Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mida Xildhibanada Barlamaanka Soomaliya kana soo jeeda Somaliland ayaa ku Baaqay in shuruud lagu xidho siyaasiyiinta mansabka ka doonaya Soomaliya ee ka soo jeeda Somaliland waxaana yidhi:- “Dhamaan walaalahayga Somaliyeed, waxaan idinla wadaagaya arin aan waligayba aminsana lakin dhawr mar oo aan is idhi soo bandhig la iga horyimid. Wa arinta siyasiyiinta shaqadoonka ah ee Somaliland ka yimaada ayaga oo shaqadu kala muhimsantahay qadiyada midnima. Malintay shaqadu ka dhamaatana dib ugu noqda iyagoo cafis waydisanaya Somaliland. Kaba soo qaad hadan anigu fasax ama arin kale is idha u tag Sonaliland sadex shardi baa I qabanaya: 1- inaan cafis wadisto Somaliland. 2- Hadaan xil hayo inaan is casilo. 3- inaan cadeeyo inaan ka noqday fikirkii midnimada. Hadaba waxaan soo jedinaya Inay dadka xilalka kala duwan ka soo qabtay Somaliland una soo dhaartay Somaliland iyo Dastuurkeda ha noqoto : 1- fulin 2- garsoor 3- Barlamaan 4- Ciidamada QS Somaliland 5- Xisbiyo 6- Gudiyo madaxbanaan ( Commission nada kala duwan) Iyo waxii la mudane. Waa inay sadexdaa shardi qabtaan intaanay xil ka qabaan Somaalia, waa in Dalkana Somalia ku nolaadaan si toos ah 3 ilaa 5 sanadood si ay u kala bartaan dadka ay doonayaan inay mansab u qabtaan. Waxaan qabaa inaan qofku si daacad ah ugu adeegikarin umaad aanu wali dhexdagin Lana nolaan mudo dheer. Su’aasha u baahan la is waydiyaa waa, sidebuu qof system donaya inuu naga go’o usoo dhaartay kitaabna gacanta u galiyey manta noo odhan kara midnimo ayaan aminsanahay Asagoon shacabka Somaliyeed hortooda ka cadayn sida anigaba I qabta hadaan is idha Somaliland tag. Ugu danbayn arintani ma khusayso Shacabka degan Somaliland ee aan mansab siyaasadeed soo qaban, iyagu ku waaasi waxay la xuquuq yahiin Shacabka Somaaliyeed meelkasta jogaan”. Source
  2. New York (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaalia James Swan ayaa sheegay in xiisadda siyaasadda ee sii cakirmaysa ee Soomaaliya ay halis ku tahay horumarkii laga samaynay dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xataa xaaladda amniga. Swan waxa uu walaac ka muujiyey iska hormaadka, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka. Waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon alhaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha qaranka. Waxa uu sheegay in loollalnka afka uu sii saa’idayo, isla markaana dhacdadii 19-ki Febraayo ay carqaaladaysay shrikii lagu qaban laha a Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17. Waxa uu shegya inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada. Waxa uu ku cleiyey inaysan aqbalayn doorashooyin qayb ah, kuwo is garab socda iyo kuwo gaar ah toona, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay wada hadlaan. Dhinaca kalena, wakiilka dawladda Maraykaka ayaa sheegay inay ugu baaqayaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ka faa’iidaystaan fursadaha, ayna taasi tahay tan ugu degdeg badan inay nabadda ku hormariyaan. Waxa uu sheegay in hubanti la’aanta ka taagan dorasada ay dib u dhac ku noqotay wada-hadaladii qaran. Wakiilka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaaqooyinka ka dhacay waddoonka Muqdisho ay yihiin tusaale ugu dambeeyey inay ka iman karto halis ah in waddanku deganaansho la’aan galo. Waxa uu sheegay in Maraykanku ay kasoo horjeedaan gacan ka hadalka. Waxa uu ugu baaqay dawladda federraalka iyo madaxda maamul goboeedyada inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu xallinayo is mari waaga syaasadeed taasi oo sheegay inay halis ku tahay mustaqbalka Soomaaliya
  3. Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaamaanta oo isniin ah 22 Febaraayo euxuu khudbad u akhrisyay Golaha tasoo ku saabsan Xaalada Guud ee Dalku marayo iyo Geedi socodka Doorashada. James Swan wuxuu ka dayriyay Hanaanka Dooradhada io uu sheegay in Is afgaranwaa iyo kala aragti duwanaan ay saamaysay Heshiiskii 17 Sebtembar, Isagoo raaciyey in hada lagu muransan yahay Sharciyada Madaxweynaha , waxaana Khudbadiisa ka mid ahaa Is-maandhaafka siyaasadeed ee ka dhex jira hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya ayaa horjoogsaday hirgelinta qaab-doorasho oo ay ku heshiiyeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyaasha Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka 17-kii Sebtember 2020. Qaabkan waxaa si rasmi ah u oggolaaday labada aqal ee Baarlamanka waxaana taageeray dhammaan siyaasadaha kale ee waaweyn., laakiin hirgelinta ayaa muran ka taagan yahay.. Xiisadaha ka taagan hirgelinta doorashada ayaa hadda waxaa ku soo kordhay su’aalo ay soo bandhigeen