Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga niyad jabtay go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku ansixisay sharci laba sano ku kordhinaya muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamanka. Blinken ayaa sheegay inay marar badan ay ku celiyeen in heshiis dhex-mara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hoggaamiya doorasho uu muhiim u yahay nabadda, xasilloonida iyo baraaraha Soomaaliya “Waxaan sidoo kale caddeynay in Mareykanka uusan taageeri doonin muddo kororsi aan haysan taageerada saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyo hanaan doorasho oo hal dhinac ah iyo kuwa is-dhinac socda,” ayuu yiri Blinken. “Ficillada noocan ah waxay noqon doonaan kuwa aad wax u kala qeybiya, waxyeeleeya hanaanka federaalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee xudunta u ahaa horumarka dalka iyo saxiibtinimada beesha caalamka, waxayna dareenka ka weecinayaan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale dib usii dhigayaan qabashada doorashada shacabka Soomaaliyeed loo ballan-qaaday ee ay sugayeen.” Xoghayaha arrimaha dibedda ayaa sheegay in fulinta sharciga noocan ah [muddo kororsiga] uu caqabad weyn ku noqon doono wada-hadallada uuna dhaawac weyn gaarsiin doono nabadda iyo ammaanka Soomaaliya. “Waxay ku qasbi doontaa dowladda Mareykanka inay dib u qiimeyso xiriirka aan la leenahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan midka diblomaasiyadeed iyo kan kaalmo, islamarkaana aan ka fakarno wax kasta oo aan heli karno, oo ay ka mid yihiin cunqabateyno iyo xayiraado visa, si aan uga jawaabno, dadaallada lagu waxyeeleynayo amniga iyo xasilloonida,” ayuu yiri xoghayaha arriamha dibedda Mareykanka. Blinken ayaa sheegay inuu ugu baaqayo hoggaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay deg deg ugu soo laabtaan wada-hadallada, iskuna raacaan waddo lagu xallin karo xasaradaha doorashada. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay muujiyaan is-xakameyn, ay sii wadaan wada-hadallada, kana dheeraadaan ficillo hal dhinac ah oo sii hurin kara xiisadda islamarkaana waxyeeleyn kara hanaanka dimoqraadiyadda iyo hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. The post Mareykanka oo shaaciyey tallaabooyinka uu qaadayo kadib muddo kororsigii DF appeared first on Caasimada Online.
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay weerar qorsheysan ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, kaas oo uu ka dhashay khasaare kala duwan. Weerarkan oo lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah ayaa ka dhacay deegaanka Xananbuure, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah rakaabkii la socday gaariga ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, iyada oo sidoo kale burbur uu soo gaaray baabuurka la rasaaseeyey. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadkii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen dhacdada, kadib. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan agagaarka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud. Xaaladda deegaanka ayaa haatan ah mid deggan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo howl-gallo ballaaran ka billaabay qeybo badan oo ka mid ah gobolkaasi. The post Weerar khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  3. Farmaajo oo darajooyinka ciidan ka xayuubiyey Jeneral ka tirsan Booliiska Somalia Saadiq John Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan darajooyinkii ciidan ka xayuubiyey taliyihii hore ee booliiska Gobola Banaadir Sarreeye Guuto Saadiq Cumar Maxamed. War qoraal ah oo laga akhriyey telefiishanka qaranka ayaa lagu sheegyaa inuu xeerkaasi sidoo kale baabi’iyey dhammaan wixii xuquuq ah