-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Over the past decade, the tech industry in Africa has witnessed explosive growth. According to Briter Bridges, the number of tech hubs on the continent has almost doubled over the past few years. Countries on the African continent have the potential for profound economic change — change that will be driven by technology. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dowlad ku-meel gaadh ah ugu yeedhay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii dhammaan hay’adaha dowladda uu wakhtigu ka dhammaaday. Imaaraadka Carabta ayaa arrinta ku sheegay qoraal uu kasoo saaray rabshadihii Jimcihii ka dhacay Muqdisho, kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen musharaxiin mucaarad ah iyo shacab dibad-bax dhigayey oo dalbanayey inuu kursiga ka dego madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday. Wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaaneysa ee Muqdisho, oo ka dhalatay rabsdaha sii socda iyo awood u adeegsashada shacabka. Bayaanka ayaa lagu yidhi “wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah, waxay ugu baaqaysa dowladda ku-meel gaadhka ah iyo dhammaan dhinacyada inay muujiyaan heerka ugu sarreeya ee is-xakameynta, si loogu guulleysto hiigsiga shacabka Soomaaliya ay ku dhisayaan mustaqbal sugan oo xasilloon.” Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay dib u xaqiijineyso taageerada iyo hindisooyinka caalamiga ah si doorasho xor ah oo daah-furan looga qabto Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaalida inay gacmaha is-qabsadaan si looga hortago halista argagixisada iyo xagjirnimada. “Dowladda Imaaraadka Carabta waxay ku rajo weyn tahay in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto xasillooni, taasi oo joogteeneysa madax-banaanideeda qaran, kuna fulineyso hamiga shacabkeeda walaalaha ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka. Source
-
Jimcihii 19-kii February dagaal ka dhacay Daljirka Daahsoon oo maalinaas la filayay inuu bannaanbax ka dhaco ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa si kedis ku bilowday , kaas oo dhaxmaray ciidanka Dowladda iyo ilaalada musharaxiinta waxana xigay maalintii jimacaha 19-kii February in qol-qolotooyinka kale ay ka dhaceen waddooyin dhawr ah oo caasimada ah oo ay xireen ciidanka si ay u xakameeyaan dad doonayay in ay ka bannaanbaxan in xukunka dalka lagu sii joogo si sharci dara ah. In ka badan sagaal- qof ayaa ku geeriyootay halka lix iyo toban kalena ay ku dhawacmeen kuwaas oo isugu jira ciidanka ku dagaalamay nawaaxiga Daljirka Dahsoon iyo kuwo kale oo ku waxyeeloobay rasaasta ciidanka Dowladda ay ku rideen bannaanbaxyaasha. Maalintii ay dibadbaxyada dhaceen ee Jimacaha 19-ka February Degmada Kaaraan iska hor imaad ka dhacay ayaa la soo wariyay inay ku dhaawacmeen shan qof oo shacab aha halka qof kalena uu ku dhintay Saqdii dhexe habeenimadii isla habeenimadaas dagaal kale oo ka dhex bilowday ciidanka Dowladda ee Gorgor iyo ilaalada musharraxiinta oo ku sugnaa Daljirka – Daahsoon ayaa Goobjoog News loo xaqiijiyay in ay ka dhalatay khasaare isugu jira dhimashada shan qof oo labada dhinac ah iyo dhaawac Lix –kale halka rasaas wiifta ah uu ku dhintay hal qof laba kalana ay ku dhaawacmeen , degmada Warta-nabadda. Dhanka kale , Maymuum Bashiir waa 25- jir ku nool degmada Hodan gaar ahaan carwadii hore ee xoolaha halkaas oo rasaas ku haleeshay , xili saq dhexe ah markaas oo hurdada ay kaga soo salashay xabad kaga dhacday qaybta dambe ee jirkeeda. “Waxa ay ahayd habeen Jimca ah, marka ay rasaasta ku dhacday Maymuun runtii xaaladeedu