qaar ka mid ah hogaamiyaasha siyaasada somaalida ku saabsan sharci ahaanshaha madaxweynaha ka dib markii uu dhammaaday muddadiisii ​​dastuuriga ahayd 8 Febraayo. Xukuumaddu waxay soo xigatay qaraarkii baarlamaanka ee bishii Oktoobar oo ay sheegeen inuu oggolaanayay Madaxweynaha inuu sii joogo, taas oo mucaaradku ku gacan seyreen. Dhanka kale subaxnimadii 19-ka Febraayo oo ahayd maalin mudaaharaad ay ku dhawaaqeen Golaha mucaaradka ee Murashaxiinta Madaxweynaha, Waxaa dhacay dhowr dhacdo oo rabshado oo la soo sheegay. In kasta oo faahfaahin buuxda aan la xaqiijin, dhacdooyinkaas waxaa la soo weriyey inay ka mid ahaayeen is-weydaarsiga hubaysan ee u dhexeeya shaqaalaha amniga ee dawladda iyo kooxaha amniga ee mucaaradka, iyo sidoo ciidamada dawladda ayaa rasaas toos ku riday si ay u kala eryaan dibad-baxayaasha. Khudbada James Swan waxaa kaloo ka mid ahaa oo uu muujiyay in Maalmihii lasoo dhaafay ay jiraan isbadal abuuray walaac kasoo wax u dhimay Geedi socodkii, Wuxuu kaloo sheegay in masuuliyiintu ay bilaabeen jadalo qalafsan oo hawada la isu mariyo. Iskusoo duuboo Khudbada Janes Swan waxay ahayd mid si dhaba uga turjumaysa sida wax u socdaan. Puntlandi.con Muqdisho The post Nuxurka Khudbadii James Swan ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay appeared first on . Source
  4. Madame President, Distinguished Members of the Council, Thank you for this opportunity to once again update the Council on the situation in Somalia. I am pleased to appear jointly with my dear colleague, Ambassador Francisco Madeira, Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission. Let me take this opportunity at the beginning of this session to pay tribute to the commitment and sacrifice of AMISOM forces in Somalia since 2007 alongside courageous Somali Forces. Today’s meeting of the Council is timely in view of the significant developments in Somalia in recent weeks, and even days. Growing political tensions threaten Somalia’s state-building progress and even security unless they are resolved through dialogue and compromise in the interest of the country. Unfortunately, instead we are seeing increased brinkmanship, pressure tactics, and tests of strength that can only heighten risks. The political standoff among key Somali leaders has blocked the implementation of the electoral model agreed by the Federal Government of Somalia President and Federal Member State leaders on 17 September 2020. This model was formally endorsed by both houses of Parliament and supported by all other major political actors, but implementation is in dispute. I will return to this point. Tensions over electoral implementation have now been compounded by questions raised by some political figures over the legitimacy of the president’s mandate following the expiry of his constitutional term on 8 February. The Government cites an October parliamentary resolution permitting the President to remain, but this is contested by others. Meanwhile, on the morning of February 19, a day of protests announced by the opposition Council of Presidential Candidates, several violent incidents were reported. Although full details are unconfirmed, these incidents reportedly included armed exchanges between government security personnel and security teams employed by the opposition, as well as recourse to live fire by government forces to disperse protestors. Public communication from key leaders has become increasingly polemical and confrontational, revealing the frustration, mistrust, and sense of grievance felt by many. Hence, this is a tense moment in Somalia, as both rhetoric and actions are escalating. Madam President, In light of the above, let me briefly recap recent efforts to move forward with the implementation of the 17 September electoral model. At the invitation of the Federal Government, FGS and FMS leaders met in Dhusamareb from 2 to 6 February, and made progress but reached no final agreement on the contentious issues, namely: the composition of the electoral management bodies; the modalities for selecting representatives from “Somaliland” in federal institutions; and the management of elections in the Gedo region of Jubaland State. Subsequently, the Federal Government convened a technical committee of senior ministers from the FGS and FMS, who met in Baidoa from 15 to 16 February. The Committee announced that it had arrived at technical solutions for the contentious issues, it reaffirmed commitment to the 30 per cent women’s quota in the electoral process, and it noted the need for a revised but short new electoral calendar. On the basis of the