-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Djibouti and Somaliland agreed to strengthen their security cooperation on Friday in a meeting held by the two countries’ national security heads in Djibouti. The MoU was signed between Somaliland’s Police Chief Brigadier General Mohamed Adan Saqadhi and his Djibouti counterpart. The two sides agreed to combat contraband in the border areas. Djibouti National Police Chief Abdi Ali Farah and his Somaliland counterpart brigadier general Mohamed Adan Saqadhi discussed the enhancement of security cooperation between the two countries. Abdi Ali Farah said that the discussions focused on boosting security cooperation between the two countries in the areas of cross border crimes and intelligence sharing between the two sides. Djibouti police chief further asserted that the two countries cooperated during the terrorist attacks in Djibouti as people who were in connection with the attack were extradited from Somaliland to Djibouti. Abdi Ali added that the two countries have also agreed to enhance security collaboration as we are brothers as well as neighbors. On his part, Somaliland’s Police Chief said that we are two countries that are neighbors, have same religion and we are brethren. He said that they are committed to cooperate on border security. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa caawa guryahooda ku booqday Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda, Xasan Cali Khayre. “Madaxweynaha Galmudug ayaa caawa ku soo booqday guryahooda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug. Qoraalka waxaa lagu sheegay in kulamadaasi la xiriiraan kala warqaadasho ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dlka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka, ee xilligan uu dalku marayo. “Kulanka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa isugu jiray kala warqaadasho xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo maarayn lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligan dalku marayo,” ayaa lagu yiri warka. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Maqribkii caawa soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgalo shirka ay magaalada ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Qoor Qoor ayaa u muuqdo mid markale xal u raadinaya, sidii leeskugu soo dhawayn lahaa Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
-
Cabdirshiid Yusuf Jabril Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta si diiran loogusoo dhaweeyey Magaalada Nairobi. Xubno ka tirsan Jaaliyada Ayaa Gudoomiyaha uga hortagay Garoonka Diyaarada Jombo Kenyata Airport ee Magaalada Nairobi. Gudoomiyaha ayaa kulan la qaadan doona Jaaliyada uu uga warbixinayo Xaalada Dalka Puntlandi.com The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Nairobi gaaray appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere) oo ka mid ahaa dadkii dhaawacmay shalay markii rasaasta ay ku fureen ciidamada dowladda ayaa ka hadlay sidii ay wax u dhaceen iyo waxa gaaray. Ibraahim Dheere ayaa sheegay inuu gacan ka jabay intii ay ka cararayeen rasaas ay ciidamada dowladdu ku kala ceyriyeen dad ku banaanbaxayey inta u dhaxeysa garoonka Aadan Cadde iyo isgoyska KM-4 ee magaalada Muiqdisho. Dadkaas oo markii dambe kala cararay waxaa hor kacaayey musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Kheyre, Cabdikariin Guuleed, Nabadoon Xaad xildhibaano ay ka mid ahaayeen Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odawaa iyo guddoomiye Ibraahim Dheere oo hadda dhaawac ah. Ibraahim Dheere oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay inuu gacan ka jabay, intii ay xabadaha ka cararayeen, isla markaana maanta la kabay oo hadda ay xaaladiisu wanaagsantahay. Madaxweyne Farmaajo oo bilo ka hor uu aad u taageeri jiray intii aan xilka laga qaadin ayuu ku tilmaamay diktaatoori aan dooneyn in dalku doorasho galo. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/02/Ibraahim-Dheere-.mp3
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Bar___Qubanaha-2022021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Allaha u naxariistee waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho lagu dilay Abkoow Cambuure oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya. Marxuumka ayaa la dilay xilli uu maraayey fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon, waxaana rasaas lagu furay gaari uu watay, sida aan xogta ku helnay. Abkoow ayaa mudo dheer lasoo shaqeynayey maamulka gobolka Banaadir, waxuuna soo noqday madaxii ilaalada guddoomiyeyaashii soo maray gobolka ee Yuusuf Madaale iyo Cabdiraxmaan Yariisow. Ciidamo ku sugan taallada Daljirka ayaa dilay marxuumka, xilli uu ka yimid dhanka isgoyska degmada Boondheere, lamana oga weli sababta keentay dilkiisa. Ciidamo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Waran ayaa la sheegay inay dileen marxuumka, kuwaas oo ku sugnaa barxadda taallada Daljirka Daahsoon. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir, Basma Caamir Shakeeti ayaa ka tacsiyadeeysay geerida sarkaalkan, waxayna laamaha amniga ka codsatay in cadaaladda horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas. “Allaah unaxriisto Abkoow Cambuure oo goor dhow ay isoo gaartay Geeridiisa, Gacan ka xaqdaran ayaa ku dishay Taalada Dal Jirka Dahsoon ee degmada Boondhere. Waxaan Alle uga baryaa inuu Janadiisi Firdowsa Alle ka waraabiyo. Laamaha amaankana waxaan ka codsanayaa inay kuwii Falkaa ka dambeeyay ay Cadaalada horgeeyaan, Abkow waxa uu ahaa Shaqsi Howlkar ah, lana soo shaqeeyay Qaar kamid ah Gudoomiyaashii G.Banadir,” ayey tiri guddoomiye Basma Caamir.
