Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,337
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - The first doses of the World Health Organization's global vaccine-sharing program COVAX has landed in Somalia on Monday, marking a crucial step in the fight against the virus as deaths continue to rise. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kasoo degtay diyaarad ay leedahay hay’adda cuntada Aduunka ee WFP, taas oo sidday talaalka cudurka Coronavirus oo mar labaad soo laba-kacleeyey. Tallaalkan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortagga xanuunka Covid-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. Xogta tallaalkan & keenistiisa ayaa waxaa horey bulshada ula wadaagtay wasaaradda caafimaadka oo ku howlan la dagaalanka cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Sidoo kale waxaa munaasabadda ay dowladda kula wareegtay tallaalkan ku sugnaa mas’uuliyiin uu ka mid yahay ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Meelaha talaalka la geyn doono waxaa ka mid ah isbitaalka Martiini oo loo gaar-yeelay la tacaalida dadka uu soo ridday xanuunka Covid-19. Dhimashada cudurkan & dadka uu soo ridanayo ayaa beryihii dambe sare u kacday, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay soo rogtay xayiraado hor leh.
  3. MOGADISHU (HOL) - Somalia received its first batch of COVID-19 vaccine Monday morning marking a new milestone in the fight against the global pandemic that has claimed over 300 lives and stretched health facilities to the limit in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  4. Maanta oo Isniin ah maxkamadda ICJ, ayaa bilaabi doonta dhageeysiga dacwadda muranka badda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa sooyaalka dacwada badda iyo khilaafaadka. April 11, 1963: Soomaaliya ayaa aqoonsatay maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ halka Kenya ayaa sidaa sameysay April 19, 1965-tii. 1988: Waxaa la soo saaray sharciga badda ee Soomaaliya. 1989: Labada dal, waa Kenya iyo Soomaaliya e, waxaa ay saxiixeen heshiiska badda ee qaramada Midoobey, heshiiskan caalamiga ee badaha waxaa la sameeyay 1982 . April 7, 2009: Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta caalamiga ah ee qaramada midoobey…heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday. October 8, 2011: Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa fadhi ka yeeshay arrinta heshiiska badda, kulanka waxaa shir guddiiminayey Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ahaa ku simmaha afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, kulanka waxaa soo xaadiray ilaa 335 mudane, waxaana Laga soo saaray ilaa 6 qodob: Xildhibaannada Soomaaliya waxaa ay si buuxda u sheegeen in aan laga hadli Karin xadeynta badda Soomaaliya. Qodobadaaas ayaa kala ahaa: In lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee soo baxay 1988 In hey’adaha dastuuriga ah sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xkuumadda aysan awood u laheyn in ay wax ka badalaan ama dib u eegis ama wada xaajood ku sameeyaan xaduudda badda, hawada iyo dhulka Soomaaliya. Waxaa la laaley dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee Lala galay hey’ado, dowlado daris ah iyo ururo caalami ah iyo shakhsiyaad ee ku saabsan xadeynta badda wixii ka dambeeyay January 1, 1991-kii. Xadgudubka kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimmayo xuduudaha Soomaaliya Berriga, Badda iyo Hawada, waxaa loo aqoonsaday duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday madaxbannaanida iyo siyaadada iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed. Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka, waxaa la faray in go’aankaas gaarsiyaan dhammaan dowladaha dariska iyo hey’adaha caalamiga ah. Cid walba oo ku xadgudubta waxaa la sheegay in ay galeyso khiyaammo qaran August 28, 2014: Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka dhulka u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey. October 8, 2015: Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa dood ka keenay Dacwada Badda ee laga gudbiyay Kenya, ninkan ayaa sheegay in dalkiisa uu xaq u leedahay ka hor imaashiyahoodan ama is hortaagooda in ay ka jawaabaan dacwada. Xeer Ilaaliyaha Kenya waxaa uu ku taliyay in howsha Wada hadal hoose lagu dhameeyo inta labada dal ay maxkamadaha isku jiijiidi lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in Soomaalida aanay iloobin in ciidamo mabad ilaalin oo Kenyaan ah ay ka joogaan Soomaaliya iyo in Qaxooti ka badan Nus Milyan oo Soomaali ah in ay joogaan gudaha dalka Kenya. October 10, 2015: Dr. Axmed Cali Daahir oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Soomaaliya ayaa qiray in uu jiro codsiga Kenya ayaa waxaa uu sheegay in qoraal codsi hor-u-rdhac ah oo dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taasi oo ku aadan wada hadal hoose in lagu dhameeyo muran badeedka kala dhaxeeya Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Kenya ay doonayso inay is hortaag ku sameyso dacawadda Badda, taasina ay markhaati cad u tahay sida ay uga wal walsan tahay saldhig la’aanta ee qaanuuneed ee dooda ku wajahan sheegashada Badda Soomaaliya. May 26, 2016: Maxkamadda Cadliga Adduunka ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso in dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysaneyso September 2016-ka. September 19, 2016: Waxaa The Hague ka bilowday dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxay aheyd labo wareeg oo la dhageystay labada dal. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa sheegay in maxkamadda aaney xaq u laheyn dhageysiga kiiska, waxaa uuna soo jeediyey in meel ka baxsan maxkamadda lagu dhameeyo halka Muqdisho ku adkeysatay in maxkamadda lagu dhameeyo. February 2, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. February 7, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto. Febraayo, 17, 2019: Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. June 25, 2019: War qoraal ah oo ka soo baxay ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha September ay dhageysan doonto doodad labada dhninac ee xuduudda badda, laakin arrintaas Kenya ayaa ka daba timid oo codsatay in sanad dib loo dhigo, laakin maxkamadda waxaa ay ka aqbashay uun 2 bil. Bilowgii September 2019: Kenya waxaa ay ICJ ka codsatay in dhageysiga dib loo dhigo muddo hal sano ah iyada oo sheegtay in qareenno la’aan heyso. September 5, 2019: Danjire Cali Fiqi ayaa xaqiijiyey dhageysiga maxkamadda dib loo dhigay 2 bil, isaga oo sheegay sheegay in dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doonto November 04 teeda 2019 islamarkaana ay tahay waqti aad u yar. October 16, 2019: ICJ ayaa mar kale mudeysan in ay dacwadda dhageysan doono 8, June, 2020. April 24, 2020: Maxkamadda Cadliga ICJ ayaa qoraal ay soo gaarsiisay dowladda federaalka ah ku sheegtay in ay heshay codsi ka yimid dalka Kenya April 23, 2020 oo ay ku dalbaneyso in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda xilli aan la cayimin sababo la xiriira Covid 19. May 19, 2020: Maxkamadda ayaa sheegtay in ay dhageysatay soojeedinta labada dhinac oo ku saabsanaa dib u dhigista dhageysiga dacwada badda iyada oo la tixgelinayo caabuqa Coronavirus taasina ay keentay in dhageysiga laga dhigo March 15, 2020. March 10. 2021: ICJ ayaa shaacisay Jadwalka ay ku qaadeyso dacwadda , iyadoo shaacisay Dacwadda oo Laba wareeg ka kooban in Soomaaliya lagu hor mari doono dhageeysigeeda . March 14, 2021: Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan diyaar u aheyn in ay ka qeeyb gasho fadhiga dacwadda oo xilli ay ka dhimaneyd wax ka yar 24- sacadood . March 15, 2021 : Maanta oo Isniin ah waxaa si rasmi ah u bilaabmi doona dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya iyadoo dacwadda ay noqon doonto mid la dhageysanayo hal dhinac maadama dhinaca kale uu maqan yahay . GoobJoog Source: goobjoog.com
  5. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta heshay Astrazaneca oo ay soo saartay jaamacadda Oxford ee dalka Mareykanka. Hay’adda Qaramada Midobay u qaabilsan caafimaadka Adduunka WHO ayaa soo gaarsisay talaalkan maanta magaalada Muqdisho. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa ka gudoontay Qaramada midoobay talaalkan . Fowziya Abiikar Nur wasiirka caafimaadka ayaa garoonka diyaaradaha magaalaa Muqdisho kaga gudoontay Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan . Sawiro Talaalka Oo Muqdisho Soo Gaaray Source: goobjoog.com
  6. Diyaarad siday xirmada talaalka Covid-19 ayaa goordhow soo gaartay magaalada Muqdisho, waxaana soo qaaday diyaarad gaar ah oo ay leedahay Hay’adda cuntada Aduunka ee WFP. Talaalkan ayaa waxaa loogu tala galay in looga hortago cudurka Corono Virus oo markale ku soo laba kacleeyay dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya,xubno ka tirsan Dowladda iyo wakiila ka socda Qaramada Midoobay ayaa garoonka diyaaradha Aadan cadde u tegay si ay ugu kala wareegaan talaalka. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay Bulshada ula wadaagtay xog ku saabsan Talaalka COVID-19 oo ay shaacisay in maanta oo isniin ah dalka soo gaarayo soona gaaray. View the full article
  7. Magaalada Hague ee dalka Holand maanta oo isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 15-ka Maarso 2021, waxaa lagu wadaa in ay ka bilaabato dhageysiga dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Qareenada matalaya Soomaaliya ayaa maanta gudbin doono doodahooda ku aadan muranka badda, waxayna ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyay. Muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u fara badan ayaa saacado badan hortaagan dhismaha Maxkamadda, kuwaas oo rajo wanaagsan ka qaba natiijada Maxkamadda ICJ. “ Waxaan u rajeynayaa dacwadda la gelaayo inuu ilaahey nagu guuleeyo, dadka Soomaaliyeedna waxaan ka codsaneynaa in ay ku niyad samaadaan una soo duceeyaan,” ayuu yiri mid ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u nool dalkaas Holand. Ergada Soomaaliya uga qayb galeysa dhageysiga dacwadda badda oo uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed Khadar ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan sidii Kenya looga soo dhicin lahaa Badda. Dowladda Kenya ayaa shalay iyadu shaacisay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada ee maanta ka bilaabanaysa maxkamada ICJ. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday go’aano culus oo lagu xakameynayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, kaas oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha wadanka Soomaaliya. Xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir oo ku dhowaaqay go’aanadaasi ayaa sheegay inay dhaqan-geli doonaan wixii ka dambeeyey 15 bishan oo maanta ku beegan. Wararka laga laga helayo degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sheegaya in saaka ciidamada ammaanka ay bilaabeen fulinta awaamiirta kasoo baxday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku aadan xakameynta cudurka saf-marka ah ee Covid-19. Ciidamada ayaa qab-qabanayey dadweynaha la socda gaadiidka BL-ka, kuwa raaxada, mootooyinka Bajaajka & kuwa lugeynaya ee aan wadan Af-xirka. Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Oline u sheegay in dadka qaar la weydiinayey sababta ay u soo qaadan waayeen Af-xirka, iyada oo qaarkood laga qaaday lacago ganaax oo dhan Shan Doller, taas oo uu soo rogay maamulka gobolka Banaadir. Meelaha laga sameeyey howl-galkaas waxaa ka mid ah degmooyinka Wadajir, Dharkeyne & kuwa kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan la daala dhaceysa saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya dadka Soomaaliyeed.
