Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maalinta Diabetes-ka Adduunka, oo la xuso Noofeembar 14, waxay fursad weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed si ay u fahmaan halista cudurka sokorta (diabetes) iyo saamaynta uu ku leeyahay caafimaadka bulshada. Soomaaliya, oo ay kiisaska cudurkan kor u sii kacayaan, waxay wajahaysaa caqabado ay ka mid yihiin wacyi-gelin la’aan, helitaanka daryeel caafimaad oo xaddidan, iyo isbeddelka qaab nololeedka dadka ee ku tiirsan cunista cuntooyinka dhaqso la isticmaalo oo kaloori badan leh. Maalintani waxay dhiirigelineysaa bulshada Soomaaliyeed inay fahmaan muhiimadda ka hortagga iyo ogaan-shaha hore ee cudurka. Cudurka sokorta wuxuu saameyn taban ku leeyahay nolosha dadka la nool, isagoo sababa dhibaatooyin caafimaad oo daran sida dhibaatooyinka wadnaha, kelyaha, iyo aragga. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa la nool cudurkan iyagoo aan ogeyn ama helin daryeelkii saxda ahaa. Tani waxay keentaa in kiisaska cudurkan la ogaado goor dambe, taas oo sare u qaada heerka dhimashada iyo dhibaatooyinka caafimaad ee daran. Maalinta Diabetes-ka Adduunka waxay muhiimad gaar ah siinaysaa in la sameeyo wacyi-gelin iyo baaritaanno caafimaad oo joogto ah si loogu caawiyo dadka inay cudurkan ku ogaadaan marxaladda hore. Si kastaba ha ahaatee, bulshada Soomaaliyeed waxay la kulmaan caqabado badan oo la xiriira nidaamka caafimaad ee xaddidan, taas oo ka dhigaysa daryeelka caafimaad mid adag oo aan la heli karin dad badan oo cudurkan la nool. Waxaa jira baahi weyn oo loo qabo in la maalgeliyo nidaamka caafimaad, la tababaro xirfadlayaasha caafimaadka, oo la abuuro barnaamijyo ku wajahan maaraynta iyo ka hortagga cudurka sokorta. Maalinta Diabetes-ka Adduunka waxay dhiirigelineysaa dowladaha iyo hay’adaha caafimaadka inay ka shaqeeyaan sidii loo kordhin lahaa daryeelka iyo sahayda caafimaadka ee Soomaaliya. Wadajirka bulshada iyo taageerada qoysaska waa mid muhiim u ah dadka la nool cudurka sokorta, iyadoo ay muhiim tahay in la helo nidaamyo iyo qaabab ay bulshadu isku taageeri karto. Waxaa lagu dhiirigelinayaa in bulshada ay fahmaan muhiimada caadooyin caafimaad oo wanaagsan sida jimicsiga iyo cunista cuntooyinka caafimaadka leh. Maalintan waxay xasuusinaysaa in bulshadu ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarinta caafimaadka guud iyo ka hortagga cudurka sokorta, iyadoo ay wadajir ugu guuleysan karaan yareynta saameynta cudurkan ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab sidee ayey ku heshaa gaadiidka ay ku soo raraan qaraxyada ee dadka badan ay ku laayaan, xog uruurin la sameeyey ayaa lagu ogaaday sida uu kooxda ku soo galo gaadiidkaas. Al-Shabaab waxay qaraxyada ku soo raraan gaadiidka raaxada ee inta badan aan laga shakin, inkastoo hadda la yareeyey qaraxyada, hadana dad badan ayey ku laayeen. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda Al-Shabaab ayaa dhacda inta badan gaadiidka ay ku soo xirayaan qaraxyada, iyagoo marka hore xira qofka ay doonayaan inay gaarigiisa ku soo raraan qarax. Inta qofkaasi u xiran yahay waxay qarax ku soo raraan gaarigiisa, markii dad badan lagu halaago kadib ayay xabsiga ka soo daayaan qofka, mararka qaar dowladda ayaa hesha xogta gaariga qarxay, wuxuuna raadku ku soo dhamaadaa in Shabaab dhaceen gaariga oo ay qarxiyeen qofkii lahaa oo iyaga u xiran. Muwaadiniin badan ayaa la adeegsaday gaadiidkooda, kuwaas oo loo awood sheegtay, kooxda ayaa qofkii ay gaarigiisa ka dhacaan ugu hanjabta dil, waxaa Al-Shabaab ku adkaatay inay soo iibsadaan gaadiid ay qaraxyada ku soo raraan, maadaama la adkeeyey shuruudaha lagu iibsado gaadiidka. Booliska Soomaaliya ayaa toddobaadyo ka hor milkiilayaasha gaadiidka ku wargeliyey in hadii laga dhaco gaadiidkooda ay ku soo wargeliyaan dowladda, si looga hortago khatarta ka dhalan karta. Weerarkii ka dhacay Hotel SYL oo ku dhex yaalla Madaxtooyada waxay dowladda Soomaaliya xaqiijisay in gaadiidkii loo adeegsaday mid kamid ah laga dhacay qofkii lahaa, isla markaana hadda la hayo diiwaanka gaadiid badan oo ku maqan gacanta Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa inta badan ka dhaca dadka shacabka ah iyo ganacsatada ay u yeeraan ee ugu tagta dhulka howdka ah, balse waxaa ku adag inay soo geliyaan gudaha magaalada Muqdisho, maadaama amniga la adkeeyey oo gaari kasta lagu baaro bar control kasta oo ciidan joogo. The post Xog: Sida ay Shabaab ku helaan gaadiidka ay qaraxyada u adeegsadaan iyo khatar weyn oo jirta appeared first on Caasimada Online.
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, oo ay ku noolyihiin Soomaali badan ayaa waaydii ugu dambeeysay wajahaysa walaac weyn oo dhinaca ammaanka ah. Magaaladan ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan, oo uu kamid yahay dilkii Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim oo 25 sano jir ahaa Booliska dalka Kenya ayaa soo xiray haweeney lala xiriiriyay dilkan, iyadoo afar qof oo kale ay su’aalo weydiiyeen si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo kiiskaan. Dr. Resila Atieno Onyango, oo ah Afhayeenka booliska Kenya ayaa xaqiijisay in haweeneydan la qabtay ay la taagnayd marxuumka xilligii uu dhacayey dilka. Cabdiraxmaan iyo haweeneyda la xiray ayaa ku wada taagnaa bannaanka hore ee dhismaha DD Plaza oo ku yaalla waddada 12-aad ee Islii, markaasi oo ay ku soo dhawaadeen dabley hubaysan oo dilka geystay, sida uu sheegay booliska Kenya. “Ciidamada amniga ayaa ku raadjooga dambiilaha ugu muhiimsan ee loo malaynayo inuu ka dambeeyo dilkaan,” ayuu yiri afhayeenka booliska Kenya. Nairobi, gaar ahaan Islii ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay la kulmeysay amni darro aad u baahsan oo isugu jira dilal iyo weerarro sharci darro ah, kuwaas oo cabsi weyn ku abuuray bulshada deegaanka, oo ay kamid yihiin Soomaalida. Ammaanka xaafada Islii ayey dadka ku nool ku baaqeen in la adkeeyo ammaankeeda, ayadoo booliska uu ballan-qaaday in ay xoojinayaan howl-galada ay ku sugayaan badqabka shacabka, si looga hortago falalkan argagaxa leh ee sii kordhaya. Dhawaan waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu dilay illaa afar haween ah oo hilbahooda la jarjaray, waxaana socda baaritaannada la xiriira dilalkan argagaxa leh, kuwaas oo booliska Kenya usoo qabtay tuhmanayaal dhowr ah. The post Xog ka cusub kiiska wiil SOOMAALI ah oo dhawaan lagu dilay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  4. TALO KA TIMID WAAYEELKA Waxaa durba bilaabmay engagements iyo in dadka waayeelka ahi soo hadlaan. Waxay soo jeediyeen talooyin: 1. In aan taageerayaasheennu DABBAALDEGIN oo sidaa degen ee ay wax u socdaan lagu wado inta KDQku ku dhawaaqayo. 