Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la garab istaago Ra’iisul Wasaaraha Xakuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, si loo hirgeliyo doorasho xor ah oo dalka ka dhacda. Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu boqaadinayo dadaallada uu Rooble ka billaabay xal u helidda xasaradihii amni ee Muqdisho ka dhacay iyo sida uu kasbaday saamileyda siyaasadda dalka. “Waxaan bogaadinayaa dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda xiisadda ka dhalatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa, sidoo kale waxaan soo dhoweynayaa shirka uu ku baaqay 20ka bishan” ayuu ku sheegay hadal kooban oo uu maanta jeediyay. Waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in fursad la siiyo lana garab istaago dadaalka u wado Ra’iisul Wasaaraha, si uu dalku uga baxo xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka dhalatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa iyo inqilaabkii hay’adaha dastuuriga ah. “Dhammaan qeybaha ka duwan ee bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku garab istaagaan hirgelinta doorasho xor ah oo dalkeena ka dhacda” ayuu raaciyay. Xasan Sheekh ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoonyahay go’aannada Ra’iisul Wasaare Rooble, taas oo meesha ka saareysa shaki ay muujinayeen midowga musaharraxiinta iyo golaha badbaado Qaran. Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii la siiyey awoodda hirgelinta doorashada iyo amnigeeda wado dadaalo uu ku doonayo inuu saamileyda siyaasadda iyo madaxda Maamul Goboleedyada ku qanciyo si ay uga qeyb noqdaan xal u helidda khilaafka ka taagan Dowladda, wuxuuna hadda heystaa ogolaanshaha dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta. The post Xasan Sheekh: waa in la garab istaagaa Ra’isulwasaare Rooble appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya, ayaa shir waxa uu maanta uga furmay xerada Xalane. Kulanka oo ay qaban qaabadiisa laheyd beesha caalamka ayaa waxaa looga wada hadlayaa doorashooyinka iyo sidii Rooble lagala shaqeyn lahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay ku wada qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda. Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga wada hadlayaa sidii ay beesha Caalamka u fududeyn laheyd shirka la filayo inay Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ku yeeshaan Muqdisho 20 Bishaan sida uu iclaamiyey Ra’isul wasaare Rooble. Rooble ayaa kulanka ka sheegay in xukuumadda ay waddo qorshe ay kusoo dhiseyo ciidamo khaas ah oo fuliya amniga dooarshada, kuwaasi oo loo wada dhan yahay dhex-dhexaadna ah. Waxa uu intaas ku daray inay ciidankaasi ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci uuna dhisiddooda kala tashan doono dhammaan saamileyda siyaasadda dalka. Waa shirkii u horreeyay ee dhex mara Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaruhu la wareegay arrimaha doorashooyinka iyo amniga oo looga fadhiyo inuu dhowaan guda galo hirgelinta heshiiskii 17 September. Waxa uu sheegay in kadib markii uu wadatashi la sameeyey maamul gobleedyaada uu diyaar u yahay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho aasaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September. Rooble ayaa sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan doorashada ay tahay dhammeystirka heshiiskii 17-ka September, iyadoo loo sii marayo taloyinkii shirkii Baydhaba. Waxa uu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha caalamka inay billaabaan qorshayaasha ku saabsan taageerada dhinaca tasiilaadka, farsamada iyo dhaqaale ee loo fidinayo hannanaka hirgelinta doorashada. Shirkaan ayaa imaanayo kadib markii madaxweyaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ogolaaday inuu Mas’uuliyadda doorashada iyo amnigeeda uu ku wareejiyo Ra’isulwasaare Rooble kadib markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay dagaal dhiig ku daatay oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo ciidamo diidan muddo kordhin loo sameeyey Farmaajo. The post Shir u furmay Rooble iyo beesha caalamka iyo Rooble oo ku dhowaaqay dhisidda ciidan cusub appeared first on Caasimada Online.
