-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Bar___Qubanaha-2122021-ok-o.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Caawa khudbad dheer ka jeediyay Xarunta Cilmi-baarista Puntland ee PDRC, ayaa si kulul Madaxweyne Farmaajo ugu dhaliilay xasaradda siyaasadeed ee dalka ka jirta. Mudane Deni, ayaa Madaxweyne Farmaajo bilow iyo dhammaadba ku eedeeyay khilaafka la xallin waayay ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna hirgelinta Doorashada Madaxtinimada dalka. Madaxweynaha Puntland wuxu sidoo kale sheegay in Mr Farmaajo doonayo in uusan doorasho qaban islamarkaan dalka xoog ku haysto, isagoo adeegsanaya ciidan uu ku tilmaamay manaxayaal oo keligiis ka amar-qaata. Khudbadda Madaxweyne Deni, ayaa ka duwanayd kuwiisi hore, waxaana ka muuqatay in ay aad u kala fogaadeen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Halkaan ka daawo Khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Deni oo aan waxba ula harin Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka, isagoo shaaca ka qaaday arrimo badan oo xasaasi ah oo uu Farmaajo qorsheynayo. Saciid Deni ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ku eedeeyey wax kasta oo dib u dhac iyo khilaaf ku keenay doorashada Soomaaliya, isagoo mid mid u dul istaagay qodobada uu ku eedeynayo Farmaajo. Deni ayaa ku eedeeyey in Farmaajo uusan rabin doorasho sax ah oo dalka ka dhacda, ee mar waliba sameynayey wax aan macquul ahayn si waqtiga loo dhammeeyo, markii ugu danbeysayna uu ku dhegay magaalada Garbahaarey. Madaxweynaha Puntland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in madaxweyne Farmaajo oo xalka Garbahareey laga waayey loo sii daba fadhiyo xaaladda dalka Soomaaliya oo dhan. Sidoo kale Saciid Deni ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu u sheegay in beeshiisu aysan ka yeeleyn in gobolka Gedo uu ku wareejiyo Jubaland. Waxa uu sheegay in Farmaajo uu si cad ugu sheegay inuu dalka xoog ku maamulayo, islamarkaana Mogadishu Clan qeylinaya, sida uu hadalka u dhigay, aysan waxba ka qaadi karin “sababtoo ah wuxuu haystaa ciidan.” Madaxweynaha Puntland waxa uu intaas ku darau in Farmaajo ay dad kasoo jeeda Mogadishu Clan ay kala shaqeynayaan sidii uu dalka xoog ugu maamuli lahaa, ayna halistu tahay inuu dalku ka rido dagaal sokeeye. “Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Mogadishu Clan,” ayuu yiri Sacid Deni. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu ku dacweeyey masuul kasta oo ku heyb ah, balse qaarkood uu kala kulmay eedeyn ah inuu kala saftay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Saciid Deni ayaa sidoo kale shaaciyey in Farmaajo uu dhisay ciidamo isaga u daacad ah sida Haramcad iyo Gorgor, oo aan marna dagaal la gelin Al-Shabaab balse uu isagu adeegsado, ayna weerarro ka fuliyeen Galmudug, Gedo iyo Daljirka Dahsoon oo Muqdisho ah. Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in dalka uu halis ugu jiro inuu dagaal sokeeye ku laabto, iyadoo beesha caalamka aanay wax badan kala socon, islamarkaana Puntland aanay qeyb ka noqon doonin halista Farmaajo, sida uu yiri. Hoos ka daawo khudbadda Deni oo dhameystiran
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay in muddada ay xidhnaanayaan loo kordhiyey Laba Musharrax oo xisbigaasi ka sharraxan, kuwaasi oo Xabsiga Mandheera loo Taxaabay 8-dii bishan February. Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo Shalay la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in Arbacadii la soo dhaafay Maxkamadda la horkeeno, balse iyagoon Garsoorka la horkeenin Xadhigga loo sii dheereeyay isla-markaana loo jaray 7 Maalmood oo kale. Yuusuf Kayse oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xadhigga Musharraxiintaasi wuxuu marayaa 12 Cisho, waxay ahayd in Arbacadii la keeno Garsoorka hortiisa, maaddaama oo ay u dhamaadeen 7 Maalmood ee Rumaanka ah ee Mandheera loogu diray, laakiin waxaanu ka war helnay inaan la keenin oo iyagoo Mandheera ku jira Muddada loo