Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo taliyihii hore ee ciidanka booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq John ayaa mar kale caawa ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii uu ay dowladda isku dayday inay ku go’doomiso. Saadaq oo wata gaadiid dagaal oo badan ayaa caawa dib ugu laabtay xaafadda Shiirkole, kadib markii ay dowladda ciidan badan dul dhigtay guriga uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaraadha Muqdisho. Saadaq ayaa gurigiisa agagaarka garoonka Aadan Cadde ku laabtay shalay subax kadib markii madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uu u ballan-qaaday inaysan dowladda soo weerari doonin, hase yeeshee maanta ayaa ciidamo badan la dul-dhogay. Si kastaba, Saadaq iyo ciidankiisa ayaa xoog kaga gudbay barta koontarool ee Wadada Jaayga, ee agagaarka garoonka, halkaasoo galabta ay dowladdu ciidan xoogleh geysay, si ay u go’doomiso. Wararka ayaa sheegaya inuu hadda ku sugan deegaanka Shiirkole oo ah xaafad ay reerkiisa u badan yihiin. Qeyb ka mid ah xaafadda Shiirkole iyo xaafadaha ka ag dhow ee degmada Hodan ayaa waxaa caawa laga dareemaya dhaq-dhaqaaq ciidan, ayada oo dowladda ay ciidamo badan dhigtay, mana cadda qorshaha ay damacsan tahay. Sidoo kale, ciidan taabacsan Saadaq oo xooggan ayaa ku sugan Shiirkole. Dadka xaafadda Shiirkole, ayaa soo weriyey inay maqleen rasaas kooban, balse waxaa lagu warramayaa inaysan ahayn isku dhac ee ay tahay mid ay rideen ciidamada. The post Xiisad caawa ka taagan Muqdisho iyo Jeneral Saadaq John oo ku laabtay Shiirkole appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa u diiday inuu taageero muddo kororsiga Farmaajo sababo la xiriira lacag malaayiin dollar ah oo kaga maqan dhanka dowladda, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Qoor Qoor uu Farmaajo iyo Fahad Yaasin u sheegay in ay siiyaan lacago malaayiin dollar ah oo kaga xayiran dhinaca dowladda, kahor inta aan taageerin muddo kororsiga. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Villa Somalia u sheegay in go’aanka Golaha Shacabka uu yahay mid aad u qaraar islamarkaana uu ku waayi doono dad badan oo degaanka ah, sidoo kalane uu qeyb ku yeelan doono wixii dalka ka dhaca, sidaas darteedna uusan taageeri karin iyadoo ay waliba dhinaca dowladda kaga maqan tahay lacago mallaayiin dollar ah. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa inuu jiro tuhun dhanka Villa Somalia ka jira oo ah Qoor Qoor uu damacsan yahay in markii uu lacagtiisa helo uu ka bixi doono ballanta taageeridda muddo kororsiga, taasi oo keentay inaan lacagta loo fasaxin. Maalinkii lagu dhowaaqay muddo kororsiga, waxaa si qasab ah baraha bulshada maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed loogu daabacay warqad ay taageereen oo ay soo diyaarisay madaxtooyada, hase yeeshee Galmudug waa ay diiday warqaddaas, waxaana sidoo kale ay beenisay inay wax shaqo ah ku leedahay. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Madaxweyne Qoor Qoor la saaray culeys badan oo kaga imanaya mucaaradka iyo muxaafadkaba kadib markii uu ka gaabsaday arrinta muddo korarsiga, oo uu ilaa hadda uusan si shaacsan uga hadal. Si kastaba, Qoor Qoor ayaa laba maalmood kahor muddo kororsiga wareysi uu bixiyey ku diiday muddo kororsiga, waxaana la fahamsan yahay inay aheyd farriin cadaadis ah oo uu u diray dowladda si ay lacagta u fasaxdo. Madaxweyne Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa xalay u sheegay musharaxiinta mucaaradka inaysan taageeri doonin muddo kororsi, waxaana la filayaa inay mowqifkooda si rasmi ah u shaaciyaan. Qoor Qoor ayaa hadda ka quustay lacagtii uu ka sugayey Villa Somalia. The post Xog: Sababta rasmiga ah ee Axmed Qoor Qoor u diiday muddo kororsiga Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  3. Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen, Waxaa Garowe, Kismaayo iyo Muqdisho ka bilaabanaya caawa kulamo wadatashi oo gooni gooni ah, kuwasoo ay Masuuliyiintu la qaadanayaan Qaybaha Bulshada iyo Isimada. Garowe Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu caawa kulamo wadatashi la qaadanayaa Siyaasiyiinta Ururada Bulshada iyo Odoyaasha Dhaqanka, Waxayna ka wada arinsanayaan Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, kadibna beri wuxuu la kulmayaa Baarlamaanka. Wararka ay Puntlandi.com ay helayaan, Madaxweyne Deni wuxuu ku dhawaaqayaa in Madaxweyne Farmaajo uu aysan ahayn Madaxweynaha Dalka ayna Puntland kala laabatay Aqoonsigii Madaxweyne, waxayna Puntland Xiriirka si toosa ugu jaraysaa Maamulka Farmaajo, Puntland waxay kaloo ku dhawaaqayaa in Soomaaliya isugu timaado Shirweyne lagu dhisayo Xukuumad Cusub oo Soomaaliya yeelato. Kismaayo Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) wuxuu isaguna Caawa bilaabayaa kulano wadatashi oo la yeelanayo Siyaasiyiinta iyo Odoyaasha Dhaqanka, sida aan Xogta ku hayno, Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu Axada ku dhawaaqayaa in Dalku uusan lahayn Madaxweyne iyo Xukuumad. Muqdisho Isniinta 19 Abril waxaa Muqdisho ka dhacaya Shirweyne ay yeelanayaan Beesha Mogadishu Clan, Waxaa kulankaas ka qayb galaya , Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada, Saraakiisha Ciidamada, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabele. Kulanka waxaa looga arinsanayaa Xaalada Dalka, waxaana la isku dayayaa in Beesha ka midowdo Qaab siyaasadeedka hada Dalku ku jir iyo sidii ay isku mowqif uga qaadan lahaayeen Beesha. Kulamadaan Sadexda Magaalo ka bilaabanaya ayaa looga gol leeyahay inay kasoo baxaan go’aamo Jawaab cad u noqonaya Go’aankii uu Madaxweyne Farmaajo ku kororsadey Labada Sano, waxaana Qorshuhu yahay in Talaabada la qaadayo ay noqoto mid aan wakhti dheer qaadan oo lagu mideysan yahay si Dalku uu durba ugusoo laabto Wadadii uu Afar sano ka hor ku taagnaa iyo Abaabul Doorasho dadban oo deg deg ah. Wararku waxay kaloo sheegayaan in ilaa shalay ay socdeen Wadatashiyo u dhexeeya Beesha Caalamka iyo Sadexdaan Magaalo. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News— Puntland, Jubbaland iyo Beelaha Mogadishu Clan oo go’aan ka gaaraya Madaxweyne Farmaajo, Shirar wadatashi oo bilowdey appeared first on . Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa si adag uga hadlay go’aanka madaxda waqtigoodu dhamaaday ay ku dheereysanayaan xukunka, kadib qaraarkii uu soo saaray Golaha Shacabka. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kursiga Farmaajo keliya lagu ilaalin karo dastuurka heshiiska lagu yahay, balse aan marnaba lagu waardiyeyn kareyn qori iyo cago-jugleyn ka dhan ah dadka kasoo horjeeda tallaabada sharci darada. “Marka ay noqoto in qori lagu ilaaliyo kursigii sanduuqa dhalada ah uu sharciyeeyey, dadka arrintaas ka dhiidhiyana caburin iyo argagixin la isugu daro, markaas waxaa la casuumay oo banaanka u soo baxaya qoryihii duugoobay ee boorka fuulay mudadii dastuurku uu dhaqangalka ahaa, wadadaasna ma ahan mid cusub oo waa mid horey loo soo tijaabiyay oo aan cawaaqibteeda la mahdin,” ayuu yiri Fiqi. “Waana la soo tijaabiyey in qori kursi lagu ilaaliyo iyo mid Karaamada lagu ilaaliyo uu awood weyn yahay kan sharafta iyo dastuurka ilaalada u ah.” Waxa uu ka digay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu dalka ku celiyo meeshii uu hore uga imaaday, islamarkaana uu dib ugu laabto teendhadii Afisyooni iyo wada-hadaladii uu fashiliyey ee loogu gogol xaarayay heshiiska doorashada. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay inay dalka ka qabsoomto doorasho wada-ogol ah oo loo dhan yahay, si dalka looga bad-baadiyo qalaalase siyaasadeed iyo mid amni. “Waxaa haboon in caqligu shaqeeyo oo aan dalka kursi jacayl awgii haadaan dheer looga tuurin, wadada kaliya ee furanna ay tahay wadahadalkii siyaasadeed iyo in dalka doorasho la isla ogal yahay ay ka qabsoonto sida ugu dhow,” ayuu yiri Fiqi. The post FIQI: “Waxaa la casuumay oo banaanka u soo baxaya qoryihii duugoobay” appeared first on Caasimada Online.
