-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Turkey-Somalia partnership provides Ankara with strategic influence and access to resources, while giving Mogadishu vital military support and economic investment. In 2024, Turkey and Somalia concluded defense and oil exploration agreements that established a military training base in Mogadishu and granted Turkey access to explore oil off Somalia’s coast (Image Credit: United Nations) Turkey has ramped up its partnership with Somalia in recent months. It is helping Somalia defend its waters, and has signed a deal to explore for oil and gas off the East African nation’s coast. There have also been reports of advanced discussions to have Turkey set up a missile and rocket testing site in Somalia. These agreements underscore Turkey’s strategic and economic aspirations in the broader Horn of Africa region. Over the past four years, there has been a steady increase in Turkish partnerships and agreements for the export of defense-related products to the region. This has included the use of Turkish drones in conflict zones, such as Libya and Ethiopia. I have studied Turkey’s historical and current involvement in Somalia to understand what’s driving Ankara’s policy in the Horn of Africa. In my view, Turkey’s involvement is driven by multiple factors. These include international status-seeking, regional balance and strategic concerns. The opening of a training facility in Mogadishu has increased Turkey’s strategic depth in the Horn of Africa, projecting the country towards both sub-Saharan Africa and the Indian Ocean. And the use of Turkish drones in Ethiopia’s Tigray conflict has shown Turkish defense arrangements have become a factor in local dynamics. Somalia’s Appeal Turkey’s interest in Somalia dates back to 2010-2011. At the time, Somalia was grappling with the devastating effects of 20 years of civil war, failed international interventions, and the emergence of the al-Qaeda-linked al-Shabaab terror group. In addition, the country was devastated by a famine that claimed more than 250,000 lives. Somalia presented Turkey with several opportunities to establish a footprint in a region of high geostrategic value and to enhance its image in Africa and globally. First, there was a lack of interest in the country from major international players. Apart from anti-piracy initiatives in the Gulf of Aden and the US focus on the war on terror, international players watched Somalia with a certain detachment. Turkey saw an opportunity to benefit from taking a leading role in an international crisis scenario. Second, the world’s attention focused on the Arab world. The region was facing a wave of pro-democracy protests dubbed the Arab Spring. Somalia and the suffering of the Somali people were quickly forgotten by the international community. Turkish policymakers saw the country’s isolation as an opportunity to gain international popularity and visibility on the continent. Turkey took a multifaceted approach in Somalia. This encompassed humanitarian aid, diplomatic initiatives, and economic investment. Turkey also supported state-building efforts and the reconstruction of Somalia’s security apparatus. Internal Dynamics The financial and political resources that Turkey has invested in Somalia are driven by regional and domestic political considerations. Regionally, 2016 to 2021 was a period of tension between Turkey, Saudi Arabia, and the United Arab Emirates. Somalia and the competition for influence in its politics became one of the main areas of confrontation. Domestically, Turkey has been able to portray its involvement in a way that’s boosted the ruling party’s standing. In addition, engagement in the Horn of Africa meets the demands of various business groups. This includes construction and defense companies that are close to the ruling political elite. Intervention in Somalia plays an important role in the narrative of Turkish political elites associated with Turkey’s ruling party, Adalet ve Kalkınma Partisi (Justice and Development Party). The party is a conservative but non-confessional party with Islamist roots. A significant proportion of the party’s supporters consider voluntary charity (sadaqa) to be the duty of a good Muslim. As a result, Turkey’s foreign and domestic interests converged with the government’s policy to support crisis-stricken Muslim communities. This includes those in Somalia. Here, Turkey has framed its involvement as a political and humanitarian success story. The Turkish public views it as such. Turkey has been able to bolster its security and defense ties at a rapid pace. The country’s Savunma Sanayii Başkanlığı (Defence Industry Agency of Turkey) reports directly to the president. Established as a state body in 1985, the agency gained prominence in 2017 when President Recep Tayyip Erdogan had it placed under the direct authority of the presidency. This has made concluding defense agreements – a key factor of Ankara’s foreign policy – much faster. Turkey has also used the opportunity to increase its involvement in the energy sector. Ankara has long aspired to play a pivotal role as a major energy hub in the wider region. It has considered establishing exploration operations off the coast of Somalia. Like all emerging powers, Turkey has a thirst for energy. This explains its July 2024 oil and gas exploration deal with Somalia. Turning Point Ankara’s February 2024 defense agreement marked a significant turning point in Turkey-Somalia cooperation. The agreement deepens defense ties between the two countries. Under the deal, Turkey has agreed to train and equip the Somali navy. It will also help patrol Somalia’s extensive 3,333-kilometre coastline. Turkey’s focus is on maritime activities. This is a strategic choice largely influenced by the unstable conditions in Somalia, where exerting control over territory is difficult. The deal is a response to changes in the regional landscape and the ongoing reconfiguration of power dynamics in the Horn of Africa. Source: Globely News The post A Somalia-Turkey Entente Forms in the Horn of Africa appeared first on Puntland Post.
-
Qoraalkaan wuxuu diiradda saarayaa caqabadaha waxbarashada dalka ka jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, loona tayeyn lahaa waxbarashada Soomaaliya. Talooyinka xalka lagu raadinaayo ee qoraalku uuu diiradda saaraayo waxay qeyb ka yihiin talooyin lagu qoray buug kol dhow soo bixi doona oo waxbarashada looga hadlaayo oo la yiraa “Macallinkeen Allow Kaal”. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgallada xoreynta dalka ayaa mar kale dib uga bilowday, waxaana laga gaaray guulo waaweyn oo deg deg ah, sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda ayaa mar kale bilowday in la dardar-geliyo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Sh/Hoose, Sh/Dhexe, Mudug iyo Galgaduud ayaa la qorsheeyey in dagaalka Al-Shabaab toos looga bilaabo, waxaana todobadii maalmood ee lasoo dhaafay furimaha dagaalka lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa. Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanadii dhawaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Howlgal toddobaadyadii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ay ka bilaabeen aagga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu guuleystay in Khawaarijta looga xoreeyo deegaanada Maqdis, Jameeco, Shanlow, Busley, Dhagaxow, Raasqaboobe iyo Yaaqle. Taliye Cabdullahi oo ku sugan deegaanka Yaaqle ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalkaan oo ku socda saf-balaaran loo qorsheeyey in cadowga Khawaarijta ah muddo kooban looga sifeeyo deegaanada ay kaga dhuumaaleystaan gobollada Shabeellooyinka. Waxaa howlgalka ka qeyb qaadanaya ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa ATMIS, waxayna ku sii siqayaan deegaano hor leh oo kooxda Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah uga joogaan gobollada Shabeelooyinka. Dhanka Mudug, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay cagtamariyey deegaanadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxayna maanta ka gudbeen Shabeelow iyagoo baacsanaya kooxda, howlgalka Mudug ayaa ka socda dhowr jiho, ciidamada ku jira howlgalkaan waxay ka soo kala dhaqaaqeen Xarardheere, Wisil iyo dhanka Baxdo. Dhanka Galgaduud, Al-Shabaab waxaa lagu baacsanayaa deegaano hoos taga Ceeldheer, waxaana lagu gaarsiiyey jab culus ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kala wareegay dhul badan, waxayna hadda u jaheysteen dhanka Ceelbuur. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta 21-aad ayaa ku sugan furimaha bariga gobolka Galgaduud, waxayna toos u hoggaaminayaan dagaalka. The post Xog: DF oo dib u bilowday qorshaheeda dagaalka – Maxaa ka socda dalka? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal qorsheysan kusoo qabtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Howl-galkan oo ka.dhacag deegaanno dhaca buuraleyd gobolka Baay ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka. Laba xubnood oo warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay sawiradooda, iyaga oo wejiga duuban, ayaa waxay muddo ka tirsanayaan kooxda Al-Shabaab, iyaga oo muddooyinkii dambena ku dhuumaleysanayay deegaanada maanta laga soo qabtay. Deegaanada Mooro Busto, Ceel sharif iyo deegaanka Ceel Mareer ee gobalka Baay ayaa ah deegaanada sida gaarka ah ay geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgalka sida gaarka ah uga fuliyeen. Xubnahaan lasoo qabtay maanta ayaa waxaa haatan ku socda baaritaano dheeraad ah. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay soo qabteen ciidanka iyo kuwo iskood isku soo dhiiba, oo sheegay inay ka laabteen fikirkaas. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo ka dhan Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka. Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay. The post Xogta xubno SHABAAB ah oo maanta usoo gacan galay dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
A Turkish ship carrying 3,000 tons of humanitarian aid arrived in Mogadishu on Saturday, delivering vital supplies to Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sooyaalka codbixinta waa mid fog, oo la bilowdey ilbaxnimooyinkii bini’aadanka kuwoodii ugu horreeyay, waxey taariikhyahannadu sheegaan in bulshooyin hore adeegsan jireen hababka bilowga ah sida gacantaagga iyo hadalka markey u baahdaan kala xulashada go’aamo lagu kala aragti duwanyahay. Hase ahaatee waxaa laga diiwaangaliyey ilbaxnimadii Giriigga nidaamkii ugu horreeyay ee codbixin oo ka qeybqaateen dad aad u badan, la adeegsadeyna wax ka baxsan gacantaagga iyo hadalka. Giriiggii hore oo lagu tiriyo bulshadii ugu horreysey ee dimuqraadi noqota, waxey ku codeyn jireen gabal dhooba eh oo lagu dul qorey musharraxa ay u codeynayaan. Laakiin doorashadoodu waxey u ekeyd xilka qaadista baarlamaanada casrigaan xilka uga xayuubiyaan masuuliyiinta; bulshadii Giriiggu ma dooran jirin masuuliyiinta ee waxey u codeyn jireen masuuliyiinta iney xilka sii joogaan iyo in kale, masuulkii helaana 6,000 cod iyo wixii ka badan oo xil-ka-qaadis ah, wuxuu waayijirey xilka, waxaana loogu darijirey musaafurin. Tan ilaa iyo Giriiggii waxaa isbaddello waa weyn ku dhacay hababkii coddeynta, xitaa wxaa isbaddeley qalabkii lugu codeynayey, wuxuu ka yimi cad dhoobo eh, wuxuu soomaray banooni yar oo midab leh, maanta wuxuu yahay warqad, halka doorashooyinka qaarna lugu codeeyo fariimo danabeysan. Dunida waxaa maanta ka jira nidaamyo codadbixin oo kala geddisan oo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo murugsan, oo dalalkuna ku kala xulasho duwanyihiin, se aalaaba dalalku waxey doorbidaan nidaamyada kafaalaqaadi kara caddaaladda ay ku taammayaan, inkastoo jiraan dalal doorbida nidaamyada tashiila dhaqaalaha iyo kuwa qabashadoodu fududdahay. Bilowga hore waxaan qormadaan ku lafaguri doonaa nidaamyada codbixineed ee dunida ka jira kuwooda ugu doorka roon, ka dibna waxaan ka faaloon doonaa hanaanka doorasho ee ku habboon dalkeena, iyadoo afeef ka dhiganeyna inuusan jirin nidaam boqolle ah oo ka fayow ceeb iyo cillad oo dhan. Nidaamka 1aad: Horreeyaa Guuleysta (First Past the Post/ Plurality): Nidaamkani waxaa lugu tiriyaa nidaamka codbixin ee ugu fudud ee la adeegsado, waxaana lugu kala adkaadaa kaliya cod dheerida, muhimna maaha musharraxa inuu helo aqlabiyadda codadka bulshada (50%+1). Habkani sida magaciisa ka muuqato waa sida tartamada ciyaaraha, guushu waxay wada raacdaa [koobka] musharraxa kaalinta koobaad gala, halka kaalmaha kale ay wax la’aan baxaan. Daldaloolada uu nidaamkani leeyahay waxaa ka mid eh, inuu miraha guusha wada siiyo cidda ugu codka badan, isagoo ka soo qaadey tartamayaasha kale codadkoodu eber, oo waxba ka siineyn guusha. Waxaaba dhacda xisbiga iyo musharraxa guuleysta in uusan haysan aqlabiyad codadka, sida ka dhacdo Ingiriiska, laga soo bilaabo 1945 ilaa doorashadii 2024 xisbiga ku guuleysta doorashooyinka barlamaanka Ingiriiska marnaba ma aheyn xisbiga haystey aqlabiyadda codadka shacabka oo dhan. Waxaa kale uu nidaamkani dulmiyaa murashaxiinta yaryarka; wuxuu codbixiyaashu ku dhiirigaliyaa inay doortaan musharrax soobixistiisu sarreyso oo kaliya, maadaama hal qof guuleysanaayo codbixiyaashu waxey ujanjeersamaan musharrixiinta caanka ah oo ay u badinayaan inay guuleystaan, halkay u arkaan codeynta musharrixiinta yaryarka arrin khasaaro ah. Nidaamkani wuxuu ka hanaqaadey Ingiriiska iyo dalalkii ku hoosjirey boqortooyadiisa sida Mareykanka, Kanada, Hindiya, Neyjeeriya, Kenya iyo dalal kale; tiro ilaa 44 dal ayaa maanta adeegsata nidaamkaan. 2: Codeynta Dooqeysan (Preferential Voting/ Instant-Run off Voting): Nidaamkani waxey codbixiyaashu lanbareeyaan musharrixiinta kolba sidey u doorbidayaan, waxaa lagu hor qoraa musharraxa dooq koobaad ah lanbar 1, mushurrax dooqa labaad ahna waxaa lugu hor qoraa lanbar 2, ilaa laga gaaraayo musharraxa ugu danbeeyo. Waxaana guuleyta musharraxa hela aqlabiyadda dooqa koobaad ee bulshada (50%+1). Haddii musharrax heli waayo aqlabiyadda codka koobaad ee bulshada, waxaa hoos lagaa soo furfuraa musharrixiinta heley codadka ugu yar, waxaana codadkooda loo qeybiyaa musharrixiinta lagu qorey kaalinta labaad, kolba sida loo qeybinayo codadkaas, waxaa soo baxa musharrax dhaafa 50%+1; guushuna sidaas bey ku raacdaa. Nidaamkani wuxuu ku habboonyahay bulshooyinka heerkooda waxbarashadu sarreyso, waxaana aalaaba loo adeegsadaa doorashooyinka ururada ardayda iyo doorashooyinka hay’aduhu qabsadaan, waana dhif in loo adeegsado doorashooyinka dadweynaha. Ceebaha uu nidaamkani leeyahay ayaa ah suuragalnimada inuu guuleysto musharrax aan heysan codadka ugu badan ee kaalinta koobaad, taasoo ah caddaalad-darro dadban. 3: Codeynta Wareegyada Badan (Voting Multiple Rounds): Nidaamkaan wuxuu dhinac uga eg yahay nidaamkii Horreeya Guuleysta, se wuxuu leeyahay wareegyo badan, aalaaba wuxuu ka koobanyahay laba wareeg; waxaa la qabtaa wareega koobaad ee codeynta oo hadduu mursharrax heli waayo aqlabiyadd codadka dadweynaha (50%+1) waxaa loo gudbaa wareega labaad, waxaan wareeegaasi u soo gudba musharrixiinta ugu sareeyay wareegii koobaad, codeynta labaad ayaa la qabtaa, waxaana guuleysta musharraxa hela aqlabiyadda codadka dadweynaha. Se haddii dhici weydo waxaa loo gudbaa wareeg ugu danbeeya, waxaan ku tartama labada musharrax ee ugu codka badnaa wareegii labaad, waxaana guuleysta kooda cod bata (dabcan midkood ayaa heli doona aqlabiyadda codadka). Nidaamkani waxaa adeegsada dalal badan oo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Iiraan. Hase ahaatee kama marno cillad, wuxuu suuragaliyaa iney guuleystaan musharraxiin wareega koobaad ku jirin kaalinta koobaad, taasoo dad badani u arkaan iney tahay caddaalad darro. 