kordhiyey, arrintaasi wer-wer bay nagu keentay, waxaanu u aragnaa in Madax-banaanidii Garsoorka uu culays badani saaran yahay, sababtu waxa weeyaan marka qof masuul ahi uu Qof soo xidho, wuxuu xilku ku wareegaa Garsooraha oo amar Garsoore ayaa Qofka lagu xidhaa, Garsooruhu wuxuu xaq u leeyahay inuu muddo baadhiseed, Saddex Cisho ama 7 Cisho ah, laakiin waxaan aad iyo aad uga xumahay iyadoon Garsoorkii la soo marin oo aan la horkeenin, in haddana 7 Cisho oo kordhin ah loo sameeyo.” Xoghayuhu wuxuu sheegay oo kale “Waxaad ka war haysaan in Waalidkoodii loo diiday oo ay Warbaahinta ka sheegeen in loo diiday inay arkaan.”ayuu yidhi. Source
-
” Raaligelin Baan ka Bixinayaa Hadalada Wasiir Cismaan Dubbe ee uu ku duray dawlada imaaradka oo ka mid ah dawladaha horumarinta Somaliland ka shaqeeya aad baan uga xumahay in uu maago isaga oo magac reer sita oo aan magac dawladeed sidan, Anaa Odeygiisi iyo Madaxdhaqameedkiisi ah raaligalina waan ka bixinay hadaladaasi”. Boqor Cismaan Buurmadow ayaa sidaasi ku yidhi wareysi aan la yeeshay sidoo kalena wuxuu raaligalin ka siiyey Musharaxiinta Mucaaridka Soomaliya, Maamulada Jubbaland, Puntland, Dawladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya hadaladii uu ku duray dhinayacadaasi kala duwan Wasiirka Warfaafinta Soomaliya Cismaan Dubbe. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharrixiinta ayaa warqad ay u direen Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward, waxay ku dalbadeen in xaaladda Soomaaliya si dhaw loo soo farageliyo si loo hubiyo in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha. Musharrixiinta qoraalka diray oo gaaray 15 ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday iyo xulafadiisa maamulka inay diideen ka shaqeynta fududeynta doorashooyin xor iyo xalaal ah. Waxay ka digeen haddii Golaha Amnigu uusan fara gelin xalaadda dalka uu Farmaajo sii wadi doono carqaladeynta dadaallada lagu doonayo geeddi-socod doorasho oo dimuqraadi ah. Waxay warqaddooda ku sheegeen in xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya ay ka dhalatay Siyaasada Farmaajo ee lagu bartilmaameedsanayo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeedda, oo ay weheliso ficilkiisa ula kaca ah ee sida joogtada ah dib loogu dhigo doorashooyinka si loo raadiyo muddo kordhin sharci darro ah ama awood lagu qabsado qaab militari. Waxay codsadeen in Farmaajo lagu qasbo inuu joojiyo dhammaan faragelinta lagu hayo howlaha doorashada iyo inuu xilka ku wareejiyo gole ku-meel gaar ah oo qaran oo ka kooban Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaasha Aqalka Hoose iyo golaha shacabka. “Waxaa burburay kalsoonidii siyaasadeed ee Soomaaliya, maxaa yeelay waxaan markhaati ka nahay dadaal nidaamsan oo uu Farmaajo ku doonayay inuu ku majaxaabiyo dimuqraadiyadda, una adeegsado xoogag milatari si uu sharci darro xafiiska ugu sii joogo,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxay sidoo kale sheegeen in Febaraayo 18-19 ay ciidamada dowladda federaalka oo ka amar qaadanaya Farmaajo ay isku dayeen dilka dhowr murashax madaxweyne iyo hogaamiyaasha mucaaradka, sida ay hadalka u dhigeen, ayna rasaas ku fureen iyaga iyo dibadbaxayaal kale oo si nabad ah isugu soo baxay magaalada Muqdisho si ay u dalbadaan doorasho deg deg ah, ayna sidoo kale Hotelka Ma’ida ku weerareen seddex musharax. “Ficilladaan gardarrada ah ma ah kaliya sharci darro iyo anshax xumo, laakiin waxay horumariyaan dhaqanka Farmaajo ee caburinta xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee ah inay hadlaan oo ay si xor ah isu soo baxaan, arrintaas oo si aad ah u wiiqaysa rajada laga qabo doorasho xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Farmaajo inuu Muqdisho ku urursaday ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee la filaayay inay la dagaallamaan Al-Shabaab, si ay weeraro cusub ugu qaadaan guryaha ay degan yihiin musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo una laayaan musharixiinta iyo hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadeed. Qoraalka ayaa lagu yiri “Midawga Murashixiinta waxay si xushmad leh uga codsanayaan Golaha Ammaanka inuu qaado tallaabo deg deg ah oo lagu baarayo xasuuqyada uu geystey Madaxweynaha sharciyaddu ka dhamaatay si cadaaladda loo horkeeno kuwa ka masuulka ah dhibaatadii dhacday. Waxaa kale oo ay codsadeen in ficil si deg deg ah loo sameeyo si looga hortago dadaalada sharci darada ah ee taliska waqtigiisu dhamaaday ee ah inuu xukunka ku dheganaado, iyo in la hubiyo doorashooyin xor iyo xalaal ah todobaadyada soo socda.” Qoraalka loo diray Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward ayaa sidoo kale la ogeysiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony J. Blinken, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamet, Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ahna Madaxweyne ku-xigeenka Guddiga Yurub, Josep Borrell Fontelles, Wakiilka Midowga Afrika ee Nabadda iyo Amniga Danjire Smail Chergui, Xoghayaha Fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha guud ee OIC Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman, iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul-Gheit. Hoos ka arag qoraalka
-
The Federal Government of Somalia has said that the ongoing protests in the country over the elections will not subvert the peace and progress gained thus far in the country. In a press statement issued by the country’s Ministry of Foreign Affairs, the government condemned the violence against members of the Somali Security Forces carried out by “security personnel of the prospective presidential candidates on the night of 19th February 2021.” The government called out some of the nation’s leaders for seeking to “bring instability at precisely the moment the FGS, with the support of the Somali people are protecting Somalia’s integrity ad independence, while regaining their dignity and honour as an equal among the nation states of the globe.” The FGS further said it would hold an election in order to pave way for moving forward the realization of the aspiration of the Somali people for peace and prosperity. This comes a day after the United Nations said it is “deeply concerned” by the clashes that rocked Somalia’s capital, Mogadishu, overnight and on Friday morning between opposition and security forces. In a message published on Twitter, the United Nations Assistance Mission in Somalia called for calm and restraint by all parties involved, and urged that open lines of communication be maintained to help reduce tensions. View the full article
-
A former judge of an international tribunal and a law lecturer in the UK are part of a team of eight hired to defend Kenya in a maritime dispute filed by Somalia. Prof Sean Murphy of George Washington School of Law will be leading the team alongside Justice Tullion Treves, a a former judge at the International Tribunal of the Law of the Sea. Justice Treves also appeared before the International Court of Justice (ICJ) in a similar case pitting Peru versus Chile. Prof Phoebe Okowa, lecturer of International Law at the Queen Mary University in London is the only Kenyan. She was a part of a maritime case filed by Gambia against Myanmar. She is an alumnus of the University of Nairobi where she graduated with First Class honours. Also in the team is Prof Makane Mbengue, a Senegalese, who teaches international law at the University of Geneva. He too has litigated before the ICJ, including representing the African Union in the advisory on the Legal Consequences on the Separation of the Chagos Archipelago from Mauritius in 1965. He will be the team coordinator. From the same university (Geneva) is Prof Laurence Boisson De Chazournes who is also an international law expert. She holds two nationalities – Swiss and French. Another member of the team is Christian Tams, a professor at Gasglow University. The German national will give her expertise, having