markii hore waa ka naxnay waddooyinka maadama ay xirnayeen isbitaalna waan gayn waynay taasna waxay sababtay in markii jidad la furay in isbitaal ula cararno‘’ sidaas waxa sheegay ehelada Maymuun oo aan la hadalnay. Degmada Warta-Nabada laba qof ayaa ku geeriyootay laba kalana waa ay ku dhawacmeen ka dib markii ay haleeshay rasaas wiifta ah oo ay is waydaarsanayeen ciidanka Dowladda iyo kuwo ilaalo midowga musharraxiinta. Ehalada mid ka mid ah dadkii dhaawacmay oo magaciisa lagu soo koobay Kaadiye ayaa sheegay in dhawaca wiilkooda ka dib u naxdin uu u dhintay Axmed Saki Cumar oo 28 sano jir kaas oo ka mid ahaa dadkii gurmadka fidinayay. Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya wali lagama hayo wax war ah oo ku saabsan tirada khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Faallo PP ) — Sanadkii 2016 Puntland way ka cagajiidday ka qeybgalka doorashadii “Qabyo ninkeeda ayaa dhammaystira” oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh soo abaabulay. Ballantii dhammaynta xilligii ku meelgaarka ayaa ahayd in 2016 la qaban doono doorasho qof iyo cod. Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo kaalin ku lahaa gabagabeyntii ku meelgaarka wuu tanaasulay. Heshiiskii la saxiixay waxaa damaanadqaade ka ahaa Tedros Adhanom Ghebreyesus, madaxa Laanta Caafimaadka Adduunka (WHO), oo markaas ahaa Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Itoobiya. In Soomaaliya qaban doonto doorasho qof iyo cod kaddib doorashada 2017kii ayuu damaanadqaaday. Ma loo baahnaa kaalin damaanadqaade? Yaa leh eedda in Soomaaliya dib ugu noqoto doorasho dadban? Haddii dowladdii Xasan Sheekh lagu eedeyn waayay fulinta ballanqaadkii dhammaynta ku meelgaarka, miyaa dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu eedeyn karaa qabasho la’aanta doorasho qof iyo cod ah? Madaxweyne Cabdiweli Gaas (bidix) wuxuu oggolaaday doorashadii Higsiga markuu Tedros Adhanom Ghebreyesus noqday Damaanadqaadihii heshiiskii doorashada Garoowe lagu saxiixay 2016kii Ismariwaaga saameeyay doorashada muu aha mid laga gudbi karo haddii maamul federaaleedyada qaar u arkaan ragaadinta heshiiskii Sebteembar 2020 waddo colaad siyaasadeed lagaga aloosi karo Soomaaliya si eeddu u raacdo dowladda federaalka. Xoogaggii ka dambeeyay isbeddelkii dhacay 2009kii maanta waxay ku mideysan yihiin beddelista dowladda hadda jirta hase ahaatee ma haystaan sal siyaasadeed oo ay ku tiirsan karaan aan ahayn joogteynta xasiloonnidarro siyaasadeed. Sheekh Shariif Axmed, Madaxweyne hore, wuxuu isagoo Daljirka Dahsoon jooga ku halqabsaday sidii Shariif Xasan xilka Koonfur Galbeed uga tagay. Way adag tahay in isbahaysigii Muqaawamada dib ugu soo noqdaan saaxadda siyaasadda Soomaaliya. Isu soo baxyadii shalay ka dhacay qeybo ka mid Muqdisho waxaa magac ku helay dowldda waayo 85% Muqdisho isu soo baxyo kama dhicin, iskaba daa gobollada kale ee dalka. Wasiirkii Hore ee Arrimmaha Dibedda Soomaaliya Mudane Ismaaciil Hurre Buubaa wuxuu sheegay in “Midowga Murrashixiintu ay gorayo-khaakhleynayaan oo aysan hayn tartame u babacdhigi kara Farmaajo.” Beesha Caalamku waxay ku celcelisay hirgelinta heshiiskii doorashada laga gaaray Sebteembar 2020kii. Intee in le’eg ayay maamullada qaar ka cagajiidi karaan hirgelinta heshiiska? Gaas wuxuu 2016kii sheegay inuu doortay ka qeybgalka doorashadii “Higsiga” si dowlad uusan wax ka ogeyn oo uusan la xisaabtami karin aan loo dhisin inkastoo Puntland lagu ballafuray markii dib loogu noqday doorasho dadban. © Puntland Post, 2021 The post Heshiisyada Siyaasadeed ee Soomaalida Uma Baahna Damaanadqaade appeared first on Puntland Post.
