Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — In a modest studio tucked behind a quiet alleyway in Somalia’s capital, Masla Abdi Deir is quietly staging a creative revolution. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) — Somalia’s federal government has strongly condemned members of the British Parliament for supporting Somaliland’s bid for independence, warning that foreign interference in the country’s internal affairs threatens national sovereignty and risks destabilizing ongoing state-building efforts. Source: Hiiraan Online
  3. Energy has shaped humanity’s path – from mastering fire, to harnessing steam, to splitting the atom. Today, we’re at the dawn of a new era. The sun is rising on a clean energy age. Source: Hiiraan Online
  4. Hargeisa (HOL) — Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro on Tuesday declared a national emergency and ordered the immediate launch of emergency relief operations after severe drought conditions threatened lives and livelihoods across several regions, particularly Awdal and Salal in the country’s west. Source: Hiiraan Online
  5. Beled Hawo (HOL) — Heavy fighting erupted Tuesday in the southern border town of Beled Hawo after the Somali federal government deployed Abdirashid Janan, a controversial former Jubbaland security minister, as the new regional intelligence chief, triggering a fierce response from Jubbaland forces who later claimed full control of the town. Source: Hiiraan Online
  6. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay iska hor imaadkii maanta ka dhacay degmada baladxaawo ee gobolka Gedo, ayadoo eedayn culus u jeedisay maamulka Jubbaland. Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in DFS ay ka xuntahay, si adagna u cambaaraynayso waxa uu ku tilmaamay fal dambiyeedka uu geystay Axmed Maxamed Islaam oo ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. War saxaafadeedka wasaaradda amniga XFS ayaa lagu yiri “duhurnimadii maanta maleeshiyaad ka amar qaata Axmed Maxamed Islaam ayaa weerar bareer ah ku qaaday xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada qaranka. Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay dagan yihiin ciidamada amniga. Tallaabadaan ayaa sidoo kale ahayd mid uu eedaysanuhu kusoo beegay xilli ay dadweynaha magaalada ku mashquulsanaayeen hawl-maalmeedkooda caadiga ah, taas oo muujinaysa mas’uuliyad-darro iyo in aanu wax dan ah ka lahayn badqabka dadweynaha. Waxaan u tacsiyaynaynaa muwaadiniinta waxyeelladu soo gaartay, waxaana ka go’an dowladda in cadaaladda la marsiiyo cid kasta oo ku lug yeelata gabood-fallada noocaan oo kale ah. Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu sida qaldan u isticmaalo eedaysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dambiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono”. Source: goobjoog.com
  7. Balad Xaawo, Gedo – Dagaal culus ayaa saaka ka qarxay magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii uu halkaas gaaray Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dagaalku uu u dhexeeyo ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland, kuwaas oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan ka dhexeeyay, gaar ahaan arrimaha maamulka gobolka Gedo. Goob-joogayaal ayaa sheegay in rasaas culus iyo hubka waaweyn la isku adeegsanayo gudaha magaalada, taasoo cabsi gelisay shacabka deegaanka. Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda xarumo muhiim ah oo ciidan iyo maamulka gobolka ah. Cabdirashiid Janan oo horey u ahaa wasiir amni oo Jubbaland ka tirsanaa, isla markaana muddo dheer khilaaf kala dhaxeeyay maamulka Jubbaland, ayaa hadda kusoo biiray dowladda federaalka, taasoo sii hurisay xiisaddii hore uga jirtay gobolka Gedo. Safarkiisa maanta ee Balad Xaawo ayaa loo arkaa mid horseeday iskahorimaadka socda. Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee dagaalka. Source: goobjoog.com
  8. Cabdiraxmaan Aadan Qoorgaab waa mid ka mid ah dhalinyarada dadaalka badan ee tacabka mugga leh geliyay horumarinta Caasimadda Hargeysa, tan iyo intii ay jirtay Dawladda Hoose ee uu hoggaaminayay Maayarka Cabdikariin Axmed Mooge. Mudane Qoorgaab wuxuu kasoo shaqeeyay shan degmo oo kamid ah degmooyinka Hargeysa: 26 Juun, Gacan Libaax, 31 May, Macalin Haaruun, iyo Axmed Dhagax, isagoo kasoo noqday guddoomiye degmooyin badan. Waxqabadkiisa ayaa si toos ah looga dareemay degmo kasta oo uu ka hawlgalay, taas oo ka tarjumaysa hufnaantiisa maamul, daacadnimadiisa iyo kartidiisa hoggaamineed. Cabdiraxmaan Aadan Qoorgaab waxa uu dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u taagan yahay doorashada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ee sanadka 2026. Waa musharrax ay bulshada si weyn u garanayaan, loogana bartay waxqabad muuqda oo aan ku koobnayn hadal, balse sal u ah hawl maalmeedka nololeed ee degmooyinka. Intii uu xilka hayay Maayarka Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, Cabdiraxmaan Qoorgaab waxa uu ka mid ahaa garbaha uu ku duulay; wuxuuna door muuqda ku lahaa hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee Dawladda Hoose. Iskaashi dhow oo dhex maray labada masuul ayaa sabab u noqday horumar muuqda oo laga dheehan karo xaafadaha caasimadda. Cabdiraxmaan Aadan Qoorgaab waa musharrax ay shacabka reer Hargeysa kalsoonidooda ku aamini karaan, isla markaana u qalma hoggaaminta iyo masuuliyadda sare ee Caasimadda. Waa dhalinyaro karti iyo himilo leh, waana nooca dalka iyo bulshada u baahan tahay. Source
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Ingiriiska ugu baaqay inay sameeyaan bannaanbaxyo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada lagu taageerayo gooni u goosadka Soomaaliland ee ka socda dalkaas. Qaar kamid ah xildhibaanada dalka UK oo Soomaaliland dalllaalo aqoonsi raadina u ah ayaa dalkaas ka wada olole ay dowladooda ugu qabcinayaan inay dowlad madax-bannaan u aqoonsato Soomaaliland oo in ka badan 34 sano dunida ka sugaysa aqoonsi caalami ah. Xukuumadda Soomaaliland ayaa wadda dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ay ku doonayso inay dunida aqoonsi kaga hesho, ayadoo Hargeysa ay sanadihii la soo dhaafay xoogga saaraysay in warbaahinta dunida iyo shakhsiyaadka saamayn leh ee reer Galbeedka ay qadiyaddeeda si joogto ah uga faalloodaan. Source: goobjoog.com
