Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,032
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siineyso ardayda dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Suudaan ee haatan.ku nool gudah Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay abaal weyn ku leedahay dadkeenna oo muddo dheer ardayda Soomaaliyeed ka caawineysay waxbarashada. “Dowladda Suudaan waxa ay kamid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya. Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda XFS Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa isna maanta la kulmay ku-simaha safiirka Suudaan ee Soomaaliya Amb. Ammar Axmed Babiker. Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal. Labada dhinac ayaa waxay adkeeyeen muhiimadda xiriirka laba geesoodka ah iyo wada-shaqeynta arrimaha labada dal danaynayaan. Sidoo kale waxaa la isla fallan-qeeyey xaaladda gobolka iyo tan caalamka, gaar ahaan xaaladda Suudaan, iyada oo wasiir Fiqi uu muujiyey taageerada buuxda ee Soomaaliya u hayso shacabka Suudaan. The post DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo loogu abaal gudayo Suudaan – Maxay tahay? appeared first on Caasimada Online.
  2. Xaaladda degmada Badhan ee Gobolka Sanaag oo ay shalay ka dhaceen iska hor-imaad hubaysan iyo muddaharaadyo rabshado wata ayaa saaka deggan. Magaalada waxaa weli ku sugan Rag sheegtay guddiga Siyaasadda Maakhir oo uu hoggaaminayo xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dhoorre kuwaasi oo shalay iska caabiyay is hor taag ay ku sameeyeen ciidamo ka tirsan Puntland. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xildhibaan hore Dhoorre iyo raggiisa ay u yimaadeen ciidamo gurmad ah kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in xukuumadda Puntland doonayso in la soo qab-qabto. Waxgaradka iyo odayaasha degmada Badhan ayaa dhinaca kale wada waan-waan lagu dejinayo xiisaddii shalay ka dhacday halkaasi islamarkaana lagaga hortagayo in iska hor-imaad iyo rabshado danbe ka dhacaan magaalada. PUNTLAND POST The post Xaaladda degmada Badhan oo saaka deggan iyo odayaasha degaanka oo waan-waan ku hawllan appeared first on Puntland Post.
  3. Mogadishu (HOL) — The Banadir regional administration has suspended the commissioner of Hodan district, along with several members of his administration, for 45 days due to reported negligence. Source: Hiiraan Online
  4. Golayaasha deegaanka ee Soomaaliya waxay ka ciyaarayaan door muhiim ah horumarinta bulshada iyo maamulka deegaanka. Xilliyada dhaqaale ee wanaagsan, waxay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ku bixiyaan dhaqaale si loo xoojiyo oo loo dhiso golayaashan. Si kastaba ha noqotee, kala dirista golayaasha deegaanka waxay saameyn ku yeelan kartaa maamulka iyo horumarka degmooyinka. Maqaalkani wuxuu falanqeyn doonaa fursadaha jiritaanka golayaasha deegaanka, sababaha shaqo kala dirista, iyo dhibaatooyinka ka dhasha. Fursadaha Ay Leedahay Jiritaanka Golayaasha Deegaanka a. Maamulka Hufan: Golayaasha deegaanka waxay fursad u leeyihiin in ay si hufan u maareeyaan adeegyada aasaasiga ah, sida caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Jiritaanka golayaasha waxay ka caawisaa in la abuuro qorshayaal wax ku ool ah oo ka turjumaya baahiyaha bulshada. b. Ka Qaybgalka Bulshada: Golayaashu waxay fursad siinayaan bulshada in ay ka qaybqaataan go’aan qaadashada, taasoo xoojineysa kalsoonida iyo iskaashiga bulshada. Jiritaanka golayaashan waxay dhiirrigelisaa in dadka deegaanka ay helaan cod iyo fursad ay ku muujin karaan aragtidooda. c. Horumarinta Dhaqaalaha: Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, sida Hay’adda Qaramada Midoobay, UNDP, iyo kuwa kale, ayaa dhaqaale ku bixiya helitaanka golayaasha deegaanka. Tani waxay ka caawisaa in la abuuro fursado shaqo iyo mashaariic horumarineed oo ka faa’ideysta khayraadka deegaanka. Sababaha Shaqo Kala Dirista a. Khilaafaadka Siyaasadeed: Kala dirista golayaasha deegaanka waxay inta badan ka dhalataa khilaafaadka dhexdooda, gaar ahaan marka madaxda degmada ay ka heshiiyaan mashruuc ama khilaaf u dhexeeya xubnaha golaha. Tani waxay keeni kartaa in la burburiyo ama la