-
Content Count
212,876 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caasimada ka wada ololaha doorasho qof iyo cod, kaas oo qorshaheeda wado dowladda madaxweyne Xasan Sheekh. Madaale ayaa maanta kulan la qaatay hogaanada ururka dhalinyaradda gobolka Banaadir oo uu hogaaminayo guddoomiyaha ururka dhalinyarada Cumar Cabdiraxmaan Macow. Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Maxamed Yabooh ayaa wuxuu guddoomiyaha uga hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka doorasho ee la rabo in shacabka reer Muqdisho ay kusoo doortaan hoggaankooda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiye Madaale ayaa dhalinyarada u sheegay inay isku diyaariyaan doorashooyinka tooska ah ee xukuumadda federaalka dooneyso inay dalka ka hirgeliso, si gaar ahaan gobolka Banaadir. Intii uu kulanka socday waxaa warbixin sanadeed lagaa dhageystay hogaanada ururka dhalinyarada degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoona soo bandhigay waxqabadka sanadka sii dhamaanaya ee 2024, caqabadaha iyo qorshayaasha u dagsan sanadka soo socda ee 2025. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyntiina wuxuu kula dar-daarmay hogaanka dhalinyarada gobolka Banaadir in ay dar-dargeliyaan ka qeyb qaadasha nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska. Madaale ayaa muddooyinkii dambe taageero bulsho u raadinayay qorshaha doorasho ee diidan yihiin mucaaradka, isagoo maalmo kahor magaalada Muqdisho iskugu soo saaray boqolaal kamid ah bulshada caasimada, si loo taageero hanaanka doorasho qof iyo qof oo haatan uu ansixintiisa wado baarlamaanka Soomaaliya.
-
Suuqa Waaheen ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo xiligan uu ka socdo dib u dhis balaadhani ayaanu saaka booqanay si aanu u ogaano waxa uu shalay galab Muuse Biixi uu xadhiga ka jaray. Waxa yaab iyo amakaag nagu noqtay in aanu aragnay suuqa oo qabyo ah oo aan la dhamaystirin walina qabyo ah . Sideedaba waxa xadhiga laga jaraa marka ay shirkada wax dhosaysaa ay ka faraxalato ee ay soo wareejiso dhamaan furayaasha ee shirkadana la siiyo wixii lacag u hadhsan. Suuqa Waaheen waxa ay u eegtahay in si miyir qabta xadhiga looga jari doono marka ay shirkada ku jirtaa ay dhamaystirto dhamaan dhismayaasha oo dhan. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Somali State Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ali Mohamed Omar, met with French State Minister for Francophonie and International Partnerships, Thani Mohamed-Soilihi, in Paris on Saturday to discuss enhancing bilateral relations across various sectors. Source: Hiiraan Online
-
A decade after he entered a woman’s bedroom in the dark of night and sexually violated her, leaving her with an STD and him with her laptop and other things he stole, Mohammed Abdiwali has lost his refugee status. Not because of his lengthy and serious criminal history, but because it’s been deemed he’s no longer at risk in Somalia. So will he be deported? Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay sheegashada dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidamo horleh oo ka tirsan maamulkaasi ay maanta isku dhiibeen ciidamada qalabka sida ee ku sugan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka lasoo bandhigay oo watay doonyo aanay kamid ahayn markii hore Daraawiishta maamulkaasi, balse ay yihiin ciidamo uu abaabulay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Badhaadhe Maxamed Fanax. “Goor hore oo saaka ah ayaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal sadex Doomood oo sidda ciidan lagu sheegay in ay yihiin kuwa daraawiishta Jubaland, hayeeshee aysan ciidankaasi aheyn ciidan Jubaland ka tirsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Jubbaland. Waxaa kale oo lasii raaciyay in arrintan ay ka dambeyso dowladda Soomaaliya, si ay u sumcad disho ciidanka Daraawiishay maamulka Jubbaland. “Warbaahin uu isticmaalaayo Eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmahanba waday sumcad dilka, qeybaha kala duwan ee ciidamada Jubaland kuwaas oo sida caadiga ah kujira howlahoodi shaqo ee ay dadka iyo deegaanka u hayeen” ayaa mar kale lagu yiri. Saaka dowladda Soomaaliya ayaa baahisay inay ciidamada dowladda ee ku sugan Raaskambooni ay isku soo dhiibeen ciidamo ka tirsan Jubbaland, aadna loo soo dhaweeyay. “Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Khawaarijta ah ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Horay waxaa sidaan oo kale usoo goostay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland, kuwaas oo la keenay Muqdisho, si loogu sameeyo diiwaan gelin, loona siiyo mushaaraad iyo abaal-marinno ay u ballan qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Arrintan ayaa u muuqato mid ay dowladda federaalka ku kala furfureyso ciidanka Jubbaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay.
