-
Content Count
211,311 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada ee ka howl-gala gudaha xarunta madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyada Casta ayaa xalay saq-dhexe howl-gal qorsheysan ka fuliyey xaafadaha ku dhow Villa Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah howl-galka loogu qaaday degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, gaar ahaan guryaha ku dhow dhismaha madaxtooyada. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafadaha degmooyinkaasi, islamarkaana ay soo qab-qabteen dad u badan dhalinyaro. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaasi la’isugu keenay hal goob, kadibna lagu sameeyey baaris, iyada oo qaarkood lasii daayey, kuwa kalena la xiray. Illaa iyo hadda ma cadda waxa uu ahaa bartilmaameedka howl-galkan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ujeedka howl-galka uu ahaa mid lagu xaqiijiyey ammaanka. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa kordhiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho oo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dambeeyey weerarkii lagu qaaday xerada Xalane.
-
Dooxa (Caasimada Onine) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay ra’iisul Wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Sheekh khaalid Bin Khaliifa bin Cabdiaziiz Al Thaani. Labada mas’uul oo yeeshay kulan saacado badan qaatay ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dalka ee Soomaaliya & Qatar. Wasiir Xundubey oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiyo dowladda federaalka & shacabka Soomaaliyeed. “Waxaana aan ka wada hadalnay iskaashiga amniga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar, anigoo kaga mahad-celiyay taageerada dowlada Qatar ay la garab taagantahay shacabka iyo xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.” ayuu yiri wasiir amniga Soomaaliya. Xasan Xundubey oo maalmahan ku sugnaa dalkaasi Qatar ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Dooxa Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo mashaariicyo kala duwan ka fuliso gudaha dalka.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday gogosha tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Mahdi Maxamed. Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay ehelada Allah u naxariistee madaxweynihii hore Cali Mahdi, isagoo uga tacsiyeeyay. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan Umadda Reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Allaha ha u naxariistee Malaaq Xasan Shurre Maxamuud. Madaxweyne Cabdicasiis ayaa xusay in Malaaqu uu ahaa hurmuud dhaqan,door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi raajicuun Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Baydhabo,malaaqa waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Reer Koonfur Galbeed ee uu ka geeriyooday. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dugsiga tababarrada ciidamada boliiska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka bilaawday abaabulka dhalinyaro hor leh oo lagu biirinayo ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad. Dhalinyarada qoraneysa ciidankaas ayaa maalin kasta xaadirta dugsiga Jeneraal Kaahiye, waxaana qoritaanka ciidankaas barbar socda tababar maalin kasta gudaha dugsiga lagu siiyo intii loo qaatay inay ka mid noqdaan Haramcad. Saraakiil ciidan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in howshan uu gacanta ku hayo Taliyaha Haramcad Farxaan Qaroole, isla markaana uu qoritaanka ciidankaas si ku meel gaar ah uga bilaawday xerada Jeneraal Kaahiye oo ku talla degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir. Sarkaal