ee uu lahaa Sareeye Guuto Saadiq Cumar Maxamed ka hor darajo ka xayuubinta. Telefiishanku waxa uu sheegay inuu madaxweynuhu saxiixay sharcigaasi. Sarreeye Guuto Saadiq Cumar Maxamed ayaa shalay u sheegay telefiishanka UNIVERSAL inuu kasoo horjeedo muddo korodhsiga ay Aqalka Hoose ee Baarlamaanku samaynayeen, waxaana uu ugu baaqay xildhibaannada inay doorasho aadaan. Saacado kadib hadalkaas ayaa taliyaha ciidamada booliska Soomalaiya Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxa uu sheegay inuu xilka ka qaaday Saadiq John uuna ku beddelay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan “Farxaan Qaroole”. Qaran News
  4. Ciidanka Booliska Somaliland oo Gacanta ku Dhigay 120 Qof oo looga shakisan yahay….. Ciidamadda Booliska ayaa hawlagal lagu sugaayo amniga ka bilaabay degmada Tog-wajaale iyada oo baadhitaan ay ciidamdu ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaaladda iyo gaadiidka u kala gudba Somaliland iyo Itoobiya. Taliyaha ciidamadda Booliska Wajaale Maxamed Saleebaan Gooni, ayaa sheegay in hawlgalkaasi Ciidamada Boolisku ku soo qab qabteen ilaa 120 qof kuwaas oo lagu samayn doono baadhitaan cidii denbi lagu helana la horgeyn doono sharciga. Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalkani sii socon doono iyada oo baadhitaankani la xidhiidho Dab, beryihii u danbeeyay ku soo noq noqonaayay magaalada oo ay Guryo farabadani ku gubteen. Guddoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye iyo Guddoomiyaha Degmada Wajaale, Cabdiraxmaan Yuusuf, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gubashada dabku ay ku soo noqnoqotay magaalada Wajeele baadhitaan xooganna la samayn doono si loo ogado sababta Dabkaasi keenta, waxaanay masuuliyiintani ugu baaqeen bulshada in ay la shaqeeyaan ciidamadda Booliska. Qaran News
  5. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta ku dhowaaqaya kasoo saarista dhammaan ciidamada Mareykanka ee dalka Afghanistan ugu dambeyn September 11, 2021. Go’aanka ayaa laga damacsan yahay in lagu soo geba-gebeeyo dagaalkii ugu muddada dheer ee ciidamada Mareykanka ay ka qeyb-qaataan oo socday 20 sano. Hase yeeshee, bulshada sirdoonka Mareykanka ayaa Talaadadii soo cusbooneysiiyey walaaca ay ka qabaan waxa uu ku dambeyn doono xaalka dowladda Mareykanka uu taageero ee Kabul. “Dowladda Afghanistan way ku adkaan doontaa inay iska celiso Taliban haddii isbaheysiga ay la baxaan taageeradooda,” ayaa lagu yiri qiimeyn ay sirdoonka u direen Congress-ka. “Kabul waxay guul-darrooyin kala kulmeysaa dagaalka, Taliban-na waxay ku kalsoon yihiin inay guul militari gaari karaan.” Biden ayaa doortay taariikhda 11-ka September, oo ah maalin xusuus weyn ku leh Mareykanka, waxaana buuxsami doonta 20 sano markii Al-Qacida ay weerartay Mareykanka, taasi oo dhalisay in madaxweynihii hore George W. Bush uu billaabo dagaalka Afghanistan. Dagaalkan ayey ciidamada Mareykanka ay ku waayeen 2,400 oo askari, waxaana kaga baxay lacag lagu qiyaasay 2 trillion oo dollar. Biden ayaa wajahayey waqti kama dabeys oo ah 1-da May, oo uu dejiyey madaxweynihii ka horeeyey Donald Trump, kaasi oo isku dayey inuu ciidamada Mareykanka kasoo saaro Afghanistan kahor inta anau xafiiska ka tegin balse ku guul darreystay. Go’aanka Biden ayaa 2,500 oo askar Mareykan ah kusii hayn doona Afghanistan kadib 1-da May, hase yeeshee saraakiisha ayaa sheegay in 11-ka September ay dhammaan ciidanka Mareykanka ka tegi doonaan Afghanistan. Markii ugu badneyd waxaa Mareykanka dalkaas ka joogay 100,000 oo askari waxayna aheyd 2011, hase yeeshee waa ay sii gurmayeen wixii markaas ka dambeeyey.’ The post Madaxweyne Joe Biden oo go’aan ka gaaray ciidamada Mareykanka ee Afghanistan appeared first on Caasimada Online.