hakiyo hawlaha maamulka. b. Maamul Goboleedyada oo Aan U Suurin: Dhibaatooyinka maamul goboleedyada ayaa sidoo kale door ka ciyaara shaqo kala dirista golayaasha deegaanka. Mararka qaarkood, maamul goboleedyada ayaa aan si habboon u maareynin hawlaha deegaanka, taasoo keeni karta in golayaasha ay ku jiraan cadaadis iyo dhibaatooyin aan loo baahnayn. c. Dib u Eegista Siyaasadda: Mararka qaar, golayaasha deegaanka waxaa la kala diray si loo sameeyo dib-u-eegis iyo dib-u-habeyn siyaasadeed, iyadoo la raadinayo in la helo golayaal cusub oo wax ku ool ah. Dhibaatooyinka Ka Dhasha Shaqo Kala Dirista a. Horumar La’aan: Kala dirista golayaasha deegaanka waxay sababi kartaa in mashaariicda horumarinta ay istaagaan, taasoo keeni karta hoos u dhac ku yimaada tayada adeegyada bulshada. b. Saameynta Bulshada: Kala dirista golayaasha deegaanka waxay sidoo kale saameyn taban ku yeelan kartaa is-dhexgalka bulshada. Khilaafaadka ka dhasha kala dirista waxay keeni karaan xadgudub iyo muran dhexdooda ah, taasoo hoos u dhigaysa kalsoonida bulshada. c. Dhibaatooyinka Dhaqaale: Shaqo kala dirista waxay keeni kartaa in hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay ka waayaan kalsooni maamulka, taasoo saameyn ku yeelan karta maalgelinta mustaqbalka. Source: goobjoog.com
  5. Mogadishu (HOL) — A violent clan conflict broke out on Monday in the Mudug region, resulting in four deaths and leaving 11 others injured, according to local reports. Source: Hiiraan Online
  6. Ottawa (Caasimada Online) – Canada ayaa Isniinti shalay ceyrisay lix diblamaasi oo uu ku jiro sarkaal heerkiisu sarreeyo, kuwaas oo lala xiriiryay dilka hogaamiye ka tirsanaa kooxda gooni u gaasadka bulshada Siingaha ee Hindiya oo lagu khaarijiyay gudaha Canada. Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu sheegay, in dowladdiisu heyso “caddaymo cad oo adag oo muujinaya in wakiillada dawladda Hindiya ay ku hawlanaayeen isla markaana wali wadaan hawlo khatar weyn ku ah nabadgelyada dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalka. Goor sii horreysay oo shalay aheyd, Hindiya ayaa ka jawaabeysa tallaabada Canada, ayaa iyaduna si aargudasho u amartay in dalkeeda laga raacdeeyo lix diblamaasi Canadiyan ah oo uu ku jiro sarkaal darajadiisu ay sarreyso. Hindiya waxay kaloo sheegtay in ay u yeeratay danjiraheeda Canada. Muranka dibalamaasiyadeed ee labadan dal ayaa u muuqda in uu kasii darayo. Wuxuu billaabay in uu dabco wixi ka danbeeyay marki uu ra’iuslwasaare Justin Trudeau sannadki hore shaaciyay, in dowladdiisu heyso caddeymo muujinaya in saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Hindiya ay ka danbeeyeen dilki Canada loogu geystay hogaamiyihi bulshada Siingaha Hardeep Singh Nijjar. Hindiya ayaa in muddo ahba diidaneyd eedaha Canada. Iyada oo ku eedeysay ra’isulwasaare Trudeau nin ajandayaal siyaasadeed ka leh Indiya. The post Canada oo ceyrisay diblumaasiyiin sare oo Hindi ah + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) — Egypt and Sudan have doubled down on their opposition to the newly ratified Nile River Basin Cooperative Framework Agreement (CFA), marking a new chapter in the long-standing regional dispute over water resources. Source: Hiiraan Online
  8. Canada ayaa dalkeeda ka ceyrisay lix diblamaasi oo uu ku jiro sarkaal heerkiisu sarreeyo, kuwaas oo lala xiriiryay dilka hogaamiye ka tirsanaa kooxda gooni u gaasadka bulshada Siingaha ee Hindiya oo lagu khaarijiyay gudaha Canada. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu sheegay, in dowladdiisu heyso “caddaymo cad oo adag oo muujinaya in wakiillada dawladda Hindiya ay ku hawlanaayeen isla markaana wali wadaan hawlo khatar weyn ku ah nabadgelyada dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalka. Goor sii horreysay oo shalay aheyd, Hindiya ayaa ka jawaabeysa tallaabada Canada, ayaa iyaduna si aargudasho a u amartay in dalkeeda laga raacdeeyo lix diblamaasi Canadiyan ah oo uu ku jiro sarkaal darajadiisu ay sarreyso. Hindiya waxay kaloo sheegtay in ay u yeeratay danjiraheeda Canada. Muranka dibalamaasiyadeed ee labadan dal ayaa u muuqda in uu kasii darayo. Wuxuu billaabay in uu dabco wixi ka danbeeyay marki uu ra’iuslwasaare Justin Trudeau sannadki hore shaaciyay, in dowladdiisu heyso caddeymo muujinaya in saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Hindiya ay ka danbeeyeen dilki Canada loogu geystay hogaamiyihi bulshada Siingaha Hardeep Singh Nijjar. Source: goobjoog.com