-
Xisbiga Kulmiye ayaa ka dhaafay lacagtii uu Xisbigu ka qaadi lahaa qaybo ka mid ah musharaxiinta Xisbiga Kulmiye ee doorashooyinka golayaasha deeganka Iyo Wakiilada Somaliland. Wareegto ka soo baxday Xafiiska gudoomiye ku xigeenka, labbaad ee Xisbiga Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere ayaa lagu sheegay in musharaxiinta beelaha laga tirada badan yahay iyo musharaxiinta haweenka ah ee Xisbiga Kulmiye u matelaaya golayaasha deeganka iyo Wakiilada Somaliland in laga dhaafay lacagta Xisbiga ay u shubi lahaayen oo ka mid ah shuruudaha aqbaalada musharaxiinta Xisbiga. Source
-
Qoryooley (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka ayaa gobolka Shabeellada Hoose ku dilay sraakiil sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolkaas iyo in ka badan 50 dagaalame oo kale, sida ay werisay warbaahinta dowladda. Howlgalka lagu dilay xubnahaas ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Qoryooley iyo deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya u sheegay in saraakiisha la dilay lagu kala magacaabo Macalin Buqaari oo ahaa madaxii jabhada ee Al-Shabaab iyo Sheekh Xasan Ganeey oo isna ahaa madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale Taliye Odawaa ayaa laga soo xigtay in howlgalkaas Al-Shabaab looga dilay in ka badan 50-dagaalame oo la socday saraakiisha la dilay ee gobolkaas masuulka uga ahaa kooxda. Weerarka lagu dilay dagaalamayaasha ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Mushaani, Daniga iyo Majabta oo dhaca inta u dhaxeysa Qoryooley iyo Jannaale. Ugu dambeyntii Taliyaha Militeriga Soomaaliya waxuu sheegay in ciidamadu ay burburiyeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaas lagu weeraray maanta ee ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.
-
In a statement issued by his spokesperson, Farhan Haq, Secretary-General António Guterres called on all parties to “exercise restraint and calm”. Gunfire erupted between Somali Government troops and opposition supporters during a protest march against delayed elections that turned violent. Demonstrators said that the Government forces had attacked them first and residents reported sporadic shooting and that rocket-propelled grenades had been fired, according to news sources. The violence followed fighting overnight that had subsided by Friday afternoon. Political impasse While lawmakers were due to elect a new President on 8 February, the process has been delayed. “The Secretary-General urges the Federal Government of Somalia and Federal Member States leaders to urgently come together and finalize a political agreement on the way forward for national elections, in line with the 17 September electoral model”, the statement said. The UN chief also called for the “full respect of the rights to peaceful assembly and freedom of expression” and reiterated the UN’s full support to the people and Government of Somalia on their “path towards peace, stability, and prosperity”. View the full article
-
Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa manta ku heshay shirkada Favori LLC ee maamusha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho, kadib markii sharci yaqaanada Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) ay kusoo eedeeyeen ku xadgudbida xuquuqda mid kamid ah shaqaalaha xoogsatada ah ee shirkadda u shaqeeya. Shirkadda Favori ayaa horraantii bishii September ee sanadkii tagay 2020 waxay shaqada ka eriday Abshir Xasan Cabdulle oo ka mid ahaa xoogsatada shirkadda u shaqeysa ee ka hawlgalayay garoonka diyaaradaha Aden Cadde, iyadoo shaqo ka eryidiisa aan loo marin wax sharci iyo nidaam ah. Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) oo baaris ku sameeyay sababta Abshir oo xoogsata ah shaqada looga eryay, ayaa waxaa u caddaatay in shaqo ka eryidiisa aan loo marin sifo sharci ah isla markaana, taasoo keentay xiriirku juhdi ku bixiyay sidii Abshir shaqadiisa uu dib u heli lahaa isla markaana xuquuqaadkiisii lagu tuntay loo soo celiyo. Garyaqaano ayay FESTU u qabtay Abshir Xasan Cabdulle oo ah xubin ka tirsan FESTU, waxaana ay garyaqaanada ku guuleyseen in gal dacwadeed laga furo Maxkamada Gobolka Banaadir halkaasi oo lagu qaaday kiiska dacwada, ayadoo Maxkamadu aqbashay inay qabato kiiska muwaadinka taariikhdu markii ay ahayd 14 November 2020 isagoo xilligaasi laba bilood shaqadii laga eryay banaanka ka jooga. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xilliya kala duwan u fadhiisatay dhageysiga dacwada iyo dooda labada dhinac ee ka kala socday Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) iyo Shirkadda Favori LLC, waxaana Maxkamaddu sameysay baaritaano iyo dhageysiyo farabadan taasi oo ugu dambeyntii maanta ay ku dhawaaqday natiijada kasoo baxday kiiska dacwadda Abshir Xasan Cabdulle. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday in shaqo ka saaridda Abshir Xasan Cabdulle ay tahay mid sharci darro ah waxayna Maxkamaddu amartay in lagu celiyo shaqadiisii sidoo kale in la siiyo dhammaan mushaarkii ka baaqday laga soo billaabo bishii October ee sanadkii tagay 2020. Gaar ahaan, xukunka maxkamadda ayaa ahaa sidan: “Maxkamaddu waxay aqbashay arjiga ay soo gudbiyeen qareenada dacwoodaha (Abshir Xasan Cabdulle). Maxkamaddu waxa ay diiday gebi ahaanba arjiga jawaab celinta ah ee ay soo gudbiyeen qareenada dacwaysanaha (Favori LLC). Waxa ay Xukuntay in shaqo ka saaridda Abshir Xasan Cabdulle ay tahay mid sharci darro ah, waxa ayna amraysaa in lagu celiyo shaqadiisii sidoo kalena la siiyo dhamaan mushaharkii ka baaqday laga soo bilaabo bisha Oktoober. Xukunka wuxuu dhacay 14/12/2020, waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 20/02/2021.” Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee FESTU oo saxaafada la hadlaayay kadib markii uu xukunka soo baxay ayaa yiri “waxaan isku daynay inaan kala hadalno shirkadda Favori LLC inay joojiso ku xadgudbidda xuquuqda shaqaalaha, ayna dhowrto sharciga dalkan u degsan ee damaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha. Nasiib darro wey ka dhaga adeegeen ayagoo u heysto inay sharciga ka sareeyaan oo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed ku tuman karaan isla markaana aan tilaabo sharciga waafaqsan aan laga qaadeynin”. “Waan sii kordhineynaa dadaalkeena aan ku dooneyno inaan ku difaacno kuna soo dhicino xaqqa ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed. Marna ma yeeli doonno in lagu tunto xuquuqda ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed” ayuu ku daray Cumar Faaruuq Cismaan. Xukunkan ayaa noqonaya mid taariikhi ah oo lagu ilaaliyo sharafka iyo xaqqa shaqaalaha Soomaaliyeed waana mid kamid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee uu ku tallaabsaday Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU). FESTU waxay hoosta ka xariiqday in dacwaddo waa weyn ay u gudbineyso maxkamadaha dalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadana ee Qaramada Midoobey si loo dhowro xaqa ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed. View the full article
-
Somalia’s labour movement scored an unprecedented legal victory against Turkish multinational company, Favori LLC when a court in Mogadishu ordered compensation for time lost and reinstatement of a worker whose employment had been unfairly terminated. In a ruling decision arrived at on December14, 2020 but released to the parties on February 20, 2021, the Banadir Regional Court found that Favori LCC’s termination of Abshir Hassan Abdulle’s employment as a porter at Mogadishu’s Aden Abdulle Airport, violated the provisions of Somali labour law and the employment contract between him and the company. “The Court decides that the dismissal of Abshir Hassan Abdulle is illegal, and orders that he be reinstated and that all arrears from October be paid to him,” part of the judgement reads. The court dismissed all pleadings by the Favori lawyers, reaffirming the complaints brought against Favori by Abshir Hassan Abdulle. Represented by attorneys Zakariye Ismail and Mohamed Abdullahi Khalil, who were hired by the Federation of Somali Trade Unions FESTU, Abshir Hassan Abdulle took Favori LCC to court on 14 November 2020. “This is an important achievement by the working class in Somalia. We applaud the court’s decision as it sends a clear signal to Favori and other multinationals operating in Somalia that they have a non-negotiable duty to respect the laws of Somalia and respect the rights of workers. Impunity shall not be tolerated, and Favori must desist from depriving Somali workers of their human and labour rights including the right to union representation and collective bargaining,” FESTU General Secretary General Omar Faruk Osman said immediately after the court decision was announced. “Exploitation and abuse of workers by Favori including bodily harm had reached unprecedented levels. It is unfortunate that the abuser enjoyed the protection of offices entrusted with the responsibility of protecting the public interest. We shall take this fight to the highest level if we sense any attempt to have this ruling reversed,” he said. The court’s decision comes just a week after FESTU released a damning report, documenting the systematic abuse of workers’ rights by Favori. The report found that Favori’s labour practices were in gross violation of not only Somali labour law but international labour conventions and practices as well. Among others, workers were exposed to poor occupational safety and health, faced unfair treatment by the company and were