-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Askari ka tirsan ciidamada DF oo Bajaajle ku dilay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda ka geystay magaalada Muqdisho. Dilka oo loo geystay wade Mooto Bajaajle ahaa ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Black Sea, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii wadaha mootada uu ka biyo diiday inuu qaado askariga, kadibna uu sidaas rasaas ugu furay marxuumka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in askarigii ka dambeeyey falkaasi dilka ah uu goobta isaga baxsaday dhacdada kadib. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaashi Cumar Carabey, iyada oo ehelladiisa ay geeyeen xarunta dambi baarista ee CID-da. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, walow aysan gacanta kusoo dhigin askarigii dilka geystay. Inta badan askarta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dilal bareer ah u geysta dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka nooca loo yaqaano Bajaajta. -
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka Qabuuraha Cabdirashiid oo ku yaalla xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Faah faahinta kala soco:radioshabelle.com View the full article
-
Somalia on Sunday accused the United Arab Emirates (UAE) of violating international law by belittling Somalia’s government as “interim” and seeking to sow violence. A Saturday UAE statement on recent clashes in the country also violates bilateral fellowship, Osman Dubbe, Somalia’s information minister, told a press conference in the capital Mogadishu. “The UAE statement is inconsistent with international diplomacy, brotherly relations between the two countries, and Arab culture,” said Dubbe. “The United Arab Emirates wants Somalia to be like Yemen and Libya and wants to create in Somalia displacement, violence, and backwardness, and that is something the Somali people are wary of,” he added. Commenting on recent clashes between Somali government forces and opposition groups, the UAE statement accused Somalia of using excessive force against civilians and called its government an “interim government.” Separately, Somalia accused opposition presidential candidates led by former President Sharif Sheikh Ahmed of pursuing “illegality” in the guise of peaceful protest. “Presidential candidates chose to circumnavigate the process in order to pursue a path of illegality and armed insurrection disguised as a peaceful demonstration guaranteed under our constitution,” said a Somali Foreign Ministry statement, also warning unnamed foreign actors against making “misleading” statements that at times “appear to be supporting insurrection.” View the full article
-
R/wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida Faadumo Nakruuma
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka tacsiyeeyay geerida fanaanadda qaranka Allah u naxariistee, Faadumo Cali Nakruuma oo maanta cudurka Carona ugu geeriyootay isbitaalka De Martini ee Muqdisho. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri: “Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Faadumo Cali Nakruuma. AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada”. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka fal-celiyey hadalkii wasiirka warfaafinta Somalia ee ka dhanka ahaa dowlada Isu Tagga Imaaraadka Carabta. Mahad Salaad oo war qooraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebooka ayaa shaaca ka qaaday in rabashadihii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo tallaabada xigtay ee ay qaaday dowladda aan lagu dadi karin been iyo tororog, sida uu hadalka u dhigay. “Dadkii la laayay iyo dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo been iyo tororog Dubbe idaacadaha ka aqriyo,” ayuu yiri xildhibaanka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu raalli-gelin siinayo dowladaha Carbeed ee uu xildhibaanku sheegay in loo gefay. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale xusay in dalalka Carbta ay abaal weyn ku lee-yihiin shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay gacan u fidiyeen sanadihii u dambeeyey. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay eedeymo culus u jeedisay dalka Imaaraadka oo si adag uga hadlay rabshadihihii ka dhacay magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso:- Raaligelin naga guddooma, dockayeer iyo dabadhilif dallaal u ah dowlado kalena yuusan idin niyadjebin! Dadkii la laayay iyo dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo been iyo tororog Dubbe idaacadaha ka aqriyo. Waxaan mar kale ku celinaynaa in dambiileyaasha dagaal ee shacabka gumaaday shuruucda dalkana ku tuntay cadaalada si degdeg ah loo horkeeno. Dowladaha Carabta walaalaha aan nahay ee loo gafay sharaftooda raaligelin ayaan ka siinaynaa aflagaadada, beenta iyo barobagaandada Farmaajo iyo kooxdiisa qaaqleyaasha ah soo dhoodhoobeen. Dadka Soomaaliyeed waa idiin ogsoonyihiin abaalka aad u gasheen iyo sidii gobonimada lahayd ee aad u soo garab istaagteen xiliyadii aadka u adkaa. Xasuus wanaagsan ayaanan idinkaga haynaa samaha aad noo gasheen. Waxaan idinka codsanaynaa in aysan idin niyadjebin dockayeer iyo dabadhilif dallaal u ah dowlado kale, dalkiisa iyo dadkiisana dambiyo dagaal ka galay. Hon. Mahad Salad
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Duhurnimo-2122021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Balcad, gaar ahaan nawaaxiga warashadda Xeyla Bariise ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo khasaare kala duwan geystay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay agaasime waaxeedka deegaanka Daaru-salaam ee degmada Yaaqshiid. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in miinadan ay ku dhinteen illaa labo qof, sidoo kale uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa tilmaamay in qaraxaan ay ku burburtay mooto Bajaaj mareysay wadada, xilliga ay qaraxday miinada oo aheyd nooca dhulka lagu aaso. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano dheeraad ah, kadib dhacdada. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan qaraxyo, kuwaas oo geystay khasaarooyin kala duwan.
-
Waxaa hadda Villa Somalia ka socda shir u dhaxeeya madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha Banaadir. Arrintan ayaa imaaneysa kadid markii uu Khamiistii baaqday shirkii uu Farmaajo ku baaqay ee lagu saxiixi lahaa qoraalka guddiga farsamo ee Baydhabo. Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka Farmaajo iyo madaxdaas la filayo iney ku biiraan qaar ka tirsan madaxda beesha caalamka. Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo dowladda federaalka ah kasoo baxay, maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku gacan seyray caasuumaadda Farmaajo halka ay aqbaleen Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa dowladda Imaaraatiga Carbeed ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku hayso Arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in ay xiriir lahaayeen dadkii abaabulay bannaanbaxii Jimcaha iyo dowladda Imaaraatiga, islamarkaana warqadda ka soo baxday dowladda UAE ay taas caddayn u tahay. Sidoo kale, wuxu dowladda Imaaraadka ku eedeeyay in ay sabab u tahay khilaafka ka taagan hirgelinta doorashada madaxtinimada Soomaaliya, kadib markii sida uu hadalka u dhigay UAE u yeertay qaar kamid ah madaxdii saxiixay Heshiiskii 17-ka September, kadibna ay mowqifkooda beddeshay. Wasiir Dubbe, wuxu tilmaamay in dowladda Imaaraadka Carbeed ay doonayso in ay Soomaaliya ka dhigto sida dalalka Yemen iyo Libya ee colaaddu ragaadisay. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo dowladda Imaaraadka ku eedaysay in ay sabab u tahay khilaafka doorashada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Fannaanada Faadumo Cali Nakruuma oo Muqdisho ku geeriyootay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Allah ha u naxariisto waxaa isbitaalka Martiini xanuunka Covid-19 ugu geeriyootay Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid ahayd Hobolada Qaranka Waabari. Faadumo Cali Nakruuma ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2018kii, dalka dib ugu laabatay,maadama ay qurbaha ku nooleyd tan iyo markii dagaallada sookeeye ay Xamar ka billowdeen sanadkii1991-kii. Nakruuma waxay fanka Soomaalida ku biirtay bartamihii lixdanaadkii, waxayna muddooyinkii dambe ka mid ahayd Haweenka nabadda u ololeeya. PUNTLAND POST The post Fannaanada Faadumo Cali Nakruuma oo Muqdisho ku geeriyootay appeared first on Puntland Post. -
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo maanta ka jawaabay war saxaafadeed meel ka dhac ku ahaa dowladnimada Soomaaliya oo ka soo baxday dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay ka xun yihiin hab-dhaqanka iyo ereyada gefka ah oo ku qornaa qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka. Qoraalka Imaaraadka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya haatan dowladi ka jirin isla markaana dagaal iyo qalalaase ka socdaan, wasiir Dubbe, ayaa sheegay in hadaladaas ay yihiin kuwo caddeynaya tuhunkii ahaa in Imaaraadku sanadihii dambe ka shaqeynayay diban daabyada horumarka dowladnimada Soomaaliya. Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa xusay in Imaaraadku sheegeen in ay aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya, taas oo meelna ka soo galeynin qawaaniinta caalamiga ah ee dowladaha ku shaqeeyaan, isagoo xusay in Isu tagga Imaaraadka Carabta doonayo in Soomaaliya la mid noqoto, Yemen iyo Libyo. ‘Halkan waxaa idin kugu yeeray oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagtaan in waraaqahaasi ay ku jirtay warqad midab kale leh oo mustaqbalka dalkeena u ekeysiinaysa mid madow,’ ayuu war fidiyeenka u sheegay wasiir Dubbe. Wasiirka warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed la fajacsan yihiin hadalka ka soo yeerey Imaaraadka, waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay fahmaan waxa lala maagan yahay oo ah baabi’inta dalkooda. “Haddii aadan horumarka iyo iftiinka dowladnimo ee noo soo baxay ku faraxgelineynin, ma sameyn karno waxa ku faraxa gelinayo oo ah in aan is dilno, qaxno oo aan gumowno” ayuu yiri Wasiirka. Waxaa uu sidoo kale sheegay wasiirka in caddeymo kale dowladdu soo bandhigi doonto kuwaas oo ah dhibaatada Imaaraadka Carabta uu ku haayo dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Mar uu ka hadlayay arrimaah doorashooyinka ayuu wasiir Dubbe, sheegay in dal kasta oo xaq u leeyahay arrimihiisa gudaha sidaas dareedna arrinta doorashadu tahay mid Soomaalida u taala oo aan laga aqbalaynin in dal kale uu soo farageliyo. U dambeyn wasiirka waxaa uu sheegay in Imaaraadka ka rajaynayaan in ay gar-waaqsadaan gefka ay sameeyeen isla markaana cudur daar ka bixiyaan khaladkooda. View the full article
-
