-
Content Count
212,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka maanta ee labada Aqal ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xeerarka doorashooyinka oo uu ku howlan yahay Baarlamaanka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maanta xildhibaannada ay ka doodi doonaan akhrinta 3-aad iyo u codeynta xeerka dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka. Xubnaha Baarlamaanka ayaa goor sii horreysay loo diray farriin wargelin ah, si ay usoo xaadiraan kulanka maanta oo la filayo inuu guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Sidoo kale waxaa isla fadhiga maanta akhrinta 2aad lagu marin doonnaa xeerka ururada/xisbiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada dadweynaha ka qaybgalaya, si loo helo xeer qeexaya oo Baarlamaanku u codeeyay. Kulamada Baarlamaanka oo uu horay u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardar ku socdo, waxaana qorshaha ugu wayn uu yahay hirgelinta doorashada ee qof codka ah ee ay go’aamiyeen xubnaha golaha wadatashiga qaranka. Qorshahan ayaa dhaliyay xiisad xoogan, kadib markii ay ka biyo diideen maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda dhexe. Si kastaba, waxaa laga war sugayaa tallaabada uu qaado Baaralamaanka Soomaaliyeed oo leh go’aanka ugu dambeeya ee lagu jiheynayo doorashooyinka soo socda ee dalka. The post Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee labada GOLE? appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Elon Musk, bilyaneerka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa la kulmay safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay si uu u qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Tehran iyo Washington, waxaa sidaas Khamiistii weriyey wargeyska The New York Times. Wargeyska ayaa ka soo xigtay ilo-wareedyo aan la magacaabin oo Iiraaniyiin ah in ay ku qeexeen kulanka dhexmaray ninka ugu taajisan adduunka iyo danjire Amir Saciid Iravani “mid wanaagsan.” Labada nin waxay in ka badan hal saac ku kulmeen goob qarsoodi ah Isniintii, ayuu yiri wargeyska. Kooxda kala-guurka ee Trump iyo ergada Iran ee Qaramada Midoobay midna si degdeg ah uma xaqiijin kulanka, iyadoo howlgalka Iran ee QM uu sheegay in aysan wax faallo ah ka bixineyn. Kulanka, haddii la xaqiijiyo, wuxuu bixin karaa tilmaam horudhac oo ah in Trump ay dhab ka tahay diblomaasiyadda Iran, oo uusan dooraneyn habka dagaalka ahaa ee ay doorbidayaan xubno badan oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga iyo Israa’iil. Waxay sidoo kale muujin doontaa mar kale saameynta aan caadiga ahayn ee Musk, milkiilaha Tesla iyo X, oo si joogta ah ugu dhow dhinaca Trump, ayada oo lagu soo waramayo inuu xitaa kala qeyb-galayey wada sheekeysiyada taleefoon ee hoggaamiyeyaasha adduunka. Trump ayaa muddo xileedkiisii koowaad ee xafiiska waxa uu jeex-jeexay heshiis ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran oo uu ka shaqeeyey madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Barack Obama, taa beddelkeeda waxa uu doortay siyaasad “cadaadiska ugu sarreeya”ah oo ay ka mid tahay in uu ka shaqeeyo in uu ku qasbo waddamada kale in aysan iibsan saliidda Iran. Balse Trump waxa uu isu muujiyey inuu yahay heshiis sameeye weyn, waxaana ololihiisii ugu dambeeyey uu ka dhawaajiyey inuu u furfuran yahay diblamaasiyadda, inkasta oo ay jirto taageeradiisa xooggan ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaas oo horey u amray weerar ka dhan ah Iran. Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, oo loo arko inuu yahay qunyar socod ka tirsan dowlad wadaaddo ah, ayaa Khamiistii u sheegay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ee booqanaya Iran, in Tehran ay doonayso inay meesha ka saarto shakiga ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka ee “nabadda ah”. Safiirka Iran ayaa sidoo kale ku booriyay Musk intii uu socday kulankooda inuu raadiyo in uu ganacsi ka sameeyo Tehran, ayada oo laga reebayo cunaqabateynta Mareykanka, ayuu yiri wargeyska The Times, isagoo soo xiganaya sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran. Trump ayaa Musk iyo musharaxii hore ee