vulnerable to abuse as they were denied all the basic protections under the law because of the firm’s collusion with powerful political figures in Somalia. Favori employees could not organize under a labour union and were penalized for any attempts to assert their rights as the right to freedom of association, the right to organise and the right to collective bargaining. They were also cheated of their wages and work under an atmosphere of fear. Workers were also subjected to inhumane treatment with those that suffer injuries at the workplace neither given medical support or compensation. The report features disturbing images of workers who were abandoned after suffering injuries to their limbs. View the full article
-
The African Union (AU) on Friday called on the entire Somalia political class to act in the interests of Somalia by avoiding narrow partisan political interests. “The AU urges the Somalia leadership and the entire Somalia political class to act in the interests of Somalia as a whole, rather than narrow partisan political interests,” said a statement by Moussa Faki Mahamat, the chairperson of the AU Commission. “The people of Somalia have suffered for too long, and the current violence poses a serious threat to the Somali Transition Plan (STP), at the precise moment it is being finalized,” said the statement. The AU chairperson condemned all forms of violence and called on Somalia stakeholders to refrain from acts that might jeopardize peace and security in the country, as well as to work together to find a consensual solution that will break current political stalemate. Mahamat also urged all relevant Somalia stakeholders to avoid taking unilateral actions that might undermine efforts to effectively confront and degrade al-Shabaab and other terrorist groups. AU, through African Union Mission in Somalia, will continue to uphold its mandate to support the federal government of Somalia and the Somalia people in their quest for peace and stability, said the chairperson. The AU statement came amid sporadic gunfire and rockets exploded on the streets of Somali capital of Mogadishu, as security forces clashed with protesters pushing for delayed national elections. The clashes came after the government said its forces foiled an attack on one of its military bases in Mogadishu. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Habeen-2022021.mp3 View the full article
-
Illaa hadda waxa aan la dhamaynin khilaaf u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay. Khilaafkan oo muddo dhowr bilood ah taagan, ayaanu waxaanu War-bixin ku eegaynaa waxa uu salka ku hayo, waxa shuruudaha Somaliland hor-dhigtay Qaramada Midoobay iyo waxa labada dhinac ku waayi karaan haddii xidhiidhoodu dhamamado. Halkee ayuu marayaa xidhiidhka Somaliland iyo Qaramada Midoobay maxaase ku seeggan Somaliland? Sidii aanu idiin soo gudbinay bishii tobnaad ee sannadkii inna dhaafay, Wasaaradda Qorshaynta ayaa soo saartay wareegto ay ku joojinayso dhammaan qorsheyaasha arrimaha horumarinta la xidhiidha ee hay’adaha Qaramada Midoobay, taasoo sida muuqatay jawaab u ahayd heshiis iskaashi oo ay wada galeen Qaramada Midoobay iyo Dawladda Soomaaliya, heshiiskaas oo magaciisu ahaa UN Sustainable Development Cooperation Framework (UNCF). Waxa la filayey in ay labada dhinac khilaafkaas ka heshiis doonaan hawlaha horumarintuna ay sidooda u bilaabmidoonaanmarka la gaadho 2021. Hase ahaatee, ilaa hadda oo laga joogo ku dhawaad shan bilood wax heshiis ah oo uu Wargeyska Geeska Afrika ka war qabo oo ay dhinacyadu gaadheen ma jiro, walina waxa taagan shaqooyinkii la xidhiidhay arrimaha horumarinta ee ay hay’adahaasi qaban jireen in kastoo hawlihii aadaminimadu socdaan. Ilaa 20 hay’adood oo Qaramada Midoobay ah ayaa Somaliland ka hawlgala, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay hawlahoodu hadda u xaniban yihiin khilaafka ka dhex oogan xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay. Laba toddobaad ka hor waxa Somaliland soo booqday Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, wuxuuna kullamo la qaatay Madaxweynaha Somaliland, Wasiirka Qorshaynta ee Somaliland iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada. Hase ahaatee Qaramada Midoobay iyo Xukuumadda Somaliland midkoodna kama hadal halka uu marayo khilaafka u dhaxeeyaa, taa soo loo fasirtay in aan weli wax xal ah laga gaadhin. Muxuu ku salaysan yahay khilaafku? Marka laga yimaaddo heshiiska iskaashiga ah ee ay Qaramada Midoobay la gashay Dawladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ka cadhaysiiyey Somaliland, waxa jira arrimo ay Somaliland ka doonayso Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku dhigan 7 bog oo qoraal ah oo sida la sheegay ay xukuumadda Somaliland u gudbisay