u xog-waramay Caasimada Online ayaa muujiyey shaki la xariira sababta xilligaan ku soo beegtay qoritaanka ciidankaan ku biiraya Haramcad iyo hanaanka loo wajahayo dhismahooda. Ciidanka hadda howlgala ee Haramcad, waxaa tiradooda lagu qiyaasaa 900, waxaana tababaray Turkiga, waxaa hoggaamiya sarkaal lagu magacaabo Farxaan Qaroole, waxaana hanaanka ay u howlgalaan walaac badan ka muujiyey madaxda maamul goboleedyada qaar iyo midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale saraakiisha aan wareysanay waxay muujiyeen inuu jiro mad-madow iyo daah-furnaan la’aan badan oo ka dhex muuqata qorshaha lagu kordhinayo ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad, oo marar badan lagu xagliyey in xukuumadda madaxweyne Farmaajo ay si gaar ah u adeegsato. Ciidanka Haramcad ayaa tan iyo markii lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya waxay ka howlgaleen Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana magaalooyinka la geeyey ka mid ah Jowhar oo ay bilo ka hor ka dhacday doorashadii Cali Guudlaawe, Beledweyne oo loo diiday inuu tago Cali Guudlaawe, Dhuusamareeb oo ay ilaaladii hoggaankii Ahlu-Sunna kula dagaalameen iyo magaalooyin kale. Habka ay u fuliyaan howlgallada iyo siyaasadda lagu maamulo ciidanka Haramcad ayaa shaki iyo wal-wal badan ku abuurtay mucaaradka dowladdan mudo xileedku ka dhamaaday iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka. Golaha Midowga Musharaxiinta oo dhawaan awood ciidan looga fashiliyey banaanbax nabadeed oo ay soo abaabuleen ayaa Turkiga uga dacwooday qaabka ay dowladda federaalku u adeegsaneyso ciidanka uu u tababaray ee Gorgor iyo Haramcad. Sidoo kale madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa khudbad uu bishii hore ka jeediyey Garowe waxa uu ku soo hadal qaaday qaabka ay u howlgalaan ciidanka Haramcad, isagoo ku tilmaamay kuwo manaxayaal ah oo si gaar ah uu u adeegsado madaxweyne Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer soo hadal qaaday ciidankaan Haramcad, isagoo naqdinaya hadafka ay ku howlgalaan. Haramcad, inta badan waxaa hadda loo diraa oo ay ka howlgalaan goobaha ay ka taaganyihiin xaaladaha adag, sida weerarrada argagixiso. Sidoo kale waayihii dambe cutubto ka tirsan ciidankaan waxay sugayeen ammaanka injineerada iyo shaqaalaha dhisaya laamiga gaba-gabada maraya ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye. Al-Shabaab ayaa intii uu socday dhismaha laamigaas waxay geysteen weerarro badan oo ay ku bexeen askar, injineero, shaqaale kale iyo shacab intaba, balse waxaa Haramcad lagu ammaanaa in waayihii dambe ay aad xakameeyeen weerarradaas, kuwo badana ay fashiliyeen. Hoos ka eeg sawirrada dhalinyarada ku biireysa Haramcad
-
(SLT- Stockholm)-Dalal badan oo ku jira Midowga Yurub ayaa hakiyey in ay sii wadaan talaalka Astra Zeneca waxaana dalalkaas shalay ku biirey dalka Iswiidhan. Wakaaladda Caafimaadka Dadweynaha ee Iswiidhan ayaa go’aansatay in nasasho laga galo talaalkaas illaa baadhitaanka ay Hay’adda Dawooyinka ee Yurub soo gebagebeyso baadhitaanka lagu tuhmayo talaalkan dhibaatooyin uu sababay. Hore waxaa u hakiyey dalalka Denmark, Norway, Jarmalka, Faransiiska iyo Irlandi iyo kuwo kale, waxay joojiyeen in dadkooda lagu talaalo talaalka AstraZeneca ee COVID-19, maadaama qaar ka mid ah dadka la tallaalay lagu arkey dhiig xinjirow. Dalka Iswiidhan, kiis la mid ah lama soo sheegin, laakiin hakinta waxaa loo sameeyay nabadgelyo ahaan. Sida laga soo xigtay khabiirka ku takhasusay cudurrada faafa ee dalka Iswiidan Anders Tegnell, go’aanka Sweden sidoo kale waxaa sabab u ah helitaanka nooc cusub, oo suurta gal ah in uu sababay. Hadda