-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa si weyn u taageeray, isla-markaana dhaqangeliyay go’aan kasoo baxay dowladda federaalka oo horay loogu mamnuucay isticmaalka iyo ka ganacsida Bacaha halka la isticmaalo. Wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada ayaa maanta ku dhowaaqday in deegaanada maamulkaas laga mamnuucay isticmaalka Bacaha iyo in lasoo dajiyo oo laga ganacsado, iyada oo go’aankan uu daba socdo midkii ay horay usoo saartay wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada Soomaaliya oo dhowaan dalka ka mamnuucday Bacaha. “Haddaba wasaaradda waxa ay ku wargelineysaa in dhammaan goobaha ganacsiga ee lagu arko iibinta iyo isticmaalidda Bacaha aan kor kusoo xusnay uu ganaax ku waajibi doono, sida ku cad xeerka ilaalinta iyo maareynta deegaanka Puntland,’ ayay tiri wasaaradda deegaanka Puntland. Horay sidan oo kale waxaa u mamnuucay isticmaalka Bacaha halka mar la isticmaalo Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo maamulka gobolka Banaadir oo xoojinaya go’aanka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Soomaaliya oo dalka looga mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka Bacda, si loo ilaaliyo deegaanka, loogana hortago in la wasaqeeyo. Si kastaba, tallaabadan ayaa muujineyso in Puntland ay kasoo dabceyso halkii ay joogtay, kadib markii ay horay u shaacisay inay xirirka u jartay dowladda federaalka. Labada dhinac ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf siyaasadeed oo culus oo saameeyay wada shaqeyntii Puntland iyo dowladda dhexe, kaas oo gaaray meeshii ugu xumaa. Hoos ka khirso:- asan The post PUNTLAND oo taageertay go’aan kasoo baxay DF – Maxaa is-beddalay? appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Taageerada Hawlgallada, Mudane Atul Khare, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta taageerada xagga amniga iyo farsamo ee Q.M. u fidiso dowladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa, gaar ahaan qorshaha ciidanka amniga Soomaaliya kula wareegayaan goobaha ay banneeyaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo u diyaargarowga hawlgalka cusub ee AUSSOM. Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Waaxda Taageerada Hawlgallada, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhowaynta Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo ugu hambalyeeyay Soomaaliya kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, una rajeeyay in Soomaaliya ay gacan ka geysan karto nabadda iyo horumarka gobolka iyo guud ahaan caalamka. Source: goobjoog.com
-
“Nin abeeso koriyow adigaa u aayi, axdi malaha Xabashidu laga aaminaayo” ereyo ka mid ahaa hees uu qaaday AUN Yaasiin Axmed Digfeer. Cabdullaahi Yuusuf oo la jooga ciidammo ka tirsanaa SSDF meel ka mid ah Soomaali Galbeed. Garoowe (Faallo) — Bishii Maajo 1984kii waxay ciidammada taliskii Dergiga ee Itoobiya ku xasuuqeen xeryo ku yiil dhulka Soomaali Galbeed ciidammo ka tirsanaa ururkii SSDF. Ismaandhaafkii dhexmaray Madaxweynihii Itoobiya Mengustu iyo marxuum Cabdullaahi Yuusuf 1982kii ayaa sabab u ahaa xasuuqaas. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu 1982kii ka hor yimid sheegashadii Mengistu in Galdogob iyo Balanbaalle ka tirsan yihiin Itoobiya. Ciidanka Itoobiyaanku waxay 1984kii soo bandhigeen qorshe ciidanka SSDF iyo ciidanka Itoobiya ay weerarro ugu qaadayaan Soomaaliya. Saraakiishii sarsare ee ciidammada SSDF way ka hor yimaadeen go’aankaas waayo waxay u arkayeen in Itoobiya sheeganayso dhul ka mid ‘Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya.’ Weerarka lagu laayay ciidammadii SSDF kaddib ciidammo badan oo SSDF ka tirsanaa ayaa u soo baxsaday Soomaaliya. Mengistu Haile Marian ayaa amray in weerar lagu qaado ciidammada SSDF si hub ka dhigis loogu sameeyo. Dagaal socday 5 maalmood ayaa dhacay oo dhimasho iyo dhaawac badan sababay. Dhowr bilood kaddib weerarkaas dowladda Itoobiya ayaa 1985kii xabsiga u taxaabtay Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ku qoray buuggiisa Halgan iyo Hagardaamo in dowladda Itoobiya qabtay tuhun ahaa inuu ciidammada SSDF ka rarayo Itoobiya kaddib booqashooyin uu ku tagay Liibiya iyo Yementii Koonfureed. Kala-jab weyn ayaa ku dhacay SSDF. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ku dooday in xubno ka tirsanaa SSDF ay la shaqaynayeen Itoobiya iyo in Wasiirkii Gaashaandhiga Itoobiya uu ku amray inuu hoogaaminta SSDF ku wareejiyo marxuum Maxamed Faarax Jimcaale. Dhowr buug oo ay qoreen xubno ka tirsanaa SSDF. Midowgii Soofiyeeti, oo dhisidda Nabadsugiddii Soomaaliya (NSS) kaalin weyn ku lahaa kuma faraxsanayn in Cabdullaahi Yuusuf gacansaar la lahaa Itoobiya. In Cabdullaahi Yuusf diiddanaa hantiwadaag iyo shuuciyadda wax qarsoon ma ahayn, laakiin waxaa la garan la’aa sababta uu gacansaar u la yeeshay Itoobiya oo uu ka jiray talis shuuciyad ku dhaqma oo ku tiirsanaa Midowgii Soofiyeeti. Dowlada Itoobiya kalsoonidarro badan ayaa soo foodsaartay markii uu xumaaday xiriirkii ay la lahayd Midowgii Soofiyeeti. Sanadkii 1982 hogaamiyihii Midowgii Soofiyeeti Yuri Andropov ayaa baajiyay booqasho uu Mengustu ku tagi lahaa Moosko. 1982kii wuxuu ahaa sanadkii Itoobiya qabsatay Galdogob iyo Ballanbaale kuna xadgudubtay Cahdiga Midowga Afrika ku saabsan dhowrista qarannimada dalalka xubnaha ka ah ururkaas. Midowga Soofiyeeti wuxuu aqbalay in Itoobiya ku xadgudubtay go’aankii Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ciidammadii Soomaaliya kaga soo saareen Soomaali Galbeed 1978kii. Cyrus Vance, Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Maraykanka Cyrus Vance ayaa 1978kii sheegay in Maraykanku hubeyn doono Soomaaliya haddii ciidammada Itoobiya soo galaan Soomaaliya. Midowga Soofiyeeti oo diiddan weerarka Itoobiya ku qaadday Soomaaliya ayaa ku gacansayray dalabkii Mengistu ku doonayay hub badan. Cabdullaahi Yuusuf wuu ogaa cadaadiska diblomaasiyaadeed saarnaa Mengistu oo doonayay inuu aalad ka dhigto ciidammada SSDF si uu ugu sii doodo in dhul Soomaaliyeed ka mid yahay dalka Itoobiya. Casharrada laga baran karo taariikhdaas 40 sano ka hor dhacday waa in danaha uu dal leeyahay in danaha urur ama ururro ku tiirsan dalkaas ay leeyihiin ay had iyo jeer iska hor yimaadaan. Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa hadda ku socda waddadii Mengistu uu ku socday. Abiy wuxuu mar sheegtaa inuu diyaar u yahay inuu u dagaallamayo Maraykanka, marna inuu la jiro Ruushka iyo dalalka ku midoobay BRICS. Taariikhda ururkii SSDF oo buugag dhowr ah (ku salaysan xusuus) ay ka qoreen xubnihii ururkaas, xubno horena laga wareystay waxay dhalisaa su’aalo badan. Ma in SSDF sii jiri karto ayay aamminsanayeen xubnihii SSDF ku sii haray Itoobiya xasuuqii 1984kii lagula kacay ciidammadii SSDF iyo xiristii Cabdullaahi Yuusuf kaddib? Mise way xeeladaysanayeen si taliskii dhiigyacabka ahaa ee Mengistu uusan u dhibaataynin iyaga? © Puntland Post, 2024 The post Xasuuqii Itoobiya U Geysatay Ciidammadii SSDF 40 Sano Ka Hor appeared first on Puntland Post.