  6. London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa shaaca ka qaaday inay dalalka beesha caalamka kala shaqeyneyso qorshe mideysan oo lagu wajahayo Soomaaliya kadib muddo kororsigii ay sameeyeen baarlamanka iyo Farmaajo. Wasiirka UK ee Africa James Duddridge ayaa sheegay inay aad uga niyad jabeen go’aanka uu Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya uu muddo kordhin laba sano ah ugu sameeyey Farmaaajo iyo baarlaamankaba. Duddridge ayaa ku qeexay go’aankan mid aan xal u noqon karin is-mari waaga ka taagan hanaanka doorashada, balse uu waxyeeleynayo kalsoonidii hoggaanka Soomaaliya, uuna halis ku yahay nabad-galyada iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay inay marar badan ku celiyeen inay kasoo horjeedaan hindise kasta oo hoggaaminaya doorashooyinka is-barabar socda, kuwa hal dhinac ah iyo muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore. “Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ka fogaadaan ficillo hal dhinac ah, oo kasii dari kara xiisadda siyaasadeed ama rabshado. Waa muhiim in dhammaan dhinacyada Soomaalida ay deganaan muujiyaan ayna ilaaliyaan nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Duddridge. “Haddii la waayo heshiis hoggaamin kara doorashooyin loo dhan yahay oo la isku haleyn karo oo la qabto ayada oo aan dib loo sii dhigin, waxaa isbeddeli doona xiriirka ay beesha caalamka la leedahay hoggaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Duddridge. “UK waxay kala shaqyen doontaa saaxiibada caalamka hab si isku mid ah dib loogu qiimeynayo xiriirka aan la leenahay iyo kaalmada aan siino Soomaaliya.” Duddridge ayaa sheegay in wada-hadallo wax ku ool ah oo dhex mara hoggaamiyayaasha Soomaalida ay xudun u noqon karaan xaqiijinta fulinta heshiiskii 17-ka September ee hanaanka doorasho, heshiiskaas oo ah kan kaliya ee sharci ah ee saldhig looga dhigi karo doorashooyin. The post UK oo shaacisay qorshe ay dalalka caalamka wadaan oo ku wajahan DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (PP News) — Disagreements have emerged within the International Community about the mandate extension for Somali federal institutions. The US Secretary of State Antony Blinken “called on Somalia’s Federal Government and Federal Member States to return to talks and agree to a way forward.” James Duddridge, the UK Minister for Africa expressed dismay over the parliamentary decision to extend the presidential term by two years. “In the absence of consensus leading to inclusive and credible elections being held without further delay, the international community’s relationship with Somalia’s leadership will change. The UK will work with its international partners on a common approach to re-evaluate our relationship and the nature of our assistance to Somalia” said James Duddridge in wrongly dated statement posted on the British government website. A wrongly dated Statement from the UK Africa Minister. Josep Borrell, the High Representative of the Union for Foreign Affairs and Security Policy described the Somali parliamentary decision as a threat to Somalia’s neighbouring countries. Statements of USA, UK and EU differ in tones but reflect different interests in Somalia. Somalia’s International Partners have failed to reach a consensus on how to react to the collapse of 17 Electoral Model and subsequent extension of the incumbent government’s mandate. Several African countries and members of the Arab League rejected to denounce the term extension passed by the Somali Federal Parliament to prepare Somalia for one person, one vote elections within two years. © Puntland Post, 2021 The post UK, EU and USA Issue Separate Statements on Mandate Extension for Somali Federal Institutions appeared first on Puntland Post.
