Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,337
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kenyan troops serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have supplied clean potable water and foodstuffs to the residents of Bura Hache and Gherille in Gedo region of Somalia, benefiting over 400 households. The area is currently experiencing an acute shortage of clean water and the intervention by AMISOM troops seeks to alleviate the hardships by ensuring that the local community has access to clean and safe water for consumption. The local administration and residents thanked AMISOM troops for their gesture and assured them of their continued collaboration in the fight against terrorism in order to restore peace and stability in Somalia. View the full article
  2. Kenya will not take part in Monday’s hearings over its maritime border dispute with Somalia at the International Court of Justice, government sources have told the BBC. Kenya accuses the ICJ of bias in the case, which concerns a 62,000 sq miles (160,000 sq km) triangle in the Indian Ocean. The area is thought to be rich in oil and gas. The dispute is at the heart of a diplomatic row between the neighbours. Kenya had asked for the case to be delayed while it briefed a new legal team, and also cited the coronavirus pandemic, but the ICJ ruled the case should be heard virtually on Monday. Kenya also objects to the presence on the ICJ panel of a Somali judge, saying he should recuse himself. Somalia brought the case in 2014, saying the maritime frontier should follow on in the same direction as the land border, while Kenya argues that it has always been taken in a horizontal line from the point where the two countries meet at the coast. Kenya’s legal team is understood to want to brief the ICJ for 30 minutes on Monday before the hearing officially starts. Somalia also accuses Kenya of interfering in its internal affairs by backing the administration of the Jubbaland region against the federal government. However, the two countries are allies against the al-Shabab Islamist group, which controls many rural parts of Somalia and has staged numerous deadly attacks in Kenya. View the full article
  3. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa kulan la qaatay Safiirka Turkiga u Jooga Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xeriirka ka dhaxeeeya labada dal. Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ku yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan kulan la qaato wasiirka arrimaha gudaha soomaaliya, waxaan ka wadda hadalnay xariirka labo geesood ah iyo xoojinta iskaashiga labadda waddan” View the full article
  4. Affar gaari oo Land cruiser Helix ah ayaa maanta lagu wareejiyay wsaaradaha, Biyaha, Xanaanada Xoolaha, Qorsheynta Galmudug iyo Unuga hormuudka ka ah mashruuca horumarinta biyaha ee Biyoole. Munaasabad lagu qabtay xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjood ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka. Gaadiidkaan ayaa loogu talo galay in uu u adeego mashruuca Biyoole, si loo gaaro degaanada ka fog magaalooyinka ee la rabo in mashruucu gaarso, sida adeegyadiisa Biyaha, Beeraha, Xanaadana xoolaha iyo horumarinta deegaanka. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta si wadajir ah xarunta Xalane kulan kula yeeshay midowga musharaxiinta iyadoo wali aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka dalka. Kulanka wuxuu ku saabsanaa mid looga hadlay xaaladaha hadda ka taagan dalka oo ay ugu weyn tahay sidii loo qaban lahaa doorasho xor oo xalaal ah, waxaana la fahamsan yahay in labadaan madaxweyne iyo midowga musharaxiinta ay aad isugu dhaw yahiin aragti ahaan. Madaxweynahii hore Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal uu ku cadeynayo ujeedada kulankii maanta ay la yeesheen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe. “Kulanka Golaha Midowga Murashaxiinta, iyo M/weynayaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu qeyb kayahay dadaalka loogu jiro sidi dalka looga qaban lahaa doorasho xalaal ah, heshiis lagu wada yahay, oo si nabad ah ku dhacda,” ayaa lagu soo qoray bogga Shariif. Wadahadalkaan halka maalin ah ayaa kusoo aadaya xilli la wada sugayo in dhawaan uu shir uga qabsoomo Muqdisho madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo la rabo in go’aan looga gaaro arrimaha doorashooyinka . “Midowga murashaxiinta ayaa kulan miradhal ah la qaatay labada madaxweyne ee dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxaan ka wada hadalnay sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, la isla ogolyahay, si nabad ah ku dhacda,” qoraalkaan waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabsiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
  6. Cumaan oo dalkeeda ka xanibtay app-ka ClubHouse Clubhouse Cumaan ayaa Axadda maanta ah xayirtay app-ka codka ah ee Mareykanka laga leeyahay ee ‘Clubhouse’ iyadoo mas’uuliyiintu ay ku sababeeyeen inuusan haysan ogolaansho sax ah. Laakiin qaar ka mid ah u dhaqdhaqaaqayaasha bulshada ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay dagaal horleh oo ka dhan ah xorriyadda hadalka ah. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladdu aysan ka jawaabin codsi ah in ay faahfaahiso go’aankan. Hase ahaatee, sarkaalka u sarreeya Hay’adda Isgaarsiinta Cumaan ayaa u sheegay website-ka wararka ee WAF in app-ka loo xannibay “ruqsad-la’aan”. Hashtag-ga Oman_blocks_Clubhouse ayaa Axadda maanta ah qabsaday doodaha isticmaalayaasha baraha bulshada ee Cumaan. “Dowladda Cumaan waxa ay dowladda kali-taliska ah ee China ka dhigatay tusaale ay ku dayato. Clubhouse waa madal ay dadka reer Cumaan u adeegsadaan inay ku cabiraan ra’yigooda si xor ah oo aan lahayn faaf-reebka dowladda,” sidaasina waxaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Cumaan. Qaran News
  7. Boqortooyada Sacuudiga oo meel marisay Sharci farxad geliyey Ajaaniibta ka xoogsada Gudaha dalkaa Shaqaala ajnaabiga ee Sacuudiga ka shaqeeya Sacuudi Carabiya ayaa meel marisay sharci in badan la sugayey oo ku saabsan in meesha laga saaro nidaamka ‘Kafaala’ ama kafaala-qaadka ee shaqaalaha ajnabiga uu qof wakiil uga noqonayey. Shaqaalaha ajnabiga ee Sacuudi carabiya ku sugan waxaa horay loogu xiri jiray iney oggolaasho iyo kafaala-qaadba ay ka helaan cidda ay u shaqeynayaan. Haddii shaqaalaha iyo qofka loo shaqeynaya uu khilaaf ka dhex dhacana ay dhici jirtay in shaqaalaha kafaala-qaadka lagala noqdo taasina ay keento inuu si sharci ah dalka Sacuudiga uu uga shaqeysan karin. Bishii Novebmer ee sanadkii hore, wasaaradda shaqada iyo horumarinta bulshada ee dalkaasi waxay ku dhawaaqday iney meel marineyso qorshe ay wax kaga beddeleyso nidaamki kafaala-qaadka ee shaqaalaha ajnabiga lagu xirayey. Nidaamkaasi oo dhigayey inuu qofka shaqaalaha ah qofka ama cidda uu u shaqeeyo oo keli ah uu rusqada shaqada iyo degganaashaha Sacuudiga uu u cusbooneysiin karo ama uu ka joojin karo. Sacuudiga wuxuu sheegay inuu qaaday xayiraadihi ugu waaweynaa ee shaqaalaha ajnabiga ah ka saarnaa inuu helo sharciga shaqada iyo degganaashaha dalkaasi. Dalka Qadar ayaa horay ugu dhawaaqay inuu wax laga beddelay sharciga shaqaalaha ee Ajnabiga ah ee ka soo jeeda dalka Nigeriya, iyada oo ka duuleysay dhibaatooyinkii ka dhacay Lubnaan. Kooxaha u dooda xuquuqda shaqaalaha waxay ku doodayaan nidaamkaasi inuu shaqaalaha gaar ahaanna kuwa dhismaha ama guriyaha ka shaqeeya ee aadka