-
Dowladda ayaa maanta shaacisay warbixin ku saabsan heerka xanuunka HIV/AIDS-ka ee guud ahaan degaannada Puntland. Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC oo shaacisay warbixintaasi ku saabsan heerka xanuunka ayaa sheegtay in tirada guud ee dawada HIV/AIDS-ka qaadata yihiin 646 qof. Sida ay muujinayso warbixinta hay’adda PAC, waxaa magaalada Gaalkacyo oo keliya daawada AIV/AIDS-ka qaata 205 oo qof, halka caasimadda Garoowe ay daawada qaataan 197 ruux. Magaalada Boosaaso waxaa daawada AIDS-ka qaata 181 qof, halka Qardho ay 54 qof ay qaataan dawooyinka HIV-ga, islamarkaana degmada Badhan 9 qof oo keliya qaataan daawada xanuunkani, sida ay tilmaantay warbixinta PAC. Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC ayaa warbixintani ku soo bandhigay xuska maalinta Aids-ka aduunka oo maanta Garoowe lagu qabtay. PUNTLAND POST The post Warbixin laga soo saaray heerka xanuunka HIV/AIDS-ka ee guud ahaan degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI: Kenya’s President William Ruto said on Saturday he and Ugandan President Yoweri Museveni would help mediate a dispute between Ethiopia and Somalia, threatening the region’s stability. Landlocked Ethiopia, which has thousands of troops in Somalia to fight Al-Qaeda-linked insurgents, has fallen out with the Mogadishu government over its plans to build a port in the breakaway region of Somaliland in exchange for possible recognition of its sovereignty. Somaliland has struggled to gain international recognition despite governing itself and enjoying comparative peace and stability since declaring independence in 1991. The spat has drawn Somalia closer to Egypt, which has quarreled with Ethiopia for years over Addis Ababa’s construction of a vast hydro dam on the Nile River, and Eritrea, another of Ethiopia’s foes. Somaliland has struggled to gain international recognition despite governing itself and enjoying comparative peace and stability since declaring independence in 1991. “Because the security of Somalia … contributes significantly to the stability of our region, and the environment for investors, business people, and entrepreneurs to thrive,” he told a news conference. Several attempts to resolve the feud in Ankara, Turkiye, failed to make a breakthrough. Ethiopia’s government and foreign affairs spokespeople did not immediately respond to requests for comment. Somalia’s foreign minister could not immediately be reached by Reuters. The government of Somalia’s semi-autonomous Jubbaland state said earlier it was suspending relations and cooperation with the federal government in Mogadishu following a dispute over regional elections. Jubbaland, which borders Kenya and Ethiopia and is one of Somalia’s five semi-autonomous states, reelected regional president Ahmed Mohammed Islam Madobe for a third term in elections on Monday. However, the national government based in Mogadishu, led by President Hassan Sheikh Mohamud, opposed the election, saying it was held without federal involvement Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo saartay amar ka dhan ah qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo loo gudbiyay saraakiisha ku sugan garoonka Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xildhibaannadaasi ayaa ah kuwa kasoo jeedo dhanka deegaannada Jubbaland, waxaana kamid ah Xasan Yare oo dhowaan buuq ka sameeyay kulankii ugu dambeeyay ee baarlamaanka, isaga oo feeray askari ku sugnaa xarunta. Saraakiisha gacanta ku haysa garoonka ayaa loo geeyay liiska xildhibaanno uu ku jiro Xasan Yarare oo loo yaqaan Firinbi, iyadoo loo sheegay in aanay ka dhoofi karin garoonka. Arrinta ayaa salka ku hayso gacan qaadkii todobaadkii hore ka dhacay gudaha xarunta baarlamaanka iyo xiisadda kasii dareysa ee ka taagan Jubbaland, Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa qiray inay jirto xildhibaanno ay dowladda warqad ka dhigtay garoonka Aadan Cadde, si loogu sameeyo xanibaad dhanka socodka ah. “Warqad ayaa garoonka diyaaradaha laga dhigay Xildhibaan Xasan Yare iyo Xildhibaano kale, Anaga Xildhibaanka waan aragnay waxa uu nagu yiri Muuqaalka dagaalka waa lasoo jarjaray” ayuuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo wayn, isla markaana u dhexeyso Villa Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.