appeared before the same court in different cases. Kenya has also taken Eran Sthoeger from Israel. He too participated in Peru’s case against Chile. Also on the list is President of Sovereign Geographic Coalter Lathrop. He will offer cartographic and legal assistance to Kenya’s team in land and maritime boundary delimitation. The team replaces lawyers Karim Khan, Payam Akhavan (American), Makena Muchiri (Kenya), Vaughan Lowe QC (British), Alan Boyle (British), Mathias Forteau (French) and Amy Sanders (British). Kenya’s maritime area is approximately 255,000km, which was determined through parallel of latitudes in 1979. Somalia recognised Kenya’s claim to the EEZ for 35 years. However, in 2014, the Horn of African country filed a case before the International Court of Justice. The dispute was filed by Somalia’s Foreign Affairs and Investment Promotion Minister, Abdirahman Dualeh, on August 28, 2014, on behalf of his government. Point of disagreement The point of disagreement between Kenya and Somalia is the nature of the line of the maritime boundary. Somalia asserts a centre line from the Kenya/Somalia land boundary terminus but Kenya insists on a straight line. Somalia’s central line carves out a triangle of the maritime area currently occupied by Kenya and where four oil blocks are located. In 2019, Somalia floated for auction minerals within Kenya’s territorial waters alongside the four contested oil blocks. A document named ‘Offshore Somalia 2019’ and leaked from Somalia’s Ministry of Petroleum and Mineral Resources showed five oil blocks in Lamu are a part of those Somalia has floated to investors. Somalia floated for auction 15 blocks. They include blocks 131, 142, 152 and 153 located in Galmudug and referred to as Obbia Basin, blocks 164, 165, 166, 177, 178 and 179 in Hirshabelle referred to as Coriole Basin, and blocks 189, 190, 204, 218 and 219 located on the Lamu Basin, which is Kenya’s territorial waters. The document detailed a plan, with January 1, 2020 as the date the successful bidder would start exploration. “The exploration block map is ready. The area of each block is maximum 5,000 Km square and represents one PSA,” the document reads. It emerged Somaila had also reached out to firms that had cut ties with it to restart their exploration activities. Some expressed willingness. The document showed prior to the breakdown of Somalia in 1991, giant International Oil Companies (IOCs) had taken possession of large acreage of its onshore territory, with exploration having started and 40 oil wells drilled. Interestingly, Somalia officials, while offering tenders for hydrocarbon exploration in February 2019 in London, were quick to inform bidders that previously gathered seismic data was incorrect due to use of wrong geologic models. View the full article
-
Waxaa goordhow laga soo saaray Muqdisho dhambaal ka socda musharaxiinta oo ku socda golaha ammaanka iyaga oo sharaxay xaaladda dalka iyo sida ay tahay in loo maareeyo kala guurka Midowga musharaxiinta ka kooban 15, oo farriin u diray golaha ammaanka ayaa ku sheegay in mas’uuliyad ka saaran tahay Ilaalinta dalkan nugul, sidaa dateedna ay soo farageliyaan arrimaha Soomaaliya isla markaana ay ku qasbaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu xilka ku wareejiyo gole KMG ah oo ka kooban Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada iyo afhayeennada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah Musharaxiinta waxaa kale oo ay sheegeen in uu dhacay isku deyn oo lagu qaarin jirin rabay Madaxweyneyaashii hore iyo musharaxiinta dibadbaxayey, oo lagu furay xabado nool, waxayna golaha ammaanka ka dalbadeen inuu furo baaris arrimahaas la xiriira Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda caafimaadka xukumadda federalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixintii ugu dambeysay ee kisaska cudurka Covid 19 ee la diiwaan geliyay 24kii saac ee la soo dhaafay guud aahan dalka