axmed uu dalalka deriska ah u colaadinayo si uu u qariyo guuldarrada gudaha dalkiisa ka haysata. Hadalka wasiir Fiqi ayaa xoojinaya dalabka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan inaysan ciidamada Itoobiya qeyb ka noqan karin howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS oo gabangabada sanadkan dalka ka baxaysa. Source: goobjoog.com
  17. Addis Abeba – Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has accused Ethiopia of “deliberately releasing water from reservoirs at dams upstream” to cause flooding in Somalia, escalating tensions between the two Horn of Africa nations. In an interview with The Economist on September 30 in Mogadishu, President Mohamud presented photographs of flooded areas in Somalia, attributing the flooding to Ethiopia’s alleged actions. The Somali president also alleged that Ethiopia is “funnelling arms to clan-based Somali militias” near their shared border. He expressed concern that these weapons could “fall into the hands of al-Shabab,” the jihadist group active in Somalia. Mohamud further accused Ethiopia of “mobilising clan leaders and opposition politicians in Somalia” against the potential deployment of Egyptian troops. He suggested that if pushed, Somalia could “scratch the grievances” of ethnic Somalis living in Ethiopia. The accusation adds to the complex relationship between Somalia and Ethiopia, which has been strained since January when Ethiopia signed a memorandum of understanding with Somaliland, a region Somalia considers part of its territory. Complicating the situation further, Egypt recently sent its second military aid shipment to Somalia, including heavy artillery and armored vehicles. This delivery, part of a defense pact signed between Egypt and Somalia in August 2024, has raised concerns in Ethiopia and Somaliland. AS Qaran News
  18. Washington (Caasimada Online) – Dowladaha Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Mareykanka oo Soomaaliya ka taageera dhinaca ammaanka ayaa mar kale ku celiyeen inay lama taabtaan tahay madax-bannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhuleed. Wadamadaan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxay isku raaceen inay ka soo horjeedaan wax kasta oo qal-qal iyo xasilooni daro ka abuuri kara Geeska Afrika. Sidoo kale waxay dowladda Turkiga ku bogaadiyay dadaalada ay ku doonayso inay ku dajiso xaalada xilli Turkiga uu marti galiyay labo shir oo loo qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya. Shirarkaas ayey sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku cadaysay mowqifkeeda ah “in aysan ka gor gortamayn in Itoobiya ay ka laabato damaceeda xad-gudubka ah.” Kulaan ayaa waxaa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah, iyadoo lagu soo dhaweeyay dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aadan diyaarinta iyo isku dabaridada ciidan Qaranka oo lagula xisaabtami karo xasiloonida wadanka. Dhanka kale, kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay baahida deg-dega ah ee loo qabo in la dhamaystiro qorshayaasha cusub ee howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya si loo soo afjaro howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ugu dambeyntiina, wadamadaan Soomaaliya ka caawiya dhinaca amniga ayaa isku raacay shirka xiga oo ah shireka 8-aad in lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. The post Mareykanka, Turkiga iyo 3 dal oo kale oo isku raacay arrin culus oo xiisadda badda ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) – Somalia's Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Moalim Fiqi, has accused the Ethiopian government of leveraging counter terrorism efforts as a pretext for annexing Somali territory. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo weli ka socda Villa Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay doodo adag oo ku saabsan jihada saxda ah ee uu dalku aadaayo. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay mowqifkiisa ku aadan sida loo wajahayo marxaladaha soo socdo, isagoo soo bandhigay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Madaxweynaha ayaa dowlad-goboleedyada usoo bandhigay qaabka loo hirgelinayo doorashooyinka qof iyo codka, isagoo miiska soo saaray in afar bilood gudahood lagu ansixiyo sharciyada doorashooyinka iyo sharciga xisbiyada. Sidoo kale wuxuu qorshah Xasan soo bandhigay qeyb ka ah in afar bil gudahood lagu qabto diiwaan-gelinta dadweynaha, halka afarta bil ee u dambeysa lagu qabto doorashada qof iyo cod ee Golaha deegaannada. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe oo arrinkaas si adag uga biya diiday ayaa miiska soo saaray su’aallo adag oo la xiriira maqnaashaha maamulka Puntland iyo maqaamka Khaatumo. Axmed Madoobe ayaa qaba in heshiis siyaasadeed uu xilligaan sharciyad siin karo dowlad-goboleedyada. Lama oga in Axmad Madoobe uu mowqifkaas ka tanaasuli doono iyo in kale, laakiin madaxda saddexda dowlad-goboleed ee kale ayaa ku ra’yi ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Si kastaba, shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo kusoo aaday waqti xasaasi ah ayaa isha lagu haya go’aannada kasoo bixi doona, ayada oo mucaaradka ka digeen in lagu meel-marsado muddo kororsi cusub oo sharci darro ah. The post Xasan oo maamullada usoo bandhigay qorshe doorasho iyo hoggaamiye diiday – Xog appeared first on Caasimada Online.