-
Content Count
211,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa go’aamiyay in aan hantida dadweynaha, shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada loo adeegsan karin ollolaha doorashooyinka Maamulkaasi. Wareegtooyin ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayuu ku go’aamiyay in aan hantida dadweynaha, shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada loo adeegsan karin ollolaha doorashooyinka. “Waxa reebban in hantida danta guud ee qaranka nooc kasta oo ay tahay in loo adeegsado ollolaha doorashooyinka innagu soo foolka leh. Sidoo kale, waxa reebban in shaqaalaha dowladda iyo ciidammada kala duwan ee qalabka-sidaa ay ku lug-yeeshaan, kana qayb-galaan ollolaha” ayaa lagu yiri Wareegtooyinka. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale Warbaahinta dowladda ku amray in ay si siman u tebiyaan Wararka Olaha doorashada ee Axsaabta kala duwan ee Somaliland sida ku xusan Wareegtooyinkaasi. “Waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka in xisbigyada qaranka iyo ururada siyaasaddu u sinnaadaan war-baahinta dowladda ee kala duwan iyo baahinta wararka muddada ololaha doorashooyinka innagu soo foolka leh” ayay sii raaciyeen Wareegtooyinka. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale faray wasiirka arrimaha guddaha Maamulkaasi in loo sinnaado isticmaalka fagaarayaasha ollolaha muddada ollolaha doorashooyinka, isla markaana la sugo ammaanka shacabka iyo masuuliyiinta axsaabta iyo ururrada siyaasadda ee ku sugan fagaarayaasha ollolaha. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo go’aano ka soo saaray Adeegsiga Hantida iyo Warbaahinta dowladda xilliga doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Ururka Xisbullah ayaa wacad ku maray in uu kordhin doono dagaalka ay kula jirto Israa’iil, maalin uun ka dib markii ciidamada Israa’il ay sheegeen in ay dileen hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar, Bayaan kasoo baxay Xisbullah, ayay iyaga oo aanan soo hadal qaadin dilka Sinwar ku dhawaaqeen in ay u gudbeen marxalad cusub oo kor u qaadaysa iska horimaadyada ay kala soo horjeedaan Israa’iil, kaas oo ay sheegeen in uu ka muuqan doono dhacdooyinka maalmaha soo socda. Israa’iil ayaa Khamiisti sheegtay, in si lama filaan ah ay ciidamadooda ka dagaallamaya Gaza ay dileen Sinwaar. Waxay sheegeen in aysan ka warqabin goobta uu joogay. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in marki la dilayay Sinwaar ay isaga iyo laba nin oo kale oo la socotay ay si lama filaan ah loogu arkay dhismo ku yaalla Koofurta Gaza. Xamaas waxay xaqiijisay dilka Sinwaar. Khudbad laga baahiyay telefishannada ayuu madaxa Xamaas ee Gaza Khalil Al Xayya ku xaqiijiyay dilka hoggaamiyahoodii. Isaga oo ku tilmaamay geesi si sugan u sagaallamay oo ku dhintay shahiidnimo. PUNTLAND POST The post Xisbullah oo wacad ku maray in ay kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Delegates at Bretton Woods in 1944. Climate change, cycles of poverty, and economic conflict between superpowers create international problems that require international solutions © AP London (FT) — When the World Bank and IMF were conceived 80 years ago, the world was a very different place. Over half of the population lived in extreme poverty, protectionism was rife, and much of Europe had been razed to the ground. Tasked with postwar reconstruction and development, and promoting monetary co-operation, the Bretton Woods twins helped to turn things around. Destitution has fallen sharply. Trade now accounts for over 60 per cent of global GDP, and liberal democracies have sprouted across the world. Of course, the World Bank and IMF were not solely responsible for this progress, nor were their interventions without flaws. But armed with technical expertise, significant lending capacity, and convening power, the pair did fill a void where global co-ordination was lacking. As the twins gather next week for their annual meetings, however, they are confronting a new set of challenges which risk undoing some of what they have achieved so far. First, their authority as a global voice has weakened. The world’s economic and demographic centre of gravity has shifted away from the US and Europe and towards China