Committee’s work, the Federal Government called for a FGS-FMS leaders’ summit to be held in Mogadishu from 18 to 19 February. Yet, events of recent days have disrupted these plans, and the leaders of Jubaland and Puntland have so far regrettably declined to join the FGS and other FMSes for a summit. Along with other partners, we continue efforts to understand and address the concerns of these two leaders so that they may join the process to advance the 17 September agreement. In view of this worrying impasse, in recent days I have worked closely, alongside other regional and international partners, to engage FGS and FMS leaders, key political figures, and civil society representatives to urge a way forward based on dialogue and compromise in the national interest. The message from partners has been clear that there should be no partial elections, no parallel processes, and no unilateral actions by Somali leaders. Such approaches would only lead to greater division and the risk of confrontation. Madam President, Let me be clear: I remain convinced that the consensus-based 17 September model offers the best available option to proceed quickly to an electoral process for selection of members of parliament, senators, and the president. This would minimize further delays in Somalia’s four-year transition cycle, ensure that the chosen national leaders have a clear mandate and are widely accepted, and allow the country to turn its attention from the current political competition to other vital national priorities in the interest of the people. To move forward on this path, it is imperative that Somali leaders use all available channels for dialogue and consultation, including contacts with a wide range of political stakeholders and influential civil society figures so that their important voices are heard. To build trust in the process, it will also be necessary to ensure that the management and oversight of the agreed electoral process are as impartial and independent as possible, and subject to regular monitoring. Core political freedoms including those of speech, assembly, organization, and access to media must be ensured. And communication among the main actors – and especially the FGS and FMS leaders – must continue on a regular and frequent basis to minimize future misunderstandings and resolve problems before they escalate. The United Nations and other international partners stand ready to walk with Somalis on this path forward, through providing good offices or a forum for dialogue, offering technical assistance to the process, and monitoring implementation of commitments, should the Somali parties find these contributions useful. The longer national political attention continues to be focussed on the current impasse over holding elections, the greater will be the negative impact on other priorities, such as advancing security and economic reforms, finalising the constitution, and pursuing the development agenda. Madam President, Al-Shabaab continues to pose the primary threat to the security of the country. Al-Shabaab has increased its operational tempo since August 2020, and the beginning of 2021 has seen a new peak in the number of attacks, including more Person-Borne and Vehicle-Borne IEDs, targeting government officials and key figures in Somali society. Important military gains were made by Somali Security Forces backed by AMISOM in the Lower Shabelle region in early 2019 and again in early 2020, and these are now being consolidated to enable further progress against Al Shabaab in other areas. UNSOS has remained steadfast in delivery of support to AMISOM and eligible Somali forces throughout this period, despite the complications of the COVID pandemic. Meanwhile, preparatory work has been completed to advance the security transition in Somalia in 2021, as requested by this Council. The Federal Government organised meetings of the Security and Justice Committee as well as the Somalia Partnership Forum in early December – thereby advancing the Comprehensive Approach to Security and the Mutual Accountability Framework. We encourage the Government to continue these efforts, and to hold the Force Generation Conference announced by the Prime Minister as soon as possible. The Council-mandated Independent Assessment of the security situation and the role of international partners was submitted to the Council on January 8, and the Somalia Transition Plan was updated and presented by the Somali Government to security partners and the African Union PSC in early February. These are all important elements to advance the security