-
Booliska dalka jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xiray haweenay lagu eedeeyay inay 11 nin ku guursatay muddo ku siman 3 bilood, islamarkaana ay lacago badan ka cuntay. Booliska ayaa sheegay inay ogaadeen in haweenaydaani ay masaajidda tagi jirtay ka dibna ay guur shuruud la’aan ah dalaban jirtay, taas oo keentay in rag badani muddo kooban ku guursadaan. Ragga haweenaydan guursaday ayaa la sheegay inay ka qaadatay lacag gaaraysa 2000000 faranki oo lacag jabuuti ah, waxayna boolisku falkan ku tilmaameen wax is daba marintii ugu weyneed ee maalmahan ka dhacday dalkaas. Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa saartay war qoraal ah oo ay dadweynaha Soomaaliyeed kula wadaagayso in uusan jirin shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka, Hay’adda ayaa been abuur ku tilmaantay warar baraha bulshada lagu faafiyey. “Hay’adda Duulista oo mas’uul ka ah kor joogtaynta diyaaradaha uu wadanku leeyahay waxay u cadaynaysaa shacabka inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo uu soo maleegay cadowga Soomaaliya,’ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saartay SCAA. Qoraalka Hay’addu soo saartay ayaa intaas ku sii daray “Dhamaan Helicopteradii iyo diyaaradii kale ee ay dowlada Soomaaliya lasoo degtay labadii sano ee lasoo dhaafay waa bad-qabaan shaqadii qaran ee loogu talo galay ayeyna ku guda jiraan.” Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiis cusub oo ku aadan amniga ku gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi, kadib markii kulan miro dhal ah ay yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa William Ruto. Labada madaxweyne ayaa ka wad-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta ganacsiga. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxweyne William Ruto kala hadlay qorshaha bixista ciidamada ATMIS, maadaama haatan la diyaarinayo howlgal cusub oo ka bilaabanaya Soomaaliya. Kulanka labada madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay 4 qodob oo kala ah:- 1. Xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025. 2. Kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada. 3. Iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal ee arrimaha gobolka, iyagoo ka faa’iideysanaya madalaha ururrada gobolka sida EAC, IGAD iyo COMESA. 4. Adkeynta taageerada beesha caalamka ee dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar garoobaan kala-guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaaddeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sanadaha 2025-2026. Ugu dambegun Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne William Ruto iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa. Horay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u booqday dalalka Jabuuti, Uganda iyo Burundi oo iyaguna ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay bixista ATMIS iyo sidoo kale qorsha dowladda Soomaaliya ee ku aadan howlgalka cusub ee AUSSOM. The post Soomaaliya iyo Kenya oo 4 qodob ku heshiiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaba gabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Mudane William Ruto. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta ganacsiga. Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbada soo socda: Xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025. Kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada. Iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal ee arrimaha gobolka, iyagoo ka faa’iideysanaya madalaha ururrada gobolka sida EAC, IGAD iyo COMESA. Adkeynta taageerada beesha caalamka ee dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar garoobaan kala-guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaaddeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sanadaha 2025-2026. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne William Ruto iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaba gabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Mudane William Ruto. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta ganacsiga. Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbada soo socda: 1. Xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025. 2. Kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada. 3. Iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal ee arrimaha gobolka, iyagoo ka faa’iideysanaya madalaha ururrada gobolka sida EAC, IGAD iyo COMESA. 4. Adkeynta taageerada beesha caalamka ee dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar garoobaan kala-guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaaddeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sanadaha 2025-2026. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne William Ruto iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Amniga iyo Iskaashiga labada dal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad xukuumadda Soomaaliya ee dhowaan la magacaabay, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa maanta qaaday tallaabadiisii ugu horreysay, isaga oo tegay xarunta baarlamaanka. Cabdisalaan Dhaay ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu gacan qaaday, waxayna ugu hambalyeeyeen xilka cusub ee loo magacaabay. Intaasi kadib ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad iyo xubnaha golaha wasiirada cusub ee lasoo magacaabay ayaa lagu dhaariyay xarunta baarlamaanka, si ay u gataan waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen, iyada oo maanta kadib ay toos u guda geli doonaan shaqooyinkooda. Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka. Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xukuumaddiisa u horreeyay uu magacaabay ay yeelatay hal ra’iisul wasaare ku-xigeen, taasi oo meesha ka saartay ra’iisul wasaare ku-xigeenadii saddexda ahaa ee xukuumadihii dowladdii KMG ay laheyd. Magacaabista xilkaan ayaa waxaa muddo hortaagna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac iyo xildhibaannada gobollada Waqooyi oo ayagu u arkayay in la wiiqayo awoodooda, ayada oo ugu dambeyn ay Madaxtooyada ku qancisay inuu ka fuqo, Madaxweyne Xasan ayaa horey ballan-qaad ugu sameeyay magacaabista kursigaan, oo ay ka dalbadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka ku metela Koonfur Galbeed. The post Daawo: Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad oo qaaday tallaabadii ugu horreysay appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Taageerada Hawlgallada, Mudane Atul Khare. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta taageerada xagga amniga iyo farsamo ee Q.M. u fidiso dowladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa, gaar ahaan qorshaha ciidanka amniga Soomaaliya kula wareegayaan goobaha ay banneeyaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo u diyaargarowga hawlgalka cusub ee AUSSOM. Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Waaxda Taageerada Hawlgallada, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhowaynta Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo ugu hambalyeeyay Soomaaliya kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, una rajeeyay in Soomaaliya ay gacan ka geysan karto nabadda iyo horumarka gobolka iyo guud ahaan caalamka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ka wada-hadlay Qorshaha kala guurka Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku beenisay wararka ku saabsan in shil diyaaradeed ka dhacay dalka. Hay’adda Duulista Rayidka ayaa qoraalkaasi ku sheegtay ay soo saartay in aysan jirin shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka waxaana ay been abuur ku tilmaantay warar baraha bulshada lagu faafiyey. “Hay’adda Duulista oo mas’uul ka ah kor joogtaynta diyaaradaha uu wadanku leeyahay waxay u cadaynaysaa shacabka inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo uu soo maleegay cadowga Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Qoraalka Hay’adda ayaa intaas ku sii daray, “Dhamaan Helicopteradii iyo diyaaradii kale ee ay dowlada Soomaaliya lasoo degtay labdii sano ee lasoo dhaafay waa bad-qabaan shaqadii qaran ee loogu talo galay ayeyna ku guda jiraan.” Halkaan ka akhriso qoraalka Hay’adda PUNTLAND POST The post Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo beenisay in shil diyaaradeed ka dhacay dalka appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa la soo taagay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo loo haysto gefaf ka dhacay goobo dagaal oo ay ku sugnaayeen. Xubnahan oo ka kala tirsanaa qeybta 21-aad, 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, iyo saldhigga degmada ceeldheer ayaa lagu eedeeyay inay ka baxeen furimo dagaal oo ay ku sugnaayeen iyo amar diiddo ciidan. Xeer-ilaalinta maxkamadda ayaa codsatay in dil toogasho ah lagu xukumo xubnahan oo gaaraya 4 ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo isugu jira saraakiil iyo dablay iyo taliyihii saldhigga degmada ceeldheer. Inkastoo Soomaaliya ay dal muslim ah tahay, islamarkaana laga yaabo inaan askar dil lagu xukumi doonin, haddana ka baxsiga goobaha dagaalka iyo amar diidada ciidanka dalalka dunida waxaa uga degsan xeerar adag oo xabsi dheer, derajo ka xayuubin, iyo toogashoba noqan kara. Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Onlin) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida, qaybteeda 21-aad ee Galmudug ayaa maanta waxaa la horgeeyay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan inay kasoo baxeen furimaha hore ee dagaalka, xilli ay jirtay xaalad adag. Xeer ilaalinta ayaa askarta iyo saraakiisha lasoo xiray oo uu ku jiro hal sarkaal oo boolis ah ku eedeysay in ay sameeyeen dayaacad, ayna ku kaceen fal ka baxsan anshaxa ciidamada. Sidoo kale xafiiska xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya sababta ka dambeysay inay kasoo baxaan furimaha dagaalka xilli la wajahayay kooxda Al-Shabaab. Waxaa kale oo loo haystaa inay sameeyeen amar diido ay sameeyeen, kadib markii ay si iskood ah uga soo baxeen howlgalkii loo diray iyo dagaalka ay kula jireen Khawaarijta. Saraakiisha kasoo muuqday maxkamadda ayaa waxaa kamid ah:-Xiddigle Xoogga dalka Cabdi Maxamed Cumar, Xiddigle Xoogga Muxidiin Cumar Cismaan, Xiddigle Xoogga Calas Muumin Barre, Cabdulqaadir Maxamed Cumar iyo Xiddigle Boolis Cumar Maxamed Cumar oo ah taliyaha ciidanka saldhigga Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Dhankooda Qareennada difaacaya eedeysanayaasha ayaa maxkamadda horteeda ka bixiyay cudur-daar, waxayna dalbadeen in la cafiyo oo xoriyaddooda dib loogu soo celiyo. Ugu dambeyn, gddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 21-aad ee Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa soo xiray soo xiray dhageysiga dacwadda eedeysanayaasha, wuxuuna sheegay in go’aanka ay dib kasoo saari doonaan. The post Askar iyo saraakiil loo haysto kiis xasaasi ah oo kasoo muuqday maxkamadda ciidamada appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Cabdi Warsame Qawdhan, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan shirka ay Puntland ku baaqday in lagu qabto magaalada Garoowe, isaga oo diiday in uu ka qayb galo. Qoraalka uu soo saaray wuxuu ku sheegay in go’aanka uu qaatay yahay mid ku saleysan tixgelinta rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo oo ay 6-da Febraayo 2023 ku dhawaaqeen in ay noqdaan maamul madax-bannaan oo si toos ah uga tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in uu aqbalay go’aankaas isla maalintaas la gaadhay. waxa uu cadeeyay in go’aankiisa uu yahay mid u taagan ilaalinta iyo metelaadda danaha shacabka SSC-Khaatumo ee Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyay in go’aankaas darteed uusan uga qaybgelin shirka ay Puntland ugu baaqday in Garoowe lagu qabto. Sidoo kale Inta badan Xildhibaanada kasoo jeedda SCC Khaatumo ayaan ka qeyb gali doonin Shirka. Waxa ay sheegeen in ay leeyihiin maamul gooni ah. Source: goobjoog.com
-
