-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka ka qayb-galay Xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland ee (UFO) oo sannad walba laga xuso Dalka 20-Febraury-1982 Maalintii Dhagaxtuurka ay sameeyeen qaar ka mid ah dhalinyaradii Somaliland. Munaasibadda lagu xusayay oo lagu qabtay beerta xoriyadda ee Magaaladda Hargaysa oo ay goob joog ahaayeen ardayda dugsiyadda sare, hoose dhexe iyo qaar kamida dhallinyaradii dhagax-tuurka samaysay wakhtigaasi ee UFO oo uu kala qaybgalay khudbadna u jeediyey madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku dheraaday muhiimadda ay qaranka Somaliland u leedahay Maalintani ayaa yidhi” Maanta waa maalintii dhalinyaradda, waa xuskii UFO, waa maalin qaran oo mudan inaynu waynayno tusaalena u ah wixii qarankan loo soo maray, waxaanan dhalinyarada ugu baaqayaa inay ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda qarankoodana ilaashadaan”. Sidoo kale waxa halkaa khudbaddo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex, maayar ku xigeenka caasimada, gudoomiyaha Sonyo, siyaasiyiin iyo qaar ka mida dhalinyaradii wakhtigaasi dhagaxa-tuurayey. Wa-bilaahi tawfiiq Source
-
Hoggaamiyeyaasha Dhuumalaysiga ku jira ee Tigrayga oo shuruudo ku xidhay wadahadal ay galaan Abiy Axmed . Hogaamiyeyaashii xukunka laga tuuray ee xisbigii hore ee xukumayay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, kuwaas oo baxsad kujiray in kabadan 3 bilood, ayaa soo saaray shuruudo ay ku xidheen wadahadalka nabadda. Bayaanka ayaa waxaa baahiyay TMH, oo ah xarun warbaahineed oo taabacsan xisbiga TPLF. Colaada kajirta Tigray ayaa qaraxday horaantii bishii Nofeembar 2020 markii ay ciidamada federaalku bilaabeen guluf ay ku saareen kooxda TPLF kadib markii dagaalyahanadooda ay qabsadeen saldhigyo militari Liiska ay kooxda TPLF dalbatay waxaa kamid ah. In ciidammadii Eriteriya lagala baxo Tigreega. Labada dal ee Itoobiya iyo Eriteriya ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha Eritrea ee colaadda Tigray Ka bixitaanka “xoogaggii kale ee soo duulay”. Ciidamada Amxaarada ayaa sidoo kale ku dagaallamay Tigray, waxayna gacanta ku hayaan meelaha qaar. Baaritaan madaxbanaan oo ku saabsan “isir sifeynta qowmiyadaha” iyo burburka uu sababay isku dhacu. Helitaanka gobolka ee gargaarka bani’aadamnimada si loo gaaro 4.5 milyan qof oo si degdeg ah ugu baahan gargaar Sii deynta shuruud la’aan maxaabiista siyaasadeed Iyo kala diristii maamulkii kumeelgaarka ahaa ee Tigray oo la dhisay kadib khilaafkii Wadahadallo kasta oo nabadeed waa inay hogaamiyaan hay’ad madax banaan oo caalami ah, ayay raaciyeen. Todobaadkan horaantiisii, masuuliyiinta cusub ee Tigreega waxay dadka uga digeen inay gabbaad siiyaan cidkasta oo iskudayeysa inay xasillooni daro ka dhacdo gobolka. . Dhowr hoggaamiye oo TPLF ah oo howlgab ah ayaa la dilay ama la qabtay, laakiin hogaamiyaasha firfircoon ee xisbiga iyo hogaamiyaasha militariga ayaa wali dagaallamaya. Arrintan ayaa jirta inkasta oo dowladdu ay sheegtay in khilaafku dhammaaday ka dib markii la qabtay caasimadda gobolka, Mekelle, dhammaadkii bishii Nofeembar. Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Duhur-2022021.mp3 View the full article
-
The Secretary-General is gravely concerned by the outbreak of violence in Mogadishu and calls on all parties to exercise restraint and calm. The Secretary-General urges the Federal Government of Somalia and Federal Member States leaders to urgently come together and finalize the political agreement on the way forward for national elections, in line with the 17 September electoral model. The Secretary-General also calls for the full respect of the rights to peaceful assembly and freedom of expression. He reiterates the full support of the United Nations to the people and Government of Somalia on their path towards peace, stability, and prosperity. View the full article
-