Justice Treves sidoo kale wuxuu ka soo muuqday Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada (ICJ) kiis la mid ah kii Peru iyo Chile. Prof Phoebe Okowa, oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee London ayaa ah qofka kaliya ee Kenyanka ah. Waxay qeyb ka aheyd dacwada badda ee Gambia ka gudbisay Myanmar. Iyadu waa arday ka qalin jabisay Jaamacadda Nairobi oo ay ku qalin jabisay darajooyinka heerka koowaad. Sidoo kale waxaa kooxda ka mid ah Prof Makane Mbengue, oo reer Senegal ah, oo dhiga sharciga caalamiga ah ee Jaamacadda Geneva. Isaguba wuxuu dacwad ka gudbiyay maxkamada ICJ ka hor, oo ay kujirto wakiilka midowga afrika ee la talinta sharciyada cawaaqibka kala soocida Chagos Archipelago oo ka timid Mauritius sanadkii 1965. Wuxuu noqon doonaa isku duwaha kooxda. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Onlin) – Dowladda Kenya oo dhowaan ku guul darreysatay dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya ayaa haatan bedashay dhammaan qareenadeedii dacwadda badda ee taal maxakamadda ICJ. Xukuumadda Nairobi ayaa soo xulatay illaa siddeed qareen oo cusub, kuwaas oo 7 ka mid ah ay yihiin Ajaaniib ah, halka xubinta 8-aad ay tahay haweeney Kenyaan ah. Dhammaan qareenadan ayaa ah kuwa caalami ah oo leh qibrad sare, islamarkaana kasoo shaqeeyey xarumo kala duwan & jaamacado, waxaana hoggaaminaya nin lagu magacaabo Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law. Sidoo kale waxaa wehelinaya qareen kale oo la yiraahod Tullion Treves oo sidoo kale ahaa garsoore hore oo ka tirsanaa maxkamadda caalamiga ah ee sharciga badaha. Justice Treves sidoo kale wuxuu ka soo muuqday Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada (ICJ) kiis la mid ah kii Peru iyo Chile. Prof Phoebe Okowa, oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee London ayaa ah qofka kaliya ee Kenyanka ah. Waxay qeyb ka aheyd dacwada badda ee Gambia ka gudbisay Myanmar. Iyadu waa arday ka qalin jabisay Jaamacadda Nairobi oo ay ku qalin jabisay darajooyinka heerka koowaad. Waxa kale oo kooxdan ka mid ah Prof Makane Mbengue oo reer Senegal ah, oo dhiga sharciga caalamiga ah ee Jaamacadda Geneva. Isaguba wuxuu dacwad ka gudbiyay maxkamada ICJ ka hor, oo ay kujirto wakiilka midowga afrika ee la talinta sharciyada cawaaqibka kala soocida Chagos Archipelago oo ka timid Mauritius sanadkii 1965. Wuxuu noqon doonaa isku duwaha kooxda. Sidoo kale isla jaamacadda (Geneva) waxaa ka socda Prof Laurence Boisson De Chazournes oo isna khabiir ku ah sharciga caalamiga. Waxay haysataa laba jinsiyadood – Switzerland iyo Faransiis. Xubin kale oo kooxda ka tirsan waa Christian Tams, oo bare ka ah Jaamacadda Gasglow. Muwaadinad Jarmal ah , iyada oo ka soo muuqatay isla maxkamada kiisas kala duwan. Kenya ayaa sidoo kale Eran Sthoeger ka keensatay Israel. wuxuuna kaqeyb qaatay kiiska Peru ee kadhacay Chile. Qareenada ay Kenya soo xulay sidoo kale waxaa kujira Madaxweynaha Nuqulada Juquraafiga Coalter Lathrop. Wuxuu u fidin doonaa caawimaad sawir gacmeed iyo sharciyeed kooxda Kenya ee xadka iyo xuduudaha badda. Si kastaba arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan wax ka yar bil ay ka harsan tahay dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhexeysa Kenya.
-
RIYADH — Saudi Arabia’s government is following with “great concern” the recent developments in Somalia, which have reportedly seen people killed and wounded at the capital Mogadishu, the Foreign Ministry said on Saturday. According to reports, several people were killed and injured amid armed clashes between government forces and armed protesters. In a statement, Riyadh urged “calm and de-escalation,” calling on Somalis to reach a “solution by peaceful means through dialogue in a way that preserves the security, stability and unity” of the country. GCC too expresses concern The Secretary General of the Gulf Cooperation Council (GCC) Dr. Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf too expressed concern over the tragic incidents, in the Federal Republic of Somalia, resulting in deaths and casualties, in the capital city of Mogadishu. He urged for keeping restraint and solve the disputes by peaceful means, through negotiations and constructive dialogue to reach a comprehensive national consensus, in order to contribute to consolidate security, stability and development, in Somalia. He expressed utmost condolences and consolation to the families of the victims, wishing the injured a speedy recovery. UAE govt calls for restraint In Abu Dhabi, the United Arab Emirates expressed its grave concern over the deteriorating situation in the Somali capital, Mogadishu, as a result of ongoing violence and the excessive use of force against civilians. In a statement, the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation called upon the interim government and all parties to demonstrate the highest levels of restraint in order to achieve Somalia’s aspirations to build a secure and stable future for all. The UAE affirmed its support for all international efforts and initiatives to conduct transparent and fair elections on the specified date and urged Somali parties to join hands to confront the threat of terrorism and extremism. The UAE expressed its hope that stability would prevail in Somalia in a way that preserves its national sovereignty and fulfills the aspirations of its brotherly people. View the full article
-
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo qoraal soo saartay, lana hadashay dalalka beesha caalamka ayaa sheegtay iney iskudeyday hirgelinta heshiiskii September 17 iyo in wax walba lagu dhameeyo wada hadal. Dowladda waxaa ay sheegtay iney ka tanaasushay doorasho qof iyo cod, si loo helo mid wadar ogol, heshiis lagu yahay, oo xor iyo xalaal ah. Dhanka kale, dowladda federaalka ah qoraalkeeda waxaa ku xusnaa in dowlad goboleedyada marka laga reebo labo ay kasoo jawaabeen caasumaaddii madaxweynaha si loo saxiixo heshiiska guddiga farsamo ay ku gaareen Baydhabo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faadumo Cali Nakruuma, oo aheyd fanaanad caanka ah oo ka tirsan Hobolada Waaberi ayaa Allaha u naxariiste maanta ku geeriyootay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Marxuumada oo maalmihii u dambeeyay xaalad caafimaad oo la xiriirta cudurka safmarka ah ee Coronavirus loo dhigay isbitaalka Martiini, ayada oo ugu dambeyntiina uu si weyn usoo ritay, islamarkaana sababay geerideeda. Allaha u naxariista Faadumo Nakruuma ayaa waxay aheyd Fanaanad qaran oo kamid aheyd tiirarka fanka Soomaaliyeed, sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo war kasoo saaray geerida marxuumada. Rooble ayaa ugu horeyntii geerida Faadumo Nakruuma uga tacsiyadeeyay qoyskeeda, bahda fanka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku sifeeyay Fanaanad qaran oo kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka iyo wacyi gelinta Bulshada. “Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Faadumo Cali Nakruuma. AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada,” ayuu ku yiri Rooble qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Faadumo Nakruuma ayaa kamid noqoneysa hobolo iyo mas’uuliyiin caan ah oo cudurka Coronavirus usoo ritay kuwaasi oo ugu dambeyntii ugu geeriyooday gudaha dalka iyo dibadiisa.
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay Qoraalkii shalay kasoo baxay dowladda Imaaraadka Carabta ee dowlad ku-meel-gaadh ah ugu yeedhay Dowladda Soomaaliya, xilli ay ka hadleysay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abubakar Dubbe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu marka hore sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu ka dhexeeyay xidhiidh wanaagsan oo ku saleysan ganacsi. Imaaraadka ayuu sheegay Wasiirka inay doonayaan in Soomaaliya la mid noqoto dalalka Liibiya iyo Yemen, isla markaana ay rabto in dalka ay abuurto barakac iyo dib u dhac, taasina ay tahay mid dadka Soomaaliya ka feejigan yihiin. Isaga oo sii hadlaayay ayuu Dubbe sheegay in markii la saxeexay heshiiskii 17 September qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada ay tageen Imaaraadka ayna ka kulmeen Madax ka tirsan dalkaas, kadibna dalka ay kusoo laabteen, iyaga oo wata shuruudo cusub, ayna arrintaas kamid tahay faragelinta lagu hayo heshiiskii doorashada. Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliy ayaa Carabka ku dhuftay in dowladda ay ka dalbatay Imaaraadka Carabta inay cudur daar ka bixiso Qoraalkii ay dawladda Soomaaliya ugu yeedhay ku-meel-gaadh, ayna gef ka gashay qarannimada Soomaaliya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay warqad dhowaan kasoo baxday dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta oo looga hadlay rabshadihii Muqdisho iyo doorashooyinka dalka. Dubbe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay dhambaallo kala duwan oo hambalyeyn ah ka heshay wadamada caalamka, gaar ahaa kuwa Carabta, wuxuuna tilmaamay inay ku boggaadiyeen dowladda sida ay uga hortagtay maleeshiyaad uu sheegay inay Muqdisho uga dhowaaqeen in dalka uusan laheyn dowlad. “Waraaqahaas waxay naga soo gaarayeen wadamo badan oo aynu saaxib nahay, gaar ahaan wadamada Carabta oo markii ay maqleen caasimadii dhexdeeda oo laga leeyahay dowladi ma jirto aad u wal-walay. Xalay ayey wasaaraddeena arrimaha dibaddu soo saartay warqad faah faahsan oo ay kusoo dhoweynayaan talooyinkii ka yimid saaxibada caalamka, kuna bal-ballarinayaan sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri wasiir Dubbe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in warqadahaasi ay ku dhex jirtay warqad ka timid Imaaraadka oo midab kale laheyd, islamarkaana Soomaaliya u ekeysiineyso dal madow. “Halkan waxaa idin kuugu yeeray in shacabka Soomaaliyeed aynu u sheegno aadna la wadaagtaan in waraaqahaas ay ku dhex-jirtay warqad midab kala leh oo mustaqbalka dalkeena u ekeysiineysay mid madow,'” ayuu markale yiri. Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Warqada Imaaraadka waxaa ka muuqda in aysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya oo ay dowladda Inkirayaan, taas oo abuureysa in hadalkii halkan laga lahaa darraad ee ahaa dowladu ma jirto iyo warqadda dowladda Imaaraadka ka timid ay isla socdaan” Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday dowladda Imaaraadka ay rabto in Soomaaliya ay noqoto sida dalalka Yemen iyo Liibiya oo kale. “Warqadan waxaa ka muuqda in Imaaraadku Soomaaliya uu ka rabo inay noqoto sida Yemen iyo Liibiya oo kale oo ay ka buurto fowdo iyo barakac,”. Dhinaca kale wasiir Dubbe ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka ay ahaayeen labo dal oo leh taariikh fog iyo saaxibtinimo ku dhisan walaalnimo, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan madaxda imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa arrimaha dibadda ay xuub-siibteEn inay dhaawacaan iskaashiga & xiriirka labada dowladood & labada shacab. “Muddo aad u dheer Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabtu waxaa ka dhexeeyey xiriir walaaltinimo, mid dhaqan & mid ganacsi oo weliba aad u qoto dheer. Xiriirka labada dal iyo labada shacab waxaa lagu tilmaami jiray walaalihii runta ahaa, iyadoo waxaas oo dhami ay jiraan hadana muddooyinkii ugu dambeeyey, kadib markii madaxda Imaaraadka u qaabilsan arrimaha dibadda ay u dhaqmeen si aan ka tarjumeyn walaalnimadii soo jireenka aheyd ee shacabka Soomaaliyeed & dowladdoodaba waxaa galay shaki ah oo inay is weydiiyaan in Imaaraadku la jiraan & inay ka jiraan Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu markale yiri wasiirka warfaafinta xumuumadda Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka xun tahay hadallada xanafta leh ee kasoo yeeray Imaaraadka, wuxuuna ugu baaqay in cudur-daar iyo raalli-geliba ka bixiso warqadaasi gefka ku ah qaranimada & sidoo kale jiritaanka Somalia.
