-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Aadan ayaa maanta shan gaari ku wareejiyay wasaaradaha Maaliyadda, Xannaada Xoolaha iyo Xafiiska arrimaha degaanka ee xafiirka ra’iisul wasaaraha. Gaadiidkan ayaa qeyb ka ah mashruuca horumarinta biyaha ee Biyoole, ooh adda ka socda dowlad goboleedyada; Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed, iyadoo dhowaan laga bilaabi doono Soomaaliland. U jeedada laga leeyahay mashruuca ayaa ah in lagu horumariyo biyaha, xoojinta tayada hey’adaha dowladda isla markaana laga faa’ideysto roobabka, sidoo kalena la sameeyo qorshihii lagu celin lahaa biyaha togagga isaga shubma xilli roobaadka. Waxaa hadda la soo gebo-gabeey wajiga 1-aad oo dhinac Puntland oo 6 goobaad oo biyo celin laga samaynayo iyo afar goob-biyood oo la dayac tirayo. Halka Galmudug iyo Koofur Galbeed ay mar dhow la bilaabi doono asteenta goobaha biyo celinta laga samaynayo. Waxaa sidoo kale wax laga qaban doonaa baahida biyaha deegaannada aan toggagga lahayn balse leh fursad biyo celin ama biyo soo saarid, tas oo ahmiyadd u leh dalka. Mashruuca Biyoole ayaa tusaale u noqan-doona mashaariicda laga hirgeliyo Soomaaliya maadaama laga gaaray guulo hordhac ah oo ku aaddan wax qabadka baahida horumarineed ee bulshada. View the full article
-
Waxaa Axaddii Villa Somalia ka dhacay shir ay dowladda federaalka ah ku sheegtay horudhac kaas oo ay kasoo qeyb galeen maamul goboleedyada taageera Farmaajo ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha Banaadir. Shirka halka dhinac ah, waxaa uu imaanayaa xilli ay qaadhaceen madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Deni. Maamulka Jubbaland oo qoraal kasoo saaray sababta ay shirka Farmaajo ku diideen ayaa waxaa ay ku sheegeen: Iney raalli-gelin ka bixiso tallaabooyinka gurracan ee ay u geysatay muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo saamileyda In la isugu yimaado shir ay kasoo qeyb galaan saamileyda In goobta shirka ka dhacayo noqoto mid amnigeeda lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeedana lahaato beesha caalamka In la helo dammaanad qaad ah fulinta shirkaas In madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo ka dhex baxo hannaanka doorashada si kalsooni u helaan saamileyda Dhanka kale, madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xalay la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa shirka ku xiray labo sharci In amniga lagu kalsoonaan karo In Puntland ay ogtahay miraha wax laga hadlayo Arrimahan ayaa dhacaya kahor shirka golaha ammaanka ee Soomaaliya iyo ka digista beesha caalamka ee ahaa in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho hal dhinac ah ama isbarbar socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ayna wax farqi ah u dhaxeyn Al-Shabaab iyo madaxdweynaha xilkiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Saciid Deni oo arrimo badan kafishay ayaa si cad u shaacay in Farmaajo uu ku qabsaday sababta ay ula kulmeen siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka, maadaama buu yidhi aan aniga idiinku casuumay Muqdisho. “Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Mogadishu Clan, anigaa idiin casuumay, haddaanu imid caasimadii dalka, oo weliba ha la is xantee qabaa’ilka Mogadishu Clan xuduntiisa tahay, ma waxaa leedahay ha arkinina, oo ha-kala xaajoojina xalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed aanu kala irdhoobin, waxaan idhi taasi suuragal ma ahan,” ayuu yidhi Madaxweyne Saciid Deni. Mar uu ka hadlayay aaminaada lagu qabo in kulan looga arrinsanaayo arrimaha doorashada iyo xal u helida mushkilada taagan oo lagu qabto Muqdisho, Deni waxa uu sheegay inaysan jirin aaminaad ay ugu qeyb galaan maadaama taliska Farmaajo aan la aamino karin, sida uu yidhi. Deni ayaa sheegay in xitaa marka ay tagaan Villa Somalia ay ka baqi