2. Muuse iyo Kahin waa dadka wax ku qaata kolba wixii la hirdhigo oo aan qorshe lahayn. Haday arkaan meel fawdo laga dhalin karo way ka faa’idaysanayaan. 3. Waxaa jira dad badan oo djalinyaro u badan oo Muuse cadaawad ku beeray, qaarkoodna loo diyaariyey rabshado iyo fawdo, hub badanna gacanta ku haya 4. Weli natiijadii rasmiga ahayd lama hayo, waxayna qaadanaysaa maalmo, dalkuna ma qaadi karo culaysniyo carcartan. 5. Dhanka kale yaan lays dhiganr ha laga shaqeeyo sidii tirinta codadka loo ilaalin lahaa oo loo kormeeri lahaa. Sidaa darteed, marka laysku xooriyo waxay waayeelku ku taliyeen in TAAGEERAYAASHEENNA la dajiyo weliba kuwa GX loo sheego in aanay kalidood guulaysan oo Somaliland oo dhami guusha qayb ka ahayd, sidaa darteed aanay guusha kalidood cid ugu baani karin codadka ugu badanna muwaadiniinta kale u cideeyeen Madaxweynahooda. Waayeelku hala hadlo waayeeelka kale ee dhanka kale ee Muuse la jiray, aqoon yahanka iyo ganacsataduna dhigooda xaaladda dalkana hala dajiyo. Xusuusta, doorashadii 2017 magaalooyinka waaweyn waa laga joojiyey dabbaaldegyada, doorashadanina way kasii xasaasisan tahay dalkuna wuu ka nugul yahay, cadow badanina wuu ku xeeran yahay. Qaran News
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid wakiilada caalamka. Wakiilada uu Muuse Biixi la kulmay ayaa waxay kala yihiin safiirada dalalka, Uk, EU, Denmark, Sweden, Switzerland, Norway, Czech Republic iyo France oo goob-joogayaal ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday Somaliland. Waxay dhammaantood ka markhaati kaceen sida waayo aragnimada leh ee ay shacabka u muujiyeen hannaanka dimuquraadiga ah ee ay u dhacday doorashadii shalay ay u dareereen shacbiga Somaliland. Doorashada shalay ayaa waxaa loogu codaynayay axsaabta ururada, saddexda xisbi qaran iyo murashixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka shanta sanno ee soo socota. Waxay hambalyo iyo bogaadin u direen bulshada reer Somaliland oo ay ku tilmaameen shacbi bisil oo ay tahay inay wax ka bartaan dalalka Afrika iyo caalamkuba, sida nabad-gelyada iyo waayo aragnimada leh ee ay u dhiibteen codkooda. Mudane Biixi ayaa waxa kulankan ku wehlinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd iyo Ergeyga gaarka ah ee wada-hadalada Marwo Adna Aadan. Dhinaca safiiradda iyo dublamaasiyiintuna waxay kala ahaayeen, safiirka dalka UK Amb. Mike Nithavrianakis iyo diblumaasi Ilyas Malek, safiirka dalalka Midowga Yurub Amb. Karin Johanson iyo diblumaasi Thomas Kieler, safiirka dalka Denmark Amb. Steen Sonne Andersen iyo safiir ku’xigeenkiisa Amb Gertrud Birk, Safiirka Sweden Amb. Joachim Waern iyo diblumaasi Johan Svenson, safiirka dalka Switzerland Amb. Mirko Giuletti iyo diblamaasi Natalie Frei. Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa safiirka dalka Norway Einar Rystad iyo diblumaasi Narve Rotwitt, Safiir ku xigeenka dalka Czech Republic Amb. Miroslav Balint, Safiirka Dlaka France Lucile Carrez iyo diblumaasi Mohamed Sahardiid Raage oo ah la-taliyaha arrimaha ganacsiga. The post Sawirro: Muuse Biixi iyo wakiilada caalamka oo maanta kulmay + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  6. Kismayo (HOL) — A Jubaland military court on Monday sentenced clan elder Hassan Mahamud Salah to five years in prison, ruling that he collaborated with the militant group Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  7. Concerns about the Israel-Gaza war, the economy and not feeling heard contributed to shifting political tide. Source: Hiiraan Online
  8. Accounts belonging to a number of personalities including journalists have also been disabled. Source: Hiiraan Online
  9. Washington (Caasimada Online) – Jamhuuriyiinta ayaa lagu dhowaaqay in ay ku guuleysteen aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga oo dhameystiray isku mar ay kula wareegeen awoodda Aqalka Cad iyo Congress-ka Mareykanka, una gacan gelinaya madaxweynaha cusub Donald Trump awood sharci-dejin. Ka dib in ka badan toddobaad tirin codadka ah, CNN iyo NBC ayaa saadaaliyay in xisbiga Trump uu gaaray 218-ka kursi ee loo baahan yahay si ay u sii haystaan aqlabiyadda aqalka hoose ee ka kooban 435-ka kursi, iyagoo horey ugala wareegay Senate-ka xisbiga Dimoqraadiga. “Waa subax aad u qurux badan Washington. Waa maalin u cusub Ameerika,” ayuu yiri afhayeenka Aqalka Wakiilada Mike Johnson, oo qabtay shir jaraa’id oo uu ugu dabaaldegayo guusha Talaadadii ka hor inta aysan natiijadu noqon mid rasmi ah. Qoraxdu way ifaysaa, taasina waxay ka tarjumaysaa sida aynu dhammaanteen dareemayno, wakhtigani waa wakhti aad iyo aad muhiim ugu ah dalka, uma qaadaneyno si fudud.” Trump ayaa ku guuleystey gobol kasta oo ka mid ahaa 7-dii gobol ee aadka loogu loolamaya ama loo yaqaan Swing States doorashadii madaxtinimo ee November 5, waxaana uu sidoo kale uu u muuqdaa in uu ku guuleystey codadka guud ee qaranka. Ayada oo tirooyinka horudhaca ah ay muujinayaan in uu kaga horeeyo musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Kamala Harris 3.2 milyan oo cod. Haysashada labada aqal ee Congress-ka waxay u xaareysa dariiqa uu ku xaqiijin karo magacaabistiisa jagooyinka maamulkiisa ee muhiimka ah, waxayna sidoo kale u oggolaan doontaa inuu ku riixo ajandihiisa xagjirka ah ee masaafurinta ballaaran, canshuur dhimista iyo baabi’inta sharciyada qaar. Luminta Aqalka Wakiilada ayaa daminaysa rajo kasta oo Dimoqraadiyiinta ay ka qabeen in ay awood u yeeshaan in ay hor istaagaan ajandaha Trump. Dhinaca kale, xubnaha Jamhuuriga ee Senate-ka ayaa u doortay John Thune, inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee aqlabiyadda, iyagoo codbixin sir ah ku diiday Rick Scott oo taageero ka haystay Trump. The post Yaa si buuxda ula wareegay awoodda Congress-ka Mareykanka? appeared first on Caasimada Online.
