Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa maalintii labaad dhageysaneysa dacwadda muranka badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana labada maalmood ee ugu horreysa fursadda la siiyay qareennada matalaya dowladda Soomaaliya. Waxaa kiiskan ka maqan qareennada dhinaca Kenya kaddib markii xukuumadda Nairobi ay isaga baxday dacwadda, iyadoo arrimo dhowr ah u sababeysay. Mid ka mid ah waa in Kenya ay maxkamadda ku eedeysay inaysan dhexdhexaad ka ahayn kiiska ku saabsan xad badeedka saddex xagalka ah ee uu cabirkiisu yahay 62,000 sq miles (160,000 sq km). Soomaaliya oo hadda kaligeed dacwadda laga dhageysanayo waxaa u taagan ilaa shan gar yaqaan oo heer caalami ah oo difaacaya doodda Soomaaliya ee ku aaddan in badda ay iyadu leedahay. Sidoo kale waxaa jira qareenno kale oo ka qeyb qaadanaya caawinta Soomaaliya. Maxaan ka naqaannaa qareennada u doodaya Soomaaliya? Markii ugu horreysay garyaqaannada Soomaaliya waxaa ka mid ahayd Muna Sharmaan oo si weyn loo bartay xilligii ay socotay dhageysigii dacwadda badda. Hase yeeshee waxay doorkaas ka baxday sanadkii bishii October ee sanadkii 2019-kii. Waxaa hadda Soomaaliya wakiil uga ah kiiska qareenno ajnabi ah. Qareennadan ayaa ah kuwo sumcad ku dhex leh shuruucda caalamiga, waxayna u kala dhasheen waddamo kala duwan. 1- Paul S Reichler Garyaqaan Paul S Reichler Mr Paul S Reichler waa gar yaqaan khabiir ah oo u dhashay dalka Mareykanka. Waxa uu aqoon dheer oo takhasus ah u leeyahay sharciyada la xiriira muranka xad ka badda. Sidoo kale waxa uu ka tirsan yahay ururka ay ku bahoobeen garsooreyaasha ka howl gala maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka. Mr Reichler waxa uu kasoo qalin jabiyay kulliyadda cilmiga sharciga lagu barto ee Jaamacadda Harvard. Wuxuu si fasiix ah ugu hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish-ka. 2- Prof. Philippe Sands Garyaqaan Prof. Philippe Sands Prof. Philippe Sands, oo ay da’diisu tahay 60 sano waa qareen British-French ah oo ka tirsan garyaqaannada caanka ah ee dunida. Waxa uu ka soo qalinjabiyay jaamacadda Harvard qeybteeda sharciga. Prof. Sands waxa uu macalin ka yahay jaamacadda London iyo sido kale jaamacado kale oo ku kala yaalla dalalka Mareykanka, UK Canada, Faransiiska iyo Australia. Waxa uu horey isaga oo dhinacyo kala duwan matalaya qareen uga soo noqday oo uu hortagay maxkamada ICJ, maxkamada cadaaladda iyo xuquuqda aadanaha ee Yurub iyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC. Prof. Philippe Sands waxaa uu horey u qoray buugaag uu ka diyaariyay shuruucda caalamiga ah. 3- Prof. Alain Pellet Prof. Alain Pellet Waa qareen 72 jir ah, oo u dhashay dalka Faransiiska islamarkana muddo dheer ku jiray xirfadda shuruucda caalamiga ah. Mr Pellet ayaa waxaa uu culuumta sharciga ka bartay Jaamacad ku taalla magaalada Paris oo lagu magacaabo de Paris Ouest – Nanterre La Défense,. Prof. Alain Pellet ayaa sidoo klae horey la taliye dhanka sharciga ah ugu soo noqday dowladda Faransiiska. 4- Alina Miron Alina Miron Garyaqaan Alina waa macallimad wax ka dhigta jaamacadda Angers ee dalka Faransiiska, oo ah waddanka ay kasoo jeeddo. Waxay horay iyada oo qareen u hor tagtay maxakamadaha ICJ iyo ITLOS. Waxay hadda ka mid tahay qareennada khibradda leh ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee hor taalla maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. Mageeda waxaa lagu xusay bayaanka maxkamadda, shalayna waxay ka mid ahayd qareennadii hadlay. 5- Edward Craven Edward Craven Mr Craven – oo u dhashay dalka Ingiriiska – waa qareen caalami ah oo ku takhasusay noocyada kala duwan ee shuruucda caalamiga ah . Arrimaha uu ku xeel dheer yahay waxaa ka mid ah shuruucda caalamiga, shuruucda dib u soo celinta hantida, shuruucda deegaanka, shuruucda saxaafadda, shuruucda ganacsiga iyo shuruucda la xiriira dambiyada. Qareennada kale ee gacanta ka geysanaya kiiskan, dhanka Soomaaliyana ka socda waxaa ka mid ah Benjamin Salas Kantor oo ka howlgala shirkadda dhanka sharciyada ee Foley Hoag LLP. Waa qareen dalalka madaxa banaan ku matala shuruucda caalamig ah gaar ahaan murada caalamiga ah. Mr Kantor waxaa uu horey la taliye ugu ahaa madaxwaynaha Chile oo uu lasoo shaqeeyay sanadihii u dhaxeeyay 2018 iyo 2020. Nicholas Renzler ayaa isagana ka mid ah garyaqaannada la safan Soomaaliya, waana qareen ku taqasusay shuruucda caalamiga ah islamarkana dalalka ku matala maxkamadaha caalamiga ah.