  10. Hannaanka Federaalka waa nidaam siyaasadeed iyo maamul oo awoodda dawladnimada lagu qaybsado heerar kala duwan – sida heer federaal dawladda dhexe iyo heer dowlad-goboleed ama is-maamullo gobol, waxaana lagu saleeyaa in gobollada ama dowlad-goboleedyadu yeeshaan awoodo gaar ah, iyadoo dawladda dhexe ay qabato arrimo guud sida difaaca, arrimaha dibadda iyo lacagta, iyo socdaalka iyo jinsiyadaha. Hannaankan waxaa inta badan qaata dalalka ay qowmiyadaha kala duwani ku noolyihiin, waxaana siyaasadda guud ka masuul dowladda dhexe oo awood ahaan loo oggolyahay inay dalka maamusho, balse dowlad-goboleedyadu waxay leeyihiin awood ballaaran oo dhinaca maamulka adeegyada bulshada la xariirta sida caafimaadka, waxbarashada, amniga gudaha deegaannadooda, Garsoorka, hormarinta waddooyinka, biyaha iwm. Dhammaan arrimahaas maareyntooda waxaa awood buuxda u leh dowlad-goboleedka, halka arrimaha qaarkood loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sida canshuuraha, wadaagga kheyraadka, cimilada iyo deegaanka, wax ka badelka sharciyada guud iwm. 1. Asalka iyo Fikradaha Federaalnimada: Hannaanka federaalka wuxuu salka ku hayaa mabda’a ah in awoodda la wadaago si looga hortago kaligii-talisnimo ama ururinta awoodda oo hal dhan gacanta u gasha, waxaana sidoo kale uu suurtageliyaa in bulshooyin ku kala duwan dhaqanka, afka, ama diintu ay ku wada noolaan karaan hal dal oo mideysan iyagoo haysta xornimo maamul oo maxalli ah. Dalalka sida Mareykanka, Jarmalka, Itoobiya, iyo Switzerland ayaa tusaale fiican u ah dalalka ku dhaqma nidaamka federaalka, kuwaas oo hormar, awood dowladnimo, iyo xasilooni siyaasadeedba dunida haatan hormuud ugu ah, haddana dadka ku nooli isir ahaan, dhaqanka ahaan, af ahaan, iyo diin ahaanba ay kala gadisanyihiin. Hannaanka federaalka waxaa markii ugu horreysay si rasmi ah looga adeegsaday dunida sanadkii 1787, markaasoo la qoray Dastuurka Mareykanka, kaas oo dhaqan galay 1789, dalkaas ayaana ahaa kii ugu horreeya ee casri ah ee hirgeliya nidaam federaal ah oo rasmi ah, iyadoo gobolladu ay xilligaas heshiis ku galeen in ay sameystaan dowlad dhexe oo ay awood la qaybsanayaan. Fikradda federaalka asal ahaan waxay kasoo jeeddaa erayga Laatiinka ah ee “foedus” oo micnihiisu yahay heshiis ama xiriir midnimo, kaas oo looga golleeyahay in loo adeegsado isku haynta bulshooyin kala duwan, haddana doonaya inay hal dowlad oo ay u simanyihiin wada yeeshaan, lagana hortago in awood ay cid gaar ahi isku koobto. Dhinaca Soomaaliya hannaanka Federaalka ah waxaa la qaatay xilli ay weli socdeen dagaallo sokeeye dalkana aysan ka jirin dowladnimo rasmi ah iyo sharci laysla ogolyahay, taas oo keentay in qaabka hannaankaas loogu dhaqmayo ilaa haatan laysku mari la’yahay, islamarkaana labada heer Dowladeed ay mararka qaar u muuqdaan inay wax walba ka simanyihiin awood ahaan. Si kastaba ha ahaatee waxaa hubaal ah in hannaanka Federaalka uu wax weyn ka badelay hormarinta adeegyada bulshada, balse kala qeybsanaan maamul iyo loolan awoodeeda ayuu keenay, waana mid kamida cuddurada dalka ka hortaagan xasillooni siyaasadeed iyo midnimo macna leh. Source: goobjoog.com
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo si caro leh uga hadlay is qab-qabsiga awoodda maamul ee u dhexeysa dowladda Federaalka iyo maamullada ayaa sheegay in dalku uu u baahanyahay dowlad dhexe oo xoog leh, islamarkaana saldhiggeedu yahay caasimadda. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in aysan suurtagal ahayn in dalka laga soo dhiso degmooyinka ee loo baahanyahay in la xoojiyo awoodda qaranka ee dowladda dhexe, si loo xaqiijiyo midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Wuxuu intaa ku daray inay jiraan wax uu ku tilmaamay shayaadiin siyaasadeed oo halis ku ah dowladnimada iyo wadajirka dalka, kuwaas oo uu sheegay inay ku howlanyihiin falal u adeegaya gooni u goosasnimo iyo Midnimo la’aan. Hannaanka Federaalka oo ay Soomaaliya qaatay muddo haatan laga joogo 21 sano ayaa u muuqda inuu abuuray xiisado siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn iyo kala qeybsanaan cuuryaamisay dowladnimada, ayadoo maamullada dalka qaarkood ay u dhaqmayaan sidii dowlado madax-bannaan. Source: goobjoog.com
  12. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Midowday (UK) ayaa si rasmi ah ugu dartay Soomaaliya liiska waddamada ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan, iyagoo tixraacaya xaalado halis ah oo dhanka ammaanka iyo bini’aadantinimada ah. Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu saleynayo amni darro baahsan, xasillooni la’aan siyaasadeed iyo khataro bini’aadnimo oo si joogto ah uga taagan guud ahaan dalka Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sheegtay in khatarta weerarada argagixiso, afduubyo, iyo rabshado siyaasadeed ay sare u kaceen, taas oo keentay in la dardargeliyo digniinta safarka. Waxaa sidoo kale lagu xusay in meelo badan oo dalka ah aysan helin adeegyada caafimaad iyo badbaado degdeg ah, taasoo sii murjineysa xaaladda dadka ajaanibta ah. Digniintan cusub waxay saamayn kartaa: Socdaalada muwaadiniinta UK ee Soomaaliya Shaqooyinka samafalka, warbaahinta iyo ganacsiga ee ay ajaanibtu ka wadaan dalka Heerka kalsoonida dalalka kale ku qabaan xasilloonida gudaha Soomaaliya Wasaaradda ayaa muwaadiniinta UK ugu baaqday inaysan tegin Soomaaliya haddii aysan jirin sabab daruuri ah, sidoo kalena lala socdo wararka cusub ee ku saabsan ammaanka iyo digniinaha safarka. Source: goobjoog.com
  13. Maamulka goboleedka Puntland ayaa sheegay inay ciidamada Ilaalada xeebuhu ku guda jiraan howlgal ay ku qabanayaan markab labaad oo lagu arkay aagga Bareedo, kaas oo la tuhunsanyahay inuu hub sido. Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Bareedo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay saacadaha soo socda filayaa qabashada markabkaas oo u eg kii ay Puntland horey gacanta ugu dhigtay. Xildhibaanku wuxuu sheegay in Puntland ay horay u haysay xogta maraakiibtaas oo ka soo baxay dalka Azerbaijan, islamarkaana ay sharci darro ku soo galeen xeebaha maamulkaas oo si weyn u diidan hab maamulka DFS. Puntland waxay sheegtay inay tillaabo adag ka qaadi doonto maraakiibtaas oo ku soo xadgudbtay baddooda sida ay hadalka u dhigtay, balse lama oga halka ay xaaladdu ku dambayn doonto iyo sida gaadiidka caalamiga ah u saamayn doonto arrintani maadaama dowlad goboleed dalka ka tirsani oo maraakiibta oggolaansho ku xirayo. Source: goobjoog.com
  14. Baydhabo, Soomaaliya – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabduqaadir Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag). Soo dhaweynta ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen saraakiisha hay’adaha amniga, maamulka degmada Baydhabo, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Wafdiga Wasiirka Amniga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda XFS, Mudane Isack Maxamuud Mursal, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta XFS, Mudane Maxamed Aadan Maxamed. Socdaalka wafdigan ayaa salka ku haya ka qeybgalka munaasabadda xarig-jarka xarunta cusub ee Wasaaradda Amniga ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, taasoo laga hirgeliyay magaalada Baydhabo. Xaruntan cusub ayaa lagu wadaa in ay xoojiso howlaha maamulka amniga iyo kordhinta adeegyada la xiriira sugidda nabadgelyada. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale kulamo gaar ah ka yeeshay xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo la isla gartay in la dardar geliyo qorshayaasha la xiriira amniga gobolka. Source: goobjoog.com