-
Abdulqadir Mohamed Adan “Zippo” was a senior member of Hizbia Dastur Mustaqil Somali. Mogadishu (PP Editorial) — Shamsa Sheegow, a Somali writer, raised questions about what she believes to be the supine political attitudes of the Digil and Mirifle constituencies towards the unfolding political crisis in Somalia. “The Digil and Mirifle clans have repeatedly had the opportunity to act as neutral mediators and work towards unifying Somalia. However, each time they have had this chance, they have not fully leveraged it. This raises questions about the underlying causes of their inaction,” Shamsa tweeted yesterday. Under the discriminatory 4.5 system, Digil and Mirifle constituencies maintain a key role in Somali politics. They boast a federal member state (South West), have political representation in Jubaland, and are campaigning for representation in Banaadir. Shamsa deplored the failure of D & M political elites to offer a third way out of the current political crisis. Aadan Madoobe, the Speaker of the Federal Parliament and a former senior leadership member of Rahanweyn Resistance Army, supports violations of the provisional constitution by the incumbent Federal Government of Somalia. Unlike Puntland State and Jubaland, the South West State administration allowed its constitution to be manipulated by Villa Somalia through the National Consultative Council summits held in Mogadishu. Hassan Mohamed Nur “Shaatiguud” was the leader of Rahanweyn Resistance Army. In 2012, Baydhabo hosted a conference to form a federal member state comprising six regions. The objective, then promoted by Villa Somalia, was to foil efforts to establish Jubaland State after Kismaayo was liberated from Al-Shabaab. The establishment of South West State, made up of three regions, strengthened the political position of D & M elites in the Somali federal system. In 2022, Abdiaziz Laftagareen, the President of South West State, signed a security pact with the Somali region of Ethiopia. His administration rejected the abrupt withdrawal of Ethiopian peacekeeping forces demanded by the Federal Government of Somalia due to the maritime Memorandum of Understanding between the secessionist Somaliland Administration and Ethiopia. During the 1950s, Hizbia Digil E Mirifle (also known as Hizbia Dastur Mustaqil Somali, HDMS), a political party, was a significant force shaping the trusteeship politics of what was known as the Trust Territory of Somaliland. Before independence, Hizbia Digil E Mirifle proposed a federal system for Somalia. The position of HDMS, cynically misrepresented by rival parties, aimed to forestall a centralised post-independence state. Somalia’s adoption of a federal system in 2004 arguably vindicated Hizbia Dastur Mustaqil Somali. © Puntland Post, 2024 The post The Historic Role of Digil and Mirifle Elites in Somalia’s Federal System Under Scrutiny appeared first on Puntland Post.
