-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka iyo arrimaha soo kordhay, gaar ahaan xiisada magaalada Muqdisho. Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay ka fiirsaneyso ka qeyb-galka shirka ka dhacaya caasimada ee uu iclaamaiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, maadaama ay soo korortay xaalada amni oo ka jirta Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda la dhigay waddooyinka, islamarkaana ay ka fiirsan doonaan tagistooda caasimada. “Mar haddii aysan is fahamsaneen dadkii wax wada lahaa waa in aan ka fiirsanaa tagista Muqdisho & ka qaybgalka Shirka, Ciidamadii & Siyaasadiinta haddiiba ay kala qaybsameen waa in aan marwaliba ka fiirsanaa tallaabooyinka aan qaadeyno oo ku xiran mowqifkeena,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland. Puntland iyo Jubbaland oo horey warsaxaafadeedyo ay usoo saareen ku cambaareeyey rabashadihii ka dhacay Muqdisho iyo dibad-baxa laga hor-istaagay mucaaradka. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan xaaladda dalka ay aad u cakiran tahay, islamarkaana uu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga golaha qaranka.
-
Odayaasha dhaqanka Gobolka Gardafuu ee Puntland, ayaa guddi u saaray xiisad u dhexaysa dowladda iyo malayshiya-beeleed hubaysan oo ka taagan Gobolkaas. Dadaalka Odayaasha ayaa bilowday kadib markii shalay isku dhac kooban dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kooxda hubaysan, oo uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Mahad Cali Carcar Daa’uud. Cutubyo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada iyo PMPF ee Puntland, ayaa shalay iska hor-imaad kooban dhexmaray iyaga iyo malayshiyaadka hubaysan, inkastoo aan la soo werin wax khasaare ah. Waan-waanta guddiga Odayaasha ayaa weli socota, waxaana Ciidanka Puntland lagu amray in aysan hawlgal dambe ku qaadin kooxda. PUNTLAND POST The post Guddi loo saaray colaad ka aloosan Gardafuu appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Subax-2022021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socdo abaabulka ciidamo beeleed, kadib markii magaalada ay ka dhaceen isku dhacyo ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka. Degmooyinka ku yaalla dhinac Koonfur iyo Waqooyiga Muqdisho ayaa laga abaabulayaa ciidankaan oo la sheegay in lagu ilaalin doono laguna xoojin doono ammaanka musharaxiinta oo qalqal galay saacadihii la soo dhaafay. Ciidamada is-abaabulaya ayaa u badan ciidamo beeleed oo aan ka tirsaneen ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana sababta lagu sheegay in lagu yareyn doono culeys amni oo ay wajahayaan hogaamiyaasha Mucaaradka ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya. “Waqooyiga iyo koonfurta ayey kala joogaan ciidankaan waana ciidanka badbaada shacabka iyo musharaxiinta wixii hadda ka dambeeya wado aan aheyn dagaal nooma muuqato,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ee ku biiray maleeshiyaadka laga abaabulayo Muqdisho, oo la hadlay Caasimada Online. Tallaabadii ay qaaday dowladda ee ay ku beegsatay mucaaradka iyo shacab dibad-baxayey ayaa la rumeysan yahay inay kicisay dad badan oo markii hore arrintan dhex-dhexaad ka ahaa, waxaana laga cabsi qabaa inay xaaladda kasii darto. Magaalada Muqdisho ayaa hadda haawaneysa waxaana cidlo ah wadooyinka Muqdisho iyo xaafadaha qaar. Ciidanka dowladda waxaa wali u xiran wadooyinka muhiimka ah lamana oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda magaalada Muqdisho.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Qoraalkii kasoo baxay maamulka Puntland ee ay ugu hadashay mashaqadii ka dhacday magaalada Muqdisho 24 saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay is-weydiimo badan. Baaris ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay ku ogaatay labo qodob oo ku kalifay in Puntland ay ku raaci weydo go’aanka Jubaland ay ka qaadatay dhacdadii Muqdisho, halka Jubaland ay si caro leh oo qeexan ugu hadashay. Inkastoo Midowga Muraxashaxiinta iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Dani saaxiibo isku dhow ay yihiin, haddana waxaa jira culeys dhinacaa beesha caalamka oo Puntland lagu