transition this year and lay the foundations for further progress in the future. Madame President, The humanitarian situation in Somalia remains dire. The number of people in need of assistance will increase from 5.2 million persons last year to an estimated 5.9 million persons in 2021. This is the result of increased food insecurity, climatic disasters, the worst desert locust infestation in decades, and the effects of the COVID-19 pandemic. Unfortunately, in recent weeks we have seen a renewed spike in COVID cases in Somalia, which will only exacerbate the already difficult humanitarian situation. Somalia is eligible for the COVAX vaccine programme, and the United Nations, in close collaboration with the Somali authorities, will ensure that the first batch of vaccines is effectively distributed to front line workers and vulnerable groups across the country. While we are deeply grateful for the generous donor contributions in 2020, the humanitarian needs will continue to be high and we again appeal for donor support to the Humanitarian Response Plan for 2021, for which $1.09 billion is requested. The UN family also continues to work with Somali authorities and partners on longer-term solutions to these recurrent humanitarian shocks. For example, our Mission’s Environmental Advisor is engaging the Government to develop climate-related policies and strategies as well as practical responses to flood and drought cycles impacted by climatic conditions. Madam President, While these quarterly briefings typically focus on the latest political, security, and humanitarian developments, we must always remain mindful that enduring positive change for Somalis will require institution building; improvements in governance through many elements including constitutional reform; investment in health and education; greater participation by women, youth and marginalized groups; and other long-term reforms. The UN in Somalia continues its work with Somalis in all these areas, knowing this will take persistence and perseverance. It is imperative that these larger future goals be borne in mind by Somalia’s political leaders. The Somali people have waited a long time to see progress, and it remains fragile. That is why I conclude by urging all of Somalia’s political leaders to pull back from confrontation and avoid risky winner-take-all tactics. Instead, this is a time to pursue dialogue and compromise to reach an inclusive and credible political agreement to hold elections as soon as possible based on the 17 September model. Thank you. The post STATEMENT BY THE SPECIAL REPRESENTATIVE OF THE SECRETARY-GENERAL, JAMES SWAN, TO THE SECURITY COUNCIL ON THE SITUATION IN SOMALIA appeared first on . Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal kasoo saaray xaalada cakiran ee dalka iyo dimuquraadiyadda curdinka ee Soomaaliya. Cabdiraxmaan Caynte ayaa madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dib u xasuusiyay ‘in afar sanno ka hor maanta oo kale loo caleemo saaray kursiga uu maanta ka degi laayahay’. Waxa uu sheegay in qaabkii xiligaas xilka loogu wareejiyay Farmaajo uu ahaa mid muujinaya dib usoo kabashada Soomaaliya iyo hanaqaadka nidaamka dimuquraadiga ah ee dalkeena, balse ay nasiib darro tahay inuu madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday uu hareer maro. “Ayaan darro, wadiiqadaas wanaagsan waxaa ka weecday madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday ee Farmaajo. Macaansiga kursiga ayaa kala qiima badnaaday bedqabka dalka iyo dadka,” ayuu yiri Caynte. Caynte ayaa waxa uu Farmaajo ku tilmamay mid kursi jaceylku kala qiimo batay bed-qabka dalka iyo dadka, maadama uu xaalad xasaasiya marayo dalka, ayada oo aysan jirin heshiis siyaasadeed oo looga gudbayo xaalada taagan. Hoos ka aqriso qoraalka Caynta; Bismillah, Sawirkan waa afar sano kahor maanta oo kale. Waa maalintii si rasmi ah loo caleema saaray mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo inuu noqdo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya. Sawirku wuxuu astaan ifeysa u ahaa sida uu u xoogeystay nidaamka dimoqraadiga ah ee dalkeenna. Maalintii xigtay, wargeysyada Africa iyo kuwa carabta ee aan waligood arag madax xilka si nabad gelyo ah isugu wareejinaya, ayaa boggooda hore sawirkaas quruxda badan kusoo qaatay. Ayaan darro, wadiiqadaas wanaagsan waxaa ka weecday madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday ee Farmaajo. Macaansiga kursiga ayaa kala qiima badnaaday bedqabka dalka iyo dadka. Ha yeeshee, waan hubaa inuu qaadi doono waddadii ay hortiis qaadeen kalitaliyeyaal badan. Wabillahi Towfiiq.
