-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, Wefdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez. Wefdiga waxaa kamid ahka Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander. Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya. Sidoo kale, Kulankaas waxa looga wada-hadlay xal u helidda muranka Arrimaha Doorashooyinka dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Wefdi ka socda Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa shaaciyey in maalinta berri ee 23-ka bisha Febuary la bilaabayo qabashada shahaadooyinka iyo macluumadka dhinaca aqoonta ee looga baahan yahay Murrashaxiinta Golaha Wakiillada ee laga doonayo Shahaadada Dugsiga sare iyo weliba murrashaxiinta Degmooyinka B iyo C ah. Daa’uud Axmed Faarax, oo shir jaraa’id ku qabtay, isaga oo ay weheliyaan Xubnaha Komishanka Tacliinta sare, ayaa sheegay in ay murrashaxiinta Golaha Wakiillada iyo kuwa degmooyinka B iyo C ah, ee shahaadooyinka laga doonayaa yihiin dugsiga sare in ay yimaadan Xafiiska Imtixaanaadka, si loo hubiyo shahaadooyinkooda. Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku waxa uu intaas ku daray in ay xil weyn iska sari doonaan sidii loo hubin lahaa aqoonta dadka murrashaxiinta ah, ee ummada xilka u qabanaya. Guddoomiye Daa’uud, waxa uu ka dhawaajiyey in murrashaxiinta ay ka lumeen shahaadooyinku amma ka baxay dugsiyada sare dabayaaqadii siddeetamaadkii laga doonayo cadayso muujinaya in ay ka luntay amma dugsiga sare dhamaysteen, waxaanu xusay in ay xafiiskoodu samayn doono xeelado iyo waraysiyo uu arrintaasi ku hubinayo. Sidoo kale waxa ay sheegi doonaan dugsigii ay dhigan jireen, ardaydii ay isku wakhtiga ahaayeen, macaliimiintii u dhig jirtay iyo maamulayaashoodii, taas oo uu sheegay in ay si cadaynta arrintaas loo ogaado heer la dhaariyo la samayn doono. Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku, waxa uu u digay murrashaxiinta isku daya in ay shahaadooyin Been abuur ah la yimaadaan Xafiiska Imtixaanaadka, isaga oo sheegay in aanay soo lugo’in murrashaxiinta aan haysan shahaadooyin sax ahi. Source
-
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas. View the full article
-
Doomo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Tuniisiya ayaa soo badbaadiyay 103 tahriibiyaal ah, kuwaas oo ka yimid xeebaha Liibiya kuna sii jeeday jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa. Doontii ay wateen tahriibayasha ayaa ku cilladowday meel u jirta 110 km dekadda Alshaaba ee Tuniisiya Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada badda ee dalka Tuunisiya ayaa sheegay in dadkaan lasoo badbaadiyay ay caafimaad qabaan loona wareejiyay goob loogu tala galay tahriibayaasha. Afhayeenka ayaa intaas ku daray in tahriibayaashu kasoo kala jeedaan dalalka Suuriya, Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Bangladesh, waxaana ku jira 6 dumar ah iyo 5 caruur ah. View the full article
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u diray sarreeyayaasha, saraakiisha,saraakiil xigeenadda,Alifleyda iyo dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin amniga iyo xasilinta guud ahaan Dalka, isagoo guud ahaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo hogaankooda u rajeeyay horumar kan kasii balaaran. Sidoo kale Wasiirka Caddaalada XFS Soomaaliya, Cabduqadir Maxamed Nuur ayaa isna hambalyo ku saabsan sanad guurada 51 aad aas aaskooda u diray ciidanka asluubta Soomaaliyeed. View the full article
-
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta dood adag ka yeelanaya xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya. Kulankan ayaa lagu wadaa in sidoo kale loogaga hadlo arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, Doorashooyinka, Siyaasadda iyo waqti kordhinta ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM. Fadhigan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo xaalad xasaasi ah oo dhinaca siyaasada ay ka jirto dalka Soomaaliya. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi uu yeeshay 9-kii Febaarayo 2021 ayaa dhageystay xogta Soomaaliya, waxaana warbixinta la wadaagay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Duhur-2222021.mp3 View the full article
-
Golaha Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa maanta mar kale ku baaqay bannaanbax nabadeed oo 26-ka February ka dhici doona taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho Bannaanabaxii ay hore ugu dhawaaqeeen Midowga Murashixiinta maalintii Jimcaha ee 19-ka Febraayo waxa hareeyay iska hor-imaadyo u dhexeeya dowladda iyo Mucaaradka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore joojisay isu imaatinnada iyo isu soo baxyada dadweynaha, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19. Dhinaca kalena, Madaxtooyada Soomaaliya oo maanta soo saartay war saxaafadeed ayaa ugu baaqay Puntland iyo Jubaland in ay kasoo qaybgalaan shirarka ka socda Muqdisho ee lagu dhamaystirayo heshiskii 17-ka Sebtember. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo ku baaqday Bannaanbax kale appeared first on Puntland Post.