saarayay inay muujiso door dhex-dhexaadnino iyo isku soo dhowaansho ah, si ay qeyb ugu qaadato xal u helida arrimaha doorashooyinka, waxaana saacadihii lasoo dhaafay wakiilada beesha caalamka culeys xooggan saarayeen Puntland si arrinta u noqon mid sii fogaato. Sida ay ogaatay Caasimada Online, wakiilada beesha caalamka iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu qanciyay in arrinta uu qaboojiyo, si aan loo arkin mid ay ka wada siman yihiin Puntland iyo Jubaland diidmada iyo mucaaradnimada xal lala galo dowladda waqtigeeda dhamaaday ee Farmaajo. Madaxweynaha Puntland iyo wakiilada beesha caalamka ayaa wada hadalkooda oo dib loo balamay ay noqon doonaan kuwo sii socda iyadoo wararkeena danbe aan idinkula wadaagi doono warbixino hordhac ah oo aan u baahanahay inaan soo dhameystirno. Dhinaca kale, Jubaland waxaa haysta daruuf gooni ah oo isugu soo dhowaan karin Farmaajo halka Puntland daneyneyso in lagu gudbo buuqa iyo in la helo doorasho Farmaajo kusoo noqon. Waxayna Jubaland si qayaxan u shaacisay mowqifkeeda weerarkii habeen hore lagu qaaday madaxweyneyaashii hore iyadoo ku tilmaamtay inuusan waxba kaga duwaneyn midkii lagu soo qaaday gobolka Gedo. Arrimahaan iyo wixii kusoo kordha wararkeena danbe isha ku haay.
-
Qaar ka mida Diyaaradaha Caalamiga oo Hakiyay Duulimaadyadey Muqdisho ku iman jireen Qaar kamid ah Shirkadaha caalamiga ee duulimaadyada ku imaan jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku imaan jireen magaalada Muqdisho kadib markii Qalalaasihii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho. Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline , Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa hakiyay duulimaadyo la filayay in beri oo sabti ah ku yimaadaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Rakaabkii goostay tigidhada ay shirkadahan ku imaan lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa lagu wargaliyay in la hakiyay duulimaadyadii Muqdisho, waxaana hakinta duulimaadyada sabab looga dhigay Qalalaasihii xalay iyo maanta ka dhacay Muqdisho. Muqdisho waxaa shalay & xalayba ka dhacay iska horimaadyo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada balse kala taabacsan Villa Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta, waxaana maanta garoonka ku dhacay hoobiye aan la ogey halka laga riday. Shirkadaha diyaaradaha Caalamiga ayaana ka cabsi qaba in amaanka caasimada faraha ka baxo gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo meelo aan ka fogeyn degan yihiin inta badan Midowga Musharaxiinta ee kasoo horjeeda taliska Farmaajo. Qaran News
-
Hillary Clinton oo ku hawlan filim ka cadheysiinaya Turkiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hillary Clinton oo ku hawlan filim ka cadheysiinaya Turkiga Hillary Clinton iyo gabadheeda Chelsea waxay sheegeen in ay aad ula dhaceen sheekooyinka ku saabsan dumarka Kurdiyiinta ee geesiyaasinimada muujiay Hillary Clinton, oo horay wasiirka arrimaha dibadda uga soo noqotay Mareykanka iyo gabadheeda Chelsea ayaa la wareegay xuquuqda gaarka ah ee filim ahaan loogu baddalayo buugga lagu magacaabay “Gabdhihii Kobane”, kaasoo uu qoraa Mareykan ah uga sheekeeyay qisooyinka ku saabsan gabdho kurdiyiin ah oo loo ciidameeyay si ay ula dagaallamaan IS. Mrs Clinton ayaa damacsan in filim musalsal ah laga jilo qisooyinka dumarkaas oo la sheegay in ay “hubka u qaateen si ay gabdhaha kale uga difaacaan kooxaha xagjirka ah”. Sanadkii 2012-kii ayey ahayd markii haweenkaas lagu daray xoogagga mucaaradka Suuriya ee uu taageerayay Mareykanka. Hase yeeshee, markii uu soo baxay warka ku saabsan in qoyska reer Clinton ay buuggaas u baddalayaan filim, dadka qaar way soo dhaweeyeen qaarna way dhaleeceeyeen, arrintaasna waxay abuurtay dood culus iyo caro ay ka muujiyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka Turkiga. Maxaa ka cadheysiiyay Turkiga? Inkastoo fikradda Clinton ay soo dhaweeyeen dad badan oo ku kala sugan dunida daafaheeda, ma aha mid ay ku farxeen dadka Turkiga ah ee u ololeeya arrimaha qarannimada. Dowladda Turkiga ayaa dagaalyahannada Kurdiyiinta meel kasta oo ay joogaan u aqoonsan in ay yihiin koox