Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta war-saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray is-mari-waaga doorashada iyo rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, xili uu dhamaday muddo xileedkii madaxweynaha iyo hay’adda dastuuriga ah ee dowladda. Jubbaland ayaa waxay sheegtay inay si mug leh u fahamsan tahay muhiimada ay leedahay in dalka ka qabsoomto doorasho wada-ogol ah, oo ku saleysan hufnaan, xor iyo xalaalna ah, islamarkaana ay dadaal badan ka sameysay sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa hanaanka doorashada. “Xalinta cabashooyinkaas ayuu Madaxweynaha dowlada Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam u tagay magaalada Dhuusamareeb, ugana qeyb qaaty shirkii halkaas kadhacay Febraayo 2-6 ee Dhuusamareeb-4, kaaso nasiib darro madaxweynaha federaalka kasoo tegay iyadoonan xal la gaarin,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxay sheegtay inay tanaasul badan u sameysay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada, waxayna sheegtay inay magaalada Baydhabo u dirtay xubnaheeda uga mid noqonayey xubnaha Guddiga Farsamada ee loo xil saarey inay ka shaqeeyaan turxaan bixinta iyo xal u helida cabashooyinkaas kor ku xusan ee ka dhashay heshiiskii 17-September ee lagu gaaray Muqdisho. Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay qaaday tallaabooyin gurracan oo xoog sheegasho ah, kuwaasi oo aan waafaqsaneyn sharciga, islamarkaana waxyeelo u geysatay muwaadiniin gudanayay xaqooda dastuuriga, midaasi oo wiiqeysa dadaaladii doorashada, sida lagu yiri qoraalka. Dowladda goboleedka Jubbaland ayaa ugu dambeyntiina ku baaqday 5-qoddob, ayada oo dalbatay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hanaanka doorashooyinka, si bey yiraahdeen loo helo kalsoonida dhamaan saamileyda siyaasada ee dalka. Hoos ka aqriso qoddobada oo dhameystiran; 1. Dowlada Federaalka ee xiligeedu dhamaaday inay garowsho iyo raalli-gelin ka bixiso tallaabooyinka gurracan iyo waxyeelada ay u geysatay muwaadiniinta iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka. 2. In la isugu yimaado shir ay kasoo qayb gelayaan dhamaan saamlleyda siyaasadeed ee dalka. 3. In goobta uu shirkaas ka dhacayo noqoto goob amnigeedu lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeeduna lahaato beesha caalamka. 4. In la helo damaanad-qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas. 5. In Madaxweynuhu Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida dhamaan saamileyda siyaasadeed” ee dalka.
  2. Baarlamaanka carabta oo ka ambaqaadaya sida uu u taageerayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo Ilaalinta qarannimada iyo bedqabka dhuleed ee Soomaaliya iyo inuu dunida taageero ugu helo sidii Soomaaliya u gaari laheyd horumar iyo xasilooni ayaa waxaa uu: Waxaa uu soo dhoweynayaa casuumaadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee qabshada shir wadatashi si loo helo xal wadar ogol ah, oo xoojinaya amniga iyo xasiloonida dalka, qeybna ka noqonaya in la gaaro heshiis meesha ka saara caqbadaha ku hor gudban diyaarinta doorasho guud, si loo xaqiijiyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed ee helitaanka nolol, amni iyo horumar. Waxaa uu ugu baaqayaa dhinacyada kala duwa ee jamhuuriyadda iney qeyb ka noqdaan wadahadallada, hormariyaanna maslaxadda guud ee shacabka si loo gaaro midnimo qaran oo doorasho lagu qabto sida ugu dhaqsoyaha badan. Waxaa uuna ugu baaqayaa jaamacada carabtq iyo beesha caalamka iney taageeraan dib u heshiisiin qaran oo lagu soo afjarayo dhibaatooyinka hortaagan diyaarinta doorashooyinka. Waxaa uu cambaareynayaa weeraradii argigixiso ee ka dhacday caasimadda Muqdisho kowdii iyo saddexdii February 2021 kuwaas oo uu dhaawac iyo dhimasho kaso gaareen dad badan, waxay adkeyneysaa sida ay Soomaaliya ugu garab taagan tahay ladagaalanka argigixisada, kuna taageereyo talaabo kasta oo looga hortagayo kooxahaas ka shaqeeya fawdada iyo burburka. Waxaa uu ugu baaqayaa jaamacad carabta iyo beesha caalamka in Soomaaliya ku gacan qabtaan sidii ay cagta u saari laheyd horumar iyo barwaaqo, waxaa kale oo uu ku baaqayaa in la joojiyo faragelin kasta oo dibadda oo ku aadan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, lana taageero qaranninada Soomaaliya ee dhul, bad iyo hawada ee ka dhanka ah qabsashada gumeysataha cusub. Source: goobjoog.com
  3. Mogadishu (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo has launched the delayed two-day Leadership Consultative Summit on Sunday to discuss the implementation of the September 17 Agreement with the noticeable absence of Jubaland and Puntland. Source: Hiiraan Online