  9. Xaaladda Cudurka Covid19 ee Somaliland ayaa walaac weyn laga muujiyey kadib markii toddobaadyadii ugu dambeeyey ay korodhay tirada dadka u dhimanaya iyo tirada dadka cusub ee uu cudurkani soo ridanayo kaasi oo dunida ugu soo laba kacleeyey si weyn oo saf-mar ah, gaar ahaan mandaqadda Geeska Afrika. Xaaladda Dhimashada iyo tirada dadka cusub ee uu soo ridanayo guud ahaan Somaliland oo aad u korodhaysa maalinba maalinta ka dambaysa ayaan wali la hayn tiro-koob rasmi ah oo dawladda ama daneeyayaasha caafimaadku ka soo saaree balse sida ay wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland dorraad Sabtidii sheegtay si xidhiidh ah dhimashadu u jirto maalin walba halka ay ay sidoo kale wasaaraddu digniino hor leh ka soo saartay. Laba kaclaynta fayraska Coronavirus ee dunida ayaa Somaliland si weyn looga dareemayaa bishii ugu dambaysay oo ay si weyn kor ugu kacday tirada dadka u dhimanaya oo kaliya inta ay dawladdu sheegtay hal maalin oo kali ah dhimashadu gaadhay saddex qof oo dhammaantood cudurkan u dhigtay balse la rumaysan yahay in tiradu intaasi aad uga badan tahay maadaama nidaamka adeeg ee caafimaad ee dalku aad u liidato. Dugsiyada, suuqyada, goobaha dadku isugu yimaad iyo dhammaanba xaaladda ayaa sideedii hore ah taasi oo laban laabaysa xaaladda laba-kaclaynta cudurkan iyada oo dhinaca kalena dadka qaar walaac ka muujiyeen xarumaha caafimaad ee dalka oo dad xanuunkan qabaa yaallaan iyaga oo ku dhex jira dadkii bukaanka ahaa ee kale ee cudurrada kale qabay iyo dadkii soo booqanayay dadka bukaanka ah. Dadka is baadhaya oo wali tiradoodu yar tahay, dhamaan waxa ay xaaladda la dhigayaan mid walaaceeda leh. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cali Cabdillaahi Bade oo xaaladda culus ee uu cudurku galay ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Halkan waxaan rabaa in aan Bulshada uga sheego in ay xaqiiqo tahay oo marag ma doon ah in cudurkii COVID19 uu aad sare ugu kacayo oo ay sidoo kale kordhayaan xaaladaha dadka uu cudurkaasi haleelayaa. Sidoo kale waxaan umadda u sheegaynaa in dhimashadu intii hore ay aad uga badan tahay. Shalay oo kali ah waxa xanuunkan u dhintay saddex qof. Dhimashadu waa joogto oo sidii hore maaha waa joogto ayay dadku u dhimanayaan. Xanuunkuna aad iyo aad buu u fidayaa markaa bulshada reer Somaliland waxaannu u sheegaynaa in wax kasta oo la samayn karo waxa ugu muhiimsan in kor loo qaado wacyiga iyo ku baraarugsanaanta iyo in la qaato oo la raaco tilmaamaha wasaaradda Caafimaadka ka soo baxaya. Waa in qofku caafimaadkiisa iyo caafimaadka umadda ilaaliyaa. Waa in muwaadinku afka iyo sanka daboolaa oo xidhaa kuna dadaalaa nadaafadda labada gacmood intii suurtogal ahna la kala fogaado. Tilmaamaha kale ee la xidhiidha qofka xanuunkaasi u soo dhaca sida loola dhaqmayo iyo xogta halka laga raadsanayo oo la rabo in ay Bulshadu mar walba ku xidhnaato gaar ahaan wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo loo baahan yahay in ay farriimaheeda ku xidhnaadaan. Meelaha dadka lagu baadhayaa dalka oo dhan waa ka diyaar. Qofka xanuunku ku dhacaa waa in uu is karantiilaa oo gaar bulshada iyo qoyskiisa uga baxaa. Haddii uu astaamo isku arko sida xumadda iyo xaalado kale markaasi ayuu u baahan yahay in baadhitaan loo sameeyo. Waad ogtihiin sidaa waxaan u samaynaynaa in ay tahay awooddeena aan wax ku baadhi karno. Waxa aynu u baahanahay si garaad iyo maskax badnaani ku jirto aan u adeegsanno baadhitaanka” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cali Cabdillaahi . Source
  10. Waxaa hadda magaalada Muqdisho kasoo degay shaxnadda koowaad ee talaalka ay ku deeqday WHO ee Oxford Astrazaneca. Hey’adda caafimaadka adduunka ayaa bishan sheegtay in Soomaaliya ay siiso ilaa 1.2 million doses/goojo oo ah talaalka Oxford Astrazaneca, waxaana lagu wadaa in la gaarsiiyo wejiga koowaad ilaa 3 milyan. Sida ay dowladda federaalka ah sheegtay tallaalka waxaa lagu bilaabi doonaa dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka, kuwa da’da iyo qaar xanuunka qaban. Haddaba, talaalka la leeyahay Soomaaliya ayaa la keenayaa waxaa laga mamnuucay dalal badan oo Yurub sida Denmark, Norway, Iceland, Bulgaria, Luxembourg, Estonia, Lithuania, Latvia iyo ugu dambeeyntii Republic of Ireland. Thailand oo Asia ah ayaa ka mid ah dalalka mamnuucay, waxaa kale oo qeybo daawadan ah laga diiday Austria iyo Italy. Dalalka ayaa sheegaya in dadkii lagu talaalay Oxford Astrazaneca, gaar ahaan kuwa da’da ah lagu arkay dhiig xinjirow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa la sheegay inay si rasmi ah u soo gunaanadeen guddiyadii uu Xisbi weliba dhangkiisa u xil saaray kale reebista iyo kale shaandhaynta musharraxiinta u tartamaya doorashooyinka inagu soo foolka leh ee isku sidkan ee degaanka iyo Wakiillada. Xisbiga KULMIYE Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa isagu la sheegay in guddidii uu u xil saaray ay kale saarista musharraxiin, kuwaas oo musdanbeedkooda hoggaanka Xisbiga garabsanayey ay soo gunaanadeen hawshii kale shaandhaynta musharraxiinta Xisbiga u tartanmaya doorashooyinka muddaysan sannadkan bisha May 31, 2021-ka,waxaa la sheegay in meesha laga saaray Musharraxiin baddan, kuwaas oo siyaabo kale duwan ay shaandhadu u reebtay, wallow xoggaha qaar ay sheegaan in qaarkood lagu reebay in aanay beelahooda aanay ka haysan kalsooni baddan ama aan la isku raacsanayn beel ahaan iyo qaar lagu reebay oo la qawaday codadka ay haystaan,taas oo keentay in laga door biddo musharrax kale oo cod baddan haysta in booskiisa lagu buuxiyo. Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa faray dhammaanba xubnaha xisbiga KULMIYE uga sharraxan gobollada iyo degmooyinka dalka inay degdeg lacagta cashuurta ugu shubaan xarumaha wasaaradda maaliyaddu ku leedahay dalka, islamarkaana waraaqda muujinaysa in lacagtaas laga qabtay ay usoo diraan xarunta xisbiga, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa jirta jirta cashuur sharci ah oo ku waajibtay inuu bixiyo nin kasta oo murrashax ahi, faylashii baannu xaraynaynaa 17-ka bishan, waxana aannu jecel in muddo laba maalmood gudahood ah qof kasta oo murrashax ahi uu soo shubo, qof kastaa halka uu joogo ayuu ku bixinayaa, cashuuraha berriga ayuu tegayaa, lacagtaas buu soo bixinayaa, waraaqdii uu lacagta ku bixiyeyna wuu noo soo dirayaa.” Xisbiga UCID Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa isna la sheegay in guddidi uu xil saarnay kale saarista iyo kale reebista musharraxiinta ay si rasmi ah u soo gunaanadeen hawsha kale saarista iyo kale reebista musharraxiinta,waxaanay xoggaha laga helayo xarunta dhexe ee Xisbigu ay sheegaan in Xisbigu u soo reebay musharraxiin kale duwan, kuwaas oo qaarkood si toos ah loogu sheegay qaarna aan weli loo sheegin,waxaana kamid ah musharraxiin aan beelahood isku raacsanay oo musharrax kale oo ka sharraxan Xisbiyada KULMIYE ama WADDANI oo beeshu isku raacsantay ku xumayna iyo kuwa kale. Xisbiga WADDANI Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa isna la weriyey in guddidii kale saarista iyo kale reebista musharraxiinta u tartamaysa xisbiga doorashooyinka isku sidkan ee deegaanka iyo Wakiillada ay soo gunaanadeen,waxaana la sheegay in Xisbigu uu soo reebay musharraxiin kale duwan, kuwaas oo iskugu jirra Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada, waxaana la sheegay in Musharraxiinta qaar uu Xisbigu u sheegay in aan loo hayn kursi Gole Wakiillo,balse taa baddelkeeda loo soo bandhigay inay qataan Gole Degaan,kuwaas oo la sheegay inay diideen,halka Musharraxiinta uu Xisbiga reebay qaarkood ay Beeluhu u gudbiyeen in hebel la reebbo oo hebel oo reerku weteen ay soo saraan,waxaana Xusid muddan in Xisbiga WADDANI Musharraxiintii uu doonnayo inay u tartamaan doorashooyinka isku sidkan uu fariimo u diray lgu farayo inay bixiyaan lacagta debaajiyadda cashuurta Dowladda ee lagu shubayo Wasaaradda Maaliyadda,balse waxa la sheegay musharraxiinta sida hoose loo reebay in aan iyaga wax fariin ah loo dirin. Si kastaba ha-ahaatee Saddexda Xisbi ayaa si rasmi ah u soo gunaanada kale saarista iyo kale hufkii Musharraxiin,waxaanu Xisbi weliba daaqada ka saaray Musharraxiin uu dantiisa ka dhex arki waayey,kuwaas oo ay si hoos u reebeen qaarkood si aanay Xisbiyadda kale ugu tegen ee uu wakhtigu ka dhaco, waxaana xusid muddan in arbacada toddobaadkan ay Saddexda Xisbi ay si rasmi ah liisaska musharraxiintooda ugu gudbin doonnaan Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland,waxaynu dhawrnaa waa dhawaqa musharraxiinta ay Saddexda Xisbi reebaan iyo felcelinta beelahooda. Xaaladda u diyaar garawga doorashada ayaa meel kulul maraysa. Source
  12. Warar Wargeyska Foore ka helay ilo-wareedyo rasmi ah, ayaa tibaaxaya in Haamihii Kaydka Shidaalka ee Magaalada Berbera ay muddooyinkii ugu dambaysay ay qaar kamid ahi fadhiiyeen,kuwaas oo hadda aan muddo bilo ah shaqayn,isla markaana aan wax dayac tir ah lagu samayn. Xoggahan oo Wargeyska Foore ka helay illo wareedyo ku sugan Hargeysa iyo Berbera ayaa tibaaxay in Haamaha Shidaalka Berbera ee Dowladda oo tiradoodu dhantahay 10 hamood ah, haseyeeshee ay qaar kamid ahi fadhiisteen,isla markaana aanay shaqayn dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey. Dhanka kalene Xogga ayaa sheegay in saddex kamid ah Haamaha Shidaalka Berbera ay fadhiyaan, kuwaas oo keliya la sheegay inay u baahan yihiin dayac tir kooban,haseyeeshee weli ma jirto cid u dhaqaaqday inay daca tirto si ay u shaqeeyaan,waxaana hadda si rasmi ah u shaqaynayey bilihii ugu dambeeyey toddoba 7 hamood oo qudha,kuwaas oo la sheegay inay iyaga qaarkood u baahan yihiin dayac tir deg deg ah, ma jiro war rasmi ah oo amuurta la xidhiidha oo kasoo baxay maamulka Haamaha iyo masuuliyiinta Xukuumadda,marka laga yimaado Xoggahaas. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Digreeto uu saaray bishii ogos ee sannadkii 2018-kii dib gacanta Dowladda ugu celiyey Haamaha Shidaalka Berbera oo ay xiligaa maamulayeen ganacsato isku tagtay oo loo soo gaabin jiray Magacooda BOG,waxaanu Madaxweyne Biixi maal-mo kadib uu Mareeyaha Haamaha shidaalka Berbera u magacaabay Xasan Embassy, kaas oo ilaa hadda haya xilkaas. Dhanka kalena Xogga aanu hellayo ayaa xusay in xiligii ay shirkaddii BOG ay gacanta ku haysay maamulka Haamaha Shidaalka Berbera ay si joogta ah u dayac tiri jireen haamaha, isla markaana sidii ay war-baahina ka sheegeen maalintii laga wareejinayey Haamaha in cadigii ay la wareegaan inay dayac tir ku sameeyeen Haamaha qaar oo markaas fadhiyey,waxaase xusid muddan inay ku wareejiyeen Xukuumadda 10 Hamood oo shaqaynaya, isla markaana aanay mid keliyi wax ka qabin. Gunaanadkii labadii bilood ee ugu dambeeyey ayaa suuqyadda Magaalooyinka dalka laga dareemayey sar u kac shidaalka, iyadoo goobaha shidaalka lagu iibiyaa ay si joogta ah ilaa hadda u kordhinayaan mar marka ka dambaysa qiimaha lagu iibiyo halkii litir ee shidaalka ah. Source
  13. Warar Wargeyska Foore ka helay xarunta Gobolka Saaxil, ayaa tibaaxay in magaaladda Berbera uu ka jiro dhaqdhaqaaq Siyaasi ah oo aad uu bedelay dareenka dadka reer Berbera , kaasoo ula jeedadiisa lagu xidhiidhiyey inuu salka ku hayo Istaraatijiyad cusub oo Xisbul-xaakimka Kulmiye u dejiyey Mustaqbalka tirada Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ee uu filayo inay uga soo baxaan Gobolka Saaxil. Amuurtan oo sida la sheegay ruxday dareenka dadka reer Berbera, ayaa sida xogguhu tibaaxeen waxa qasriga madaxtooyadda iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye ay isla qaateen in hirgelinta Mushruucan loo magacaabo ama loo xilsaaro masuuliyiin, kuwaas oo ay xogguhu ka gaabsadeen inay xusaan magacyadooda,waxa Wararku intaa ku dareen in xubnahaas hadda loo cimmaamaday hirgelinta mashruucan asbaabaha lagu xushay ay kowka tahay kaalintii ay kasoo qaatay hawlgal kan lamid ah oo Madaxtooyadda iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye hadda ka hor ka fuliyeen degmada Berbera, gaar ahaana xilligii lagu gudo jiray ollolihii Doorashaddii Madaxtooyadda ee sannadkii 2017-kii iyo Golihii deegaanka ee sannadkii 2012-kii Sidoo kale, wararka iyo xoggaha ku taxaluqa amuurtan, waxa qaarkood tibaaxeen si hindisaha qorshahani u meelmaro in hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo Madaxtooyaddu ay mar labaad dejiyeen Istaraatijiyad kaloo ay ugu talo geleen inay door ka qaadato sidii qorshahani ku hir-geli lahaa. Waxana sida iluhuu tibaaxen hindisyaasha wajiga cusub kamid ah in la abuuray koox cusub oo ujeedadoodu tahay inay xubnaha uu Xisbigu u igmaday hawshaas ay kala shaqeeyaan isku xidhka iyo abaabulka bulshada deegaanka. Dhaqdhaqaaqyadan cusub ee ay hadda lasoo baxeen shoofeerrada Cusub ee Madaxtooyadda iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa ka sakow cadhada arrintani ay ku abuurtay dadka deegaanka reer Berbera, waxa kaloo, iyana arrintan ka biyo diiday Mudanayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) ugu jira gobolka Saaxil, kuwaa soo sida ay xusen Wararka gobolka Saaxil laga helayo, dhawrkii maalmood ee uu danbeeyey iskugu tagay magaalada Berbera si halkaa intaa ay joogan ugu gorfeeyan dhacdaadan ugubka ah ee ay la kowsaday wajiga cusub ee Kulmiye iyo Madaxtooyadda. Waxana wararka qaarkood lagu sheegay in Mudanayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) ee reer Berbera intaa ay ku sugan yihiin kulaamo iyo la tashiyo la sameyn doonaan dhalinyarada iyo waxgaraadka deegaanka, iyagoo sidoo kale-na ku talo jira in la helo Istaraajiyad mideysan oo lagaaga hortagayo ama ay kaga gaashaamanaayan hindisaha xulufada cusub ee Xisbiyadda Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID . Source
  14. Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa maanta oo Isniin ah dhageysaneysa kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo si weyn loo wada sugayo dhageysiga dacwadda oo horay Maxkamadda u mudeysay inay bilaabaneyso 15-ka bishan. Inkastoo dowladda Kenya ay isaga baxday dacwada, haddana wax saameyn ah ama dib u dhac kuma yeelan doonto dhageysiga Maxkamadda, sida ku cad jadwalka Maxkamadda horay u shaacisay. Maxkamadda ICJ ayaa hore ugu gacan seydhay dalabka dowladda Kenya ee ahaa in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda oo markii afaraad ay dooneysay Kenya. Ergada matalaya dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan Qarreenada u doodaya Soomaaliya ayaa maanta laga dhageysanayaa dooddooda. Kenya marnaba diyaar uma aheyn kiiska dacwada taal ICJ, waxayna ka door bideysay in wada hadal lagu dhammeeyo, waxaana ay weji gabax kala kulantay dowladda Soomaaliya oo diidaneyd wada hadalka. Prof. C/wahaab Sheekh Cabdisamad oo wax ka dhiga jaamacadaha Kenya ayaa sheegay in Maxkamadda ay awood u leedahay xukunka kiiska, xitaa haddii ay Kenya ka baxday dhageysiga Maxkamadda. Waxaa uu sheegay