argagixiso ah. Fatih Erbakan – oo ah wiilka uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Turkiga, Necmettin Erbakan – haddana hoggaamiya xisbi ka dhisan Turkiga, ayaa arrintan uga hadlay muuqaal uu soo duubay oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. “Bal eeg sidan ayey u fakarayaan Mareykanka aan xulafada nahay. Waxay qorsheynayaan in ay filim musalsal ah ka sameeyaan buugga ka sheekeynaya kooxda kurdiyiinta ah ee argagixisada ah, waxa tallaabadaas sameynayana waa shakhsiyaad heer sare ah oo magac ku leh Mareykanka.” Ayuu ku yidhi farriintiisa. Wuxuu intaas ku daray: “Tani waxay caddeyn u tahay in Mareykanka uusan Turkiga u arkin saaxiib muhiim ah.” Siyaasiyiin kale ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay in ay jawaab kulul ka bixiso tallaabada ay qaadday Hillary Clinton: “Turkiga waa inuu si adag uga soo hor jeesto in la aqoonsado ficil noocaas oo kale ah.” Waxaa xusid mudan in xukuumadda Ankara ay dhammaan xoogagga Kurdiyiinta, ha ahaadaan guutooyinka ragga ah ama kuwa dumarka ahba, ay u aragto in ay qeyb ka yihiin dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta ee muddo 40 sano ah u dagaallamayay in ay ka go’aan Turkiga intiisa kale. Maxaa lagu doortay filimkan? Da’da gabdhaha Kurdiyiinta ah ee ciidamada ku jira waxay u dhaxeysaa 18 ilaa 40 sano Shirkadda wax soo saarka ee ay leeyihiin Hillary Clinton iyo gabadheeda Chelsea ayaa sheegtay in filimkan ay u door bidday si ay u muujiso dadaalka ay xoogga ku saareyso awood siinta iyo dhiirrigalinta dumarka ku nool caalamka oo dhan. Clinton ayaa go’aan ku gaartay in tallaabadan ay noqoto mid indhaha dadka oo dhan soo jiidata, sidaas darteedna waxay xulatay in ay diiradda saarto qisada gabdhaha Kurdiyiinta ah ee dowladdeedu ay sida weyn u taageereysay sanadkii 2015-kii, markaas oo ay Hillary ahayd wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka. Sidoo kale Clinton waxay sheegtay in sababta ay dumarkan u dooratay ay tahay “maadaama ay sheekadooda tahay mid waadix ah oo muujineysa sida ay uga soo horjeesteen hab-dhaqanka xun ee lagu hayay, ayna go’aansadeen in ay dhammaan furimaha kala duwan uga barbar dagaallamaan ragga, iyagoo dhulkooda ka difaacaya kooxaha mintidiinta ah, sida Jabhat al-Nusra iyo IS. “Ujeeddada kaliya ee ay hubka u qaateen waxay ahayd si ay ugu dagaallamaan xorriyadda haweenka, sinnaanta iyo caddaaladda”, ayey tidhi Clinton. Qaran News -
Diyaaradaha Caalamiga ah ee Turkish Airlines, Uganda Airlines ,Ethiopian Airlines ayaa baajiyay duullimaadyo ay maanta oo Sabti ah ku tegi lahaayeen Garooonka diyaaradaha Muqdisho. Saddexda Shirkadood ayaa sheegay in aysan Sabtida maanta ah duullimaadyo ku tegi doonin Garoonka Muqdisho sababa la xiriira Amni-xumida ka jirta magaalada Muqdisho, kadib Rabshadihii 24-kii saac ee la soo dhaafay halkaas ka dhacay. Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde, waxa shalay saamayn xooggan ku yeeshay Rabshadihii ka dhacay Muqdisho, kadib markii madfac uu ku habsaday gudaha Garoonka, islamarkaana hakad geliyay shaqada Garoonka. Xaaladda Muqdisho ayaa saaka oo Sabtiya deggan, waxaana caadi ku soo noqday isu socodka iyo Ganacsiga magaalada. PUNTLAND POST The post Duullimaadyo Caalamiya oo sababa Amni uga baaqday Garoonka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Midowga Murashixiinta Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyay Rabshadihii iyo iska hor-imaadyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii dowladdu joojisay Bannaanbaxyadii mucaaradka. Golaha ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay Rabshadihii iyo dagaalkii ka dhacay Bannaanbaxyadii mucaaradku doonayeen in ay ku qabtaan taallada Daljirka Dahsoon. Sidoo kale waxay sheegeen in Madaxweynaha iyo cid kasta oo garab ku siisay lagala xisaabtami doono dhibaatadii ka dhalatay shaqaaqooyinkii habeen hore iyo shalay ka dhacay Muqdisho. Goluhu wuxu sidoo kale ballan qaaday in ay sii wadi doonaan Mudaharaadka iyo dibad-baxyada looga horjeedo dowladda kuwaas oo lagu dalbanayo in doorasho la qabto. PUNTLAND POST The post Mucaaradka dowladda Soomaaliya oo sheegay in ays ii wadi doonaan Bannaanbaxyada appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Safarka Guddoomiyaha ayaa ku saabsan Arrimo khuseeya Shaqada Golaha Wakiilada, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka Puntland. Wararku waxay sheegayaan in Guddoomiye Cabdirashiid uu sidoo kale la kulmi doono hay’adaha daneeya Arrimaha Horumarinta Soomaaliya, gaar ahaanna dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku wajahan Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidamada dowladda federaalka tababarka ugu dirtay dalka Eritrea lagu wado in toddobaadkan ay kasoo degaan garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Soomaaliya ee tababarka loogu diray Eritrea saacadihii lasoo dhaafay soo bixitaankooda lagu diyaarinayey caasimada Asmara, ayna sugayaan duulimaadkii kasoo dejin laheyd Muqdisho. Ciidamadaan oo dowladdau qorshuhu ugu jiray in si gaar ah u adeegsado ayaa la sheegayaa in laga yaabo in isla maanta, berri ama maalinta xigta soo gaaraan Muqdisho ayada oo qorshuhu yahay in si deg deg ah loo howlgeliyo. Lama oga in marka ay soo gaaraan Muqdisho inay toos u abaari doonaan qoysaskooda maadaama mudo sanado ah ka maqnaayeen iyo in lagu amri doono inay fuliyaan awaamiirta iyo ujeedooyinkii loo soo tababaray. Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamadaan qiyaas ahaan tiro 70 dhan ay kusoo dhinteen dalka Eritrea mudadii tababarka xaalado kala duwan, kuwaasi oo qaarkood waalidiintooda aysan ka war qabin. Horay ayaa dowladda federaalka loogu eedeeyay in ciidamadaan sifo sharciga waafaqsaneyn loogu qaaday dalka Eritrea iyadoo lagu qiyaameeyay in shaqaale ahaan loogu qaadayo dalka Qatar, taasoo ay dowladda Qatar beenisay, kuna baaqday in baaritaan dhab ah laga sameeyo tallaabadaasi. Ali Muhiyaddiin Cali Caasimada Online, London Desk
-
Dadka uu haleelay xanuunka COVID-19 ee qaarada Afrika waxay haatan tiradooda kor u dhaaftay 100,000 sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka. Dalka koonfur afrika ayaa ah kan ugu dhimashada badan guud ahaan qaarada afrika Koonfur afrika waxa xanuunkaas uu salfaday 48,859 taas oo ku dhow kala bar dadka afrika Covid-19 ugu dhintay Afrika oo ka kooban 53 dal waxaa ay la harjadeysaa sidii ay u heli laheyd talaalka Covid-19 kaas oo dhaqaale badan iyo tasiilaad dheeri ah oo dhanka gaarsiinta ah u baahan. 14 February sanadkii 2020 ayaa kiiskii ugu horeeyay Karoona qaarada Afrika waxaa laga diiwaan galiyay dalka Masar. PUNTLAND POST The post COVID-19 oo in ka badan 100 kun oo qof ruux ku dilay Qaaradda Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Ururka Midowga Afrika ayaa ku amray ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya in ay dhex-dhexaad ka noqdaan muranka siyaasadeed ee dalka kadib markii rabashado ay ka dhaceen Muqdisho. Rabshadaha ayaa ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka, habeen hore, iyo rasaas ay ku fureen shacab iyo musharaxiin kale oo dibad-bax dhigayey shalay subax. Warka kasoo ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan dowladda Federaalka Qoraalkan waxaa lagu amray ciidamada AMISOM inay taxaddar dheeri ah iyo is-xakameyn ka muujiyaan inaan la gelin xiisaddan ayna dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda. “Amisom waa inaan loo arkin inay dhinac la jirsanayaan, balse waa inay u hoggaansamaan mabaadi’da iyo dhex-dhexaadnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ciidanka ayaa la faray inay si kooban un uga qeyb-galaan haddii ay dhacdo in lasoo weeraro goobaha uu waajibaadka ka saaran yahay sugidda amnigooda, sida madaxtooyada Villa Somalia, ayaga oo adeegsanaya awoodda ugu yar. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika oo amar ku soo rogay AMISOM kadib Rabshadihii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Africa ayaa ku amray ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya inay dhex-dhexaad ka noqdaan muranka siyaasadeed ee dalka kadib markii rabashado ay ka dhaceen Muqdisho. Rabshadaha ayaa ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka, habeen hore, iyo rasaas ay ku fureen shacab iyo musharaxiin kale oo dibad-bax dhigayey shalay subax. Warka kasoo ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, ayna ka walaacsan yihiin Qoraalkan waxaa lagu amray ciidamada AMISOM inay taxaddar dheeri ah iyo is-xakameyn ka muujiyaan inaan la gelin xiisaddan ayna dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda. “Amisom waa inaan loo arkin inay dhinac la jirsanayaan, balse waa inay u hoggaansamaan mabaadi’da iyo dhex-dhexaadnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ciidanka ayaa la faray inay si kooban un uga qeyb-galaan haddii ay dhacdo in lasoo weeraro goobaha uu waajibaadka ka saaran yahay sugidda amnigooda, sida madaxtooyada Villa Somalia, ayaga oo adeegsanaya awoodda ugu yar.
-
BAYAAN : Golaha Midowga Musharaxiinta oayaa ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah weererkii ciidamada Farmaajo ku qadeen Shacbiga magaalada Muqdisho saaka. Sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta ayaa balanqaaday in ay sii wadayaan Banaanbaxayada inta xafiiska laga saraayo Farmaajo. The post War Murtiyeed : Golaha Midowga Musharixiinta oo balanqaaday in ay sii wadayaan Banaanbaxyada appeared first on . Source
-
The Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) strongly condemns the violence in Mogadishu in the last twenty-four hours. IGAD further condemns the growing hostility and extreme belligerence in political contests in the country. The continued impasse over the upcoming elections and the emerging pre- election violence increases the risks of instability and threatens to erode all the gains made in the peace and state building processes; and in the fight against terrorism. IGAD, therefore, calls upon all political leaders to immediately de-escalate tension and re-engage constructively, in the interest of the people of Somalia, with a view to agree on the modalities of conducting inclusive, free, fair, transparent and credible federal elections without further delay. IGAD reiterates that a Somali-owned and Somali-led dialogue is the best option out of the stalemate; and urges all the political leaders to seek consensus on all outstanding issues. IGAD will continue to engage all political leaders and other stakeholders on this path. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii uu iska hor-imaad hubeysan uu dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Musharaxiinta. Goodax Barre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii xalay ay ciidamada dowladda ku weerareen Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ku sugnaa hotelka Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Daljirka Dahsoon. Waxa uu ku taliyay in laga fiirsado tallaabada aan la xakameyn karin natiijadeeda, isagoona sheegay in Farmaajo uu yahay madaxweyne xiligiisu uu dhamaday, islamarkaana ay tahay inuusan bixin amaro lagu howl-gelinayo ciidamada oo laga yaabo inay dad ku dhintaan. “Waxaan aad uga xumahay wixii xalay dhacay. Waxaan ku talinayaa in laga fiirsado tallaabada aan la xakameyn karin natiijadeeda. Waxaan Farmaajo ku baraarujinayaa in uu yahay Madaxweyne xilligiisu dhamaaday, ayna tahay in uusan bixin amarro hawlgelin ciidan oo laga yaabo in dad ku dhintaan,” ayuu yiri Goodax Barre. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa ku mutaysan kartaa (Farmaajo) in lugu saaro Maxkamad Military. Soomaaliya diyaar uma ahan dagaal sokeeye ee nabadda halaga wada shaqeeyo”. Goodax ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan xiligan diyaar u aheyn inay gasho dagaal sokeeya, wuxuuna ku baaqay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda. Hadalkan ayaa imanaya xili uu xalay dagaal agagaarka Daljirka Dahsoon oo u dagaal ku dhex-marayd ciidamada dowladda gaar ahaan kumaandooska Gorgor iyo kuwa ilaalada musharaxiinta mucaaradka, kadib markii ciidamada dowladda ay dhowr jiho ka weerareen Hotelka Maa’ida (Ex. Nasahablod) oo ay ku sugnaayeen madaxweynayaashii hore. Xaalada magaalada Muqdisho ayaa kacsan, kadib markii ay saaka ciidamada dowladda ay rasaas huwiyeen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Musharaxiinta Mucaaridka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, midaasi oo keentay iska hor-imaad labada dhinac ah.