-
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Puntland iyo Jubaland ugu baaqday in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga doorashada ee Muqdisho. War-saxaafadeedka ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soo jeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 202”. “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud” ayaa la sii raaciyay war-saxaafadeedka Villa Somalia. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo baaq u dirtay Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
The UN Security Council is due to meet today about Somalia’s current situation at 6:00 p.m. today, according to UNSOM. The UN envoy for Somalia James Swan will brief the UNSC meeting that will cover topics ranging from humanitarian to elections. The international partners of Somalia have been pushing for timely and credible elections in the country amid disputes over the process. The UN and other foreign missions in Mogadishu called on leaders to resolve their differences and implement the Sep 17 electoral agreement. View the full article
-
Murashixiinta Madaxweynsha Soomaaliya oo Shir Jaraa’id qabtay masnta 22 Feb. Ayaa si kulul uga hadlay Xaalada Dalku wajahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegey ineysan dhinacna u soconeyn isla markaasna aan Fooradho laga hadli karin ilaa laga hadlo weeraradii dhacay 18 19 Feberaayo ee xabada lagu weeraray Murashixiinta iyo Fibadbaxayaashii. CC wuxuu kaloo eedeeyey Beesha Caalamka oo uu sheegey iney iska indhatirayaan wixii dhacay 19 Feberaayo, wuxuu kaloo Beesha Caalamka ku eedeeyey iney Maxamed Cabdullaahi Farmasjo ay wali ula macasmilaan sidii uu Madaxweyne yahay. Murashixiintu waxay sheegeen iney hada ogaadeen in Madaxweynaha Walhtigiisu dhamaadey uu ku maaweelin jiray Fooradho aanndaacad ka ahayn isla markaasna uu feerwadey dhismsha Ciidan. Murashixiintu waxayna mahadceliyey Hogaamiyaasha Jubbaland iyo Puntland oo qaadacay inay la kulmaan Maxamed Farmaajo ilaa meel la saaro wixii dhacay 19 feberaayo. Puntlandi.com The post Breaking News— Midowga Murashixiinta “Ilaa wixii 19 Feb. Dhacay laga wadahadlo, Doorasho dhici mayso,lagamana hadli karo” appeared first on . Source
-
(SLT-Tehran)-Dowladda Iran iyo hay’ada Nukliyeerka u qaabilsan Qaramada Midoobay IAEA ayaa heshiis ku gaadhay in kormeerayaasha caalamiga ah ay tagi karaan xarumaha Nukliyeerka ee dowladda Iran. Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiiskii hore ee xakameynta barnaamijka Nukliyeerka Iran walow ay Iran hoos u dhigtay awoodii kormeerayaasha Caalamiga ah kadib khilaafkii soo dhexgalay xukuumadii hore ee Maraykanka iyo xukuumadda Iran. Iran oo xiligan dardar gelisay barnaamijkeeda Nukliyeerka ayaa dhinaca kale dooneysa in laga qaado cunaqabateynta saaran, waxayna hada u ogolaatay hay’ada IAEA in saddexda bilood ee soo socda kormeerayaashooda tagi karaan xarumahooda Nukliyeerka. Madaxa IAEA, Rafael Grossi oo shalay dib uga soo noqday safar uu ku tagay Tehran ayaa warbaahinta u sheegay in heshiiskan uu yahay mid uu soo dhaweenayo. Dowlada cusub ee Maraykanka oo uu hoggaamiyo Joe Biden ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in dib loo dhaqan geliyo heshiiskii uu hore u burburiyey Donald Trump, balse shardi uga dhigay Iran inay marka hore joojiso dardargelinta barnaamijkeeda nukliyeerka, halka Iran shardi uga dhigtay joojinta hawlaheeda nukliyeerka in marka hore la qaado cunaqabateynta saaran oo burbur xoogan u geysatay dhaqaalaha wadankaasi. Source
-