Midawga Yurub ayaa ka hadlay doorashooyinka Somaliland ee u mudaysan inay dalka ka qabsoomaan 13 bisha soo socota ee November 2024, kuwaasi oo ololahoodii ka socdaan guud ahaanba Somaliland. Sida lagu sheegay qoraal caawa lagu faafiyey baraha bulshada Internet ka ee Midawga Yurub, Safiirka EU-da ee Soomaaliya Ambassador Karin Johansson oo safar muddo laba maalmood ah ku timid Somaliland ayaa Hargeysa shirar kula qaadatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, hoggaanka xisbiyada, musharaxiinta Madaxweynaha ee xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka, kuwaas oo lagaga wadahadlay arrimo la xidhiidha hannaanka dimuqraadiyaynta Somaliland sidii ay Somaliland uga dhici lahayd doorasho xor ah, xalaal ah oo lagu wada kalsoonaan karo. Sidaa qoraalkan lagu sheegay Safiirka Midawga Yurub ayaa Komishanka Doorashooyinka qaranka ku ammaantay sida ay ugu diyaar garoobeen hawlaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay qabanqaabada doorashada soo socota ee Somaliland. Hadalkan ka soo baxay Midawga Yurub ayaa ku soo beegmaya xili ay dalka ka socdaan Ololaha Doorashooyinka isku sidan ee Madaxtooyadda iyo doorashada tooska ee Ururrada Siyaasadda, iyadoo sidoo kalena ay dalka soo gaadheen waraaqihii codaynta iyo agabkii kala duwanaa ee doorashooyinku. Source
-
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen wadaadka loo malaynayay in uu xilka kala wareegi doono hoggaamiyihii geeriyooday ee Xisbullah, Xasan Nasrallah , kaddib weerar xagga cirka ah oo ay fuliyeen ku dhawaad saddex toddobaad ka hor. Haashim Sayfudiin ayaa ku dhintay duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan ee Beirut, sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israel (IDF). Ururka Xisbullah, oo ah urur awood badan oo Shiicada Lubnaan ah lana dagaallama Israa’iil, ayaan wali xaqiijin geerida Sayfudiin. Hoggaamiyihii hore, Nasrallah, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay Beirut 27-kii bishii hore ee Sebtembar. Kadib duqeyn cirka ah oo 4-tii Oktoobar ka dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada, saraakiisha Xisbullah ayaa sheegay in ay lumiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Safiiddine, halka warbaahinta Mareykanka ay soo xiganeyso mas’uuliyiin Israa’iiliyiin ah oo sheegaya in wadaadka uu ahaa bartilmaameedka duqeynta. Qaraxyo waaweyn ayaa gilgilay magaalada habeenkaas , waxaana ka soo baxay qiiq aad u badan oo ilaa subaxnimadaas la arkayey. Talaadadii, ciidanka difaaca Israa’iil, waxay soo saareen bayaan ay ku sheegayaan in Safieddine lala dilay Cali Xuseen Xazima, oo lagu tilmaamay inuu ahaa taliyihii xarunta sirdoonka ee Xisbullah, ka dib markii ay weerar ku qaadeen xarunta ugu weyn ee sirdoonka ee Xisbullah oo ku taalla Beirut. Waxay ku eedaysay Safieddine inuu muddo hagayey “weerarada ka dhanka ah Israa’iil” sidoo kalena uu qeyb ku lahaa go’aanada masiiriga ah ee Xisbullah. Xisbullah ayaa ah urur siyaasadeed militari iyo bulsho, oo awood weyn ku leh Lubnaan. Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Israa’iil iyo kuwo kale ayaa u aqoonsaday inay yihiin urur argagaxiso. Safieddine laftirkiisa waxaa Mareykanka iyo Sacuudiga ay ku dareen liiska “argagixisada caalamiga ah” sanadkii 2017-kii. Ninkaan oo ay ilmo adeer yihiin Xasan Nasrallah, waxa uu culuum diimeed ku soo qaatay dalka Iran, wiilkiisa ayaana guursaday gabadh uu dhalay Gen Qasem Soleimani, oo ahaa taliyihii ugu awoodda badnaa milatariga Iran, kaas oo lagu dilay duqayn cirka ah oo Maraykanku ka gaystay Ciraaq 2020. Waxaa la rumeysan yahay inuu da’diisu ahayd 60 jir markii la sheegay inuu dhintay. Khudbad uu ka jeediyay Beirut dhawaanahaan, Safieddine ayaa ka hadlay arrimaha ku saabsan cidda hoggaamineysa Xisbullah, waxa uuna yiri, “Iska caabintayada, marka hogaamiye kasta uu shahiido, mid kale ayaa calanka qaata oo sii wata go’aanka,” ayuu yiri waxaana hadalkaan laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP. Israa’iil ayaa qaaday duullaanka ka dhanka ah Xisbullah kadib ku dhawaad sanad oo ay ku jirtay colaad xuduudeed ka dhashay dagaalka Qaza, iyadoo sheegtay in ay doonayso in ay xaqiijiso in ay si nabad ah ku soo laabteen dadka deggan deegaannada xudduudaha ee ay ka barakiciyeen weerarrada, gantaallada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah. Sanadkii la soo dhaafay, ugu yaraan 2,464 qof oo Lubnaan ah ayaa la dilay ku dhawaad 12,000 oo kalena waa la dhaawacay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan. Hezbollah waxa ay Israa’iil ku weerartay kumanaan gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn isla muddadaas, ugu yaraan 59 qof ayaa lagu dilay waqooyiga Israa’iil iyo buuraha Golan ee la haysto, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Source