-
Bosaso (PP News Desk) — Puntland Maritime Police Force (PMPF) today conducted a security operation in Guardafui. PMPF has issued a statement on the nature of the security operation. “Puntland Maritime Police Force clashed with militias who blocked the unpaved road with rocks that affected travel along the road. PMPF seized a lorry carrying supplies and ammunitions for the militias” reads the statement. PMPF soldiers at on the way to Bareedo town. PMPF officers visited Bareedo town where they met locals to brief them about the security operation. Reliable sources told Puntland Post that the traditional leaders had intervened and managed to persuade militias to leave the area. Militias reportedly attempted to prevent deployment of troops sent to replace Guardafui policemen who undergoing a training at Horgoble in Qardho. Guardafui is one of the least accessible regions in Puntland due to lack of paved roads. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Maritime Police Force “Clashes With Militias” in Guardafui appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline ayaa hakisay duulimaadyadii ay isuga kala gooshi jirtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul kadib rabshadihii ka dhacay magaalada kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen musharaxiin iyo shacab dibad-baxayey.. Qoraal ka soo baxay xafiiska Shirkadda Turkish Airline oo ay heshay ayaa lagu sheegay in uu baqday duulimaadyadii diyaaradeed ee magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul, iyadoo lagu war-geliyay dhamaan rakaabka in la hakiyay duulimaadka. Illaa iyo hadda ma cadda Sababta loo joojiyay duulimaadka berri oo Sabti ah diyaaradaha shirkadda ay ku tagi laheyd Istanbul. Sidoo kale ma cadda in duulimaadyada kale ee xiga Sabtida la hakiyey iyo in kale. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ay joojiyeen duulimaadkii ay berri oo Sabti ah ku iman lahaayeen Muqdisho. Mana cadda go’aankooda maalmaha xiga Sabtida. Ilo-wareedyo madax banan oo aan la xirriirnay ayaa sheegaya in jojinta duulimaadyada ay timid markii cabsi badan ay soo wajahday, kadib dagaallo 48 saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muwdisho. Xaaladda Caasimadda ayaa maanta oo Jimca ah aad u kacsaneyd kadib iska hor imaad dhex maray dowladda iyo xubnaha Mucaaradka.
-
Kadib markii Galabta ay ku dhawaaqeen Musharixiintu inaysan galayn Doorasho uu ku lugleeyahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxay in Maamul Goboleedyada qaarkood ay taageereen Qorshahaas sidaas awgeed ay joojiyeen Kulamadii ay la balan sanaayeen Madaxweynaha wakhtigu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug isla markaasna soo ahaa Wasiir Xukuumadii Xasan Shiikh ayaa Galabta ku dhawaaqay in Musharixiintu aysan tartan Doorasho la galayn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka ay Puntlandi.com helayaan ayaa sheegaya in Puntland iyo Jubbaland ay taageereen Musharixiinta ayna hakad galiyeen Barnaamijkii Wadahadalada Doorashada, ayna kansaleen Wadahadaladii socdey ee Doorashada iyo kulamadii ay layeelan lahaayeen Masuuliyiinta Dowlada Federaalka ee Xilku ka dhamaadey. Madasha Musharixiinta ayaa Caawa ka shirsan Sida Dalku Doorasho u galayo iyo waxa u qorshaysanba. Xalay iyo maanta ayaa Villa Soomaaliya awood Ciidan u adeegsatay Musharixiinta iyo Shacab Mudaharaadayay. Puntlandi.com Garowe The post Breaking News Barnaamijkii Doorashada oo la hakiyay appeared first on . Source