-
Kala xulista Murashaxiinta Gobolka Togdheer ayaa maraysa meel xasaasi ah, iyadoo badi Beelaha dega Gobolkaasi isku murugsan yihiin xili wakhtigii xaraynta Xildhibaanadu gebo gebo ku dhawyahay. Arrimaha ugu xiisaha badan ee ka socda Burco waxa kamid ah masuuliyiin Xukuumadda Muuse Biixi ka tirsan oo Xildhibanadoodi geeyay Xisbiyada Mucaaridka. Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaji Axmed ayaa ka sharaxay labadii Xildhibaan ee beeshiisa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Jamaal Jaamac Yare oo Golaha Wakiilada u sharaxan iyo Cabdisalaan Buraale oo Golaha degaanka Burco u sharaxan oo ah jifada hoose ee Badhasaabka Hargaysa ayuu si rasmiya uga sharaxay Xisbiga UCID. Taas oo la yaab ku noqotay dadka rer Burco ee la socday kala xulista Murashaxiinta. Beesha Abokor Axmed Faarax oo kamid ah beelaha ugu codka badan Gobolka Togdheer ayaa la filaayay inuu Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex u shukaamiyo Xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE iyagoo midaysan, balse isagoo wax la doonaya jifidiisa hoose wuxuu laba Musharax oo ay Ilmadeer Labaad yihiin u kala sharaxay Golaha Wakiilada iyo degaanka isagoo ka soo sharaxay Xisbiga UCID, taas oo buuq ka dhalisay ardaayadi kale ee Beesha Abokor Axmed. Wararka Saxaafaddu helayso ayaa sheegaya in arrintaas ay siwayn uga soo horjeesteen ardaaga Cabdi Abokor iyo Cumar Abokor iyagoo ku eedeeyay Badhasaabka Maroodi-jeex inuu burburinaayo beesha Xisbigiisana khiyamaynaayo, iyagoo shaciyay inay dhankooda go’aan qaadan doonan. Xildhibaanda Baarlamaanka iyo degaanka oo Odayaasha dhaqanku soo xulayaan guud ahaan Somaliland waxa ka soo baxay hanaan lidi ku ah Xisbiyada iyadoo la arkay masuuliyiin Xukuumadda Xil u haya oo hadana Xildhibaanadooda ka soo sharaxaaya Xisbiyada kale. Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil ayaa kamid ah Masuuliyiinta Xildhibanadii degaankiisa ee (Aadan Waraabe iyo Saleebaan) ay iska sharaxeen Xisbiga WADDANI. Halka Jifada Bah-Awal oo ah ardaaga Wasiirka arrimaha Gudaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ay Murashaxoodi gaysteen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Talaabadan laba wajilaynta ah ee Badhasaabka Hargaysa uu qaaday waxay khasaare ku tahay midnimadii Beeshiisa iyo Xisbiga uu ka tirsanyahay taas oo banaanka keentay inuu kala socdo Xisbiga KULMIYE. Cawil Nuur Doonyo. Burco/Somaliland. Email: doonyayste@gmail.com Source
-
Warbaahinta caalamka ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa aad u hadal heysay rabashada ka dhacay dibadbaxyada nabadda ahaa ee uu diiday Farmaaj. Wargeyska afka dheer ee New York Times ayaa qoraalkiisa waxaa uu ku sheegay in dhibaatada ka dhalatay kadib markii Farmaajo uu dib dhigay doorashada kadibna uu diiday inuu xafiiska ka tago. Wargeyska kale ee dimoqraadiyiintu leeyihiin ee afka dheer Washington Post ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay qalalaaso dastuuri ah tan iyo markii uu dhammaaday muddada xilheynta madaxweynihii hore ee Farmaajo February 8. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in dagaal uu dhacay markii ay xukuumadda diiday dibadbax kadibna ay bandow gelisay dadka. Associated Press waxaa ay dhankeeda tabisay in qarax uu ka dhacay Airportiga, waxaa kale oo ay sheegtay in caburiyey dibadbaxayaal mucaarad ah. Mareegyada wax ka qoray sida Farmaajo ula dhaqmay mucaaradka waxaa ka mid ah: BBC, DW, City News, The Irish Times, Citizen News, The Hindu iyo qaar kale. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa “dowlad ku-meel gaar ah” ugu yeertay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii dhammaan hay’adaha dowladda uu watqiga ka dhammaaday. Imaaraadka Carabta ayaa arrinta ku sheegay qoraal uu kasoo saaray rabshadihii Jimcihii ka dhacay Muqdisho, kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen musharaxiin mucaarad ah iyo shacab dibad-bax dhigayey oo dalbanayey inuu kursiga ka dego madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday. Wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaaneysa ee Muqdisho, oo ka dhalatay “rabsdaha sii socda iyo awood u adeegsashada shacabka.” Bayaanka ayaa lagu yiri “wasaaradda arrimaha dibedda iyo xiriirka caalamiga ah, waxay ugu baaqeysa dowladda ku-meel gaarka ah iyo dhammaan dhinacyada inay muujiyaan heerka ugu sarreeya ee is-xakameynta, si loogu guuleysto hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ay ku dhisayaan mustaqbal sugan oo xasilloon.” Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay dib u xaqiijineyso taageerada iyo hindisooyinka caalamiga ah si doorasho xor ah oo daah-furan looga qabto Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaalida inay gacmaha is-qabsadaan si looga hortago halista argagixisada iyo xagjirnimada. “Dowladda Imaaraadka Carabta waxay ku rajo weyn tahay in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto xasillooni, taasi oo joogteeneysa madax-banaanideeda qaran, kuna fulineyso hamiga shacabkeeda walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.