waxaa jira calaamado cusub oo ku saabsan nooc kale oo saameyn ah sida dhiig-baxa iyo wixii la mid ah. Waa saameyn aan caadi aheyn, waxaa jira kiisas faro ku tiris ah oo ka jira Midowga Yurub. Laakiin baadhis ayaa la bilaabay waxaana u maleyneynaa inay macquul tahay inaan hakino, ayuu yidhi Tegnell isaga oo la hadlay Radio Sverige. Wakaaladda dawooyinka Yurub ee loo soo gaabiyo (EMA) iyo maamulada caafimaadka ee dalal badan oo Yurub ah ayaa hadda baadhaya warbixinada la tuhunsan yahay ee waxyeelada dhiig xinjirowga iyo dhiigbaxa dadka lagu tallaalay Astra Zeneca ee Covid-19. Baadhitaanku wuxuu diirada saari doonaa warbixinnada la tuhunsan yahay ee waxyeelooyinka ee la helay maalmihii la soo dhaafay si loo go’aamiyo haddii uu jiro xidhiidh u dhexeeya tallaalka iyo kiisaska la soo sheegay ee Dhiig xinjirowga iyo weliba Dhiig baxa. Sida laga soo xigtay hay’adda EMA, wali ma jiraan wax muujinaya in tallaalku uu sababay xinjirowga dhiigga. Baadhitaan cusub ayaa la daabici doonaa Khamiista Astra Zeneca ayaa sheegtay inay ka war hayaan 37 kiis oo xinjirowga dhiigga ah ee dadka lagu tallaalay tallaalkooda. Kiisaska qaarkood waxay ahaayeen kuwo dilaa ah. Wadar ahaan 17 milyan oo qof ayaa lagu tallaalay tallaalka corona ee Astra Zeneca ee EU iyo UK. Si kale haddii loo dhigo, dad yar ayaa ku dhacay xinjirowga dhiigga oo ah saameyn dhinaca ah. Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Wakaaladda Daawada Yurub ee EMA waxay ka wada hadlayaan tallaalka Astra Zeneca waxaana markii hore loo qorsheeyay in EMA ay faallo ka bixin doonto tallaalka Astra Zeneca ee la xidhiidha soo bandhigidda baadhitaankeeda Khamiista. Laakiin hadda EMA waa la beddelay waxaana la filayaa inuu faallo ka bixiyo tallaalka Astra Zeneca. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu wadaa in 9-ka bisha April ee sannadkaan 2021 ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada dalkaas, iyada oo dhawaan si rasmi ah u furmayo ololaha doorashadaas. Diyaar-garowga doorashada ayaa si weyn uga socda Jabuuti, waxaana doorashada toddobaadyo kadib ka dhaceysa dalkaas, waxaana ku tartamaya Madaxweynaha tallada haya ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo Musharax kale oo saaxada ku cusub. Liiska tartamayaasha ayaa waxa soo gudbiyay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana ugu dambeyn saxeexaya Madaxweynaha tallada haya, waxayna u dhigan yihiin sidan; 1-Ismaaciil Cumar Geelle: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Murashaxa Xisbiga PRP 2-Sakariye Ismaaciil: oo ah Murashax madax bannaan sida ku xusan Sooyaalkiisa. Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynihii labaad ee Taariikhda Jamhuuriyadda Jabuuti soo maray tan iyo xornimadii Gumeystihii Faranasiiska oo haatan laga joogo muddo dhan 44-sano, kala badh waxaa hoggaanka u haya Madaxweyne Geelle. Geelle ayaa ku dooda inta badan inuu horumar balaadhan ka sameeyay Jabuuti tan iyo intii uu tallada hayay, wuxuuna dhowr jeer kalsooni ka muujiyay doorashada inuu kusoo bixi doono maadama horumar, waxqabad iyo hoggaan wanaag uu ka sameeyay Jabuuti Muddada 22-sano uu xilka hayo. Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa badanaa lagu eedeeya in aanu diyaar u ahayn inuu wareejiyo tallada dalka, islamarkaana uu sameeyo doorasho gacan ku rimis ah oo indhaha iskaga jeediyo bulshada, wallow uu iska fogeeyay eedeymahaas. Source
-