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida ku timid Fanaanadii Faadumo Cali Nagruuma oo ka tirsaneyd hobolada Qaranka Waaberi. Ra’iisul Wasaare Rooblen ayaa tacsi u diray qoyska Marxuumada, bahda fanka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Faadumo Cali Nagruuma ay kamid aheyd tiirarka fanka Soomaaliyeed. “Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Faadumo Cali Nakruuma. AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Allaha u naxariistee Faadumo Cali Nagruuma ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay ku xanuunsaneysay isbitaalka Martiini, isla markaana waxaa haleelay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo dalka kusoo laba kacleeyay. View the full article
  5. Ciyaaryahanka Kooxda Kubbadda Cagta Dekedda Cabdicasiis Maxamed Catoosh ayaa ka tagay ayaa saddex sano ka dib ka tagay kooxdiisa,isagoo intii joogay ku guulaystay labo jeer oo horyaalka Somalia Premier League iyo Somali Super Cup. “Way Mahadsanyihiin Maamulka,Macallimiinta iyo taageerayaasha Dekedda,runtii ma aheyn go’aan fudud in aan ka tago kooxdaydii hore Dekedda,balse waxaan u rajaynayaa guul iyo horomar” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Ciyaaryahan Cabdicasiis Maxamed Catoosh Dhinaca kale ku simaha guddoomiyaha ah Macallinka kooxda Dekedda ayaa isna sheegay in uu mahadcelinayo ciyaaryahan Catoosh waqtigii wanaagsanaa uu ku qaatay naadiga Dekedda,balse ay kooxda horay u soconayso. “Ciyaaryahan Catoosh,wuxuu ka mid ahaa xidigaha ugu wanaagsan ee kooxdeen,balse hadii uu gartay in uu kooxda ka tago,waxaan u rajaynayaa gul iyo horomar” ayuu ugu waramay Goobjoog Sports tababaraha kooxda Dekedaha Yuusuf Cali Nuur (YUU-Cali) Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali) Oo Loo Magaacabay Guddoomiyaha Kumeel Gaarka Ah Ee Kooxda Dekeddaha W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. Shirka amniga oo ay ka qayb galeen Taliyaasha Saldhigyada loo xil saaray sugidda amniga iyo Saraakiisha Booliska Gobalka ayaa looga hadlay shirka manta iyo sidoo kalle xoojinta amniga ka hortagista Maandooriyaha iyo dhalinyarada dhaca xatooyada u geesta dadweynaha xiliyada habeenkii ah kuwaas oo ay jiraan kuwa badan oo ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen Maxkamada La Horgeen doono xili dhow Kusimaha Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Le Yuusf Cabdi Cartan ayaa ka war bixiyay natiijada shirka amniga isagoona sheegay in la isla gartay in bulshada Gobalka Bari ay muujiyaan xoojinta amniga iyo garab istaag ay siyaan ciidmada Booliska si looga hortago wax walba oo dhibaato amni sameenkara. Waxa uu sheegay in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay Khamri,Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadinksta sharciga la marsiin doono. Sarakiisha Boolsika Gobalka Bari ayaa ugu danbeyn Shacabka Bosaaso ka codsaday in laamaha amniga ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajintiisa. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Bari oo ka shiray Amniga Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hor-yimid in musharaxiinta mucaaradka ay la kulmeen madaxweynaha maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor Qoor. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid aan habooneyn, xilli aan la ogeyn mowqifkooda ku aadan weerarkii uu Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay metelaan labadaas madaxweyne goboleed, sida uu hadalka u dhigay. Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta lagu rasaaseeyay wadada aada garoonka diyaaradaha iyagoo dhigaya dibad bax nabadeed, ayaa wax aan suuragal aheyn ku tilmaamay in shir doorasho lala galo ninkii weeraray hotel ay laba madaxweyne iyo gudoomiye baarlamaan hore dagan yahiin. Qoraalkaan uu hogaamiyaha soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay wakhtigaan “in kaligii taliska laga badbaadiyo dalka”, wuxuuna aaminsan yahay in qof walba oo ka hor timaada dhaqanka uu kaligii talisnimo ku tilmaamay iney gudatay waajib wadani ah iyo mid akhlaaqi ah. HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA ABDIRAHMAN ABDISHAKUR: Waxaan marna maangal aheyn in shir doorasho lala galo ninkii weeray hotel ay labo Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan hore degganyihiin, weeraray shacab iyo masuuliyiin siyaasadeed oo muddaaharaad nabad ah dhigaya. In dalka laga badbaadiyo kala talisnimo iyo natiijadeeda oo ah dirir sokeeye waa masuuliyadda saaran Soomaali oo idil. Haddaba siyaasiyiinta iyo madaxda Dowlad Goboleedyada iyo inta damiirka leh ee diiddan dhaqanka kali talisnimada iyo in dalku dagaal sokeeye dib ugu noqdo, waxey gudanayaan waajib waddani ah iyo mid akhlaaqi ah. Ma aha in ay cidna marti uga noqdaan ama uga haybeystaan badbaadinta dalkooda. Taariikhda ayaa xusi doonta. Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan. Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa.