u nugul iney shaqaalaha u shaqeeya ku xadgudbaan. Xadgudubyada ay u geystaanna waxay ku sheegeen iney ka mid yihiin iney baasboorrada ka qaadaan, iney saacado dheeri ah shaqeeyaan iyo iney u diidaan lacagihi ay ku shaqeeyeen. Nidaamka cusub ee ay Boqortooyada dib u habeynta ku sameysay shaqaalaha soo galootiga ah wuxuu dhigayaa shaqaalaha iney shaqooyinkooda wadan karaan ilaa uu ka dhaco heshiiska shaqo ee lala galay. Shaqaaluhu sidoo kale waxay awoodi doonaan inay wareejiyaan shaqooyinka inta uusan dhammaan qandaraaskooda shaqo haddii cidda ay u shaqeynayaan wakhtigi looga talagalay ku wargeliyaan. Shaqaaluhu sida oo kale waxay helayaan xorriyad ay ku safraan iyaga oo aan wax fasax ah uga baahan cidda ay u shaqeynayaan. Hay’adaha dowliga ee arrimahan u xilsaaran waxaa kale oo ay sheegeen in sida oo kale shaqaalaha ajnabiga ah ee aan la siinin qandaraas shaqo ama mushaaraadkooda la siinin loo diyaariyey shuruudo. Qaar ka mid ah waddamada Khaliijka ayaa sanadihi u dambeeyey isbeddello ku sameeyey nidaamka ‘kafaala’ (kafaala-qaadka) ee shaqaalaha wakiilka uga noqonaya qofka uu u shaqeeya, arrintaasi oo ahayd mid ku baahsan lixda waddan ee xubinka ka ah golaha iskaashiga khaliijka. Dadka dhaleeceeya arrintan waxay sheegaan xadgudubyada iney sii socon doonaan, ilaa iyo inta ay shaqada iyo fiisooyinka dagganaashaha ay ku xiran yihiin ‘Kafiil’ ama qofka shaqaalaha kafaala-qaada. Qaran News
  8. Sababtay Dawlada Kenya uga baxday dhageysiga dacwadda Badda ee ka dhaxaysa Somalia? Garsoorayaasha maxkamada ICJ Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Kenya. Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Kihara Kariuki ayaa go’aanka dowladda maxkamada ICJ u gudbiyay isbuucii la soo dhaafay xilli maalmo uun ay ka dhinayd bilaabashada dhageysiga kiiska. “Kenya waxay rajeynaysaa inay maxkamadda ku wargaliso in aysan ka qeyb galayn dhageysiga kiiska ee bilaabanaya 15 March,” waxaa sidaasi lagu sheegay warqad uu xeer ilaaliyaha guud Kenya u diray maxkamadda. Tallaabadan lama filaanka ah ayaa imanaysa iyada oo maalinta berrito ah loo ballansan yahay in maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada ay billowdo dhageysiga dacwadda muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale go’aanka ku soo beegmayaa xilli uu aad u xumaaday xiriirka dublamasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal. waxyaabaha kale ee ay Kenya ka cabanayso Qoraalka ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamada ICJ ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ka qeybgalka dhageysiga kiiska ee garsoore, Cabdulqawi Axmed Yusuf, oo dhalashadiisu Somaali tahay ay tahay mid shaki galinaysa kalsoonida lagu qabi karo in maxkamada ay dhexdhexaad noqonayso. Mr Kariuki, ayaa ku dooday in kiiska dhanka Kenya uu inta badan gundhigiisu yahay waxyaabo ay qareenada sharxayaan iyaga oo tusaale adeegsanaya islamarkana aan taasi lagu sameyn karin qaab maqal iyo muuqaal ah. . Kenya ayaa ka cabanaysa in dhageysiga loo qabto qaab maqal iyo muuqaal ah taasi oo Mr Kariuki uu sheegay “in aysan ku haboonayn in kiis sidan u culus una muhimsan lagu qaado qaab maqal iyo muuqaal ah”. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya ayaa sidoo kale qoraalka uu maxkamadda u gudbiyay ku sheegay in Kenya ay qareeno cusub qoratay islamarkana kulamo aysan yeelan maadama uu jiro feyriska Corona sidaasi daraadeed-na Kenya aysan si wanaagsan ugu diyaar garoobin kiiska. Dowladda Kenya ayaa shaqada ka ceyrisay qareenadii uga qeybgalay dhageysigii 2019 waxa ayna ku dhaliisha tayada qaabkii ay dacwadooda u soo bandhigeen. Maxkamadda ayaa inta badan go’aanada ay gaarto fulintooda waxay ku tashataa oo ay isku haleysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si loo xaqiijiyo in la xushmeeyo oo loona hogaansamo go’aanadeeda. Kenya ayaa imika xubin aan joogta ahayn ka ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Qaran News