  2. Somali patriots, including moderate Islamists are haunted by how candidate Mohamed Abdullahi Farmajo” fooled them when they enthusiastically took to the streets of Mogadishu to celebrate his election in February 2017, and to the media chanting “please take us to Farmajo.” Source: Hiiraan Online
  3. Maanta waxaa Puntland soo gaaray shixnadii ugu horaysay oo Ah Talaalka Oxford AstraZeneca ee Ka hortaga Xanuunka Corona, Shixnadaasii ka kooban 40,000 Talaal. Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa goordhaweyd Amar ku bixiyay in Talaalka la ilaaliyo Laguna bilaabo Dhamaan dhaqaalaha Caafimaadka, Dadka waayeelka ah iyo Dadka aan xamilikarin Cudurka Coranaha, Da’duu doono ha jiree. Maamulaan ayaa ka dhigan in sicadaalad ah loo qaybiyo Talaalka, waxaa kalo Amarka Madaxweynaha ka mid ah in Dhaqaalaha kale ee Dowlada, Masuuliyiinta sarsare iyo Dadka Saameynta leh ay sugaan tookadooda ayna la simannyihiin Shacabka caadiga ah, Puntlandi.com ayaa kasoo xigtay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, in Madaxweyne Deni uu codsadey in Talaalka la maanta soo gaaray Garowe lawada gaarsiiyo Guud ahaan Puntland si Shaqaalaha Caafimaadka ee Safka hore ugu jira la dagaalanka Corona Virus ay iyagu u helaan Talaalka kowaad. Hay’ada WFP Diyaarad ay leedahay ayaa Talaalka lagu keenay maanta, Soomaaliland ayaa iyana la geeyay Talaalka ay qoondada u heleen, dhowaan waxaa la sugayaa shixnadii labaad inay soo gaarto Garowe. Sawiradaan hoose waa imaatinkii Oxford AstraZeneca ee Garowe Puntlandi.com The post Breaking News—Madaxweyne Deni oo amray in Talaalka Covid19 lagu bilaabo shaqaalaha Caafimaadka, Dadka waayeelka iyo Dadka Jiran ee aan xamilikarin Covid19 appeared first on . Source
  4. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ku sugnaa Duleed Xeebeedka Muqdisho ayaa kulamo wadatashi kubaadan Doorashada wuxuuna qaadanayay Saamilayda Siyaasada Soomaaliya. Madaxweynuhu wuxuu maanta la kulmay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, wuxuu kaloo isla maanta uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Dalka Dhariif Sheikh Axmed oo hada ah Musharax Madaxweyne iyo Gudoomiyaha Midowga Mudharixiinta. Masuuliyiintu waxay ka wada hadleen U gogolxaarka kulanka lagu balansan yahay inuu ka dhaco Afisyooni, Kulankaasoo qabsoomidiisa ay caqabado hortaagan yihiin. Sida Puntlandi.com ay Xogta ku hayaan Waxay Masuuliyiintu islasoo qaadeen qaabkii loo xalinlahaa Caqabadaha hortaagan kulanka, waxayna kubalameen iney la kulmaan Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Galmudug, Kulankasoo dhici doona maalmaha soo socda. Dawirada hoos ka dhaawo The post Daawo Sawirada Madaxweyne Deni oo Muqdisho ka wada kulamo loogu gogol xaarayo Doorashada appeared first on . Source
  5. Agasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland Dr. Maxame Cabdi Xergeeye ayaa yidhi, “Tallaalkan COVID19, wuxuu toos uga yimid Nayroobi” . Agaasimaha ayaa hadalkan ka yidhi munaasibad ay maanta kula wareegayeen Talaalka COVID-19 oo Somaliland soo gaadhay. Muuqalka Warka Somaliland kula Wareegtay Talaalka COVID-19 halkan ka daawo:- https://www.facebook.com/watch/?v=2932517030303858 Source
  6. (SLT-Hague)-Dhagaysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ee maxkamadda Hague ayaa lasoo gabagabeeyey maalintii labaad oo ay hadalkooda sii wateen qareennada u doodaya Soomaaliya. Labada qareen ee maanta hadlay ayaa soo bandhigay mowqfika Soomaaliya ee ku aaddan sida ay tahay in loo xadeeyo xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Qareenka hore ayaa sheegay inay Soomaaliya mowqifkeeda tahay in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda. Qareenada Soomaaliya waxay sheegeen in xadaynta badda ee noocaas ah loo adeegsaday xukunnadii hore ee maxkamaddu go’aamisay ee ku aaddan badaha waddamo uu muran ka dhexeeyey sida Bangladesh iyo Myanmar oo kale. Qareennada Soomaaliya waxay sheegeen in xariiqa tooska ah uu si caddaalad ah badda ugu kala qaybinayo Soomaaliya iyo