Qaramada Midoobay, dhawaana ay Warbaahintu tebiyeen. Haddii waraaqahaa la baahiyey dhab yihiin, Somaliland waxay doonaysaa in ay Qaramada Midoobay la gasho heshiis gaar ah iyo borotokool lagu wada shaqeeyo, in si caddaalad ah lagu qaybsado khayraadka adduunku ugu deeqo wixii Soomaaliya la isku odhan jiray, in ay ku dhaqanto khariiddada Somaliland iyo magacyada gobollada Somaliland, in xafiisyada Qaramada Midoobay ee Somaliland ay yeeshaan xafiis-madaxeedyo u gaar ah oo aan ahayn kuwa hoos taga Muqdisho, in daraasadaha ay Qaramada Midoobay samayso aan lagu dhex darin kuwa Soomaaliya iyo sidoo kale in Somaliland lagu soo wareejiyo barnaamijyada qaar, sida ka loo yayaan Food Security and Nutrition Analysis Unit, barnaamijkaas oo lagu go’aamiyo mucaawimooyinka la xidhiidha arrimaha bani’aadanimada. Ma caddawali in Qaramada Midoobay ay shuruudahan aqbashay, in ay badh aqbashay iyo in ay dhammaantood diidday. Maxaa ku seegan Somaliland haddii khilaafku sii dabo dheeraado? Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ee ay Qaramada Midoobayna ka tirsan tahay ayaa lagu qiyaasaa in ay Somaliland ku isticmaalaan dhaqaale lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 300 ilaa 400 boqol oo malyuun oo dollar marka la isku daro arrimaha bani’aadanimada iyo kuwa horumarinta. Taas macnaheedu waxay tahay in Somaliland ay dhaqaaleiyo mashaariic horumarineed ku waayayso marka ay muddadu sii dheeraataba. Waxa laga yaabaa in saddexdan bilood ee sannadka horraantiisa ay Somaliland khilaafkan kuwaydo lacag qiyaas ahaan gaadhi karta ama ka badan ilaa 40 milyan oo Doollar sida ay dadka qaar qiyaaseen. Haddii ay dhacdo in mashaariicda qaar meelo Somaliland ka baxsan loo wareejiyo ama la dhimo xaddigooda, waxa dhici karta in dad reer Somaliland ahi shaqooyinkooda waayi karaan mashaariic horumarineed oo socdaana meesha ka bixi karaan. Maxaa ku seegan Qaramada Midoobay? Hay’adda Qaramada Midoobay oo ay mabaadii’deeda ka mid tahay dhexdhexaadnimadu, haddii is-afgaranwaaga u dhaxeeya Somaliland uu jiimato waxa dhaawac soo gaadhi karaa sumacaddeedii dhexdhexaadnimada, sidoo kale waxay lumin doontaa waddan ay muddo 30 sanno ah soo wada shaqaynayeen oo ka mid ah waddamada Geeska Afrika ee indhahana laga qarsan karin. Waxa iyaduna dhici karta haddii khilaafku aad u fogaado in qaadhaan-bixyeyaasha iyo Qaramada Midoobay ay ku kala aragti duwanaadaan sida Somaliland loo wajahayo taasna ay Qaramada Midoobay dhaqaale iyo saaxiibo ku lumiso. Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in khilaafkani aanu labada dhinac midna dan u ahayn, loona baahan yahay in la badbaadiyo wada-shaqayntii Somaliland iyo Qaramada Midoobay ee muddada dheer soo taxnayd. Source
-
DUBAI : Saudi Arabia’s foreign ministry said it “greatly concerned” over the developments of events in Somalia, which led to multiple fatalities in its capital, Mogadishu, state news agency SPA reported . The ministry stressed the importance for no further escalation of troubles and expressed its keenness to reach a solution in the country through dialogue. It also offered its condolences to the families of the victims and wished the injured a speedy recovery. Earlier in February, at least three people were killed and eight others wounded after a car bomb detonated near a security checkpoint along a key road in Mogadishu, security official and witnesses said. The capital is regularly targeted by attacks by the Al-Qaeda-linked Al-Shabab group who have been waging a long and violent insurgency seeking to unseat the internationally backed government in Mogadishu. They were driven out of Mogadishu in 2011, but still control territory from where they plan and launch frequent, deadly strikes against government and civilian targets. The post Saudi Arabia concerned over escalation of unrest in Mogadishu: Foreign ministry appeared first on . Source
-
Madaweynihii hore ee Dawlada Federaalja Somaaliyeed isla markaana aha Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharraxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay garab joogaan Musharraxiinta xilka Madaxweynaha ayaa maanta ku dhawaaqay Banaanbax cusub oo aad u balaaran, isagoo fal dambiyeed ku tilmaamay in ciidamadii uu qaybta ka ahaa dhismaha iyo yabyabkooda in loo adeegsado shacbi somaaliyeed oo ku guda jira Banaanbax Nabadeed. Halkan ka dhageyso Shirka-jaraa’id ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed : The post Daawo : – M/weynihii hore Sheekh Shariif iyo Golaha Midowga Musharixiinta oo ku baaqay Banaanbax cusub appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jimcihii 19-kii February dagaal ka dhacay Daljirka Daahsoon oo maalinaas la filayay inuu bannaanbax ka dhaco ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa si kedis ku