  10. Sawirka sare waa Cumar Daarood gudoomiyaha wakaalada Biyaha ee Hargeysa, ninkii ugu cad cadaa ragii Hargeysa uga ololaynaayay Muuse oo ka war helay in Muuse dhacay. Sawirkani waa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahi Axmed oo Muuse uga ololaynaayay magaalada Burco. Ahmed waxa lagu wargaliyay in Muuse iyo xisbigii Kulmiye ay dhaceen Qaran News
  11. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQPipY8oGI7gQTMlE2EZVvpG8v6prWHhVT1uj68WdIUIFNDhn1SQjdTLy3-b4WsRekEErzMjygiBYpbF7SnJOk3P.mp4 Qaran News
  12. Guddiga doorashada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in sanaadiiqda cododka la geeyay degmooyinka oo la soo geba-gabeeyay tirinta cododka ee goobihii laga dhiibtay Cod-bixinta. Guddiga ayaa ka digaya natiijooyin aan sugnayn kana soo bixin iyaga oo lagu baahinayo baraha bulshada. Muuse Xasan, guddoomiyaha guddiga ayaa ku baaqay in dadku ay is dejiyaan kana war sugaan natiijada doorashooyinka oo ay guddigu soo saari doonaan marka la dhameystiro tirinta codadka. Guddiga dooshada, ayaa waxaa la sheegay in uu aad u xaddidayo in xubnaha wakiillada ka ah xisbiyada ee la socda cododka laga soo tiriyay goobaha inay bixiyaan wax la xiriira xogta cododka la dhiibtay. Waxaa la arkay in xisbiga Waddani uu ka hortago taageerrayaasha iyo xubnaha sare in ay bixiyaan wax hadal ah oo la xiriira cododka la tiriyay, taasi oo ay dheertay in si ka badan labada xisbi ee kale inuu Waddani ka hortagayo in dabaal-deg waqti hore ah ay sameeyeen taageerrayaasha iyo xubnaha xisbiga. Qiyaasaha illaa hadda soo baxaya waa in codod badan lagu kala guuleysanayo, waxaa sidoo kale badan surtagalnimada doorashada ay ka soo bixi karto natiijo ay ka dhalan karto isbeddelo aan horey loo qiyaasin. Muddo toddobaad ah ayay qaadan doontaa in lagu dhawaaqo natiijada sida uu qabo xeerka u yaalla guddiga doorashooyinka Somaliland, markaasi oo ku beegan 21-ka bishaan November, wallow ay soo baxayso suragalnimada in la heli karo natiijada waqti hore. Halkaan ka daawo warka guddiga PUNTLAND POST The post Guddiga doorashada Somaliland oo ku dhawaaqay war ku saabsan hannaanka shaacinta natiijada doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  13. Mid ka mid ah dadka caanka ahaa ee u dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqul insaanka Iran ayaa is dilay isagoo ka soo horjeeday waxa uu ugu yeeray kalitaliska hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatullah Cali Khamenei. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Kianoosh Sanjari ku sheegay in uu isdili doono haddii afart maxbuus oo u xiran siyaasadda aan la sii deynin si degdeg ah. Geeridiisa waxaa saacado ka dib xaqiijiyay xubno kale oo la socday. Dhisme dheer ayaa la sheegay in uu iska soo tuuray. Qoraal uu soo dhigay dhimashadiisa ka hor, ayuu ku sheegay inuu rajaynayo in “maalin ay Iiraaniyiintu” “kacaan oo ay ka adkaadaan addoonsiga”. Sanjari waxa uu ahaa nin aad u dhaleeceeya madaxda Iran isla markaana difaaca dimuqraadiyadda. “Qofna waa inaan loo xirin fikradiisa,” ayuu yiri ka hor inta uusan dhiman. “Mudaaharaadku waa xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Irani ah.” Subaxnimadii Arbacada, wuxuu qoray: “Haddii Fateme Sepehari, Nasreen Shakrami, Tomaji Salehi iyo Arsham Rezaei aan xabsiga laga sii deyn maanta … waxaan noloshayda ku soo afjari doonaa mucaaradnimada kalitaliska Khamenei iyo xulafadiisa. “ Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) ayaa shaqadii ka joojiyay agaasimihii kumeel gaarka ee hay’adda dhowrista xogta, Maxamed Axmed Cali (Royal) Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiir Maxamed Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay shaqo ka caryinta maareeyaha oo loo jeediyay eedeymo culus. Maxamed Soomaali ayaa howlwadeennada kale ee hay’adda ku wargeliyay in shaqadii laga joojiyay maareeyahooda, laga bilaaabo 13 Novermber, 2024 oo shalay ku beegneyd. “Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda, kadib