Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faysal Sheikh Ali Jifa-jabsade, accused the Federal Government of Somalia of fuelling inter-clan conflicts in Mudug. Gaalkacyo (PP News Desk) — The Puntland-appointed Governor of the Mudug Faysal Sheikh Ali Jifa-jabsade, yesterday accused the Somali government of fuelling inter-clan conflicts in the region whose administrative capital district is separately controlled by Puntland State and Galmudug State. The Governor claimed that both the Federal Government of Somalia and terrorist groups are implicated in sowing discord among clans in the region. He alleged that both entities “instigate clan-based conflicts and divisions along clan lines.” He further accused the Federal Government of Somalia of establishing clan borders in the Mudug region and inciting clans through fabricated territorial disputes, exacerbating the ongoing clan wars. “There are many entities working to create problems. They urge people to claim territory or [district] borders that do not exist,” said Faysal Sheikh Ali Jifa-jabsade. The 1993 Mudug Agreement serves as the foundation for inter-clan co-existence in Mudug. The Federal Government of Somalia has allegedly instructed its forces and allied Macawisley paramilitaries to claim areas under the jurisdiction of Puntland State. “This policy creates additional security pressure on Puntland and is exploited by Al-Shabaab, whose forces continue to operate in parts of Galmudug State” said a security official in North Gaalkacyo. © Puntland Post, 2024 The post Mudug Governor Accuses the Somali Federal Government of “Fuelling Clan Conflicts” in the region appeared first on Puntland Post.
  2. Sawirkani waa mid hore Markab Kalluumeysi oo Todobaadkii tegey lagu qafaashay xeebaha Puntland ayaa mudda saddex cisho ah ku af-duuban degaan xeebeedka Jiifle oo ka tirsan degmada Godob-jiraan ee gobolka Nugaal. Markabkani oo laga lee yahay waddanka China, balse ku gooshayay calanka jasiiradda Taiwan ayaa sida la xaqiijinayo Arbacadii laga qafaashay xeebaha degmada Xaafuun oo ka tirsan gobolka Bari, islamarkaana dhacda badweynta Hindiya. Wararka ayaa sheegaya in markabkani ay af-duubteen ilaaladii loo xilsaaray in ay amnigiisa sugaan, kadibna ay dhinaca degmada Eyl ee gobolka Nugaal kaga biireen rag hubaysan, si ay u xoojiyaan kooxdii qafaashay oo hadda ku haysta degaan xeebeedka Jiifle. Markabka oo ay wakiil ka yihiin ganacsade Maxamuud Shiddo iyo Senetar Daahir Ayaanle ayaa waxa uu shati kalluumeysi ka haystaan xukuumadda Puntland sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Isku dayo kala duwan oo lagu raadinayay in wada-hadal lagu qanciyo kooxaha markabkani haysta ayaan weli guulaysan, waxaase ilaa iyo hadda socda dadaallo ku aaddan in la sii wado waan-waanta bilaabatay. PUNTLAND POST The post Markab kalluumeysi oo mudda saddex cisho ah lagu haysto xeebaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. Wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Mudane Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka isla markaana ay wehlinayaan Safiirka iyo Safiir kuxigeenka JFS ee dalkaas ayaa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa taliyaha ugu sarreeya booliiska federaalka ee dalka Jarmalka. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira wadashaqaynta labada dal ee dhinacyadda socdaalka gaar ahaan iskaaashiga ku dhisan khibrad wadaagga iyo dhismaha aqoonta saraakiisha ka shaqaysa Socdaalka. Dowladda Jarmalka oo xiriir qoto dheer ah la leh dalkeenna ayaa horumar ka gaartay adeegsiga teknoolijiyadda casriga ah taas oo qayb wayn ka qaadatay horumarinta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, waxaana Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka faa’iidaysanaysaa khibradda iyo waayo aragnimada dalkaas u leeyahay dhanka horumarinta adeegga Socdaalka. Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) — At least six people were killed and ten others injured on Friday afternoon in renewed inter-clan fighting along the volatile border of Somalia’s Hiiraan and Middle Shabelle regions. Source: Hiiraan Online