4: Nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran (Proportional Representation): Nidaamkani waa kan ugu adeegsiga badan dunida, aalaaba waxaa loo adeegsadaa doorashooyinka kuraasta xildhibaanada, waxaana adeegsada in kabadan 100 dal gaar ahaan u adeegsada doorashooyinka barlamaanada, waxaa ugu cadcad waddamadaas: Isbeyn, Jarmal, Turki, Talyaani, Noorway, Baraasiil, Arjentiin, Biiru, Indunuusiya, Koonfur Afrika iyo dalal kale oo badan. Nidaamkani wuxuu uga geddsinyahay nidaamyada kale wuxuu hoos u dhigaa codadka khasaari kara, oo cod walba wuxuu uyeelaa matalaad; xisbi kasta wuxuu siiyaa kuraas u dhiganta boqolleyda uu ka heley codadka. Tusaale xisbigii hela 10% codadka dadweynaha wuxuu badalkeeda helaa 10% kuraasta barlamaanka. Nidaamkaan wuxuu gabi ahaanba lid ku yahay nidaamka Horreeya Guuleysta ee ku dhisnaay ninkii raayaa reerka u haraaya, ee wuxuu gabbaad siiyaa xisbiyada yaryarka. Hase ahaatee kama dhigna inuu ceeb-ka-saliin yahay, wuxuu nidaamkani abuuraa barlamaano iyo xukuumado xisbiyo kala duwan ku bahoobaan (coaliation government) taasoo marar badan horseeda jahwareer siyaasadeed. Waxaana ka farcama noocyo badan, waxaana ugu caansan: Nidaamka Liiska Xisbiyada Furan ama Xiran (Open and Closed List Systems): Nidaamkani wuxuu u kala baxaa Liiska Furan iyo Liiska Xiran; waxeyna ku kala geddisanyihiin marna codbixiyaashu baa u codeeya musharrixiin la yaqaano oo xisbi ka socda waana nidaamka Liiska Furan, marna bulshadu khiyaar u ma leh iney doortaan qof ee baddelka waxey u codeeyaan xisibiyo u gubdistey liisaska musharrixiinta guddiga doorashooyinka, waana nidaamka Liiska Xiran. Labada nidaamba waxey xisibiyadu helaan kuraas u dhiganta boqolleyda codadka ay heleen, tusaale hadday deegaan-doorashada Beledweyn taalo 10 kursi ee u tartamaan xisbiyada seddex xisbi oo kala eh Barwaaqo, Wadajir iyo Kaah; hadduu Barwaaqo helo 30% codadka, Wadajir 50% halka Kaah 20%. Haddaba waxey u kala qaadanayaan qaab u dhiganta saamiga codadka ay heleen, wadajir wuxuu qaadan doonaa 5 kursi; mar waa la yaqaanaa musharrixiinta guuleystey oo haddii nidaamku yahay Liiska Furan, marna lama yaqaano oo guddiga doorashada ayaa u magacaabi doono 5 qof ee ugu sarreyso qoraal ahaan liiska uu xisibga Wadajir soo gudbiyey, waana nidaamka Liiska Xiran. Isla tusaalahaan haddaan ka dhigno kuraasta 11 kursi, waxaa nagu adkaanaya in si caadi ugu qeybinno kuraasta, waxaana soo baxaya xisaab jajab eh. Haddaba waxaa xusid mudan, qeybinta kuraasta si ay u galin xisaab jajab eh waxaa la adeegsadaa qaacidooyin gaar ah oo marnaba suuragalineyn iney kuraasto noqdaan jajab, waxaana ugu caansan qaacidooyinkaas: D’hondt method iyo The Sainte-Laguë method [4]. Nidaamka Codadka Gudba (Single Transferable Vote): Nidaamkani wuxuu dhinac uga egyahay nidaamka Codeynta Dooqeysan, oo waxey codbixiyaashu lanbareeyaan musharrixiinta, hase ahaatee wuxuu uga duwanyahay musharrixiintu waxey leeyihiin saqaf la rabo iney gaaraan (target point); waxaana guuleysta musharrixiinta soogaara saqafkaas, hase ahaatee markey soogaaraan saqafka wixii cod ee dheeri ay helaan waxaa loo xawilaa musharrixiinta lugu qorey kaalinta labaad. Tusaale, hadduu yahay saqafka doorashada degmada Boosaaso 20,000 cod, kuraasta taalana tahey 13 kursi, waxaa soobixi kara musharraxii gaara 20,000, codadka dheeriga ahna (ka badan 20,000) waxaa loo xawili doonaa musharrixiinta lugu qorey booska labaad, sidaasna waxaa ku soo bixi kara musharraxiin bilowga hore saqafka gaarin laakin codbixiyaal badan dookha labaad u ahaa. 5: Nidaamka Codeynta Condorcet (Condorcet Voting System): Nidaamka kan waxaa hindisay oo loogu magacdarey fiilasoofarkii Faransiiska ee Condorcet, waa nidaam murugsan oo aalaaba adeegsigiisu yaryahay, nidaamka kan waxey codbixiyaashu isbarbardhigaan musharrixiinta mid-mid, oo midkey doortaana wuxuu helaa dhibco, waxaana guuleysta musharraxa ugu dhibco bata. Tusaale haddey isa soo sharraxaan A, B & C , codbixiyuhu wuxuu mid-mid isbarbardhigi doonaa oo u codeynayaa musharrixiinta saddexda eh: kow wuxuu u codeynayaa A & B midkood, laba wuxuu u codeynaa A & C midkood, saddex wuxuu u codeynaa B & C midkood, mid walbana wuxuu heli doonaa dhibico u dhigma inta jeer ee loo codeeyay. Nidaamka kan wuxuu ku dhisanyahay caddaalad, hase ahaatee kama marna cillado, koow: nidaamkani waxaa adag fulintiisa xaaladaha qaar, tusaale haddii musharrixiintu bataan waxaa codbixiyaasha ku adkaanaya codeynta; laba: nidaamkani wuxuu suuragalinyaa xaalad ay musharrixiinta qaar codadkooda isla ekaadaan, waxaana loogu yeeree Condorcet paradox, taaso ah ceeb aad u weyn. Nidaamyada codbixinta waa ka badanyihiin shantaas nidaam, hase ahaatee afarta hore ayaa loogu adeegsiga badanyahay maanta, mana rabno inaan waqti badan galin nidaamyo adeegsigoodu koobanyahay. Nidaamka ku habboon Soomaaliya Haddaan dib u soo milicsano sooyaalka doorashooyinka Soomaaliya, waxaa markii ugu horreeyey doorasha lagu qabtey Koonfurta Soomaaliya sanadkii 1954 waxeyna ahayd doorashada dowladaha hoose, nidaamka la adeegsadeyna wuxuu ahaa nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan Liiska Xiran ee ku saleysan degmooyinka badan, isla nidaamkaas baa lugu qabtay doorashooyinkii guud ee 1956 iyo 1959. Xorriyaddii kadibna waxaa sii hanaqaadey isla nidaamkii oo lagu qabtey doorashooyinkii 1964tii iyo 1969kii. Kadib kacaannkii kaligiitaliska ahaa iyo muddo dowlad la’aan la’ahaa, waxey Soomaalidu ugu danbeyntii ku hishiiyeen sanadkii 2000 nidaam doorasho oo dadban oo ku dhisan nidaamka wareegyada badan kaasoo lagu soo doorto xubnaha labada aqal ee barlamaanka, guddoonka labada aqal iyo madaxweynaha. Hase ahaatee tan ilaa 2017 waxaa daarnaa dood adag oo ku saabsan nidaamka doorasha uu dalka u guuri doono. Sanadkii 2019kii waxey ansixisay xukuumaaddii Xasan Cali Kheyre xeer doorashooyin oo ku dhisan nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran, inkastoo Golaha Wadatashiga Qaranka uu hore u soo ansixiyey xeerkaas sanadkii 2018dii haddana ma hanaqaadin. Sanad ka dib (sanadkii 2020kii) wuxuu barlamaanku iyo madaxweyne Farmaajo wada ansixiyeen xeer doorasho oo ku dhisan nidaamka Horreeyaa Guuleysta, hase ahaatee wuxuu dhaliyey buuq siyaasadeed waxaana ugu danbeyntii laysku raacey in lugu laabto doorashadii dadbaneyd. Dhanka kale, Xukuumadda Xasan Sheekh Maxmuud ee hadda dalka ka talisa waxey jujuub ku wadaa xeer doorasho oo saldhig looga dhigey nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan Liiska Xiran kuna saleysan hal deegaan doorasho. Guud ahaan doorashada cod-iyo-qof noocey ahaataba waxey warwar ku haysaa qaybo ka mid bulshada Soomaalida gaar ahaan, reeraha tiro ahaan yar ama ku filiqsan deegaano ballaaran, sababtuna waxey u arkaan qoondada kuraasta ay hadda haystaan iney waayi karaan. Waxey ahaataba, waxaa shaki ku jirin in hanaanka doorashada ee hadda jira ee dadban kuna dhisan 5 beel (4.5) uusan ahaan doonin nidaam waara, maalin uun noqon doona mid laga guurey. Haddaba nidaamkee ku habboon doorashada Soomaalia? Soomaaliya waxaa ku habsan nidaam doorasho oo dammaanad qaadaya matalaadda beelaha laga tirada badanyahay, isla jeerkaasna qarash yar, sidoo kalana farsama ahaan fudud. Shuruuddaas koobani haddaan ku qiimeyno nidaamyadii kor ku soo xusnay, waxaa inoo soobaxaya in nidaamyada Codeynta Dooqeysan, Wareegyada badan iyo Condorcet saddexduba farsamo ahaan adagyihiin, sidoo kalana tixgalin xoogan siineyn musharrixiinta matalaya bulshada laga tirada badanyahay. Docda kale, nidaamka Horreeyaa Guuleysta waa nidaam fudud laakin wuxuu si bareer eh u dafiraa matalaadd bulshada laga tirada badan yahay. Halka nidaamka codadka gudba uu tixgalin u haayo musharrixiinta ka socda beelaha yaryar, maadaama uu codadka saqaf u yeelo wixii ka battanna saqafkaasi siiyo