jireen in raashinka sun loogu daro, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu ku tilmaamay inay la mid yihiin kooxda argagixisada Al-Shabaab oo ayna waxba ugu duwaneyn, isagoona muujiyay in Shabaab iyo Farmaayo aan la kala saari karin, sida uu hadalka u dhigay. “Al-Shabaab miyaan ka baqnaa mise Villa Somalia, sababtoo ah waxyaabaha ay adeegsanayaan wax farqi ah uma dhaxeeyaan, mar walbana khatar ayaan ku jirnaa,” ayuu yidhi madaxweynaha Puntland Saciid Deni. Saciid Deni ayaa cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka horyimaadaan in waddanku ku laabto nidaamkii kali-talisnimo ee laga soo gudbay 30 sano ka hor, iyadoo laga fogaanaayo qabiileysi iyo in dalku dib ugu laabto burbur iyo nidaam darro. Source
-
Ankara (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka & doorashooyinka 2021. Ugu horreyn Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan hannaanka doorashada dalka. Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa loogu baaqay inay si wadajir ah xal uga gaaraan is mari-waaga doorashada & heshiiskii 17-kii September. “Waa Muhiim in laga wada qaybgalo xal ka gaarista muranka salka ku haya doorashooyinka, dhammaan Saamileyda Siyaasadda waa in laga fogaadaa rabsho, isla markaana waa in wadajir xal looga gaarayaa heshiiska dhacay 17-ka September 2020,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga. Warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya “Waxa aan rumeysan nahay in walaalaheen & saaxiida Soomaaliya ay leeyihiin Rabitaan & bisayl siyaasadeed oo ay ugu go’aan gaari karaan Mustaqbalkooda,”. Soomaaliya ayaa wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay is qab-qabsiga doorashada, kadib markii ay todobaadkan rabashado xoogan ay ka dhaceen magaalada Muqisho.
-
(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan guddida arrimaha dibadda ee Congress-ka Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Itoobiya haatan ka taagan. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahayd xubno ka tirsan gudidaas oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Itoobiya, waxaana ay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada Xukuumadda Itoobiya ayey fartay maxaabiista ula dhaqantao si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo. “Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada ah ee uu ka midka yahay Bekele Gerba iyo hogaamiyeyaasha kale ee cunto joojinta ku jira. In loo diido in ay helaan daryeel caafimaad waxay xad gudub cad ku tahay xuquuqdooda aadanaha waxayna sii cakiraysaa xiisadda haatan Itoobiya ka taagan. Xukuumadda Itoobiya waa in ay maxaabiista ula dhaqantaa si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo” ayay ku tidhi warbixin xafiiskeeda la soo baxday. Waxa kale oo warbixintaa ay soo saartay xildhibaan Ilhaan Cumar ay kaga hadashay xaaladda ka taagan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay carrabka ku dhuftay in colaadda ka socota gobolkaasi dhalisay duruufo aadamenimo oo masiibo noqday oo ay sheegtay in sida qiyaasaha qaarkood tibaaxayaan ay boqolaal kun oo qof macaluul qarka u saaran yihiin. Source
-
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha midowga musharraxiinta, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulanka ayaa ka dhacay hoyga uu Sheekh Shariif ka dagan yahay magaalada Muqdisho, kadib booqasho uu ugu tegay Cali Guudlaawe. Labada mas’uul ayaa iska xog-wareystay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka. Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sidii xal mideysan looga gaari lahaa khilaafka siyaasiga ah ee hareeyay doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan dalka. Magaalada Muqdisho ayaa marti-gelineysa shirar gaar-gaar ah oo u dhexeeya dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta. Ujeedka Cali Guudlaawe uu xalay ugu tegay Sheekh Shariif Sheekh ayaa ahaa booqasho isugu jirto salaan iyo is xog-wareysi ku aadan xaaladda uu dalka marayo. Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay xaaladda dalka iyo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashada dalka ee sanadkan 2021-ka. Sidoo kale waxay isla soo qaadeen rabshadihii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho & dibad-baxii laga hor istaagay xubnaha musharraxiinta mucaaradka. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in labada mas’uul ay ku ballameen kulamo kale oo looga arrinsayo xaaladda adag ee lagu jiro, siiba marxalada kala guurka ah. Madaxweynaha HirShabelle ayaa horey ula kulmay madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Guudlaawe waa madaxweynihii labaad ee dowlad goboleed ee la kulma hoggaanka midowga musharraxiinta, kadib rabshadihii ka dhacay caasimada dalka ee Muqdisho.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Khudbaddiisi xalay ku sheegay in uu ka cabsi qabo in dagaal sokeeye ka qarxo magaalada Muqdisho, haddii ay sii socoto xiisadda siyaasadeed ee halkaas ka aloosan. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Villa Somalia shacabka Muqdisho ku hayso dhib lamid ah kan Al-shabaab ku hayaan, islamarkaana uusan wax farqi ah u dhexayn cadaadiska iyo cabburinta labada dhinac ku hayaan Bulshada Muqdisho. Sidoo kale, wuxu caddeeyay in Al-shabaab iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay isticmaalaan asaaliib isku mid ah oo ku salaysan cabsi iyo argagax gelin, taas oo keeni karta in kacdoon dadweyne iyo dagaal sokeeye. Safarkiisi u dambeeyay ee Muqdisho, ayuu sheegay in uu ka cabsan jiray in Villa Somalia cuntada sun ugu darto ama dhibaato kale oo Amni u gaystaan isaga iyo wefdigiisa ka tegay Puntland. Halkaan ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in uusan jirin farqi u dhexeeya Al-shabaab iyo Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Subax-222021-1.mp3 View the full article
-
Foreign Ministry calls on parties in Somalia to ‘resolve disputes with inclusive and constructive dialogue’ Source: Hiiraan Online
-
GAROWE, Somalia (Reuters) – One of five of Somalia’s regional governments said on Sunday it had rejected the inclusion of national President Mohamed Abdullahi Mohamed in talks aimed at resolving a deadlock on a delayed election, exacerbating a crisis on the vote. Mohamed Abdullahi Mohamed, president of Somalia, attends the London Somalia Conference’ at Lancaster House, May 11, 2017. REUTERS/Jack Hill/Pool/File Photo Leaders in the two federal states, Puntland and Jubbaland, had already said earlier this month they would no longer recognise President Mohamed, whose term expired on Feb.8. “The expired president Farmajo should be out of the election process. He should not have a role in the process of election in order for all political stakeholders to have confidence in it,” Jubbaland’s state house said in a statement, referring to Mohamed by his nickname. Calls and emails to the government spokesman Mohamed Ibrahim for comment were not answered. State-run Somalia News Agency reported on Sunday that Mohamed was meeting with the prime minister, the presidents of Hirshabele, Galmudug and South West states, U.N. representatives and the mayor of the capital Mogadishu at his Villa Somalia office. In early February, an alliance of Somali opposition parties said they would reject any attempt to extend Mohamed’s term. The alliance called for the creation of a national council of lawmakers, opposition leaders and civil society to govern the Horn of Africa nation, after the president’s term expired with no clear succession plan. On Friday, government troops and opposition supporters – including some soldiers – exchanged gunfire in Mogadishu in street clashes that broke