  5. Kaddib weerar lama filaan ah oo ay xoogagga mucaaridka Suuriya Jimcihi shalay ku qaadeen magaalada ugu weyn Suuriya ee Xaleb marki ugu horreysay tan iyo sannadki 2016-ki, ayay wararku sheegayaan in ay fallaagadu qabsatay qeyo ka mid ah magaalada. Sida ay sheegeen kooxaha kor kala socda colaadda Suuriya iyo dagaalyahannada qaar, kumannaan ka mid ah maleeshiyaadka mucaaridka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa dagaal culus uu ku dhex maray Xalab, kaddib marki ay cagta soo mariyeen oo ay soo qabsadeen deegaannada u dhaw Xaleb, kuwaas oo ay gacanta ku heysay dowladda Bashar Al Asad. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Rueters, dowladda Suuriya ayaa xirtay garoonka diyaaradaha ee Xaleb iyo waddooyinka waaweyn ee magaalada gala. Kooxda weerarka qaadday ee Taxriir Al Shama ee aad uga soo horjeeda maamulka Bishar Al Asad, ayaa sheegtay in ay qabsadeen ilaa bartamaha Xalab. Waa marki ugu horreysay ku dhawaad muddo 10 sano ah oo uu dagaal ka dhacayo magaalada Xalab, tan iyo marki ay ciidamada Dowladda Suuriya oo garab ka helaya Ruushka iyo Iran ay kooxaha mucaaradka ka qabsadeen sannadki 2016-ki. Dagaalkan ayaa lagu tilmaamay mid uga sii darayo xaaladda gobolka Bariga Dhexe oo tan iyo sannadki hore ay dagaallo culys oo aad loogu hoobtay ay ka dhacayeen. Sida ay sheegayaan ilo wareedyada, mucaaridka ayaa taageero ka helaya dowladda Turkiga, halka dowladda Suuriya ay taageero buuxdo ka heysato dowladda Ruushka. Source
  6. Xilli laga rajo qabo in dib loo billaabo wadahadallada xabbad joojinta Gaza, ayay saraakiisha caafimaadka Marinka Gaze sheegeen in ciidamada Isra’il ay 24-ki saacadood ee lasoo dhaafay duqeymo cirka ah ku dileen ugu yaraan 40 qof. Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in meydada ilaa 19 qof laga helay xerada qaxootiga Nuseyraat ee waqooyiga Gaza. Goor danbe oo xalay aheyd ayay wararku sheegayaan in ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqeyn lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla deegaanka Beyt Laaxiya ee waqooyiga Gaza. Meelaha kale ee ay dadka lagu dilay ayaa lagu sheegay xaafado ka tirsan koofurta iyo waqooyiga Marinka Gaza. Ciidanka Isra’il oo wata taangiyo ayaa Khamiistii gudaha u galay Nuseyraat, waxana ay dib uga baxeen Jimcihi hslay, hashe yeeshee wali howgallo duqeymo iyo madaafiic ka wada dhanka koofureed. Dhanka Daanta Galbeed ee ay Isra’il heysato, madaxweynaha maamulsha Falastin, Maxmuud Cabaas ayaa ku baaqay xabbad joojin deg deg ah isla markaana ku eedeeyay Isra’il in gaajada ay u adeegsanyso sida risaasta oo kale kaddib marki lasoo sheegay in dad badan oo ku go’doonsan waqooyiga Gaza ay macluul ku billaabatay. Sabtida maanta ah ayaa la filayaa in wafdi ka socda Xamaas ay Qahira tagaan, si halkaasi looga billaabo wadahadallada lagu raadinayo xabad joojinta Xamas iyo Isra’il. Source