madaxweynaha Mareykanka ee Jamhuuriga Vivek Ramaswamy u magacaabay in ay hoggaamiyaan wax cusub oo lagu soo daray dowladda oo lagu magacaabo “Department of Government Efficiency” ama “Waaxda Wax-ku-oolnimada Dowladda,” oo la doonayo inay wax ka qabato shaqo xumada hay’adaha dowladda. Hindisaha cusub ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan dano is-diidan oo arrintan ka dhallan kara, sababo la xiriira is-dhexgalka ballaaran ee ganacsiyada Musk iyo dawladda. Cinwaanka Waaxdan cusub ayaa laga abuuray X, oo hore u ahaan jirtay Twitter, halkaasi oo dadka laga codsaday in ay kusoo shaqo codsadaan ayaga oo soo diraya farriin toos ah. “Waxaan u baahanahay shaqaale caqligoodu sarreeyo oo kacaani ah oo asbuucii shaqeeya 80+ saacadood,” ayaa lagu yiri qoraalka, oo intaas ku daray Elon iyo Vivek ay eegi doonaan codsadayaasha ee ugu sarreeya ee ah 1%. The post ELON MUSK oo qaaday tallaabo cajiib ah oo la xiriirta xiisadda Mareykanka iyo Iran appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa Jimcihii bogaadiyay iskaashiga u dhexeeya dowladaha Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, si looga hortago wax uu Biden ku tilmaamay khatarta iyo iskaashiga ku dhisan xasillooni-darrida ee ka dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka. Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadalkan ka sheegay kulan doceed uu Jimcihi shalay dalka Peru kula yeeshay Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol iyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Shigeru Ishiba. Mas’uuliyiintan ayaa Peru u jooga ka qeybgalka shir-madaxeedka iskaashiga dhaqaalaha ee Aasiya iyo Baasifiga. Waxana wadahadalladi shalay ay imanayaan xilli uu jiro walaac xoog leh oo laga qabo iskaashiga millatari ee sii kordhaya ee u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi. Kulanka Biden uu la yeeshay madaxda Japan iyo Kuuriyada Koofureed ayaa noqon doona kiisii ugu danbeeyay, ka hor inta uusan xafiiska Aqalka Cad u banneyn, madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump. The post Biden oo qaaday tallaabadiisii ugu dambeysay oo la xiriirta Japan iyo Kuuriyada Koofureed appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ku geeryooday magaalada Hargeysa. Geerida Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo beegantay xilli dhegta loo taagayo cidda ku guuleydan foonta kursiga madaxweynenimo ee Somaliland kaddib doorashadii arbacadii dhacday. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu taariikhda weyn siyaasiyiinta Soomaalida. Xilkii ugu danbeeyay ee uu qabtay ayaa ahaa jagada madaxweynenimo ee Somaliland (2010-2017). Marxuum Siilaanyo ayaa aas qaran Hargeysa loogu samayn doonaa maalinta isniinta, sida uu shaaciyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. PUNTLAND POST The post Siilaanyo oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Alle ha u naxariistee waxa caawa fiidkii magaaladda Hargeysa ku geeriyooday madaxweynahii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Siilaanyo waxa uu ahaa halgamaa ninkii keenay soona dhiciyay Somaliland oo uu u soo maray halgan dheer oo dhib badnaa, waxana lagu xasuusan doonaa xorayntii iyo dib u dhiskii Somaliland. Siilaanyo waxa uu ahaa siyaasi rug cadaa ah aqoonyahan waxbarashadiisii ku qaatay dalka UK- gaar ahaan Salford University ee ku taala waqooyiga Ingiriiska. Marxuum Axmed Siilaanyo taariikhdiisa halkani laguma soo koobi karo, waxaynu ku soo qaadan doonaa baraamijadeena danbe. Ilahay waxa aanu marxuumka uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo dhamaanteena uu samir iyo iimaan inaga siiyo. Waxa aanu halkan tacsi gaar ah uga diraynaa xaaskii, caruurtii iyo dhamaan eheladii iyo shicibka Somaliland ee uu ka baxay muj. Ahmed Siilaanyo . Ahmed Mohamed Mohamoud “Silanyo” (Somali: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Arabic: احمد محمد محمود سيلانيو; born 1938) is a Somaliland politician who was President of Somaliland from 2010 to 2017. He is a long-time member of the government, having served as Minister of Commerce of the Somali Republic, and among other Cabinet positions. During the 1980s, he also served as the Chairman of the Somali National Movement.