and India. But voting power in both the World Bank and IMF remains disproportionately in the west’s favour, making it harder for the pair to claim to be a truly global voice. China is already estimated to be the world’s largest creditor. Its greater role in lending to the developing world has complicated the IMF’s debt restructuring processes and undermined the institutions’ loans, which are often conditioned on reforms. Second, the west is stepping away from many of the economic values that it backed both institutions to uphold. The US-China trade war has intensified. Tariff and non-tariff barriers are rising, as are calls for onshoring. A second “America first” agenda under Donald Trump would deepen this trend, which has seen globalisation slow and global co-operation wither. Third, the developing world looks fragile. This week, the World Bank warned that global poverty reduction had “slowed to a near standstill” amid damaged post-pandemic economies, shocks from wars in Ukraine and the Middle East, and mounting debt payments. Structural reforms have slowed and democratisation has been uneven. Finally, the fight against global warming has raised financial pressures on the Bretton Woods pair to support the climate transition, and to build resilience across the world to extreme weather. These are daunting pressures. But they only underscore why global co-operation is such a precious commodity. Climate change, cycles of poverty, and economic conflict between superpowers create international problems that require international solutions. As they have done before, the World Bank and IMF must adapt. No other set of institutions can match their levels of capital, experience, and support across continents. The pair are currently consulting on how they might evolve. There are a few areas they ought to focus on. They need to better represent the world they seek to govern, and use their standing with shareholders, other lenders, and private investors to raise more finance and restructure debts faster. Their policy remedies for driving growth and reducing indebtedness also need to be more attuned to on-the-ground political realities. The world facing the World Bank and IMF may look different today, but the spirit in which they were forged at Bretton Woods remains as important as ever. As US Treasury secretary Henry Morgenthau Jr said in his closing address at the conference in 1944: “We have come to recognise that the wisest and most effective way to protect our national interests is through international co-operation.” © Financial Times The post Why the World Bank and IMF matter more than ever As global co-operation wilts, the twins must adapt to new realities appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin dheer oo ka kooban 30 qodob, taas oo looga hadlay dhacdooyinka toodobaadkii lasoo dhaafay. Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka. Hoos ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:- 1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, isagoo tilmaamey in Soomaaliya ay cagta saartey waddadii horumarka. 2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Somalia ku qaabilay Kaaliyaha Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasadda, Rosemary DiCarla,iyagoo ka wadahadley horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatey iyo doorka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya. 3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed. 4-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk, iyo Madaxweynaha Masar ayaa kulan lagu xoojinayo iskaashiga saddexda dal ku yeeshay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. 5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ee magaalada Asmara. 6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed. 7-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo diiradda lagu saaray horumarinta siyaasadaha lagu xoojinayo kobaca dhaqaale ee dalka. 8-Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib la isugu soo laaban doono 26-ka bishan October. 9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho. 10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Marwo Fowsiya Bashiir Maxamed u magacaabay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. 