in kiis sidan oo kale uu soo maray Maxkamadda oo u dhaxeeyay Shiinaha iyo Filibiin, kaasoo Shiinaha ay ku kalifay inuu isaga baxo Maxkamadda, iyadoo maxkamadda ICJ markii ay dhageysatay Maxkamadda ay u xukuntay Filibiin. “Qodobka 53-aad ee sharciga maxkamadda addunka waxuu dhigayaa hadii mid ka mid ah labada qolo ee is heysata uu hor tegi waayo maxkamadda, kan kale waxuu fursad u heytaa inuu yiraahdo ‘anaga noo xukuma’ laakiin markii aad fiiriso qodobada kale ee sharciga maxkamaddu waxay uga baahaneysaa dalka wax loo xukumaayo cadeymo dhameystiran oo sax ah, kuwaas oo ku filan go’aan ay kiiskaas ka qaadan karto maxkamaddu,” ayuu yidhi Prof. Cabdiwahaab Sheekh oo la hadlayey VOA. Si kastaba ha ahaatee shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga war-sugaya dhageysiga dacwada Maxkamadda ICJ ee maanta bilaabaneysa iyo go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda oo la filayo inuu qaadan karo saddex illaa lix bilood. Source
  15. Shir ay maanta magaalada Baydhabo ku yeesheen guddiga la socodka xaaladaha cudurka coronavirus ee Koofur Galbeed ayay ka soo saareen amaro cusub oo lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka COVID-19. Qodobada la soo saaray ayaa waxaaa ay kala yihiin; In bulshada lagu amray xirashada af-saarka (Face Mask) qofkii laga waayo lagu ganaaxi doono shan dollar In masaajidyada la seexan karin isla markaana meyd corona u dhintay la keeni Karin In ay la mamnuucay dhammaan kulamada, sida xafladaha, shirarka iyo wixii lamid ah Qofkii cudurka u dhinta waa in aaskiisa looga dambeeyaa wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed. Qofkii isaga shaki ama isku arka calaamadaha cudurka waa in uu si deg deg ah ula soo xiriiraa saraakiisha caafimaadka ama uu tagaa xarunta badqabka bulshada ee Koofur Galbeed Ugu danbeyn waxaa laga codsanayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka inay caawinaad deg deg ah la soo gaaraan Koonfur Galbeed. View the full article
  16. GUDIDA UU GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADU U SAARAY XEERKA DOORASHOOYINKA URURADA IYO AXSAABTA SIYAASADA JAMHUURIYADA SOMALILAND XEER LR.14 IYO WAXA AY KA SUGAYAAN DADKA SOMALILAND. Shalay oo ay taariikhdu ahayd 13-March-2021 ayaa waxa uu gudoomiyaha golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland gudi u saaray ka soo talo bixisa wax ka badelka iyo kaabida lagu sameyn doono xeer lr.14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo ka mid ahaa ajandaha kalfadhiga golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee 45naad. Xeerkani waxa uu saldhig u yahay nidaamka doorashooyinka iyo dimuqaaradiyada Somaliland oo waa xeerka ay ku dhisan yihiin axsaabta jamhuuriyada Somaliland , sidoo kale xeerkani waxa ku dhisan gudiga diwaan galinta ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo ah hay’ad dawladeed oo uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland gudigeega magacaabo. Xeerkani waxa uu soo maray taariikho badan iyo marar hore wax laga badaley isaga oo xeerka markiisa hore la sameeyey sanadkii 2000 oo waxa uu ahaa seeskii nidaamka dimuqaradiyadeed ee Somaliland . Hadana waxa wax ka badel lagu sameeyey sanadkii 2011 kii oo xiligaasi markii dib loo eegay dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland , sidoo kale markii la eegay baahida dadka jamhuuriyada Somaliland u qabaan in ururo siyasadeedyo kale yimaadaan , oo ay furan karaan muwaadiniinta aan ku qancin sadexdii xisbi qaran ee xiligaasi joogay . Waxa ugu weyn ee la isku qabsaday xiligaasi waxa ay ahayd axsaabta siyaasada jamhuuriyada Somaliland maadaama oo uu dhigayo qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 2aad in aan axsaabta siyaasadu ka badan karin 3 xisbi qaran , isla xeerkaasi faqradiisa 3aad waxa ku qoran qaabka loo furan karo xisbi siyaasadeed iyo waxa ka reeban oo ah gobolaysi iyo qabyaalad , oo faqradani cadeyn u tahay in la furan karo xisbi siyaasadeed. Sidoo kale waxa kabaya qodobada dastuurka ah ee 23naad faqradiisa 3aad iyo qodobka 22naad faqradiisa 1aad iyo 2aad , markaa waxa ay noqotay in wax laga badelo xeerkii hore ee ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland xeer lr14. 2000 oo uu noqdo xeer lr.14 2011 , waxaana si cad loogu qeexay in 10kii sanadoodba hal mar la furto ururo siyaasadeed , iyada oo lagu furi doono doorashada dawladaha hoose ee dalka. Haddaba waxa uu golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland soo saaray bishii sept ee 2020 xeer loogu magac daray xeerka guud ee doorashooyinka jamhuuriyada Somaliland , oo lagu ururiyey dhawr xeer doorasho , waxaana uu xeerkaasi madaxweynaha Somaliland saxeexay 14/10/2020 isaga oo xeerku faafinta rasmiga ah ee garyaqaanka guud ee qaranka galay 19/10/2020 . Xeerkani cusub ee Xeer lr.91 faaiidooyinka ugu waaweyn ee ku jiray waxa ay ahaayeen in uu xeerku qaabeeyo hanaanka guud ee doorashooyinka iyo xeerarkooga marka laga reebo xeer lr 