soomaaliya. sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Xukkumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay sheegtay in 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka 936 qof, waxaana kiisaka laga helay Gobolka Banaadir iyo Qaar ka mdi ah maamul Goboleedyada dalka. HALKAAN HOOSE KA AKHRISO Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 936 Laga Helay: 128 Banadir: 110 Jubaland: 8 Somaliland: 6 Koonfur Galbed : 3 Galmudug: 1 Lab: 75 Dhedig: 53 Dhimasho: 8 Bogsashada: 7 Tirada Guud ee Laga Helay: 6,017 Bogsashada Guud: 3,764 Dhimashada Guud: 202 View the full article
-
Jubaland Oo Shuruudo Ku Xidhay Ka Qeybgalka Shirka Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Kismaayo)-Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa mowqifkiisa ku aadan doorashooyinka muranku ka taaganyahay ku faah-faahiyay warsaxaafadeed maanta oo Axad ah ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulkaas. “Heshiiskii September 17, 2020, kaddib waxaa soo baxay cabashooyin ku saleysan sadex qodob, kuwaas oo kala ahaa arrimaha gobolka Gedo, qaabka loo qabanayo doorashooyinka xubnaha Somaliland ee labada aqal ee Baarlamaanka Federalka iyo cabashada saamileyda siyaasadda ay ka muujiiyeen qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkan oo intaas raaciyay; “Dowladda Federalka ee wakhtigeedu dhammaaday ayaa qaaday tallaabooyin gurracan ee xoog sheegasho aan waafaqsaneyn sharciga oo waxyeello loogu geystay muwaadiniin gudanaya xaqooda dastuuriga ah iyo weerarkii hubeysnaa ee lagu qaaday saamileyda siyaasadda dalka ee ay ugu horreeyaan Madaxweyneyaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federalka Shariif Xasan Sheekh Aadan” Jubaland oo sheegtay in dalku uu galay marxalad cakiran waxay warsaxaafadedkeda ku soo koobtay baaqday shan qodob ah, kuwaas oo u qornaa sidan; Dowladda Federalka ee xilligeedu dhammaaday inay garawsho iyo raalligalin ka bixiso tallaabooyinka gurracan iyo waxyeellada ay u geysatay muwaadiniinta iyo saamileysa siyaasadda dalka; In la iskugu yimaado shir ay ka soo qeybgalayaan saamileyda siyaasadda dalka; In goobta uu shirku ka dhacayo noqoto goob amnigeeda lagu kalsoonan karo, mas’uuliyadeedana ay lahaato beesha caamalku; In la helo damaanad qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas; In madaxweynaha Federalka ee wakhtigiisu dhammaaday uu ka dhexbaxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida dhammaan saamileysa siyaasadda dalka. Maamulka Jubaland wuxuu sheegay in dhinacooda ay muujiyeen tanaasulaad, si xal looga gaadho doorashada 2021. Source -
Beri oo isniin ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya Arimaha cakiran ee Soomaaliya, Hadaba Golaha Midowga Murashixiinta oo kulankaas ka faa’iideysanaya ayaa warqad dheer u diray Golaha Amaanka. Goluhu wuxuu si Guud uga hadlayaa Xaalada uu Dalku ku sugan yahay iyo In Madaxweynihii walhtigiisu dhagaystay oo kursiga ka fuqi la’a uu ku darsadey Caburin iyo inuu Ciidamadii Qalabka siday uu u adeegsado Shacabka iyo Dadkii isaga la tartami lahaa. Waatan warqadii HALKAAN RIIX SI AAD U AKHRISATO PDFDownload Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Habeen-2122021.mp3 View the full article
-
This article will focus on a brief of history of the nation, which has suffered from poor economic performance, negative economic growth, government collapse, tribal war and droughts, dependence on foreign aid and endless frustration by failed efforts at reconciliation. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay inaan waddanna loo oggolaanin inuu xanunka Covid-19 u adeegsado inuu ku xadgudbo xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah. Blinken waxa uu hadalkan u jeediyey shir ku saabsan Covid-19 iyo tallaalka oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 17-kii bishan Febraayo. Blinken ma magacaabin waddan gaar ah markii uu hadalkaasi jeedinayey, waxaase uu ku baaqay in waddamada lagula xisaabtamo waajibaadka ka saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha. Dawlada Soomaaliya ayaa isla maalinta uu hadalkaasi jeediyey waxay soo saartay amar ay ku joojinayso isku soo baxyada iyo in la isku yimaado iyadoo sheegtay inay tallaabadaas u qaadday ka hortagga faafidda Covid-19 darteed. Ma cadda in hadalka Blinken uu ku socday Soomaaliya. Tallaabada ay qaadday dawladda Soomaaliya ayaa timid laba maalmood ka hor markii uu dhici lahaa bannaanbaxyo ay ku baaqeen mucaaradka oo ku beegnaa 19-ka Febraayo, kaasi oo gacan ka hadal ka dhashay iyadoo dhinacba kan kale u uku eedeeyey inuu soo weeraray. Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Anthony Blinken waxa uu sheegay inay muhiim tahay in caalamku uu si wadajir ah uga hortago kana guulaysto Covid-19, iyo cudurro kale oo faafa oo mustaqbalka yimaada. Blinken waxa uu sheegay in Maraykanku ay 20-kii sano ee lasoo dhaafay ku bixiyeen lacag dhan 140 bilyan oo dollar gargaarrada caafimaadka dunida. Waxa uu Blinken sheegay in dhamaadka bishan ay Maraykanku siin doonaan Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO lacag dhan 200 milyan oo dollar oo ah waajibkii kusoo aaday Maraykanka. Waxa uu ugu baaqay dhammaan waddamada inay la dagaalamanaan dacaayadaha aan jirin eel aga faafiyo tallaalka, waxaana uu sheegay in haddii aan taas la samaynin la boqongoynayo hadafkii la lahaa. Isha: VOA
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhow wuxuu lahadlayaa Shacabka Soomaaliyeed. Xaalada qalafsan ee Dalku wajahay 19 bishaan Feberaayo ayuu Madaxweynuhu ka hadlindoonaa iyo Mowqifka Puntland ee Doorashada. Madaxweyne Deni wuxuu horay u Cambaareeyay qaabkii loola dhaqmay Murashixiinta iyo Shacabkii Mudaharaadayay isagoo waliba ka tacsiyeeyey Dadkii ku waxyooloobay. Puntlandi.com ka daawo ???????????????????????????????????? Source
-
Shirkii u socdey Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey iyo Sadexda Maamul Goboleed ee ay Xulifadavyihiin ayaa lasoo gabagabeeyey. Qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegey in Shirku wadatashi ahaa lana isla meel dhigay hirgalinta Heshiisyadii 17 Sebtembar iyo kii Baydhabo. Qoraalka lama Faahfaahin waxa rasmiga ah ee kasoo baxay kulanka aan ka ahayn in Arimaha Doorashada laga wada hadlay. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka. Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqada Guddiga ay aas-aas u tahay xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar iyo talo-soojeedintooda oo soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada, taas oo ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqraadiyadda dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaalladii heer Federaal iyo Dolwad Goboleed ee loo qaaday horumarinta dowladnimada, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka. DHAMMAAD View the full article
-
Dowlad goboleedka Jubaland ayaa 5 shuruudood oo cusub ku xiray ka qeybgalka shirka doorashada Soomaaliya. War-saxaafadeed ka baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in jubaland ay ku baaqayso qodobada kala ah. – In Dowladda Federaalka raaligelin ka bixiso rabshadihii ka dhacay Muqdisho – In la isugu yimaado shir ay ka soo qeybgalaan muraadka. – In shirku ka dhaco goob amnigeeda mas’uul ka tahay Beesha Caalamka. – In la helo cid damaanad-qaada fulinta natiijada shirka. – Iyo in madaxweyne Farmaajo ka dhexbaxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka dalka. Hoos ka akhriso war-saxaafeedka oo dhameystiran PUNTLAND POST The post Jubaland oo shuruudo cusub ku xirtay ka qeybgalka shirka doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ayaa lagu yiri Wax loo dulqaadan karo ama la aqbali karo ma ahan in Si qaldan oo caburin Shacab ah loo adeegsado Covid19. Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey ee Soomaaliya ayaa Covid19 u adeegsatay hub ahaan ay ku baajinayeen Mudaharaadku Murashixiinta. Waakan Twitterkii Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka Source