11-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Sii-Hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. 12-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed. 13-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray saddex waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isagoo sheegay in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, isku socodka dadka, gaadiidka, bilicda, amniga iyo dhaqaalaha. 14-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Marina Walter oo ah Ku-xigeenka Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta ee Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP). 15-Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaalada Geneva uga qeybgalay furitaanka kalfadhiga 149-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU. 16-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Joachim Waern, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal. 17-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta, xiriirka iyo iskaashiga labada dal. 18-Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho u fidineysa qaxootiga reer Sudan ee ku nool Soomaaliya. 19-Wasiirka Beeraha Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa daah furay Barnaamijka U adkeysiga Nolosha Miyiga oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya. 20-Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Mudane Ammar Axmed Babiker, Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya. 21-Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Shirweynaha 70-aad ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka WHO Dr.Cali Xaaji Aadam Ayaa Doha ka furay kulanka 71-aad ee (RC71) oo looga hadlay Hormarinta caafimaadka adduunka. 22-Wasiirka Waxbarashada, Mudane faarax Sheekh Cabdulqaadir oo booqasho ku tagey dalka Norway ayaa kulan la yeeshey Wasiiru-Dowlaha Hormarintu caalamiga ah ee Norway, Marwo Bjork Sandkjaer. 23-Ha`adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saarta ku sheegtey in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drones) laga mamnuucey u isticmaalka agagaarka Garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho. 24-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa kulan la yeeshay Midowga Jaamacadaha dalka, iyagoo ka wadahadley Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo guddigu ku guda jiro diyaarinta warbixinta akhrintiisa labaad. 25-Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa tababar aqoon kororsi ah oo la xiriira sare u qaadista awooda shaqa gudasha shaqaaalaha u soo xiray qaar ka tirsan shaqaalaha wasaaradda. 26-Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u ansixiyay qaraar ay si wadajir ah u soo gudbiyeen Soomaaliya iyo UK, kaas oo diiradda saaraya caawinta Soomaaliya ee dhinaca xuquuqul insaanka. 27-Bayaan ka soo baxey Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka ayaa lagu mamnuucey soo dejinta bacda. 28-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa deegaanka Waniile ee gobalka Galgaduud kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xoogga Dalka ee Hawlgalka sifeynta Khawaariijta ka wada deegaanadda Galmudug iyo Hirshabeele 29-Taliyaha Ciidaanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa qaabiley Madaxda Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Kestitis lancinkas. 30-Guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa gacanta ku soo dhigay labo horjooge oo ka tirsan Khawaarijta oo ka hawlgalayey degaanadda Janaale iyo Shalambood ee gobolka Shabeelaha Hoose. The post Soomaaliya oo soo saartay warbixin xasaasi ah oo ka kooban 30 QODOB appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbullah ayaa sheegtay inay fuliyeen weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku qaadeen qaar kamid ah ciidanka Israa’iil ee fariisinta ka dhigtay saldhigga Ein Shemer, oo ku yaala bariga magaalada Hadera. Weerarka ayay sheegeen inay fuliyeen fiidnimadii jimcihii shalay ahaa, iyagoona sheegtay inay saldhigga ku weerareen tiro kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxa ay intaa hadalka ku dareen in ay weerarkaan uga jawaabayeen gantaallo iyo duqeymo ay Israa’iil ka fulisay gudaha Lubnaan. Xisbullah ayaa sidoo kale howlgalkaan ku