  7. Dacwad oogaha maxkamada ICC ayaa dalbanaya in la soo xidho taliyaha ciidamada militariga Myanmar sababo la xidhiidha xasuuqa Muslimiinta Rohingya Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa ku dhawaaqay in xafiiskiisu uu dalbanayo in la soo xidho taliyaha ciidamada Miyanmaar ee sababo la xidhiidha masaafurinta iyo xasuuqa Muslimiinta Rohingya. “Baadhitaan ballaaran, madax-bannaan iyo dhexdhexaadnimo ka dib, Xafiiskaygu wuxuu soo gabagabeeyey in ay jiraan sababo macquul ah oo lagu aamino in Sarreeye Guud ahna Ku-simaha Madaxweynaha Min Aung Hlaing, Taliyaha Guud ee Adeegyada Difaaca Myanmar, uu leeyahay mas’uuliyadda dembiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada. masaafurinta iyo dhibaataynta muslimiinta Rohingya ee Myanmar,” ayuu Karim Khan ku yidhi hadal uu soo saaray. Sida uu sheegay dacwad oogaha, dambiyadan ayaa dhacay intii u dhaxaysay Agoosto 25, 2017 iyo Dec. 31, 2017, waxaana geystay ciidamada qalabka sida ee Myanmar, oo ay taageerayaan booliska qaranka, booliska ilaalada xuduudaha iyo sidoo kale dad rayid ah. Isagoo xusay inay tahay codsigii ugu horreeyay ee amar qabasho oo ka dhan ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Myanmar oo xafiiska dacwad oogaha uu soo saaro. Khan waxa uu carabka ku adkeeyay in codsigu ku qeexay cadaymo badan oo kala duwan oo laga helay ilo badan sida markhaatiyo, caddaymo dokumenti ah iyo agab saynis, sawiro iyo muuqaalo la xaqiijiyay. “Waxaan si gaar ah u doonayaa inaan u muujiyo mahadnaq qoto dheer oo aan u hayo shacabka Rohingya. In ka badan hal milyan oo ka tirsan bulshadooda ayaa lagu qasbay inay ka cararaan rabshadaha Myanmar. Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dadka markhaatifurka iyo taageerada u fidiyay Xafiiskayga, kuwa nala wadaagay sheekadooda, kuwa na siiyay macluumaadka iyo agabka, “ayuu yidhi. Source
  8. Cilmibaarayaasha waxay sheegeen in ay heleen markii ugu horeysay 50 sano daawo cusub oo wax looga qabanayo cudurka neefta. Daawadan oo ah mid laysku duro waxa ay yareyneysaa qeyb ka mid ah difaaca jirka, waxayna ka dhigeysaa in uusan si weyn wax u difaacin marka ay soo baxaan astaamaha neefta iyo cudurada kale ee sambabka. Daawadan oo lagu magacaabo Benralizumab waxaa hore loogu isticmaali jiray kiisaska aadka u weyn balse cilmibaaristii u dambeysay ayaa muujineysa in si joogto ah ay u isticmaali karaan ku dhawaad 2 milyan oo ku nool UK kuwaas oo sanad kasta ay neef ku soo boodo. Kooxda cilmibaaristan sameysay oo ka tirsan Jaamacadda King’s College waxay sheegeen in daawada ay tahay mid isbeddel weyn keeneysa oo wax weyn ka qabaneysa daryeelka. Dhammaan cudurrada sambabada iyo neefta isku mid mahan. Qeybaha kala duwan ee difaaca jirka bani’aadanka isku si uma shaqeeyaan, bukaanadana ma aha kuwo isku mid ah. “Hadda waxaan aragnaa in ay jiraan qaabab kala duwan oo caabuq ah, waxaan noqon karnaa kuwo fahma oo u hela bukaanka dawada saxda iyo waqtiga saxda ah”, ayey tiri Prof. Mona Bafadhel oo ka tirsan jaamacadda King’s college. Daawada Benralizumab waxay toos u beegsataa nooc ka mid ah unugyada dhiigga oo loo yaqaan iyo-sinifoow (eosinophil) oo keena caabuqa iyo in sambabka dhaawac gaaro. Iyasinifoow waxay ku lug leedahay qiyaastii kala bar cudurrada neefta iyo saddex meelood cudurada sambabka. Hadii arrintaas ay keento neefta oo qofka dhibta, xiiqsanaan, qufac iyo laabta oo laga qabto bukaanka, markaas waxba loogama qaban karo daawada caadiga ee sanka laga qaato oo la jiido. Hadda dhakhaatiirta, waxay dadka u qoraan daawada steroids. Cilmibaarista waxaa ka qeyb qaatay 158 qof, waxaana bukaanadaas xaaladooda lala socday ilaa 3 bilood. Natiijada soo baxday waxaa lagu daabacay wargeyska Lancet. Waxay ahayd dad gaaraya 74% oo qaata dawada steroids iyo 45% oo la siiyay daawada cusub. Kuwa qaatay daawada cusub in yar ayaa isbitaal u