DR. Cemalettin Kani Torun safiirkii hore Turkiga u fadhiyay Mogadisho ayaa ka hadlay xaalladda jahawareerka siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoona baaq usoo jeediyay beesha caalamka. DR kani ayaa isagoo daba jooga hadaljeedintii xalay ee madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni waxa uu ka digay in kaligii talis cusub uu ku habsado afrika, wxuuna carrabka ku adkeeyay in somalia aysan ubaahnen dagaal sokeeye oo dhiigbadan uu ku daato. “Digniinta Hogaamiyaha Puntland, baraarug ha u noqoto Beesha Caalamka, Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay” ayuu ku bartiisa twitterka ku daabacay diplomasigan turkiga ah. Hadalkaan ayaa kusoo adaya iyadoo shacabka somaliyeed iyo dadyowga kale ee daneeya arimaha somalia ay walaac badan ka qabaan xiisadda jahawareerka siyaasadeed ee dalka, madaxweynaha puntland siciid deni, ayaa xalay isagoo hadal ka jeedinayay xarunta horumarinta iyo cilmibaarista puntland waxa uu kashifay hadalo si shakhsi ah u dhaxmaray isaga iyo madaxweynaha waqtigiisu idalaaday ee Farmaajo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in banaanbax nabadeed ay ku qabanayaan taalada Daljirka Dahsoon. Midowga waxey sheegeen in banaanbaxaan looga gol leeyahay iney ku dalbanayaan qabashada doorasho xor ah oo xalaal ah, uuna 26-ka Febraayo ka dhacayo taalada Daljirka Dahsoon. Dibadbaxn ayaa imanaya ayada oo dowladda ay horay u hor istaagtay banaanbax ay isla midowga iclaamiyeen jimcadii lasoo dhaafay. Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id ku sheegay ineysan wali ka tanaasulin midowgooda banaanbixii nabadeed oo ay horay ugu baaqeen, wuxuuna mar kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isugu yimaado taalada Daljirka Dahsoon ee dagmada Boondheere. Gudoomiyaha wuxuu sheegay in banaanbaxa uu yahay mid dastuuri ah, qof walbana uu xaq u leeyahay inuu si xor ah kusoo bandhigi karo aragtidiisa, wuxuuna ka digay in mar kale la hor istaago banaanbaxaas. Mar kale ayuu Shariif ku celiyay in sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka ku heysto xukun Militari, sidoo kalana wuxuu saraakiisha ciidanka ugu baaqay inaan loo adeegsan wax aan sharciga waafaqsaneyn. Jimcadii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneed 19-ka February ayey aheyd markii ay dowladda diiday in banaanbax nabadeed lagu qabto Muqdisho. Ciidamada Dowladda ayaa lagu eedeeyay iney weerareen hotel ay daganaaayeen laba madaxweyne hore iyo gudoomiye Baarlamaan hore, sidoo kalana waxey rasaas ku kala eryeen shacab, musharaxiiin, xildhibaano iyo siyaasiyiin banaanbax ku dhigayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Lama oga tallaabada ay dowladda qaadi doonto iyadoo walaaca laga qabo xaaladda dalka, gaar ahaan Muqdisho ay tahay mid aan wanaagsaneyn.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland wuxuu Xalay u diray Bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkuba Digniin “Farwaawryn oo gaduud ku Qoran “ oo aan la dhayalsan karin, lana sii sugi karin ka hortageeda, Khatarta uu ka digay Madaxweyne Deni ma ahan mid ay fahmi karaan waxma garatadku. Waxaa Khudbadiisa ka mid ahaa.. “ Waxay Adeegsadaan Meeshay Soomaslidu ka jilicsan tahay oo ah Qabiilka iyo kuwa ugu jilicsan Bulshada. Waxay haystaan Ciidan aan nixin sida Al-shabaab. Soomaalidu sidii hore ma ahan , Dalku wuxuu ku socdaa Dagaal sokeeye. Madaxweynaha Puntland inta uu Xalay sheegay hadii uusan dheegi lahayn, Dalkana uu jar ka dhici lahaa wuxuu la Dambi ahaan lahaa kuwa Dalka Jarka ka tuuraya, sidaas ayay isku raaceen Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Madaxweyne Deni isagoo la hadlaya Siyaasiyiinta Muqdisho ugana digaya kuwa gacanta siinaya Farmaajo wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey murtidaan Soomaaliyeed “Gudinyahay ima goyseen hadaan Barkay kugu jirine “ . (Waa Geed la hadlayay Faas lagu goynayay ) Qofkii fatma murtidaan ayaa garan kara Khatarta uu Madaxweynuhu ka digayo. Hadaadan horay u daawan Hoos ka daawo Khudbadii Madaxweyne Deni ee Qaranka Badbaadisay W/Q Korneyl XXXXXX Bosaso Puntland-State-TV-Startside The post Khudbadii Deni oo lagu tilmaamey Khudbadii Qaranka Badbaadisay appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya sanadihii 2011-kii illaa 2014-kii Amb. Cemalettin Kani Torun ayaa