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-habeen-2222021-oooo.mp3 View the full article
  7. Puntland President Said Abdullahi Deni and EU Representatives discussed the political situation in the country. The EU delegation includes Italian Ambassador to Somalia Alberto Vecchi and Swedish Ambassador to Somalia Staffan Tillander. The post Photo News .. EU delegation visit Garowe to day, The situation in Somalia was discussed appeared first on . Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa soo bandhigtay adeegyo casri ah oo kala KAABE & KAYDSO Kuwaasoo ahmiyad gaar ah u leh bulshada soomaaliyeed Munaasabada lagu soo bandhigayay adeegyada ayaa waxaa lagu qabtay hotel-ka Karmel iyadoo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiinta sare ee Somtel, Madaxda Dahabshiil group, Ururada bulshada rayidak, bahda waxbarashada, ururada dhalinyarada iyo maamulada isbitaalada muqdisho. Adeeggga kaabe Waa adeegg u sahalaya macamiisha Somtel Inay Helaan amaah lacageed ayagoo isticmaalaya simcardka somtel kuna helaan eDahab ahaan. Macaamiilku waxa uu ku iibsan karaa Amaah-da uu qaatay Kaarka (Prepaid), Internet Data. Sidoo kale waxuu Amaahda waxuu u isticmaali karaa Cash ahaan. Macamiilku waxa uu amaahan karaa lacag dhan ($1- $100) iyadoo laga doonayo inuu mudo Todobaad ah ku bixiyo, wax khidmad oo dheeri ahna malaga qaadayo. Macaamil si aad u fuarato KAABE fadlan garaac *900# Sidoo kale shirkaddu Waxa ay xarigga ka jartay adeegga KAYDSO oo u sahlaya macaamiisha somtel inay ku keedsadan karaan dhigaalkooda lacageed simcardkooda Somtel. Macaamiilku waxuu dooran karaa mudo dhigaalkiisa (3 bilood, 6 bilood iyo 12 bilood) asagoo aan la bixin karin dhigaalkiisa ilaa iyo laga gaaro xiliga uu doortay. Si aad u furato adeegga KAYSO fadlan garaac *232# Labadaan adeegg ayaa wax badan ka tari doona baahida macaamisa somtel iyagoo uga faa’ideysan kara baahidooda adeegeed. Ma ahan markii ugu horeysay ee shirkadda somtel soo kordhiso adeegyo cusub Waxaa xusid mudan in shirkaddu u tagaantahay in mar walba la wadaagto bulshada soomaliyeed adeegyo cusub oo casri ah.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir kana tirsan Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shir jaraa’id oo ay golahaas ku qabteen magaalada Muqdisho ka sheegay in beesha caalamka ay taageereyso madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay Beesha Caalamka la safan tahay Villa Somalia, islamarkaana ay la shirayaan mas’uuliyiin sharciyad aan heysan. “Annaga waxaan rabnaa inaan mudaharaadka iyo nabadda wax ku baddalno, cid kale oo aan isku halleyneyno ma jirto oo annaga aan ahayn. Beesha caalamka iskuma halleyneyno, waa nimanka u durbaan tumaaya Farmaajo oo xilligiisii dhammaaday,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur. “Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqeynaa dibedbax nabadeed Jimcaha soo socda. Farmaajo wuxuu na kala dooransiinayaa diktatooriyad iyo dagaal sokeeye. Ummadii kale way diidday, innaguna waxaan ku diideynaa dibedbax nabadeed iyo dadkeena u suuragelinaya oo aan kala soo harno.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Waxaad aragtayna sameeyay, cidda wali la shireysa oo mas’uuliyad iyo sharciyad inuu leeyahay kula macaamileysa waa beesha caalamka.” Muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February ee sanadkaan, siyaasiyiinta mucaaradka ayaana sheegay ineysan kadib wakhtigaas madaxweyne u aqoonsaneyn. Sidoo kalana dowladda Soomaaliya waxey sheegtay in Farmaajo uu xilka sii heynayo inta la dooranayo maamul cusub oo badala, mana la oga wakhti ay doorasho dhici doonto ilaa iyo hadda. Hoos ka daawo Cabdiraxmaan Cabdishakuur
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir kana tirsan Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shir jaraa’id oo ay golahaas ku qabteen magaalada Muqdisho ka sheegay in beesha caalamka ay taageereyso madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay Beesha Caalamka la safan tahay Villa Somalia, islamarkaana ay la shirayaan mas’uuliyiin sharciyad aan heysan. “Annaga waxaan rabnaa inaan mudaharaadka iyo nabadda wax ku baddalno, cid kale oo aan isku halleyneyno ma jirto oo annaga aan ahayn. Beesha caalamka iskuma halleyneyno, waa nimanka u durbaan tumaaya Farmaajo oo xilligiisii dhammaaday,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur. “Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqeynaa dibedbax nabadeed Jimcaha soo socda. Farmaajo wuxuu na kala dooransiinayaa diktatooriyad iyo dagaal sokeeye. Ummadii kale way diidday, innaguna waxaan ku diideynaa dibedbax nabadeed iyo dadkeena u suuragelinaya oo aan kala soo harno.