-
Qaramada Midoobay ayaa dhowaan sheegtay inay ka walaacsantahay qaxooti u dhashay dalka Turkiga oo Kenya ku nool, kuwaas oo dalkooda qasab loogu celinayo. Sidoo kale kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dhowr qof oo u dhashay Turkiga lagu afduubay gudaha kenya si loogu celiyo dalkooda, taas oo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah. Afarta qof oo lagu kala magacaabo Mustafa Genc, Huseyin Yesilsu, Ozturk Uzun iyo Alparslan Tasci ayaa jimcadii la soo dhaafay dib loogu celiyay Turkiga, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya. Dadkan ayaa u badan xubno ku luglahaa afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016 ka dhacay Turkiga iyo qaar gacan-saar la leh wadaadka lagu magacaabo Fatxullaahi Guulaan oo aad uga soo horjeeda siyaasadda madaxweyne Erdogan. Wadaadkan ayaa maamula hay’ado iyo ururro badan oo kuwo arrimaha sama-falka ka shaqeeyaahi ay ku jiraan, kuwaas oo ka howlgala dalalka dunida qaarkood, waxayna dowladda Turkigu doonaysaa inay xididada u siibto ururradaas. Source: goobjoog.com
-
Soomaaliya ayaa loo ansixiyey Mashruucii ugu horeeyey oo gaar u ah maalgelinta sare u qaadidda Adkeysiga Cimilada Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-makhzoumi iyo wefdi ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund. Kalfadhigan oo lagu qabtay magaalada incheon songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta lagu ansixiyey $100 Malyuun oo Doollar taasi oo lagu fulinayo Mashruuc kor loogu qaadayo Adkeysiga Cimillada ee Bulshada Soomaaliyeed. “Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF” ayay tiri Khadiija Maxamed Al-makhzoumi. “Soomaaliya waxa ay la timid ka go”naan wax loogu qabanayo dhibaatooyinka doorsoonka Cimilada, waxaana naga go’an inaan xoojinno iskaashiga gudaha iyo kan dibadda si loo fuliyo mashaariic waxtar u leh dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed” ayay sii raacisay Al-makhzoumi. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo loo ansixiyay Mashruuca Maalgelinta adkeysiga Cimilada appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk) — One day after Puntland Post published a report on a primary school in Eyl where pupils sit on the floor in classrooms without teaching aids, Kaalo Netherlands, an NGO, today donated desks and chairs to the school. “We are donating desks and chairs to the school through the Nugaal Regional Education Authority. Supporting educational institutions means supporting the future of our children. Let us support the Ministry of Education in this endeavour,” Abdisalam Karod, the Chairman of Kaalo Netherlands, wrote on his Facebook page. Kaalo Netherlands Chairman sharing the donation news on his Facebook page earlier today. Photos of pupils at the coeducational primary school in the Badey neighbourhood in Eyl, sitting on the floor, sparked outrage in Puntland. The Puntland Ministry of Education has not commented on the dire educational situation, despite the regional education budget earmarked for the Nugaal Regional Education Authority. © Puntland Post, 2024 The post Kaalo Netherlands Donates Desks and Chairs to Eyl School appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Waddanka Kenya William Ruto ayaa Xarunta Madaxtooyada dalkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ay Kulan ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada dalka Kenya. Qoraalka ka soo baxay Villa Somalia ayaa sido kale lagu sheegay in labada Madaxweyne Kulankooda kaga wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada Waddan ee Soomaaliya iyo Kenya. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Mudane William Ruto oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal” ayaa lagu yiri Warkaasi. Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Waddanka Kenya ayaa qeyb ka ah Socdaal uu ku marayo dalalka Gobolka ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo uu kala hadlayo Marxaladda Kala guurka Hawlgalka ATMIS. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo Shir ka yeeshay Xoojinta Iskaashiga labada Waddan appeared first on Puntland Post.