  9. Guddiga gurmadka abaaraha ee xukuumadda Soomaaliya u xil saartay ka jawaabista xaaladaha abaaraha ayaa sheegay in ay heleen jawaabo wax ku ool ah oo ku aadan wax u qabashada dadka ay saameeyeen abaarahaasi . Shir jaraa’id oo maanta magaalada Muqdisho ku qabteen guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka maaliyadda, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka gargaarka Soomaaliya ayay ku sheegeen in hey’ado iyo ururo kale oo caalamiga ah ay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada howlaha lagu samatabixinaayo dadka maatida ah Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa sheegtay 9.5 milyan oo Soomaali ah heysato dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada, abaaraha, fatahaadaha iyo duruufo kale. Waxay xustay in dowladdu xooga saartay sidii loo yareyn lahaa khataraha ka dhashay dhibaatooyinka is barkaday ee dadka Soomaaliyeed saameeyay. Guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in hey’ado dhowr ah ka soo jawaabeen baaqii guddiga u direy, hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridda gargaarka aadanaha ee UNOCHA, Bankiga adduunka iyo ururka iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC aya kamid ah dhinacyada falcelinta ka heleen. Wasiir Beyle, ayaa carrabka ku adkeeyay in dadka Soomaaliyeed ay tahay in ay ayaga isku tashtaan isla markaana ka faa’ideystaan kheyraadka Alle ku maneystay ee dhulkooda yaala. Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, mudane Cismaan Abokor Dubbe, ayaa warbaahinta ku booriyay in ay u istaagaan sidii wacyigelinta bulshada loo gaarsiin lahaa. View the full article
  10. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa magaalada Qaahira kaga qeyb galay shirk 31aad ee Diimaha iyo Dhaqanka. Shirkan oo ay Soo qabanqaabisay Wasaardda Awqaafta iyo Arrimha Islaamka ee Dalka Masar ayaa waxaa inta badan looga hadlayay xoojinta dhaqanka islaamka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Soomaaliya oo shirkan qeyb ka aheyd waxaa ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble, waxaana khubad uu ka jeediyay uu ku sheegay horumaradda kala duwan ee dalka ka socda iyo sidoo kale dadaaladda ay wado Dowladda Soomaaliya. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka, waxaa muddo ka badan 15 maalmood ay wasaarada weysan tahay lacag dhan 100 kun oo dollar, taas oo la sheegay in ay aheyd lacag loogu talagalay in gargaarkii ugu horreeyay lagu gaarsiiyo shacabka gobalka Gedo. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu u sheegay Wasiir Khadiijo in uusan heli karin lacagtaas oo uu amray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aysan hada heli karin lacagtaas balse ay sameyn doonaan baadi goob deg deg ah. Tani ayaa muujinaysa in qasnada dowladda aysan lacag ku jirin xili ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay maalmahan wajaheyso dhaqaalo la’aan xoog leh. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Soomaaliya laga goostay lacago badan ay ka heli jirtay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo ka taageera dhinaca miisaaniyadda. Wararkii ugu dambeeyay ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in carruur badan ay gaajo iyo harraad ugu dhinteen degmooyin ka tirsan Gobalka Gedo. Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u sheegay xubnaha beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka ka dalbadeen in laga caawiyo abaaraha dalka ka jira waxayna arrintaas sii xaqiijineysaa in wali lacag la’aan ay heyso dowladda Soomaaliya.