  8. Dowladda Kenya oo dhowaan ku guul darreysatay dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya ayaa haatan bedashay dhammaan qareenadeedii dacwadda badda ee taal maxakamadda ICJ. Kenya ayaa soo xulatay illaa siddeed qareen oo cusub, kuwaas oo 7 ka mid ah ay yihiin Ajaaniib ah, halka xubinta 8-aad ay tahay haweeney Kenyaan ah. Qareenadan ayaa dhammaantood ah kuwa caalami ah oo leh qibrad sare, islamarkaana kasoo shaqeeyey xarumo kala duwan & jaamacado, waxaana hoggaaminaya nin lagu magacaabo Prof Sean Murphy oo uu weheliyo qareen kale oo la yiraahod Tullion Treves. Halkan hoose ka aqriso magacyada:- 1: Hoggaamiyaha qareenada oo lagu Magacaabo Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law, 2: Garsoore hore iyo bare Culuumta Sharciga ka dhiga dalka Ingiriiska Tullion Treves., 3: Prof Laurence Boisson De Chazournes oo isna khabiir ku ah sharciga caalamiga kana socda jaamacadda Geneva ee dalka, 4: Prof Phoebe Okowa, oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee London ayaa ah qofka kaliya ee Kenyanka ah, waxaana ay qeyb ka aheyd dacwada badda ee Gambia ka gudbisay Myanmar, 5: Prof Makane Mbengue, oo reer Senegal ah, oo ka dhiga sharciga caalamiga ah Jaamacadda Geneva., 6: Sidoo kale waxaa kooxda ka mid ah Prof Makane Mbengue, oo reer Senegal ah, oo dhiga sharciga caalamiga ah ee Jaamacadda Geneva., 7: Christian Tams, oo bare ka ah Jaamacadda Gasglow. Waa Muwaadinad Jarmal ah, iyada oo dhowr jeer ka soo muuqatay isla maxkamada kiisas kala duwan iyo 8: Eran Sthoeger oo laga keenay Israel, waxaana uu ka qeyb qaatay kiisas u dhaxeeyay dalalka Peru & Chile. Xubnaha ay Kenya soo xulatay sidoo kale waxaa ka mid ah madaxweynaha Nuqulada Juquraafiga Coalter Lathrop, kaas oo qareenada u fidin doono caawimaad dheeri ah. View the full article
  9. Kooxda Kubbadda Cagta Elman ayaa shaqada ka fasxada Macallin Muraad Cabdiqaadir Maxamed oo Elman maamulayay afartii bil ee la soo dhaafay,isagoo hogaaminta naadiga Elman ugu yimid Magaalada Londan ee Dalka UK. Macallin Muraad oo aqoon wanaagsan u leh xirfadda kubbadda cagta ayaa intii uu maamulayay kooxda Elman,waxa uu geliyay waqti adag,iyadoo maamulka sare Elman ay sheegeen in fasixada tababare Murad ay aheyd go’aan adag,balse ay guul iyo horomar u rajayanayaan macallinkoodii hore Muraad Cabdiqaadir Daahir. “Tababare Muraad waxa uu ahaa shaqsi dhalinyaro ah,waxaan jecelaan laheyn in uu sii joogo Elman,balse waqtigiisa ayaa halkaa ku ekaa,waxaan u rajaynayaa guul iyo horomar” ayuu qoraal u sheegay Cali Axmed Maxamuud (Kuukaay) oo ah Guddoomiye ku xigeenka kooxda kubbadda cagta Elman. Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Elman Badri Axmed “Guul Iyo Horomar Ayaan U Rajaynaa Maamulka Iyo Ciyaartooyda Kooxda Elman” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  10. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano la xariira faafitaanka cudurka Covid-19 si loo ilaaliyo badqabka shaqaalaha Hey’adaha Garsoorka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee adeega u doonta xarumaha garsoorka. Dhammaan howlwadeenada garsoorka, ciidamada amniga, qareenada iyo shacabka adeega caddaalada u soo doonta Hay’adaha garsoorka dalka ayaa la faray in ay xirtaan Af-saabka (Mask) ilaaliyaana kala fogaanshaha iyagoo isku jirsanaya ugu yaraan labo talaabo. Halkaan Hoose ka Akhriso go’aanada:- View the full article
  11. Allaah U naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay fanaanaddi hobalada Waaberi Faaduma Cali Nakaruma. Nakaruuma ayaa malmaihii u danbeyay waxa ay la xanuun saneysay cudurka Corana Virus taas oo ay maanta ugu geeriyootay isbitaalka Martiini. Faadumad Cali Nakaruuma ayaa waxa ay doorweyn ka soo qadatay Fanka Soomaalida iyadoo muddo ka badan 30 sano ku jirta Fanka. Nakaruuma ayaa waxa ay qaadday intii ay fanka ku guda jirtay heesa badan oo hirgalay kuwaas oo isugu jira heeso Wadani, Jaceyl iyo Kuwa guubabo ah . Aun Maanta ayeey magaalada Muqdisho ugu geeriyootay xanuunka Covid-19 Faaduma Cali Nakaruuma. Source: goobjoog.com