(SLT-Washington)-Warbixin uu salaasadii shalay shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa lagu sheegay, in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay u badan tahay inuu si toos ah u amray, isku day lagu fara-geliyay doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee sannadki 2020-kii. Warbixinta ayaa sheegeysa in Ruushka uu sameeyay isku day ah inuu fara-geliyo hannaankii doorashadi lasoo dhaafay, si uu ugu guuleysto madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, laakin sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay, in ugu dambeynti ayna dhicin saameyn wax ka baddashay natiijadi kasoo baxday doorashadi Mareykanka ka dhacday bishii November ee sannadki 2020-kii. Warbixinta oo ka koobneyd 15 bog isla markaana kasoo baxday xafiiska Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Iran ay isku dayday inay wiiqdo kalsoonida shacabka Mareykanka ee nidaamka codbixinta si ay u dhaawacdo in Trump mar kale uu kusoo baxo doorashadi Mareykanka ee sannadki hore. Washington ayaa lagu wadaa inay toddobaadka danbe cuna-qabateyn kusoo rogto Moscow, sababo la xidhiidha fara-gelintani la sheegay inay ku sameeysay doorashadi madaxtinimada ee Mareykanka ee sannadki 2020-kii. Source
-
M/weyne Erdogan oo kashifay Codsi Xasaasiya oo Boqortooyada Sacuudigu u soo gudbisay Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdoğan Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdoğan ayaa shaaciyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ka codsatay in dalkiisa uu ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee aanu duuliyaha saarneyn (Drones). Erdoğan ayaa warkan sheegay xilli uu ka falcelinayay dhoolatus milateri oo ka dhacay caasimadda Athens, kaasoo ay ka qeybgaleen ciidamada Giriigga, Faransiiska, Masar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn. “Wa arin lala yaabo in [Sacuudiga] uu ka qeybgalayo dhoolatuskaas ciidan ee Giriigga, halka dhanka kale ay naga codsanayaan inaan ka iibino drones-keena. Waxaan rajeyneynaa in aan arintaas si degan ku xallino,” ayuu yiri Erdoğan Turkiga ayaa u arka dhoolatuska ciidan ee ay dalalka ka sameeyeen Giriigga mid looga soo horjeedo Ankara, oo uu khilaaf kala dhexeeyo xukuumadda Athens. Xiriirka Ankara iyo Riyadh Xiriir Ankara iyo Riyadh ayaa gaaray meel xun kadib dilkii weriye Jamal Khashoggi sanadkii 2018 loogu geystay gudaha qunsuliyada uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul. Ankara ayaa Sacuudiga cadaadis ku saartay dilkaas, waxaana markii dambe hoos u dhacay xiriirka ganacsi ee labada dal kadib markii aan si rasmi ahayn ay magaalooyinka Boqortooyada u dhimeen iibsiga alaabta lagu sameeyo Turkiga. Labada dal ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u wanaajin lahaayeen xiriirka ka dhexeeya. Wasiirka arimaha dibedda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa todobaadkii hore shaaciyay in Ankara ay dib u soo celisay xiriirka diblomaasi ee ay la lahayd Masar, oo ay xulafo dhaw yihiin Sacuudiga. Turkiga iyo Masar ayaa kala taageersan dhinacyada isku haya colaadda Liibiya. Qaahira ayaa sidoo kale heshiis dhanka badda ah la saxiixatay Giriigga, taas oo ka caraysiiyay xukuumadda Ankara. ,Dilkii weriye Jamal Khashoggi ayaa meel xun gaarsiiyay xiriirka Ankara iyo Riyadh Drones-ka Turkiga Diyaaradaha dagaalka ee aanu duuliyaha saarneyn ee uu sameeyay Turkiga ayaa guulo muuqda ka soo hoyay furimaha dagaalka ee Nagorno-Karabakh, Liibiya iyo Suuriya. Diyaaradahaas ayaa aad ugu soo caan-baxeen colaaddii Nagorno-Karabakh ee u dhexaysay Azerbaijan iyo Armenia, iyagoo la sheegay inay u sahleen ciidamada Azerbaijan inay yeeshaan gacanta sare. Dalalka kale ee iibsaday diyaaradaha drones-ka Turkiga ee loo yaqaan Bayraktar TB2 ayaa waxaa kamid ah Qatar iyo Ukraine. Shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Baykar, ahna tan samaysa diyaaradaha drones-ka ayaa sanadkii 2020 iibkeeda dibedda ka macaashtay 360 milyan oo dollar, sida uu qoray wargeyska Daily Sabah. Drones-ka Bayraktar TB2 Dadka ka faallooda arimaha ammaanka ee Sacuudiga ayaa rumaysan in Boqortooyada ay dooneyso in drones-ka Turkiga ay u adeegsato colaadda Yemen, kadib markii qaar kamid ah dalalka Galbeedka ay joojiyeen hubkii ay ka iibin jireen. Sacuudiga ayaa sanadihii dambe ku lug laha colaadda Yemen, waxaana uu dagaal xooggan kula jiraa xooggaga Shiicada ah ee Xuutiyiinta. Qaran News