-
Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in warqad Imaaraadka ka soo baxday ay tahay in waxyeeleysa xiriirka caalamiga ah. ‘Maanta waxaa dowladda Imaaraadka kasoo baxday warqad, oo meelna ka waafaqsaneyn xiriirka diblomaasiyadda, qaanuunka caalamiga ah, walaalnimada labada waddan iyo dhaqanka carbeed eek u dhisan is ixtiraam’ Warqadda Imaaraadka waxaa ka muuqata ineysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya, oo ay dowladda inkiriyaan, taa oo abuureysa hadalkii halkan laga lahaa ee dowlad ma jirto iyo warqadda dowladda Imaaraadka ka timid ay isla socdaan, warqaddan waxaa ka muuqda in Imaaraadka ay ka rabsto Soomaaliya iney noqoto sida Libya iyo Yemen oo ay ka abuurto fowdo’. Ayuu intaas raaciyey. Cusmaan ayaa sheegay in arrintan ay tahay dibandaabyo‘Warqaddan waxaa ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkaba u cadeysay tuhunkii ay qabeen in saraakiisha arrimaha dibadda ay qeyb ka ahaayeen diban daabyadii dalka lagu hayey sanadihii lasoo dhaafay’ Dhanka kale, Cusmaan Dubbe waxaa uu sheegay in Heshiiskii doorashada kadib ay jirtay iney madax saxiixday aadeen Imaaraadka oo dhibaato lasoo noqdeen‘Warqaddan waxay shacabka iyo dowladaba dib u xusuusiyey in maalmihii la saxiixay heshiiskii September 17, 2020, oo qaar ka mid ah madaxdii heshiiska saxiixday isla maalmihiiba ay u safrene Imaaraadka, kolkii ay kasoo laabteenna ay la soo noqdeen iyaga oo shuruudo cusub wata, oo mar walba keenaya caqabad’. Ugu dambeyntii, waxaa uu sheegay iney u digayaan ‘Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay Fajacsantahay colaadda intaa la e gee dowladda Imaaraadka u qabto dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxaa u cadeyneynaa in hadalka Imaaraadka soo saaray uu yahay mid qarannimada iyo Jiritaanka dalka wax yeelaya, waxaa muhiim ah wax lala damacsan yahay waa dagaal sokeeye inuu dhaco si loo xalaaleyso dhiigooda iyo baddooda’. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in iyadoo raaceysa siyaasadeeda mamnuuceysa kicinta rabshadaha inay tir-tirtay boggii ugu weynaa ee Milatariga wadanka Myanmar, maalin kaddib dilkii laba ka mid ah dibadaxayaashii ka soo horjeeday afgambigii milatari ee Februay 1-keedii. “Si waafaqsan siyaasadeenna caalamiga ah, waxaan shabakadenna ka saarnay bogga “Tatmadaw True News” kaddib xadgudubyo isdaba joog ah oo ay ku sameeyeen heerarkeena bulsho ee mamnuucaya kicinta rabshadaha iyo abuubulka waxyeelada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu saaray wakiil ka tirsan shirkadda Facebook. Laba qof ayaa lagu dilay magaalada labaad ee Myanmar ee Mandalay Sabtidii kaddib markii booliska iyo milatarigu ay rasaas ku fureen mudaaharaadayaasha oo ka soo horjeeday afgembigii dawladdii la soo doortay ee Aung San Suu Kyi. Shaqaalaha gurmadka ayaa sidaas yiri, waxayna aheyd maalinta ugu dhiig daadashada badan in ka badan laba toddobaad oo bannaanbaxyo ah. Shirkadda Facebook sanadihii la soo dhaafay waxay la shaqeysay dhaq-dhaqaaqyada xuquuqda madaniga ah iyo xisbiyada siyaasadeed ee dimuqraadiga ah ee ka dhisan Myanmar, waxayna ka soo horjeedeen tallaabooyinka militariga kadib markii ay la kulmeen dhaleeceyn weyn oo caalami ah oo ku saabsan inay ku guuldareysteen xakameynta ololaha nacaybka ee internetka. PUNTLAND POST The post Shirkadda Facebook oo hawada ka saartay boggii milatariga Myanmar appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale iyo taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Kornayl Cabdillaahi Cabdi Faarax, ayaa kala saxeexday heshiis lagu adkaynayo amniga labada dal. Taliyaha Ciidanka booliska Jabuuti Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax oo kulankaa ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka Wada-hadleen Taliyaha Booliska Somaliland xoojinta amniga labada dal.Waxaanu yidhi”Waxaa isku