-
Daawo: Ciidamo horleh oo maanta kasoo goostay Axmed Madoobe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kismaayo (Caasmada Online) – Ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Ciidamadan oo watay 4 doomood oo kuwa dheereeya ah ayaa dhanka xeebta ku yimid, waxaana kadib soo dhaweyn u sameeyay saraakiisha dowladda ee ku sugan halkaasi. Taliyaha hoggaaminayay ciidanka kasoo goostay Axmed Madoobe oo goobta ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay ku faraxsan yihiin inay kusoo biiraan dowladdooda. Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababaha ay uga soo baxeen Jubbaland, isaga oo tilmaamay in muddo dheer ay dhibaato tirsanaayeen, maantana ay garteen inay kasoo baxaan. “Sababta keentay ciidankan iyo aniga oo xukuma ma ahan in dowladda aan number ka helno ma ah inaan dhaqaale helno, waxaan halkan joognay 20 sano oo aysan jirin cid na caawineyso oo xagga badda naga taagan tahay, dhinaca kalena Al-Shabaab” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Deegaankan waxaa dhibaateeyay oo cunaqabateeyay waa argagixisada oo cid ka qabatana waayay”. Horay waxaa sidaan oo kale usoo goostay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland, kuwaas oo la keenay Muqdisho, si loogu sameeyo diiwaan gelin, loona siiyo mushaaraad iyo abaal-marinno ay u ballan qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Arrintan ayaa u muuqato mid ay dowladda federaalka ku kala furfureyso ciidanka Jubbaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay. -
Arusha (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka ku saabsan kulanka la qorsheynayo inuu dhex-maro madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, kadib markii uu shalay madaxweynaha Kenya uu shaaciyay inay ka shaqeynayaan wada-hadalka labada dal. Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Ilyaas Cali Xasan oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay kulanka la qorsheynayo in la’isugu keeno labada hoggaamiye, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ay soo dhaweyneyso dadaallo ay wadaan madaxa Geeska Afrika. “Soomaaliya waa dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika” ayuu yiri Danjiruhu. Ilyaas ayaa sidoo kale ku celiyay in weli aanus isbeddalin mowqifka Soomaaliya ee ku aadan in marka hore ay Itoobiya ka laabato heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland. “Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Ilyaas. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in dhanka Itoobiya ay ka socon la’dahay arrintu, isla markaana aysan daacad ka ahayn wada-hadalka. “Dhamaan isku-dayadii lagu doonayay in arrinka lagu dhammeeyo way miro-dhali-waayeen sabab ku aadan daacadnimo la’aanta Itoobiya” ayuu sii raaciyay. Ma cadda xilliga uu qabsoomi doono kulanka labada hoggaamoye ee uu xaqiijiyay madaxweyne Ruto, balse wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo foolka fool ah oo ay yeeshaan labada dhinac, tan iyo markii uu soo baxay khilaafkooda ku aadan badda.
-
Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni. Ciidankaan ayaa sheegay in ay kasoo goosteen Axmed Madoobe oo dhawaan dowladda Soomaaliya Waaran soo qabasho ah ay u jartay ayna diyaar u yihiin la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidankaan ayaa isku diyaarinaya dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah deegaanada maamulka Jubbaland. Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kordhay Ciidanka kasoo goosanaya maamulka Jubbaland ee ku biiraya ciidanka dhawaan ay geysay dowladda Soomaaliya deegaanka Raaskambooni. Maamulka Jubbaland ayaa horay dowladda Soomaaliya ugu eedeeyay in ay qalqalgalin amni ka waddo deegaanada Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Qaahira (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo qoys Soomaali ah ku qabsatay gudaha magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, kadib markii iyaga oo wada dhintay loogu dhex tegay gurigooda. Qoyskan oo ka koobnaa illaa lix qof ayaa dhammaantood geeriyooday, kadib markii ay ku qabatimeen gaas yiilay gurigooda oo ay ka seexdeen isaga oo furan. Wararka ayaa sheegaya in qoyskan la waayey warkooda maalintii Khamiista ahady, kadibna Sabtidii shalay maydadkooda laga helay gurigooda oo ku yaalla caasimada Masar. Mid kamid ah ehellada marxuumiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo tirada koobnaayeen dadka dhintay oo isugu jiray carruur iyo dad waa weyn. “Lixda qof waxa ay kala ahaayeen odey, wiil uu dhalay, gabar uu dhalay iyo inantu laba wiil oo ay dhashay iyo ninkii inanta qabay” ayuu yiri mid kamid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta. Sababta waxa kuu sheegay inay tahay gaaska oo guriga ku furmay, isla-markaana baaritaannada la sameeyay ay ku ogaadeen. “Geerida waxaa sababtay gaaska oo furan ayay ka seexdeen, dowladda Masar way timid waa la baaray, waxa sababay waxaa la ogaaday inay gaaska tahay oo guriga ku furmay” ayuu mar kale yiri. Booliska Masar ayaa sidoo kale ku howlan dhacdadaan, wuxuuna sii wadaa baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi oo si weyn u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta.