tilmaamtay inuu kamid yahay kuwa is daba joogga ah ee ay ku weerarayaan Israa’iil, waxa ayna sheegeen inuu qeyb ka yahay “howlgalka Khaybar” kaas oo ka dhan ah xasuuqa ay Israa’iil ka waddo gudaha Lubnaan sida ay sheegeen. Dhanka kale Xisbullah ayaa sheegtay inay fulisay howlgallo noocaan oo kale ah oo loo adeegsaday gantaallo gaar ah oo lala beegsaday magaalada Haifa, bayaan ay soo saareen ayayna ku sheegeen in gantaalada ay la beegsadeen Al-Karyut oo ku taalla waqooyiga magaalada Haifa. Bayaanka Xisbullah ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerar gantaalo ah loo adeegsaday diyaarado Israa’iil ay leedahay oo howlgallo ka fulinayay hawada Lubnaan, gantaallo lagu weerarayna ay sababeen inay isaga laabtaan hawada. Askarta Israa’iil ee isugu imaanayay Aita al-Shaab, Kfarkila iyo Shlomi, ayay sidoo kale sheegeen inay weerarro ku qaadeen ayna sababeen inay dib u gurtaan oo ay howlgallada sii wadi waayaan. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay qabteen labo diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ka yimid dhanka Lubnaan, iyagoona xusay inay ka jawaabeen weerarka lagu soo qaaday. Ciidanka Israa’iil waxa ay sheegeen inay gantaallo ku weerareen sandhigyo ay leeyihiin Xisbullah, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo laga soo abaabulayay weerarada lagu qaado Israa’iil. Israa’iil ayaa duqeymo circa ah ka fulisay deegaano ka tirsan koonfurta Lubnaan Jimcihii shalay, waxaana kamid ah goobaha ay bartilmaameedsatay magaalooyinka Kafra, Majdal Zoun, Anqoun, Ma’roub, iyo koonfurta Taraya, sida ay ku dhawaaqday wakaaladda wararka Lubnaan. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka soo gudbay hawada Suuriya Dhanka kale ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inay qabteen “bartilmaameed hawada ah kadib markii shaki la muujiyay” waxa ay ciidanku sheegeen in dhanka Suuriya ay ka timid tuhun muujinaya diyaaradaha aan duuiyaha lahayn oo ka soo gudbaya xudduudda, Jimcihii. Balse kooxda kormeerka xuquuqda aadanaha ee Suuriya ay sheegtay in ay ahayd diyaarad aan duuliye lahayn oo ay soo rideen koox hubeysan oo ay taageerto Iran. Bayaan ay soo saareen ciidanka Israa’iil waxa ay ku sheegeen in “ciidanka cirka Israa’iil ay qabteen bartilmaameed hawada ah oo laga shakiyay kaas oo ka yimid dhanka hawada Suuriya, kahor inta uusan u gudbin gudaha Israa’iil”. Kormeerayaasha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil lagu weeraray ay yihiin kuwo ay leeyihiin koox Islaami ah oo Ciraaq ka soo jeedda. ‘Observatory’ oo loo adeegsado indha indheynta waxa ka dhaca dhulka iyo dhaqdhaqaaqyada guud ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in nidaamka difaacca cirka ee Israa’iil ay qabteen bartilmaameedyo dhanka Suuriya ka yimid gaar ahaan buuraha la heysto ee Golan. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la qabtay laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ay soo ganeen kooxaha iska caabinta Islaamiga ah ee ka dhisan Ciraaq. “Islamic Resistance in Iraq”, ayaa ah koox hubeysan oo taageero ka hela Iran, waxa ayna ku dhawaaqeen inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen Israa’iil. Bbcsomali Qaran News
-
Aqalka Kirimiliinka ayaa muujiyay maanta oo Jimce ah walaaca weyn ee uu ka qabo waxa uu ku tilmaamay “musiibada bini aadanimo” ee ka taagan Qasa iyo Lubnaan, mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd dilka hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwaar. Afhayeen u hadlay Aqalka Kirimiliinka oo la yiraahdo Dmitry Peskov oo ay soo xiganaysay wakaaladda France Press ayaa yiri “arinta aad noogu muhiimsan waa xaaladda dadka rayidka ah ee aan ku arkayno Qasa iyo Lubnaan, taas ayaa welwel badan nagu haysa”. Waxa uu tilmaamay Peskov isaga oo ay soo xiganayso wakaaladda warrarka ee Ruushka in “Israa’iil fulinayso ficilladeeda”. Sidoo kale Peskov waxa uu ku sheegay muuqaal internet ka la soo dhigay oo uu kaga hadlayay dilka Yaxye Sinwaar “warbaahinta ayaa si toos ah u tabinaysa dhacdooyinka maalinlaha ah, taasi waa horumarka laga sameeyay teknolojiyadda”. Bbcsomali Qaran News
-