  15. Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula beegsaday qaybo ka mid ah magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay waddada aada garoonka diyaaradaha, waxaana lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid kamid ah kolonyada ciidamada Itoobiya oo xilligaas kusii jeeday dhanka garoonka oo ay dagan yihiin waxaana soo gaaray khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo gebi ahaan uu burburay baabuurka la qarxiyay. Ugu yaraan 3 askari oo ka trsanaa ciidamada Itoobiya ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Qaraxa kadib ciidamada ayaa furay rasaas kooban, waxayna sidoo kale xayireen dhaq-dhaqaaqa waddada, inkastoo saacado kadib ay isaga tageen goobta lagu weeraray. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan qaraxa loo dhigay kolonyada ciidamada Itoobiya, waxaana mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab, sida ay ku baahiyeen barahooda. Qaraxan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro isugu jiro, qaraxyo, kuwa toos ah iyo madaafiic ay Al-Shabaab ku qaadayeen fariisimaha ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaannada ay ka joogaan gobollada Baay iyo Bakool. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa si gaar ah weeraro gaadmo ah ku qaada qaybaha kala duwan ee ciidamada ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadkooda, waxayna sidoo kale go’doon ku hayaan degmooyinka waawayn.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa la kulmeysa dhaleeceyn uga imaneysa hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya, kuwaasoo ku eedeeyay Ankara inay ka tagtay dhex-dhexaadnimadeedii muddada dheer ay ku caan ahayd oo ay si buuxda ula safatay dowladda, xilli uu jiro is-mari-waa siyaasadeed oo culus oo ku saabsan nidaamka doorashooyinka mustaqbalka ee dalka. Eedeymahan ayaa soo shaac baxay kadib markii safiirka Turkiga ee Muqdisho uu Sabtidii qabtay kulan albaabadu u xiran yihiin, kaasoo uu isugu keenay diblomaasiyiin caalami ah iyo xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya. Kulankan ayaa yimid maalin keliya ka hor wareeggii saddexaad ee wadahadallada muhiimka ahaa ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ee Axaddii ka dhacay Villa Somalia. Sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed iyo kuwa mucaaradka, ujeeddada ugu weyn ee danjiraha Turkiga waxay ahayd inuu ku qanciyo mucaaradka inay ka laabtaan diidmadooda ku aaddan nidaamka doorashada ee “hal qof, hal cod” ee ay soo jeedisay dowladda—hindise si weyn u kala qeybiyay siyaasiyiinta sare ee Soomaaliya. Xubin ka tirsan mucaaradka oo kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in safiirka Turkiga uu si toos ah ugala hadlay mowqifkooda. “Wuu na soo eegay oo na weydiiyay, ‘Maxaad u diidan tihiin?’” ayuu sarkaalkaas u sheegay Caasimada Online—su’aal ay dad badani u fasirteen inay tahay taageero cad oo loo hayo mowqifka dowladda. Cadaadiskaas loo arkay ayaa calaamad u ah waxa ay dadka qaar u arkaan isbeddel la taaban karo oo ku yimid doorka Turkiga ee Soomaaliya. In kasta oo Ankara ay in ka badan toban sano saaxiib weyn ka ahayd dhinacyada amniga iyo horumarka, waxay dhaqan ahaan iska ilaalin jirtay inay si toos ah ugu lug yeelato siyaasadda gudaha ee dalka ee cakiran. Isbeddel ku yimid dhex-dhexaadnimadii Ankara? Sannado badan, Turkiga waxaa loo arkayay saaxiib joogto ah balse aan dhinacna raacsanayn oo Soomaaliya ay leedahay. Kaalintiisu waxay ahayd mid la taaban karo: boqollaal milyan oo doollar oo lagu maalgaliyay kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ku jiraan dib-u-dhiska garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo dekedda weyn, dhismaha isbitaallo, iyo keenista gargaar ballaaran oo bini’aadannimo. Dhinaca militariga, Turkiga wuxuu saldhig weyn oo ku yaal caasimadda ku tababaraa ciidanka kumaandooska Gorgor ee sida gaarka ah u tababaran. Laakiin xubnaha mucaaradka ayaa hadda ka walaacsan in aragtidaas ay isbeddeleyso. “Dhinaca Turkiga uma muuqan inay si dhab ah u fahmeen xaaladda siyaasadeed ee adag ee dalka,” ayuu yiri xubin kale oo mucaaradka ka tirsan oo kulanka joogay. “Way ka duwan yihiin saaxiibbada kale ee caalamka; Turkigu khibrad ku filan uma laha siyaasadda gudaha iyo doorashooyinka Soomaaliya.” Kulanka laftiisa ayaa la sheegay inuu isagu iskiis u abaabulay safiirka Turkiga, inkastoo aysan Ankara ka tirsanayn kooxda udub-dhexaadka ah ee “C6+” ee saaxiibbada caalamka—oo ay ku jiraan QM, Mareykanka, UK, iyo Midowga Yurub—kuwaasoo loo xilsaaray inay kormeeraan geeddi-socodka siyaasadeed ee rasmiga ah. Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, danjiraha Turkiga wuxuu kulanka ku furay isagoo ku booriyay dhammaan dhinacyada inay dejiyaan xiisadihii u dambeeyay, oo ay ku jirto tan ka dhalatay qabashada markab hub siday oo laga qabtay meel ka baxsan xeebaha maamul-goboleedka Puntland. Xiriirka siyaasadeed oo sii xoogeysanaya Khilaafkan diblomaasiyadeed wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu jiro muran salka ku haya qaabka ay Soomaaliya u qabanayso doorashooyinkeeda soo socda. Maamulka Madaxweyne Maxamuud ayaa riixaya nidaam doorasho oo qof iyo cod ah—kii ugu horreeyay ee dalka ka dhaca tan iyo 1969-kii. Si kastaba ha ahaatee, isbaheysiga mucaaradka, oo loo yaqaan Madasha Badbaado Qaran, ayaa walaac culus ka muujiyay. Waxay ku doodayaan in Soomaaliya aysan lahayn amniga, qaab-dhismeedka sharciyeed, iyo kaabayaasha saadka—sida tirokoob la isku halleyn karo iyo nidaam diiwaangelinta codbixiyeyaasha—ee looga baahan yahay si loo qabto doorasho qof iyo cod ah oo caddaalad ah oo daah-furan. Dad badan ayaa ka cabsi qaba in geeddi-socodka la is-daba marin karo, taasoo dalka u horseedi karta xasilooni darro hor leh. Isku dayo hore oo lagu hirgelinayay doorashooyin toos ah ayaa meel la iska dhigay iyadoo lagu beddelay habab doorasho oo dadban, halkaasoo odayaasha dhaqanka iyo ergadu ay doortaan xildhibaannada. Calaamadaha muujinaya isku soo dhowaansho siyaasadeed oo sii kordhaya oo u dhexeeya Ankara iyo Villa Soomaaliya ayaa noqonaya kuwo aad u muuqda. Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa dhowaan u safray Ankara si ay “khibrad is-dhaafsadaan” mas’uuliyiinta doorashooyinka Turkiga. Intaa waxaa dheer, saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada ee Madaxweyne Maxamuud ayaa la kulmay dhiggooda oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Turkiga ee Caddaaladda iyo Horumarka (AKP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Goobjoogayaashu waxay xuseen isku ekaanshaha afkaarta iyo xitaa magacyada ee labada xisbi. In kasta oo tallaabadan diblomaasiyadeed ee ugu dambeysay ee Turkigu ay walaac ku abuurtay safafka mucaaradka, haddana beesha caalamka intiisa kale waxay weli u aragtaa wadahadallada socda ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo mucaaradkeeda inay yihiin rajada ugu wanaagsan ee lagu gaari karo heshiis is-afgarad ah oo lagu xaqiijin karo xasiloonida jilicsan ee dalka.