musharrixiinta dookha labaad ah, taasoo fursad u eh musharrixiinta bulshada laga tirada badanyahay, hase ahaatee waa nidaam adag farsamo ahaan. Haddaba dulucdu qormadani waxey ku soo biyoshubmee nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan nooca Liiska Furan ayaa ku habboon doorashada barlamaanka Soomaaliya, sababtuna waa nidaam si buuxda u tixgalinaya codadka musharrixiinta laga tirada badanyahay isla jeerkaasna farsamo ahaan fudud, sidoo kale u ma baahno wareegyo badan oo codbixin ah; wuxuuna uga fiican yahay nidaamka Liiska Xiran in codbixiyaashu garanayaan cidda ay u codeynayaan taasoo xoojineysa isla-xisaabtanka iyo matalaadd bulshada. Nidaamka Liiska Furan waxaa adeegsado waddamo ay ka mid yihiin Indunuusiya, Baraasiil, Biiruu, Biljam, Deenmaark, Giriig, Fiji iyo Sirilaanka. Waxey waddamadu ku kala geddsinyihiin tafaasiisha hoose. Dr. Afyare Cilmi oo horraantii sanadkaan ku qorey mareegta BBC laanta Af Soomaaliga qormo uu uga faalooynayo nidaamka doorasho ee munaasabka ku ah Soomaaliya ayaa qorey: “Anigu waxaan marar badan ku dooday, welina aan rumeysanahay in nidaamka doorashooyinka ee dalka ku habboon uu yahay nidaamkii aan lahayn 1954-1969 ee ahaa Liiska Xiran ee Metelaadda Isku-dheelli-tiran oo ku salaysan degmooyin badan.” Wuxuu Afyare marar badan xusey in nidaamka Liiska Xiran ku habboonyahay Soomaaliya, isagoo cuksanaya qodobo ay ka mid yihiin inuu yahay nidaam fudud oo dhowri kara qoondada dumarka iyo qoondada barakacayaasha, iyo qodob kale, hase ahaatee wuxuu moogan yahay in nidaamkani gabi ahaanba wiiqo matalaadda shacabka maadaama bulshadu si toos eh u dooran musharrixiinta ey baddalka doortaan xisbiyo; musharrixiintu waxey isku hawlaan habka ay ugu sare mari lahaayeen liiska xisbiyadooda baddalka ay isku howli lahaayeen iney kasbadaan deegaan doorashadooda. Guud ahaan, nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran wuxuu ku toolmoonyahay doorashada kuraasta xildhibaanada iyo golayaasha deegaanka oo kaliya, wuxuuna ku habboonyahay dalalka barlamaaniga uu barlamaanku iska sii dhex xusho ra’iisul wasaaraha, laakin Soomaaliya waa dal qaatay nidaamka isku-dhafka eh ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaaraha iska garab shaqeeyaan, walina lama go’aamin cidda dooraneysa madaxweyaha haddii loo gudbo doorasho qof-iyo-cod. Aragti ahaan waxaa ila toolmoon in shacabku si toos eh u doorataan madaxweynaha, gabi ahaanba la laalo nidaamka hadda ee laaluushka ku dhisan ee xildhibaanadu doortaan madaxweynaha; waxaa ila quman in madaxweynaha lagu doorto nidaam fudud oo dadweynuhu codeynayaan una baahney wareegyo badan oo codbixin ah sidoo kale daaqadda ka saaraya wada lahaanshiyaha xukunka (xisbiyo kala geddisan xukunka wada lahaanayaan) taasoo waddamo badan u horseeday jahwareer siyaasadeed, sidaaada awgeed waxaa quman in madaxweynaha ku dooranno nidaamka Horreeyaa Guuleysta. Gunaanad, doorashada qof-iyo-cod ee la rabo in loo wareego waa doorasho is dul barkan yihiin howlo badan, sida go’aaminta xisbiyada tartamaya, qaybinta kuraasta deegaan doorashooyinka, qoondada dumarka, tirada ugu yar (threshold system) ee xisbiyada laga rabo iney gaaraan si kuraas u helaan, iyo kuwa kale; mana fududa sida siyaasiinta muxaafidku ugu ololeeyaan. Hadal iyo dhamaantii, waxaa dalkeena munaasib ku ah laba nidaam doorasho, midi wuxuu ku toolmoonyahay doorashooyinka barlamaanka waa nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan nooca Liiska Furan, kan kalena waa nidaamka Horreeyaa Guuleysta wuxuuna ku habboonyahay doorashada madaxweynaha. W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Ookiyaale). The post Nidaamka doorasho ee xilligaan ku haboon Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — Nairobi County's Chief Officer for Environment, Geoffrey Mosiria, raided the Somali-owned Fay Bistrow lounge in Kilimani on Saturday evening following a series of noise complaints from local residents. The raid is part of the county's ongoing effort to curb noise pollution in residential areas, which has drawn public attention. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — Nairobi County's Chief Officer for Environment, Geoffrey Mosiria, raided the Somali-owned Fay Bistrow lounge in Kilimani on Saturday evening following a series of noise complaints from local residents. The raid is part of the county's ongoing effort to curb noise pollution in residential areas, which has drawn public attention. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) – Somali special forces officer Hanad Ahmed Muse, a member of the elite Haramcad police unit, was killed in his home on Saturday in the Moalim Noor neighbourhood of Dharkenley district, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Ethiopia hosted a ministerial meeting with Troop Contributing Countries (TCCs) to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) on October 16, 2024, despite Somalia's explicit opposition to its involvement in the new African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay farriinta ay dowladda kasoo saartay shirkii golaha wadatashiga qaran. Inkasta oo ay dowladda sheegtay inuu shirka weli furan yahay oo la isku soo laabanayo 26-ka bishaan, haddana Farmaajo wuxuu shirka ku qeexay mid fashil iyo natiijo la’aan kusoo dhamaaday, taasina ay tahay mid niyad-jab iyo kala qeybin u horseedaysa shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ku dheeraaday ka hadalka in maamullada laga hortaagan yahay inay doorasho qabsadaan iyo in madaxweyne Xasan Sheekh damacsan yahay inuu xukunka dheereysto, wuxuuna sheegay inay arrimahaasi sharci darrada ah walaac xooggan ku hayaan. Haddaba, aan eegno Xasan Sheekh iyo Farmaajo, eedaha sharci darrada ah iyo maamullada. 1. Sharci darrada xukun dheereysiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hadda u dhiman hal sano iyo dhowr bilood, weli ma sameysan muddo kororsi wallow saan-saanteeda laga dareemayo hadda. Farmaajo wuxuu xukunka si sharci darro ku joogay hal sano iyo saddex bilood, sidaas darteed Farmaajo ma ahan ninkii Xasan Sheekh ku cambaareyn lahaa doonista xukun dheereysi. Farmaajo iyada oo laga diidan yahay, oo Xasan uu kamid ahaa dadkii ka diidanaa ayuu xoog ciidan ku dhaafiyay waqtiga illaa uu kursiga awood ku fadhiyay hal sano iyo saddex bilood. Xasan Sheekh haddii uu isna halkaasi aado waa laga diidi doona inta ay jiitami doontana lama yaqaano. 2. Maamullada iyo dheelitir la’aanta Xasan Sheekh wuxuu horey u lumiyay Puntland, haatana waxaa shirka ka baxday Jubbaland. Si tan lamid ah markii uu Farmaajo xukunka hayay waxaa golaha wadatashiga qaran ka maqnaa Puntland iyo Jubbaland. Laakiin waxay ku kala duwan yihiin, Farmaajo iyada oo ay laba maamul ka maqan tahay ayuu go’aanno soo saari jirey, balse Xasan wax go’aan ah sooma saarin, maadaama shirka laba maamul ka maqan tahay. 3. Doorashada maamullada Farmaajo waxa uu ka hadlay maamullada loo diidan yahay inay doorasho qabsadaan, iyaga oo dhaafay waqtigoodii rasmiga ahaa. Tani waa sharci darro, waana ku saxan yahay Farmaajo. Laakiin markii dhinaca kala laga istaago Farmaajo wuxuu xoogay doorashada maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, isagoo kuraasta ku fadhiisiyay dad aanay dadka deegaanka rabin, mana qaban doorashooyin furan. Muddo kororsiga uu Xasan Sheekh siiyay maamul goboleedyada iyo boobkii uu Farmaajo ku sameeyay doorashooyinka maamul goboleedyada, labaduba waa laba dambi oo laga galay dastuurka dalka iyo muwaadiniinta deegaanadaas. Iyada oo la sugayo sida uu Xasan Sheekh u dhaqmi doono dhamaadka muddo xileedkiisa, haddana dhinacyada dastuur jabinta, dheelitir la’aanta golaha wadatashiga qaran iyo siyaasad xumada maamul goboleedyada wax badan isma dhaaman Xasan Sheekh iyo Farmaajo. The post FARMAAJO ma wuxuu dacwo ka yahay wixii uu shalay sameeyay mise? appeared first on Caasimada Online.