Beirut (Caasimada Online) – Ururka Xisbullah ayaa Jimcihii wacad ku maray in uu kordhin doono dagaalka ay kula jirto Israa’iil, maalin uun ka dib markii ciidamada Isra’il ay sheegeen in ay dileen hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar, kaas oo ahaa ninki amray weerarki ay Xamaas ku qaadday koofruta Isra’il 7-dii October. Bayaan kasoo baxay Xisbullah shalay, ayay iyaga oo aanan soo hadal qaadin dilka Sinwar ku dhawaaqeen in ay u gudbeen marxalad cusub oo kor u qaadaysa iska horimaadyada ay kala soo horjeedaan Israel, kaas oo ay sheegeen in uu ka muuqan doono dhacdooyinka maalmaha soo socda. Isra’il ayaa Khamiisti sheegtay, in si lama filaan ah ay ciidamadooda ka dagaallamaya Gaza ay dileen Sinwaar. Waxay sheegeen in aysan ka warqabin goobta uu joogay. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in marki la dilayay Sinwaar ay isaga iyo laba nin oo kale oo la socotay ay si lama filaan ah loogu arkay dhismo ku yaalla Koofurta Gaza. Xamaas waxay xaqiijisay dilka Sinwaar shalay. Khudbad laga baahiyay telefishannada ayuu madaxa Xamaas ee Gaza Khalil Al Xayya ku xaqiijiyay dilka hoggaamiyahoodii. Isaga oo ku tilmaamay geesi si sugan u sagaallamay oo ku dhintay shahiidnimo. The post Xisbullah oo wacad ku martay inay xoojineyso dagaalka Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Palestinians inspect the damage following an Israeli airstrike on the El-Remal aera in Gaza City on October 9, 2023. Israel continued to battle Hamas fighters on October 10 and massed tens of thousands of troops and heavy armour around the Gaza Strip after vowing a massive blow over the Palestinian militants’ surprise attack. Photo by Naaman Omar apaimages In ka badan 30 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay ilaa 85 kalana way ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil xalay ku garaaceen guryo ku yaalla xerada Jabaaliya oo ah kaamka ugu weyn xerooyinka qaxootiga ee Gaza. Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in tirada dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama laga cabsi qabo in dadka qaar ay wali ku hoos jiraan burburka hoostooda. Wakaaladda wararka Falastiin ee loo soo gaabsho WAFA ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ku jiraan carruur. Dadka deegaanka ayaa sheegay in taangiyo lagu gubo guryaha qaar isla markaana lagu burburiyay waddooyinka. Ma jiro war war ah oo kasoo baxay dhinaca Isra’il oo ku saabsan dilka dadkaasi Falastiiniyiinta ah. Laakin Israa’iiliyiintu waxay sheegeen in howlgallo ay ka socdeen Jabaaliya labadi todobaad ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ku dileen tobnaan ka mid ah dagaalyahannada Xamaas. PUNTLAND POST The post GAZA: Israa’iil oo xalay dad rayid ah oo carruur ku jirto ku dishay Xero Qaxooti appeared first on Puntland Post.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa gaartay go’aan ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo hubaynta ciidamada xoogga Soomaaliya, waana go’aan walwal ku abuuray Itoobiya. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha Masar iyo Soomaaliya ay Itoobiya ku abuureen cabsi joogto ah oo ku timid kadib heshiiskii difaaca ee August. Masar ayaa wixii ka dambeeyey markii ay heshiiskaas la gashay Soomaaliya waxay toos u bilowday qorshayaal ay ka hortageyso saamaynta Itoobiya ee Geeska Afrika, iyadoo adeegsanaysa joogitaan ciidan oo khatar ku ah amniga Itoobiya. Xiisadaan ayaa qaraxday markii Itoobiya ay heshiis qar iska tuurnino ah la gashay Somaliland, bishii January 2024, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abaabuleysa xiisad diblomaasiyadeed iyo mid ciidan oo ka dhan ah Itoobiya. Dhanka Itoobiya walaac badan ayaa jira, wuxuuna Raii’sul Wasaare Abiy Axmed maanta bedelay wasiirkiisii arrimaha dibadda, isagoo soo magacaabay Dr. Gideon Timothy, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada Itoobiya. Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya, waxayna magacabisiisaan ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska la ah oo Soomaaliya ay ugu horeyso. Xiisadaha diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay dhex maquuraneyso waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska sharci darrada ah ee badda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ah mid muhiim u ah diblamaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda, iyadoo haatan ay Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay dalalka deriskeeda ah, khatarna ay ugu jirto inay dagaal la gasho dalal ay ugu horeeyaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea. The post Xog: Garab istaagga Masar ee Soomaaliya oo walwal ku abuuray Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Raii’sul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bedelay wasiirkiisii arrimaha dibadda isagoo soo magacaabay Dr. Gideon Timothy, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada. Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya, waxayna magacabisiisaan ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska la ah oo Soomaaliya ay ugu horeyso. Xiisadaha diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay dhex maquuraneyso waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska sharci darrada ah ee badda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskaas, iyadoo Itoobiya ku eedeysay faragelin iyo ku xad-gudub qaranimo, waxaa dhacay dagaal diblomaasiyadeed oo Soomaaliya ay kaga adkaatay Itoobiya, markastana waxaa suurtagal ah inuu bilowdo dagaal toos ah. Taye Atsik Selassie oo horey u ahaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa aad ugu howlanaa wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo fulinaya qorshaha jaha wareerka ah ee Abiy Axmed, waana sababta ay wadahadalaasi u miradhali waayeen. Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Itoobiya waa xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga Barwaaqo ee Abiy Axmed hoggaamiyo, wuxuuna ka mid yahay dhalinyaradii xilalka loo dhiibay ee xukuumadda soo galay kadib markii uu xukunka la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy. Markii hore, Dr. Gideon waxa uu soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaana uu ka mid ahaa ergadii ay dowladda u qaabilsanaa wada xaajoodyadii TPLF ee dalka Koonfur Afrika ka dhacay ee lagu soo afjarayay dagaalkii Tigray. Ninkaan cusub waxay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaaraha imika xilka haya ee Dr Abiy Axmed, waxaana la sheegay inuu khibrad durugsan u leeyahay arrimaha sharciga, bare dhanka sharciga ah ayuu mar ka ahaa Jaamacadda Addis Ababa, Jaamacadda Hawassa iyo Jaamacado kale. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ah mid muhiim u ah diblamaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda, iyadoo haatan ay Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay dalalka deriskeeda ah, khatarna ay ugu jirto inay dagaal la gasho dalal ay ugu horeeyaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea. The post Abiy Axmed oo bedelay wasiirkii arrimaha dibadda – Waa kuma kan cusub? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Hamas has confirmed that Yahya Sinwar, the leader of its political wing, was killed during combat with Israeli forces in Gaza. Sinwar, who had led the group since 2017, died in battle in southern Gaza, where he had been engaged in direct confrontations with Israeli troops. Hamas has vowed that Sinwar's death will not halt its struggle for Palestinian liberation, continuing its resistance against Israeli military operations. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Saxaraha Galbeed ayaa soo jeediyay in dhulkaas loo kala qeybiyo Morocco iyo jabhada Polisario ee madax-banaanida dooneysa si loo xaliyo colaadda soo jiitameysay tobanaan sano, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidaas ogaatay Khamiistii. “Waxaan si taxaddar leh dib ugu eegay oo aan u ballaariyay dhammaan dadka ay khusayso fikradda kala qeybinta dhulka,” Staffan de Mistura ayaa sidaas yiri intii lagu jiray kalfadhi xiran oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu yeeshay Arbacadii. Saxaraha Galbeed waxaa inta badan gacanta ku haysa Morocco, balse Jabhadda Polisario ee ay Algeria taageerto ayaa u ololaynasay madax-bannaanida dhulkaas tan iyo ka hor intii aanu gumaystaha Spain ka bixin sannadkii 1975-kii. Qaramada Midoobay waxay u aragtaa “dhul aan madax-bannaanayn”. Rabat, oo maamusha ilaa 80 boqolkiiba baaxadda dhulkan, ayaa u ololaysa qorshe is-maamul xaddidan lagu siinayo Saxaraha Galbeed, ayada oo uu qeyb ka ahaanayo Morocco. Polisario ayaa ku baaqaysaa afti aayo ka tashi oo Qaramada Midoobay