bilowday, wuxuuna dhaxmaray ciidanka Dowladda iyo ilaalada musharaxiinta. Waxaa xigay maalintii jimacaha 19-kii February in qol-qolotooyinka kale ay ka dhaceen waddooyin dhawr ah oo caasimada ah oo ay xireen ciidanka si ay u xakameeyaan dad doonayay in ay ka bannaan-baxan in xukunka dalka lagu sii joogo si sharci darro ah. In ka badan sagaal- qof ayaa ku geeriyootay halka lix iyo toban kalena ay ku dhawacmeen kuwaas oo isugu jira ciidanka ku dagaalamay nawaaxiga Daljirka Dahsoon iyo kuwo kale oo ku waxyeeloobay rasaasta ciidanka Dowladda ay ku rideen bannaanbaxyaasha. Maalintii ay dibadbaxyada dhaceen ee Jimacaha 19-ka February, degmada Kaaraan iska hor imaad ka dhacay ayaa la soo wariyay inay ku dhaawacmeen shan qof oo shacab aha halka qof kalena uu ku dhintay Saqdii dhexe habeenimadii isla habeenimadaas dagaal kale oo ka dhex bilowday ciidanka Dowladda ee Gorgor iyo ilaalada musharraxiinta oo ku sugnaa Daljirka – Daahsoon ayaa la xaqiijiyay in ay ka dhalatay khasaare isugu jira dhimashada shan qof oo labada dhinac ah iyo dhaawac Lix –kale halka rasaas wiifta ah uu ku dhintay hal qof laba kalana ay ku dhaawacmeen , degmada Warta-nabadda. Dhanka kale , Maymuum Bashiir waa 25- jir ku nool degmada Hodan gaar ahaan carwadii hore ee xoolaha halkaas oo rasaas ku haleeshay xili saq dhexe ah, markaas oo hurdada ay kaga soo salashay xabad kaga dhacday qaybta dambe ee jirkeeda. “Waxa ay ahayd habeen Jimca ah, marka ay rasaasta ku dhacday Maymuun runtii xaaladeedu markii hore waa ka naxnay waddooyinka maadama ay xirnayeen isbitaalna waan gayn waynay taasna waxay sababtay in markii jidad la furay in isbitaal ula cararno,” sidaas waxa sheegay ehellada Maymuun oo aan la hadalnay. Degmada Warta-Nabada laba qof ayaa ku geeriyootay laba kalana waa ay ku dhawacmeen ka dib markii ay haleeshay rasaas wiifta ah oo ay is waydaarsanayeen ciidanka Dowladda iyo kuwo ilaalo midowga musharraxiinta. Ehallada mid ka mid ah dadkii dhaawacmay oo magaciisa lagu soo koobay Kaadiye ayaa sheegay in dhawaca wiilkooda ka dib u naxdin uu u dhintay Axmed Saki Cumar oo 28 sano jir kaas oo ka mid ahaa dadkii gurmadka fidinayay. Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya wali lagama hayo wax war ah oo ku saabsan tirada khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho. Isha: Goobjoog
-
Magalada Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha ugu halista badan ee ay ka howl-galaan warbaahinta Soomaaliyeed isla markaana ay kala kulmaan halista amni darro. 19-kii February Jimco Ciidanka Dowladda oo xiray waddooyinka Muqdisho ayaa diiday weriyayaasha in ay gutaan howlmalmeedkooda , iyaga oo suxufiyiinta la kulmay , dil , hanjabaad, xarig iyo is hor istaag , taas oo ka horjeeda xoriyada hadalka. Meelaha qaar Weriyayaasha ayaa laga hor istaagay in u gudbaan goobaha ay shirarka ay ku qabanayeen xubnaha mucaaraadka ah ee ka soo horjeeda Dowladda si shacabka ay u helaan xogaha dalka ka socda. Cabdi casiis Xasan Ibrahim oo ka mid ah wariyayaasha ka howl gala magaalada Muqdisho ayaa GoobJoog News u sheegay in shalay xilli ay ka soo baxeen Saaladdi Jimcaha, iyaga oo ku guda jiro howlahooda shaqo ay jirdil u geeysten Ciidamo ka tirsan kuwa Haramacad , gaar ahaan kuwa ku sugan Isgoyska Km4 . Wariye Cabdi Casiis ayaa sheegay sidoo kale in ciidamadu ay ka qaadeen qalabkii uu ku shaqeeynayay , xilli uu ku howlana sidii uu bulshada ugu soo tabin lahaa xaqiiqda goobta ay wax ka dhacayeen. “Meeshaas waxaan rabne inaan ka duubno dibad baxyadii meesha ka dhacay dad shacab ah oo meesha joogay iyo sidoo kale xaaladdu sida ay aheyd waxaa dhacday anagoo Live ku jirna oo rabna inaan shacabka wareysano oo xaaladda mesha ka jirta aan ka warbixino ayaa waxaa dhacday in ciidamo ka tirsan kuwa DFS gaar ahaan kuwa Haramacad kuwaas oo dhufeys kaga jira in ay markaas ii yeereen anigoo Live-kii ku jira ayna i dhaheen Live-ka maka bixi kartid”. “waxey i dhaheen ciidamada yaa tahay waan u sheegay ID-geyga tusay waxaas dhan maley aaba yeelin waxey sameeyeen dhaxdey i kishteen waxey igu dhufteen Qori baagiisa , jug badan ay i gaarsiiyee”. Fuad maxamud maxamed oo ka mid ah wariyayaasha Risaala ayaa dhankiisa sheegay in shalay uu cadaadis iyo caga jugleyn uu kala kulmay ciidamada. Wariye Fuad ayaa sheegay xilli uu ku jiray tabinta banaanbaxa in ciidamada dowladda ay dhowr jeer xireen, wariyaha ayaa sidoi kale xusay in uu caga jugleyn kala kulmay Ciidamada . ” Anigo xarunteyda u soo socdo wadooyinka dhan waa ay xirnayen Team wariyayaal aan aheyn shaqadii aan meesha ka bilawnay si dadka xaaladdii ugu tabino , anagoo meesheenna joogno ciidan Booliis ah aa noo imaadeen anagoo dhowr wariyayaal ah waa nala wade saldhigga degmada nala keenay , kadib taliyihii degmada na wareystay waxaan nahaa u shegne cabaar kadib waa