Kenya. Waxay gaashaanka ku dhufteen in xuduuddu ay ku salaysnaato loolka oo ah mowqfika Kenya. Qareenada waxay sheegeen in loolka ay Kenya ku salaynayso dooddeeda aanay jirin meel laga isticmaalo, islamarkaana uu xaqdarro ku yahay Soomaaliya. Qareenadu waxay ku eedeeyeen Kenya inay dacwaddeeda ku salaynayso qaynuuno aan ahayn kuwa caalmaiga ah. Qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinka ay Kenya qaadday marka ya noqoto dhulka la isku hayo. Qareenada Soomaaliya u doodaya waxay sheegeen in Kenya ay ku xadgudubtay madax bannaandida dhul ay sheeganayso Soomaaliya. Qareenada waxay kale oo ay sheegeen in Kenya ay qiratay inay bixisay shati la siiyey ugu yaraan shan shirkadood oo shidaal ka baaray dhulka ay sheeganayso Soomaaliya. Waxay Qareenadu intaas ku dareen in weliba ceel laga qoday dhulka ay Soomaaliya sheeganayso. Waxay qareenada ugu baaqeen Kenya inay joojiso, islamarkaana waxba kama jiraan kasoo qaaddo shatiyada ay siisay shirkadahaas. Waxay sheegeen in Soomaaliya oo doonayso niyad wanaagsan derisnimo aysan doonayn inay Kenya mag dhow ka siiso xadgudubyada ay samaysay. Waxayse qareenadu sheegeen inay Soomaaliya doonayso saddex arrimood oo kala ah: In maxkakamadda caalamiga ah ay si cad u xaqijiso xaqa ay Soomaaliya u leedahay dhul badeedkaas, inay diiwaan-geliso xadgudubyada ay Kenya samaysay, iyo la joojiyo tallaabooyinka Kenya. Xaakimka maxkamadda ayaa ka hor intii aysan dhagaysiga soo xirin sheegtay in Kenya ay warqad usoo qortay maxkamadda ICJ, taasi oo laga doodayo. Waxaana ay xaakimku sheegatay in isbeddel ku iman karo jadwalka dhagaysiga ee maxkamadda. Dhagaysiga maxkamadda muranka badda Soomaaliya iyo Kenya wuu socdaa, waxaana harsan maalmo kale. Source
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-1632021.mp3 View the full article
  8. Hague (Caasimada Online) – Dhagaysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ee maxkamadda Hague ayaa lasoo gabagabeeyey maalintii labaad oo ay hadalkooda sii wateen qareennada u doodaya Soomaaliya. Labada qareen ee maanta hadlay ayaa soo bandhigay mowqfika Soomaaliya ee ku aaddan sida ay tahay in loo xadeeyo xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Qareenka hore ayaa sheegay inay Soomaaliya mowqifkeeda tahay in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda. Qareenada Soomaaliya waxay sheegeen in xadaynta badda ee noocaas ah loo adeegsaday xukunnadii hore ee maxkamaddu go’aamisay ee ku aaddan badaha waddamo uu muran ka dhexeeyey sida Bangladesh iyo Myanmar oo kale. Qareennada Soomaaliya waxay sheegeen in xariiqa tooska ah uu si caddaalad ah badda ugu kala qaybinayo Soomaaliya iyo Kenya. Waxay gaashaanka ku dhufteen in xuduuddu ay ku salaysnaato loolka oo ah mowqfika Kenya. Qareenada waxay sheegeen in loolka ay Kenya ku salaynayso dooddeeda aanay jirin meel laga isticmaalo, islamarkaana uu xaqdarro ku yahay Soomaaliya. Qareenadu waxay ku eedeeyeen Kenya inay dacwaddeeda ku salaynayso qaynuuno aan ahayn kuwa caalmaiga ah. Qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinka ay Kenya qaadday marka ya noqoto dhulka la isku hayo. Qareenada Soomaaliya u doodaya waxay sheegeen in Kenya ay ku xadgudubtay madax bannaandida dhul ay sheeganayso Soomaaliya. Qareenada waxay kale oo ay sheegeen in Kenya ay qiratay inay bixisay shati la siiyey ugu yaraan shan shirkadood oo shidaal ka baaray dhulka ay sheeganayso Soomaaliya. Waxay Qareenadu intaas ku dareen in weliba ceel laga qoday dhulka ay Soomaaliya sheeganayso. Waxay qareenada ugu baaqeen Kenya inay joojiso, islamarkaana waxba kama jiraan kasoo qaaddo shatiyada ay siisay shirkadahaas. Waxay sheegeen in Soomaaliya oo doonayso niyad wanaagsan derisnimo aysan doonayn inay Kenya mag dhow ka siiso xadgudubyada ay samaysay. Waxayse qareenadu sheegeen inay Soomaaliya doonayso saddex arrimood oo kala ah: In maxkakamadda caalamiga ah ay si cad u xaqijiso xaqa ay Soomaaliya u leedahay dhul badeedkaas, inay diiwaan-geliso xadgudubyada ay Kenya samaysay, iyo la joojiyo tallaabooyinka Kenya. Xaakimka maxkamadda ayaa ka hor intii aysan dhagaysiga soo xirin sheegtay in Kenya ay warqad usoo qortay maxkamadda ICJ, taasi oo laga doodayo. Waxaana ay xaakimku sheegatay in isbeddel ku iman karo jadwalka dhagaysiga ee maxkamadda. Dhagaysiga maxkamadda muranka badda Soomaaliya iyo Kenya wuu socdaa, waxaana harsan maalmo kale. Isha: VOA