markii uu arkay qodo. 102aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee JFS, wuxuu idin ku wargelinayaa shaqo ka joojinta maareeyaha KMG ee hay’adda dhowrista xogta Mudane Maxamed Axmed Cali laga bilaabo 13 Novermber, 2024” ayaa lagu yiri warqadda lagu ereyay maareeye Maxamed Royal. Sababta ayaa waxaa wasiirku uu ku sheegay in agaasime Maxamed Axmed Royal uu diiday talooyin la xiriira mas’uuliyaddiisa oo lasiiyay iyo inuu gudan waayay shaqada hay’adda. “Wuxuu fulin waayay talooyin badan oo ku saabsan toosin masuuliyadeed iyo gudashada waajibaadka hay’adda, islamarkaana uu ku kacay falal lagu curyaaminayo habsami u socodka hay’adda, kana baxsan hab-dhaqanka saraakiisha sarsare ee dowladda” ayaa lasii raaciyay. Sidoo kale waxaa la faray maareeye ku xigeenka hay’adda dhowrista xogta, Mudane Daud Abdi Husein uu sii qabto xilkan, inta laga soo magacaabayo maareeyaha cusub. “Haddaba waxaa la farayaa ku-xigeenka maareeyaha guud ee hay’adda Mudane Daud Abdi Husein inuu noqdo ku-simaha cusub ee maareeyaha guud ee hay’adda inta laga soo magacaabayo maareeyaha guud ee hay’adda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Tallaabada ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii ugu dambeeyay maareeyaha la eryay uu boggiisa baraha bulshada kusoo qorayay eedeymo ka dhan hoggaanka Villa Somalia. The post Sababta ka dambeyso in la eryo agaasimihii hay’adda dhowrista xogta ee DF appeared first on Caasimada Online.
  15. AQNo5R2NWIxALV_bvCgtNs96Gk2CwCa_IPTcnB8zlA-pJYdMw6UBAisqJ-1_v5bNOQ82s_8uXeKEqnbYNizTu-ba Qaran News
  16. Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa Maanta oo Khamiis ah Xilka qaadis ku sameeyay Xoghayihii Dowladda Hoose ee degmada Garoowe. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Cabdi Faarax Juxaa ayaa xilka looga qaaday Xoghayihii Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe Maxamuud Cali Gurey waxaana lagu magacaabay Xoghaye cusub. Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland ayaa u magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Caasimadda Garowe Cabdalle Maxamed Cabdalle (Kaylaco), sida lagu sheegay Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka. Halkaan ka akhriso Magacaabista PUNTLAND POST The post Cabdalle Kaylaco oo loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeisa (HOL) — International observers praised Somaliland's National Electoral Commission (NEC) on Wednesday for conducting a peaceful and transparent presidential election, as polls closed across the breakaway region. Source: Hiiraan Online
  18. Todobaad kaddib marki uu kaga guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Mareykanka, ayuu madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump booqasho ku tegey Aqalka Cad, kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Joe Biden. Kaddib muddo laba saac ah oo ay ku wada sugnaayeen Aqalka Cad, ayay Biden iyo Trump ballan qaadeen xil wareejin nabad ah oo ay talada ku kala wareegaan marka la gaaro 20-ka bisha January ee sannadka soo socda ee 2025-ka. afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa wariyaasha u sheegtay in kulanka uu ahaa mid wax ku ool ah. Waxay kaloo sheegtay in labada mas’uul ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen arrimaha muhiimka ah ee amniga qaranka, iyo siyaasadaha gudaha iyo dibadda. Mareykanka waxaa dhaqan siyaasadeed ka ah, in madaxweyanaha xilka kasii dagaya uu Aqalka Cad ku casuusmo madaxweynaha la doortay ee baddali doono, si loo muujiyo biseylka dimoqraadiyadda iyo in xil wareejintu u dhacdo si nabad ah. Waxay aheyd marki ugu horreysay oo uu Trump booqday Aqalka Cad tan iyo marki uu ka tagay xafiiska bishii Jannaayo ee sannadki 2021-ki, markaas oo uu doorashadi 2020-ki uga guuleystay Joe Biden. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Joe Biden oo Aqalka Cad ku soo dhaweeyay Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump appeared first on Puntland Post.