  17. Hageysa (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil naxtin leh oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa, kadib markii nin ku hubeysnaa bistoolad uu toogasho ka gaystay bartamaha magaaladaasi oo xarun u ah Maamulka Somaliland. Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay boosteejo laga raaco basaska u kala goosha xaafadaha Haregysa, wuxuuna falka dhacay fiidkii hore, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in ninka hubeysan uu beegsaday dadkii ka shaqeynayay basaska ee ku sugnaa goobta, waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Khadra Cabdi Jaamac oo kamid ah dadkii goobjoogga ahaa ayaa la hadashay warbaahinta, waxayna ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen, iyada oo tilmaamtay in ninka bistoolada watay uu goobta yimid, kadibna uu fuliyay toogashada, waxaana ku dhintay hal wiil, iyadoo mid kale uu dhaawacmay, kuwaas loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. “Goorto waxay ahayd habeen abaare saaladdii Cishaha haadkaa koonfur xiga ayuu marayay ninka wuu cararaayay bistooladna wuu laaladsanayay dadka ay waxyeelladu soo gaartay waa laba inan mid wuu dhintay, midna waa dhaawac” ayay tiri Khadra Cabdi. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in ninka weerarka gaystay uu goobta isaga baxsaday, kahor, inta aysan soo gaarin ciidamada ammaanka ee Somaliland. “Qofka dilka gaystay lama qaban dariiqa ayuu maray, waana baxsaday, ninkuna wuxuu ahaa nin jab yar oo dhuuban oo aad u cararaya” ayuu mar kale tiri Khadra. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Booliska Somaliland oo ku aadan dhacdadan, waxaase haatan soconayo baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan falkaasi. Si kastaba, Lama oga sababta ka dambeysa dilka, wuxuuna argagax wayn ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan reer Hargeysa oo haatan dalbanaya in dambiilaha lasoo qabto
  18. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa ku eedeeyay dalka ay jaarka yihiin ee Itoobiya inuu si firfircoon ugu jiro diyaar garow dagaal, isla markaana uu eedeymaha diblomaasiyadeed u adeegsanayo daah uu ku qarinayo ujeeddooyinkiisa, tallaabi si weyn sare ugu qaadaysa xiisadda, islamarkaana halis gelinaysaa inay iska hor imaad ku dhowaadaan labadan dal ee Geeska Afrika ku xifaaltama. Wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta gudaha, ayuu hoggaamiyahan ruug-caddaaga ah ku gacan sayray warqad ay Addis Ababa u dirtay Qaramada Midoobay, taasoo Eritrea ku eedeynaysay gardarro, wuxuuna ku tilmaamay mid “layaab leh oo carruurnimo iyo been abuur ah.” “Xaqiiqdii, tani waxay ahayd been rakhiis ah oo uu Xisbiga Barwaaqo (Prosperity Party) ku doonayay inuu ku daboolo diyaar garowgiisa dagaal,” ayuu yiri Isaias, isagoo ula jeeday xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed. Eedeyntan cad ayaa imaanaysa bilooyin kadib markii uu sii xumaanayay xiriirka labada dal, kaasoo bilaabay inuu muroogoodo dabayaaqadii 2023-kii, markaasoo uu Abiy ku adkeystay “xaqa dabiiciga ah” ee Itoobiya u leedahay inay hesho marin badeed. Waa hadal daandaansi ah oo ka dhex dhacay gobol ay arrimaha madax-bannaanida iyo helitaanka badda ay yihiin kuwo aad xasaasi u ah. Itoobiya waxay ahayd waddan aan bad lahayn tan iyo sanadkii 1993-kii, markaasoo ay Eritrea xorriyaddeeda ka qaadatay kaddib dagaal qaraar oo socday 30 sano, iyadoo la wareegtay dhammaan xeebtii dalkaas ee Badda Cas. Labada dal ayaa markii dambe galay dagaal kale oo xuduudeed oo ba’an intii u dhaxaysay 1998 iyo 2000, kaasoo galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof. Heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo la gaaray 2018-kii ayaa si ku-meel-gaar ah u soo yareeyay xiisaddii, xitaa wuxuu horseeday iskaashi xilligii uu socday dagaalkii Tigray. Laakiin is-afgaradkaas jilicsanaa ayaa tan iyo markaas bur-buray. Xiisadaha gudaha oo la weecinayo Madaxweyne Isaias wuxuu meesha soo dhigay in hoggaamiyeyaasha Itoobiya ay hurinayaan colaad dibadeed si ay dareenka dadweynaha uga weeciyaan dhibaatooyinka baahsan ee dalkooda ka jira. “Qalalaasaha aan maanta ka aragno Itoobiya runtii waa mid aan horay loo arag,” ayuu yiri, isagoo farta ku fiiqay waxa uu ku tilmaamay guul-darrada dowladda ee ku aaddan fulinta buuxda ee Heshiiskii Nabadda ee Pretoria (Pretoria Peace Agreement) oo la saxiixay bishii Nofeembar 2022, kaasoo si rasmi ah u soo afjaray dagaalkii Tigray. Eritrea, inkastoo ay garab siisay ciidamada Itoobiya, haddana kama aysan mid ahayn dhinacyadii heshiiskaas saxiixay, waxaana tan iyo xilligaas Mareykanka iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen inay carqaladeynayso dhaqan-gelintiisa. Sidoo kale, Isaias wuxuu shaki geliyay go’aanka ay dowladda