Dadka uu galaaftay xanuunka Karoona ee qaarada Afrika waxay iminka tiradooda kor u dhaaftay 100,000 sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka iyo cilmi baarayaasha Karoonaha Dalka koonfur afrika ayaa ah kan ugu dhimashada badan guud ahaan qaarada afrika Koonfur afrika waxaa cudurka uu salfaday 48,859 taas oo ku dhow kala bar dadka afrika Covid-19 ugu dhintay Afrika oo ka kooban 53 dal waxaa ay la harjadeysaa sidii ay u heli laheyd talaalka Covid-19 kaas oo dhaqaale badan iyo tasiilaad dheeri ah oo dhanka gaarsiinta ah u baahan. 14 February sanadkii 2020 ayaa kiiskii ugu horeeyay Karoona qaarada Afrika waxaa laga diiwaan galiyay dalka Masar View the full article
-
Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa jimcihii 19-ka February-2021 diiday isu socodka dadka iyo gadiidka sabab la xiriirta in ay ka hortagto bannaabaxyo ay qaban qaabiyeen xubnaha mucaaradka. Gadiidka gurmadka degdeg ah ee gaarka loo leeyahay ayaa ka mid ahaa kuwa loo diiday in ay dhaq-dhaqaaq urmad ah ay ka sameeyaan , magaalada Muqdisho. Dr. Aweys Cabdullaahi oo ka mid ah saraakiisha Aamin Ambulance ayaa sheegay in loo diiday in gurmad ay u fidiyaan oo ay ka jawaab celiyaan wicitaannada dad doonayay in gurmad loo fidiyo eheladooda oo haysatay xaalad caafimaad. ‘’ Ciidanka fadhiyay waddooyinka ayaa inoo diiday in gurmad u fidino dad u baahnaa xilligaas gargaar deg deg ah ‘’ sidaas waxa Goobjoog News u sheegay Dr Aweys Cabdullaahi. Ciidanku waan u sheegnay in ay jirto xaalad u baahan in laga jawaab celiyo oo ay doonayeen dad dhaawacyo qaba ama kuwo kale oo naqaska uu ku xiran yahay laakiin ma jirin askar dheg jalaq u siisay warkeena ‘’ ayuu hadalkiisa sii raacayay Dr. Aweys. Isxaaq Maxamed oo ka mid ah isagana Aamin Ambulance ayaa Goobjoog News u sheegay in ay gaari waayeen oo laga hor istaagay dhallinyaro dhaawac ahayd oo la doonayay in la geeyo isbitaalada ama kuwa kale oo laga qaadi lahaa goobaha caafimaad. ‘’ Seddex kiis oo naloo soo wacay si aan u caawino ayaa ciidanku waddooyinka xirteen inoo sheegeen in aan u gudbin amar ciidanka ayaan qaadanay ka dib waa iska laabanay ‘’ Isak Maxamed ayaa sidaas sheegay. Ciidanka ayuu sheegay in mararka qaar ay ku amarayeen in gadiidka ay baaraan , iyaga diiday xitaa in gurmadka aan u fidino kuwa u baahan in la caawiyo ‘’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Isak Maxamed oo ka mid ah saraakiisha gurmadka deg deg ah ee Aamin Ambulance. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Warsaxaafadeed ka soo baxay xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa waxaa looga hadlay xasaradihii ugu dambeeyey ee ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho & sidoo kale dibad-baxoodii shalay laga hor istaagay. Qoraalkan ayaa waxaa ugu horreyn lagu sheegay in uu goluhu cambaareynayo wax ay ugu yeereen gabood-fal wuxuushnimo ah oo ay ku dhaqaaqday dowladda Soomaaliya. Musharraxiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyey dowladda inay sifo sharci darro ah ku weerartay xubno ka mid ah mucaaradka, islamarkaana ku joojisay dibad-baxoodii. Sidoo kale golaha ayaa eeda koowaad dusha ka saaray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyaga oo shaaca ka qaaday in dambi fool xun ay tahay in ciidanka qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed. Golaha ayaa intaasi kusii daray in Farmaajo uu yahay dambiile qaran, sidaas aawgeedna uusan ka qeyb-gelin karin xal-uhelida arrimaha kala guurka & doorashooyinka dalka. “Goluhu wuxuu u arkaa madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday in uu yahay dambiile qaran, uusan sinaba qeyb uga noqon karin xal u helida siyaasada kala guurka ah, loona diido in uu ka qeyb qaato doorashada, sida uu qabo dastuurka KMG ah” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyn waxa ay musharraxiinta mucaaradka ku goodiyeen inay wadi doonaan dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
-