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaan maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Kulankaas ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tan doorashooyinka oo khilaaf adag uu weli ka taagan yahay, sida lagu sheegay qoraal kooban oo laga soo saaray kulankaas. “𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗠𝘂𝘀𝗵𝗮𝗿𝗿𝗶𝘅𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗔𝗵𝗻𝗮 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗶𝗵𝗶 𝗵𝗼𝗿𝗲 𝗺𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗦𝗵𝗮𝗿𝗶𝗶𝗳 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗴𝗮𝗮𝗿 𝗮𝗵 𝗹𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗝𝘂𝗯𝗯𝗮𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗺𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗶𝘀𝗹𝗮𝗮𝗺 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗦𝗶𝗰𝗶𝗶𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝘂𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 𝗗𝗲𝗻𝗶. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝘄𝗮𝗿𝗲𝘆𝘀𝘁𝗲𝗲𝗻 𝘅𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝘀𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱 𝘀𝗶’ 𝗴𝗮𝗮𝗿 𝗮𝗵 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗹𝗮𝘆𝘀𝗹𝗮 𝗼𝗴𝗴𝗼𝗹 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝘂𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗰𝗶 𝗹𝗮𝗵𝗲𝘆𝗱 𝗶𝘆𝗮𝗱𝗼𝗼 𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗵𝗶𝗶𝗴 𝗱𝗮𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻𝗮 𝘂𝘂𝘀𝗮𝗻 𝗱𝗶𝗯 𝘂𝗴𝘂 𝗹𝗮𝗮𝗯𝗮𝗻 𝗯𝘂𝗿𝗯𝘂𝗿 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹 𝘀𝗼𝗸𝗲𝗲𝘆𝗲,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale qoraal ku saabsan kulankaas oo lagu baahiyey bogga Facebookga ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganayhay Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Kulanka waxaa ku wehelinayay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.” Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ay ka degan yihiin gudaha xeyndaabka Xalane, halkaas oo ay iyagu dalbadeen in la dejiyo, maadaama sida ay sheegeen aysan isku aaminin goob kale oo Muqdisho ka tirsan. Waxaa weli qabsoomi la’ shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo la sheegay in gogoshiisa la dhigay Xalane, waxaana jira warar sheegaya in madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada taabacsan ay doonayaan in gogosha shirka loo soo wareejiyo Madaxtooyada. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay dalka Turkiga, waxaana weli dalka ka maqan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo sida la sheegay isna jira dalka Turkiga.
  10. Ololaha ay Beesha Caalamku ugu jiraan sidii Doorasho uga dhici lahayd Dalka ayaa hada meeshii ugu dambaysay maraya iyagoo la kulmaya dhamaan Qaybaha kala duwan søer Siyaasiyiinta Dalka. Kulan maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqqor wuxuu siyaabo kala gooni gooni ah uu ula yeeshay Ergayga Gaarka ah re QM James Swan iyo Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto. Ujeedka kulanku wuxuu ahaa in Qoorqoor lagu adkeeyo inuu kasoo qaybgalo kulanka lagu balansan yahay isla markaasna uu qaybta kaga aadan uu ka qaato. Puntlandi.com Muqdisho The post Qoorqoor oo Muqdisho kula kulmay James Swan iyo Donald Yamamoto appeared first on . Source