mas’uul ka tahay, taasi oo la qorsheeyay markii xabad joojin la saxiixay 1991-kii, balse aan marnaba la fulin. De Mistura, oo ah 77-jir diblomaasi Talyaani-Swedish ah, wuxuu ahaa ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee dhulka saddexdii sano ee la soo dhaafay. “Doorashada noocan oo kale ah waxay mar ogolaan kartaa abuurista dawlad madax-bannaan oo ku taal qaybta koonfureed, marka kalena, in inta kale ee dhulka uu qayb ka noqdo Morocco, oo lahaaneysa madax-bannaanidiisa iyadoo si caalami ah loo aqoonsan yahay,” De Mistura ayaa sidaas u sheegay Golaha Ammaanka. Islamarkaana, waxa uu qiray “ma jirto calaamad muujinaysa rabitaan ah in laga fekero in la sahamiyo oo ka imaneysa dhanka Morocco ama Frente POLISARIO.” Polisario waxa ay sheegtay in qorshuhu uu ku guul daraystay in uu “ilaaliyo” xaqa ay dadka Sahraawi u leeyihiin aayo ka tashigooda. Sidi Omar, wakiilka Polisario ee Qaramada Midoobay, ayaa qoraal uu soo dhigay X ku sheegay in dhaq-dhaqaaqa “si adag u xaqiijinayo diidmo adag oo ku aadan ‘wax hindise’ ama ‘soo-jeedin ah’,”. The post QM oo sameysay soo jeedin xal u noqon karta colaadda soo jiitameysay ee… appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia has launched an ambitious 50,000-home residential project in Mogadishu's Kaaraan district to provide new housing and stimulate economic growth in the coastal capital. President Hassan Sheikh Mohamud laid the foundation stone for the Xeebta-Luulka ("Pearl Beach") project earlier this week, marking the start of a major urban development in Mogadishu's Kaaraan district. Source: Hiiraan Online
-
In the Horn of Africa, the time is now for preventative diplomacy. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya waxay sanad walba mushaar ahaan u qaatan lacag ku dhow 20 milyan oo dollar. Qarankan la kabo ee Soomaaliya ayaa mushaarka xildhibaannadiisa gaarsiiyay min 5,000 dollar bishii. 329 mudane oo labada aqal ah ayaa saddex meelood meel kamid ah aanay shaqeynin marka loo qeybiyo tirada maqnaashahooda sida ay sheegayaan howl-wadeenada baarlamaanka. Taas oo ka dhigan in 109 mudan aanay wax shaqo ah dalka u qaban sanad kasta, haddana ay mushaar joogto ah qaatan. Dhawaan waxaa banaanka usoo baxday doodda kursiga aqalka sare ee uu ku fadhiyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Jaamac, kaas oo la sheegay in uusan xaadirin fadhiyada golaha muddo labo sano iyo lix bilood ah. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka 30-kaas bilood waa qaadanayay mushaarka aqalka sare, isaga oo la sheegay in uusan shaqada xaadirin. Dagaal culus iyo buuq siyaasadeed ayuu kiciyay Saalax, kaas oo gaaray illaa madaxweynaha kadib markii loo sheegay inuu kursiya lumiyay, lana siiyay qof kale oo ku shaqeeya. Xiisadda ayaa markii dambe ku dhamaatay in Cabdi Xaashi lagu qanciyo inuu iska dhaafo isbedelka kursigaas. Dad badan ayaa la yaabay inuu ra’iisul wasaare ku-xigeenkii dalka u dagaalamayo xuquuq uusan shaqeysan, xilli laga sugaayay inuu isagu dabaqo dhaqan dowladeed oo wanaagsan. Hadda xafiiska ra’iisul wasaaraha kuma canaanan karo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda soo xaadirada shaqada ama xuquuqda ayaa la idinka jari doona, sababta oo ah ra’iisul wasaare ku-xigeenkii ayaa diiday inuu xuquuqdiisa lacageed ku waayo maqnaasho. Si lamid ah labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya muddo xileedkan iyo midkii ka horreeyay waxaa jiray xubno aan sanad tegi jirin golaha iskana qaadan jiray lacagta. Soomaaliya waxaa la kabaa 40 illaa 50% guud ahaan kharashaadka ku baxa dowladnimada, haddana lacagtaas waxaa qaata dad aan wax shaqo ah u hayn dowladnimada. Ka sakow inay tahay musuq, ceeb iyo mid aan diiniyan fiicneyn in aadan gudanin waajibkii lagugu siiyay mushaarka, haddana tani waxay sii dheereynaysa rejada laga qabo inay dowladnimada Soomaaliya waqti dhow cagaheeda isku taagto, sababta oo ah qaran aan laga shaqeyn oo mushaar un laga qaato ma buuxin karo shuruudaha isku filnaansho dowladeed. Madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha ayaa dhowr jeer ku baaqay isla xisaabtan, laakiin ma shaqeyn karo isla xisaabtanka haddii uusan dadka oo dhan wada gaarin oo ay ku jiraan xubnaha labada aqal, wasiirada, madaxda hay’addaha dowladda iyo guud ahaan xafiisyada sare ee dalka. In shaqaale hoosaadka oo keliya la xisaabiyo ma ahan xalka qarankan. Iyada oo mushaaraadku ay yihiin kuwo badan marka loo eego dhaqaale xumada ka jirta Soomaaliya, haddana in aanay shaqo qabanin dadkii lacagtaas qaadanayay waa xaqiijinta in aanay cidna ku mashquulsaneyn hagaajinta dowladnimada Soomaaliya. The post Soomaaliya: Qaranka aan loo shaqeyn ee laga shaqeysto – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