-
Sparking inter-clan conflict has been a strategy the outgoing President of Somaliland Administration Muse Bihi Abdi attempted to use to delay presidential elections. He has not expressed commitment to the 1995 Ceerigaabo Agreement. Ceerigaabo (PP Report) — For the past two weeks, Ceerigaabo, the administrative capital of Sanaag, has experienced targeted attacks and looting against a segment of its population. The district had until recently been spared the conflict in Sool and parts of Togdheer, but since the defeat of the incumbent Somaliland President Muse Bihi Abdi in 2024 presidential elections, naked hostility and blatant violence against Harti populations have become commonplace in the administrative capital district of Sanaag. Sparking inter-clan conflict has been a strategy Bihi attempted to use to delay presidential elections, starting with the establishment of Sool, Sanaag and Buuhoodle (SSB) militias in Qorilugud in October 2023. Last week, in the presence of authorities, looters associated with Bibi’s government targeted Harti-owned businesses and killed several people in Ceerigaabo. West Burco Clan traditional leaders in Hargeisa disassociated themselves from acts of violence and looting committed by “our people.” This sentiment helped calm the situation but also highlighted a breakdown of political order in Ceerigaabo. The outgoing Somaliland administration led by Bihi Abdi has neither vowed to protect civilians nor demonstrated any commitment to the 1995 Ceerigaabo Agreement, which was facilitated by the late Somaliland President Mohamed Ibrahim Egal to foster peaceful co-existence and respect for property rights. Elders from Laascaanood deferred to Ceerigaabo authorities, who, as one elder stated last week, “have the responsibility to protect the rights of citizens who are victims of looting and organised political violence.” The Sool, Sanaag, Cayn and Khaatumo (SSCK) administration called on the international community to urge Somaliland authorities in Ceerigaabo to curb organised political violence against people represented by the SSCK interim administration. The SSCK administration is preparing a dossier on the violence and looting in Ceerigaabo to assess the impact of displacement, loss of life and economic harm caused by the politically motivated targeted attacks. © Puntland Post, 2024 The post The outgoing Somaliland President “Fuels Targeted Attacks in Ceerigaabo” appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan ayaa caddeeyay in aysan waxba iska beddelin mowqifka dowladda Soomaaliya ee Ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Qoraal uu soo saaray danjire Ilyaas Cali Xasan ayuu ku sheegay in aan waxba isbeddelin mowqifka dowladdu ku ilaalinayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. “Mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri danjire Ilyaas Cali Xasan. Dhinaca kale, safiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhaweynayso dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. “Soomaaliya waa dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika” ayuu sii raaciyay Ilyaas. Safiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhammaan isku-dayadii lagu doonayay in arrinta lagu dhammeeyo ay miro-dhali-waayeen sabab ku aadan daacadnimo la’aanta Itoobiya. Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmay, saacado kadib markii madaxweynaha Kenya sheegay in la kulan siinayo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, si loo yareeyo xiisadda ka jirta gobolka ee ka dhalatay is afgaradkii badda ee Itoobiya iyo Somaliland. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ku celisay in aysan Itoobiya la kulmayn ilaa ay ka laabato is afgaradkii badda appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifa-jabsade ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay qeyb ka tahay hurinta colaad beeleedyada ka socda gobolka Mudug. Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ay ka siman yihiin isku dirka beelaha gobolka Mudug iyo in ay kiciyaan colaad qabiil ku dhisan, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka samaysay xuduudo qabiil, islamarkaana beelaha ku kicinayso xuduud beeleed aan jirin si ay qeyb uga noqoto dagaallada qabiilka ee ka socda Mudug. “Ama dowladda Federaalka ha ahaato ama kooxaha argagixisada ah ha ahaato ee kuwa badan oo mushkilad ka shaqaynaya ayaa jira. Xuduudo iyo dhulbaan lee nahay iyo fulaan baa dadka lagu kicinayaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifa-jabsade. Puntland ayaa marar kala duwan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in ay xambaarsan tahay aragti qabiil iyo xuduudo la kala sheegto taasi oo soo celcelisa dagaal beeleedyada gobolka Mudug. Hase yeeshee, eedeymaha Puntland ayaa la rumeysan yahay in ay tahay mid ay ka dambeyso siyaasad la isku qabtay oo markii dambe isu bedeshay cadaawad kadib markii Garoowe looga adkaaday dagaalka siyaasadeed. Puntland ayaa hadda sidoo kale la safan Jubaland oo ay is-hayaan dowladda federaalka, waxaana sidoo kale siyaasiyiinta Garoowe ay riixayaan SSC-Khaatumo si ay ugu soo biirto isbahaysigooda, si khilaafka siyaasadeed loogu rogo mid qabiil.
