Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,986
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaannada Somaliland waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada guud ee hoggaanka maamulkaasi, taas oo ah qof iyo cod, waxaana codadkooda si xor ah u dhiibanayo shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland. Sawirro laga soo qaaday Hargeysa iyo deegaannada kale ee Somaliland ayaa la arkayaa shacab fara badan oo safaf dhaadheer ugu jiro inay codkooda dhiibtaan, si ay usoo doortaan madaxweynaha ee cusub ee Somaliland. Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee kal ah Kulmiye, Wadani iyo UCID, waxaana u kala sharraxan Muuse Biixi, Cabdiraxaam Cirro iyo Faysal Cali Waraabe. Haddaba waa sidee rajada Muuse Biixi , tan Cirro iyo Faysal ee doorashada SOMALILAND? Madaxweynaha hadda talada haya, ahna musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo saaka xilli hore dhiibtay codkiisa ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo rajada uu ka qabo doorashada Somaliland, wuxuuna muujiyay kalsooni wayn, isaga oo sidoo kale shaaca ka qaaday inuu aqbali doono natiijada xittaa haddii looga guuleysto tartanka doorashada. “Natiijada uu soo saaro komishinka dabadeed yaa la hadlin?, aniga kama hadlayo oo waan ku gowracanahay, waxa maanta ii muuqda kama welwelayo oo inta aan noolaa waala soo tartami jiray” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo kalsooni weyn muujiyay. Musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo loo arko ninka sidan wayn ula loolamayo Muuse Biixi ayaa isaguna soo hadlay, wuxuuna muujiyay rajo uu ka qabo doorashada maanta ka bilaabatay Somaliland, isaga oo is xijiyay guusha doorashada. “Dareenkayga wu fiican yahay, waan faraxsanahay in aan codeeyey maanta 7 sanno ka dib, doorashada waxa aan ka rajeynaa guul Somaliland ah iyo guul Xisbiga Waddani.” ayuu yiri. Dhankiisa, Faysal Cali Waraabe oo isna hoggaamiyo xisbiga UCID ayaa shalay khudbaddii ugu dambeysay jeediyay, wuxuuna isna muujiyay ifafaalo ah inuu noqonayo madaxweynaha cusub, laakiin wax kasta waxay ku xiran yihiin natiijada iyo cidda ay doortaan shacabka. Somaliland waa maamulka kaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana shacabka ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo aad loogu boggaadiyo Somaliland. The post Rajada Muuse Biixi, tan Cirro iyo Faysal ee doorashada SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
  2. Voters in Somaliland flocked to the polls on Wednesday to choose a president at a time when the breakaway Somali region sees international recognition within reach after three decades of de facto self-rule. Source: Hiiraan Online
  3. Guud ahaan magaalada Hargeysa ayaa ay doorashadu si nabdoon uga socotaa iyada oo goobo badan oo cidhiidhi ahaa saaka ay hada faaruq ku dhowyihiin oo aad looga codeeyay walina ay socoto codayntu Waxa jira goobo badan oo ay saak cabasho ka soo yeedhay hase ahaatee waa la xaliyay goob kastab inta badan dadweynah reer Hargeysa ayaa si nabdoon u codaynaaya oo leh masuuliyad iyo ixtiraam la tixgalinaayo dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka. Inkasta oo uu madaxweyne Muuse Biixi yahay musharax ka soo jeeda magaaladda Hargeysa ama gobolka Maroodijeex ma noqon doono mid hanta aqlabiyada magaaladda Hargeysa iyo ta gobolka Maroodijeex sababo la xidhiidha wax qabad la’aantiisa iyo hab dhaqankiisa siyaasadeed ee guracan, inkasta oo la saadaalinaayo in Mr Biixi uu tiro yar kaga sarayn doono musharax Cabdiraxmaan Cirro, hadana waxa la saadaalinayaa in uu Cirro uu guulo waawey uu kala soo hotan doono dhamaan gobolada dalka oo dhan oo hada wararka hordhacah ahi ay sheegayaan in uu ku horeeyo. Musharaxa mucaaridka ee xisbiga Waddani ayaa lagu wadaa in uu ku guulaysto doorashada maanta dhacday ee la filaayo in ay soo xidhanto abaaro 6 galabmimo ee maanta. La soco Qaran News