-
464116798_338318512673072_8723372102188187896_n Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Bujumbura, Burundi's capital, as part of a regional diplomatic tour to strengthen bilateral relations and security cooperation. President Hassan Sheikh held talks with his Burundian counterpart, President Évariste Ndayishimiye, at the Presidential Palace, where discussions focused on security, economic collaboration, and political alignment between the two nations. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa goordhoweyd si weyn looga maqlay dhawaaqa jug culus. Dhawaaqan oo markii hore loo maleeyay inuu yahay qaraxyo isxig-xiga marka loo fiiriyo xajmigiisa ayaa waxay Caasimada Online ogaatay in uusan aheyn qarax. Dhawaaq jugta culus ee laga maqlay Muqdisho ayaa aheyd tijaabo hub culus oo ay sameyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ee NISA, sida ay Caasimada Online u sheegen laamaha amniga. Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa mararka qaar sidan oo kale u sameeya dab rid, iyadoo aan kusii wargelin shacabka, taas oo abuurta qalqal hor leh oo dhanka ammaanka. Inkasta oo mararka qaar uu booliska kusii wargaliyo shacabka marka ciidanka sameynayaan dab rid, hase yeeshe waxaa ka badan inta laga warhelo un dhawaaqa jugta culus iyo daryanka hubka markaasi ciidanka ridayaan. Magaalada Muqdisho ayaa la daala dhaceysa culeyso amni, ayada oo shacabkeedu yihiin baqdi ku nool, inkasta oo bilihii dambe uu soo reysanayay ammaanka, haddana kooxda Al-Shabaab ayaa weli qaraxyo iyo falal amni darro ka fulisa caasimada. The post Muxuu yahay dhawaaqa jugta culus ee goordhow laga maqlay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye. Kulankan Labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Burundi, iyadoo laga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Burundi ayaa ka wada xaajooday taageerada ciidamada Burundi ay ka geysanayaan hawlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya, iyo sidii labada dal u xoojin lahaayeen iskaashiga xasilloonuda gobolka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Burundi taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan Soomaaliya, gaar ahaan ka qayb qaadashadooda nabad ilaalinta, iyadoo labada Madaxweyne ay isku raaceen in la sii xoojiyo xiriirka ganacsiga iyo diblomaasiyadeed ee labada dal. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha dalka Burundi appeared first on Puntland Post.
-
Cabdirahmaan Ducaale – Bayle iyo aqoonyahan uu hogaaminaayo oo ka soo jeeda Gobalka AWDAL ayaa maanta shaaciyey inuu si rasmi ah ugu biireen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI . Dr . Bayle waxuu sheegay in saami qeybsiga reer Awdal ka cabanayaan ay xisbiga WADDANI uu ka gudoomay inuu wax ka qabto . Sidoo kale Waxaa uu cadeeyey Dr Bayle in Cabdiraxmaan Cirro yahay shaqsiga maanta Somaliland bad baadin kara , marxaladan ay ku jirtana ka saari kara Qaran News
-
Bujumbura (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, kadib casuumaad rasmi oo uu ka helay madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi si diiran loogu dhaweeyay, ayada oo intaas kadib ay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi. Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo haatan badankii ka socda gobollada dhexe ee dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha Burundi iyo dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen, taas oo ah mid aan la ilaawi karin. Dhinaca kale, madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika. Sidoo kale wuxuu dowladda ku bogaadiyay dadaalkii horseeday qaadista cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag. Safarkan ayaa qeyb ka ah safaro dibada ah oo madaxweynaha uu ku marayo qaar kamid dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isagoo shalay gaaray dalka Uganda, halkaasi oo kulamo xasaasi ah uu kulama yeeshay dhiggiisa Museveni. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta ka degay dalka… appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ka dib casuumaad rasmi oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Burundi oo kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Burundi iyo Dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen taas oo ah mid aan la ilaawi karin. Dhinaca kale Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha Soomaaliya ka gaartay dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista Cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag. Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa xalay soo bandhigay nin ajnabi ah oo ay ku qabteen howlgal culus oo ka dhacay buuraha calmiskaad ee gobolka Bari. Ninkan oo magaciisa ku sheegay Cabdalla Mustaf Abu-deyr (Saalim) ayaa kamid ahaa xubnaha ajaaniibta ah ee ka barbar dagaalama kooxda Daacish ee Soomaaliya. Wareysi muuqaal oo laga duubay Saalim ayuu Taliska Ciidamada PSF sii baahiyay, wuxuuna ka hadlay halka uu ka yimid iyo sida uu kusoo gaaray gudaha Soomaaliya. Cabdalla Mustaf Abu-deyr (Saalim) ayaa sheegay inuu ka yimid magaalada Sakhniin ee Israa’iil, halkaasi oo uu Jaamacad kaga baranayay cilmiga Injineerinka, kadib wuxuu sheegay inuu isaga soo tegay, si uu ugu biiro Daacish-ta Soomaaliya. “Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr. Sidoo kale wuxuu ka sheekeeyay qaabka uu kusoo gaaray Puntland, uguna sii gudbuay dhulka buuraha ee ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Daacish. “Waxaan soo gaaray buuraha Daacish ku sugan yihiin waxaana halkaasi igu sugayay 5 xubnood oo ka tirsan Daacish, waxayna i keeneen meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu sii raaciyay Abu-deyr. Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, iyada oo su’aallo ay ka yimaadeen sababta uu kusoo doortay Soomaaliya, isaga oo aadi karay waddamo kale ka dhow, sida dhulka Falastiin oo uu ka socda dagaal xoogan iyo xasuuq ay Israa’iil ku heyso shacabka Gaza. Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warbixino kala duwan oo sheegayay inay sii kordhiyaan tirada ajaaniibta ku biiraya Daacishta Soomaaliya ee haatan ku xoogan deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari The post Puntland oo qabatay nin ka yimid Israel oo ku biiray Daacishta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), gaar ahaan Guutada 8aad ee qeybta 60aad, ayaa ka fuliyay howlgallo qorshaysan deegaanno ku yaalla buuraleyda gobolka Baay. Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa in la burburiyo haraadiga kooxda Shabaab ee halkaas ku dhuumaaleysanaya. Howlgallada waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaannada, Mooro Busto ,Ceel Sharif iyo Ceel Mareer . CXDS waxay gacanta kusoo dhigeen laba xubnood oo ka tirsan Shabaab kuwaas oo isku dayayay inay ka dhuuntaan howlgalka iyo cadaadiska ciidamada. Sida ay sheegeen Taliska Ciidanka Xoogga labada xubnood ee la soo qabtay waxaa lagu haya baaritaan dheeraad ah si loo xaqiijiyo xogtooda iyo xiriirkooda gudaha kooxda Shabaab. Howlgallada noocan ah ayaa qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee lagu wiiqayo awoodda Shabaab, gaar ahaan deegaanada buuraleyda iyo meelaha ay ku dhuuntaan. Source: goobjoog.com
-
Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo ay ku geeriyoodeen xubnihii aasayay, kaas oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka deegaanka Majabto, halkaas oo ay tageen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, si ay miinada u aasaan, balse iyagii ayaa ku dhintay. Qoraal kooban oo kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha dhintay oo watay mooto Fekon ay doonayeen in miinadaasi ay ku dhibaateeyaan shacabka, balse Alle uu qadaray in isla ayagii ay ku geeriyoodaan qaraxa ay diyaarinayeen. “Dhagarqabayaal katirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ayaa ku geeriyooday duleedka degaanka Majabto ee goblka Shabeeladda hoose halkaasi oo ay doonayeen inay Miinoo ugu aasaan Shacabka isticmaala wadadaasi oo muhiim u ah isusocodka Gaadiidka iyo Dadka gobolkaasi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale Taliyaha Ururka 26-aad guutada 6-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Faarax Xirsi Cabdulle ayaa sheegay in ay gaareen goobta uu falku ka dhacay, isaga oo sheegay inay soo bandhigeen labada nin ee ku geeriyootay qaraxaasi. Shabeelaha Hoose ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo duqeymo xoogan. Al-Shabaab ayaa miinooyin ku aasa inta badan wadooyinka isaga kala goosha deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo cabsi badan ku abuurtay dadka iyo gaadiidka ku safraaya dhulka, iyadoo mararka qaarna ay miinooyinku la kacaan dad rayid ah. The post Xubno Shabaab ah oo ku dhintay miino ay aasayeen, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
𝗠𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗨𝗴𝘂 𝗖𝗼𝗱𝗮𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗿 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼? Iyadoo Somaliland ay isu diyaarinayso doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa 13-ka November 2024-ka, waxaynu taaganahay marxalad taariikheed oo muhiim ah. Mustaqbalka dalkeenu waxa uu ku xidhan yahay, go’aamada aynu qaadanayno todobaadyadan socda kuwaas oo qaabayn doona masiirka umaddeena sanadaha soo socda. Xilligan oo lagu jiro hubanti-la’aan dhaqaale, kala qaybsanaan bulsho, iyo gobolladii dalka oo qaar maqanyihiin, waxa ay shacabka Somaliland u baahan yihiin hoggaamiye leh aragti fog, xirfadle la hubo oo taxaddar badan, isla markaana ummadda midayn kara. Hoggaamiyahaasi waa Dr. Cabdiraxmaan Cirro oo ah murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani. Dr. Cirro waxa uu Somaliland u soo bandhigay aragti cusub oo horu-socod ah oo si weyn uga duwan siyaasaddii fashilantay iyo ballan-qaadyadii beenoobay ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi. Hannaanka hoggaamineed ee Dr. Cirro waxa uu ku dhisan yahay hufnaanta, isku-duubnida, iyo fahamka qotada-dheer ee baahida shacabka, waxa cad in hoggaaminta Dr. Cirro si weyn oo aan shaki ku jirin loogaga raysan doono karti-darrada iyo hoggaan-xumada ragaadisay maamulka hadda jira. Dhacdooyinka u dambeeyay ee ay ka mid yihiin xubno wasiirro ah, xuldhibaanno iyo masuuliyiin sarsare oo iska casilay xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in madaxda iyo shacabkaba ay kusii kordhayaan xaqiiqada ah in Madaxweyne Muuse Biixi aanu ahayn hoggaamiyaha Somaliland maanta ka saari kara dhibka faraha badan ee xukuumaddiisu gaadhsiisay. Waddani lama yaabin in masuuliyiintii Kulmiye ka baxeen xisbiga; waxa ay si fudud u xaqiijinaysaa wax ay in badan oo reer Somaliland ahi hore u ogaayeen oo ah in la joogo xiligii isbedelka. Dadku hadda waxay garteen inay awood u leeyihiin inay hoggaanka xun ku beddelaan cid ay hubsadeen oo karti iyo aragti fog leh. Dr. Cirro waa hoggaamiyaha keeni kara isbeddelkaas. 