Itoobiya “dagaal aan laga fiirsan kula gashay FANO,” oo ah maleeshiyo awood badan oo ka dhisantay gobolka Amxaarada. Iska horimaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maleeshiyadan oo horey xulafo u ahaa ayaa si xowli ah u socday tan iyo bartamihii 2023-kii, taasoo sii kordhisay xasilooni-darrada dalka. Madaxweynaha Eritrea ayaa hadalkiisa sii wata, wuxuuna ku eedeeyay Itoobiya inay ka hormarisay xiisad abuur milatari wadahadalladii diblomaasiyadeed. Wuxuu sheegay in Addis Ababa ay ku mashquulsan tahay “hanjabaado iyo gooddin maalinle ah,” ayna ku faanayso inay heshay “diyaarado aan duuliye lahayn (drones) iyo gantaallo ridada dheer, taankiyo iyo wixii la mid ah,” iyadoo ujeeddadu tahay “inay ku beegsato Eritrea.” Inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin sheegashooyinkan gaarka ah ee ku saabsan iibsiga hubka, haddana Itoobiya waxay si fagaare ah u ballan-qaadday inay casriyeynayso ciidankeeda qalabka sida. Si kastaba ha ahaatee, Isaias wuxuu adeegsaday hadal adag oo iska caabbin ah, isagoo ka digay in la dhayalsado adkaysiga Eritrea, kaasoo ay soo shiileen tobanaan sano oo colaadeed. “Anagu ma jecelin dagaal. Laakiin waxaan galnay dagaallo nalagu soo qasbay,” ayuu yiri. “Sida taariikhdu marqaati ka tahay, si fiican ayaan u naqaannaa sida aan dalkeenna u difaacno mar haddii nalagu soo duulo.” Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray baaq toos ah oo uu ku doonayo in looga fogaado waxa ay falanqeeyayaashu ka cabsi qabaan inuu isu beddelo colaad goboleed oo baahda. “Shacabka Itoobiya ha ku ridina dagaal aan waxba tarayn; diiradda saara xalinta dhibaatooyinkiina dhabta ah,” ayuu ku boorriyay Isaias, isagoo isla markaasna caddeeyay in Eritrea ay si feejigan ula socoto xaaladda. “Waa inaan qaadannaa taxaddarrada lagama maarmaanka ah, maxaa yeelay gebi ahaanba meesha lagama saari karo in la qaado tallaabooyin nacasnimo ah.”
  19. Muxuu yahay nuxurka war-saxaafadeedka ay Puntland ka soo saartay arrinta markabka Hubka ? Dowlad Gobaleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed hordhaca ah ka soo saartay markabka Sea world oo haatan lagu hayo dekedda Boosaaso, islamarkaana sida shixnad hub oo aan ilaa hadda cidina sheegan. Puntland waxay sheegtay in markabku uu dhawr maalmood sharci-darro ku joogay xeebaha maamulkaas, islamarkaana aysan jirin wax wargelin ah ama caawimaad uu soo weydiistay dhinacooda, taas oo meesha ka saaraysa cudur-daarka cilladda. Sidoo kale Xukuumadda Siciid Deni waxay cuskatay qodobo kamid ah xeerarka caalamiga ah uu ay sheegtay inay xaq u siinayaan inay markabkaas baaritaan ku samayso, islamarkaana tillaabo sharci ah ka qaado asaga iyo ciddii arrintiisa ku lugyeelataba. Dhanka kale Puntland waxay sheegtay in markabkaasi uu halis ku yahay amnigeeda iyo jiritaankeeda, islamarkaana laga soo qabtay asagoo ku sugan aag dagaal oo ay ka dhowyihiin dagaalameyaasha kooxda Daacish. Si kastaba ha ahaatee inkastoo Puntland ay sheegtay inay weli markabka baaritaan iyo hubin ku waddo, haddana war-saxaafadeed hordhaca ah ayaa nuxurkiisa laga dhadhansan karaa inay Xukuumadda Deni qiil sharci u raadinayso sidii ay hubka ula wareegi lahayd, ka dibna ula degi lahayd. Source: goobjoog.com
  20. Dowladda Iran ayaa wada-hadallo cusub la galaysa midowga yurub, ayadoo laga arrinsanayo barnaamijka nukliyeerka dalkaas todobaadyo uun ka dib dagaalkii dhex maray Israa’iil iyo Tehran iyo duqeymihii Mareykanka ee xarumaha Nukliyeerka Iran. TV-ga dowladda Iran ayaa sheegay in Tehran ay ogolaatay in ay ka qeyb-gasho wareeg cusub oo wada xaajood ah, kaas oo ay la yeelanayso dalalka Britain, Jarmalka, iyo Faransiiska, iyada oo laga jawaabayo codsiga Yurub. wareegga cusub ee wada-xaajoodka saddexdan dal iyo Iran ayaa jimcaha soo socda lagu qaban doono magaalada Istanbul. Kulankan oo ay isugu imaan doonaan wasiir ku xigeennada arrimaha dibadda ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iran, sida ay xaqiijisay warbaahinta rasmiga ah ee dalkaasi. Iran ayaa horay u sheegtay inaysan wax gorgortan ah ka geli doonin barnaamijkeeda Nuclear-ka, yadoo weerarkii Mareykanka ee xarumeheeda ka dib billowday dayac-tir degdeg ah. Source: goobjoog.com