-
Kooxa Hubeysan ayaa dalka Niger dil ugu geeystay ku dhawaad 60 qof xilli ay ku socdaalayeen gobal u dhaw xadka uu Mali la wadaho dalkaas . Dadka la dilay ayaa gaaraya 58 qof kuwaas oo kooxa wato Mootooyin ay jidka u galeen iyagoo saaran gaari Bas ah xilli ay ka soo noqdeen suuq lagu iibiiyo xoolaha oo ku yaalla xadka dalka Niger uu la wadago Mali . Dowladda ayaa sheegtay in falkan uu dhacay gelinkii dambe Isniinta sida ku cad war ka soo baxay dowladda Talaadadi . “kooxo hubaysan, oo aan wali haybtooda la aqoonsan ayaa afar baabuur oo rakaab siday ka celiyey suuqa toddobaadlaha ah ee Banibangou illaa tuulooyinka Chinedogar iyo Darey-Daye,” ayay dawladdu sheegtay . “Khasaaraha ka dhashay falalkan naxariis darrada ah waa 58 qof oo dhintay, mid dhaawacmay, iyo laba gaari oo la gubay . Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda, laakiin Niger waxay la halgameysaa laba olole oo jihaadi ah – galbeedka ku dhow Mali iyo Burkina Faso, iyo kacdoon toban sano jirsaday oo ka socda koonfur-bari xadka ay la wadaagaan Nigeria. Weerarkan ayaana ka dhaca gobolka Tillaberi oo ku yaal aagga saddexda-xuduud oo ay wadaagaan Niger, Burkina Faso iyo Mali. Mar sii horeysay, mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in weerarada ay ku bilowdeen weerar lagu qaaday bas u safrayay Chinedogar, halkaas oo “kudhowaad 20 qof lagu dilay.” Qof kale oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka la dilay ay ka dukaamaysanayeen Banibangou, oo ah magaalo weyn oo suuq ah oo waxyar uun u jirta xadka Mali. “Burcad hubeysan” ayaa kadib weerartay tuulooyinka abaare 6-dii fiidnimo waqtiga maxalliga ah , halkaas oo ay ku dileen ilaa 30 qof, ilo amniga ah ayaa sidaas sheegay. Dowladda ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah laga bilaabo Arbacada Maanta ah . Source: goobjoog.com
-
Maraykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Ruushka+Sababta Warbixin uu Talaadadi shalay shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa lagu sheegay, in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay u badan tahay inuu si toos ah u amray, isku day lagu fara-geliyay doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee sannadki 2020-ki. Warbixinta ayaa sheegeysa in Ruushka uu sameeyay isku day ah inuu fara-geliyo hannaanki doorashadi lasoo dhaafay, si uu ugu guuleysto madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, laakin sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay, in ugu danbeynti aysan dhicin saameyn wax ka baddashay natiijadi kasoo baxday doorashadi Mareykanka ka dhacday bishi November ee sannadki 2020-ki. Warbixinta oo ka koobneyd 15 bog isla markaana kasoo baxday xafiiska Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Iran ay isku dayday in ay wiiqdo kalsoonida shacabka Mareykanka ee nidaamka codbixinta si ay u dhaawacdo in Trump mar kale uu kusoo baxo doorashadi Mareykanka ee sannadki hore. Washington ayaa lagu wadaa in ay todobaadka danbe cuna-qabateyn kusoo rogto Moscow, sababo la xiriria fara-gelintani la sheegay in ay ku sameeysay doorashadi madaxtinimada ee Mareykanka ee sannadki 2020-ki. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa si layaab leh ugu adeegsatay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday hotelka DusitD2 ee Nairobi dooddeeda kiiska dacwadda badda ee dhageysigiisu ka socdo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ). Kenya ayaa qaadacday inay ka qeyb gasho dhageysiga dacwadda, hase yeesee waxaa maxkamadda yaalla dokumentiyo ay u gudbisay, halkaasi oo qeyb ka mid ah doodaheeda ay ku jirto weerarkan Nairobi ka dhacay 15-kii Janaayo 2019. Kenya ayaa maxkamadda ka codsatay in kiiska badda aan loo xukmin Soomaaliya, waxayna sheegtay in haddii sidaas ay dhacdo ay muwaadiniinteeda halis ugu jiri doonaan weeraro argagixiso, waxayna tusaale usoo qaadatay weerarkii DusitD2. Ma cadda waxa iska galay kiiska badda iyo weerarada argagixiso, hase yeeshee tani waa astaan kale oo muujineysa sida Kenya aysan u haysan wax dood oo sharci ah oo ay ku qaadan karto badda Soomaaliya. Kenya ayaa saddex goor horey u codsatay in kiiska dib loo dhigo, ayada oo laba mar laga aqbalay, balse markii saddexaad lagu gacan seeray taasi oo horseeday inay qaadacdo ka qeyb-galka kiiska. Doodda la xiriirta weerarka DusitD2 ayaa ku biireysa doodo kale oo lagu qoslo oo horey Kenya ay qiil uga dhigatay, ayada oo mid ka mid ah sababaha ay u qaadacday dhageysiga ay ahayd inaysan haysan lacag ay siiso qareenada, xilli la ogyahay inay dhaqaale ahaan ka wanaagsan tahay Soomaaliya.
-
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay mareyso dacwadda badda ee Soomaaliya & Kenya, taas oo ay haatan dhageysigeeda ka socoto magaalada Hague, gaar ahaan maxkamadda ICJ. Dr. Sulaymaan ayaa shaaca ka qaaday inuu soo xirmay wareega koowaad ee dhageysiga dacwadda badda, islamarkaana Qareenada Soomaaliya ay soo bandhigeen doodooda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in rajadooda ku guuleysiga kiiskan ay tahay mid aad u sarreysa, wuxuuna tilmaamay in shacab & dowlad loo mideysan yahay dacwadda badda. “Waxaan halkan Ummadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysaa ay noqoto mid Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka. Si kastaba dowladda Kenya ee muranka-gelisay baddeena ayaa ka maqan fadhiga maxkamadda, taas oo horey u dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda, balse waxaa ku gacan seyrtay maxkamadda cadaaladda adduunka ee loo yaqaano ICJ. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo shalay a dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan la qaatay xubno ka tirsan Midowga Musharraxiinta Mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu Qoor Qoor la qaatay Midowga Musharaxiinta uu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka “Kulanka ayaa wuxuu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arinsanayo arimaha doorashooyinka” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug. Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa goobjoog ka ahaa kulankii dhex-maray Madaxweyne Qoor Qoor iyo xubnaha mucaaradka. Kulamada siyaasadeed ee haatan ka socda magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya, xilli la filayo in dhowaan uu furmo shirka wada-tashiga ee dowladda & dowlad goboleedyada. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-1732021.mp3 View the full article
-
Somalia starts first inoculations with AstraZeneca vaccines
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU, Somalia (AP) — Somalia launched COVID-19 vaccinations Tuesday with the inoculation of the health minister, who received the jab publicly to reassure the nation about its safety. Source: Hiiraan Online -