  9. Ahmed Issa Awad, has warned that Somalia's recent alliance with Egypt and Eritrea was rushed and is unlikely to last, citing profound differences in governance and regional interests. Source: Hiiraan Online
  10. Jamie Leweling's debut goal against the Netherlands gave Germany a narrow 1-0 win in UEFA Nations League Group A3 on Monday. Source: Hiiraan Online
  11. In recent years, Turkish construction companies have increasingly engaged in projects involving air and sea ports across Africa. Source: Hiiraan Online
  12. (ERGO) – Community leaders are alarmed by the growing misuse of the painkiller Tramadol among rural pastoralists in central Somalia’s Galgadud region. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo. Amarkaan waxaa horay u soo saartay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya, waxaana dalka laga joojiyey isticmaalka bacaha. “Iyadoo la tiraacayo warqadda kasoo baxday Xafiiska Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee JFS, kuna taariikhaysaneyd 17/09/2024 Ujeedaduna ahayd wargelin ku saabsan joojin bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, Hay’adaha ay ku socoto warqadaan waxaa lagu wargelinayaa in aan Dalka lasoo gelin karin, lana dhoofin karin bacaha fudud ee halka mar ia isticmaalo laga bilaabo 1-da October 2024,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda dekedaha ka soo baxay. Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, isla markaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah. Maalin ka hor, Afhayeenka ciidanka booliska oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la xiri doono ganacsadihii lagu arko isagoo ka ganacsanaya bacaha, waxaana xusid mudan in lasoo xiray xubno ka ganacsanayey Bacda. “Waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doonaa suuq kasta oo lagu iibinayo bac, ganacsigooda ayaa la xiri doonaa, waa la mamnuucay bacda, waxaana awaamiir kale dul dhigeynaa amarkii lagu mamnuucay ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka, waana waajib in loo hogaansamo amarkaas,” ayuu yiri afhayeenka booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan. Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka sii yaraanaya isticmaalka bacda, waxaana lagu bedeshay Seledo iyo Baco kale oo maro ama suuf ka sameysan, kuwaas oo dowladdu ay ogolaatay in la isticmaalo. Inta badan caalamka lagama isticmaalo bacahaan, waxaana la xaqiijiyey inay khatar ku tahay deegaanka, dunida oo dhan waxaa ka jirta saameyn ka dhalatay isbedelka cimillada iyo wasaqowga hawada, waxaana hadda lagu dadaalayaa in la yareeyo waxyaabaha khatarta ku ah hawada iyo deegaanka, si loo helo cimilo hagaagsan. The post DF Soomaaliya oo amar culus ku soo rogtay dekedaha dalka appeared first on Caasimada Online.
  14. Sida ay xaqiijisay hay’adda Laanqeerta Cas ee Lubnan, ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen guryo ku yaalla waqooyiga dalka Lubnan. Duqeynta ayaa lala eegtay guri ku yaalla xaafadda Cayto oo ah halka ugu badan ee ay ku nool yihiin bulshooyinka masiixiga Lubnaan ee dhinaca waqooyi. Wariyaasha ayaa sheegaya in aaggaasi ay aad uga fog yihiin xarumaha kooxda Xisbullah. Xisbullah ayaa ku xooggan dhinacyada koofurta iyo bariga Lubnan. Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib, markii weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbulah ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal waqooyiga Israa’iil ay ku dileen afar askari oo dhammaantood ahaa 19 jirro. Weerarka oo sidoo kale lagu dhaawacay 7 kale, ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ay u geystaan Isra’il, tan iyo marki ay milatariga Isra’il billaabeen duullaanka dhulka ah ee ay ka wadaan waqooyiga Lubnan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israa’iil oo duqeeyay gooba ay ku badan yihiin Masiixiyiinta Lubnaan appeared first on Puntland Post.