-
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, kuna taariikhaysan 20-2-2021 ayaa lagu magacaabay Taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor, wuxu Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug u magacaabay G/sare Maxamed Nuur Cali (Gidaar), sida ku cad wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa. Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug, ayaa isna loo magacaabay Gaashaanle Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Kheyre). Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay la shaqeeyaan taliska cusub ee la magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay Taliyaal ciidan appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland developed tribe model of democracy. The new model of democracy has developed for Somalilanders and they are introducing it to the world. It is more sophisticated, fair, free, and transparent. The process of selection or nominations goes in three stages. The process of the selection approach is a bottom-up procedure. First stage is crucial, the panel members that are selecting the candidate are elders of the tribe. The head of the panel is the chief of the tribe, and each subtribe has forwarded its own individual candidate, that is, where main severe challenge starts, and tribe loyalty runs deep. The tribes are not able to appoint more than 2 or maybe 1 candidate, depending on the number of their voters. Winning the seat, depends on what way the tribes organized its people. If the tribe failed to manage its own candidates, there is more of a chance that the tribe would be unsuccessful in nominating a candidate or to win a seat in the house of representative or a consulate or the mayor in the city. The election bitterness along with the tribal candidates as well as the subtribes candidates’ resentment towards each other starts in the first stage. The tribal society understood and recognized the differences between enmity and adversary. The rural or nomadic person knows the competition and if he lost, he would accept it, the problem is those who live in the urban, if they lost, they would never forget. The second stage is a party selection, the party is looking for the best organized candidate, at the same time the one that has backing and is persuading his/ her tribe to vote in order to win the seat. When the tribe submitted to its candidate, the tribe elders asked the party to designate their candidate list. At the same time, the elder tribes would promise to vote for its candidate in order to secure his/her seat. The second stage is not critical, but this stage creates bewilderment amongst the tribes. Most of the time, the candidate who failed to get nomination from his/her tribe, would lead to allegation of election fraud. The third stage is the final phase, the true and official election date. It Is the day every tribal selected candidate faces the last elections; it is day three Somaliland party’s cast a vote/ballot. It is the real democratic voting system. It is a one person, one vote, no matter who you are, what tribe you belong too, and what colour you are. The last stage election has performed the national recognized election commission. After the elections are conducted, the national election commission would be announcing the winners of the election. Most of the democratic nations have been exercising the last stage, which is one person, one vote election. Somaliland has the most expensive democratic election in the world. Every stage of election has its own cost, time and exert. Each candidate has spent thousands of dollars, along with effort, and time, for those three stages. Even though this kind of election procedures is often called backwards or an uncivilized election by many people, it is one of the purest democratic election. Democracy is combined of two Greek words, demo “people” and Cracy “rule” which means that the people have the power to select their governing representative or implemented direct democracy which, means direct voting to any policy onward from that moment. Even before European colony arrived, Somaliland people had elected their leaders. Somaliland have practised democracy for a long time, the concept and brand name of democracy is one of the types of government that originated from the ancient Greeks. The Greeks capital that implemented and practiced democracy was Athens, the period was between 500 to 508 BC or CE as most scholars have stated. The Greeks had tribes, the main tribes were Aeolians, Lonians and Dorians. Along with democracy, Greek tribes were practiced as a monarchy, aristocracy, and autocracy. Democracy was the form of government