si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee hadda lagu jiro. Mr Cemalettin Kani Torun ayaa marka ka facl-celiyey khudbaddii uu xalay Garoowe ka jeediyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed Deni oo si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed & is mari-waaga ka taagan doorashooyinka. Diblomaasigan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka aya ugu baaqay xubnaha beesha caalamka inay ku baraarugaan hadallada kasoo yeeray madaxweyne Siciid Deni, isaga oo shaaciyey in xiligan Afrika aysan u baahneyn kaligii-taliye iyo dagaal sokeeye. “Digniinta Deni baraarug ha u noqoto Beesha Caalamka, Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay,” ayuu yiri safiirkii Turkiga ee arrimaha Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo uu haatan dalku ka jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana uu muddo xileedkii ka dhamaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo aan weli heshiis lagu heyn hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
-
Madaxweeynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa xalay khudbad dhinacya badan taabaneysa waxa uu u jeediyay shacabka dowlad gobaleedka Puntland, taas oo uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka . Saciid Cabdullahi Deni ayaa soo hadal qaaday mar xaladaha wada hadalada arimaha doorashooyinka dalka , oo khilaaf uu ka taagan yahay . Madaxweyne Deni “26 January 2019 oo ahayd xafladdii caleemasaarka, waxaan goostay maadaama aan kusoo biiray masrixii siyaasadda aanna u jeedey cakirnaanta jirta inaan la imaado weji ah Soomaalidu inay mar labaad dib u wada hadasho oo wixii ka khaldamay ay saxdo oo ay waddo saxiixa marto, waxaan halkan isugu yeernay dhammaan Masuuliyiintii dalka iyo Cidwalba oo aan is dhihi karno dalkan waxgarad bay u tahay, anagoo curdin ah oo aan diyaargaraw fiican lahayn ayaan dhabarka u ridanay in shirka baaxaddaas leh, Runtii fursaddaas waxaan uga faa’iidaynay inaan gogol u dhigno oo aan isku dayno, inaan waxyaabihii jirey xal u raadino”. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale sheegay in shirarkii Dhuusamareeb ay ku yeesheen madaxda dowladda Federaal iyo dowlad gobaleedyada in ay farmaajo uga tanaasuleen arima badan oo taagna. Deni ayaa ku eedeyay Farmaajo iyo xukuumadiisa in ay mar walba doonayaan in ay xoq xoqaan Qabyaaladda . ” Waxaa marar badan maqashaan Puntland aa waxeey diiday in Garowe la yimaado wuxuu codsaday Axmed Madoobe in uu halkaan yimaado(Garowe), dowladdaan waxa ay aad u isticmaasha dadka Soomaaliyeed meesha ay ka liitaan oo Qabiilka ah oo runtii in ay xoq xoqdo ay aad u jeceshahay taas oo aan dada dan ugu jirin , Qof mas’uul ah oo marxaladaan jooga in uu qabyaalad u gurbaan tumo isagoo og 30-kii sano ee la soo dhaafay wixi dhacay”. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa billowday in cadaadis xoogleh saarto madaxweynayaasha maamullada Puntland & Jubbaland oo weli ka maqan shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo dowladda iyo dowlad goboleedyada. Wararka ayaa sheegaya in wufuud ka socota beesha caalamka ay saacadihii lasoo dhaafay gaareen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Wafdigan ayaa maanta kulan gaar ah la leh Siciid Deni, iyaga oo kala hadli doono ka qeyb-galka shirka golaha wada-tashiga qaranka ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno kale oo ka socda beesha caalamka ay kusii jeedaan dhanka Kismaayo, si ay u wajahaan Axmed Madoobe oo weli si weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka. Xubnaha beesha caalamka ayaa dadaalkooda isugu geynaya sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa dhinacyada ka qeyb-galaya shirka doorashooyinka, si xal loogu wada-gaaro. Puntland & Jubbaland ayaa weli tabasho xooganka tirsanaya madaxda Villa Soomaaliya, waxaana saacaihii ugu dambeeyey hadallo kulul usoo mariyeen dhinaca warbaahinta.