𝗗𝗶𝗯 𝘂 𝗠𝗶𝗱𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱: 𝗛𝗼𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝘆𝗲 𝗠𝗶𝗱𝗲𝗲𝘆𝗲 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗮𝗮𝗻 𝗙𝗶𝗿𝗱𝗵𝗶𝘆𝗲 𝗮𝗵𝗮𝘆𝗻 Dr. Cabdiraxmaan Cirro waa shakhsi mideeya ah oo dadku isugu mid yahay horena ugu huray waqtigiisa iyo shaqadiisa isku soo dhawaynta dadkiisa. Waddan kala qaybsanaantu ay khatar gelin karto xasiloonida- ha noqoto mid siyaasadeed, mid gobol iyo mid beeleedba— Dr. Cirro hoggaankiisu wuxuu u taagan yahay ifafaale rajo, midnimo iyo badbaadinta qaranka. Waxa uu leeyahay karti la xaqiijiyay in uu wax ku dhegeysto, dhiso is-afgarad, iyo kala qayb galka dhammaan qaybaha bulshada wada hadal wax ku ool ah. Hannaanka hogaamineed ee loo dhan yahay waxa uu xaqiijiyaa in cod kasta la maqlo iyo in siyaasadu ay ka turjunto baahida dadka reer Somaliland oo dhan, oo aanay noqon mid dhawr qof oo keliya mudnaanta leeyihiin. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxay sii xoogaysay kala qaybsanaantii, waxana meesha ka baxay kalsoonidii shacabka iyo madaxdooda u dhexaysay. Maamulkiisu waxa uu ku guul daraystay in uu kobciyo isku-xidhnaantii qaranka, isaga oo inta badan ku dhaqaaqa tallaabooyin kali-talis ah oo kala fogaynaya qaybo badan oo shacabka ah. Dhinaca kale Dr. Cirro waxa uu fahamsan yahay in hoggaaminta dhabta ahi ay ku jirto awood siinta shacabka iyo abuurista jawi uu qof kastaa kaga qayb qaadan karo guusha qaranka. “𝐻𝑜𝑔𝑔𝑎𝑎𝑚𝑖𝑦𝑎ℎ𝑎 𝑑ℎ𝑎𝑏𝑡𝑎 𝑎ℎ𝑖 𝑤𝑎𝑎 𝑘𝑎 𝑖𝑠𝑢 𝑘𝑒𝑒𝑛𝑎𝑎 𝑘𝑢𝑤𝑎 𝑘𝑎𝑙𝑎 𝑞𝑎𝑦𝑏𝑠𝑎𝑛, 𝑤𝑎𝑎𝑦𝑜 𝑞𝑢𝑤𝑎𝑑𝑎 𝑢𝑚𝑚𝑎𝑑𝑑𝑢 𝑤𝑎𝑥𝑎 𝑎𝑦 𝑘𝑢 𝑗𝑖𝑟𝑡𝑎𝑎 𝑚𝑖𝑑𝑛𝑖𝑚𝑎𝑑𝑒𝑒𝑑𝑎”. 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮: 𝗞𝗼𝗯𝗼𝗰 𝗟𝗼𝗼 𝗗𝗵𝗮𝗻 𝗬𝗮𝗵𝗮𝘆 Somaliland dhaqaalaheedii meel isgoys ah oo khatar ah ayuu marayaa, maamulka maanta jirana waxa uu ku fashilmay maareyntii guud ahaanba dhaqaalaha. Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi waxa ay ku sifowday dib u dhac dhaqaale, shaqo la’aan baahsan, iyo kor u kaca kharashkii nolosha, iyo inuu dhammaan ku guuldareysatay inay maalgaliyaan kaabayaasha lagama maarmaanka u ah kobaca muddada dheer. Xisbiga Waddani waxa uu soo bandhigay qorshe ballaadhan oo dib loogu soo noolaynayo dhaqaalaha, shaqo abuur lagu samaynayo, laguna hubinayo in faa’iidada kobaca ay wada dareemaan muwaadiniinta oo dhan. Aragtida dhaqaale ee Dr. Cirro waxa ay diiradda saaraysaa horumarinta qaybaha muhiimka ah sida beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo tamarta la cusboonaysiin karo. Xukuumaddiisu waxay maalgelin doontaa casriyaynta kaabayaasha dhaqaalaha, abuurista shaqooyin iyada oo loo marayo mashaariicda hawlaha guud, iyo taageeridda shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs). Dr. Cirro oo si weyn uga duwan maamulka madaxweyne Biixi oo door biday macaash muddo gaaban ah in ay helaan dadka kooban oo ehelkiisa ah, waxa Dr. Cirro ka go’an in uu keeno horumar waara oo uu ka faa’iidaysto muwaadin kasta oo reer Somaliland ah. Waxa si gaar ah muhiim u ah sida ay uga go’an tahay horumarinta dekedaha dalka oo ay ka mid yihiin Berbera, Saylac, Lughaya, Bullaxaar, Xiis, Maydh, Laasqoray iyo goobo kale oo muhiim ah. Kor u qaadida dekedahani kaliya maaha mid kor u qaadaya ganacsiga iyo iskaashiga gobolka ee waxa kale oo ay abuuri doontaa kumanaan shaqo iyo in Somaliland noqoto xudunta saadka iyo ganacsiga ee Geeska Afrika. “𝑈𝑚𝑚𝑎𝑑 ℎ𝑜𝑑𝑎𝑛𝑡𝑖𝑛𝑖𝑚𝑎𝑑𝑒𝑒𝑑𝑢 𝑚𝑎𝑎𝑙𝑘𝑒𝑒𝑑𝑎 𝑘𝑢𝑚𝑎 𝑗𝑖𝑟𝑜, 𝑒𝑒 𝑤𝑎𝑎 𝑏𝑎𝑟𝑤𝑎𝑎𝑞𝑎𝑦𝑛𝑡𝑎 𝑑𝑎𝑑𝑘𝑒𝑒𝑑𝑎”. Sidoo kale, Dr. Cirro waxa u qorshaysan inuu wax ka qabto dhibaatooyinka guriyeynta, isagoo fulinaya siyaasadda guriyeynta qaranka, taasoo mudnaanta koowaad siin doonta guryaha la awoodi karo ee dhammaan shacabka Somaliland gaar ahaan shaqaalaha dawladda. Waxa kale oo ay xukuumadiisu dhamaystiri doontaa biyo-qaybinta magaalada Hargeysa, si loo hubiyo in dhamaan xaafadaha xitaa kuwa ugu liita ay helaan biyo nadiif ah. Waxaa la dhisi doonaa barkad weyn oo lagu keydiyo biyaha roobka, taasoo xaqiijinaysa sugnaanshaha biyaha ee muddada dheer ee caasimadda iyo nawaaxigeeda. “𝑈𝑚𝑚𝑎𝑑 ℎ𝑜𝑟𝑢𝑚𝑎𝑟𝑘𝑒𝑒𝑑𝑢 𝑤𝑢𝑥𝑢𝑢 𝑘𝑎 𝑏𝑖𝑙𝑎𝑎𝑏𝑚𝑎𝑎 𝑏𝑎𝑟𝑤𝑎𝑎𝑞𝑎𝑦𝑛𝑡𝑎 𝑑𝑎𝑑𝑘𝑒𝑒𝑑𝑎 𝑖𝑦𝑜 𝑠𝑖𝑑𝑎 𝑎𝑦 𝑢 ℎ𝑒𝑙𝑖 𝑙𝑎ℎ𝑎𝑎𝑦𝑒𝑒𝑛 𝑤𝑎𝑥𝑦𝑎𝑎𝑏𝑎ℎ𝑎 𝑙𝑎𝑔𝑎𝑚𝑎 𝑚𝑎𝑎𝑟𝑚𝑎𝑎𝑛𝑘𝑎 𝑢 𝑎ℎ 𝑛𝑜𝑙𝑜𝑠ℎ𝑎”. 𝗗𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮: 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 Dhinaca difaaca qaranka Dr. Cirro waxa uu fahansan yahay muhiimada ay leedahay in la helo ciidan si fiican u tababaran oo qalabaysan, si loo ilaaliyo qaranimada Somaliland, nabaddana loo sugo. Maamulka Madaxweyne Biixi ayaa dayacay baahida ciidamada, taas oo keentay niyad jabka iyo mooral xumada ciidamada qalabka sida iyo inay qaar ka mid ah gobolladii dalka hoggaan xumadiisu gacanta Somaliland ka saartay. Dr. Cirro waxa uu balan qaaday in uu wax ka badali doono dhaqaalihii, tabobarkii iyo taakulaynta raga iyo dumarka difaacaya dalkeena. Waxqabadkiisa ugu muhiimsanna waxaa ka mid ah in uu mushaharka ciidamada u kordhin doono 250% iyo inuu guryo u sameeyo Ciidanka Qaranka isaga oo u dhisaya 15,000 oo guri oo loogu talagalay ciidamada. Tani kaliya ma hagaajin doonto xaaladaha nololeed laakiin waxay sidoo kale dejin doontaa halbeeg loogu talagalay horumarinta guriyeynta dalka oo dhan. Xukuumadda Dr. Cirro waxay xaqiijin doontaa in ciidamada loola dhaqmo si sharaf iyo karaamo leh, iyadoo dib loo soo celinayo hankii iyo hufnaantii ciidamada qalabka sida. “𝑄𝑎𝑟𝑎𝑛 𝑎𝑤𝑜𝑜𝑑𝑖𝑖𝑠𝑎 𝑙𝑎𝑔𝑢𝑚𝑎 𝑞𝑖𝑦𝑎𝑎𝑠𝑜 𝑖𝑛𝑡𝑎 𝑎𝑦 𝑙𝑒’𝑒𝑔 𝑡𝑎ℎ𝑎𝑦 𝑐𝑖𝑖𝑑𝑎𝑛𝑘𝑖𝑖𝑠𝑢, 𝑏𝑎𝑙𝑠𝑒 𝑤𝑎𝑥𝑎 𝑙𝑎𝑔𝑢 𝑞𝑖𝑦𝑎𝑎𝑠𝑎𝑎 𝑠𝑖𝑑𝑎 𝑤𝑎𝑛𝑎𝑎𝑔𝑠𝑎𝑛 𝑒𝑒 𝑎𝑦 𝑢 𝑑𝑎𝑛𝑎𝑦𝑛𝑎𝑦𝑠𝑜 𝑐𝑖𝑑𝑑𝑎 𝑢 𝑎𝑑𝑒𝑒𝑔𝑎𝑦𝑠𝑎”. 