  4. Hay’ada Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay laba nin oo lagu eedeeyay dil seddax ganacsato ah, oo lagu diley degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir. War saxaafadeed ay Hay’addu soo saartay ayaa lagu yiri: “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedeysane oo loo heysto in ay fuliyeen dil ka dhacay magaalada Muqdisho. Eedeysaneyaasha oo lagu kala magacaabo Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali ayaa ku eedeysan in ay fuliyeen dilka seddex muwaadin oo Ganacsato ahaa kuwaas oo lagu dilay Degmada Daaru Salaam ee Gobolka Banaadir. Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa ku raad jooga eedeysane seddexaad oo baxsad ah si isagana caddaaladda loo hor keenno. NISA, waxaa ka go’an ciribtirka cadowga Khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka ah”. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa soo bandhigtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuna eedeysan dil ka dhacay magaalada Muqdisho. NISA ayaa shaaca ka qaaday in lasoo xiray Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali , kuwaas oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir. Hay’adda ayaa sheegtay in raggaan lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka, waxayna intaasi ku dartay in cadaaladda la horgeyn doono. Sidoo kale NISA ayaa xustay in lagu raad-joogo nin kale oo baxsad ah, qaybna ka ahaa dilka loo gaystay ganacsatada. Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in NISA ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo ciribtiro. Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya. Ganacsatada ayaa dhibanayaal u noqday amarkaas, waxayna beegsi kala kulmeen kooxda Al-Shabaab oo dil ku bilowday, sidoo kalena qarxisay goobo ganacsi oo ku yaal caasimada. The post NISA oo gacanta ku dhigtay raggii ka dambeeyay dilka ganacsatada + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  6. Doorashada madaxtooyada Somaliland ee maanta, 13-ka Nofeembar 2024, ayaa weli si nabad ah uga socota guud ahaan gobollada Somaliland, iyadoo aan la soo sheegin wax dhibaato ah oo ka dhacay goobaha codbixinta. Inkastoo qorraxdu aad u kulushahay, haddana shacabka ayaa weli ku jira safaf dhaadheer si ay codkooda u dhiibtaan, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay ka qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Madaxweynaha xilka haya, Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, ayaa raadinaya muddo xileedkiisii labaad. Musharraxiinta kale ee tartamaya waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hogaamiya xisbiga Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga UCID. Labada musharrax ee mucaaradka ah ayaa ballanqaaday isbeddelo siyaasadeed iyo horumarinta adeegyada bulshada haddii la doorto. In ka badan hal milyan oo qof ayaa la filayaa inay codkooda ka dhiibtaan in ka badan 2,000 oo goobood oo codbixin ah, iyadoo ay goob-joog ka yihiin 28 goobjooge caalami ah. Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa oo goor dhow hadlay markii uu codkiisa dhiibtay ayaa sheegay inuu aqbali doono natiijada doorashada, isla markaana uu si nabad ah xilka u wareejin doono haddii laga guuleysto. Ilaa iyo hadda, ma jiraan warar sheegaya rabshado ama khalalaase ka dhacay goobaha codbixinta, waxaana doorashadu u socotaa si habsami leh. Doorashadan ayaa sidoo kale muhiim u ah dadaallada Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah, gaar ahaan iyadoo ay jiraan heshiisyo dhowaan la galay, sida midka lala saxiixday. Waxaa la filayaa in natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada lagu dhawaaqo maalmaha soo socda, iyadoo shacabka iyo beesha caalamkaba ay si dhow ula socdaan habsami u socodka iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa taagan dood xoogan oo ka dhalatay tallaabada lagu beegsaday Facebook-yada dad mucaarad ah oo kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ayna ku jiraan Wariyeyaal caan ah, kuwaas oo hal mar hawada laga wada saaray. Dadka laga xiray boggaga ayaa isugu jiro siyaasiyiin iyo wariyeyaal caan ah oo aad u dhaliili jiray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud. Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan iyo in eedeymo loo jeediyay dowladda dhexe oo la xiriira ciwaannada shaqsiyaadkaas ee hawada laga saaray. Wasaaradda warfaafinta Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeyso Villa Soomaaliya, isa markaana si gaar ah loogu beegsanayo dadka kasoo horjeedo dowladda, si loogu caburiyo fikirkooda gaarka ah. “Waxaa mas’uuliyad darro iyo xad-gudub ah in la isku dayo in la afqabto aragtiyaha toosinta iyo tilmaamaha ah ee ka imaanaya bulshadda Soomaaliyeed loona adeegsanaayo qolooyin burcad Internet-ka oo si gaar ah u beegsanaya mas’uuliyiinta iyo shacabka ka soo hor jeeda aragtida Siyaasadeed ee kali-talisninadda ah ee uu dalka u horseedaayo Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud taasoo muujineysa dul qaad la’aanta Xasan Sheekh Maxamuud ee aragti iyo maqal kasta oo ka duwan aragtidiisa” ayaa lagu yiri qoraalka. Intaas kadib waxaa hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo beeniyay in dowladda ay beegsatay Facebook-yada dadka mucaaradka ku a madaxda sare ee dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ay ka shaqeyso horumarinta xorriyatul qowlka, isla markaana ay qawaaniin ku dhisan tahay. “Waxaas waxba kama jiraan, waa war iska raqiis ah dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka shaqeysaa waa inay xorriyatul qowlku hormariso, waana dowlad qawaaniin ku dhisan” ayuu yiri wasii ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya. Haddii ay dowladda federaalka Soomaaliya iska fogeysay arrintan ayaa haddane waxaa la’is weydiinayaa cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday Facebook-yada hawada ka baxay. The post Maxaa ka jira in DF ay xirtay Facebook-yada suxufiyiin iyo siyaasiyiin caan ah? appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Car xooggan iyo falcelin ayaa ka dhalatay dhibaato xalay Muqdisho loogu gaystay dhalinyaro kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ku maalinta aas-aaska calankooda u dabaal-dagayay, kadib markii ay weerareen ciidamo hubeysan. Falkan oo ka dhacay agagaarka isgoyska KMG ayaa sababay waxyeelo soo gaartay qaar kamid ah dhalinyarada isku soo banaan-baxay, oo ay ka cariyeen ciidanka ammaanka. Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan, waxaana xildhibaan Maxamed Abuukar oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed uu yiri “”Reer Koonfur Galbeed haday cyaar u imaadeena waa la dhibaateeyey haday calankooda u dabaal degaana waa ka dhibaateeyey lama ogalaanayo qofkii dhacdadan ka dambeeyeyna waan la xisaabtamaynaa”. Sidoo kale waxaa kiiskan ka hadlay Xisbiga Himilo Qara ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Axmed oo si weyn u cambaareeyay xadgudub uu sheegay in loo gaystay dhalinyaradaasi. “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaaraynaayaa dhibaatada caawa loo geystey dhallinyarada reer KGS ee iyagoo si nabad ah ugu dabaal degaayey ciidanka loo adeegsadey halkaasna ay dhaawacyo iyo dhibaato kasoo gaartay” ayaa lau yiri qoraalka. Sidoo kale Xisbiga ayaa tilmaamay in si gaar ah loo beegsaday dhalinyarada Koonfur Galbeed, taasina ay tahaya wax laga xumaado, maadaama munaasabada noocaan kale ah ay dadka kasoo jeeda maamullada kale ay ku qabsadaan gudaha caasimada. Himilo Qaran ayaa sidoo kale ku baaqay in lasoo qabto askarii ka dambeysay dacaddigaaas, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. “Waa wax laga xumaado in si gooni ah loo beegsado dhalinyaro aan wax dambi sameynin.Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa laamaha ammaanka inay tallaabo deg-deg ah ka qaadaan ciidanka ku xad-gudbay muwaadiniin si nabad u damaashaadayay” ayaa lasii raaciyay. Koonfur Galbeed ayaa marar badan ka cabatay dhibaato loogu gaystay gudaha caasimada, waxaana la xasuustaa weerarkii lagu beegsaday ciyaartoydooda, xilli uu u socday tartanka ciyaaraha mamul goboleedyada, kaas oo sababay inay gabi ahaan ka baxaan tartankaasi. The post Caro ka dhalatay dhalinyaro kasoo jeedo KGS oo lagu dhibaateeyay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  9. With over 1 million voters, the election takes place amid ongoing regional tensions between Somalia and Ethiopia over a Somaliland Red Sea access deal. Source: Hiiraan Online
  10. Labo nin oo Soomaali ah oo dacwad oogayaasha mareykanki ay ku eedeeyeen burcadbadeed ayaa lagu xukumay 30 sano oo xarig ah, ka dib markii lagu oogay dacwad ah in sanadkii 2012-kii ay afduubteen wariye Mareykan ah oo muddo laba sano ah afduub loo haystay. Cabdi Yuusuf Xasan iyo Maxamed Tahliil Maxamed – oo xilal ka soo qabtay dowladda Soomaaliya ayaa loo haystaa afduubkii wariye Michael Scott Moore, sida uu sheegay Damian Williams, oo ah qareenka Mareykanka ee degmada Koonfurta New York. Moore ayaa ku sugnaa Soomaaliya, isagoo baarayay, warbixinnino ka diyaarinayay falalka burcadbadeedka, balse waxaa afduubtay rag hubaysan oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday sanadkii 2012-kii, sida ay sheegeen saraakiishu, waxaana la haystay muddo 977 maalmood ah, waxaa’se markii dembe lagu sii daayay lacag 1.6 milyan oo dollar ah. Labada eedeysane midkood oo lagu magacaabo maxamed Tahliil Maxamed ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, dhanka kalen uu ahaa madaxa amniga iyo hubka ee burcad badeeda, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka. Wariye Moore ayaa la sii daayay bishii Sebtembar 2014, Waxa uuna sheegay in qoyskiisa ay u ururiyeen $1.6 milyan si loo sii daayo,ayadoo mudadii uu xirnaa la sheegay in jirdil iyo dhibaatooyin kale loo gaystay. Source: goobjoog.com
  11. Senior commanders of the Uganda Peoples' Defence Forces (UPDF) have gathered at the International Peace Support Operations Training Centre (IPSO-TC) in Singo to discuss key insights and strategic improvements for the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa loo dhigay gaari Cabdi Bile oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya, xilli uu marayay agagaarka Xero Bangalo oo ku taalla laamiga dheer ee degmada Dayniile. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay illaa 3 askari, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo kamid ah ciidamada la socday baabuurka la qarxiyay. Sidoo kale waxaa saacado kadib goobta gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo maydadka iyo dhaawacyada kasoo qaaday halkaasi, waxayna sameeyeen howlgallo kooban, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Mas’uuliyadda qaraxan waxaa durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab oo inta badan weerarada noocaan oo kale ah ka fuliso gudaha caasimada. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi waxyeelada kasoo gaartay ciidamada dowladda. Dayniile ayaa waxaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay kooxda Al-Shabaab, kawaas oo badi lala eegtay ciidamo ku sugnaa gudaha degmadaasi. Maalmihii lasoo dhaafay ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid deggan, waxaana howlgallo guuleystay oo amni xaqiijin ah ka waday qaybaha kala duwan ee ciidamada dowladda. The post Xog cusub oo laga helay qarax ka dhacay Dayniile appeared first on Caasimada Online.