  21. Suwayda (Caasimada Online) – Qabaa’ilka Badawiyiinta hubeysan ee Suuriya ayaa maalintii Axadda ku dhawaaqay inay ka baxeen magaalada Suwayda oo ay u badan yihiin dadka dariiqada Druze-ka haysta ama Al-Muwaxidiinta, ee Israa’iil ay sheegtay in ay taageereyso si ay u bad-baadiso. Ka bixitaankan ayaa yimid kaddib iska hor-imaadyo socday muddo toddobaad ah iyo xabbad-joojin uu Mareykanku garwadeen ka ahaa, xilli ay gawaarida gargaarka bini’aadannimo billaabeen inay galaan magaaladaas ku taal koonfurta ee ay colaaddu burburisay. Iska hor-imaadyadii u dhexeeyay maleeshiyooyinka dariiqada diimeed ee laga tirada badan yahay ee Druze-ka iyo qabaa’ilka Muslimiinta Sunniga ah ayaa waxaa ku dhintay boqollaal qof, waxayna halis geliyeen inay carqaladeeyaan marxaladda kala-guurka ee Suuriya ee xilliga dagaalka kaddib oo markii horeba jilicsanayd. Sidoo kale, Israel waxay tobanaan duqeyn oo dhinaca cirka ah ka fulisay gobolka Suwayda oo ay u badan yihiin Druze-ku, iyadoo beegsanaysay ciidamada dowladda oo lagu eedeeyey in ay la safan yihiin reer baadiyaha ama Badawiyiinta. Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Axmad al-Sharca, oo loo arkayay inuu u janjeero dhanka reer baadiyaha, ayaa isku dayay inuu qanciyo bulshada Druze-ka, isagoo isla markaasna dhaleeceynayay maleeshiyooyinka. Wuxuu markii dambe ku boorriyay reer baadiyaha inay ka baxaan magaalada, isagoo sheegay “inaysan beddeli karin doorka dawladda ee ku aaddan maaraynta arrimaha dalka iyo soo celinta amniga.” “Waxaan uga mahadcelineynaa Badawiyiinta mowqifyadooda geesinimada leh, laakiin waxaan ka dalbanaynaa inay si buuxda ugu hoggaansamaan xabbad-joojinta ayna u hoggaansamaan amarrada dawladda,” ayuu yiri khudbad laga sii daayay maalintii Sabtida. Waa ayo Druze? Dariiqada diimeed ee Druze ayaa unkatay qiyaastii 1,000 sano ka hor, iyagoo ka farcamay Ismaaciiliya, oo ah laan ka tirsan mad-habta Shiicada ee Islaamka. Inta badan cibaadooyinka diimeed ee Druze waa kuwo qarsoon, iyadoo dadka aan ka tirsanayn aan loo oggolayn inay diintooda soo galaan, sidoo kalena si adag ayaa looga digaa guurka ay la yeeshaan dadka aan iyaga ahayn. In ka badan kala bar tirada dadka Druze-ka ah ee adduunka oo lagu qiyaaso hal milyan ayaa ku nool dalka Suuriya. Inta soo hartay ee Druze-ka ah waxay u badan yihiin dalalka Lubnaan iyo Israel, oo ay ku jiraan deegaannada Buuraha Golan, oo ay Israel ka qabsatay Suuriya Dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, kuna darsatay dhulkeeda sanadkii 1981-kii. Waa kuwan qaar ka mid ah xaqiiqooyinka ku saabsan dariiqada Druze: Mabaadi’da Druze-ka “Mabda’a asaasiga ah ee bulshada Druze-ku waa inay is-difaacaan, taasoo la micno ah inay midba midka kale difaaco,” ayuu yiri Makram Rabah, oo ah borofesar ku-xigeen ka dhiga taariikhda Jaamacadda Mareykanka ee Beirut (American University of Beirut). “Haddii qof Druze ah oo jooga meel kasta oo adduunka ka mid ah uu u baahdo caawimaadda qof kale oo Druze ah, si toos ah ayuu u helayaa,” ayuu yiri Rabah. “Waxaad qayb ka tahay bulsho weyn.” Wuxuu carrabka ku adkeeyay sida dhaqamada bulsho iyo kuwa hidde ay bulshada isugu hayaan. “Waa qabiil weyn,” ayuu yiri. Guurka lala yeesho dadka aan ka tirsanayn dariiqada lama dhiirrigeliyo. Rabah wuxuu sheegay in Druze-ka caadiga ah ay go’doominayaan dadka guursada qof aan iyaga ka mid ahayn. “Waxaad halis ugu jirtaa in lagugu takooro xagga bulshada iyo is-dhexgalka,” ayuu yiri. Xiriirka dowladda Suuriya Druze-ka Suuriya waxay leeyihiin taariikh dheer oo ay ku sameysanayeen waddo u gaar ah si ay ugu dhex noolaadaan awoodaha dalka. Waxay si weyn ugu lug lahaayeen kacdoonnadii ka dhanka ahaa Cusmaaniyiinta iyo gumeystihii Faransiiska si loo dhiso dawladda casriga ah ee Suuriya. Inta badan Druze-ku waxay u dabaaldegeen ridistii kaligii-taliyihii Suuriya, Bashar Assad, bishii Diseembar, laakiin way ku kala qaybsanaayeen xukunka madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Axmad al-Sharca. Rabshadihii ugu dambeeyay waxay bulshada ka dhigeen kuwo aad uga shakisan hoggaanka cusub ee Suuriya, kana walaacsan suurta-galnimada wada-noolaansho nabadeed. Gudaha Israel, xubno ka tirsan bulshada Druze-ka ayaa ku baaqay in lasoo farageliyo si loo ilaaliyo Druze-ka Suuriya. Laakiin meelaha kale ee gobolka, hoggaamiyeyaasha Druze-ka ayaa diiday faragelinta Israel. Maleeshiyooyinka Druze-ka Maleeshiyooyin dhowr ah oo Druze-ku hubeeyaan ayaa jiray sanado badan, kuwaasoo markii hore loo aasaasay si ay bulshadooda uga difaacaan dagaalyahannada kooxda Dowladda Islaamiga ah (Daacish) iyo kuwa daroogada ka soo tahriibiya saxaraha bari. Assad, isagoo caga-jiidaya, wuxuu Druze-ka siiyay heer ismaamul ah, maadaama ay doonayeen inay ka fogaadaan ka qaybgalka jiidda hore ee dagaalka. Druze-ka waxaa laga dhaafay qoritaanka qasabka ah ee ciidanka Suuriya, taas beddelkeedana, waxay aasaaseen kooxo hubeysan oo deegaanka ah, kana kooban shaqaale iyo beeraley, si ay u ilaaliyaan deegaannadooda. Tan iyo markii xilka laga tuuray Assad, Druze-ku way ka caga jiideen inay hubka dhigaan. Natiijadu waa kalsooni darro is-jiitamaysa, halkaasoo taageerayaasha dowladda ay kooxaha Druze-ka ku tilmaamayaan gooni-u-goosato suurtagal ah ama qalab ay adeegsato Israel, halka cadaawadda dowladda ay sii qoto dheeraynayso walaaca Druze-ka.