14 , waxaana meelaha ugu muhiimsani ahaayeen in xeerkani lr.91 lagu xusay in faqradiisa 6aad in gudiga doorashooyinku hal mar wada qaban karaan hal doorasho iyo waxii ka badan , faqradani oo u gogol xaadhaysa mustaqbalka in doorashooyinka mar la wada qaban karo , sidoo kale xeerka waxa ku jiray shuruudaha murashaxyada doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka oo wax laga bad badalay. Xeerka waxa kale markii la sameynayey lagu daray hadii goleyaasha deegaanada dalku mudo dhaafaan duruufaha xeerarku sheegeen awgood in loo kordhin karo mudada sida goleyaasha kale ee qaranka , isaga oo aanay xeerarkii kale ee hore ku cadeyn oo ay dhacday in goleyaasha deegaanka oo mudo xileedkoodii sharciga ahaa dhamaaday hadana ay iska fadhiyeen , isaga oo uu qiil u noqday qodob ku jira Xeerka gobolada iyo degmooyinka Xeer Lr.23 oo sheegaya in golaha deegaanka gole kale oo deegaan oo la doortay uun ay badali karaan. Haddaba xeerkani markii la sameynayey laguma fadhiisin Xeer lr14 oo ah xeerka uu ku aas-aasan yahay nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland , hadii aan xeerarka la waafijinina waxa laga yaabaa in uu khal-khal ku yimaado wareega shaqo iyo xili ee doorashooyinka ( elections mandate and frame work disorder ). Sidoo kale xeerkani waxa ku jira oo aad loo danaynayaa furistii ururada siyaasada oo ahayd in lagu furo doorashadan dawladaha hoose ee mudaysan 31-05-2021 , hadana wali ay axsaabta siyaasada ee maanta joogta ay mudo koobani uga hadhsan tahay shahaadadoodii oo aanu wakhtigoodii dhamaanin , iyada oo dadka somaliland ee danaynaya ururada siyaasaduna qabaan tuhun hoose oo axsaabta maanta joogtaa ay doonayaan in aan ururo lagu furin , ayaa aad loogu dhag taagayey waxa laga yeeli doono Xeer lr 14. Dad badan baa hore wax uga qoray oo aan ka mid ahay oo is weydiinayay sababta xeerka loogu daray ajandaha kalfadhigii golaha wakiilada , isweydiinahan iyo filashada shacabka jamhuuriyada Somaliland ee ah in la furo urur siyaasadeedo cusub waxaa jawaab wanaagsan u noqon doonta qaabka uu golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland xeerkani wax uga badelo iyo sida uu goluhu isugu hagaajiyo xiliga ururadii la furayo , qaabka kale ee loo furi karo maadaama ay doorashadii deegaanku ee lagu furi lahaa meesha ka baxday , waana aynu sugi doonaa insha Allah. Qofwalba waa ku waajib in uu ilaashado xeerarka dalkiisa , u dagaalamo xuquuqaha muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland ee dastuurka dalka iyo xeerarku siiyeen oo ay xuquuqda siyaasadeed tahay mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee u baahan in loo ilaaliyo dadka jamhuuriyada Somaliland. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna bulshada iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Malaaq Yuusuf Cabdiyow Macallin Aadan oo caawa ku geeriyoodey magaalada Baydhabo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed ka soo gudbiyey marxaladihii adkaa, isaga oo door weyn ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, xasilloonida, dib u heshiisiinta bulshada iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka nabadda ee xal u raadinta dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Yuusuf Cabdiyow Macallin Aadan oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka bulshada Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Malaaqu waxa uu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Marxuumku waxa uu qayb ka ahaa dadaalladii dowlad dhiska iyo nabadaynta Dalkeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. View the full article
  18. Mogadishu (HOL) - The International Court of Justice is scheduled to begin hearing the oral arguments in the maritime dispute between Somalia and Kenya, despite the latter pulling out of the proceedings in protest after being denied a fourth extension to postpone the case. Source: Hiiraan Online
  19. Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 244 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 18 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 61 ruux. Warbixinta maalinla ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta Feyruska Karoona, ayaa lagu sheegay in xaaladaha cusub laga diiwaan galiyey Puntland (152), gobolka Bamaadir (29), Somaliland (45), Jubbaland (7), Galmudug (3), Koonfur Galbeed (2), iyo Hirshabeelle (6) qof, 153 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay in laga helay feyras Karoona waa rag, halka 61-na ay yihiin haween. Guud ahaan Tirada xaaladaha COVID-19, ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 9,190, waxaa bogsootay xanuunka 4, 230 Ruux. guud ahaan 367 ruux ayaana u geeriyootay. View the full article
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-1532021.mp3 View the full article
  21. Through aggressive testing and stringent measures to curb the disease, the city has consistently lower rates of infection and deaths. Source: Hiiraan Online