baahatay iyo daawo kale ama geeriyooday. Prof Bafadhel waxay sheegtay in tani ka faa’ideysan karaan tiro badan oo gaareysa ilaa labo milyan oo cudurka neefta uu ku soo boodo sanadkii, waxay tiri “ma aha tiro yar taas”. “Isbeddelkan weyn ee daaweynta waa mid aan na soo marin 50 sano, waxay wax ka baddeleysaa sida aan dadka u daaweyno marka ay xanuunsanayaan”, ayey tiri Prof Bafadhel. Dadka sida mutadawacnimada leh uga qeybqaatay cilmibaarista, caafimaadkoodu wuu fiicnaaday, waxayna heleen nolol wanagsan. Xigashada Sawirka,Alison Spooner Qoraalka sawirka,Alison Spooner Alison Spooner oo 55 jir ah kuna nool Oxfordshire UK, waxay qeyb ka aheyd daaweynta tijaabada. Cudurka neefta ayey qabtay ilaa iyo markii ay dhalatay balse way ka sii dartay shanti sano ee la soo dhaafay. Saddex jeer ayey si xun neefta u qabatay. Waxay u muuqatay in ay ka sii dareyso, in aad neefsan weyso waa wax cabsi ah marka aad neef u baahato oo aadan neefsan karin”, ayey tiri Alison. Alison waxay sidoo kale sheegtay in ay isbeddel weyn dareentay markii ay isku durtay dawadan. Weli way isticmaashaa daawada ay neef ahaan u jiiddo, sababtana waxay ku sheegtay in loo sheegay oo kaliya. “Nasiibdarro, ma jirto daawo kaa wada joojin karta xanuunka neefta, balse tani waa tii ugu dhaweyd,” ayey tiri Alison. ‘Rajo Fiican’ Daawada Benralizumab ma ahan mid meel kasta hadda laga heli karo. Tijaabo weyn ayaa loo baahan yahay. Qof kasta oo hore loo siiyay waa in uu si wataa. Cilmibaarista waxay sidoo kale qiimeyneysaa lacagta ku baxeysaa maadaama daawooyinka ceynkaan ah ay qaali yihiin. Dr Sanjay Ramakrishnan oo ka tirsan jaamacadda Oxford waxa uu sheegay shaqada la qabtay ilaa hadda in ay muujineyso rajo fiican. Xigashada Sawirka,Geoffrey Pointing Qoraalka sawirka,Geoffrey Pointing In muddo dheer la isticmaalo waxay leedahay dhibaatooyin ay ka mid yihiin cayil, macaan iyo lafaha oo qofka jilca. Geoffrey Pointing oo 77 jir ah, kana soo jeeda Oxfordshire UK, oo sidoo kale ka qeybgalay tijaabadan ayaa sheegay in aysan ku yeelan saameyn xun qaadashada kaniinyada steroids-ka. “Si fiican uma hurdikarin markii ugu horeysay aan qaatay steroids-ka balse markii ugu horeysay cilmibaaristan, isla habeenkaas waa hurday, nolosheyda waxaan u qabsaday wixii markaas ka dambeeyay si dhib la’aan ah”. Waxaa lagu qiyaasaa in maalin kasta UK ay cudurka neefta u dhintaan 4 qof iyo 85 qof oo qaba cudurada sambabka. Dr Samantha Walker oo ka tirsan hay’adda Asthma + Lung UK waxay sheegtay in natiijada ay tahay war aad u fiican. Bbcsomali Qaran News
  9. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali Jifa-jabsade ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay qeyb ka tahay hurinta colaad beeleedyada ka socda gobolka Mudug. Guddoomiye Faysal Shiikh Cali ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ay ka siman yihiin isku dirka beelaha gobolka Mudug iyo in ay kiciyaan colaad qabiil ku dhisan sida uu hadalka u dhigay. Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka samaysay xuduudo qabiil islamarkaana beelaha ku kicinayso xuduud beeleed aan jirin si ay qeyb uga noqoto dagaallada qabiilka ee ka socda Mudug. “Ama dowladda Federaalka ha ahaato ama kooxaha argagixisada ah ha ahaato ee kuwa badan oo mushkilad ka shaqaynaya ayaa jira. Xuduudo iyo dhulbaan lee nahay iyo fulaan baa dadka lagu kicinayaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali Jifa-jabsade. Puntland ayaa marar kala duwan dowladda madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku eedaysay in ay xambaarsan tahay aragti qabiil iyo xuduudo la kala sheegto taasi oo soo celcelisa dagaal