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Waxaad aragtayna sameeyay, cidda wali la shireysa oo mas’uuliyad iyo sharciyad inuu leeyahay kula macaamileysa waa beesha caalamka.” Muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February ee sanadkaan, siyaasiyiinta mucaaradka ayaana sheegay ineysan kadib wakhtigaas madaxweyne u aqoonsaneyn. Sidoo kalana dowladda Soomaaliya waxey sheegtay in Farmaajo uu xilka sii heynayo inta la dooranayo maamul cusub oo badala, mana la oga wakhti ay doorasho dhici doonto ilaa iyo hadda. Hoos ka daawo Cabdiraxmaan Cabdishakuur
  11. International Organization for Migration (IOM) PRESS RELEASE International Organization for Migration (IOM) Appeals for Lifesaving Assistance to over half a million displaced and vulnerable migrants in Niger IOM is appealing for USD 121 million to provide essential support to migrants, internally displaced persons and host communities in 2021 NIAMEY, Niger, February 19, 2021/ — Niger, one of the Sahel region’s busiest transit countries for migrants, faces multiple emergencies. COVID-19, ongoing security threats and generations of deeply embedded poverty have contributed to a growing humanitarian crisis, with over half a million Internally Displaced Persons (IDPs) and their host communities in need of essential services. Another 135,000 vulnerable migrants also need assistance in Niger in 2021. To be able to provide much-needed assistance, the International Organization for Migration (IOM) today is appealing for USD 121 million to provide essential support to migrants, internally displaced persons (IDPs) and host communities in 2021. Continuous returns of migrants from Algeria — as well as migratory movements through Niger, both to and from Algeria and Libya — leave migrants lacking shelter, food, water and health assistance. In addition to these essential humanitarian interventions IOM is equally committed to promoting stability and social cohesion between host communities, IDPs and migrants. Despite the official closure of land borders since 19 March, migrants continue to travel to, through and out of Niger on longstanding migration routes mainly to Libya and Algeria. IOM assists stranded migrants through its humanitarian operations (on the border with Algeria) and with search and rescue operations in Niger’s northern Agadez region, after which many migrants receive assistance in one of IOM’s six transit centres in Niger. An IOM assessment last year concluded at least 2.7 million migrants were stranded unable to return to their country of residence by COVID-19 mobility restrictions. “In 2020, IOM assisted more than 9,000 stranded migrants in Niger, the majority of whom were from countries in the West and Central Africa region,” said Barbara Rijks, IOM Niger’s Chief of Mission. “Many of these migrants have been supported with voluntary return to their respective countries of origin, despite the official closure of the borders, through a humanitarian corridor established with the Government of Niger.” Over 2,100 returning Nigeriens were also assisted with their COVID-19 isolation and onward assistance to their areas of origin once they arrived in Niger. Official convoys for stranded Nigeriens have been organized from various countries in West Africa by other IOM offices in collaboration with Niger’s government, including its consular missions. Some 3.8 million Nigeriens will need assistance in 2021 according to the Humanitarian Needs Overview released by the Humanitarian Country Team in Niger. IOM Niger plans to scale up its level of assistance in areas that have been affected by different crises, including natural disasters and insecurity as a result of increasing activity by violent extremist organizations in Niger. IOM’s Global Crisis Response Platform provides an overview of IOM’s funding requirements in 2021 and beyond. The Platform is updated regularly. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