  22. Waxaa maanta oo Isniin ah la filaya in magaalada The Hague ee dalka Nederland ka furanto dacwadda muran xudeedka Badda ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya . Dacwaddan oo soo jiitameysay mudda 10 sano ah ayaa maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqday bilawgii bishaan in sikama dambeysay ah dacwadda loo qaadayo 15 March . Galabta xilliga geeska Afrika markey saacadda tahay 5:00 Pm ayeey si toos ah u furmi doonta dacwadda , iyadoo xarunta The Hague ay ku sugan yihiin qareenada Soomaaliya ee difaacaya Badda . Dowladda Kenya ayaa shalay sheegtay in aysan soo xaadiri doonin dhageysiga fadhiga Maxkamadda ICJ , iyadoo eedeyn u soo jeedisay garsoore Abdul Qawi oo ah muwaadin Soomaaliyeed. Dacwadda ayaana maanta noqon doonta mid dhinac kaliya ay dhageysato Maxkamadda cadaaladd Adduunka ICJ. Aqoonyahanada dhanka sharciga ayaa sheegay in aysan xeerarka iyo shuruucda ICJ aysan ku jirin in garsoore lagu eedeyn karo in dowlad uu la jiro. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya, agaasimiyaal iyo saraakiil kale ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya laga joojiyay lacago kab ah oo ay ka heli jirtay hay’ado caalami ah iyo dowlado taageera miisaaniyada dowladda Soomaaliya. Mas’uuliyiintaan ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintaan ay ka dambeyso khikaafyada siyaasadeed ee dalka ka jira iyo qabsoomid la’aanta doorashada. Sidoo kale mas’uuliyiintaan ayaa sheegay in arintaan ay ka dambeysay kadib cabashooyin badan ay gudbiyeen mucaaradka iyo maamul gobaleedyada dalka. Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo ku aadan in Soomaaliya ay isku rogtay nidaam kali-talis ah. Dowladda Sacuudiga ayaa hore sidaan oo kale u joojisay miisaaniyad 10 Milyan oo ay siin jirtay Soomaaliya markii uu socday go’doomintii Qatar, hase waxay dib u soo celisay markii uu hagaagay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo lacagtiina ka dhigtay 5 Milyan oo dollar. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in maamul gobaleedyada qaar iyo mucaaradka ay warqado u direen dhamaan dalalka taageera Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dalbanayaan in aysan dhiiri gelin xukun ay ku sheegeen kaligiis talis, caburin dadweyne iyo hantidooda loo isticmaalo olole gaar ah maadaama uu dhamaaday muddo xileedka hogaanka dowladda. Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid ka tagaya raadad xun iyo guuld darrooyin dhaqaale oo aan laga soo kaban karin, waxaana laga cabsi qabaa in uu sii xoogeysto haddii aan xal deg deg ah laga gaarin.
  24. On Monday, the United Nations’s highest court is due to begin hearings on a maritime boundary dispute between Somalia and Kenya, after years of delays in a case that has strained the neighbours’ diplomatic relations. Source: Hiiraan Online
  25. Xiriirka Caalamiga ee Suxufiyiinta ee IFJ ayaa shaaca ka qaaday in 65 weriye lagu dilay adduunka oo dhan sanadkii tagay ee 2020 iyagoo howlahooda gudanaya, iyagoo wajahay sare ukac dhanka xadgudubyada ah, sanadkii la soo dhaafay. Warbixinta ay uu soo saaray Xiriirka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta ayaa lagu muujiyay in tirada dilalka kusoo korartay, illaa iyo 17 kiis marka loo barbardhigo sanadkii hore (2019), waxana xiriirku sheegay in dilalka ay galaafteen nolosha 2,680 oo isugu jira saxafiyiin iyo xirfadlayaal warbaahineed tan iyo 1990. Wuxuu sidoo kale sheegay xiriirku in saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta ay dhibane u ahaayeen falalka ay gaystaan ​​kooxaha sameeya dambiyada abaabulan, kuwa xag jirka ah iyo urur-diimeedyada. Warbixinta Xiriirka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta waxay tilmaamtay in Mexico ay tahay dalka ugu halista badanaa suxufiyiinta sanadkii 2020, iyadoo lagu saleynayo wadarta dhimashada ee dalkasta, maxsico ayaana ku noqotay dalka ugu halista badan ee saxafiyiinta, maadaama lagu dilay 14 weriye, waxaa ku xiga Afghanistan, oo tirada saxafiyiinta lagu khaarijiyay gaareyso 10 wariye, waxaana sadaxaad galay Pakistan oo lagu diley 9 saxafi, Hindiyana waxaa lagu diley 8 weriye, halka dalalka Filibiin iyo Siiriya uu midkiiba diiwaan geliyay dilka 4 weriye, waxaa ku xiga Nigeria iyo Yemen oo 3 weriye lagu diley midkiiba, laba weriye ayaa naftooda kuwaayay Ciraaq iyo Soomaaliya, halka Bangladesh, Cameroon, Honduras, Paraguay, Russia iyo Sweden uu mid kast diiwaan geliyay dilka hal weriye. Xoghayaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta, Anthony Bellanger, wuxuu ka yiri arrintan: “Sannadka 2020 kama aysan reebaneyn warbixinteena ficilada adag ee dambiilayaasha Mexico, rabshadaha kooxaha xagjirka ah ee Pakistan, Afgaanistaan ​​iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale dulqaad la’aanta kooxaha xagjirka ah ee Hindiya iyo Filibiin kuwaas ayaana ka qayb qaatay daadinta dhiigga sii socda. “ Source: goobjoog.com