[3] Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Marxuumku kasoo qaatay u adeeggidda iyo horumarinta dalkiisa, gaar ahaan meertadiisii hoggaaminta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku suntanaa kaalintiisii lama ilaawaan ee furitaanka albaabka wada hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. “Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa. Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada Somaliland iyo DFS”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowso, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Marxuumku kasoo qaatay u adeegidda iyo horumarinta dalkiisa, gaar ahaan meertadiisii hoggaaminta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Silaanyo ayaa sidoo kale ku suntanaa kaalintiisii lama ilaawaan ee furitaanka albaabka wada hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. “Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlayey ayaa yiri, “Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada Somaliland iyo DFS”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowso, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Madaxweyne hore Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday Hargeysa ayaa maamulka Somaliland wuxuu sheegay in maalinta Isniinta ah la aasi doono meydkiisa. The post Madaxweyne Xasan oo war deg deg ah ka soo saaray geerida Madaxweyne hore Siilaanyo appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cali Xasan Maxamed. “Wasiirku wuxuu Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), qoyska iyo shacbiga Somalilandna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo,” ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyey Telefishinka Somaliland. Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxuu ahaa madaxweynaha Somaliland sanadihii 2010-kii ilaa 2017-kii. Wuxuu ahaa madaxweynihii labaad ee lagu soo doortay codeyn dadweyne oo qof iyo cod ah, isla markaana lagu soo doortay si dimuqraadi ah. Geerida Siilaanyo ayaa ku soo aadeysa iyadoo Somaliland ay ka socoto doorashada madaxtinimada maamulkaas oo si weyn isha loogu hayo. Siilaanyo wuxuu kamid ahaa madaxdii sida dimuquraadiga ah ku soo hoggaamisay Somaliland, wuxuuna 7 sano ka hor xilka ku wareejiyey Muuse Biixi. The post DEG DEG: Madaxweynihii hore ee Somaliland Siilaanyo oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Allah haw naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ku geeriyooday Hargeysa sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu ku xanuunsanaa Hargeysa oo uu deganaa sanadyadii lasoo dhaafay. Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo wuxuu ku dhashay Degmada Burco sannadkii 1936kii. Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose ,Dhexe, ilaa dugsiga sare wuxuu ku dhammaystay Dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud mudadii u dhaxeysay 1946kii ilaa iyo 1960kii. 1960kii ilaa iyo 1965kii wuxuu Axmed Siilaanyo ku jiray jaamacadda Magaalada Manchester ee dalka Britain, halkaasoo uu ku qaatay shahaadooyinka Bachelar degree iyo Master ee cilmiga dhaqaalaha. Intii u dhaxaysay 1965kii ilaa Oktoober 1969kii, wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa sarkaal sare oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddii qorsheynta ee dawladdii Soomaaliya ee rayidka ahayd, isagoo gaadhay darejada Agaasime Guud. Markii militerigu taladii dalkii Soomaaliya afgambi kula wareegeen 21kii Oktoober 1969kii, waxaa Axmed Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta. Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha qaranka ilaa 1982kii oo uu ka goostay dawladdii kacaanka. 1982kii, oo uu Axmed Siilaanyo tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii dhaqdhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM , isagoo noqday wakiilka xafiiskii SNM ee London. Muddadii u dhexeysay 1984 ilaa iyo 1990, wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM. 18 May 1991kii shirweynihii Magaalada Burco ee beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen goonni isutaaga Somaliland wuxuu Axmed Siilaanyo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega. Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993kii ilaa 1997kii. 1997kii ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo wasiirka wasaaradda Qorsheynta, isagoo markii danbe iskii isu casilay. Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE oo uu guddoomiyena ka noqday. Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 Cod, taasoo ay aqbaleen. Waxa kursiga madaxtinimada loo doortay 26 June 2010 xilkiisina wuxuu dhamaaday 13 Diseembar 2017. Waxaa bedelay Muuse Biixi Cabdi. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa balanqaaday in 10,000 (Toban kun) oo qoys oo barakacayaal ah ay siineyso dhul ay degaan, una dhiseyso, waana talaabo aan horay loo arag oo badbaado u ah qoysas banaanyaal ku ah daafaha Muqdisho. Maamulka Hay’adda Hormuud Salaam Fondution ayaa go’aankaan uga dhawaaqay shir ka dhacay magaalada Gineva ee dalka Swizerland. Wafdiga dowladda Soomaaliya oo wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenabeene uu hoggaaminayo ayuu qeyb ka ahaa guddoomiyaha hey’adda Cabdullahi Nuur Cismaan oo shirkaas uga dhawaaqay yaboohaan. Dhulka loo dhisayo dadkaan barakacayaasha ah ayaa ku yaalla deegaanka Jazeera ee koonfurta magaalada Muqdisho, waana tallaabadii ugu horeysay oo lagu caawinayo barakacayaasha Soomaaliya. Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya ayaa soo qaban qaabiyey shirkaan, waxaana ka soo qeyb galay dowladaha iyo hey’adaha caawiya Soomaaliya. Shirkaas ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa nolosha hal milyan oo barakacayaal ah oo ku nool Soomaaliya, waa barnaamij qeyb ka ah qorshaha istiraatijiyadda qaranka ee xalka waraaha oo dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha deeq bixiyaasha ah ay ku howlanaayeen. Hay’adaha gargaarka bixiya ayaa horay u sheegay inay hayaan dhaqaale guryo loogu dhisayo barakacayaasha Soomaaliya, balse ay u baahan yihiin in laga caawiyo dhulkii laga dhisi lahaa guryahaas. Shirkaas waxaa lagu go’aamiyo in la bilaabo qorshaha dib u dejinta loogu sameynayo barakacayaasha Soomaaliya, iyadoo la abuuray iskaashi ay ku mideysan yihiin dowladda Soomaaliya, Hormuud Salaam Fondution, Qaramada Midoobey iyo deeq bixiyaasha caalamiga ah. The post Shirkad ku dhawaaqday in 10,000 oo qoys ay guryo uga dhiseyso Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa balanqaaday in 10,000 (Toban kun) oo qoys oo barakacayaal ah ay siineyso dhul ay degaan, una dhiseyso, waana talaabo aan horay loo arag oo badbaado u ah qoysas banaanyaal ku ah daafaha Muqdisho. Maamulka Hay’adda Hormuud Salaam Fondution ayaa go’aankaan uga dhawaaqay shir ka dhacay magaalada Gineva ee dalka Swizerland. Wafdiga dowladda Soomaaliya oo wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenabeene uu hoggaaminayo ayuu qeyb ka ahaa guddoomiyaha hey’adda Cabdullahi Nuur Cismaan oo shirkaas uga dhawaaqay yaboohaan. Dhulka loo dhisayo dadkaan barakacayaasha ah ayaa ku yaalla deegaanka Jazeera ee koonfurta magaalada Muqdisho, waana tallaabadii ugu horeysay oo lagu caawinayo barakacayaasha Soomaaliya. Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya ayaa soo qaban qaabiyey shirkaan, waxaana ka soo qeyb galay dowladaha iyo hey’adaha caawiya Soomaaliya. Shirkaas ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa nolosha hal milyan oo barakacayaal ah oo ku nool Soomaaliya, waa barnaamij qeyb ka ah qorshaha istiraatijiyadda qaranka ee xalka waraaha oo dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha deeq bixiyaasha ah ay ku howlanaayeen. Hay’adaha gargaarka bixiya ayaa horay u sheegay inay hayaan dhaqaale guryo loogu dhisayo barakacayaasha Soomaaliya, balse ay u baahan yihiin in laga caawiyo dhulkii laga dhisi lahaa guryahaas. Shirkaas waxaa lagu go’aamiyo in la bilaabo qorshaha dib u dejinta loogu sameynayo barakacayaasha Soomaaliya, iyadoo la abuuray iskaashi ay ku mideysan yihiin dowladda Soomaaliya, Hormuud Salaam Fondution, Qaramada Midoobey iyo deeq bixiyaasha caalamiga ah. The post Shirkad ku dhawaaqday in 10,000 oo qoys ay guryo uga dhiseyso Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa kulan ay albaabadu u xidhanyihiin ku yeeshay madaxtooyada Somaliland, kulankani oo uu marti galiyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa wali socda. Lama oga ilaa hada wax uu kulankni ku saabsanyahay hase ahaatee warar ay heshay shabakada qarannews.com ayaa sheegàya in madaxweyne Muuse uu marti galiyay kdib markii uu Cabdiraxmaan Cirro ku guulaystay doirashadii Arbacadii dalka ka dhacday. Waxana ay wararku sheegayaan in gudiga doorashooyinku ay bari ku dhawaaqi doonaan natiijada doorashadii oo ay cid walba ku qanacsantahay. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee madaxtooyada Somaliland ayaa la wareegay amniga guriga uu magaalada Hargeysa ka degan yahay musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo la saadaalinayo inuu ku guuleysa karo doorashada madaxtinimada maamulkaas. Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Somaliland aan ka heleyno ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Cirro uu hoggaaminayo natiijada 70% codadka la dhiibtay. Natiijadaan isisoo tareysa ee codadka uu helayo Cabdiraxmaan Cirro ayaa sababtay in ciidamada ammaanka Somaliland, gaar ahaan kuwa ilaalada madaxtooyada ay la wareegaan amniga musharaxaan ay suurtagalka tahay inuu ku soo baxo doorashada. Siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland, ganacsatada iyo xisbiyada loogha horeeyo doorashada ayaa salaam iyo hambalyo ugu tegaya Cabdiraxmaan Cirro, waxaana mashquul badan laga dareemayaa guriga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa. Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi uu hoggaamiyo ayaa heysta ilaa hadda natiijo aad u hooseysa, waxaana muuqata in Muuse Biixi looga adkaaday doorashada maamulkii uu hoggaaminayo muddo 7 sano ah, taasi oo muujineysa in shacabka Somaliland ay doonayaan isbedel ka hana qaada deegaanka. Doorashada ayaa sidoo kale waxaa galay xisbiyada iyo ururro, waxaana la sheegay in xisbiga Wadani ee Cabdiraxmaan Cirro uu hoggaaminayo codadka, waxaa ku sii xiga Xisbiga Kaah, waxaana haalinta 3-aad ciriirsaday Xisbiga Kulmiye oo markii hore ahaa xisbiga ugu codadka badan deegaanada Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku bogaadisay hannaanka dimoqoraadiga iyo amnigaba leh ee shacabka gobollada Waqooyi ee Somaliland codkooda u dhibteen, si madaxdooda ay u doortaan. “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si dhow ula socota doorashooyinka madaxtinimo iyo tan xisbiyada ee maamulka Somaliland, waxay ugu hambalyeyneysaa shacabka iyo maamulkaba hannaanka dimoqoraadiga ah ee loogu tartamay kuraasta kala duwan,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay goordhow soo saartay dowladda federaalka. Dowladda federaalka ayaa si gaar ah reer Somaliland ugu bogaadisay tartanka furan ee Xisbiyada, Hay’adaha Amniga iyo Musharaxiinta tartantay intaba, kuwaas oo muujiyey xasillooni iyo jawiga nabdoon oo sida muuqata ay doorashadu kusoo gabogabowday. “Habsami u socodka sooyaalka doorashooyinkan soo dhammaaday sida; hannaanka diiwaangelinta, olalaha doorashada, codbixinta iyo farriimaha kalsooni gelinta ah ee Guddiga Doorashooyinka (Komishanka), dhammaan tallaabooyinkaasi waxay ahaayeen kuwo ay ka muugdeen waayo-aragnnimo, isu dulqaadasho iyo biseyl siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka DF. The post Xog cusub: Ciidamo la wareegay guriga musharax Cirro iyo wararkii u dambeeyey ee doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay doorashadii ka dhacday Somaliland, taasi oo ay sheegtay inay si dhow ula socoto. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu bogaadiyay hannaanka dimuqraadiga iyo amnigaba leh ee shacabka gobolada Waqooyi ee Soomaliland codkooda u dhibteen. “Wasaaradd arrimaha guddaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS oo si dhow ula socota doorashooyinka madaxtinimo iyo tan xisbiyada ee maamulka Somaliland waxay ugu hambalyeyneysaa xasilloonida iyo jawiga nabdoon ee ay doorashadu kusoo gaba-gabowday,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Wasaaradda ayaa si gaar ah waxay ugu bogaadiyay hay’addaha amniga sida ay u sugeen amniga intii ay socotay doorashada, iyadoo Komishanka doorashooyinka Somaliland ku ammaanay hanaankii uu u maamulay ololihii iyo doorashadii dhacday Arbacadii. “Habsami u socofka sooyaalka doorashooyinka soo dhamaaday sida; hanaanka diiwaan-gelinta, ololaha doorashada, cod-bixinta iyo farriimaha kalsooni-gelinta ah ee guddiga doorashooyinka dhamaan tallaabooyinkaasi waxay ahaayeen kuwo ay ka muuqdeen waayo-aragnimo, isu dulqaadasho iyo biseyl siyaasadeed.” Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay baahinta dimuqraadiyadeynta dalka, awood siinta shacabka iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo horseeda horumar iyo barwaaqo. Doorashooyinka Arbacadii ka qabsoomay Somaliland ayaa ku dhacay hanaan nabad-gelyo, ayadoo goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada korjoogteynayay ay dhankooda sheegeen inay u dhaceen hanaan cadaalad ah oo hufan. The post DF oo war cusub kasoo saartay doorashada Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoonka guud ee beesha Derisame Gaaljecel Nabadoon Cabdullaahi Cabdi Isaaq (Soojeede) ayaa maanta lagu caleemo-saarey munaasabad ballaaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Munaasabadda ballaaran ayaa waxaa kasoo qeyb-galay dhaqanka beesha Gaaljecel, dhaqanka kale ee beelaha Soomaaliyeed, culimaa’udiin, aqoon yahan, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale. Nabadoon Cabdullaahi Cabdi Isaaq (Soojeede) ayaa loo doortey nabaddoonka guud ee beesha Derisame oo ka tirsan beelwaynta Gaalejecel. “Dadkeyga Derisame Gaaljecel shan mar ayaan ka diiday in aan nabadoon u noqdo, maanta waa ka yeelay,” ayuu yiri nabadoon Soojeede. Nabadoon Soojeede, nabadoonka beesha Derisame, ayaa horey ugu soo shaqeeyey qeybaha kale ee dhaqanka beesha, waxa uuna baddeley nadoonkii hore ee beeshan, kaas oo ay labo sano ka hor khawaarijta ku dileen gudaha magaalada Muqdisho. Nabadoonka ayaa ballan qaadey in uu ka shaqeyn doono hagaajinta dhaqanka beesha iyo ka shaqeynta arrimaha guud ee beelaha walaalaha ah ee ay la degta beesha, si dadka Soomaaliyeed ugu wada noolaadaan nabad iyo horumar. Nabaddoonka ayaa sidoo kale duubabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is-qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay dadka Soomaaliyeed uga saari lahaayeen dhibaatada maanta haysata. The post Nabadoonka guud ee beesha Derisame Gaaljecel oo lagu caleemo-saarey Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa soo dhoweysay habsami u socodka doorashooyinka madaxtinimo iyo kuwa xisbiyada ee ka dhacay deegaanada Somaliland. Wasaaradda ayaa ugu hambalyeysay shacabka iyo maamulka Somaliland hannaanka dimuqraadiyadda ee lagu tartamay kuraasta kala duwan, iyada oo si gaar ah u bogaadisay jawiga nabdoon iyo xasiloonida ay doorashadu kusoo dhammaatay. Waxay ku ammaantay doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen hannaanka doorashada xisbiyada, hay’adaha amniga iyo musharaxiinta tartamay. Waxa kale oo lagu bogaadiyay Komishanka Doorashooyinka hannaanka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, ololaha doorashada, codbixinta, iyo farriimaha kalsooni-gelinta ee ay bulshada la wadaageen, kuwaas oo muujinaya biseyl siyaasadeed, isu dulqaadasho, iyo waayo-aragnimo sare. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay in dalka oo dhan lagu baahiyo dimuqraadiyadda, awoodda shacabka la xoojiyo, isla xisaabtanka la kobciyo, iyo in la qabto doorasho ku saleysan nidaamka “Qof iyo Cod” taasoo horseed u noqon doonta horumar iyo barwaaqo guud. Wasaaradda ayaa ugu dambeyn rajo ka muujisay in hab-dhaqanka wanaagsan ee doorashooyinka Somaliland uu tusaale u noqdo dhamaan geeddi-socodka doorashooyinka ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymo uu ujeediyay maamulka Puntland, kuwaasi oo la xiriiray in dowladda federaalka ay xirtay bogagii Facebook ee madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa. Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa dowladda ka difaacay eedeyntaasi, taas oo uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn. Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay warqadii eedeynta aheyd ee ka timid maamulka Puntland in aysan ahayn mid mas’uuliyad xambaarsan, sida uu hadalka u dhigay. “Annaga oo sharci mari karna, ma jirto wax nagu qasbaayo tuugeysi, waxaan kuu cadeenayaa in xitaa wasiiro ka tirsan dowladda dhexe la xiray akoonadii ay ku lahaayeen Facebook,” ayuu yiri Al-Cadaala. Wasiir Al-Caadala ayaa ku cel-celiyay in dowladda aysan wax lug ah ku lahayn arrintaasi, isagoo caddeeyay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono sababaha ka dambeeya. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ka taagneyd dood xoogan oo ka dhalatay tallaabada lagu beegsaday Facebook-yada dad mucaarad ah oo kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ayna ku jiraan wariyeyaal caan ah, kuwaas oo hal mar hawada laga wada saaray. Dadka laga xiray boggaga ayaa isugu jiro siyaasiyiin iyo wariyeyaal caan ah oo aad u dhaliili jiray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud. Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan iyo in eedeymo loo jeediyay dowladda dhexe oo la xiriira ciwaannada shaqsiyaadkaas ee hawada laga saaray. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale horey iskaga fogeysay arrintaas, waxaana la is-weydiinayaa cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday Facebook-yada hawada ka baxay. The post Maxaa ka jira in DF ay xirtay bogagii Facebook ee Saciid Deni iyo Lugatoor? appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay doorashada Somaliland, ayadoo farriin u dirtay shacabka maamulkaasi. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa ugu horeyn lagu amaanay sidii ay u dhaceen doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururada siyaasada ee Somaliland, taas oo laba maalin kahor u dareereen shacabka weynaha Somaliland. Doorashooyinkan ayey Itoobiya ku tilmaamtay kuwo “xor iyo xalaal ah” waxayna komishanka doorashooyinka Somaliland ku bogaadisay sida uu u maamulay doorashooyinka maamulka. “Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya waxay shacabka Somaliland ugu hambalyaynaysaa qabashada doorashadii nabada iyo dimuquraadiga aheyd. Itoobiya waxay Komishanka qaranka Somaliland ugu hambalyaynaysqa doorashada xorta iyo xalaasha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Itoobiya. Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya lagu sheegay “in qabashada doorashooyinkan ay ka turjumayaan qaangaarnimada dowladnimada Somaliland.” “Nidaamkani waxa uu ka turjumayaa qaangaarnimada dowladnimada Somaliland iyo nidaamkeeda dimuquraadiyadeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Itoobiya. Doorashooyinka Arbacadii ka qabsoomay Somaliland ayaa ku dhacay hanaan nabad-gelyo, ayadoo goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada korjoogteynayay ay dhankooda sheegeen inay u dhaceen hanaan cadaalad ah oo hufan. Natiijada doorashadan oo lagu baaqay inay dhinacyadu aqbalaan ayaa waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo 21-ka bishaan, oo ah toddobaad un kadib maalintii loo dareeray doorashada. The post ITOOBIYA oo farriin u dirtay Somaliland kadib doorashadii ka dhacday appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ka kooban 31 qodob oo lagu faah-faahiyey waxyaabihii dhacay toddobaadkaan. Qoraalkaan oo soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ayaa wuxuu soo baxaa toddobaadkiiba hal mar, waxaana kolkaan si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howl-galladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka. Hoos ka aqriso qoraalka; 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Riyad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga soo qeyb galey Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo waddamada Carabta iyo Islaamka uga arinsanayeen xasaradda bani’aadamnimo ee haysta shacabka reer Falastiin iyo Lubnaan. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Carabta iyo waddamada Islaamka ee ka dhacaya Sacuudiga, loogana arinsanayay arrimaha Lubnaan iyo Falastiin. 3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Kenya. 