  22. Bosaso (Caasimada Online) – Somalia’s semi-autonomous state of Puntland has formally accused the crew of a seized Turkish-flagged vessel of violating international law and posing a direct threat to regional stability by illegally entering its waters with a sophisticated arms shipment and anchoring in a known ISIS conflict zone. Following the interception of the MV Sea World, Puntland’s government intensified its rhetoric, detailing a list of grievances that frame the vessel’s presence as a deliberate and dangerous provocation. The federal government in Mogadishu, the alleged recipient of the cargo and a close ally of Turkey, remains silent. “This ship lacked any legal permission for its presence in Puntland waters, which contravenes international agreements on protecting maritime sovereignty, specifically the UN Convention on the Law of the Sea,” Puntland’s Ministry of Information declared in a forceful statement. Authorities claim the ship’s clandestine presence near the coastal town of Bareeda is especially alarming. “Its clandestine presence poses a great danger to the security of Puntland, especially as it was in an area where the government is fighting terrorist groups,“ the ministry said. ‘A very serious matter’ Puntland’s primary accusation centers on the vessel’s location and behavior. Officials allege the MV Sea World was anchored for two days in “an area of the war against the Daesh (ISIS) group,“ a move they said brings “additional danger to the peace and stability of the region.” The government further accused the vessel of flouting maritime protocols. “This ship violated the international rules which state that a foreign ship cannot illegally enter the territorial sea of another state, especially when it carries visible weapons that can create a security risk,“ the statement added. The cargo, allegedly destined for Somali federal forces in Mogadishu, is said to include heavy weaponry with Turkish markings. An independent source cited by local media claimed the shipment contains armored combat vehicles and advanced anti-aircraft systems not previously seen in the region. Before the Puntland Maritime Police Force secured complete control of the ship, local sources reported that some lighter weapons—such as rifles and pistols—were looted by armed civilians in the Caluula district, where the vessel had initially anchored. According to Caasimada Online sources, the ship had suffered a mechanical failure and drifted toward Puntland’s coast, where it was later escorted to the port of Bosaso. Puntland has asserted its right to act under international law and has launched a formal inquiry into the incident, which risks escalating political friction within Somalia and beyond. “The government is now conducting a formal investigation to determine the ownership of this vessel, its true purpose, and what it is carrying,“ the information ministry announced, adding a stern warning. “Puntland will hold accountable anyone involved in the violation of maritime law and the security risk posed by this ship.” The seizure was carried out by the Puntland Maritime Police Force (PMPF), a robust local security force that is largely equipped and trained by the United Arab Emirates. This backing places the incident at the crossroads of a wider geopolitical rivalry between the UAE and Turkey, which holds significant influence in Mogadishu. Turkey is a key security partner for Somalia’s central government, having signed a broad defense pact to build and equip the Somali navy. It also runs a major military base in Mogadishu. This close relationship contrasts with the UAE’s long-standing support for semi-autonomous states, such as Puntland, creating a complex web of alliances.
  23. Asmara (Caasimada Online) – Eritrean President Isaias Afwerki has accused neighboring Ethiopia of actively preparing for war and using diplomatic accusations as a smokescreen — a sharp escalation in tensions that risks pushing the Horn of Africa rivals closer to confrontation. In a recent interview with local media, the veteran leader dismissed a letter from Addis Ababa to the United Nations — which accused Eritrea of aggression — as an “astounding and infantile” fabrication. “This was indeed a cheap lie by the Prosperity Party to cover-up its war preparations,” Isaias said, referring to the ruling party of Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. The blunt accusation comes after months of worsening relations, which began to fray in late 2023 when Abiy asserted Ethiopia’s “natural right” to a port — a provocative stance in a region where sovereignty and sea access remain deeply sensitive issues. Ethiopia has been landlocked since 1993, when Eritrea gained independence after a brutal 30-year war, taking with it the country’s entire Red Sea coastline. The two nations later fought another devastating border war between 1998 and 2000, costing tens of thousands of lives. A historic peace agreement in 2018 briefly thawed relations, even leading to cooperation during the Tigray conflict. But that fragile détente has since unraveled. Internal turmoil as pretext President Isaias suggested that Ethiopia’s leaders are stoking external conflict to deflect attention from deepening crises at home. “The turmoil that we see in Ethiopia today is really unprecedented,” he said, pointing to what he called the government’s failure to fully implement the Pretoria Peace Agreement signed in November 2022, which formally ended the Tigray war. Eritrea, although it fought alongside Ethiopian forces, was not a party to the deal — and has since been accused by the U.S. and human rights groups of undermining its implementation. Isaias also questioned the Ethiopian government’s decision to “unleash a reckless war against FANO,” a powerful militia in the Amhara region. The federal government’s conflict with its former allies has been raging since mid-2023, further destabilizing the country. The Eritrean president went on to accuse Ethiopia of prioritizing military escalation over diplomacy. He charged that Addis Ababa was engaged in “daily saber-rattling,” boasting about its acquisition of “drones and long-range missiles, tanks etc.” with the intent to “unleash [them] against Eritrea.” While these specific military procurement claims could not be independently confirmed, Ethiopia has publicly committed to modernizing its armed forces. Still, Isaias struck a defiant note — warning against underestimating Eritrea’s resolve, hardened by decades of conflict. “We have no appetite for war. But we have fought imposed wars,” he said. “As history attests, we know how to defend our country when and if attacked.” He closed with a direct plea aimed at avoiding what analysts fear could spiral into a wider regional conflict. “Do not plunge the people of Ethiopia into a futile war; focus on solving your real problems,” Isaias urged, while making clear that Eritrea was watching closely. “We must take the necessary precautions, as one cannot totally rule out acts of folly.”