  13. Mogadishu (HOL) — A landmine explosion killed at least three Somali government soldiers in Mogadishu’s Deyniile district on Tuesday night, according to military sources. Source: Hiiraan Online
  14. Ugu yaraan 15 maxbuus ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad ka dhacay xabsiga ku yaalla dalka Ecuador , sida ay sheegtay waaxda xabsiga ee dawladdu. ” xaafad ku taal xerada ciidanka Asluubta, waxaa laga soo sheegay shilal halis ah oo dhex maray maxaabiista, taasoo keentay dhimashada horudhac ah oo ah 15 dhimasho ah iyo 14 dhaawac ah,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka Asluubta. Muuqaallo laga soo duubay goobta oo ay baahisay wakaalada AFP ayaa muujinaya tiro Maxaabiis ah oo meydadkoodu dhulka daadsanyihiin. Dalkan ku yaalla koonfurta amerika ayaa waxaa ku badan rabshada ay ku lugleeyihiin kooxaha maan-dooriyaha ka ganacsada, waxaana xabsiyada dalkaas ka dhaca iska hor imaadyo u dhexeeya maxaabiista, waxaanana taniyo sanadkii 2021-kii xabsiyada dalkaas ku dhintay in ka badan 460 maxbuus sida laga soo xigtay ciidanka Asluubta. Source: goobjoog.com
  15. Xukuumadda Puntland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka danbaysay weerarro lagu qaaday bogaga baraha bulshada madaxda Puntland, kuwaasi oo hawada laga saaray. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayay ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka danbaysay weerar dhinaca baraha bulshada ah oo lagu qaaday siyaasiyiinta ka aragti duwan Villa Somalia, si loo aamusiyo ra’yigooda. Puntland waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya adeegsanayso burcad dhinaca Internet-ka oo beegsanaya mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta ka horjeeda siyaasadda uu dalka ku hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ku eedaysay in uu keligii-taliye yahay. Waxay sidoo kale ku eedaysay madaxweyne Xasan Sheekh dulqaad la’aan iyo in uusan u adkaysan karin siyaasiyiinta ka ra’yi duwan, waxaana ay si adag u cambaareysay isku day kasta oo lagu camburinayo siyaasiyiinta iyo warbaahinta ka aragti duwan Villa Somalia. Hadalkan ayaa imaanaya xilli hawada laga saaray bogagii Facebook ee madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland, islamarkaana ay weli hawada ka maqan yihiin. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Bogagii Facebook ee Deni iyo Lugatoor oo hawada laga saaray iyo Puntland oo ku eedaysay Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  16. Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 43 kalana ay dhaawacmeen, kaddib markii nin 62 jir ah uu baabuur uu watay jiirsiiyay dad badan oo hor dhoobnaa goob lagu dheelo ciyaaraha kala duwan oo ku taalla magaalada Zhuhai ee koofurta Shiinaha. Booliska ayaa sheegay in ninkani oo ay magaciisa kusoo koobeen Van uu si xowli ah ku soo galay goob ay dad badan ku jimicsanayeen. Boolisku waxay sheegeen in ninkani la qabtay ka hor inta uusan goobta ka baxsan. Waxay kaloo sheegeen in eedeysanaha uu hadda koomo ku jiro laguna daweynayo isbitaalka, kaddib marki ay dhaawacyo kasoo gaareen qoorta iyo qeybo kale oo ka mid ah jirkiisa. Baaritaan horudhac ah ayaa muujiyay in ninka weerarka geystay uu ka xumaa qeybta kasoo gaartay hanti uu lahaa oo loo kala qeybiyay isaga iyo xaas uu furay. Source: goobjoog.com
  17. Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray doorashadii madaxtooyada iyo ururada oo ay ku dooranayaan madaxweynaha shanta sanno ee soo socota iyo saddexda xisbi ee Somaliland yeelanayso. Doorashada Madaxtooyada waxaa ku tartamaya saddex musharrax oo kala ah; madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi, musharrax xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo musharrax xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe. Madaxweyne Biixi oo kulmiye iyo Musharraxa xisbiga Waddani ee Cabdiraxmaan Cirro ayaa loolanka ugu adag dhexmarayaa; iyada oo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo markii afraad tartamaya ay markaan dadku su’aal gelinayaan soo-bixista xisbigiisa UCID, maadaama uu wajahayo tartanka todoba urur oo xisbiyo doonaya. Madaxweynaha mar kale sharraxan ee Muuse Biixi oo la weydiiyay su’aal ku saabsan in uu natiijada aqbalayo haddii doorashada lagaga guulaysto ayaa yiri”Go’aanka uu soo saaro Komishanku waan ku gawracannahay.” PUNTLAND POST The post Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada appeared first on Puntland Post.