  5. Most Somalis understood the “Afisyooni” sideshow would end in failure because its success was framed as a function of whether Farmaajo would get his way or not. It was not so much Somalis coming together to compromise in the national interest, as accepting Farmaajo’s roadmap to stay in power by force. Failure was of course engineered which is what Farmaajo wanted. Farmaajo was not only a truly appalling president but also politically beyond the pale and he knows this as much. That is why he never publicly declared his candidacy and chooses to speak through sycophantic goons. So insecure he is of his prospects that he has become convinced he would even lose a rigged election and the only way to stay in power was by force. Farmaajo’s callous ineptitude has already cost Somalia heavily and set the country back decades. Terrorism, Covid-19, insecurity, economic mismanagement and pervasive corruption have combined to reverse all of the tangible progress the country made in the past decade. Moreover, his tyrannical delusions are now pushing the country over the last edge with the real prospect of a civil war at any time. Whilst Farmaajo is threatening the people of Mogadishu with another round of destructive civil war, his family is enjoying the relative comfort and safety of the United States with all the benefits democracy and peace have to offer – precisely the very things he is denying the people of Somalia. He, and many of those behind him, have tucked away their families in the safety of the West and feel they have no stake in the city, nor care about the lives that would be lost in a civil war. It puts into context why the people of Mogadishu have suffered greatly and will continue to suffer immensely. Farmaajo’s goons Another remarkable aspect of this is the collective delusions of those still around Farmaajo, even as the country slides into civil war. Start with a prime ministerial dud who is supposed to be the face of “local representation” and holds a key constitutional mandate that can save the country but has chosen to become another one of Farmaajo’s willing goons. His only preoccupation is being the political lackey that puts Farmaajo above the country. We of course knew that the Qabiil gene pool from which he and others like him are selected excludes those with integrity or a sense of patriotism. However, this level of prime ministerial degradation is extraordinary and represents a new personal low him. The issue of the prime minster failing to do his constitutional duty is not one of political courage, but basic leadership. One can never develop political backbone if they never had it. However, it lays bare the tragedy afflicting Somalia and is another example of state of political stupor the prime minster is in. By becoming another pawn in Farmaajo’s kit when his own city, people and indeed the whole country, are on the verge of civil war, he has become another enabler of the immense damage that is done to his country. At the very least, he should have resigned. The fact that he is another spectator reflects personal, moral and leadership failures on his part. It is deeply appalling. An interim president Farmaajo is now a warlord in Villa Somalia and reasoning with a deluded fantasist would be hopeless. It is time for the National Salvation Forum to move forward, elect and declare a new president who can bring the country together and work on new election modalities. One thing is clear though: Farmaajo will do his worst and the people of Mogadishu need to understand that and be ready to stand up for their country, peace and democracy. Farmaajo cannot hold hostage the peace, security and fragile stability of an entire nation forever. He is on the wrong side of history and will not prevail. Aloow Wadankeena Badbaadi. Abdi Ali can be reached at abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post It is time for the National Salvation Forum to declare an interim president to save the country appeared first on Caasimada Online.