  12. (SLT-Addis ababa)-Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa la helay Cudurka halista ah ee COVID-19 ee kusoo laba kacleeyay dalkaas. Wasiir Sacad Cali ayaa waxaa uu sheegay in laga helay Cudurka COVID-19, kadib markii baadhitaano kala duwan lagu sameeyay, xili uu doonayay inuu dib ugu laabto Magaalada Hargeysa oo markii hore uu ka tegay. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Itoobiya ay gelisay xaalad karantiil ah oo haatan uu maalmo ku jiro. Waxaa uu intaas uu kusii daray Wasiir Dr Sacad Cali Shire in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan, isla markaana uu sheegay inuu rajeynayo inuu dib ugu laabto Magaalada Hargeysa. Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland ayaa dhawaan safar shaqo ku tegay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, hayeeshee xili baadhis Caafimaad lagu sameeyay laga helay Cudurka COVID-19. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Cumaan ayaa Axadda maanta ah xayirtay app-ka codka ah ee Mareykanka laga leeyahay ee ‘Clubhouse’ iyadoo mas’uuliyiintu ay ku sababeeyeen in aanu haysan ogolaansho sax ah. Laakiin qaar ka mid ah u dhaqdhaqaaqayaasha bulshada ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay dagaal horleh oo ka dhan ah xorriyadda hadalka ah. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladdu ayna ka jawaabin codsi ah in ay faahfaahiso go’aankan. Hase ahaatee, sarkaalka u sarreeya Hay’adda Isgaadhsiinta Cumaan ayaa u sheegay website-ka wararka ee WAF in app-ka loo xannibay “ruqsad-la’aan”. Hashtag-ga Oman_blocks_Clubhouse ayaa Axadda maanta ah qabsaday doodaha isticmaalayaasha baraha bulshada ee Cumaan. “Dowladda Cumaan waxa ay dowladda kali-taliska ah ee China ka dhigatay tusaale ay ku dayato. Clubhouse waa madal ay dadka reer Cumaan u adeegsadaan inay ku cabiraan ra’yigooda si xor ah oo aan lahayn faaf-reebka dowladda,” sidaasina waxaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Cumaan. Source
  14. Iyadoo maalinta berito ah lagu balan-sanaa in dhageysiga kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabato magaalada Hague ayaa dowladda Kenya ku dhawaaqday in ay isaga baxday kiiskaasi. Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki ayaa warqad uu u gudbiyay maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ ku sheegay in maxkamadda ay ogeysineyso dowladda Kenya in ay ka sii mid ahaaneynin kiiska dacwadda ee Soomaaliya kala dhexeysa. Kenya ayaa sheegtay in aysan diyaar u aheyn ka qeyb galka dacwadda, haddii ay ku socoto dhageysiga dacwadda jadwalka horay ay maxkamadda u qorsheeysay oo maalinta berito ah ku beegan. Sidoo kale Kenya ayaa ku doodeysa in diyaar garow sare aysan u galin kiiska Soomaaliya kala dhexeeya, sababo la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, sidaas darteedna ay u baahan-tahay in qareeno cusub ay diyaarsato, taasina aysan waqti u helin. Si kastaba ha’ahaatee bishii la soo dhaafay ayaa maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ waxay gaashaanka u daruurtay isku day xukuumadda Nairobi ay dib ugu dhigeysay dhageysiga dacwadda badda, balse maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in jadwalka dacawadda sida loo qorsheeyay uu ku socon doono. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ku wargelisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka in aysan ka qeyb geli doonin dhgeysiga dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya. Dowladda Kenya ee muranka galisay Badda Soomaaliya ayaa tabaneysa cadalaad darro ka jirta maxkamadda ICJ, taasoo diiday in dib loo dhigo kiiska markii afaraad, waxeyna marmarsiyo ka dhigatay xanuunka COVID-19. “Kenya waxa ay jeceshahay in ay ku wargaliso maxkamada, iyada oo u sii marineysa Diiwaanhayaha, in aysan ka qeyb galeynin dhageysiga kiiska halkaan ku xusan, hadii ay u socoto si isku mid ah laga bilaabo Maarso 15, 2021, sida hada loo qorsheeyay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Paul Kihara Kariuki. Warqadaan waxaa la gaarsiiyay maxkamadda cadaaladda adduunka ee Holland ku talla taariikhdu markey aheyd March 11 taas oo uu u qoray Phillippe Gautier, diiwaan hayaha maxkamada. Iyadoo ay taasi jirto ayey Kenya ku doodaysaa waxa ay ku sheegtay in ay cadaalad daro ka tirsanayso maxkamada iyo in uu garsoorayaasha xubin ka yahay madaxweynihii hore ee ICJ Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah muwaadin Soomaaliya. QODOBADA AY KENYA KU DOODEYSO: Maxay yihii qodobada Kenya ku doodayso in maxkamadda dib loogu dhigo 1 – Kenya waxa ay ku doodaysaa in ay maxkamadda cadaallada aysan labada dhinac u sinayn, oo ay u xaglineyso Soomaaliya. 2 – In ICJ diiday dalabkii Kenya ee dib loogu dhigi lahaa kiis dhagaysiga. 3- In faafitaanka cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska. 4 – Kenya ayaa ku dooday cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri 5 – Kenya ayaa sheegtay in kiiskeeda uu ku dhisan yahay inay qaab sawir ahaan wax u muujiso, sidaas darteedna aan fulin karo video. 6 – In garsoore Abdulqawi Ahmed Yuusuf oo ah Soomaali, uu qeyb ka yahay garsoorayaasha kiiska, ayada oo ay sheegtay in ka qeyb-galkiisa “aysan Kenya siineyn kalsooni.” In kasta oo ay Kenya ka laabatay, haddana Maxkamadda ICJ waxa ay sii wadi kartaa dacwadda oo waxay samayn kartaa xukun iyada oo adeegsanaysa doodihii ay Kenya horay u gudbisay.