beeleedyada gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay hurinta colaadaha qabiilka ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  10. Sanadkii 1991 waxaa burburtay dowladdii dhexe ee dalka, waxaana billowday dagaallo sokeeye oo dhiig badani ku daatay, kuwaas galaaftay nolosha kumaan qof oo Soomaali ah, iyo qaxa malaayiin kale. Colaado aan horay loo arag ayaa dalka gees walba ka qarxay, gobol kastaahina wuxuu noqday furin iskeed u madax-bannaan oo si maalinle ah laysku dilo, ayadoo waxa laysku haysto aan cidina si quman u qeexi karin. Dhalashada qofka iyo reerka uu ka soo jeedo ayaa noqday faldembiyeed uu dil toogasho ah ugu xukumanyahay, taas oo keentay in dad badan oo aan wax galabsan si aan kala sooc lahayn loo beegsado. Dhaca bareerka ah iyo isbaarooyinka ayaa kamid noqday xirfadaha mucaashka laga raadiyo, luuqadda keli ee lagu wada hadlaahina waxay noqatay qori caaraddiis iyo col abaabulan oo aan cidna u aaba-yeelin. 30 sano wixii la dhisayay ayaa maalmo kooban lagu burburiyay, dalkii mar ahaan jiray ilayska hormarka Afrikana wuxuu isku badelay kawaan dadka lagu gowraco iyo goob bahlo galeen oo cidda joogtaahina ay nolol iyo geeri u dhexayso. Goballadu saamaynta iyo waxyeellada colaadaha sokeeye uma sinayn oo kuwa koonfurta iyo bartamaha ayaa ugu darnaa, ayadoo meelaha qaar tuulo tuulo u gudubta la waayay, ka dib markii qoys qoys loo colloobay. Dagaalladaas lagu hoobtay oo illaa hadda xurguftoodii meelaha qaar ka jirto, ayaa keenay kala irdhow bulsho oo illaa haatan xal waara loo la’yahay, gocashadiisuna ay dadweynaha saamayn xoog ku leedahay. Si kastaba ha ahaatee 1991-dii ayaa Soomaalida ugu suntan maalin madow oo qaranimo qaxootinnimo badashay, masiibadii curatayna ay dad badan xabaalaha u dirtay, haybaddii dalka iyo hab-dhiskii dowladnimona meesha ka saartay. Soo hadal-qaadidda xilliga noocaas ah ayaa dad badan urugo iyo uurku taallo ku dareensiinaysa, balse siyaasiyiinta qaar ayay u tahay halku dheg ay kula dagaallamaan cid ay is hayaan, xilliyada xiisadaha siyaasadeed aloosanyihiin ayaana ku laabashada 1991-dii halbeegga doodda laga dhigtaa. Waaya-aragnimada iyo garaadka bulshada Soomaaliyeed ayaan’se oggolaan doonin inay dib u raacaan dhabbahaas halaq mareenka ah, maadaama ay dhibkiisa xog-ogaal u yihiin. Source: goobjoog.com
  11. Mogadishu (HOL) — Al-Shabaab militants have intensified their attacks against civilians in Mogadishu, targeting businesses and individuals complying with the Somali government's directive to install CCTV cameras. The mandate, part of a broader urban security initiative, has provoked a violent backlash from the extremist group, underscoring the fragile balance between security measures and civilian safety in Somalia's capital. Source: Hiiraan Online
  12. Arusha, Tanzania (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud participated in the 24th Ordinary Summit of East African Community (EAC) Heads of State in Arusha on Friday, marking the regional bloc's 25th anniversary. Source: Hiiraan Online
  13. (ERGO) – The closure of a free school providing education to more than 300 children from displaced families outside Galkayo has dealt a blow to families living in camps. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — The World Food Program (WFP) has taken the extraordinary step of suspending all humanitarian operations in Somalia's SSC-Khaatumo region, citing escalating insecurity and looting of food aid intended for the region's most vulnerable populations. Source: Hiiraan Online