  6. Warar rasmi ah oo aan hayno, Dowlada Sacuudiga ayaa ku gacan sayrtay codsi iga yimid Madaxweynaha Xilka kororsaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo wuxuu Sacuudiga ka codsadey Dhaqaale uu ku daboolo Booska ay banayn doonaan Reer Galbeedku, Codsigaan ayaa Madaxweynuhu Carabta ka dalbaday sababtoo ah waxaa jira cabsi ay Villa Soomaaliya ka cabsi qabaan in Wadamada hada taageera Siomaaliya ay Cunaqabatayn dhaqaale Saari doonaan Xukuumada Farmaajo, haday Wakhtiga kororsadaan. Sacuudiga ayaa Madaxweyne Farmaajo uu u diray Wafdi u gudbiyaan Codsiga Madaxweyne Farmaajo, Laakiin Codsigaas wuxuu kusoo dhamaadey Guul daro, sida aan xogta ku hayno. Dagaalkii Siyasadeed ee Wadamada Khaliijka, Madaxweyne Farmaajo wuxuu la safray Dalka Qadar oo ay Sacuudiga iyo Emaaraatka is hayeen, waxaana muuqata in Sacuudiga aysan Arinkaas ilaawin, halka Madaxweyne Farmaajo ay ka hoos baxdey ka hor intuusan Kaalmada waydiisan Sacuudiga. Puntlandi.com Garowe The post Sacuudiga oo diiday inay caawiyaan Xukuumada Farmaajo, Sabab appeared first on . Source
  7. (SLT-Laascaanood)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo shalay galinkii dambe ka qarxay deegaanka Dhabar-dalool oo tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool. dagaalkaan ayaa waxa uu u dhexeeya laba Beelooda oo deegaankaas wada dega oo muddooyinkii dambe ay taagneyd xiisad u dhaxeysa labada dhinac balse dhawr jeer la xaliyay. Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, sida ay dadka deegaanka sheegeen, waxaana lasoo warinayaa in ilaa tobaneeye qof oo labada dhinac ah ay ku naf waayeen dagaalkaas. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayo dagaalkaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in labada beelood ay isku haysteen dhul ballaadhsi, kadib markii mid kamid ah beelahaas uu qorsheynayay inuu Ceel-biyood ka qoto deegaanka Dhabar-dalool Mana jiro ilaa hadd wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalka labada beel oo sababsday geerida dadka badan marka laga reebo baaqyo nabadeed oo loo diray. Wixii ka soo kordha kala socda Somalilandtoday Source
  8. (SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Masar, Cabdifatax El-sisi waxaa xalay Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Omar Geelle, iyagoo ka wada hadlay Xidhiidhka labadooda dal, Xal-u-helida Muranka Biyo-xidheenka Ethiopia ee GERD, Deganaanshaha iyo Ammaanka Mandiqada Geeska Afrika iyo Badda Cas. Madaxweyne El-sisi waxa uu Madaxweyne Geelle ugu hambalyeeyey Dib-u-doorashdisa, wuxuuna u rajeeyey inuu ku guuleysto Horumarada ay hiigsanayaan dadka Reer Jabuuti. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay inay Labada Madaxweyne isku waafaqeen baahida loo qabo xal-u-helista Khilaaafka Biyo-Xidheenka Ethiopia ee GERD, si looga baaqsado saamaynta xun ama taban (Negative Impact) ee wax u dhimaya Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha. Madaxweynaha Masar waxa uu tilmaamay inay Masar ka go’an tahay baahida loo qabo in Heshiis dhammaystiran oo sharciyeysan laga gaadho Buuxinta iyo Hawlgalka ee Biyo-xidheenka weyn ee Ethiopia (GERD). Wareegyadii Wada-xajoodyadka ee u dhexeeyey Masar, Sudan iyo Ethiopia ee ku aadan Biyo-xidheenka GERD ayaa lagu guul-daraystay, iyadoo Dowladaha Masar iyo Sudan ku eedeeyaan Dowladda Ethiopia fashilka Kulamadaasi. Ethiopia waxay kaloo sheegtay inay buuxinta Biyaha ee Biyo-xidheenka dhamaystiri doonaan bisha July haddii Heshiis la gaadho iyo haddii kaleba. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka si weyn uga socda qaban-qaabada shirweyne ay iskugu imaanayaan Beelaha Mogadishu Clan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda beesha. Shirkaan ayaa waxa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb-galaya; waxgaradka, siyaasiyiinta, madaxdii hore iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, shirkaan ayaa waxa laga soo saari doona go’aan adag oo ka dhan ah qaraarkii uu dhawaan Golaha Shacabka ugu sameeyay muddo kordhinta madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxaa shirkaas inta uu socdo caddeyn doona mowqifkooda ku aadan muddo kororsiga Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle, kuwaasi oo lagu wado inay ka warbixiyaan waxay kala soo kulmaan Madaxweyne Farmaajo marka ay la kulmaan iyo mowqifka ay ka qaateen muddo kororsiga. Shirkaan ayaa waxa u imanayaa, xili ay labadii maalin ee u dambeeyay kulamo xasaasiya uu dhex-maray Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle oo ayaga lagu tirin jirey inay kamid yihiin maamulada taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Farmaajo. Madaxdaan ayaa isku afgaraty in dalka doorasho aado oo aan la taageerin muddo kordhinta, iyadoo labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ay dalbadeen in Farmaajo marka hore uga soo digaan qatarta muddo kordhinta, taasi oo ay si adag uga hor-imaadeen beesha caalamka. Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay xaalada dalka kasii dareyso, tan iyo markii uu Golaha Shacabka ku dhawaaqay muddo kordhinta, waxaana intaas wixii ka dambeeyay magaalada Muqdisho ka socday abaabulo ka dhan ah tallaabadaas. The post Xog: Beelaha Mogadishu Clan oo go’aamiyey shir go’aan xasaasi ah lagu qaadanayo appeared first on Caasimada Online.
  10. (SLT- Indianapolis)-Sideed qof ayaa lagu dilay qaar kalena waa la dhaawacay toogasho wadareed ka dhacday xarunta Indianapolis FedEx ee dalka Maraykanka. Weerarka dadka lagu dilay ayaa waxaa fuliyay qof markii dambe isagana is diley sida ay sheegeen saraakiil u hadashay booliska magaalada Indianapolis. Lama oga sababta ka dambeysay in ninkan uu dil wadareed ku kaco waxaana goobta uu dilku ka dhacay xidhy ciidammada iyagoo baadhitaan ka sameynaya. Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden waxa uu ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaaboyin uu kaga hortagayo sidii loo xakamayn lahaa isticmaalka hubka gudaha dalka Maraykanka. Tirada dadka lagu dilay gudaha dalka Maraykanka sannadkan ayaa gaadhaysa 12,395 ruux halka sanadkii hore la diiwaangeliyay tiro gaareysa 43.549 qof. Source
  11. Taliska Ciidanka Midowga Afirka ee AMISOM iyo Ciidanka Xooga Dalka ayaa isku afgartay istaraatiijiyad ay howlgallada amni ay kula wareegayaan xoogga dalka xilliyada soo socda. Warkaan ayaa yimid ka dib labo maalmood oo shir uga socday Moqdisho hogaannada ciidamada AMISOM iyo xoogga dalka. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay matalayaal ka kala socday taliyeyaasha Xoogga, AMISOM, madax ka socotay howlgalka taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, hawlgalka kooxda caawinta ee UK iyo qaar kale oo ka tirsan saaxibada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Magacyada Xildhibaanadii ka dambeeyey,Kana soo shaqeeyay in Farmaajo 2 Sano kordhisto Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa fadhi uu yeeshay 12-kii bishan waxaa uu Farmaajo ugu daray 2 sano taasi oo kahor yimaadeen aqalka sare, maamul goboleedyada, madasha Badbaado qaran, bulshada rayidka iyo xataa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Yurub iyo Mareykanka. Waxaa la helay liiska Xildhibaannada keenay isla markaana saxiixay mooshinka jiheynta doorashada. Liiska la helay ayaa wuxuu muujinayo tirada guud ee Mooshinka saxiixday, Inta haweenka ah, inta wadata dhalasho kale iyo maamul Goboleedyada ay kasoo jeedaan, waana sidan: (1). Tiro ahaan waa 41 keliya. (2). Liiska inta saxiixday 50% waa haween oo ku tuseysa in Farmaajo u adeegsaday dumarka oo ah kuwa looga tiro badan yahay aqalka. (3). Xildhibaannada 18% waxay heystaan baasaboorrada Mareykanka iyo Yurub oo laga yaabo iney cunaqabateyn wajahaan. (4). Marka maamul goboleed ahaan loo fiiriyo Xildhibaannada mooshinka keenay waa sida: Jubbaland(7) Xildhiban, Koonfur Galbeed(14) Xildhibaan, Hirshabeelle(3) xildhibaan, Galmudug(3) xildhibaan, Puntland(2) xildhibaan iyo Somalinad(11) xildhibaan. Halkan Ka Akhriso Liiska Xildhibaannada Keenay Mooshinka Jiheynta Doorashada ee Farmaajo loogu daray 2 sano. Dahir Amin Jesow Samra Ibrahim Omar Ibrahim Isaaq Yarow Maryan Ahmed Harun Mohamud Ahmed Isse Run sheeg Feysal Omar Guled Asha Kos Mohamed Farhia Hassan Adan Rabico Sheikh Nur Sarha Abudkadir Osman Malaq Dhayow Amina Omar Jama Yurub Ibrahim Rabi Ikram Yusuf Hersi Sadia Musa Abdullahi Abdirahman Ahmed Suge Abdullahi Osman Duale Sugulle Bibi Kalif Mohamed Abudllahi Sheikh Mohamed Bakistan Abdiaziz Abdullahi Yusuf Abdullahi Olad Roble Ahmed Mohamed Jama Irro Hashim Nur Aden Qasim Mohamed Jama Fatah Said Hassan Osman Haji Ali Nadifa Farah Jama Khadra Mohamud Tukale Sheikh Shacir Ali Sheikh Abudllahi Afgooye Hawo Mohamed Aden Mohamed Ibrahim Abdi Sahra Omar Malin Abdullahi sheikh Ismail Amina Sheikh Osman Abdirahman Kulmiye Hersi Sheikh Nur Mohamed Ali yusuf Osman-Ganey Nur Sidow Baba-Hassan Hasaan Ali Mohamed-Amardambe Yaqub Ali Mohamed Sida uu sheegay guddoomiyaha golaha waqtigoodu dhamaaday ee shacabka waxaa ogolaaday qararka 149 Xildhibaan, Waxaa jira warar sheegaya in aanu kooramka maalintaa buuxin, taasi oo baaristeeda ay socoto. Qaran News
  13. Somalia, where a controversial law has just extended the president's expired term by two years, is mired in a political crisis over the failure to organise elections. Source: Hiiraan Online
  14. A two-day meeting to evaluate security sector gains in Somalia has ended in Mogadishu, the capital, with the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the Somali National Army (SNA) agreeing on strategies for Somali security forces to take a lead role in security operations going forward. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa fadhi uu yeeshay 12-kii bishan waxaa uu Farmaajo ugu daray 2 sano taasi oo kahor yimaadeen aqalka sare, maamul goboleedyada, madasha Badbaado qaran, bulshada rayidka iyo xataa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Yurub iyo Mareykanka. Waxaa la helay liiska Xildhibaannada keenay isla markaana saxiixay mooshinka jiheynta doorashada. Liiska la helay ayaa wuxuu muujinayo tirada guud ee Mooshinka saxiixday, Inta haweenka ah, inta wadata dhalasho kale iyo maamul Goboleedyada ay kasoo jeedaan, waana sidan: (1). Tiro ahaan waa 41 keliya. (2). Liiska inta saxiixday 50% waa haween oo ku tuseysa in Farmaajo u adeegsaday dumarka oo ah kuwa looga tiro badan yahay aqalka. (3). Xildhibaannada 18% waxay heystaan baasaboorrada Mareykanka iyo Yurub oo laga yaabo iney cunaqabateyn wajahaan. (4). Marka maamul goboleed ahaan loo fiiriyo Xildhibaannada mooshinka keenay waa sida: Jubbaland(7) Xildhiban, Koonfur Galbeed(14) Xildhibaan, Hirshabeelle(3) xildhibaan, Galmudug(3) xildhibaan, Puntland(2) xildhibaan iyo Somalinad(11) xildhibaan. Halkan Ka Akhriso Liiska Xildhibaannada Keenay Mooshinka Jiheynta Doorashada ee Farmaajo loogu daray 2 sano. Dahir Amin Jesow Samra Ibrahim Omar Ibrahim Isaaq Yarow Maryan Ahmed Harun Mohamud Ahmed Isse Run sheeg Feysal Omar Guled Asha Kos Mohamed Farhia Hassan Adan Rabico Sheikh Nur Sarha Abudkadir Osman Malaq Dhayow Amina Omar Jama Yurub Ibrahim Rabi Ikram Yusuf Hersi Sadia Musa Abdullahi Abdirahman Ahmed Suge Abdullahi Osman Duale Sugulle Bibi Kalif Mohamed Abudllahi Sheikh Mohamed Bakistan Abdiaziz Abdullahi Yusuf Abdullahi Olad Roble Ahmed Mohamed Jama Irro Hashim Nur Aden Qasim Mohamed Jama Fatah Said Hassan Osman Haji Ali Nadifa Farah Jama Khadra Mohamud Tukale Sheikh Shacir Ali Sheikh Abudllahi Afgooye Hawo Mohamed Aden Mohamed Ibrahim Abdi Sahra Omar Malin Abdullahi sheikh Ismail Amina Sheikh Osman Abdirahman Kulmiye Hersi Sheikh Nur Mohamed Ali yusuf Osman-Ganey Nur Sidow Baba-Hassan Hasaan Ali Mohamed-Amardambe Yaqub Ali Mohamed Sida uu sheegay guddoomiyaha golaha waqtigoodu dhamaaday ee shacabka waxaa ogolaaday qararka 149 Xildhibaan, Waxaa jira warar sheegaya in aanu kooramka maalintaa buuxin, taasi oo baaristeeda ay socoto. The post Magacyada Xildhibaanadii ka dambeeyey in Farmaajo ku darsado 2 Sano appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb-galay Kulan labo maalmood soconayay oo lagu qiimeynayay guulaha laga gaaray howl-galada ka dhanka ah argagixisada gaar ahaan guulaha ciiidamada xoogga ay ka gaareen howl-galadii ugu dmabeeyay ee ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka. Kulankaan waxaa goob joog ka ahaa hoggaanka saraakiisha ciidamada howl-galka midowga Africa ee AMISOM iyo wakiilka Midowga Africa uqaabilsan Howl-galka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, saraakiil ka socotay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, xubno ka sacday UK Mission iyo qaar ka mid ah saaxiibada kale ee Soomaaliya ka caawiyo Amniga . Waxaa Gabagabii lagu soo bandhigay qorshe mideysan oo ka dham ah argagxisada kaasi oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku booriyay waxyaabaha kasoo baxay shirkaan inay noqdaan kuwa laga miro dhaliyo oo aysan qoraal ku koobnaan si dhibaatooyinka ay argagixisadu ku heyso shacabka looga dulqaado. “Waxaa loo baahanyahay qorshahaan inuu noqdo miro dhal si dalka looga saaro argagixisada dhibaatooyinka ku haya shacabka waana muhiim inaan si wadajir ah uga shaqeyno” Dhankooda hogaanka ciidamada AMISOM ayaa soo dhaweeyay waxaana ay sheegeen inay xoojinayaan howl-galada ka dhanka ah argagixisada oo qeyb-ka ah waxyaabaha ay u yimaadeen Soomaaliya. The post Sawiro: Qorsho cusub oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo lasoo bandhigay appeared first on Caasimada Online.