out during a protest march over the delayed elections. A union of opposition presidential candidates said on Saturday they will continue with their marches until all inclusive talks on the vote are held. The violence raised concern that the military could split along clan lines and bolster an al Qaeda-linked insurgency, especially as hundreds of U.S. troops have recently pulled out of Somalia. Somalia was earlier planning to hold its first direct election since civil war erupted in 1991, but delays in preparations and continuous attacks by al Shabaab Islamist insurgents forced it to plan another indirect vote. While the constitution gives four-year mandates for the presidency, an extension of the government’s term by parliament is legally allowed by precedent, though analysts warn that the move is politically fraught. Source: Reuters The post Somalia’s Jubbaland region rejects national president’s inclusion in election talks appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay khudbad ka jeediyay xarunta Cilmi-baarista PDRC ee caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo doonayo in uu dalka xoog ku sii haysto. Siciid Deni, wuxu tilmaamay in Farmaajo aysan ka go’nayn in uu doorasho ka qabto dalka, balse uu aaminsanyahay xoog iyo awood ciidan in uu ku haysan karo kursiga Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Ciidanka loo bixiyay Gorgor iyo Haramcad ay yihiin kuwa uu gaar u dhistay Mr Farmaajo, si uu kursigiisa ugu ilaashado, uguna cabburiyo siyaasiyiinta mucaaradsan dowladdiisa. Sidoo kale, wuxu Labadaas Ciidan ku tilmaamay kuwa Manaxayaal ah oo u adeega shakhsiyadda Madaxweyne Farmaajo, halkii la rabay in ay Al-shabaab dalka ka saaraan. Halkaan ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Deni: Ciidamada Gorgor iyo Haramcad wax naxariis ah ma leh appeared first on Puntland Post.
-
Deniga Puntland oo shaaciyey inuu ka baqay in Villa Somalia Raashinka Sun noogu darto” Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in aysan wax farqi ah u dhaxeyn Al-Shabaab iyo madaxdweynaha xilkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Saciid Deni oo arrimo badan kafishay ayaa si cad u shaacay in Farmaajo uu ku qabsaday sababta ay ula kulmeen siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka, maadaama buu yiri aan aniga idiinku casuumay Muqdisho. “Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Mogadishu Clan, anigaa idiin casuumay, haddaanu imid caasimadii dalka, oo weliba ha la is xantee qabaa’ilka Mogadishu Clan xuduntiisa tahay, ma waxaa leedahay ha arkinina, oo ha-kala xaajoojina xalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed aanu kala irdhoobin, waxaan iri taasi suuragal ma ahan,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni. Mar uu ka hadlayay aaminaada lagu qabo in kulan looga arrinsanaayo arrimaha doorashada iyo xal u helida mushkilada taagan oo lagu qabto Muqdisho, Deni waxa uu sheegay inaysan jirin aaminaad ay ugu qeyb galaan maadaama taliska Farmaajo aan la aamino karin, sida uu yiri. Deni ayaa sheegay in xitaa marka ay tagaan Villa Somalia ay ka baqi jireen in raashinka sun loogu daro, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu ku tilmaamay inay la mid yihiin kooxda argagixisada Al-Shabaab oo aysan waxba ugu duwaneyn, isagoona muujiyay in Shabaab iyo Farmaayo aan la kala saari karin, sida uu hadalka u dhigay. “Al-Shabaab miyaan ka baqnaa mise Villa Somalia, sababtoo ah waxyaabaha ay adeegsanayaan wax farqi ah uma dhaxeeyaan, mar walbana khatar ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni. Saciid Deni ayaa cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ugu horyimaadaan in wadanku ku laabto nidaamkii kali-talisnimo ee laga soo gudbay 30 sano ka hor, iyadoo laga fogaanaayo qabiileysi iyo in dalku dib ugu laabto burbur iyo nidaam daro. Qaran News