-
Lix qof oo Soomaali ah, oo isku qoys ahaa, ayaa meydkooda laga helay guri ay degganaayeen oo ku yaalla magaalada Qaahira sida ay xaqiijiyeen Booliska. Wararka qaar ayaa sheegaya in qoyskan u geeriyoodeen gaaska dabka ee guriga ka dib markii naqaska uu ku dhegay. Falkan murugada leh ayaa dhacay maalintii Khamiistii, markii ay xubnaha qoysku neef qabatimeen, taasoo sababtay in ay u dhintaan sunta ka dhalatay gaaska. Booliska dalka Masar ayaa ku qasbanaaday inay guriga jebiyaan si ay u galaan, maadaama uu xirnaa. Dhamaan xubnaha qoysku waxay si lama filaan ah ugu naf waayeen shilkan nasiib darrada ah. Ciidamada ammaanka ayaa hadda wada baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan si ay u xaqiijiyaan sababaha dhabta ah ee keenay geeridan xanuunka leh. Natiijada baaritaanka ayaa la filayaa inay iftiimiso waxyaabaha ku gadaaman falkan murugada leh. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The Somali government has drawn a red line in its dealings with Ethiopia, insisting that Addis Ababa's controversial pact with Somaliland must be scrapped before any dialogue can proceed. The January 2024 deal grants Ethiopia a 50-year lease on 20 kilometres of Somaliland's coastline—an arrangement Mogadishu views as a brazen affront to its sovereignty. Source: Hiiraan Online
-
Mucaaradka hubaysan ee dagaalka kula jirta dowladda suuriya oo dhowaan qabsatay magaalada Xalab oo ah tan labaad ee ugu weyn dalkaas, ayay wararku sheegayaan inay gaareen magaalada kale Xama oo ku taalla dhanka koonfureed. Sidoo kale xogaha qaar ayaa tilmaamaya in dagaalyahannadu ay galeen magaalada alepo, taas oo ka dhigan inay isku ballaarinayaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, xilli ciidamada dowladdu ay isaga baxeen meelaha qaar. Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo la hadlay dhiggiisa Imaaraatka, Maxamed Bin Zayid Al Nahyan iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Maxamed Al-Sudani, ayaa ka codsaday inay ka taageeraan waxa uu ku tilmaamay argagixisada duullaanka ku ah maamulkiisa. Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay dadaal ay ku doonayaan in ay ku ballaariyaan goobaha nabdoon,ayna u oggolaadaan dadka rayidka ah ee ka barakacay gobolka Idlib in ay ku laabtaan guryahooda ku yaalla dhulalka dhawaan ay dowladda ka qabsadeen. Maraykanku oo arrimahan ka hadlay ayaa sheegay in aanu wax lug ah ku lahayn weerarka fallaagada, balse waxa uu tilmaamay in ku tiirsanaanta al-Asad ee Ruushka iyo Iran ay sabab u tahay rabshadaha soo cusboonaaday. Ruushka ayaa asna sheegay in militariga Suuriya ay 24-kii saac ee la soo dhaafay dileen in ka badan 300 oo falaagada kamid ah, ayagoo taageero xagga cirka ah ka helaya Ruushka, balse waxaa jira warar tilmaamaya in duqeymahaas ay dad badan oo rayid ahi ku naf waaayeen. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay si walaac leh u socan doonaan dhacdooyinka Suuriya, waxayna ka digeen dib u soo noqoshada kooxaha argagixisada ee dalkaas, Iran-na waxay xaqiijisay in weerar lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Xalab. Si kastaba ha ahaatee weerarrada kooxaha hubaysan ee dalka Suuriya ayaa bishan aad u xoogaystay, waxayna ciidamada dowladda kala wareegeen dhul ballaaran oo magaalooyin Istiraatiiji ahi ay ku jiraan. Source: goobjoog.com
-
Syrian government forces have withdrawn from the city of Aleppo following an offensive by rebels opposed to the rule of President Bashar al-Assad. Source: Hiiraan Online