(SLT-Jabuuti)-Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa shaaciyey laba orodyahan oo Somaliland uga qayb geli doona tartan caalami ah oo lagu qaban doono dalka Jabouti. Munaasibada lagu shaacinaayey orodyahanadan ayaa waxa kasoo qayb galay Agaasimaha waaxda Ciyaaraha ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland, guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland, Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Somaliland, Hogaanka Ciidamada Qaranka Somaliland iyo masuuliyiin kale.Waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, waxaanu sheegay in ay tabobar adag siin doonaan ciyaartoyda ka qayb geli doonta tartanka ka dhici doona dalka Jabouti oo ay Somaliland ka qayb geli doonto. Ciyaartoydan oo ka tirsan kooxda Ciidamada Qaranka ee Gaashaan ayaa lagu soo xushay tartan dhinaca orodada ah oo ka dhacay garoonka Hargeysa Stadium ee magaaladda Hargeysa, iyaga oo kaalmaha kowaad iyo labaad ka galay tartankaasi, waxa uu sidoo kale Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland sheegay in ciyaartoyga galay kaalinta saddexaadna uu noqon doono kaydka ciyaartoydan oo lagu bedeli doono haddii mid kamid ah ciyaartoydan uu wax la kulmo. Waxa iyaguna goobtaas si wada jir ah uga hadlay hogaanka ciidamada Qaranka Somaliland iyo Abaanduulaha ciidamada Qaranka Somaliland, iyaga oo hambalyeeyey orodyahanadan ku ordaayey magaca ciidanka Qaranka Somaliland ee Gashaan ee ku guulaystay tartankaas, isla markaana Somaliland ku meteli doona tartanka Ciyaaraha orodada ee dalka Jabouti ka dhici doona. Tartankan ciyaartoyda lagu soo xushay ee ka dhacay garoonka Hargeysa Stadium ayay ku kaalmaha hore ka galeen orodyahano ka socday kooxda Magaca ciidamada Qaranka Somaliland ku ciyaarta ee Gaashaan, kuwaas oo kala ahaa. 1: kaalinta kowaad waxa ku guulaystay Fu’aad Siciid Cali2: Kaalinta labaadna waxa ku guulaystay Xamse Haybe Aadan Source
-
(SLT-Muqdisho)-Xog ay heshay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegeysa in ciidamadii dowladda Soomaaliya tababarka ugu dirtay dalka Eritrea lagu wado in toddobaadkan ay kasoo degaan garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Xog ay heshay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegeysa in ciidamada dowladda Soomaaliya tababarka ugu dirtay dalka Eritrea lagu wado in toddobaadkan ay kasoo degaan garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Soomaaliya ee tababarka loogu diray Eritrea saacadihii lasoo dhaafay soo bixitaankooda lagu diyaarinayey caasimada Asmara, ayna sugayaan duulimaadkii kasoo dejin laheyd Muqdisho. Ciidamadaan oo dowladdau qorshuhu ugu jiray in si gaar ah u adeegsado ayaa la sheegayaa in laga yaabo in isla maanta, berri ama maalinta xigta soo gaadhaan Muqdisho iyada oo qorshuhu yahay in si deg deg ah loo howlgeliyo. Lama oga in marka ay soo gaadhaan Muqdisho inay toos u abaari doonaan qoysaskooda maadaama muddo sannado ah ka maqnaayeen iyo in lagu amri doono inay fuliyaan awaamiirta iyo ujeedooyinkii loo soo tababaray. Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamadaan qiyaas ahaan tiro 70 dhan ay kusoo dhinteen dalka Eritrea mudadii tababarka xaalado kala duwan, kuwaasi oo qaarkood waalidiintooda ayna ka war qabin. Hore ayaa dowladda Soomaaliya loogu eedeeyay in ciidamadaan sifo sharciga aan waafaqsaneyn loogu qaaday dalka Eritrea iyadoo lagu khiyaameeyay in shaqaale ahaan loogu qaadayo dalka Qatar, taasoo ay dowladda Qatar beenisay, kuna baaqday in baadhitaan dhab ah laga sameeyo tallaabadaasi. Source
-
Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada dalka oo la filayay in uu Khaamiistii aan soo dhaafnay ka furmo Muqdisho kaas oo baaqday . Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Jubbaland mar walbo ay diyaar u tahay in ay ka qeeyb gasho shirka, balse hadda aysan u muuqan jawi dagan oo ay shirka kaga qeyb galaan. Maxamuud Sayid Aadan ayaa sido kale sheegay in Jubbaland ay ka walaacsan tahay waxa Muqdisho ka dhacay saacadihii la soo dhaafay . “Shirka waan u diyaarsaneyna in aan ka qeeyb galno waatey wax dhaceen magaalada xaaladeeda waad la socotaan dib baan u qiimeyneyna laakiin mar walbo waan ka qeyb galeyna sababtoo ah xal kale oo in la isku tago oo la wada fariisto oo ay Soomaaliya arrimaheeda xalisato si aynan dib ugu noqonin oo qaranimadeenii dib ugu noqan” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland . ” Haddii Magaaladii dadkii wax wada lahaa ay is faham saneyn oo sidii ay maanta u muuqatay ay magaalo dagaalo ka dhaceen ciidamadii kala qeyb sameen siyaasiyiintii iyo musharixiintii iyo madaxdii kale ay kala qeyb sameen jawaabaha Media-ha , Haddii jawi lagu wada hadli karo jiro waan tageeyna”. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline , Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa hakiyay duulimaadyadii ay maanta ku iman lahaayeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in rakaabkii goostay tikidhada lagu wargaliyay in la hakiyay duulimaadyadii Muqdisho, waxaana hakinta duulimaadyada sabab looga dhigay qalalaasihii shalay ka dhacay Muqdisho. Qaar kamid ah Shirkadaha diyaaradaha Caalamiga ayaa ka cabsi qaba in ammaanka caasimada faraha ka baxo gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo meelo aan ka fogeyn degan yihiin inta badan Midowga Musharaxiinta waxaana shalay ku dhacay madfac gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Source
-
Urur goboleedka IGAD ayaa si xooggan u cambaareeyey qalalaasihii ka dhacay Muqdisho iyada oo wax laga xumaado ku tilmaamay cadawtinnimada iyo dagaalka soo cusboonaaday ee u dhaxeeya kooxaha siyaasadda. ‘Ismariwaagan doorashada iyo dagaalkan dhacaya doorashada kahor waxaa uu keeni karaa dhibaato iyo xasilooni darro, waxaa uuna khatar ku yahay nabaddii iyo hannaankii horumar ee socday iyo ladagaalanka argigixisada’ ayaa lagu sheegay qoraalka. Waxay IGAD ugu baaqday qeybaha kala duwan iney yareeyaan dhibaatada, fiiriyaanna maslaxadda dalka, laga galo wada hadal si loo qabto doorasho loo dhan yahay, oo xor iyo xalaal ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble on Friday condemned anti-government clashes in Mogadishu that disrupted business activities in the city. Source: Hiiraan Online
-
The long-term development of football in east Africa received a substantial boost with the inauguration of a new FIFA Regional Development Office in Kigali, Rwanda, following a signature and opening ceremony that included FIFA President Gianni Infantino, the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation from Rwanda, Vincent Biruta, the Minister of Sports, Aurore Mimosa Munyangaju and the President of the Rwanda Football Association (FERWAFA) Jean-Damascene Sekamana. Source: Hiiraan Online
-
Kooxda midowga musharaxiinta oo jimcihii ay dowladda federaalka ah ka baaijisay dibadbaxa Daljirka ayaa qoraal ay soo saareen wacad ku maray iney sii-joogteyn doonaan dibadbaxyada. Dhanka kale, waxaa ay mas’uuliyadda qalalaasihii dhacay dusha ka saaren madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyaga intaa ku daran inuu yahay dambiile qaran oo aan qeyb ka noqon karin xal u helidda siyaasadda dalka. Akhriso, Qoralka: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan rabashadihii ka dhacay magaalada Muqdisho. IGAD ayaa marka hore cambaareysay shaqaaqooyinkii shalay, illaa habeen hore ka dhacay caasimadda, iyada oo tilmaamay inay aad uga xun tahay rabshadahaasi. Urur goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dalalka Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan & Uganda ayaa sidoo kale ku baaqay in dhinacyada isku haya doorashada ay sii wadaan wada-hadallada, si xal loo gaaro. Sidoo kale waxa ay IGAD shaacisay inay muhiim tahay in laga wada-shaqeeo deganaasha dalka iyo xasiloonida guud ahaan Soomaaliya. Qoraalkan ayaa kusoo aadaya, iyadaa oo saacadihii lasoo dhaafay rabshado ay ka dhaceen Muqdisho, kadib markii ciidamada ka hortageen dibad-baxii mucaaradka.