-
Saldhiga qudhac-dheer waa xarun dulmi ! “Waxaan usoo joogay” Horraantii bishii labaad ee sannadkii 2020 waxa aanu kala kulannay dhacdo na yaab gelisay, waxay ahayd aroor hore waxa i wehelinaayay Nuuradiin Diini iyo Xogahayaha warfaafinta ee Xisbiga UCID Yusuf Kayse Guuxaa , waxa aanu u soconnay nin maxbuusa oo laga soo xidhay Degmada Laas-geel, laguna soo qafaashay sifo sharci darro ah, iyadoo xorriyadiisa lagaga qaaday sifo sharci ah. Maxbuuska waxay ehel dhaw ahaayeen Nuuradiin oo aanu soo raacnay labadayada nin ee kale, ujeedkaygu wuxuu ahaa in aanu xal u helno oo aanu kiiska si dhaw ula soconno madaama eedda loo haysta maxbuusku ahayd mid siyaasadaysan oo cabudhin ah, waxa naga cag horreeyay Nuuradiin oo naga hor galay gudaha Saldhiga qudhac-dheer Maxaa dhacay? Waxa weydiiyay jaad baad ah inankii hayay furaha qolka maxbuuska ee ku qorraa gaadhka, waxa uu ku yidhi Jabbane ii qaad aan kuuso daayo maxabuuskee, wuu diiday Nuuradiin waxaanu ku yidhi “ kuu qaadimaayo waxaad gudanaysaa waajibkaagii xaq ayaan u leeyahay in aan maxabuuska bookhdo oo aan soo eego waxaanu nahay ehel sabab aan Jaad kuugu qaadaa ma jirto” aad ayuu u cadhooday Askarigii waxaanu ka soo saaray saldhiga Nuuradiin oo noogu yimi kadinka anniga iyo Yuusuf. wuxuu sameeyay Nuradiin xilkasnimo weyn waxaan sameeyay dulqaad caydaa iyo cagajuglayntaana kamuu falcelin. Waxa aanu usoo raacay gudihii Yuusuf waanu ka cag horraynay, waxa aanu la kulannay Askarigii oo jooga barxadda labadaydiiba, waxaan ka codsaday in maxabuuska naloo sii daayo oo aanu soo eegno, si cad ayuu nooga hor istaagay isaga oo caytamaaya, waxaan weydiiyay sababta, namuu wancin ee baxa ayu na yidhi. waxaan u sheegay xaqa maxbuuska in ay ka mid tahay in ehelku soo booqdo, aadbu noogu qayliy oo na yidhi baxa inta uu qora garabka kala soo degay. Waxa uu qorigii ku qabtay laba jeer oo u cabbaystay Nuuradiin isaga oo caytamaaya oo waalidkii caayay, ladqabaan is idhi gal. mayse suuragelin madaama aad uu u kacsanaa Askarigu waxaana qasab nagu noqotay in aanu ka baxno saldhiga madaama aanu ka fekernay in xaalku afka dhaafi karo oo xabbad gaadhay askariguna cay iyo hanjabaad is raacshay. Waxa gudaha jooga saddex Askari waanu marag gashannay, aad ayay ula yaabeen ninkaa, midbaase na yidhi “ Askarigu wuu qaadiraysan yahay oo waxa laga soo bedelay xeeb, waxa uu weydiiyay Jabbane ee maxuu isla macaaneeyay inanku muu siiyo indhaha haku kala furee waa iska caadi jaadku ye” waxa aanu ku nidhi xaq nooguma laha laaluush iyo in waajibkiisa uu weydaarsado lacag siinna mayno ! Annagoo weli taagan saldhiga baraxadiisa oo yaab amakaagsan ayuu nasoo hormaray gaadhi seerafa oo uu wato Taliyihii saldhiga, waanu faraxnay oo ku irkadaanu is nidhi una sheega waxa dhacay, wuxuu ahaa nin isla weyn markii aanu la hadlay isaga oo aan joojin gaadhiga ayuu si jees jeesa oo qosol ku jiro noo qaabilay namuu dhagaysan dhibna umuu arag qoriga naloo cabbaystay, qaadka nala weydiiyay iyo maxbuuska naloo diiday ee nalaga hor istaagay. Dub ayaanu uga joogsanay annaga oo yaabban meesha dhaqan ka yaal, Askarta aan lahayn xurmada ee aan garanayn masuuliyadda dadka ay u adeegayaan, waxa dhacdada ka qoray qoraal wariye Cabdiweli oo ka tirsan bahda wargeska saxansaxo oo goobta nala jooga arkaayayna sida wax u dhaceen, waxa uu ku faafay baraha bulshada. Taliye Dabagale ayaa la soo xidhiidhay waaxda ciidanka Bilayska ee bariga Hargaysa waxaanu ku amray in la baadho kiiska oo naloo yeedho si qaladka loo ogaado. Yuusuf Kayse ayuu la soo xidhiidhay Cabdi-sigis oo ah Taliye xigeenka bariga Hargaysa ee Bilayska, waxaanu u sheegay in dacwado noo taal, subixii ayaanu u tagnay waxa nalaga qoray qoraal