nala soo daaye “. “Xaalad ayaa iska jirtay oo marka ciidamada qaar ee isgooysyada joogo markii aad u sheegto inaa wariya tahay cadaw ayeey kuu arkaan , oo dadkii ay la dirirayeen ama wareerarayeen wariyaheey u arkaan” Dhanka kale Xoghayaha Tababarada Ururka SJS Hanad Ali Gulied ayaa dhankooda cambaareeyay falalka ciidamada dowladda ay kula kaceen wariyayaasha . Hanad ayaa dowladda Waqtigeeda dhamaaday ugu baaqay in ay ka waan toowdo tacadiyada aya u geeysaneyso warbaahinta. ” Runtii wey na soo gaareen wariyayaal ka howl gala magaalada Muqdisho oo shalay ciidanka dowladda ay wax yeeleyen kuwa kale ay xireen , dhamaan wariyayaashaasi waxa ay aheeyn kuwa ka howl galaya warbaahinada magaalada Muqdisho , Illa Afar wariye ayaa la xaqiijiyay in ay ciidanka dowladda ay xireen oo ay jirdileen oo ay ka hor istaageen shaqadooda , in wariyayaasha laga hor istaago shaqadooda waxa ay miijineysa sida loogu xad gudbayo xoriyatul qowlka iyo in shacabka Muqdisho ay helaan xogaha ka dhacayo magaalada Muqdisho”. ” Waxaan ugu baaqaya DFS iyo dhinacyada kale in ay wariyayaasha u ogolaadan in ay gutaan shaqadooda oo aan laga hor istaagin shaqooyinka ay hayaan”. Sikastaba Shalay oo jimca aheyd magaalada Muqdisho waxa ka dhacay isku soo baxyo ay asoo abaabuleen Midawga Musharixiinta kaas oo looga soo horjeeday madaxweeynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dowaladda Soomaaliya ayaana habeen ka hor banaanbaxa waxa ay gebi ahaan xirtay wadooyinka magaalada, iyadoo ciidamada dowladda ay diidayeen in ay dadku isticmaalan lugtooda goobaha qaar. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Khartoum)-Iyadoo ay taagan tahay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa labada dal ee ku saabsan soohdinta u dhaxeeysa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan waxay sheegtay maanta oo Sabti ah in eedeynta Itoobiya ee ku aaddan in Suudaan ay la shaqeyneyso gacan saddexaad ay tahay gaf aan la cafin karin. Sidoo kale bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa lagu xusay in masuuliyiinta Itoobiya ay ku kaceen xad gudubyo la xidhiidha xadka labada dal, sido kalana ay weeraro gardaro ah ku hayaan dhulka Suudaan. Xukuumadda Khartuum ayaa xustay in dhankooda ay u hoggaansami doonaan heshiisyada iyo sharciyada ilaalinta nabada iyo amniga, haddii Itoobiya la garato deris wanaag kala dhaxeeya. Tani ayaa timid ka dib markii Wasaaradda Arimaha Dibada Ethiopia ay ku eedeysay dhigeeda Suudaan, bayaan ay shalay soo saartay, kaasi oo lagu qeexay in ciidamada Suudaan ay isku dayayaan in ay labada shacab ku qasbaan dagaal aan qiil lahayn. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Midowga Musharixiinta musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in shaqaaqadii shalay ila habeen ka hor ka dhacday magaalada Muqdisho ay aheyd isku-day dil dhameystiran oo uu mas’uul ka yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Afhayeenka oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in rasaastii ciidamada dowladda ku rideen Hotelka Maa’ida Ex-Naasa-hablood la doonayay in lagu dilay madaxweynayaashii hore ee dalka. Waxaa uu sheegay in sidoo kale rasaastii shalay lagu furay xubno uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ay iyana aheyd shirqool kale oo la doonayay in ciidamadii difaaca cadawga loogu talo galay ay ku dilaan musharixiinta iyo dadka kale. “Wixii shalay wuxuu ahaa shirqool la doonayay in madaxweynayaal hore lagu dilo, dadka aan aqoon ciidamada waxaan u sheegayaa waxaa jirta maah maah ah ‘xabada waa inay qoriga ku jirto ama qof ku jirto’,” ayuu yiri Daahir Gelle. Waxaa uu intaasi ku daray in musharixiinta ay doonayeen inay fagaaro ka hadlan, balse laga hor-istaagay, waxaana uu yiri in dhibaatadii dhacday inay ku dacweyn doonaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, oo uu sheegay in amarkaasi uu bixiyay. Daahir Geelle ma sheegin halka ay ku dacweynayaan Farmaajo. Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu sheegay in Farmaajo oo shalay diiday in banaanbax lagu qabto taalada Daljirka Daahsoon uusan ogolaan doonin in doorasho lagula tartamo.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale ku dhawaaqay banaanbax nabadeed oo ka dhacaya Muqdisho, waxeyna ku muujin doonaan sida ay u doonayaan iney dhacdo doorasho xalaal ah oo la isku raacsan yahay. Shariif Sheikh Axmed, oo ah gudoomiyaha midowga musharaxiinta oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay iney mar kale qabanayaan banaanbax nabadeed oo dastuurka uu u ogol yahay. Madaxweynahii hore Soomaaliya wuxuu sheegay in dibadbaxyada ay yahiin xuquuq dastuuri ah, sidoo kalana aysan aheyn wax dowladnimada dhaawacaya, waana hab uu muwaadinka ku cabiri karo dareenkiisa. Dhanka kale Shariif wuxuu sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ciidamada qaranka u adeegsaday dano khaas ah, isagoo ku weeraray musharaxiinta, sidoo kalana wuxuu saraakiisha ciidanka u sheegay iney baal mareen dhismahooda. “Waa nasiib darro in Ciidamadii aan ku naalooneynay inay dhidibada u aasaan qaranimada Maanta nagula weeraro, ciidamada waxey ku dhisan yihiin sharci & dowladnimo hadii ay ka gudbaana ciidan maahan,” ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed. Midowga musharaxiinta oo wadajir ah waxey adkeeyeen iney mar kale abaabulayaan banaanbax nabadeed oo ay rabaan iney dareenkooda ku cabiraan, dadka reer Muqdisho ayaana wali ka walaacsan xaaladda guud ee la hadal hayo. Hoos ka daawo Sheekh Shariif