-
Xoghayaha guud ee QM ayaa walaac ka muujiyey iska hor imaadyadii shalay ka dhacay Muqdisho, isaga oo dhamaan dhinacyadda ugu baaqay in ay xaalada dejiyaan Antonio Gutteres ayaa sidoo kal dowadda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ugu baaqay in heshiis wadajir ah ka gaaraan muranka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka, islamarkaana ay raacaan heshiiskii 17 September ee sannadkii hore. Xoghayaha guud ee QM ayaa sidoo kale soo jeediyey in si buuxdo la ixtiraamo xuquuqda isu soo baxyada nabadeed islamarkaana la dhowro xorriyadda hadalka. Gutteres xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa nasiib daro ku tilmaamay khilaafka rabshadaha wata ee u dhaxeya madaxda dowladda iyo musharaxiinta mucaaradka ah. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Qaramada Midoobay ay wadi doonta taageerada ay siiso dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed si sare loogu qaado nabadda iyo xasiloonida. Shalay iyo habeen hore ayaa isku hor imaad wuxuu magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa xisbiyada mucaaradka ah ee dalka. View the full article
-
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Hambalyo u diray Agaasimaha cusub ee maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Caalamiga ah ee Maaliyadda ( IFC ) Makhtar Diop. Muqdisho: Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hambalyo diirran u diray Makhtar Diop oo Madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass u magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Caalamiga ah Maaliyadda oo ka mid ah 5-ta Hey’adood ee Bangiga aduunka. Makhtar Diop 6-dii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa Madaxwyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika, waxa kale uu soo noqday wakiilka Bangiga Aduunka ee Soomaaliya, Kenya iyo Brazil. Wasiir Beyle ayaa ku amaanay mudane Diop kaalintii uu ka geystay dedaalka Soomaaliya ugu jirto Wadahadalada dayn cafinta iyo dib u habeynta nidaamka maamulka Maaliyadda Makhtar Diop wuxuu u dhashay dalka Senegal wuxuu ka soo noqday Wasiirka Dhaqaalaha dalkiisai, waa qabiir Dhaqaale oo muddo u shaqaynayay hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah. Hey’adda uu hoggaamin doono ee Maaliyadda Caalamiga IFC ( International Financial Corporation ) waxay shaqadeedu tahay hormarinta dhaqaalaha iyo Dhiiragalinta kobaca nolol maalmeed bulshada iyada oo loo marayo hey’adaha gaarka loo leeyahay ee dalalka soo koraya. View the full article
-
Midowga Africa ayaa ku amray ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya inay dhex-dhexaad ka noqdaan muranka siyaasadeed ee dalka kadib markii rabashadihii ka dhacay Muqdisho. Rabshadaha ayaa ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka habeen hore iyo rasaas ay ku fureen shacab iyo musharaxiin kale oo dibad-bax dhigayey shalay subax. Warka kasoo ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, ayna ka walaacsan yihiin Qoraalkan waxaa lagu amray ciidamada AMISOM inay taxaddar dheeri ah iyo is-xakameyn ka muujiyaan inaan la gelin xiisaddan ayna dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda. “Amisom waa inaan loo arkin inay dhinac la jirsanayaan, balse waa inay u hoggaansamaan mabaadi’da iyo dhex-dhexaadnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ciidanka ayaa la faray inay si kooban un uga qeyb-galaan haddii ay dhacdo in lasoo weeraro goobaha uu waajibaadka ka saaran yahay sugidda amnigooda, sida madaxtooyada Villa Somalia, ayaga oo adeegsanaya awoodda ugu yar. View the full article