  16. The Ethiopian government on Saturday rejected US allegations of ethnic cleansing in the northern Tigray regional state as "completely unfounded". Source: Hiiraan Online
  17. Kenya has announced it will no longer participate in the international maritime boundary dispute case with Somalia, in protest at “perceived bias and unwillingness of the court to accommodate requests for the delaying the hearings as a result of the COVID-19 pandemic.” As reported by The Sunday Nation, Kenya’s Attorney-General Kihara Kariuki communicated the decision to the International Court of Justice (ICJ), saying “Kenya wishes to inform the court, through the registrar, that it shall not be participating in the hearings in the case herein, should the same proceed from March 15 2021, as presently scheduled.” The letter further states that the COVID-19 pandemic means that Kenya has not been able to prepare adequately as it struck “just around the time that Kenya had recruited a new legal team.” “The consequence of this is that Kenya and its legal team were deprived of the opportunity of having necessary preparatory meetings and engagements,” the Attorney-General said. The ICJ is from Monday, March 15th to Wednesday March 24th 2021 set to hold public hearings in the case concerning Maritime Delimitation in the Indian Ocean (Somalia v. Kenya) at the Peace Palace in the Hague, the seat of the Court. Somalia’s envoy led by Federal Government of Somalia Deputy Prime Minister Mahdi Mohammed Gulaid on Monday proceeded to The Hague-based International Court of Justice (ICJ) to attend the public hearing of the Maritime dispute case. The dispute between Kenya and Somalia is over which direction the two countries’ border extends into the Indian Ocean. Somalia argues that the maritime boundary should continue on in the same direction as the land border’s southeasterly path. While Kenya insists that the border should take a roughly 45-degree turn at the shoreline and run in a latitudinal line. (With input from the Sunday Nation)
  18. Xilli todobaadkan lagu wado in qeybaha Soomaalida shir loogu qabto Afisyooni ayaa waxaa muuqato qodobbo badan oo ismariwaa ah oo qaarkood horay u jireen iyo qaar cusub oo hadda soo ifbaxay. Qodobbada Horay u Jiray: Ismariwaaga siyaasadeed ee doorasho: Shan bil heshiiskii September 17 kadib iyo 35 cisho oo kasoo wareegtay muddo xileedka madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ismariwaa ka jiraa doorashada taas oo keentay in loo baahdo faragelinta beesha caalamka iyo iney gogol dhigto Hey’adaha la doorto ee dowladda oo uu ka dhamaaday xilligii dastuuriga ahaa: Baarlamaanka federaalka waxaa uu muddo xileedkiisu dhammaaday December 17, 2020 halka madaxweynaha uu muddo xilkeedkiisu ku ekaa February 8, 2021, sidaasi ay tahay lama diyaarin ciddii badali aleyd hey’adahaasi, oo waxaa iska wataan shaqadooda, taasi oo muran dhalisay. Hirgelinta heshiika September 17 oo Fashilmay: Heshiiskaas ayaa dhigayey in la magacaabo saddex guddi oo doorasho oo ay ku jiraan labada heer dowladda iyi midka khilaafaadka, in xildhibaanka doortaan ergo 101 ah, in maamul kasta uu labo magaalo doorasho ku qabto iyo qorshe doorasho oo fulintiisu bilaaban laheyd November.Heshiiska waxaa uu fashilmay kadib