Ciidamada Puntland ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Buuraleyda Golis ee Gobolka Bari, waxay ku dileen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan. Hawlgalkaas oo ay saacadihii u dambeeyay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland, waxa lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab, inkastoo aan tiradooda la xusin. Sidoo kale, waxa Al-shabaab hawlgalka looga furtay hub fara badan oo nooca fudud ah iyo qalab kale, oo ay u isticmaali jireen dagaalka. Ciidamada Puntland ayaa hawlgalo xiriir ah ka wada Buuraleyda Gobolka Bari, kadib weerarkii dhowaan lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo saraakiil ka laayay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland, ayaa sheegtay inay qab-qabatay isla-markaana ay dalka ka Mastaafurisay Shaqsiyaad si sharci-darro ah dalka u soo galay isla-markaana waday hawlo Macdan baadhis ah. Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan dalka ka mastaafuriyeen Dad waday Macdan baadhis sharci-darro ah. Wasiirka oo Shalay la hadlay Telefiishanka SAAB ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Shaqsiyaad si sharci-darro ah u soo gadhay Dalka oo tallaabooyin Macdan ka shaqayn ah ka shaqaysay waanu qabanay, dalkana waanu ka saarnay, waxaanu uga digaynaa Ciddii hawshaa dib ugu soo tahambaabta in tallaabo Adag oo Sharciga waafaqsan laga qaadi doono..” Wasiirku wuxuu sheegay oo kale in dalka laga helay shidaal, ka dib baadhis muddo dheer la waday “Waxaynu ognahay in Waddanka shidaal ku jiro oo waalla helay, baadhitaannadaa hore ee la sameeyayna rejo wanaagsan ayay muujinayaan, waxay u baahan tahay in la ogaado in shidaalkaa la arkay ee meeshaa ku jiraa ma yahay mid Ganacsi geli kara, si loo maalgeliyo, taasina waxay u baahan tahay in qoditaan lagu sameeyo, qoditaankii baana loo diyaar-garoobayaa, waxaana dib u dhigay Xanuunkan dunida ku soo noqday, kaasaana weli dabada inna jiidaya..” Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Macdantu ma sheegin Dadka ay mastaafuriyeen Dalka ay u dhasheen. Source
-
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ku sugan magaalada Dooha ee Caasimadda dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Sheekh khaalid Bin Khaliifa bin Cabdiaziiz Al Thaani. Kulanka dhexmaray Wasiir Xundubey iyo Ra’iisul wasaare Sheekh khaalid Bin Khaliifa ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ee ku saleysan dhinacyo kala duwan. Qoraal uu soo saaray Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey ayaa waxaa uu ku sheegay in kulan gaar ah uu la qaatay Sheekh khaalid Bin Khaliifa Al Thaani, uuna uga mahadceliyay tageerada Qatar ay la garab taagan Soomaaliya. “Waxaana aan ka wada hadalnay is kaashiga amniga ee labada dal ee Soomaalia iyo Qatar, anigoo kaga mahadceliyay tageerada dowlada Qatar ay la garab taagantahay shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya” ayuu yiri Xasan Xundubey. PUNTLAND POST The post Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisu wasaaraha dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan Umadda Reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Allaha ha u naxariistee Malaaq Xasan Shurre Maxamuud. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xusay in Malaaqu uu ahaa hurmuud dhaqan,door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi raajicuun Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Baydhabo,malaaqa waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed. Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Reer Koonfur Galbeed ee uu ka geeriyooday. PUNTLAND POST The post Malaaq Xasan Shurre oo geeriyooday iyo Lafta Gareen oo ka tacsiyeeyay appeared first on Puntland Post.