that people used to rule one another. The first person introduced the phrase of tribal democracy was the famous leader of South Africa, Nelson Mandela, at the same time, scholars also use this term “Tribal Model of Democracy”. The Somaliland tribes as well as other Somali tribes approached two procedures for appointment for head of the tribe, the first one is inherited and second is elected. In general, Somalis have always culturally practiced democracy. In conclusion, the purpose of these short remarks is to shed the light on how Somaliland’s government, the Somaliland population and each one of us are delighted to approve tribalism. Somaliland people go through milestones to legitimize tribalism in every inch of our lives. Somaliland requires real democracy to be put into practice, which is allowing individuals their right. Each one of Somaliland citizens have their own lives, liberty, and property. Every Somalilander has self-possession and must have pledged their allegiance to the country, not to the tribe. By Emboldening a refusal to vote for tribal intent, the Somaliland youth will have an advantage in carrying out full autonomy for themselves. Qaran News
-
Erik Prince oo ah qandaraasle dhanka amniga ah, xulafana la ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, ayaa jabiyay cunnaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay saartay Libya, baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa ku helay warbixin faahfaahsan oo ay Jimcihii qortay warbaahinta Mareykanka. Warbixin qarsoodi ah oo loo diray Golaha Amniga ee QM, oo ay heleen wargeysyada New York Times iyo Washington Post, ayaa lagu sheegay in Prince uu sanadkii 2019-kii geeyay hub iyo ciidan calooshood u shaqeystayaal shisheeye ah oo taageeraya Khalifa Haftar, oo u xusul duubaya in uu rido dowladda Libya ee ay Qaramada Midoobay taageerto. New York Times ayaa qortay in howlgalka oo ay ku baxday $ 80 milyan ay ku jirtay qorsheyaal lagu unkayo koox qaabilsan ugaarsiga taliyeyaasha Libya ee ka soo horjeeda Haftar, kuwaasi oo ay ku jireen shaqsiyaad haysta dhalashada Midowga Yurub. Prince, oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada Navy SEAL ee Mareykanka, ayna sidoo kale walaalo yihiin Wasiirkii Waxbarashada ee Trump, Betsy Devos, ayaa sumcad xumo ka soo gaartay xilli uu ahaa madaxii shirkadda amniga ee Blackwater, oo qandaraaslayaasheeda lagu eedeeyay in ay sanadkii 2007 ku dileen magaalada Baghdad dad rayid ah oo aan hubeysneyn. Afar ka mid ah kuwa loo xukumay falkaasi ayaa waxaa sanadkii hore cafis u fidiyay Trump. Eedeyntan ayaa suurtagal ka dhigi karta in Prince uu wajaho cunnaqabateyn ay saarto QM oo ay ku jirto xayiraad dhanka safarka, sida ay New Times qortay. Xigasho VOA Somali PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo sheegtay in lagu Xadgudbay Cunaqabateynta hubka ee Libya appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta ku wareejiyay Agab Caafimaad Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, si wax loogu qabto dadka la xanuunsanaya Caabuqa Coved19 ee ku jira Cusbataalka Martiini. Agabkan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee lagula tacaalo Cudurka Covid 19 ayaa waxaa ka mahad celisay Wasiirka Caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur iyadoo aad usoo dhoweysay tallaabadan ay qaadeen maamulka Gobolka Banaadir. View the full article
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM ayaa taageero u muujiyey in shacabka Muqdisho ay dibad-bax dhigi karaan, kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen dibad-baxayaal dalbanayey in Farmaajo ka dego kursiga, maadaama waqtigu ka dhammaaday. António Guterres ayaa qoraal uu kasoo saaray rabshadaha ku muujiyey inuu aad uga walaacsan yahay wixii dhacay, wuxuuna dhinacyada ugu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn. Xoghayaha guud ayaa sidoo kale ugu baaqay hogaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay si deg deg ah isugu yimaadaan, si ay usoo geba-gebeeyaan heshiis doorasho lagu qabto oo waafaqsan heshiiskii 17-ka September. “Xoghayaha guud waxa uu sidoo kale ku baaqayaa inay si buuxda loo xushmeeyo xuquuqda ay dadka u leeyihiin inay si nabad isugu yimaadaan iyo xoriyadda hadalka,” ayuu yiri António Guterres oo taageero u muujinaya dibad-baxyada. Waxa uu sidoo kale ku celiyey taageerada buuxda ee QM ay u hayso waddada ay shacabka iyo dowlad Soomaaliya ku gaarayaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo. Hadalka António Guterres ayaa imanaya ayada oo xaaladda Soomaaliya ay kasii dareyso, islmarkaana waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse uu diidan yahay inuu doorasho qabto ama kursiga ka dego.