-
(Reuters) - Somalia’s president, whose four-year term expired this month, should not take part in talks aimed at resolving a dispute that has caused a delay in choosing a new head of state, two of Somalia’s five regional governments said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Itoobiya oo ka jawaabtay warbixin Ilhaan Cumar ka soo saartay xiisadda dalkaa oogan Ilhaan Cumar oo ka tirsan gudida arimaha dibada ee Congress-ka Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Itoobiya haatan ka taagan. Xildhibaanka ayaa ka mid ahayd xubno ka tirsan gudidaas oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Itoobiya. “Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada ah ee uu ka midka yahay Bekele Gerba iyo hogaamiyeyaasha kale ee cunto joojinta ku jira. In loo diido in ay helaan daryeel caafimaad waxay xad gudub cad ku tahay xuquuqdooda aadanaha waxayna sii cakiraysaa xiisadda haatan Itoobiya ka taagan. Xukuumadda Itoobiya waa in ay maxaabiista ula dhaqantaa si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo” ayay ku tidhi warbixin xafiiskeeda la soo baxday. Waxa kale oo warbixintaa ay soo saartay xildhibaan Ilhaan Cumar ay kaga hadashay xaaladda ka taagan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay carrabka ku dhuftay in colaadda ka socota gobolkaasi dhalisay duruufo aadamenimo oo masiibo noqday oo ay sheegtay in sida qiyaasaha qaarkood tibaaxayaan ay boqolaal kun oo qof macaluul qarka u saaran yihiin. “Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed waa inuu gargaarka aadamenimo marin u furaa, oo uu ogolaadaa in baadhayeel madax banaaan oo xuquuqa aadanaha aqoon u lihi ay tagaan Tigray si aynu u ogaanno tirada dhabta ah ee gumaadka halkaa laga soo sheegay. Sidoo kale waa inuu qaadaa dhamaan xayiraadda isgaadhsiineed ee saaran oo uu hay’adaha aan dawliga ahayn iyo ururada xuquuqal insaanka u ogolaadaa in ay la xidhiidhaan shaqaalahooda gobolkaa jooga isla markaana u ogolaadaa dadka ku nool Tigray, oo kuwo badan oo dadka i soo doortay ahi ka mid yihiin, in ay qoysaskooda la xidhiidhaan” ayey tidhi Ilhaan oo dhaliilo u jeedisay xukuumadda Itoobiya. Hase yeeshee warkaa ka soo baxay xafiiska Ilhaan Cumar waxa ka jawaabay danjiraha Itoobiya u fadhiya magaalada Safiirku waxa kale oo uu u sheegay in uu diyaar u yahay inuu si fool ka fool ah ula kulmo qudheeda oo uu u faahfaahiyo goor alla goorta ay diyaarka u tahay xaaladda Itoobiya ka taagan ee ay ka hadashay. “Waxaan jecelahay in aan kuu xaqiijiyo in aanay jirin wax walaac keeni karaa. In aad si dhexdhexaad ah oo ujeedo saxan leh u qiimayso xaqiiqada jirtaa waxay kaa shaafiyi karta welwelka aad qabto oo waxay kuu suurto gelinaysaa in aad si dheeli tiran u fahamto xaaladda dhabta ah ee arimaha aad carrabka ku dhufatay” ayuu ku yidhi warqadda uu u diray. “Xukuumadda Itoobiya way ku gawracan tahay xeerarka iyo axdiyada sharciga caalamiga ah ee dhigaya in maxaabiista oo dhan loola dhaqmo si tixgelin leh oo aan dhaawacayn sharaftooda. Sidaa awgeed, Xukuumadda Itoobiya waxa ka go’an in ay gudato waajibaadkaa saaran oo ay suurto geliso in ay maxaabiistu helaan daryeel caafimaad oo la mid ah ka ay muwaadiniinta dalku helaan, iyo sidoo kale in adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin si bilaa lacag ah loogu fidiyo iyada oo aan lagu kala takoorayn sifo sharci [oo ah in muwaadiniinta qaarkood maxaabiis yihiin iyo in kale]. Hadaan ka hadlo maxaabiista aad magac dhawday, dhamaantood waxay daryeel caafimaad ka helaan Isbitaalada Itoobiya ka ugu wanaagsan oo la yidhaa Tor Hailoch oo ah mid loo yagleelay si uu adeegga caafimaad ugu fidiyo ciidamada qalabka sida ee Itoobiya. Maxaabiista sida la sheegay cuntada ka soomay haatan way joojiyeen cunto ka soomiddii, intoodii u baahnayd daryeel caafimaadna waa loo fidiyey