𝗫𝗶𝗱𝗵𝗶𝗶𝗱𝗵𝗸𝗮 𝗗𝗶𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱: 𝗛𝗮𝗯 𝗗𝗶𝗯𝗹𝗼𝗺𝗮𝗮𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱 𝗼𝗼 𝗖𝘂𝘀𝘂𝗯 Aqoonsiga caalamiga ah ayaa Somaliland u ahaa muhiimadda iyo riyada ugu weyn in muddo ah, haddana xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi wax yar oo horumar ahna kama sameyn. Dr. Cirro waxa uu leeyahay istiraatijiyad cad oo geesinimo leh, waaqici ah oo uu ku horumarinayo qadiyadda Somaliland ee aqoonsiga ee masraxa caalamiga ah. Habka uu u dhaqmayo ayaa diiradda saaraya sidii uu xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan ula yeelan lahaa jilayaasha muhiimka ah ee caalamiga ah, oo ay ku jiraan Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo Mareykanka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga gobolka ee dalalka deriska ah. Dr. Cirro waxa uu fahamsan yahay in aqoonsigu aanu habeen qudha ku imanayn, balse la helo xidhiidh diblomaasiyadeed oo joogto ah iyo muujinta xasiloonida, dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha Somaliland, waxa uu aaminsan yahay in ictiraafka dariiqaa lagu gaadhi karo. Xukuumaddiisu waxa kale oo ay ka faa’iidaysan doontaa goobta istaraatajiyadeed ee Somaliland ku taalo iyo muhiimadda dhaqaale ee sii kordhaysa si ay u samayso kiis adag oo aqoonsi rasmi ah lagu gaadho. “𝐴𝑞𝑜𝑜𝑛𝑠𝑖𝑔𝑢 𝑘𝑢𝑚𝑎 𝑦𝑖𝑚𝑎𝑎𝑑𝑜 𝑏𝑎𝑎ℎ𝑖𝑑𝑎 𝑖𝑦𝑜 𝑑𝑜𝑜𝑛𝑖𝑠 𝑘𝑎𝑙𝑖𝑦𝑎, 𝑙𝑎𝑎𝑘𝑖𝑖𝑛 𝑤𝑢𝑥𝑢𝑢 𝑘𝑢 𝑦𝑖𝑚𝑎𝑎𝑑𝑎𝑎 𝑚𝑢𝑢𝑗𝑖𝑛𝑡𝑎 𝑞𝑖𝑖𝑚𝑎ℎ𝑎𝑎𝑔𝑎 𝑖𝑦𝑜 𝑢 ℎ𝑒𝑒𝑙𝑙𝑎𝑛𝑎𝑎𝑛𝑡𝑎 ℎ𝑜𝑟𝑢𝑚𝑎𝑟𝑘𝑎 𝑐𝑎𝑎𝑙𝑎𝑚𝑖𝑔𝑎 𝑎ℎ.” 𝗔𝗿𝗿𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮: 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝗡𝗮𝘅𝗮𝗿𝗶𝗶𝘀 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 Aragtida Dr. Cirro ee arrimaha bulshada waa mid ku dhisan naxariis, cadaalad iyo sinnaan. Waxa uu garwaaqsaday in maamulka hadda jira uu dayacay baahiyaha dadka tabaalaysan ee danyarta ah, waayeelka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo qaxootiga. Xukuumadda Madaxweyne Biixi waxa ay ku guul-darraysatay in ay bixiso adeeg bulsho oo ku filan, taas oo keentay in dad badan oo reer Somaliland ahi aanay helin taageeradii ay u baahnaayeen si ay ugu noolaadaan nolol sharaf leh. Dr. Cirro waxa ka go’an inuu balaadhiyo barnaamijyada bulshada ee bixiya shabakada badbaadada dadka danyarta ah (Safety Nets for the disadvantaged), hagaajinta helitaanka daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, iyo hubinta in muwaadin kastaa helo fursad uu ku horumariyo. Dawladdiisu waxay mudnaan siin doontaa kooxaha la hayb-sooco, iyadoo siinaysa agabka iyo fursadaha ay uga baahan yihiin inay si buuxda uga qayb qaataan bulshada. “𝑇𝑖𝑗𝑎𝑎𝑏𝑎𝑑𝑎 𝑑ℎ𝑎𝑏𝑡𝑎 𝑎ℎ 𝑒𝑒 𝑞𝑎𝑟𝑎𝑛𝑛𝑖𝑚𝑎𝑑𝑢 𝑤𝑎𝑥𝑎𝑦 𝑘𝑢 𝑗𝑖𝑟𝑡𝑎𝑎 𝑠𝑖𝑑𝑎 𝑎𝑦 𝑢𝑙𝑎 𝑑ℎ𝑎𝑞𝑚𝑎𝑎𝑛 𝑘𝑢𝑤𝑎 𝑢𝑔𝑢 𝑛𝑢𝑔𝑢𝑙”. 𝗗𝗶𝗯-𝘂-𝗵𝗮𝗯𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹 𝗪𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮: 𝗦𝗼𝗼 𝗰𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗹𝘀𝗼𝗼𝗻𝗶𝗱𝗮 𝗵𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 Muddadii madaxweyne Biixi xilka hayey, musuq-maasuqu wuu xad-dhaafay, waxaana meesha ka baxay kalsoonidii lagu qabay hay’adaha dawladda. Garsoorkii ayaa madax-banaanidiisii lumiyey, dad badan oo reer Somaliland ahina ma rumaysna in nidaamkeenna sharcigu cadaalad ku dhisan yahay. Hoggaanka Dr. Cirro wuxuu ballan-qaadayaa inuu dib u soo celin doono kalsoonidii dawladnimo isagoo fulinaya tallaabooyin adag oo ka dhan ah musuqmaasuqa, horumarinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka, iyo xoojinta madax-bannaanida garsoorka. Xukuumaddiisu waxay samayn doontaa dib u habayn lagu hubinayo in lala xisaabtami karo mas’uuliyiinta dawladda, iyo in caddaaladdu tahay mid ay heli karaan dhammaan shacabka Somaliland, iyadoon loo eegayn xaaladdooda bulsho iyo mid dhaqaale. Dr. Cirro oo dib u soo celin doona kalsoonida garsoorka iyo hay’adaha dawladda, waxa uu abuuri doonaa bulsho cadaalad iyo sinnaan ku dhisan. “𝐶𝑎𝑑𝑑𝑎𝑎𝑙𝑎𝑑𝑑𝑢 𝑤𝑎𝑎 𝑎𝑎𝑠𝑎𝑎𝑠𝑘𝑎 𝑛𝑎𝑏𝑎𝑑𝑑𝑎, ℎ𝑎𝑑𝑑𝑖𝑖 𝑎𝑎𝑛 𝑐𝑎𝑑𝑑𝑎𝑎𝑙𝑎𝑑𝑑𝑎 𝑙𝑎𝑔𝑢 𝑘𝑎𝑙𝑠𝑜𝑜𝑛𝑎𝑎𝑛, 𝑛𝑎𝑏𝑎𝑑 𝑚𝑎 𝑗𝑖𝑟𝑖 𝑘𝑎𝑟𝑡𝑜”. 𝗔𝘄𝗼𝗼𝗱𝗮 𝗶𝘀𝗯𝗲𝗱𝗲𝗹𝗸𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗴𝗮𝗰𝗮𝗻𝘁𝗮𝗮𝗱𝗮 Doorashada 13-ka November ee fooda inagu soo haysa, shacabka Somaliland waxa ay haystaan kala doorasho cad. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxa ay ku fashilantay wax-qabadkii ay u ballan-qaadday, taas oo keentay in ummaddu kala qaybsanto, dhaqaale fadhiid ah, cidlo diblomaasiyadeed iyo in gobolladii dalka qaar maamul xumadiisa inagaga maqanyihiin. Taas bedelkeeda, Dr. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bixinayaa aragti rajo leh, midnimo iyo barwaaqo. Hoggaamintiisa oo ku dhisan hufnaan, isku-duubni iyo u heellanaanta shacabka, waa waxa ay Somaliland u baahan tahay xilligan adag. Cod-siinta Dr. Cirro iyo Amb. Maxamed Cali waa u codeynta guryo la awoodi karo, kaabayaasha oo la casriyeeyo, maaraynta kheyraadka si mas’uuliyad leh, iyo dhaqaale xoog leh oo adkeysi badan. Waa cod lagu taageerayo hogaamiye ilaalin kara qaranimadeena, qadiyada Somaliland u soo bandhigaya si ictiraaf caalami ah dhakhso loogu gaadho, dhisi doona bulsho naxariis badan oo aan cidna la reebin. November 13, 2024, reer Somaliland waxay awood u leeyihiin inay keenaan isbedel dhab ah. Haddii aan u codeyno Dr. Cirro iyo Xisbiga Waddani, waxaynu ku xaqiijin karnaa mustaqbal ifaya oo barwaaqo iyo badhaadhe u ah ummaddeenna. “𝑀𝑢𝑠𝑡𝑎𝑞𝑏𝑎𝑙𝑘𝑢 𝑔𝑎𝑐𝑎𝑛𝑡𝑖𝑖𝑛𝑎 𝑎𝑦𝑢𝑢 𝑘𝑢 𝑗𝑖𝑟𝑎𝑎 𝑒𝑒 𝑢 𝑐𝑜𝑑𝑒𝑒 ℎ𝑜𝑟𝑢𝑚𝑎𝑟𝑘𝑎, 𝑢 𝑐𝑜𝑑𝑒𝑒 𝑚𝑖𝑑𝑛𝑖𝑚𝑎𝑑𝑎, 𝑢𝑛𝑎 𝑐𝑜𝑑𝑒𝑒 𝐷𝑟. 𝐶𝑎𝑏𝑑𝑖𝑟𝑎𝑥𝑚𝑎𝑎𝑛 𝐶𝑖𝑟𝑟𝑜”. 𝗕𝘆 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗛𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗠 𝗠𝘂𝘀𝗮 Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha ee Xisbiga Waddani E-mail:halimusa4@gmail.com Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland 𝗦𝗮𝗯𝘁𝗶, 𝗢𝗸𝘁𝗼𝗼𝗯𝗮𝗿 𝟭𝟵, 𝟮𝟬𝟮𝟰 Qaran News