  18. Hargeisa (HOL) — Over one million voters in the self-declared Somaliland region headed to the polls early Wednesday for for presidential and parliamentary elections, drawing attention from local and international stakeholders. Source: Hiiraan Online
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in saaka dadweynaha ku dhaqan deegaannada maamulkaasi ay u dareereen goobaha cod-bixinta doorashada ee maamulkaasi, taas oo ah mid xasaasi ah oo loolan adag loogu jiro. Sawirro laga soo qaaday Hargeysa iyo deegaannada kale ee Somaliland ayaa la arkayaa shacab fara badan oo safaf dhaadheer ugu jiro inay codkooda dhiibtaan, si ay usoo doortaan madaxweynaha ee cusub ee Somaliland. Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee kal ah Kulmiye, Wadani iyo UCID, waxaana u kala sharraxan Muuse Biixi, Cabdiraxaam Cirro iyo Faysal Cali Waraabe. Madaxweynaha hadda talada haya Muuse Biixi Cabdi oo goordhoweyd dhiibtay codkiisa ayaa ballan qaaday inuu aqbali natiijada doorashada, haddii xittaa looga guuleysto. Dhankiisa musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo aad ula loolamayo Muuse Biixi ayaa ku baaqay in la aqbalo natiijada doorashada, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu isaga ku guuleysan doono xilka madaxweynaha ee maamulka Somalilad. Faysal Cali Waraabe oo isna hoggaamiyo xisbiga UCID ayaa shalay khudbaddii ugu dambeysay jeediyay, wuxuuna isna muujiyay ifafaalo ah inuu noqonayo madaxweynaha cusub, laakiin wax kasta waxay ku xiran yihiin natiijada iyo cidda ay doortaan shacabka. Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana gebi ahaan bandow lagu soo rogay magaalooyinka waa weyn oo lagu soo daadiyay ciidan sugaya amniga doorashada. Somaliland waa maamulka kaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana shacabka ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo aad loogu boggaadiyo Somaliland. The post SHACABKA Somaliland oo u dareeray goobaha cod-bixinta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  20. Kenya is confident the negotiations on the Strategic Trade and Investment Partnership (STIP) will continue to fruition despite change of leadership at the White House following the just concluded US elections. Source: Hiiraan Online
  21. Kenya Airways, the East African nation’s airline, recently launched an initiative focused on turning plastic waste into diesel as a means of generating cheaper fuel while addressing pollution. VOA’s Victoria Amunga has more from Nairobi. Source: Hiiraan Online
  22. Minister of Foreign Affairs and Immigration Badr Abdel Aty, and his Somalian counterpart Ahmed Moalem Feki discussed Monday the progress rate of the implementation of the outcomes of the bilateral summit as well as the trilateral one with Eriteria, which were both held on October 10 in Asmara. Source: Hiiraan Online
  23. Abdi Yusuf Hassan and Mohamed Tahlil Mohamed were "key players" in pirates' abduction of Michael Scott Moore, who was held hostage for more than two years, officials said. Source: Hiiraan Online
  24. An agreement between Germany and Somalia announced last week is receiving mixed responses. Similar deals to send migrants back have proved difficult and ineffective, says a researcher. Source: Hiiraan Online
  25. Dadweynaha soomaaliland ayaa safaf dheer dheer ugu jira codbixinta doorashada maanta ka dhacaysa deegaanada maamulkaas, taas oo ay ku dooranayaan hoggaamiyaha 5-ta sanoo soo socata caynaanka u hayn doona. Dad aad u tira badan ayaa tuban goobaha codbixinta loo asteeyay ee ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland, waxayna bulshadu kala dooranayaan seddax siyaasi oo 7 sano ka hor ay midkood u codeeyeen. Hoggaamiyaha hadda talada haya ayaa mar kale u xusul-duubaya sidii dib loogu dooran lahaa, asagoo sheegay inuu Soomaaliland ka dhigi doono mid aan horay loo arag, loona maqal oo aad u hormarsan. Sidoo kale Cabdiraxmaan cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo ka kala socda Xisbiyada waddani iyo ucud ayaa ballan-qaaday inay waxqabad wax ku ool ah samayn doonaan haddii hoggaaminta lagu aamino. Doorashadan oo ay dowladda Soomaaliya bogaadisay ayaa tii 2017-kii kaga duwan in deegaanada Khaatumo aanay haatan xisaabta ku jirin, lagana codayn doonin. Source: goobjoog.com