-
In any federal system, the separation of powers is a cornerstone of effective governance. This principle ensures that the executive, legislative, and judicial branches operate independently, each with distinct roles and responsibilities. The separation of powers prevents the concentration of authority in one branch and fosters a system of checks and balances that promotes accountability and limits overreach. In a federal country like Somalia, where regional governments wield not insignificant powers, the need for a strict separation of powers is even more critical to maintain stability and prevent the overextension of the central government’s influence. Source: Hiiraan Online
-
Ku xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Xamaas Khaliil Hayya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dhimashada Hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwaar oo shalay Israa’iil sheegtay in ay dagaal toos ah ku dishay. Bayaan ka soo baxay Xafiiska Ku xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa lagu sheegay in Hoggaamiye Yaxye Sinwaar ay dishay Israa’iil isaga oo u dagaallamaya si geesinimo leh oo hubkiisa gacanta ku haysta. “Wuxuu naftiisa u huray xorriyaddayada…. wuxuu u dhintay si geesinimo leh, madaxiisa kor u taagaya, oo haysta hubkiisa, oo rasaas ku ridaya ilaa neefta ugu dambeysa, ilaa daqiiqada ugu dambeysa ee noloshiisa” ayaa lagu yiri bayaanka Ururka Xamaas. Israa’iil ayaa ku dhawaaqday Khamiista in ay dishay Hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwaar oo ay ku tilmaantay shakhsigii abaabulay weerarkii October 7, 2023, ee dhaliyay dagaalka weli ka socda marinka Gaza. Yaxye Sinwaar waa Hoggaamiyihii labaad ee Xamas ee Israa’iil ay disho tan iyo markii uu dagaalka Gaza bilowday sanad ka hor. Israa’iil ayaa horey u dishay Ismaaciil Hanniyeh. PUNTLAND POST The post Xamaas oo si rasmi ah u shaacisay in Hoggaamiyahoodii Yaxye Sinwaar ay dishay Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Gaza (Caasimada Online) – Kooxda Xamaas ayaa goordhow xaqiijisay geerida Yaxye Sinwar, oo isagu dhawaan beddelay hoggaamiyihii hore ee Ismaaciil Haniyah. Dilka hoggaamiye Sinwar ayaa waxaa horey u sheegtay Israel oo ayadu si weyn u daba joogtay, kuna tilmaamtay “maskaxdii ka dambeysay xasuuqa iyo xadgudubyada” 7-dii October. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel Katz oo horey u shaaciyay geerida hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwar ayaa ka dhacay Marinka Gaza, isagoo ku tilmaamay guul militari oo muhiim u ah Israel. “Tan waa guul militari oo muhiim u ah Israa’iil iyo guul dunida xorta ah usoo hoyatay oo ka dhan ah xagjirnimada Islaamka ee Iiraan ay hoggaamiso,” ayuu yiri Katz. Waxa uu intaas kusii daray “Cirribtirka Sinwar waxay fureysaa suurtogalnimada sii deynta degdegga ah ee la heystayaasha waxayna waddada u xaareysaa isbeddel horseedi doonaa xaqiiqda cusub ee Qasa, oo ka maran maamulka Xamaas iyo Iiraan.” Raadiye u ku hadla afka ciidamada Israel ayaa ku warramay in dhacdadan ay dhacday mar howlgal uu ka socday magaalada koofurta Qasa ku taalla ee Rafax. Yaxya Sinwar waa bartilmaameedka ugu horreeya ee Israel ee Qasa, waxaana lagu eedeeyaa inuu mas’uul ka ahaa inuu ka dambeeyay weerarkii 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore gudaha Israa’iil lagu qaaday, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1200 oo qof. Sawirro googo’an oo lagu soo wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay qof u ek Sinwar oo dhex yaalla burburka dhisme. Ninkan ayaa tan iyo 2017-kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Wuxuuna dhawaan ahaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed. The post XAMAAS oo ku dhowaaqday geerida Yaxye Sinwar appeared first on Caasimada Online.