-
Maxaad ka ogtahay Isku daygii Samaynta Guutadii UFFO ee Ururkii SNM iyo sidii loola meeraystay ? Asalaamu Calaykum Marka laga soo bilaabo sanadkii 1989 kii ilaa intii Dalka laga soo galiyay waxa ururka SNM ku soo qulqulayay saraakiil aad u tiro badan oo ka soo goosanayay Taliskii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre, saraakiishaas oo ka iman jiray Muqdisho iyo Gobolada Koonfurta Soomaaliya ee kala duwani waxay soo mari jireen dhulka Hawdka ah ee teedsan Soomaaliya ilaa Itoobiya iyagoo aakhirka iman jiray oo iska soo xaadirin jiray xaruntii SNM ee Bali-gubadle. Xiligaasi xaalka SNM wuxuu ahaa mid ay kala daadsanaan badani ka muuqato, khilaafna uu hadheeyay, ciidamadii SNM tuna ay hab qabiilaysan oo magacyo qaybeed wata ay u kala fadhiyeen. Saraakiishii xiligaas Koonfur ka yimi waxay SNM tii ku soo kordhiyeen dhiig cusub iyo firfircooni, waxaanay badi la wareegeen hoggaankii qaybaha kala duwan ee Ciidamada SNM. Saraakiisha xiligaas SNM ku soo biiray ee markiiba dagaalkii hoggaanka u qabtay oo aad u badnaa waxaynu ka xusi karnaa oo ka mid ahaa; Col. Haybe Cumar oo noqday Taliyihii Aaga 31aad, Col. Cabdilaahi Darawal oo noqday Abaanduulihii aagga 31aad, Col. Maxamed Xuseen Qalinle oo noqday Hawlgaliyihii aagga 31aad, iyo Col. Carab Ducaale oo noqday Taliyihii Guud ee Ciidamada SNM, waxaa kale oo jiray saraakiil badan oo kale oo Bari iyo Galbeedba ka hawl galay. Hadaba Inta aynaan ku hafan badweyntii SNM oo aan Taariikhdeeda si fudud loo soo koobi karin, aynu hoos ugu daadegno dulucda maqaalkeena ee khuseeya UFFO. Xiligaas aynu kor ku soo sheegnay ee ay Saraakiishu ka soo goosanaysay Dawlada Soomaaliya ayaa waxa soo goostay oo ururkii SNM u yimi laba sarkaar oo khabiirro ah oo kala ahaa Gen. Cali Xuseen iyo Col. Cabdi Xuseen Diiriye Curad, waxa ay ahaayeen laba Sarkaal oo Dawladii Soomaaliya ay aad uga naxday inay ka goosteen. Labadaas Sarkaal ee Janaraal Cali Xuseen iyo Kornayl Cabdi Xuseen oo markiiba indho-indheeyay xaalada ay SNM xiligaas ku jirtay waxa ay hoggaankii sare ee SNM ay u sheegeen in xaalada qaybsanaanta ah iyo khilaafka ay SNM ku jirto aanay Dal ku qabsan karin, waxaanay dalbadeen in la dhiso ciiddan middaysan oo SNM qaybaheeda ka kooban oo ugu yaraan 800 oo askari ah oo iyaga gacanta loo geliyo. Muddo yar gudaheedba Ciidan ka socday qaybtii 3aad, iyo qaybtii 12aad iyo qaybtii 4aad ayaa u yimi qaybtii 10aad oo hore usii deggenaa meesha la yidhaa CUNO-QABAD dadka qaarna ay u yaqaanaan Bariiso-yar oo ku taalla nawaaxiga u dhexeeya Darfacle iyo Godka Jaamac Giriin meesha la yidhaa. Ciidankaas waxaa Madax looga dhigay Cabdilaahi Darawal, Geelle nin la odhan jiray oo 3aad ka tirsanaa iyo nin Cabdiraxmaan la odhan jiray oo 4aad ka tirsanaa. Nasiib darro Ciidankaas oo aan wax dagaal ah gelin ayaa khilaaf ku bilaabmay, khilaafkaas oo u dhexeeyay Saraakiishii sare SNM tii hore iyo Saraakiishii cusbayd ee koonfur ka timi, isku meeraysi ka dib ciidankii wuu kala dhaqaaqay, waxaanay aakhirkii ku kala noqdeen qaybihii ay ka kala yimaadeen markii hore. Inkasta oo ciidankaas UFFO loo bixiyay lala meeraystay, hadana aakhirkii fikirkaasi muu shiikhin, waxaanuu bar bilow u noqday aasaaska Guutadii Koodbuur oo xiligaas wax yar ka dib la dhisay. Marxuum Gen Cali Xuseen iyo Col. Cabdi Xuseem Diiriye Curad waxa Taliyihii Ciidamada Itoobiya Gobolka Hararge iyo Sirdoonka Itoobiya ay ku soo war geliyeem inay hayaan xogo tilmaamaya in Dawladii Soomaaliya ay qorshaysay in ay disho loona adeegsan doono sirdoon gaar ah, sidaas darteed ay Bali-gubadle ka tagaan oo ay xaga Jigjiga yimaadaan, hase yeeshee way ka dhago adaygeen in ay taladaas qaataan, waxayse sameeyeen in guri ay ka dhex kiraysteen badhtamaha Bali-gubadle oo ay ka aag badasheen Xarunta SNM oo ay dhex seexan jireen. Fiiro gaar ah: iyada oo maanta ay tahay maalintii UFFO ayaan jeclaystay inaan xuso guutadii SMM ee UFFO loo bixiyay. Magacyada aan halkan ku xusay intii dhimatay Rabbi ha u naxariisto, inta noolna Rabbi Caafimaad iyo Cisi haku nooleeyo. Aamiin. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK Qaran News