oo haatan caafimaadkoodu wuu fiican yahay” ayuu ku yidhi safiirku warqadda jawaabta ah ee uu u diray xildhibaan Ilhaan. Qoraalka sawirka,. Colaadda Gobolka tigray ayaa weli taagan inkastoo dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay qabsatay magaala madaxda gobolka ee Mekelle. Dagaalkaas waxaa ka dhashay qasaare naf iyo maalba leh. Gulufkaan oo dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo xoogagga TPLF waxaa ku barakacay kummanaan shacb ah, kuwaas oo gaaray Suudaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay dood soo kala dhax-gashay, taas oo ka dhalatay kulamo habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana kulamadaas lala qaatay madaxda maamullada Galmudug iyo HirShabeelle. Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo ah madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle, ayaa habeen hore la kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyagoo kala hadlay qalalaasihii ka dhacay Muqdisho. Si kastaba, sida ay ogaatay Caasimada Online, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan mucaaradka ayaa Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Kheyre ku qabsaday in ay ka qeyb galaan kulamadaas, iyadoo aan laga tala gelin xubnaha kale ee Golaha Midowga. Xubnahan ayaa ku dooday in kulamadaas ay ahaayeen qalad inay dhacaay, ayada oo Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay ka aamuseen dhibaatadii ciidamada dowladda ay u gaysteen shacabkii ay ku mataleen siyaasadda dalka, ayaga oo xabadeeyey xilli ay dibad-baxayeen. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan qarsan dareenkiisa, wuxuuna qoraal uu shalay soo dhigay facebook ku yiri “Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan. Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa.” Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa ah madaxweynayaal uu kursiga ku fariisiyey Farmaajo, mana la filayo inay marnaba hadal ka dhan ah u sheegaan si shaacsan.
-
Matoor ololaya oo diyaarad ka soo dhacay oo ku habsaday guryo Diyaarad nooceedu yahay Boieng ayaa guryo ku yaalla magaalada Denver qayba ka mid ah matoorkeeda oo ololaya ku soo duldhacay guryo magaaladaasi ku yaalla. Diyaaradda Boeing 777, oo ay saarnaayeen rakaab dhan 231 iyo 10 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda, ayaa si nabad ah ku soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha Denver. Wax qasaara ah oo shilkaasi ka dhashayna lama soo sheegin. Boolista ku sugan magaalada Broomfield ayaa baahiyey sawir muujinaya qaybta hore ee matoorka diyaaradda oo guryo ku soo dul dhacay. Rakaabka diyaaraddaasi saarnaana waxay sheegeen qarax aad u weyn iney maqleen waxyar un kaddib marki ay diyaaraddu garoonka ka duushay. Wakaaladda Maamusha Duulista Hawada ee FAA waxay sheegtay diyaaradda Matoorkeeda gubtay kaddibna soo dhacay inuu yahay kan midigta. Diyaaradda duullimaadkeeda oo ku diiwaan gashanaa 328, oo ah diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaraaha United Airlines waxay ku sii jeedday Honolulu. Mid ka mid ah dadki rakaabka ahaa ee diyaaraddaasi saarnaa oo wakaaladda wararka ee AP u warramay wuxuu sheegay inuu duuliyaha diyaaradda uu rakaabka u sheegay inuu qarax aad u weyn uu jiro. “Diyaaraddu waxay billowday iney si aad ah u ruxanto, waxaanna awoodi weynay inaan sare u soconno kaddibna waxaan billownay inaan hoos u dagno” ayuu yiri David Delucia. Wuxuuna intaasi uu ku daray isaga iyo xaaskiisa boorsada yar ee jeebka oo ay macluumaadkooda oo dhan ku jireen ay jeebka gashadeen si ay haddii ay diyaaradda burburto xogtooda halkaasi looga helo. Muuqaallo qaab online ah lagu baahiyey ayaa muujinaya qiiq matoorka diyaaradda ka baxaya. Muuqaal kale oo qof diyaaradda saarnaa uu duubayna wuxuu muujinayaa matoorki oo uu dab qabsaday iyo daboolka kore ee matoorka oo meesha ka