waxaanu si siman u sheegnay dhacdadi nala kulantay iyo sida naloogu qaldamay. Taliyaha waxa ujeedkiisu ahaa in warkaasi been yahay oo nala xidhi, waxase kaga soo baxday saldhiga dhacdadii dhabta ahayd in qaladka ay lahaayeen Askartiisa saldhiga qudhac-dheer. Baadhidii oo jiitantay dub naloolama soo xidhiidhin kiiskiina wuxuu ku dhamaaday afkoo juuqda gabay bilayskii ninkii lama anshax marin ma aqaan in uu yahay ninka Hoodo Garays jidh dilay iyo ka aadka looga cabanaayo, waxaanse marag ka ahay in ciidankeennu ay ku jirto ruuxdii kacanaaka ee ahayd sidaad doonto yeel yaa ku xisaabinaya. Waxa waajib ah in la helo maxakamad aan ahayn ta ciidanka oo shacab oo looga dacwoodo askariga basarka xun ee ku xadgudba ummadda. waxaan ka xumahay gabood falka Hoodo ku dhacay ee jidh dilka ah, xadhiga sharci darrada ah iyo sida aan looga garaabin, waxaan ku baaqayaa in dhaqan celin,dub u habayn iyo anshaxa shaqo la baro Booliska Somaliland. W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme Source
-
Golaha Ammaanka Qaramada midobay ayaa maanta oo Isniin ah la filaya in ay kulan looga hadlayo xaaladda Soomaaliya ay ku yeeshaan magaalada New York ee dalka mareykanka Kulanka ayaa diiradda lagu saari doona marxaladda kala guurka ay ku jirto dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale howl galka Midawga Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM. Golaha ayaa maanta la filaya in ay dib u cusbooneysiiyaan howl galka midawga Afrika ee Soomaaliya, maadama uu dhacay waqtigoodi joogi taanka gudaha Soomaaliya . AMISOM ayaa fadhiga maanta ay yeelanayaan Golaha Ammaanka waxa loogu dari doona mudda Hal sano ah oo ay ku sii joogayaan Soomaaliya . Howl galka midawga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa muddo 10 sano ka badan ka socda Soomaaliya , iyadoo AMISOM ay dowladda Soomaaliya ka caawineyso Ammaanka dalka . Source: goobjoog.com
-
Turkey on Sunday expressed concern over unrest in Somalia as tension rises due to delayed elections in the country. “We are concerned about the recent negative developments arising from the dispute over the election process in Somalia,” the Foreign Ministry said in a statement. “It is important that all parties act with common sense by avoiding steps that may lead to violence, and that the Federal Government and Federal Member States’ Leaders come together and try to resolve disputes with an inclusive and constructive dialogue on the basis of the agreement reached on 17 September 2020,” the statement added. “We believe that the friendly and brotherly people of Somalia have the will and political maturity to determine their own future,” the ministry said. “In this context, we hope that a consensus will be reached on the election process, on the basis of mutual understanding without further delay,” it added. On Saturday, Somalia’s opposition vowed to push on with protests against the delay of the country’s elections, a day after violence flared up in the capital Mogadishu. At least four people, including soldiers, were killed and three more wounded in a gunfight between military personnel and opposition members near the presidential palace on Friday. Somalia’s opposition parties have launched protests against the government’s decision to defer elections, calling on President Mohamed Abdullahi Mohamed to step down as his constitutional mandate expired on Feb. 8. In a bid to quell the demonstrations, the government has barred all public gatherings in the country, citing coronavirus risks. It said the president will remain in office until the election is held, as approved in a resolution passed by the Somali parliament. View the full article