  12. Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed, oo ka hadlay baaqa Madaxweeynihii hore Farmaajo ee ku aaddan in madaxda dowlad gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland ay ku soo biiraan shirka wada tashiga ee Muqdisho, ayaa habdhaqanka Farmaajo ku tilmaamay Mid dhego iyo Indho la’aan ah Nabadana aan dan ka laheyn. Senator Abshir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Marka la fiiriyo xadgudubyadii dhacay 19-kii Feberaayo 2021 & habdhaqanka madaxweynihii-hore Maxamed Farmaajo waxaa durbadiiba maankaaga ku soo dhacaya meerisyadii abwaan Gaarriye AUN ee ahaa: “Dhego ma leh war kama dego Indho ma leh wax lagu dayo Nabaddana dan kama laha”. Source: goobjoog.com
  13. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa walaac xooggan ka muujiyay rabshadaha Jimcihii ka dillaacay magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan. Xoghaye António Guterres ayaa ku booriyay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah, in ay si deg deg ah kulan isugu yimaadaan, oo ay dhameystiraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan sidii hore loogu socon laha doorashooyinka qaran, iyadoo la waafajinayo heshiiskii doorashada ee 17ka Sebtembar. Xoghayaha Guud wuxuu kale oo ku baaqay, in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqda isu imaatinka nabadda ah iyo xorriyadda hadalka. Sidoo kale, wuxu ku celiyay taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hannaanka nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada. Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Xoghayaha Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujiyay Rabshadaha ka dillaacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta sare ee Somaliland Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa sheegay in ay maalinta berri oo salaaso ah, kuna beegan 23 Feb, ay bilaabayaa qabashada shahaadooyinka laga doonayo murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee darajadoodu tahay A, oo ah Shahaado heerka koowaad ee Jaamacadda ah. Guddoomiye Saleebaan Dirir, waxa uu xusay in ay shaqada hubinta iyo qabashada shahaadooyinka xeerka doorashooyinka 91/2020 ku waajibiyey murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee 7 Degmo ee A ah, ay iyagu Komishan ahaan loo geyn doono shahaadooyinka iyo soyaalka waxbarasho ee Murrashaxiintaasi. Guddoomiyaha Tacliinta sare, waxa uu ku war geliyey Murrashaxiinta goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka A ah, in shahaadada Jaamacadda ee heerka koowaad iyo weliba Shahaadadii Dugsiga sare ay soo qaataan, isla markaana yimaadaan Xafiiskooda Hargeysa oo u dhow Xarunta Akadamiyadda ee Magaalada Hargeysa. Guddoomiye Saleebaan Dirir, waxa uu sheegay in ay aad u hubinayaan Shahaadooyinka, isaga oo xusay in wakhtigan si fudud loo samaysan karo shahaado Jaamacaddeed, si ay taasi uga gaashaantaana ay Shahaadada Dugsiga sare iyo sooyaalkii waxbarasho ee qofka murrashaxa ah la hubin doono. Source
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd oo maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland gaaray xubno ka socda beesha caalamka, xili uu xalay madaxweyne Deni jeediyay qudbad xasaasiya oo la xiriirta khilaafka doorashada. Wafdigan oo ka socda Midowga Europe ayaa waxa hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martínez, oo saaka ka kicitamay magaalada Muqdisho. Waxaa Ergeyga ku wehliya safarkaan Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander. Nicolas iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Qasriga madaxtooyada Puntland, halkaasi oo ay kulan kula qaateen madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ku wehlinayaan Wasiirka arrimaha gudaha, Qorsheynta iyo Warfaafinta. Kulankaan ayaa qeyb ka noqonaya cadaadiska ay beesha caalamka ku saarayso madaxweyne Deni inuu ka qeybgalo shirka wada-tashiga ee madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu shalay ka furay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya, ayada dowladda federaalka ay maanta markale ka dalbatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xadiraan shirweynaha Muqdisho, si xal looga gaaro is-mari-waaga doorashada. Waxaa weli cakiran xaalada dalka, gaar ahaan caasimada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen iska hor-imaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iuo Musharaxiinta mucaaridka.