  24. Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in markabka lagu magacaabo MV Sea World ee ay dhowaan qabteen uu si sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha magaalada Bareeda laba maalmood, isaga oo aan wax codsi caawimaad ah soo gudbin, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xuduudaha badda. Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xog hordhac ah ay muujinayso in markabkaasi uusan la socon wax sharciyad ah oo oggolaanaya joogitaankiisa biyaha Puntland, taas oo ka hor imaneysa heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta madax-bannaanida badeed ee dalalka, gaar ahaan Xeerka Qaramada Midoobay ee Badda (UNCLOS 1982), sida ay hadalka u dhigtay. “Markabkan waxa uu jebiyay xeerarka caalamiga ah ee dhigaya in markab shisheeye uusan si sharci-darro ah ku geli karin biyaha xuduudda badeed ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu xambaarsan yahay hub muuqda oo halis amni abuuri kara,” ayaa lagu yiri bayaanka. Sida lagu xusay, MV Sea World waxa uu ku sugnaa meel kamid ah aagga dagaalka lagula jiro kooxda Daacish (ISIS), taasoo Puntland ku tilmaantay mid khatar dheeraad ah ku keenaysa nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka. Puntland waxay sheegtay inay haysato awood sharci ah oo ay ku baari karto maraakiibta soo gasha biyaha ay maamusho, iyadoo cuskaysa qodobbada 25(1) iyo 27(1) ee xeerka UNCLOS. “Dowladdu waxay hadda ku guda jirtaa baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo cidda iska leh markabkan, ujeeddadiisa dhabta ah, iyo waxa uu sido,” ayay tiri wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay in baaritaanka kadib lala xisaabtami doono cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha xadgudubka. Sidoo kale, bayaanku wuxuu xusay in markabkan uusan raacin nidaamka diblomaasiyadeed ee looga baahanyahay maraakiibta leh halista ciidan ama sharci-darrada ah, kuwaas oo waajib ku ah inay si rasmi ah u wargeliyaan dowladda ay gelayaan biyahaheeda. Wasaaraddu waxay shacabka Puntland iyo beesha caalamka la wadaagtay in joogitaanka markabkaasi si dhuumasho ah uu khatar weyn ku yahay ammaanka Puntland, gaar ahaan maadaama uu ku sugnaa aag ay dowladda kula dagaallameyso kooxaha argagixisada. “Waa meel muhiim ah oo ay dhowaan ka dhaceen howlgallo ka dhan ah argagixisada caalamiga ah, sidaa darteed joogitaanka markab shisheeye oo aan fasax haysan waa arrin aad u culus oo u baahan feejignaan dheeraad ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Puntland oo ka gaabsaday in la magacaabo. Puntland ayaa sheegtay inay si buuxda ugu go’an tahay difaaca madax-bannaanideeda, ilaalinta biyaha xuduudaheeda iyo xaqiijinta ammaanka, iyadoo sheegtay in wixii ka dhasha baaritaanka markabkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah. “Puntland waxay la xisaabtami doontaa cid kasta oo ku lug yeelata xadgudubka sharciga badda iyo halista amni ee markabkan wato,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka dowladda. Sabtidii, Ciidanka Booliska Badda ee Puntland (PMPF), oo ah ciidan amniga gobolka ah oo ay inta badan tababareen isla markaana maalgeliyaan Imaaraadka, ayaa xaqiijiyay inay la wareegeen markabka sitay calanka Turkiga ee MV Sea World. Markabka ayaa waxaa laga leeyahay dalka Turkiga, wuxuuna ku socday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu gayn rabay hubka iyo gaadiidka uu sido. “Hubka oo dhan waxa uu xambaarsan yahay calaamado Turkish ah,” ayuu sarkaal ka tirsan Puntland u sheegay warbaahinta deegaanka, mana uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca iyo tirada hubka. Si kastaba ha ahaatee, ilo madax-bannaan oo ku dhow kiiskan ayaa Caasimada Online siisay xog horudhac ah, inkastoo aan weli la xaqiijin. Sida ay sheegeen, xamuulka waxaa ka mid ah hub culus oo kala duwan, gaadiidka dagaalka ee gaashaaman, iyo qoryaha casriga ah ee lidka diyaaradaha oo lagu tilmaamay “kuwo aan horey loo keenin Geeska Afrika,” iyo sidoo kale qalab militari iyo rasaas noocyo badan leh. Dowladda Federaalka Soomaaliya — oo si weyn ugu tiirsan Turkiga dhinacyada taageerada milatari, horumarinta kaabayaasha, iyo gargaarka bini’aadannimo — ayaan si fagaare ah uga hadlin qabashada markabka.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, iyagoo sii wadaya wadahadalkooda. Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu tanaasul sameeyey. Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Golaha Samatabixinta ka aqbalay in dib loogu noqdo cutubka 4-aad ee dastuurka oo ah cutubka siyaasadda oo wax walba ku dhan yihii, kaasi oo horey baarlamanka uu wax uga beddelay. Arrintan ayaa ahayd mid ka mid ah qodobadii ugu xasaasisanaa ee doodda adag ay ka taagneyd, waxaana muuqata in madaxweynuhu markan uga tanaasulay mucaaradka. Xubno ka tirsan mucaaradka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diyaar u yahay inuu ka laabto cutubka afaraad ee dastuurka, kaas oo uu khilaafku ka taagnaa. Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in madaxweynuhu uusan weli go’aan kama dambeys ah gaarin, balse uu qorsheynayo inuu arrintaasi wadatashi kala yeesho hay’adaha ay khusayso. Natiijada wadatashiyadaas ayaa la filayaa in dib loogu soo bandhigo kulanka soo socda oo lagu wado inuu dhaco 10-ka bisha Agoosto. Mucaaradka oo ka niyad wanaagsan sidii hore ayaa galabta maqribkii ka dareeray Villa Somalia, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga tanaasulay arrinta dib-u-eegista ama wax-ka-bedelka dastuurka — taasoo uu Xasan Sheekh horey ugu bixiyey xoog, xoolo, xilal iyo waqti badan. Inkasta oo aan faahfaahin rasmi ah laga soo saarin shirkii u dhexeeyey madaxweynaha iyo mucaaradka, haddana warar hoose ayaa sheegaya in tanaasulka Madaxweynaha ee dastuurka uu yahay mid uu wax uga bedelanayo mucaaradka, gaar ahaan arrinta doorashooyinka. Qodobada ay mucaaradku kaga soo horjeedaan dowladda federaalka waxaa ka mid ah qaabka loo marayo doorashada iyo guddiga doorashooyinka, oo ay u yaqaannaan “guddi lagu muransan yahay.” Inkasta oo ay aqbaleen in la qabto doorasho qof iyo cod ah, ama ugu yaraan mid u dhow, haddana waxay dalbanayaan dadaal dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo arrintaas. Sida la sheegay, madaxweynaha ayaa damacsan in mucaaradka looga dhaafo arrinta doorashooyinka, isagoo weli ku adkeysanaya in dowladdiisu qaban karto doorasho qof iyo cod ah — taasoo ay suuragal tahay in uu tanaasulka uu ka sameeyey dib-u-eegistii dastuurka uu uga bedelanayo taageero ama ogolaansho ku saabsan arrimaha doorashada. Ka laabashada isbeddellada dastuurka ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayaa inuu mucaaradka uga beddesho in ay taageeraan hab-raaca doorashada ee dowladda uu hoggaamiyo. “Isu-dheellitirka uu madaxweynuhu sameeyay ee ku saabsan dastuurka waxa uu u muuqdaa mid lagu doonayo in mucaaradku ay ka tanaasulaan diidmadooda la xiriira hannaanka doorashada,” ayuu yiri falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho. “Madaxweynuhu waxaa si buuxda ugu go’an in uu hirgeliyo doorasho hal-qof hal-cod ah, waxaana suurtagal ah in tani noqoto qiimaha uu ku bixinayo.” Soomaaliya kama aysan dhicin doorasho hal-qof hal-cod ah tan iyo sanadkii 1969. Tobannaan sano, dalka waxa uu ku tiirsanaa hannaan dadban oo ku saleysan awood-qaybsiga beelaha, kaas oo odayaasha iyo ergooyinka beelaha ay doortaan xildhibaannada baarlamaanka, kuwaas oo markaas kadib dooranaya madaxweynaha. Isbeddelka lagu tallaabsanayo ee dhanka cod-bixinta tooska ah waa tiir dhexe oo ka mid ah dadaallada beesha caalamka ee lagu dhisayo dowladnimo madax-bannaan oo ka hanaqaada Soomaaliya, halkaas oo wali ay ka jirto kacdoon hubeysan oo ay wadaan dagaalyahanada Al-Shabaab. Hase yeeshee waddadaas waxa ay weli wajahaysaa caqabado culus oo dhinacyada farsamada, siyaasadda, iyo ammaanka ah — taas oo sii hurisay shakiga laga qabo suurta-galnimada doorasho qaran oo toos ah. Dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu qabto doorashooyin toos ah ayaa si is-daba joog ah dib ugu dhacay, taas oo keentay in ay dhacaan marar badan xaalado siyaasadeed oo qalafsan — gaar ahaan rabshadihii dhimashada dhaliyay ee ka dhacay Muqdisho ka hor doorashadii dib loo dhigay ee sanadkii 2022. Inkasta oo aysan jirin war rasmi ah oo laga soo saaray kulankii ugu dambeeyay ee Villa Somalia, haddana hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa la arkay iyagoo si ka farxad badan sidii hore uga baxaya xarunta madaxtooyada — taasoo loo fasiray inay jirto rajo cusub.