4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdimaalik Cabdullaahi Cabdi u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka. 5- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage. 6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur ayaa socdaal shaqo ku tagey dalka Britain. 7- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo yeelaneysa magaca cusub oo ah Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka. 8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. 9- Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee XFS Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029. 10- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay habraaca uu ku shaqeyn doono Guddiga KMG ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka. 11- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada Gole ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedyada Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda, Doorashooyinka iyo Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha. 12- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah una dhacdo qaab hufan si waafaqsan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka. 13- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddiga doorashada dadban ee uu magacaabay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Jubbaland in uu yahay sharci darro, kana soo horjeeda xeerarka dalka iyo heshiisyadii Golaha wadatashiga Qaranka. 14- Kulan wadatashi ah oo dadweynaha looga talo galinayay dib u eegista Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Laas Caanood ee xarunta maamulka Ku Meel Gaarka ah ee SSC-Khaatuma. . 15- Wasiirka Caafimaadka Mudane Dr Cali Xaaji ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo ah casri ah (CT Scan) oo lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho. 16- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda adduunka iyo doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund) 17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlaayey istaraatiijiyadda wasaaradda ee Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029. 18- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u xaqiijiyey in Itoobiya si rasmi ah looga reebay dalalka ka qayb qaadanaya hawlgalka taageerada xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,. 19- Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS). 20- Kulanka la xiriira la-tashiga dadweynaha ee dib u eegista Dastuurka ayaa lagu qabtay deegaanka Ari Caddeeye ee maamulka SSC-Khaatumo. 21- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bogaadisay doorashooyinka maamulka gobollada woqooyi ee Somaliland. 22- Wasaaradda Waxbarashada ayaa daahfurtay deeq waxbarasho oo la siinayo 3,000 oo gabdhood. 23- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda xuska 11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer. 24- Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Mudaner Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee labada dal. 25- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa dilay 23 xubnood oo ka tirsaan Khawaarijta Al Shabab, hawlgal ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud. 26- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo kala hadley kaalinta haweenka ee nabadda iyo amniga. 27- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa dilay 6 xubnood ka tirsan argagixisada Al Shabab, hawlgal ka dhacay tuulada Weel-manaas ee degmada Qansaxdheere. 28- Ugu yaraan 19 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay Ciidanka Nabadsugidda (NISA) ka fuliyeen meel deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. 29- Dowlada Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 24 dhalinyaro oo laga soo badbaadiyey kooxaha dhibaateeya dadka muhaajiriinta ah ee ka hawlgala xeebaha DalkaTunisia. 30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay 8 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku dayday in ay weerar ka geysato Masagawaay ee Galmudug. 31- Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loogu geystay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir. The post Maxaa looga hadlay bayaanka 31 QODOB ee maanta soo saartay DF appeared first on Caasimada Online.