  17. Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa fadhi uu yeeshay 12-kii bishan waxaa uu Farmaajo ugu daray 2 sano taasi oo kahor yimaadeen aqalka sare, maamul goboleedyada, madasha Badbaado qaran, bulshada rayidka iyo xataa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Yurub iyo Mareykanka. Goobjoog News ayaa heshay liiska Xildhibaannada keenay isla markaana saxiixay mooshinka jiheynta doorashada. Liiska waxaa soo saaray marka laga reebo tirada guud, haweenka, inta wadata dhalasho kale iyo xataa maamul goboleedyada ay ka yimaadeen, waana sidan: (1). Tiro ahaan waa 41 keliya. (2). Liiska inta saxiixday 50% waa haween oo ku tuseysa in Farmaajo u adeegsaday dumarka oo ah kuwa looga tiro badan yahay aqalka. (3). Xildhibaannada 18% waxay heystaan baasaboorrada Mareykanka iyo Yurub oo laga yaabo iney cunaqabateyn wajahaan. (4). Marka maamul goboleed ahaan loo fiiriyo Xildhibaannada mooshinka keenay waa sida: Jubbaland(7) Xildhiban, Koonfur Galbeed(14) Xildhibaan, Hirshabeelle(3) xildhibaan, Galmudug(3) xildhibaan, Puntland(2) xildhibaan iyo Somalinad(11) xildhibaan. Halkan Ka Akhriso Liiska Xildhibaannada Keenay Mooshinka Jiheynta Doorashada ee Farmaajo loogu daray 2 sano. Dahir Amin Jesow Samra Ibrahim Omar Ibrahim Isaaq Yarow Maryan Ahmed Harun Mohamud Ahmed Isse Run sheeg Feysal Omar Guled Asha Kos Mohamed Farhia Hassan Adan Rabico Sheikh Nur Sarha Abudkadir Osman Malaq Dhayow Amina Omar Jama Yurub Ibrahim Rabi Ikram Yusuf Hersi Sadia Musa Abdullahi Abdirahman Ahmed Suge Abdullahi Osman Duale Sugulle Bibi Kalif Mohamed Abudllahi Sheikh Mohamed Bakistan Abdiaziz Abdullahi Yusuf Abdullahi Olad Roble Ahmed Mohamed Jama Irro Hashim Nur Aden Qasim Mohamed Jama Fatah Said Hassan Osman Haji Ali Nadifa Farah Jama Khadra Mohamud Tukale Sheikh Shacir Ali Sheikh Abudllahi Afgooye Hawo Mohamed Aden Mohamed Ibrahim Abdi Sahra Omar Malin Abdullahi sheikh Ismail Amina Sheikh Osman Abdirahman Kulmiye Hersi Sheikh Nur Mohamed Ali yusuf Osman-Ganey Nur Sidow Baba-Hassan Hasaan Ali Mohamed-Amardambe Yaqub Ali Mohamed Sida uu sheegay guddoomiyaha golaha waqtigoodu dhamaaday ee shacabka waxaa ogolaaday qararka 149 Xildhibaan, Waxaa jira warar sheegaya in aanu kooramka maalintaa buuxin, taasi oo baaristeeda ay socoto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Laascaanood)-Saaka waaberigii ayaa markale rasaas ka bilaabantay Ceelka Dhabar-dalool oo dhaca jiida koonfureed ee degmada Xudun una dhow Tuulada Holhol. Dagaalkan oo ku bilaabmay si goosgoosa ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in haatan laysu adeegsanayo hubka waaweyn noocyadiisa kala duwan. Goobta dagaalku ka socdo oo aan lahayn anteenada telefoon gacmeedka awgeed ayay adag tahay in la helo khasaaraha dhabta ah ee meeshass wax ka dheceen, waxaase ila wareedyada ugu dhow xaqiijinayaan in daryanka rasaasta waaweyn meel kasta laga maqlayey. Dhinaca kale waxaa si isdabajoog ah warbaahinta u soo gaadhaya baaqyo kala duwan kuwaas oo ay madaxda dhaqanka oo uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, cuqaal iyo waxgaradkala duwan. Sidoo kale maamulka gobolka Sool oo u horreeyo Gudoomiyaha Gobolka Cabdiqani Jiidhe iyo Gudoomiyaha Degmada Xuddun ayaa ku baaqay in la joojiyo xabbada caqliguna sheqeeyo, bisha Barakaysana la xushmeeyo. Wixii ka soo kordha kala socda Somalilandtoday Source
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ee Somaliland ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Dhabar-dalool oo tirsan degmada Xudun ee gobolkaas uu shalay galinkii dambe ka qarxay dagaal xoogan. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkaan ayaa waxa uu u dhexeeya labo Beelooda oo deegaankaas wada dega oo muddooyinkii dambe ay taagneyd xiisad u dhaxeysa labada dhinac. Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimada Online, waxaana lasoo warinayaa in ilaa tobaneeyo ruux oo labada dhinac ah ay ku naf waayeen dagaalkaas. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayo dagaalkaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in labada beel ay isku haysteen dhul balaarsi, kadib markii mid kamid ah beelahaas uu qorsheynayay inuu Ceel-biyood ka qoto deegaanka Dhabar-dalool. Mana jiro ilaa hadad wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo laamaha amaanka oo ku aadan dagaalka labada beel oo sababsday geerida dad hor leh. The post Dagaal ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Sool appeared first on Caasimada Online.