  15. Kenya's inflation (KECPI=ECI), opens new tab edged up to 2.8% year-on-year in November, from 2.7% a month earlier, the statistics office said on Friday. Source: Hiiraan Online
  16. A clinic initiative in Kenya aims to provide healthcare to vulnerable mobile populations, such as truck drivers and commercial sex workers. The goal is to combat the spread of disease across borders in Africa. Juma Majanga reports from transit town of Mlolongo in Kenya. Source: Hiiraan Online
  17. The Israeli military said its air force struck a facility used by Hezbollah to store mid-range rockets in southern Lebanon on Thursday, after both sides accused each other of breaching a ceasefire that aims to halt over a year of fighting. Source: Hiiraan Online
  18. Boqolaal tirsan ciidanka kumaandooska ee Soomaaliya ayaa Jimcihii ka qalinjabiyay tababar muddo uga socday dugsi tababar oo ku yaalla dalka Turkiga. Askarta kumaandooska ah ee Gorgor oo tababarka ku bartay sida loola tacaalo caqabadaha amniga ee ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan halista kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida. “Maanta waxaan magaaladda Isparta ee Turkiga ku qabanay xaflad muhiim ah oo ah xiritaanka tababar loogu talagalay xoojinta heshiiska ku saabsan dhismaha iyo xoojinta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya,” ayay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ku tiri barta X, kadib munaasabadda qalin-jabinta. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Cevdet Yilmaz toddobaadkan, ayaa uga mahadceliyay Ankara taageerada qaaliga ah ee ay u fidisay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika. Wuxuu sheegay in Muqdisho ay sii wadi doonto dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka adag ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, islamarkaana la ballaarin doono walaaltinimada labada dal. Turkiga, oo muddo dheer xulafo dhow la ahaa Soomaaliya, wuxuu sidoo kale maalgashaday waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo caafimaadka Soomaaliya. Turkiga wuxuu ku leeyahay xarunta ugu weyn ee militari ee dibadda ku taalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si uu u tababaro Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  19. Mogadishu (HOL) — Somali government forces, supported by elite military units, have captured territory in the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  20. Hargeisa (HOL) — Somaliland police have arrested a 24-year-old man accused of stabbing a 37-year-old to death in a brutal midday attack in the Mohamud Haybe neighbourhood of Hargeisa on Thursday. Source: Hiiraan Online
  21. MOGADISHU, Somalia - Hundreds of members of an elite Somali commando unit on Friday graduated from a training program in Türkiye under a bilateral pact on strengthening the Somali Armed Forces. Source: Hiiraan Online
  22. Wasaaradda Difaaca ee Masar ayaa shaaca ka qaadday qorshe ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya, si ay uga qaybqaataan hawlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo nabadgalyada iyo xasilloonida Soomaaliya. Wasiirka Difaaca, General Abdel Mageed Saqr, ayaa kormeeray askar si gaar ah u tababaran, kuwaas oo loo diyaariyay hawlgalka. Wasiirka ayaa sheegay in Ciidankaan maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin Soomaaliya oo ay taageero siin doonaan dowladda Soomaaliya. Ciidamada la diyaariyay ee kusoo wajahan Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin cutubyada khaaska ah ee “Thunderbolt Forces” iyo “Airborne Forces,” kuwaas oo caan ku ah hawlgallada adag ee degdegga ah. Talaabadan Masar ee ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya ayaa u muuqata mid lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyada oo Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS. Ciidamada Masar oo caan ku ah awoodooda hawlgalka ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan sugidda nabadda iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Masar ayaa muddo dheer daneynaysay xasilloonida gobolka, iyadoo hadda tallaabadan ay muujinayso sida ay uga go’an tahay inay door muuqda ka qaadato hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika. Source: goobjoog.com
  23. Ku dhawaad ​​100 falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay duqeymaha arxan-darrada ah ee Israa’iil ay ka waddo marinka Qasa, sida laga soo xigtay xaafiiska warbaahinta gudaha. Dadkan ayaa intooda badan ku dhintay weerar oo Israa’iil ay ku qaaday laba guri oo ku yaalla deegaanka beytu laaxiya, halkaas oo la sheegay in lagu diley in 75 qof oo goobtaasi gabaad u ahayd. Duqeymaha aan kala joogsi lahayn iyo duullaanka tooska ah ee Israa’iil ayaa weli ka socda marinka Qasa, xilli aanay maamulka tel aviv wax natiijo ah ka gaarin gumaadka ay sanadkii labaad ku hayaan dadka falastiiniyiinta ah. Source: goobjoog.com
  24. Ciidamada hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka (NISA) iyo ciidanka Gorgor ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay deegaanka Shanlow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, ciidamada ayaa hawlgalkan ku guuleystay iyaga oo aan wax khasaare ah soo gaarin. Deegaankaan oo muhiim ah ayaa hadda si buuxda gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya. Wuxuu ka mid yahay deegaanada ku teedsan Wabiga Jiingiisa una dhow deegaanka Xawaadlay. Ciidanka Amniga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladaan noocaan oo kale ilaa inta laga saarayo Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay labadii sano ee lasoo dhaafay ay qaado howlgal ka dhan ah Shabaab oo looga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Source: goobjoog.com
  25. Marxuum Galaydh wuxuu isagoo ahaa hoggaamyihii Khaatumo heshiis la galay maamulka Somaliland 2017kii. Buuhoodle (Faallo) — Dhowr bilood ka hor wuxuu hoggaamiyaha Sool, Sanaag iyo Cayn ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) sheegay inuu u tartami doono doorashada hoggaaminta maamulka ku meelgaarka oo dhici doonta 2025ka. Haddii uusan sixin gefefkiisa siyaasadeed way adkaan doontaa inuu dhammaysto muddo xileedkiisa, iskaba dhaaf inuu muddo xileed kale u tartamo. Culaab siyaasadeed Wuxuu hoggaamiyaa maamul magac ahaan ka soo jeeda ururkii SSC uu hoggaaminayay Saleebaan Xaglatosiye, oo ku biiray maamulka Somaliland, iyo maamulkii hanaqaadi waayay ee Khaatumo oo ay soo hoggaamiyeen Axmed Karaash, oo ku biiray maamulka Puntland, Maxamed Yuusuf (Indhasheel), oo xilka ku wareejiyay marxuum Cali Khaliif Galaydh, oo isagana 2017kii ku biiray maamulka Somaliland. Magac ahaan SSCK waa culaab siyaasadeed (political baggage). Waa in Firdhiye ka fekero aayihiisa siyaasadeed iyo aayaha dadka samaystay maamulka ku meelgaarka uu hoggaamiyo. Magac ahaan SSCK waa caqabad weyn oo hortaagan in maamulku helo sharciyad waayo waa culaab siyaasadeed ee dhowr isku day oo hore u fashilmay. Waa magac lagu qancinayay taageerayaashii dhowrkaas isku day siyaasadeed. Muuse Biixi, madaxwenyaha maamulka Somaliland, ayaa 2023kii ku dooday inuu maamulkiisu heshiis la galay SSC iyo Khaatumo, oo kuwa kaga soo horjeeda Laascaanood ay yihiin “Al-shabaab”. Dooddiisu ma soconin, hase ahaatee ma aha mid meesha ka saaraysa in loo baahan yahay in magacan