Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,074
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Somali cabinet has approved a budget of $1.34 billion for the Federal Government for 2025, representing a 24.4% increase from the previous year’s allocation of $1.079 billion. This increase is attributed to rising domestic revenue and the necessity to address recurring expenditures, with projected domestic revenue set at $429.4 million—up 24% from $346.2 million in 2024. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Uganda on Friday for a working visit to reinforce the critical partnership between Somalia and Uganda. The trip underscores Somalia’s ongoing efforts to build stronger ties with regional allies as the country navigates the transition from African Union forces to exercise more control of its own security. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Uganda on Saturday for a working visit to reinforce the critical partnership between Somalia and Uganda. The trip highlights Somalia's ongoing efforts to build stronger ties with regional allies as the country navigates the transition from African Union forces to exercise more control of its own security. Source: Hiiraan Online
  4. CAIRO, Egypt (HOL) — Egypt has firmly rejected accusations made by Sudan's Rapid Support Forces (RSF) that Cairo is providing military support to the Sudanese Armed Forces (SAF) amid Sudan's deepening civil war. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo looga warbixiyay Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay in mudada uu Madaxweynuhu joogo dalka Uganda waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni. “Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. Safarka Madaxweynaha Soomaaliya a ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Uganda kala hadli doona qorshaha kala guurka howgalka ATMIS appeared first on Puntland Post.
  6. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha ay booqasho uga bilaabatay dalkaasi, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Yoweri Museveni. Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Xasan Sheekh uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono madaxweynaha dalka Uganda, isaga oo kala hadli doono arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka. “Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha. Sidoo kale madaxweynaha ayaa safarkiisa Kampala kadib u gudbi doono waddamada kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si uu ugala hadlo kala guurka howlgalka ATMIS. “Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya” ayaa lasii raaciyay qoraalka. Soomaaliya ayaa haatan wadda qorshe ballaaran oo ku aadan sidii ay ugu diyaar garoobi lahayd beddalka ATMIS, waxaana la diyaarinayaa ciidamo kale oo beddalaya, iyada oo dowlado cusub lagu soo kordhin doono, sida Masar oo haatan diyaaray ciidamo cusub. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka dagay dalka Uganda + Qorshihiisa appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) — A drone launched from Lebanon struck Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu's residence in Caesarea, an affluent resort town 55km north of Tel Aviv. Source: Hiiraan Online
  8. The latest developments are set to further exacerbate tensions with Ethiopia, whose relations with the government in Mogadishu are at loggerheads over the controversial memorandum of understanding signed on January 1st between the authorities in Addis Ababa and those of the self-proclaimed Republic of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  9. The newly established Nile River Basin Commission (NRBC) has been charged with addressing the contentious issue of the Nile River’s equitable use. However, raised geopolitical tensions in the Horn of Africa region will make this difficult to accomplish. Source: Hiiraan Online
  10. Kismaay (Caasimada Online) – Taliska howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa saldhigga deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose maanta ku wareejiyay ciidamada Jubbaland, gaar ahaan kuwa nabad-sugidda, kadib munaasabad ka dhacday halkaasi. Saldhigga ay la wareegeen ciidamada Jubbaland ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2015-kii ku sugnaa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee gudaha Soomaaliya. Mid kamid ah saraakiisha ciidanka ATMIS oo lagu magacaabo Col. Ibraahim oo madasha ka hadlay ayaa boggaadin u jeediyay ciidanka Kenya, oo uu tilmaamay inay adoor muhiim ah ka qaateen difaaca magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaand, Col. Ibraahim ayaa sidoo kale kula dar daarmay ciidamada Soomaaliya ee la wareegay saldhiiga Kudhaa in ay feejignaadaan oo ay sii wadaan guulaha laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay xil wareejinta inay muujineyso sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay inay la wareegto mas’uuliyadda amniga dalkeeda. ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka. Si kastaba, tallaabadan ayaa qeyb ka ah hannaanka lagu wado in lagu soo gabagabeeyo in si buuxda mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya marka la gaaro Disembar 2024, xilligaas oo ay Soomaaliya ka bixi doonaan ciidamada howlgalka ATMIS. The post Ciidamada KENYA oo wareejiyay saldhig ku yaalla JUBBALAND appeared first on Caasimada Online.