-
Qalqal galin amni oo ay sameeyeen xubnaha mucaaradka ee tartanka ugu jira kursiga uu ku fadhiyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sababtay in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku dhacaan madaafiic aan la ogeen cida tuurtay , Wararka ku dahaaran madaafiicda lagu tuuray garoonka diyaaradaha waxaa la sheegay in ay ku hoos duugan tahay siyaasad gaar ah oo la doonayo in aduunka lagu tuso in soomaaliya aysan ka jirin nabad la isku haleyn karo sidoo kalana ujeedka laga lahaa ay tahay in ay joogsadaan gabi ahaanba diyaaradaha ka duuli jiray garoonka iyo kuwii kasoo dagi jiray iyo guud ahaanba howlaha garoonka waxaana la tilmaamay in qorshahaasi ay sameeyeen mucaaradka dowlada kasoo horjeeda , Qaar kamid ah shacabka ku nool muqdisho oo la hadlay Shabeele ayaa waxa ay sheegeen in dadkaasi iyaga ah aan xiligaan dalka lagu aamini Karin maadaama fikirkooda uu ka badin waaye in ay weeraraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka uu ku faano . Shalay ayeey aheyd markii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uu ku dhacay Madfac sababay in ay gubtaan goobo ganacsi oo ku yaala gudaha garoonka waxaana ka dhashay hadal heyn badan oo ku saabsan cida sax ahaanshaha fikirkaasi lagu weeraray ka dambeysay. Idaacada Shabeelle oo u kuur gashay qaabka uu falkaasi ku dhacay iyadoona dad badan ay isla qireen in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday garoonka xubnaha mucaaradka ee dowlada kasoo horjeeda. View the full article
-
Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka halista ah ee COVID-19 ee deegaanada Maamulkaas, kadib markii uu Cudurka kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya. Wasiiru dowlaha Caafimaadka Hirshabeelle Muxudiin Mukhtaar Macalin ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu maalmihii lasoo dhaafay ku faafay Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne, isla markaana ay diiwaan-geliyeen kiisas dhowr ah. Muxudiin Mukhtaar ayaa sheegay in Gobolka Shabeellaha Dhexe bishaan laga diiwaan-geliyay 9 qof oo qaba Cudurka, kadib markii lagu ogaaday baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay, ayna dadkaas ku jiraan qaar kamid dhaqaatiir Caafimaad. Waxaa uu intaas kusii daraya Wasiiru dowlaha in Baladweyne dad ku sugan oo gaaray 100 qof laga baaray Cudurka, isla markaana 28 kamid ah dadkaas laga helay oo ku jiraan laba ruux oo Ajaanib ah kana yimid dalka Koonfur Afrika. Dadka laga helay Cudurka ayuu tilmaamay in la geeyay Xarun gaar ah oo loogu tala-galay lagu karantiilo, isagoona xusay in Wasaaradda Caafimaadka DFS maalmihii dambe aysan Hirshabeelle kusoo daran deegaanada laga diiwaan-geliyay kiisaska Cudurka. Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa kusoo laba kacleeyay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Wasaaradda Caafimaadka dowladda si maalinle ah u shaacisaa dad badan oo laga helay Cudurka iyo kuwo u dhintay intaba. View the full article
-
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in si dhaw ay ula socdaan Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan is marin waaga ka taagan Doorashooyinka & isku dayga dibadbaxa musharixiinta oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay daabacway Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee loosoo gaabiyo SPA ayaa lagu sheegay in xalka uu yahay habka ugu habboon ee looga fogaanayo dhibaatooyin kale. Boqortooyada ayaa dhibka la qaybsatay qoysaska dadkoodu waxyeeladu gaartay, dhaawacyada ayay u rajeysay in ay ka caafimaadaan, waxaana ay tilmaamtay in ay xoojineyso dedaal weliba oo lagu gaarayo miiska wadahadalka oo ah goobta ugu habboon ee wax lagu saxo. Sacuudiga ayaa ku biiraya Dalal, Ururo & dadka kala duwan sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD & kuwo kale oo ka falceliyay isku dhacii habeen kahor Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka & ilaalada Musharixiinta, View the full article
-
Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa xiligaan waxaa uu kulan uga socdaa Xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka diyaaradahha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee Cakiran dalka, xiisada soo korortay ee Magaalada Muqdisho iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa oo weli aan heshii laga gaarin. Wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+ ayaa sigaar ah uga arrinsaneysa sida lagu xalin karo xiisada siyaasadeed ee dalka, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda War-saxaafadeed kasoo saaran kulankooda, kuna wajahan xaaladda dalka. Kulan ayaa waxaa uu kusoo beegmay kaddib markii shaqaaqooyin sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen magaalada. View the full article
-
Madaxweyne-xigeenka S/land oo ka qaybgalay Xuska Maalinta dhallinyarada Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka ka qayb-galay Xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland ee (UFO) oo sannad walba laga xuso Dalka 20-Febraury-1982 Maalintii Dhagaxtuurka ay sameeyeen qaar ka mid ah dhalinyaradii Somaliland. Munaasibadda lagu xusayay oo lagu qabtay beerta xoriyadda ee Magaaladda Hargaysa oo ay goob joog ahaayeen ardayda dugsiyadda sare, hoose dhexe iyo qaar kamida dhallinyaradii dhagax-tuurka samaysay wakhtigaasi ee UFO oo uu kala qaybgalay khudbadna u jeediyey madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku dheraaday muhiimadda ay qaranka Somaliland u leedahay Maalintani ayaa yidhi” Maanta waa maalintii dhalinyaradda, waa xuskii UFO, waa maalin qaran oo mudan inaynu waynayno tusaalena u ah wixii qarankan loo soo maray, waxaanan dhalinyarada ugu baaqayaa inay ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda qarankoodana ilaashadaan”. Sidoo kale waxa halkaa khudbaddo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex, maayar ku xigeenka caasimada, gudoomiyaha Sonyo, siyaasiyiin iyo qaar ka mida dhalinyaradii wakhtigaasi dhagaxa-tuurayey. Qaran News
-
Doctor says 5 killed in Somalia's election-related violence
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU, Somalia -- A health worker in Somalia’s capital says at least five soldiers were killed and more than a dozen people, mostly civilians, were wounded in violence related to protests over the country’s delayed election. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa kusoo biirtay dowladaha ka hadlay rabshadihii Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ku dhex maray dowladda iyo musharixiinta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladaha Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka taagan Doorashada Soomaaliya iyo rabshidihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho. Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga ee SPA ayaa lagu sheegay in wadahadalka uu yahay xalka ugu fiican ee looga hortagi karo inuu dhaco dagaal dhiig ku daato. “Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga waxa ay indhaha ku heysay horumarka Soomaaliya & Dhacdooyinka walaalaheen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa wax laga xumaado in dhimasho iyo dhaawac dad ku noqdaan isku dhac ka dhacay Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga. Sacuudiga ayaa dhinacyada khilaafka ka dhaxeyo ugu baaqday in si deg deg ah loo gaaro xal nabadeed oo lagu soo afjaro khilaafka taagan halkii la door bidi lahaa dagaal iyo rabshado. “Waxa aan adkeyneynaa daganaanta walaalaha Soomaaliya oo aan leenahay waa in aad xal nabadeed ka gaartaan kuna dhammeysaan wax waliba oo la kala tabanayo si loo taageero nabadgalyada, Xasiloonida & wadajirka” ayey tiri Wasaaradda. Sacuudiga ayaa ugu dambeyntii dadkii ku dhaawacmay rabshahadaas u rajeysay caafimaad deg deg ah waxayna sheegtay inay murugada la qeybsaneyso qoysaska ay dadkooda dhibaatada soo gaartay. Sacuudiga ayaa ku biiraya Dalal, Ururo & dadka kala duwan sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD & kuwo kale oo ka falceliyay isku dhacii habeen ka hor Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka & ilaalada Musharixiinta, dibadbaxyaasha lagu rasaaseeyay Caasimadda & khilaafka ka taagan Doorashooyinka Dalka.