maqan. Dhacadadan ayaa dhacday Sabtidi saacaddu markay ahayd 5-tii galabnimo ee wakhtiga magaalada Denver. Booliska magaalada Broomfield waxay shacabku fareen qaybaha matoorka diyaaradaha ee guriyahooda ku soo dul dhacay ineysan taaban. Hay’adda mamusha duullimaadyada iyo Guddiga Badqabka gaadiidka qaran ayaa billaabay baaritaan dhacdadaasi la xiriiro. Mid ka mid ah shacabka ku nool magaalada Broomfield wuxuu CNN u sheegay inuu arkay gabal ka mid ah diyaaradda oo soo dhacaya kaddibna carruurtiisa uu meel gabbaad ah la galay. “Waxaan marka hore maqalnay qarax aad u weyn, markaan eegnay halka u qaraxa ka dhacayna waxaan aragnay qiiq madoow oo cirka ka muuqdo, kaddibna waxaan aragnay wax cirka ka soo socdo oo aan u maleyneynay wax aad u culus balse marka ay dhulka ku soo dhacday ayaan ogaannay waxa soo dhacay inuu yahay gabal ka mid ah matoorka diyaaradda ee gubtay” ayuu yiri Kieran Cain said. Balse weli ma cadda waxa sababay inuu mid ka mid ah matoorrada diyaaradda uu qarxo kaddibna uu gubto. Diyaaradda Boeing 777-200, ayaa la sameeyey 26 sano ka hor. Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xasaasi ah ka leh xaaladda Soomaaliya & doorashooyinka 2021-ka. Fadhigan ayaa golaha ammaanka waxa ay uga doodi doonaan xaaladaha soo kordhay ee dalka, gaar ahaan muranka xoogan ee weli ka taagan hanaanka doorashooyinka. Golaha ayaa si gaar ah diirada u saari doono ammaanka, doorashooyinka, siyaasadda iyo waqti kordhinta ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM. Sidoo kale waxa ay warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ka dhageysan doonaan wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo kulanka uga qeyb-galay hab maqal iyo muuqaal ah, isaga oo jeedin doono warbixinta dhabta ah ee dalka. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale la filayaa in ay bayaan kasoo saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan maxaladda kala guurka ah ee lagu jiro. Si kastaba kulankan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ay golaha ammaanka u gudbiyeen qoraal la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan tabashadooda, waxayna dalbadeen in QM ay soo fara-geliso xaaladda Soomaaliya
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in aysan wax farqi ah u dhaxeyn Al-Shabaab iyo madaxdweynaha xilkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Saciid Deni oo arrimo badan kafishay ayaa si cad u shaacay in Farmaajo uu ku qabsaday sababta ay ula kulmeen siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka, maadaama buu yiri aan aniga idiinku casuumay Muqdisho. “Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Mogadishu Clan, anigaa idiin casuumay, haddaanu imid caasimadii dalka, oo weliba ha la is xantee qabaa’ilka Mogadishu Clan xuduntiisa tahay, ma waxaa leedahay ha arkinina, oo ha-kala xaajoojina xalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed aanu kala irdhoobin, waxaan iri taasi suuragal ma ahan,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni. Mar uu ka hadlayay aaminaada lagu qabo in kulan looga arrinsanaayo arrimaha doorashada iyo xal u helida mushkilada taagan oo lagu qabto Muqdisho, Deni waxa uu sheegay inaysan jirin aaminaad ay ugu qeyb galaan maadaama taliska Farmaajo aan la aamino karin, sida uu yiri. Deni ayaa sheegay in xitaa marka ay tagaan Villa Somalia ay ka baqi jireen in raashinka sun loogu daro, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu ku tilmaamay inay la mid yihiin kooxda argagixisada Al-Shabaab oo aysan waxba ugu duwaneyn, isagoona muujiyay in Shabaab iyo Farmaayo aan la kala saari karin, sida uu hadalka u dhigay. “Al-Shabaab miyaan ka baqnaa mise Villa Somalia, sababtoo ah waxyaabaha ay adeegsanayaan wax farqi ah uma dhaxeeyaan, mar walbana khatar ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni. Saciid Deni ayaa cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ugu horyimaadaan in wadanku ku laabto nidaamkii kali-talisnimo ee laga soo gudbay 30 sano ka hor, iyadoo laga fogaanaayo qabiileysi iyo in dalku dib ugu laabto burbur iyo nidaam daro.