  11. Kadib Markii ay Xoriyadda ka Qaateen Gumaystihii Ingiriiska 1963 (British colonizer) ayaa Waxa ay la Midoobeen Midowgii Maleesiya, Labo Sano kadib 1965 Ra’iisul Wasaarihii Maleesiya Tunku Abdulrahman ayaa Shir-saxaafadeed uu qabtay ku sheegay in ay Maleesiya Banaanka Usaartay Singapore “Singapore is Out” iyadda oo markaa Sabab looga dhigay isku dhacyo Beelleed, kala Duwanaansho Siyaasaddeed iyo Dhaqaale Xumo ay markaa laddaalaa dhacaysay Singapore ayaa sabab Unoqotay in Dibada loo tuuro!. Ra’iisul Wasaarihii Singapore Mr. Lee kuan yew ayaa Sacaadda yar kadib Saxaafada ka hor Ooyay isaga oo ka Murugooday sidda ay Malesia U tuurtay. Singapore waxay Wakhtigaa Laddaalaa dhacaysay Faqri iyadoona Hoy u ahayd Kanaceedda Dadkeeduna waxay la liiteen Xanuuno uu ugu Horeeyay Xanuunka Kaneecada (Duumadda) Siddoo kale Waxaa Dalka ku Noolaa Dad dhaqamo kala Duwan iyo Dhaqamo Baddan leh, Diimo kala Duwana Haysta “Multiracial and Multicultural Country” Dallal kala Duwana kasoo kala Jeedda sidda Chine, Maleys, iyo Hindi Ra’iisul Wasaare Lee Kuan Yew Mar uu Dadkiisa la had-layay ayuu yidhi “Sidduu Horumar ku Gaadhi Dal ay Dadkiisu Waddooyinka Qan-dhufta ku tufayaan” Lee kuan yew wuxuu Halqabsi ka dhigtay Qandhuuf kaliya laakiinse Kawaran Haduu uu Ogaan lahaa Dhaqamadda Dadka Dalkeena Biyaha iyo Qashinka Waddooyinka ku shubaya Lee Kuan Yew wuxuu uguntaday siddii uu dalkiisa faqriga uga saari laha wuxuu ku waaniyay inay faraha kaqaadaan Siyaasadda oo ay wax lasoo baxaan wuxuuna yidhi wakhtigan waa wakhti shaqo Siddoo kale wuxuu soo aruuriiyay Dadkiisa intii wax baratay si ay Dadka wax ubaraan una sameeyaan Qorshayaal Horumarineed oo Dalkiisu Saboolimadda kaga baxo wuxuu soo dhawayeeyay Dhamaan Cidii Maalgashi rabta inay Dalkiisa ka Samaystaan Maaddaama oo aanu lahayn kheyraadka Dabiiciya oo Baddan “Few Natural Resources”. Sanadkii 1967 Wuxuu Dowladda Israel ka Codsaday inay ka Caawiso dhisida Ciidankiisa si ay Maal-gashadayaashu iskugu halayn karaan Dalkiisa, Sanadkii 1968 Waxaa Maal-gashaday ku dhawaad 52 Shirkadood, 1971 Wuxuu soo Saaray Shirkadda Duulimaad-yadda ee Singapore Airlines oo ka midda Shirkadaha ugu Wanaagsan Aduunka, 1981 Wuxuu dhisay Madaarka Singapore Oo 2013 Noqday Maddarka ugu Niddaamka Wanaagsan Aduunka Singapore Maanta waxay ka mid tahay Dalalka Dunida ugu Dhaqalaha wanaagsan, Is-baddel ka Dhabta ah wuxuu ka yimaaddaa Guddaha Shacabka, W/Q: Abdikadir Yaqoub Hassan Deri Email: Kaadeer77@gmail.com Phone: 063-4454990 Qaran News
  12. Ciidamada difaaca dowladda Puntland, ayaa shaaciyay in ay maanta dib u soo furteen maxaabiis badan oo Al-shabaab kala baxday xabsiga weyn ee Boosaaso. Qoraal ka soo baxay Ciidanka xoogga Puntland ee PSF, ayay ku sheegeen in ay dib u soo furteen intii badnayd maxaabiistii laga fakiyay xabsiga Boosaaso, kadib markii Al-shabaab dhowaan halkaas weerartay. “Ciidanku waxay ku guulaysteen in ay dib u soo qabqabtaan intii badnayd maxaabiistii falalka argagixisanimo ku eedaysnaa ee fakaday.” Ayaa lagu yiri qoraalkaas. Sidoo kale, Waxa qoraalka lagu xusay in ciidanku ay wadaan hawlgal lagu baacsanayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo dib u soo furtay maxaabiis Al-shabaab kala baxday xabsiga Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada goboleed Jubaland, Axmed Madoobe ayaa markii u horeysay ka hadlay dacwadda Kiiska Badda oo shalay ka furmay Maxkamadda ICJ ee magaalada The Hague. Axmed Madoobe ayaa sheegay in xukuumada iyo shacabka Jubbaland ay garab taagan-yihiin, sidoo kalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda dalkeena ee aan kusoo ceshanayno badeena ay muranka galisay Kenya. “Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah.” Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wada-jira, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland. Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa waxaa maanta markale ka sii socon doonta dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Dooda Soomaaliya ayaa maanta halkeeda ka sii soconeyso, iyada oo ay markale qareenada Soomaaliya jeedin doonaan doodooda ku aadan difaacida biyaha dalkeena. Qorshaha ayaa waxa uu ahaa in qareennada Kenya ay beri bilaabaan doodooda, balse Kenya ayaa maqan, iyada oo ka baxday kiiska badda ee ICJ, waxayna ku howlan tahay sidii ay kiiskan ugu gudbin laheyd Golaha Ammaanka ee QM.