  8. Hargeisa (HOL) - The President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, has inaugurated 106 buildings for the Somaliland Ministry of Education on Sunday, including the 'Aqoon-jirre' program and the Somaliland education channel. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) - The leaders of two regional states who have been at loggerheads with the federal government over how to settle the electoral crisis have officially departed Mogadishu on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  10. The Islamic Center of St. Cloud looks vastly different now than it did a year ago. Source: Hiiraan Online
  11. Waxaa goordhow la shaaciyey in Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu saxiixay sharci hal dhinac ah oo baarlamaanka federaalka ah ay waqtiga ugu dareen. Madaxweynihii hore ayaa caawa afurkii kaddib saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Golaha Shacabka cod aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12.04.2021. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa la filaya in uu ku dhawaaqo xilliga Ciidamadda Maraykanka ay kasoo baxayaan dalka Afghanistaan. Saraakiisha Maraykanka ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay in 11-ka bisha Sagaalad ee sanadkan lasoo saari doono ciidanka. Sida muuqato Maraykanka dib ayuu uga dhici doonaa xilligii la qorsheeyay ee ahaa bisha May ee sanadkan, taa oo kooxda Daalibaan iyo xukumadii Madaxweynihi hore ee Maraykanka Donald Trump, ay ku heshiyeen sanadkii hore. Waqtiga cusub ee la qabtay wuxuu ku beegan yahay sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay weeraradii argagixiso ee lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka iyo Pentagon-ka Mareykanka sanadkii 2001-dii. Sarakiisha Maraykanka iyo Gaashaanbuurta Nato ayaa sheegay in Daalibaan, oo ah Urur xagjir ah, uu ilaa haatan ku guul dareystay in colaada dalkaas ka socoto uu joojiyo ama yareeyo. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Ciidankiisa kala baxaya dalka Afghanistaan appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu caawa fiidkii saxiixay xeerkii mudo kororsiga ahaa ee shalay ay ansixiyeen xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka. Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga waxa uu ku sheegay in caawa afurkii kadib uu Farmaajo saxiixay sharcigii ay ansixiyeen xubanaha golaha shacabka. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii kaddib saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12-04-2021,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Dubbe. Beesha Caalamka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, saamileyda kale ee siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa aad u diidan mudo kororsigaan uu gadaal ka riixayo madaxweyne Farmaajo, waxaana la ogeyn sida xaalku ku dambeyn doono. Beesha Caalamka ayaa ku hanjabeysa cunaqabateyn, halka siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Badbaado Qaran ay saacadihii u dambeeyey ku goodiyeen inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay uga hor-tegayaan mudo kororsiga Farmaajo. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanadoodii kadib mudo bil ka badan oo ay Muqdisho u joogeen in laga heshiiyo khilaafka doorashada, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan go’aano culus oo la xariira xaaladda siyaasadeed ee dalka. The post Madaxweyne Farmaajo oo caawa saxiixay xeerkii mudo kororsiga appeared first on Caasimada Online.
  14. Midowga Yurub ayaa ku goodiyey inuu cunaqbateyn saarayo Soomaaliya haddii lagu socdo go’aanka hal dhinac ah ee golaha shacabka uu ku kordhiyey muddo xileedka Farmaajo. Wakiilka sare ee Josep Borrell Waxaa oo arrintan ka hadalay ayaa sheegay in qaraarkan uu qalqalgelinayo xasiloonida dalka geeska Afrika ku yaalo isla markaana uu horseedayo kala qeybsanaaan. Midowga Yurub waxay ugu baaqeen kooxaha Soomaaliya iney wada hadal ka galaan heshiiska September 17. Arrimahan ayaa dhacaya iyada oo shalay golaha shacabka uu 2 sano ugu daray Farmaajo taasi uu diiday Aqalka sare, kuna raaceen Midowga musharaxiinta. Source: goobjoog.com
  15. Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe, ayaa shaaciyay in madaxweyne Farmaajo uu fiidnimadii Caawa saxiixay qaraarkii Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanku shalay ansixiyay. Qoraal kooban oo uu soo saaray wasiir Dubbe, ayuu ku sheegay in madaxweyne Farmaajo si rasmiya u saxiixay sharcigan oo mudda laba sano ah loogu kordhiyay mudda-xileedka golayaasha dowladda Federaalka. Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay meel-mariyay sharcigan mudda kordhinta ah, kaas oo sidoo kale dhigaya in laba sano kadib doorasho qof iyo cod ah laga higeliyo dalka. Waxa xusid mudan, in sharcigan mudda kordhinta ay ka horyimaadeen muraacaradka dowladda, maamul goboleedyada qaarkood iyo ururad bulshada Rayidka ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay mudda kordhintii loo sameeyay dowladda appeared first on Puntland Post.