  15. 463150362_2097095334018507_1244003942319905966_n Qaran News
  16. Afgooye (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la kulmay xubno kamid ah maamulka degmada Afgooye, wuxuuna kala hadlay kiiska askartii habeen ka hor lagu laayey degmadaas ee ka tirsanaa nabad Sugidda Soomaaliya. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Madaxweyne Laftagareen ayaa maamulka degmada ka dalbaday in aan la aasin meydka askartii lagu laayey Afgooye. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dilka askartaas ku eedeeyay ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana jira khilaaf culus u dhaxeeya Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Laftagareen ayaa maamulkiisa u sheegay in aan lagu kalsoonaan karin dowladda dhexe, lana aasi karin askarta dhimatay. Sidoo kale Laftagareen ayaa ehellada iyo maamulka degmada Afgooye ku qanciyey inuu socdo baaritaan, isla markaana lagu xisaabtami doono kiiskaan, inta baaritaankaasi uu socdo ayuu dalbaday in aan la aasin meydka oo isaga laga war sugo. Sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA, sidoo kalena ahaa taliyihii amniga ee waaxda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye ayaa habeen hore isaga iyo ilaaladiisa lagu dilay gudaha magaaladaas. Gurigiisa ayaa saq-dhexe lagu weeraray, laguna dilay, weerarkaas waxaa geystay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, sida markii horaba ay sheegayeen xogaha hordhaca ah. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Anwar, waxaana lala dilay saddex kamid ahaa ilaaladiisa, falkaas ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay caro xoogan, waxaana degmada Afgooye gilgilay banaanbaxyo dadweyne. The post Laftagareen oo amray in aan la’aasin sarkaalkii la dilay iyo ilaaladiisa, kiis adagna ku furay DF appeared first on Caasimada Online.
  17. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa Magaaladda Geneva ee wadanka Switzerland uga qeybgalay furitaanka kalfadhiga 149-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU. Shirka waxaa sanadkan looga hadlayaa ka faa’iidaysiga sayniska, teknoolojiyada iyo hal-abuurka (STI) si loo helo mustaqbal nabdoon oo waara,waxaana madaxa ka qeyb galeysa shirka inta uu socdo is-weydaarsan doonaan aragtiyadooda ku aadan mowduuca shirka iyaga oo talooyinkooda ku biirin doona. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo khudbad ka jeedin doona shirka ayaa waxa uu kaga hadli doonaa xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha dowladu ay ka gaartay la dagaalanka Argagaxisada, aminga guud ee Dalka iyo sidoo kale horumarka jira. Source: goobjoog.com
  18. Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, taasi oo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya ay horay go’aan uga soo saartay. War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu wargeliyay maareeyaha dekedda muqdisho, shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Aadan cadde, iyo maamulka furdada inaan dalka la soo gelin karin bacaha halka mar la isticmaalo ee loo yaqaanno “bac qafiifta”. Bacahan oo bedqabka deegaanka iyo noolahaba halis ku ah, islamarkaana waxyeello baaxad leh u geysta ayaa horay looga mamnuucay qaar kamida deegaannada Soomaalida. Source: goobjoog.com
  19. Mogadishu (HOL) — Somali Upper House Speaker Abdi Hashi Abdullahi has reversed his decision to remove Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama from the Upper House of Parliament following accusations that Jama had failed to attend several parliamentary sessions. Source: Hiiraan Online
  20. Baydhabo (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxeysa maamulka degmada Xudur iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii uu wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed uu soo saaray amar uu ku kala direyo maamulka degmada. Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in go’aanka uu ku kala diray maamulka degmada Xudur iyo xubnaha golaha deegaanka ee degmadaas u yimid kadib wada-shaqeyn la’aan maamulka ah. Go’aanka kala dirista maamulka degmada Xudur ayaa waxaa si adag uga horyimid xubnaha la kala diray oo maanta warbaahinta la hadlay. Xubnahan oo iska diiday amarka maamulka Koonfur Galbeed kasoo baxay ayaa waxay ku eedeeyeen wasiirka arrimaha gudaha maamulka inuu khatar ku yahay nabad-galyada ka jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Guddoomiyaha degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud, ku-xigeenka 1-aad Cali Xuseen Xasan iyo kan 2-aad Raxmo Nuur Aadan oo ay wehliyaan xubnaha golaha deegaanka ayaa si cad uga hor yimid go’aanka kala dirista ah. Xiisadda ka taagan Xudur ee gobolka Bakool ayaa imaneysa xilli ay weli go’doon ku jirto, islamarkaana ay bulshadeeda wajahayaan culeyso xooggan, maadaama ay kooxda Al-Shabaab ku hayso cadaadis horleh. Si kastaba, arimahan ayaa uga sii daraya xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe gashay jahwareer, iyada oo ay sii kordheen isku dhacyada siyaasadda, beelaha iyo xitaa masuuliyiinta xilalka haysa dhexdooda. The post Xiisadda XUDUR oo cirka isku shareertay kadib tallaabadii maamulka K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen wuxuu dhowrkii billood ee lasoo dhaafay u sheegayay saaxiibadiisa siyaasadda inuu rabo inuu aado doorasho dadban oo aan sii daahin. Wuxuu qaatay laba sano oo muddo kororsi ah, wuxuuna muddo xileedkiisi rasmiga ahaa ku eeka bishii December 2022. Mararka qaar waxaa afkiisa laga wariyay inuu raadinayo cid la qaadata go’aanka doorasho dadban. Haddii uu Axmed Madoobe u bareero go’aankaas aniguna waan ku raaci doona ayaa kamid aheyd kalmadaha ka tegay Lafta-gareen. Si lamid ah madaxda Galmudug iyo Jubbaland wuxuu sheegi jiray inuu rabo in uu dagaal siyaasadeed la galo Xasan Sheekh, balse labadii uu sheegi jirayba waa soo mareen Lafta-gareen muddo 30 cisho gudahood. Mid waa dagaal siyaasadeedkii, midna waa go’aanka doorasho dadban. Lafta-gareen isaga iyo Xasan Sheekh fooda ayey isdareen bartamaha bishii lasoo dhaafay ee September, wuxuuna helay dad badan oo siyaasiyiin iyo shacab ah oo ku taageersan arrintaas. Laakiin waa ku adkeysan waayey dagaalkiisa, wuxuuna dadkii uu dagaalka geliyay dhaafsaday farriinti loo soo dhibay Taliye Shub. Markale 2-dii bishaan October waxaa Muqdisho iskugu tegay madaxda maamullada iyo kuwa dowladda federaalka ah. Axmed Madoobe ayaa la yimid go’aan ah muddo kororsi iyo sharci darro kale ma rabo waxaana qabanayaa doorasho. Lafta-gareen oo la sugayay inuu arrintaas ku raaci doono Axmed Madoobe, ayaa dhinaca kale ka wareegay, waxaana isaga iyo Qoor-Qoor ay waqtigooda u badan geliyeen in Axmed Madoobe laga fujiyo go’aankiisa doorashada oo taas bedelkeeda la qaato hal sano oo cusub oo muddo kororsi ah. Ninkii raadinayay inay Xasan Sheekh isqabtaan, ninkii raadinayay qaab uu tareenka uga boodo, ninkii raadinayay cid u bilowda rabitaanka doorasho dadban, ayaa hal mar 1000 degree wareegay, wuxuuna hadda Qoor-Qoor la wadaaga ololaha muddo kororsi doonka ah. Axmed Qoor-Qoor isaga waa la fahmi karaa sababta uu u raadinayo muddo kororsi oo rag culus oo xoolo iyo xoogba aan kursiga laga qaadan karin ayaa tartan kula jira. Laakiin Lafta-gareen oo isagu sheegan jiray inay fursadiisa soo laabashadu 100% tahay inuu sidan oo dhan isku beddelo ayaa dad badan ka yaabisay. Si fudud hada waxaa jirta laba Lafta-gareen, mid dhiifoon markii uu banaanka joogo oo u muuqda nin horey u socon kara oo iswadi kara iyo mid la jooga Xasan Sheekh oo aan dookh siyaasadeed laheyn, kuna qasban wixii ay rabto Villa Somalia. Inkasta oo siyaasiyiinta Soomaalidu badi ku suntan yihiin mowqif la’aan, hadana dhowr qof oo jili jirey inay mowqif leeyihiin ayaa hadda dib loo baranayaa. The post Lafta-gareen ‘oo si fudud isku baray’ dadkii ku jahwareersana siyaasaddiisa kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  22. Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 7-aad, ayaa howlgallo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeeyn xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, sida at sheegtay warbaahinta dowladdu. Deegaanada Ciidanku ay howlgallada ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah, Doonka, Tixsiile, Warmaxan, Waraaboole iyo kuwa kale, waxaana Ciidanka ay Bur-Buriyeen goobo fariisimo u ahaa kooxda Alshabaab, sida laga soo xigtay Taliyaha guutada 7-aad ee Ciidanka Xoogga dalka gaashaanle dhexe Axmed Cabdi Cali. Howgalkan ayaa qeyb ka ah gulufka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ay wadaan ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta oo kaashanaya xoogagga deegaanku. Source: goobjoog.com