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii maleeshiyaadka kooxda ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo-xaaji, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Ciidamada daraawiishta ayaa saaka isku fidiyay aagga Buulo-xaaji, waxayna beegsadaan goobo lagu tuhamayay maleeshiyaadka Al-Shabaab, si ay uga jawaabay weerarka. Howlgalka oo weli sii socda ayaa lagu warramayaa in ay barbar socdaan iska hor imaadyo ay kala kulmayaan xubnaha Al-Shabaab oo weli ku xoogan halkaasi. Saraakiisha ciidanka Jubbaland waxa ay sheegeen inay sii dhaqaaqi doonaan, si kooxda looga fogeeyay aagga magaalada Buulo-Xaaji oo dhawaan uun laga xoreeyay. Weerarkii shalay oo ahaa mid xoogan ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay ku dileen 3 askari, kuna dhaawaceen 9 kale, balse ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Jubbaland. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose. Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dagaalka keli ku noqdeen ciidamada Jubbaland, kadib markii dhowaan maamulka uu sheegay in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen furimaha hore, iyaga oo arrintaas ku eedeeyay hoggaanka Villa Soomaaliya. Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa waxaa haatan soo kala dhex-galay khilaaf salka ku haya doorashooyinka, kaas oo sababay in Jubbaland ay xiriirka u jarto dowladda dhexe. The post Jubbaland oo jawaab ka bixisay weerar ASKAR looga dilay appeared first on Caasimada Online.
  20. 13-kii bishan Nofeember dadweynaha deegaanada Soomaaliland ayaa u dareeray goobaha codbixinta doorasho qof iyo cod ah oo bulshadu ay go’aan uga gaarayaan cidda hogaamin doonta 5-ta sano ee soo socata. Doorashadan oo dowladda Soomaaliya iyo dalalka waaweyn ee duniduba ay bogaadiyeen ayaa muujisay sida shacabka Somaliland ay ugu heelan yihiin inay hoggaankooda si dimoqoraadi ah ku doortaan, si ka duwan deegaanada kale ee soomaalida oo aan intooda badan u bislayn doorasho caynkaas ah. Inkasta oo Somaliland si sharci ah ay u tahay qayb ka mid ah jamhuuriyadda Soomaaliya, islamarkaana aysan weli aqoonsi ka dib markii ay gooni isku taag ku dhawaaqday sanadkii 1993, haddana dhismaha hannaan maamul oo dimoquraadi ah, nabad-gelyo buuxda, iyo doorasho hufan ayaa ah guulaha ay Soomaaliland indhaha caalamka ku soo jiidatay. Doorashada qofka iyo codka ah ayaa muujinaysa in dadweynaha Somaliland ay awood u leeyihiin in ay mar kasta si nabad ah u beddeshaan hoggaankooda, taasoo ah arrin ku dhiirrigelin karta maamullada kale ee Soomaaliya ay ku daydaan. Somaliland waxay gaartay horumar dimoqoraadiyadeed oo ka duwan nidaamka ay ku shaqeeyaan maamullada kale ee Soomaaliya, waxayna awood u yeelatay inay sameyso doorashooyin toos ah oo shacabka si xor ah ugu codeeyaan cidda hoggaanka maamul u qabanaysa. Si kastaba ha ahaatee doorashada madaxtinimada ee Somaliland ayaa tusaale iftiimaya u ah maamullada kale ee Soomaaliya, iyada oo muujinaysa sida dimoqoraadiyadda loo horumarin karo iyo sida xasillooni waarta loo gaari karo, waxaana culayska ugu weyn ee ay Soomaaliland ka gudubtay, maamullada kale’se haystaahi uu la xariira nabad-gelyada aan si buuxda laysugu hallayn karin. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada waxaa si rasmi ah uga bilowday hirgelinta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ka taagan tahay xiisad xoogan. Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay dadaal xoogan oo ku aadan meel-marinta qorshaha Villa Soomaaliya, waxaana degmooyinka ka bilowday dhaq-dhaqaaq xoogan. Guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax oo kulan la qaatay bulshada ku dhaqan xaafadda Towfiiq ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii ay dalka uga dhici lahayd qof cod, wuxuuna sheegay inay u diyaar garoobaan, si ay kaalintooda u qaataan. “Maanta waxay mareee codkaaga ku ciil bax, waa inaan u diyaar garownaa doorasho qof iyo cod ah, reer Towfiiqna ay ku ka noqdaan” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaaqshiid. Waxaa kale oo uu raaciyay “Guddoomiyaha degmada waa inaad amri kartaa oo dhihi kartaa maxaa i qabatay anaa shalay codkeyga kuugu keenay maxaad degmadaan kusoo kordhisay?”. Fargax ayaa sidoo kale u jawaabay xubnaha mucaaradka ee diiday doorashooyinka qof iyo codka ah, wuxuuna tilmaamay in aan loo joojin doonin, horana loo sii socon doono. Annaga lix qof todobo qof miyaan xabsi ugu jireynaa waxaa la rabaa Soomaali in shacabka loo soo celiyo awoodda degmadaan Yaaqshiidna ay ka bilaabato illaa dalka oo dhana ay gaarto”. ayuu mar kale yiri guddoomiye Suleymaan Maxamuud Fargax. Horay sidaan oo kale waxaa arrimaha doorashooyinka uga hadlay guddoomiyaha degmada Kaaraan Faarax Cadaani oo sheegay in degmadiisa ay kow ka noqon doonto qof iyo cod. Soomaaliya ayaa waxaa ka taaganxiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod diidan Jubbaland, Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho. Si kastaba, waxaa arrinta ay hadda u gudubtay baarlamaanka Soomaaliya oo guda galay doodda la xiriira doorashooyinka iyo xeerarkooda, isaga oo kasoo saari doono go’aan rasmi ah. The post Daawo: Hirgelinta qorshaha Villa Somalia oo ka bilowday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. London (HOL) — Somali Lower House Speaker Sheikh Aden Mohamed Nur Madoobe met with British Parliament Speaker Sir Lindsay Hoyle on Wednesday in London to discuss enhancing ties between the two countries’ legislative bodies. Source: Hiiraan Online
  23. Turkiga ayaa markii u horreysay maanta ku dhawaaqay in la jaray dhammaan xidhiidhkii ay la lahaayeen Israa’iil, sida laga soo xigtay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. “Dawladda Jamhuuriyadda Turkiga, ee uu hoggaamiyo Erdogan, ma sii wadi doonto, mana horumarin doonto xiriirka ay la leedahay Israa’iil.” ayaa lagu yidhi hadalka laga soo xigtay Erdogan. Turkiga ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi la lahaa Israa’iil, wuxuu ka mid yahay dalal dhowr ah oo Islaam ah oo wali marin u ah Israa’iil, kuwaa oo dekedahooda ay Israa’iil u adeegsato goob ay marinka bambooyinka iyo hubka ay ku disho carruurta iyo haweenka Qasa iyo weerarrada ay ka geysanayso Lubnaan. Source