  16. In the presence of police, local business owners gave Somali spaza shop owners in Witsand township in Atlantis, Cape Town, three hours to pack up and leave. Witnesses say the business owners were cheered on by about 200 residents. This happened on 31 March and since then the shops have remained shut. Source: Hiiraan Online
  17. Two years today since the kidnapping in Kenya of the surgeon Landy Rodríguez Hernández and the specialist in general medicine Assel Herrera Correa and their subsequent transfer to Somalia by members of the Somali jihadist group Al-Shabaab and there are still details of the circumstance in which they are or signs regarding their future. Source: Hiiraan Online
  18. Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey ayaa caawa qalinka ku dhigay In Goloyaadha Dowlada loo kordhiyay laba sano, Sharcigaan ayaa shalay Baarlamaanku soo saareen. Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey wuxuu Caawa saxiixdey inuu Laba sano sii joogo Villa Soomaaliya, xili Mucaaradka iyo Beesha Caalamkuba ay ka digeen arinkaas. Saxiixa uu Madaxweynuhu saxiixay Sharcigaan waxay ka dhambaal u diraysaa Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo tan iyo shalay ka digayay inuusan Madaxweynuhu ku dhaqaaqin Mudo kororsi, Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News— Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharcigii shalay ee mudo kordhinta appeared first on . Source
  19. MOGADISHU, April 13 (Xinhua) -- Somali opposition presidential candidates on Tuesday faulted the Parliament's move to extend President Mohamed Farmajo's term in office for two years, terming it unconstitutional. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Walhtigiisu dhamaadey Jaale Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa darajadii Ciidanka Bileyska ka xayuubiyey Taliyaha Ciidamada Bileyska Gobolka Banaadir oo shalay Xilka qaadistiisana lagu dhawaaqay. Darajadii iyo Xaqiiqdii Ciidan ee uu Madaxweynuhu ka qaaday Saadiq Joon ayaa durba waxay la kulantay muran iyo su’aalo, waxaana lagu tilmaamay mid aan habayaraatee wax sharci ah loo marin. Sharciga Ciidamada, Masuulka ka tirsan Ciidamada waxaa Laga xayuubin karaa Darajada hadii Maxkamada Ciidamada ay ku cadeyso dambi uu ku mutaysanayo Darajo iyo Xuquuq ka xayuubin. Saadiq Joon ayaa shalay hor istaagay Kulan ay Baarlamaanku yeelan lahaayeen, wuxuuna ku hadlay hadalo ka caraysiiyey Villa Soomaaliya, hadalkiisa waxyar kadibna waxaa laga xayuubiyey jagadii uu hayay inkastoo uu kasoo horjeestay Xilka qaadista lagu sameeyey. Puntlandi.com Muqdisho The post Jaale Farmaajo oo Darajadii ka xayuubiyay Saadiq John appeared first on . Source
  21. (ERGO) – Galmudug ministry of women and human rights has been conducting awareness campaigns about rape and sexual violence in response to a rise in attacks on women and girls in the central Somali town of Galkayo. Source: Hiiraan Online
  22. Kenyan President Uhuru Kenyatta has opened a new $37 million small arms factory as the country seeks to improve self-reliance on defence and security equipment. Source: Hiiraan Online