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay weerar xun ku qaadeen deegaanka Yaaq-bari weyne oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca Koonfur Galbeed Somalia. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dab qabad-siisay deegaanka, islamarkaana ay ku mareen inay isaga guuraan dadka deegaanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay bas-beeleen guryo fara badan oo ay daganayeen dad shacab ah, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in arrintan ay ka dambeysay, kadib markii ay dadka deegaanku taageero u fidiyeen maleeshiyaad beeleed abaabulan oo dagaal kala hortegay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Ma jiro wax khasaare ah nafeed ah oo ka dhashay dhacdadan, marka laga reebo gubashada deegaanka Yaaq-bari weyne ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan falkaasi.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni has accused President of Somalia Mohammed Abdullahi Mohammed of dictatorial policies to stay in power. In a 135 minute-long speech at Puntland Development and Research Center, President Deni recounted successive talks on the September agreement on the electoral model. He claimed that his visit to Mogadishu in September 2020 had forestalled instability that could have befallen Mogadishu due apprehension about unilateral term extension by the Federal Government of Somalia. President Deni views September 17th electoral agreement as a defunct deal President Deni has slammed the International Community for insisting on the implementation of September 17th Agreement on the electoral model. “The February 19th incident followed September 17th Agreement” said President Deni, referring to demonstrations organised by the Union of Somali Presidential Candidates. President Deni had expressed concerns about Haramcad and Gorgor forces. “I have worries about the direction Somalia is taking. I always thought that security forces were organised along clan lines” President Deni said. He questioned the motives of Yusuf Mohamud Siyad Indha’ade, a former warlord, who claimed to have taken charge of the security at the venue for demonstrations and that Somalia did not have a government. “I don’t know what Indha’ade was up to. In 2006, he said that [Union of Islamic Courts] would pray in Addis Ababa after conquest. The other day he said something else. I don’t know whom he works for” President Deni added. © Puntland Post, 2021 The post Puntland President Rejects the September 17th Electoral Model Agreement appeared first on Puntland Post.
-
Degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, waxa ku soo xirmay shir ku saabsan Nabadaynta Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Ugaas Saleebaan oo dhowaan halkaas dirir ku dhexmartay. Labada beelood ayaa heshiis hordhac ah ka gaarey colaaddii dhexmartay, kadib markii Odayaasha dhaqanka labada dhinac iyo mas’uuliyinta dowladda Puntland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen xallinta arrimihii lagu muransanaa. Munaasabada soo xiritaanka shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirada Amniga, Cafimaadka, Howlaha Guud, Tamarta Biyaha iyo Macdanta, Wasiirdowlaha wasaaradda arrimaha Gudaha, Wasiirdowlaha wasaaradda Dakadaha, Guddoomiyaaasha Gobollada Bari, karkaar, Xildhibaano, isimo Guddoomiyaha Degmada qardho, Maamulka Degmada Iskushuban, culimo, Saraakiisha laamaha amaanka iyo labadii dhinac ee heshiiyay. PUNTLAND POST The post Heshiis Nabadeed oo laga gaaray Colaaddii degmada Isku-shuban appeared first on Puntland Post.