isku raranka ah meesha laga saaro. Axmed Karaash wuxuu ku biiray Maamulka Puntland kaddib markuu noqday hoggaamiyihii Khaatumo. Gaabinta hoggaaminta Firdhiye waxay ka dhex muuqataa sida uu wax uga qaban waayay Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Najiib Barkhadle oo dhowr jeer ku tilmaamay dadka SSCK ka soo jeeda ku jira maamulka Puntland “sida Hindi soo shaqatagtay”. Hadalkan meel ka dhaca ah wuxuu soo baxay dhowr maalmood kaddib markii Firdhiye magacaabay guddi ka shaqeyn doona iskaashiga SSCK iyo Puntland. Booqashada Firdhiye ku taagay Buuhoodle waxay muujisay sida uu ugu sifoobay inuu yahay hoggaamiye dhinac keliya oo Buuhoodle “jeebka ugu jira”, sida nin reer Buuhoodle ah ii sheegay. Ka sokow Wasiirka Warfaafinta, waxaa la taliye u ah Firdhiye rag uu ka mid yahay Cabdikariim Xasan Jaamac. Firdhiye ilaa hadda kama hadlin sababta uu uga qeybgali waayay martiqaadka ay u fidiyeen isaga madaxdhaqameedka Reer Hagar. Ka maqnaanshihiisa martiqaadka waxay bixisay farriin ah inuu ka horjeedo in Reer Hagar yeeshaan Garaad u gaar ah. Firdhiye oo ku sugan Buuhoodle ayaa gargaarka (oo cunto iyo lacag iskugu jira) uu Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) soo dhiibay la bililaqaystay. Maamulka SSCK arrintaas kama hadlin. Warqad ku saabsan hakinta gargaarka uu Barnaamijka Cuntada Adduunku u fidiyo degmooyinka SSCK qaarkood. Maxamed Yuusuf (Indhasheel) wuxuu xilka ku wareejiyay marxuum Galaydh. Xiisadda Ceerigaabo Firdhiye si fiican ugama hadlin xaaladda kacsan ee Ceerigaabo. Wuu og yahay in Ceerigaabo lagu deggan yahay heshiis dhacay 1995kii oo dhowr Garaad ka qeybgaleen. Waxay ahayd inuu wadatashi u sameeyo beesha Naleeye Axmed si ay iskugu raacaan aragti ku saabsan sida ay u degganaanayaan Ceerigaabo maadaama maamulka SSCK uu aamminsan yahay in maamulka Somaliland maamulo Ceerigaabo. Ninkii dilay Cali Baashi weli laguma soo wareejinin gacanta maamulka SSCK. Arrintaas maamulka Firdhiye waxba kama qabanin. Wuu isku eegtay dadka eedda kala tirsanaya. SSCK iyo Dowladda Federaalka Waxa kale oo jirta in Wasiirka Maaliyadda SSCK Cabdiqani Hiirad uu bil ka hor ka sheegay Muqdisho in dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag ku taageerto maamulka SSCK. Ma jirto wax caddayn ah oo arrintaas ku saabsan oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda SSCK ama Baarlamaanka Khaatumo. Ma ballanqaad ayuu wasiirku ku tilmaamay taageero? Baarlamaanka Khaatumo wuxuu ku baaqay in Puntland iyo Jubaland lagala tashado wax ka beddelka dastuurka federaalka. Saleebaan Xaglatoosiye wuxuu ahaa hoggaamiyihii SSC ka hor intuusan ku biirin maamulka Somaliland. Toddobaadkan Madaxweyne ku xigeenka SSCK Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil wuxuu, isagoo magaca maamulka ku meelgaarka ah ee SSCK ku hadlaya, taageeray, doorashada uu ku guulaystay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Ma jiro xiriir dhisme-kalkaal ah oo dhexmari kara SSCK iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Puntland iyo Jubaland oo ka maqan Golaha Wadatashiga Qaran, dalkana ay dul heehaabayaan colaad siyaasadeed iyo ku xadgudub dastuurka federaalka ah. Sababha kor ku xusan awgood waxaa habboon in Firdhiye ka fekero aayihiisa siyaasadeed iyo aayaha dadka samaystay maamulka ku meelgaarka uu hoggaamiyo. Looma baahnayn inuu noqdo hoggaamiye dad gaar ah ay u tilmaamaan dadka uu la kulmayo, iyo hoggaamiye aan dhowri karin iskaashiga SSCK iyo Puntland oo ah maamulka keliya aqoonsan SSCK. W.Q: Siciid M. Sheekh Cali The post Sababta Hoggaaminta Firdhiye U Gaabinayso appeared first on Puntland Post.