markii maamul Farmaajo uu magacaabay guddi doorasho oo askar iyo shaqaale dowlad u badan. Fashilka Dhuusamareeb 4: Fadhi ay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyadu ku lahaayeen caasimadda Galmudug ayaa burburay February 6. Shirkan oo loo yaqaanay Dhuusamareeb 4 waxaa uu burburay kadib markii uu madaxweynihii xilligaas Farmaajo uu Gedo uga tanaasuli waayey maamulka Jubbaland, qodobada kale ee la iskumari waayey waxaa ka mid ahaa guddiyada lagu muransan yahay ee doorashada iyo xulista matalayaasha Somaliland. Haddaba, shirka todobaadkan lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho, lagama bilaabi doono halkii lagu kala tagay Dhuusamareeb 4 ee ahaa: Gedo, guddiyo doorasho iyo Somaliland ee maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo xataa midowga musharaxiinta waxaa ay wataan qodobbo kale oo cusub waxaana ka mid ah: 1. In Farmaajo uu Wareejiyo Awoodaha: Arrinta ugu muhiimsan ee miiska saaran, waa in uu Farmaajo ku saxiixo teendhada Afisyooni in aanu isticmaali karin awoodaha dastuuriga, ee uu yahay madaxweyne hore, musharax ah, sidaasina waxaa horay u sameeyey Xasan Sheekh. 2. Muranka ku aadan shir guddoominta: Waxaa qodobbada miiska saaran ka mid ah shir guddoominta shirka Afisyooni iyada oo Puntland, Jubbaland iyo musharaxiinta ay ku doodayaan in Farmaajo laga wareejiyo shir guddoominta mar haddii uu dhamaaday muddo xileedkiisa. 3. In Musharaxiinta Ka Qeybgalaan: Waxaa miiska saaran in saamileyda siyaasadda ay shirka tagaan, gaar ahaan musharaxiinta madaxweynaha. 4. Xil ka qaadista Taliyeyaasha: Waxaa miiska saaran in xilka laga qaadayo taliyeyaasha ku lug lahaa weerarkii February 19 iyo kuwa laga shakinsan yahay inuu maamulka Farmaajo adeegsan karo xilliga doorashada. 5. In Amniga Doorashada Lagu Wareejiyo Booliiskii hore: Puntland, Jubbaland iyo midowga musharaxiinta waxaa ay qabaan in amniga doorashada laga reebo Haramcad, oo lagu kobo booliiskii hore iyo AMISOM. 6. Baarista Dhacdadii February 19: Waxaa kale oo qodobada ka mid ah in la baaro rasaaseyntii February 19 oo ka dhan aheyd midowga musharaxiinta. 7. Dhismaha Gole Xilliga Kala-guurka: Waxaa miiska wada hadalka ee Afisyooni saaran in la magacaabo gole oo ay ku jiraan guddoonka baarlamaanka, xukuumadda iyo maamulka goboleedyada si ay mas’uul uga ahaadaan marxaladda kala guurka. 8. Dhanka kale, Bulshada Rayidka ayaa beesha caalamka oo ah cidda martigelineyso ka dalbatay ka qeyb shirka Afisyooni, si ay korjoogto uga noqdaan, arrintan ayaa timid kadib fashil ay kala kulmeen dhexdhexaadinta. 9. Mowqifka Dowladda: Dowladda federaalka ah ayaa muuqato mid ku adkeysaneyso in Afisyooni lagu saxiixo heshiiskii guddiyada farsamo ee Baydhabo February 16, inuu shir guddoon sii ahaado, inuu doorashada maamulo iyo in aan laga qaadin awoodihiisa dastuuriga ah. 10. Mowqifka Beesha Caalamka: Beesha caalamka oo gogosha dhigtay shirkan Afisyooni waxa ay mar walbo ku celisaa in aan la qaban doorasho hal dhinac, isbarbar socda ama in laga fogaado qalalaaso. Haddaba, sida muuqato xalku waa mid adag, xaaladduna waa mid gacanta ka baxday, waxaase rajo weyn laga qabaa sida beesha caalamka ay kaalin hoggaamineed uga qaadan karto guuleysiga shirka, una cadaadin karto qeybaha Soomaalida. Goobjoog News Source: goobjoog.com