  11. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — The Minnesota Somali Community Center (MSCC) honoured healthcare professionals, advocates, and elected officials at its annual Samafal Gala on Saturday, recognizing their contributions to addressing the opioid epidemic plaguing Minnesota's Somali population. Held at the Columbia Heights Event Center, the event drew hundreds in a celebration of resilience and bravery—"Geesinimo," the Somali word for courage, a fitting theme for the night. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) - Somali government forces, backed by local militias, killed at least 30 al-Shabab militants during a military operation in the south of the Mudug region, the Ministry of Information announced on Saturday. Source: Hiiraan Online
  13. A Somali journalist was abducted from his home by intelligence agents early on Friday, according to press freedom campaigners. Source: Hiiraan Online
  14. Tel Aviv (Caasimada Online) – Diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn oo qaraxyo ay ka buuxaan ayaa waxaa lala beegsaday guriga ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku yaalla Caesarea, wuqooyiga Israa’iil, sida uu sheegay afhayeenkiisu. Netanyahu kuma uusan sugnayn dhismaha, wax qasaare ahna kama dhalan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda Xisbullah ka soo direen meel 70 km u jirta xadka dalka Lubnaan iyo gobolka waqooyi ee ay haysato Israa’iil. Milatariga Israa’iil ayaa goor sii horeysay sheegay in saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn loo soo ganay dhanka magaalo xeebeedaan subaxnimadii hore ee Sabtida. Mid ka mid ah diyaaradahaas ayaa ku dhacday dhisme, halka labada kalena la qabtay, sida ay sheegeen milatarigu. Dhinaca kale, kooxda Xisbullah ayaa sheegtay inay fuliyeen weerar kale oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku qaadeen qaar kamid ah ciidanka Israa’iil ee fariisinta ka dhigtay saldhigga Ein Shemer, oo ku yaala bariga magaalada Hadera. Weerarka ayay sheegeen inay fuliyeen fiidnimadii jimcihii shalay ahaa, iyagoona sheegtay inay saldhigga ku weerareen tiro kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxa ay intaa hadalka ku dareen in ay weerarkaan uga jawaabayeen gantaallo iyo duqeymo ay Israa’iil ka fulisay gudaha Lubnaan. Xisbullah ayaa sidoo kale howlgalkaan ku tilmaamtay inuu kamid yahay kuwa is daba joogga ah ee ay ku weerarayaan Israa’iil, waxa ayna sheegeen inuu qeyb ka yahay “howlgalka Khaybar” kaas oo ka dhan ah xasuuqa ay Israa’iil ka waddo gudaha Lubnaan sida ay sheegeen. Horay Xisbullah ayaa u fulisay howlgallo noocaan oo kale ah oo loo adeegsaday gantaallo gaar ah waxayna sheegeen in ay la beegsadeen Al-Karyut oo ku taalla waqooyiga magaalada Haifa. The post Diyaarad ay qaraxyo ka buuxaan oo weerartay guriga Netanyahu appeared first on Caasimada Online.
  15. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in guriga Netanyahu oo ku yaal waqooyiga Tel Aviv, gaar ahaan xaafadda Caesarea ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn oo oo ka timid dhanka Lubnaan. “Netanyahu iyo qoyskiisa ma joogin Caesarea markii uu weerarku dhacay” ayaa lagu yiri bayaan ama war cad oo ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha, waxaana intaa lagu daray in halkaasi uu ku dhintay hal ruux, isla markaana ay ku dhaawacmeed 13 kale. Diyaaradda ku dhacday dhismaha Netanyahu ayaa la sheegay inay Xisbullah ka soo direen meel 70 km u jirta xadka Lubnaan iyo gobolka waqooyi ee ay Israa’iil heysato, mana jirin wax digniin ah oo ay bixiyeen nidaamka difaaca iyo raadarrada. Afhayeenka ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in labo diyaaradood oo kale laga hortagay, balse ay baarayaan sida ay u awooday diyaaradda ku dhacday dhismaha Ra’iisul wasaaraha in ay halkaa gaarto. PUNTLAND POST The post Diyaarad aan duuliye lahayn oo ku qaraxday guriga Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixisay howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Qaycad ee koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Howlgalka oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo xubno badan oo ka tirsan kooxda, sida lagu sheegay qoraalka. Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ah Maxamed Bashiir Muuse oo Al-Shabaab ay ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobolka Mudug iyo Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka gobolka Mudug. Sidoo kale waxaa la dhaawacay illaa 40 kale oo la geeyay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka:- MUQDISHO 19, October 2024: Ilaa 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug. Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah horjoogayaasha nafta la dhaafiyay:- 1-Horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo Khawaarijtu ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug. 2-Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug. In ka badan 40 Khawaarij ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda. Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Khawaarijtu isku qarinayeen. The post Horjoogayaal iyo Shabaab badan oo maanta la dilay + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  17. Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay maleeshiyaadk hubeysan ka gaysteen duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday culimo akhrineysay Qur’aan oo la laayay. Ma shaqadan oo uga sii dareysay colaadda ka taagan halkaasi ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Labagaras oo hoostaga magaalo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Maleeshiyaad beeleedka weerarka qaaday ayaa beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad akhrinayay aqrinayay Qur’aan oo ku sugnaa halkaasi, waxayna u gaysteen dil iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadan argagaxa leh ku dhintay ugu yaraan 4 qof, halka lagu dhaawacay 8 kale, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka weerarkan gaystay ay u aarayeen dad horay looga dilay, waxaana arrintan uga sii dareysa xiisadda ka taagan aagga Cadale. Labadaan beeleed ee dilalka isku gaysanayo ayaa waxaa horay gogol nabadeed loogu dhigay deegaanka Burka Dirimeed, halkaas oo lagu gaaray heshiis nabadeed oo uu goobjooga ahaa madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Hase’ahaateen xaaladda ayaa u muuqata inay hadda faraha kasii baxday, isla markaana uu burburay heshiiskii, maadaama dilal iyo dagaallo ay dib uga dhaceen duleedka Cadale. Dhowaan ayay ahayd markii isla aaggan uu uga dhacay dagaal beeleed lagu dilay saddex qof, laguna dhaawacay saddex kale, kaas oo saameyn ku yeeshay deegaanka. The post Culimo lagu laayay Shabeellaha Dhexe – Yaa geystay dilkooda? appeared first on Caasimada Online.
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay gudaha magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee maamul goboleedka Jubbaland. Dad ku sugan Kismaayo ayaa inoo sheegay in bam-gacmeedka lagu weeraray maqaaxi ku taalla isgoyska Golol ee Kismaayo, halkaas oo ay ku caweynayeen dad shacab ah. Inta la xaqiijiyay waxaa falkan ku dhaawacmay illaa 6 qof oo shacab ah, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaad ee magaalada oo haatan lagula tacaalayo xaaladdooda. Sidoo kale waxaa goobta isaga baxsaday raggii ka dambeeya weerarka lagu beegsaday maqaaxida oo la qarxiyay xilli ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa sidoo kale goobta soo gaaray, waxayna sameeyeen baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen weerarkaasi bam-gacmeed. Xaaladda Kismaayo ayaa maalmihii u dambeeyay daganeyd, waxaana howlgallada lagu sugayo amniga xoojiyay ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. Jubbaland oo deggan magaaladan ayaa inta badan howlgallo ka sameyay halkaasi, waxayna sidoo kale kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa indhowanahaan howlgallo jab culus lagu gaasiiyay kooxda ka waday deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. The post Wararkii ugu dambeeyay QARAX xalay ka dhacay Kismaayo + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  19. Kismayo (HOL) - The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) officially handed over the Kuday Forward Operating Base (FOB) to Somali Security Forces (SSF) in Jubaland State on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  20. Hargeisa (HOL) - Somaliland President Muse Bihi Abdi has issued a decree prohibiting the use of public property, civil servants, and the military in election campaigns ahead of the November 13 presidential election. Source: Hiiraan Online
  21. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo xalay ka dhacay deegaan hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaq ay Al-Shabaab ka wadeen deegaanka Dhagaxley ayaa waddada u galay, waxayna kadib la beegsadeen weerar gaadmo ah oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gudaha usii galeen deegaankaas oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo qorsheynayay inay soo weerarto ciidanka huwanta. Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in jab xoogan ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayna kasoo furteen hub iyo saanad ciidan. Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha gaaray kooxda Al-Shabaab, maadaama weerarka uu dhacay xilli habeen ah oo aan xog badan laga helin karin dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda. Gobollada Dhexe ee dalka ayaa waxaa indhawaanahan ka socday howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo xoreeyay magaalooyin ka tirsan Galmudug. The post Ciidanka DF iyo kuwa Macawiisleyda oo xalay xeelad cajiib ah ku jabiyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  22. The executive board of the International Monetary Fund approved the first review of Ethiopia's $3.4 billion lending programme, the fund said on Friday, paving the way for a $340.7 million disbursement. Source: Hiiraan Online
  23. A forum on green industry cooperation between China, the European Union (EU), and Africa has underscored opportunities for technological collaboration and sustainable practices, particularly the use of bamboo as an alternative to plastic. Source: Hiiraan Online