kaaya keenay waxa weeye sidii aanu dib iskula falanqayn lahayn oo aanu wada shaqayn toosa ka wada shaqayn karno dhibaatooyinka dadka Dambiyadda gelaya ee iskaga gudbaya Xuduudaha ee had iyo jeer ina soo waajaha dhankay doonaan haka yimaadaane,sidii aanu iskaga gaashan buuraysan la hayn ee aanu uga hortagi lahayn ayaanu ka wada hadalnay wixii xog ah ee ku saabsan u wada wadaagi lahayn oo aanu u adkayn lahayn Nabada labada dal wada shaqayna waligeed way naga dhaxayn jirtay,qaraxii Jabuuti ka dhacay annaga oo gacmaha ishaysana ayaanu ka hor tagnay dhibaatadaas waxaana markhaati u ah dadka dambiyaa u xidhan in aanu ka soo qabanay Somaliland gudaheeda taasna waxa keenaysa walaaltinimada iyo Jaarnimada oo aanu ka hor tagno wixii dhibaato u keenaya Amniga labada wadddan.” Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka Wadahadleen Taliyaha Booliska Jabuuti.waxaanu yidhi”Waxa aanu nahay labada dal oo darisa oo isku dhaqana oo isku diin ah oo Xuduud wadaaga waxaanan ka wada shaqaynaa Amniga,sidaa daraadeed waxa aanu kala saxeexanay sidii Kootarabaanka ula wada dagaalami la hayn iyo sidii aanu iskaga kaashan lahayn dhibaatooyinka jira iyo wixii labada dal wax yeelaya sidii aanu iskaga kaashan lahayn.waxa kale oo aanu ka Wadahadalnay xadka iyo dambiyada ayaanu kala saxeexanay Dastuurka Somaliland waxa uu qeexayaa in Nabad kula noolaano dalalka jaarka ah Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay daris nahay,”. Source
-
Mogadishu (PP News Desk) — Garaad Abdi Hersi Ugaas, a traditional leader of Murursade, has distanced himself from remarks made by Mohammed Hassan Haad, a paramount chief of the clan, about the Somalia’s President. Garaad Abdi said that Haad had acted disrespectfully when he threatened to storm Villa Somalia “to evict Pesident Mohammed Abdullahi Mohammed”. “Haad does not represent us. I advise him not to stoop so low again as to speak disparagingly about our President “ Garaad Abdi added. Garaad Abdi Hersi Ugaas urged Mohammed Hassan Haad not to speak disparagingly about President Mohammed Abdullahi Mohammed. Earlier today a group of elders from Murursade clan held a press confrence in Mogadishu to commend the Federal Government of Somalia for measured response to rabble-rousers and armed demonstrators at parts of downtown Mogadishu. “The incumbent President deserves support for his achievements. No one can break into the window of Villa Somalia” said one of the elders. Demonstrations organised by the Union of Somali Presidential Candidates took place on Friday at the Unknown Soldier’s Monument and KM4 in Mogadishu. The demonstrations were marred by militias led by Yusuf Mohamud Siad Indha’adde, a former warlord, who claimed that there was no government in Somalia and that he would be in charge of the security at the venue. © Puntland Post, 2021 The post A Somali Traditional Leader Slammed for Inappropriate Remarks appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay ku booqday guryahooda Madaxweyneyaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre, kuwaas oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka Kulankan ayaa ku qotomay kala warqaadasho xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo maareyn lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligaan dalku marayo. Qoor Qoor ayaa saddexda mas’uul uu la kulmay sidoo kale ka dhageystay cabashadooda ku aadan rabashadihii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Sidoo kale labada dhinac ayaa ku ballamay kulamo kale, si loo sii amba qaado wada-hadallada ku aadan sidii xal looga gaari lahaa marxaladda siyaasadeed ee dalka. Soomaaliya ayaa xilligan wajaheysa xaalad kala guur ah, waxaana weli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka ee sanadkan 2021-ka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