  12. Waxaa maanta Muqdisho ku geeriyoodey Illaahay ha u naxariistee Fanaanadii Caanka ahayd Faadumo Ali Nakruuma, Nakruuma waxay kamid ahayd Hoboladii Barisamaadka ee Waaberi, Nakruuma oo in Mudo ah ku noolayn Dalka Canada waxay Sanadihii dambe kusoo laabatay Dalka, Marxuumada ayaa maanta ku geeriyootay Magaalada Muqdisho. Guud ahaan Umada Soomaaliyeed ayaa looga tacsiyaynayaa Geerida Fanaanada, waxaa si gaari ugu tacsiyeynaynaa Qoyskii ay ka baxdey. Puntlandi.com Muqdisho Source
  13. MOGADISHU (HOL) - Somali songstress famous for her songs on love and patriotism Fadumo Ali Nkruumahha died of COVID-19 in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  14. (SLT-Muqdisho)-Waxaa goor dhawayd Magaalada Muqdisho gaar ahaan cisbitaalka Martiini ku geeriyootay Fanaanadii Faadumo Cali Nagruuma oo ka tirsaneyd hobolada Waaberi. Allaha u naxariistee Faadumo Cali Nagruuma ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay ku xanuunsaneysay cisbitaalka Martiini, isla markaana waxaa haleelay Cudurka halista ah ee COVID-19. Geerida Marxuumada ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladeeda Source
  15. Allah ha u naxariisto waxaa isbitaalka Martiini Cudurka Covid-19 ugu geeriyootay Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid ahayd Hobolada Qaranka Waabari. Faadumo Cali Nakruuma ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2018kii, dalka dib ugu laabatay,maadama ay qurbaha ku nooleyd tan iyo markii dagaallada sookeeye ay Xamar ka billowdeen sanadkii1991-kii. Nakruuma waxay fanka Soomaalida ku biirtay bartamihii lixdanaadkii, waxayna muddooyinkii dambe ka mid ahayd Haweenka nabadda u ololeeya. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta shir u ka bilowday Madaxtooyada Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Madaxda dowladda goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, waxaa shirkaas goobjoog ka ah Wakiilada Beesha caalamka oo uu hogaaminayo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaana looga hadlayaa arrimaha doorashada iyo xaalada cakiran ee dalka. Shirkaan oo ay ka maqan-yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxa uu imanayaa xili ay kacsan tahay xaalada caasimada dalka ee Muqdisho, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen rabshado u dhaxeeyay dowladda iyo Musharaxiinta mucaaridka. Wararka ayaa intaas ku daraya in shirkaan uu hordhac u yahay kulankii uu hore u iclaamiyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday kaasi oo uu iskugu yeeray madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ku taariikheysnaa 18-ka ilaa 19-ka bishan. Waxaa weli dalka ka taagan, gaar ahaan caasimada muranka doorashada, midaasi oo ay si weyn iskugu hayaan madaxda dowladda ee waqtigoodu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka ee u tartamaya xilka madaxweynaha. Wixii kasoo kordha shirkaan kala soco Caasimada Online.
  17. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Axad ah xarunta Madaxtooyada kula shirsan qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Kulanka ka socda Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, oo ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka dalka, waxa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Kulankan ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii uu qabsoomi waayay shir ku saabsan Arrimaha Doorashada, oo uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, kaas oo la doonayay in Muqdisho lagu qabto 18-19kii bishan February 2021. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaan aqbalin ka qayb-galka Shirkaaas, sida lagu sheegay Qoraal xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Arrimaha Doorashada oo ka socda xarunta Madaxtooyada Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda kulan la leh Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa looga hadlayaa khilaafka xoogan ee weli ka taagan arrimaha Doorashooyinka dalka ee 2021-ka. View the full article