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd oo maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland gaaray xubno ka socda beesha caalamka, xili uu xalay madaxweyne Deni jeediyay qudbad xasaasiya oo la xiriirta khilaafka doorashada. Wafdigan oo ka socda Midowga Europe ayaa waxa hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martínez, oo saaka ka kicitamay magaalada Muqdisho. Waxaa Ergeyga ku wehliya safarkaan Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander. Nicolas iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Qasriga madaxtooyada Puntland, halkaasi oo ay kulan kula qaateen madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ku wehlinayaan Wasiirka arrimaha gudaha, Qorsheynta iyo Warfaafinta. Kulankaan ayaa qeyb ka noqonaya cadaadiska ay beesha caalamka ku saarayso madaxweyne Deni inuu ka qeybgalo shirka wada-tashiga ee madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu shalay ka furay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya, ayada dowladda federaalka ay maanta markale ka dalbatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xadiraan shirweynaha Muqdisho, si xal looga gaaro is-mari-waaga doorashada. Waxaa weli cakiran xaalada dalka, gaar ahaan caasimada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen iska hor-imaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iuo Musharaxiinta mucaaridka.
  17. Midowga Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee mucaaradka ayaa mar kale ku baaqay bannaan bax maalinta jimcaha oo ku beegan 26 Febraayo 2021 ka dhici doona Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo diyaar uma inuu dalka doorasho ku qabto ,cid ka yeeli doontana ma jirto Shir jaraa’id oo Musharaxiinta ay ku qabteenHotelka Jazeera oo xarun u ah iyaga ayay markale ku shaaciyeen in bannaan baxa lagu raadinayo qabsoomida doorashooyinka dalka ay dhacayaan,iyagoo shacabka ugu baaqay in ay ka soo qeyb galaan banaanbaxaas nabadeed. “Farmaajo waxa uu rabaa inuu baa’biyo dadka isaga talada la leh , waxaan sii wadaynayaa bannaanbaxyada aan ku doonayno doorasho loo siman yahay ” ayuu isna hadalkan u sheegay Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharrax xilka Madaxweyne Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta farriin culus u dirtay madaxda Puntland iyo Jubaland, ayado ka dalbatay inay yimaadan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirweynaha uu shalay furay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda mar kale ugu yeerayso Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland inay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021. “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud,” ayaa lagu yiri qoraalka. Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa weli ku adkeysanaya in shirkii Muqdisho ee uu hore ugu baaqay, islamarkaana uu shalay furay ay soo xaadiraan madaxda ka maqan, si xal looga gaaro is-mari-waaga doorashada, ayada oo xaalada caasimada ay cakiran tahay. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas”. Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa iyagu ka deyrinaya xaalka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo dhamaadka toddobaadkii hore uu iska hor-imaad ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Musharaxiinta mucaaridka. Dowladda federaalka oo hormuud ka yahay Farmaajo ayaa shalay furay shir ka dhacay Madaxtooyada, kaasi oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed oo iyaga lagau tiriyo hogaamiyeyaal taabacsan madaxwyenaha muddo xileedkiisu dhamaaday. Arrintan ayaa imaneysa xili uu xalay madaxweynaha Puntland sheegay in arrimo la xiriira amniga uu uga baaqsaday tagitaanka Muqdisho, lamana oga sida ay uga jawaab celin doonaan maamuladan dhawaaqan cusub ee kasoo baxay Villa Somalia.
  19. Midawga Musharixiinta oo Goordhaw shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mar kale ay qaban doonaan banaanbax looga soo horjedo Madaxweeynaha Waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Golaha Midawga ayaa sheegay in Farmaajo uusan dooneyn in uu dalka ka qabto doorasho. Gudoomiyaha Midawga Musharixiinta Ahna Madaxweeynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in markale ay qaban qaabinayaan banaanbax weyn oo la mid ah midkii Jimcihii la soo dhafay fashilmay. Sheekh Shariif ayaa sheegay in Jimcaha Soo socda oo ay taariikhdu tahay 26 February ay qaban doonaan banaan bax weyn oo ka dhici doona Daljirka Dahsoon. Sikastaba dowladda Soomaaliya ayaa Jimcihii dhaweeyd is hor istaagtay banaanbax ay Musharixiinta hor kacayeen , iyadoo xubna ka tirsan midawga Musharixiinta iyo shacab banaanbaxayey ay ciidamadu rasaas sababtay khasaaro ay kala hortageen. Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez, ayna ka midyihiin Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander. Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article