  14. PRESS RELEASE African Development Bank President calls for Global Vaccine Solidarity and Justice for Africa Acquiring vaccines has significant implications for African countries ABIDJAN, Ivory Coast, March 16, 2021/ — African Development Bank (www.AfDB.org) President Dr. Akinwumi Adesina has called for vaccine justice for Africa. Speaking at the launch of the Bank’s African Economic Outlook 2021 report on Friday, Adesina decried the lack of Covid-19 vaccines reaching Africa. “We need global solidarity and vaccine justice for Africa,” Africa’s premier development bank chief said. Adesina underlined the stark disparities between vaccine acquisitions by several rich countries that have acquired sufficient vaccines to inoculate their populations twice over, and African countries, that remain primarily dependent on the World Health Organization’s COVAX initiative for the minuscule quantities of vaccines acquired so far. Speaking on CNN’s First Move with Julia Chatterley on Friday, Adesina said: “So far, 14.6 million vaccines have been delivered in Africa, but many people still cannot get shots in their arms. That is only 1% of what we need. We are way off the mark in terms of getting to 60% of herd immunity, and sadly, I do not see that happening for another year or two at this rate— not unless things change.” According to Adesina, “We therefore need to improve Africa’s access to vaccines. COVAX is doing a great job but still, we need more. We need them in adequate quantity. We need them quickly and we need them at an affordable price.” Acquiring vaccines has significant implications for African countries. As Adesina emphasized in a broader discussion with panelists at the launch of the African Economic Outlook 2021—including Professor Joseph E. Stiglitz, recipient of the 2001 Nobel Memorial Prize for Economic Sciences—for Africa, rapid vaccine acquisition is a matter of life and death. As elsewhere, Africa’s first priority is to prolong lives and preserve jobs. From an economic perspective, Stiglitz agreed with Adesina that the slow pace of acquiring vaccines and arresting the pandemic will make stemming extreme poverty and negative economic growth difficult. They agreed that a comprehensive global plan was needed to help countries cope with mounting debt, which the pandemic had compounded. Africa’s economy is expected to grow by 3.1% in 2021. However, 39 million Africans could be pushed into extreme poverty this year because of the pandemic unless the international community takes the kind of action that Stiglitz and Adesina are calling for now. The African Development Bank chief says: “as long as Africans remain unvaccinated, the world will go right back to square one.” He said no amount of ‘vaccine passports’ being advocated for by some developed countries could change that fact. “Africa needs to develop its pharmaceutical industry and begin manufacturing. The African Development Bank is going to support African countries to do this,” Adesina said. Supporting this position, Stiglitz said in his conversation with Adesina: “One of the things that some of us have been campaigning for is the suspension of the intellectual property rights related to Covid-19 because the supply constraint that you describe is at least, to some extent, artificial… If access to the intellectual property rights were more extensive, there is throughout the emerging markets and developing countries considerable capacity to produce a lot of more vaccines.” He added that it was in the self-interest of advanced countries to make sure that everybody has access to the vaccine and other related medicines. “The longer the disease festers in any part of the world, it can mutate and one of the things we know is that those mutations are not going to respect borders. The Covid-19 virus doesn’t carry a passport.” Other notable African voices that have called for speeding up vaccine delivery to Africa are those of South African President Cyril Ramaphosa, WHO Director General Tedros Adhanom Ghebreyesus, and Director of the Africa Centres for Disease Control and Prevention, Dr. John Nkengasong. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa cadaadis xooggan ku billowday madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, saacado kadib markii uu Muqdisho soo gaaray maanta. Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa labaduba si kala duwan kulmay Qoor Qoor waxyar un kadib markii uu yimid caasimadda. Qoraal ay madaxtooyada Galmudg kasoo saartay kulanka James Swan ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ee QM James Swan ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.” Madaxtooyada ayaa sidoo kale kulanka Yamamoto ka tiri “Madaxweynaha Galmudug iyo Danjiraha Mareykanka Yamamoto ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.” Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Swan iyo Yamamoto ay labaduba ku cadaadiyeen Qoor Qoor inuu aqbalo shirka ay beesha caalamka garwadeenka ka tahay ee ka dhacaya Xalane, oo shaki uu soo galay ka qeyb-galkiisa. Qoor Qoor oo ka mid ah madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ee raacsan Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay in diidmadiisa shirkaas, isaga iyo Lafta-gareen uu Farmaajo u adeegsanayo inuu shirka fashiliyo.
  16. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in xukuumadiisa iyo shacabka Jubaland ay garab taaganyihiin dooda Soomaaliya ku soo ceshaynaso badda ay muranka galisay Kenya. Qoraal uu soo saaray madaxweyne Axmed Madoobe ayuu ku yiri “Waxaan garab taaganahay qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda dacwada badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala carunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka”. Madaxweynaha Jubaland ayaa shacabka Soomaaliyeed meel ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca baddeena taas oo ah mas’uuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah” ayuu yiri madaxeynaha Jubaland. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ka hadlay dacwadda badda appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan. Qoor Qoor iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021. Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta la kulmay Danjiraha anjiraha Dowladda Mareykanka U fadhiya Soomaaliya Md. Yamamooto. Labada dhinaca ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  18. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Jubaland ay garab taagan tahay sidoo kalena rajo weyn ay ka qabto in Soomaaliya ay guuleysato dooda aan kusoo ceshaynayo baddeena ee ay muranka galisay dowlada Kenya. “Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka” ayuu yiri Madaxweynahu. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah” ayuu yiri Madaxeynahu. View the full article
  19. Mogadishu (HOL) - President Farmajo has received his first dose of the AstraZeneca-Oxford vaccine on Tuesday, a day after the first batch arrived in Somalia's capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  20. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan dhismaha wadooyin muhiim u ah Dalka. Heshiiskan ayaa qeyb ka qaadanaya dhismaha waddooyinkan oo lamma huraan u ah kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. 1- Waddada isku xirta Beled Weyne – Galkayo oo dhan 327 km. 2- Waddada isku xirta Galkayo – Garowe oo dhan 240 km 3- Waddada isku xirta Galkayo – Hobyo oo dhan 241 km. 4- Wadada isku xirta Luuq, Ganane – Dolow oo dhan 80 km. Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadaal xooggan dhismaha marinada dalka oo ku bur buray dagaaladii sokeeye. Dowladda ayaa hadda ku guuleystay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhan 30-km, halka dhinaca kalena la guda geli doono jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar oo heshiiskii Qatar lala galay qeyb ka ah. View the full article
  21. Maanta oo Talaado ah ayaa gudaha Soomaaliya laga bilaabay tallaalka Covid-19 oo shalay soo gaaray. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Soomaaliya Drs Fawsiya Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee lagu bilaabay tallaalka ka hortaga Caabuqa Covid-19 ee AstraZeneca. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka oo maanta laga bilaabay magaalada Muqdisho. Dowlad goboleedyada dalka ayaa igana maanta loo kala diray talaalka Covid-19. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo qaatay tallaalka Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  22. Qaabka dacwada badda ay u dhaceyso: Iyadoo la raacayo qabanqaabada iyo abaabulka dacwada badda ee Soomaaliya kala dhexeysa Kenya ee ay go’aamisay in la dhageysto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (ICJ), Soomaaliya waxa ay heli doontaa 3 (saddex) saacadood oo shalay ah (15-ka Maarso 2021) iyo saacad iyo bar maanta ah (Talaado 16-ka Maarso 2021), si ay u soo bandhigto dooddeeda afka ah. Sida ku cad warqadda diiwaan-hayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee la qoray 11-kii Maarso 2021, Soomaaliya waxay fursad u heli doontaa 10:00 subaxnimo ee maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021 in ay u soo gudbiso maxkamada faallooyin qoraal ah (written comments) oo ku saabsan agabka (materials) dacwada badda ee ay soo gudbisay Kenya. Inta lagu guda jiro gudbinta faalooyinka qoraalka ah ee dacwada badda maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021, Soomaaliya waxaa laga yaabaa haddii ay ubaahato in ay ka faa’iideysato muddo kordhin gaaban oo dawada ah wixii ka dambeeya 6:00 maqribnimo si ay ugudbiso xog dheeraad ah sababtoo ah waqtigii ay qaadatay furitaanka aragtiyada kooxda qabanqaabada dacwada furtay darteed. Fursada ay heysato Soomaaliya si ay ugu guuleysato dacwada badda: In Soomaaliya ay hesho fursad ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ugu gudbiso faalooyin qoraal ah oo ay ku beeninayso sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya 10:00 subaxnimo ee maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021 ayaa ah fursad dahabi ah (golden opportunity). Ogoow fursadan oo kale oo ay Kenya xaq u laheyd in ay hesho waa ay dayacday sababtoo ah Kenya iyada ayaa go’aansatay in aysan dacwada ka qeybgalin, sidaa daraadeed ma heysato Kenya fursad ay hadda iyo wixii ka dambeeya ku gudbisan karto faalo qoraal ama hdal afka ah oo ay ku beeniso agabka dacwada badda ee Soomaaliya ay gudbisay. Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay fursad u heysato in ay burburiso dhamaan qoraalada, cadeymaha xigashooyinka, sawirada xadka badda iyo dhulka ee ay Kenya sheegatay iyo wax alla oo ku saleysan doooda Kenya, si ay sare ugu qaadi karto fursad ah in garsoorayaasha maxkamada ay ka daadejiso doodeeda. Marka Soomaaliya ay gudbineyso faalooyinka qoran oo ka dhan ah dhamaan agabka dacwada badda ee ay gudbisay Kenya, Soomaaliya waxa ay heysataa 2 fursadood; 1) in aysan jirin cid la doodeysa oo burin karta faalooyinkeeda qoraalka ah ee ka dhanka ah agabka dacwada ee ay la timid Kenya iyo; 2) in ay ugudbiso garsoorayaasha cadeymo qoraal ah oo taageeraya doodeeda. Ogoow markan waxa garsoorayaasha maxkamada ay isbar-bar dhigayaan ayaa ah agab (materials) dacwo oo cidda la timid (Kenya) aysan goob joog ahayn, tii oo ay dheer tahay in aan la cusbooneysiin (updated) inta dacwada ay socotay iyo faalooyin qoraal ah oo ay Soomaaliya dul dhigtay dhamaan agabka dacwada badda ee Kenya si ay u beeniso iyo Soomaaliya oo dood afka ah iyo mid qoraal ahba la shir tagtay. Maqnaashaha Kenya ee ah in ay lumisay fursada ah in ay xaq u laheyd sida Soomaaliya oo kale in ay gudbisato faalooyin qoraal ah oo ay ku naqdineyso agabka dacwada ee Soomaaliya ayaa fursad weyn siinaya Soomaaliya si ay u heli karto in ay guul ka gaarto dacwada badda. In Soomaaliya ay ku guuleysato dacwada badda ee kala dhexeysa Kenya waxa ay uga xirantahay sida ay kooxda ku mataleysa Soomaaliya dacwada badda xoogga u saaraan in ay la yimaadaan doo mann-gal ah iyo cadeymo ay ku beninayaan agabka dacwada badda ee ay gudbisay Kenya. Sababta arinkan ay muhiim u tahay ayaa ah in faalooyinka qoran ay ka saameyn badan yihiin 4-ta saac iyo barka ay Soomaaliya gudbinayso dood jeedinteeta dacwada badda ee afka ah. Hadii kooxda Soomaaliya ku mataleysa dacwada badda ay ahmiyad weyn siiyaan shaqada faalooyinka qoraalka ah ee lagu naqdinayo agabka dacwada badda ee Kenya, waxaa sare u kacaya saameynta ay ku yeelanayaan go’aan qaadashada garsoorayaasha maxkamada, markaa Soomaaliya waxa ay helaysaa fursad xageeda loo ridi karo go’aanka dacwada badda. Gabagabo: Kuma dhisna dacwada badda ee udhexeysa Soomaaliya iyo Kenya hab la dhihi karo dal hebel ayaa ku guuleysanaya dacwadan marka la eegayo qawaaniinta iyo xeerarka badaha, laakiin marka loo eego dacwadaha la midka ah tan hadda udheeysa Kenya iyo Soomaliya ee ay qaday maxkamada ICJ waxa ay u badantahay in Soomaaliya ay hesho gacanta sare. Laba arin midkood ayaaana taageeraya arinnkaas oo ay tahay in ay ku dhamaato dacwadaan go’aan qaadahsadeeda. Tan koobaad, waa in la saadaanlinkaray guusha Soomaaliya ee dacwadan markasta sababtoo ah hab-dhaqanka Kenya oo muujinayay cabsi weyn oo ka heysay in ay la dacwooto Soomaaliya. Marka aan sidaa leeyahay, Kenya waxa ay ku dooday in Soomaaliya ay badda ka heshiiyeen tii oo ay Soomaalida la taagantahay ICJ in aysan waxba kula heshiin – dacwada badda waxaa kaxkamada ICJ ka furtay Soomaaliya. Kaba darane, Kenya waxa ay usheegtay maxkamada ICJ in aysan awood u laheyn (jurisdiction) in ay dacwadan qabato, dhageysato, go’aana kasoo saarto. Markii maxkamada ay ucadeysay Kenya in ay dacwada awood u leedahay in ay qaado, Kenya waxa ay laba mar codsatay in dacwada dib-loogu dhigo. Hadda, maxkmada waxa ay Kenya ka diiday in markii sadexaad codsigeeda dib loogu dhigo dhageysiga dacwada. Sidaa daraadeed, Kenya waxa ay go’aansatay in guuldaro ay xaqiijisay in ay la kulmi doonta in ay ka dheeraato (in ay ka maqnaato goobta ay ku guul dareysaneyso oo ah ICJ horteed). Tan, Kenya waxa ay ula jeedaa in ay raadiso wada kale in ay ku doodo mar kale in aysan ogoleyn go’aanka kasoo baxa maxkaada hadii ayada uusan siin guusha. Marka Kenya ay sidaa yeelayso waxa ay ku khamaareysaa nafteeda sababtoo ah waxa ay ogtahay in go’aanka maxkada uu sandulle ku yahay in ay aqbasho, laakiin hadda waa ay is mada-daalineysaa. Sababtoo ah go’aanada kasoo baxa ICJ ma lahan meel ka dambeysa oo lala aado. Tan labaad, Soomaaliya ayaa heysata fursad kale oo ah in dacwadaha badda oo noocaan oo kale ah ay ku wada guuleysteen dalaka lahaa ama qabay dooda Soomaaliya oo kale. Ma ogi hadii markaan ay maxkamada ICJ wax u go’aami doonto si ka duwan sida dacwadihii la midka ahaa tan Kenya iyo Soomaaliya. Laakiin ayada oo fursadahaan oo dhan ay jiraan waa in aysan Soomaalida is-dhigan oo dadaal wadajir ah la sameeyo. Dadaaladaa oo ay ka mid tahay in qof walba oo ah muwaadin Sooaamliyeed uu sameeyo wax alla iyo waxa uu karo oo u uku taagerayo in libin laga soo hooyo wacwada badda. Kii awooda duco kaliya waa in uu sidaa sameeyaa oo uu u duceeyaa dadka dacwada nagu matalaya in allaah u haleeshiiyo qodobada Sahlaaya in Soomaaliya ay ku guuleysato dacwada badda, midkii aqoon u leh dacwadaha noocaan oo kale ah waa in uu ku kabaa aqoontaas, kii faalo ka bixinaya waa in uu ka bixiyaa dacwadan inta ay socoto faalo aanan niyadda ka jabinayn ummadda Soomaaliyeed ee shakiga la galiyay wax walba oo ku saabsan dalkooda iyo noloshooda. Qoraaga faalladan, Abuukaate (Avv.) Abdullahi Farah Barre, waxaad kala xiriiri kartaa facebook: facebook.com/abdullah.farah.50/