  3. Itoobiya waxay markii ugu horaysay soo bandhigtay ciidamo ay sheegtay in ay yihiin kuweeda badda, iyadoo hore u balan qaaday in ay samaysan doonto ciida badeed. Tuulada dhacda duleedka Addis Ababa ee Bishoftu ayay xukuumadda Addis kusoo bandhigtay ciidamo kooban iyo xaflad lagu daah furayay sumadda rasmiga ah ee ciidaada badda Itoobiya. Ciidamo cusub ayaa la siiyay darajooyin kadib dhagax dhig uu sameeyay janaraalka ugu sareeya ciidamadan, oo xarun cusub oo ciidamada saldhig u noqonaysa ka dhagax dhigay tuulada Bishoftu. Itoobiya waxay isticmaali doontaa biyaha wadamada gobolka iyadoo la filayo in a saldhig ka samaysato dalka ay colaadu ka dhaxaysay balse ay heshiiyeen ee Ereteriya. Haddaba Maxay Ethiopia Iyada Oo Aan Bad Lahayn U Dhisatay Ciidanka Badda? Rooble Maxamed Saxardiid qoraal uu ka baahiyay bartiisa facebook waxa uu si faah-faahsan uga hadlaya Waxa aan arkayay ilaa shalay iyadoo laga hadlayo in Itoobiya samaysatay ciidanka badda oo dufcaddii koobaad qalin jebisay. Waan ku hambalyaynayaa Itoobiya arrinkaa marka hore. Eeg hadda … Wax kele maaha, Itoobiya waxa ay u fekeraysaa sidii dawlad caadi ah laga rabay in ay u fekerto uguna diyaar garowdo mustaqbalkeeda. Muhiimadduu maaha inaad bad leedahay iyo in kele, mana aha in aad cid duullaan ku tahay, muhiimaddu waxa weeyaan in mustaqbalkaagu is beddeli karo diyaarna aad u tahay markaa oo wixii lagaa rabi lahaa aad imikaba sii haysato. Itoobiya shalay bay bad lahayd laakiin 1993 mustaqbalkeedii wuu is beddelay oo bilaa bad bay noqotay, maxaa diidaya in mustaqbalka haddana arrinkaasi is beddeli karo oo ay bad yeelan karto siday doontaba ha ku timaaddee ? .. Waxa aan ka wadaa uun mustaqbalka waa la odorrosaa, wixii kuu soo baxana waa loo sii diyaar garoobaa. Tusaale ahaan Maraykanku ciidankiisa kuma tababaro hubka casriga ah oo keliya, wuxuu sidoo kele ku tababaraa warankii, gaashaankii iyo seeftii .. Miyaad garanaysaa sababta ? … Waxa ay odorroseen in mustaqbalku is beddeli karo oo tiknoojiyaddani ay si uun isu taagi karto, dibna loogu noqon karo in waran iyo seef lagu dagaallamo, Sidaas darteedna aanuu ciidankoodu faro madhnaan isa soo taagin markaa. Hadda ma fahantay ? …. Tusaale kele aan ku daree waxa laga fekeraa haddii dunida inta dagaal dhaco Nuyuukliyeer la isku miiso maxaa la yeelayaa ? ,, Eeg hadda ,, innaga xisaabta innooguma jirto waxaasi laakiin waxa ay sameeyeen magaalooyin dhan oo dhulka hoostiisa ah oo sannado badan lagu noolaan karo haddii taasi dhacdo … Innagu marka Nuyuukliyeerku innagu soo dhaco ayaynu odhan lahayn maxaynu yeelnaa sow maaha ? ,, Intaasaa lagu kala duwan yahay. Bal hadda eeg … Adduunyada caadiga ah inta la fadhiisto ayaa la is waydiiyaa sidee bay wax u dhici karaan … markaasaa siyaabahaas laga dooday wixii looga baahnaan lahaa qorshaheeda la galaa oo la dhamaystiraa. Aan luqad la fahmayo idinkula hadlee, Adduunyadu abaaraha waxa ay ka diyaar garowdaa inta aanay iman, waa sababta aynaan u maqlin abaar baa cid laysay oo qorshe diyaar ahaa uun baa la fuliyaa …. Sidaa si la mid ah, Daadadka waxa laga diyaar garoobaa inta aanay iman, oo wixii lagaga hortegi lahaa la sii sameeyaa. Innaga uun baa jirna dad suga abaarta oo markay timaaddo ee lagu le’do yidhaahda dadka ha loo gurmado, sidoo kelena daadadku markay ina qaadaan yidhaahda maxaynu yeelnaa. Ma kula tahay innagu haddii aynaan bad lahaan lahayn in aynu ciidan badeed samaysan lahayn ?? Eeg hadda …. Ma garanaysaa sababta aynaan Duuliyayaal diyaaradeed u yeelan weli ?? ,, Waxaynu sugaynaa intaynu diyaarado helayno .. markaasaa la odhanayaa bahalladan yaa duulinaya haddaba … ma fahantay imika ? Hadda eeg … Bulshooyinka caalamku mustaqbalka ayay ka fekeraan oo ay u diyaar garoobaan … Waa sababta ay hore ugu socdaan …. Innagu daqiiqaddaa la taagan yahay fekerkeenu ma dhaafsiisna … Waa sababta aynu halkaynu taagannahay uun ugu meeraysanno. Ilaahay wanaagga ha inna garansiiyo dhamaanteenba … Source
  4. Xalima Cisse waxay baal ga gashay buuga taariikhda kadib markay noqotay Haweyneydii u horaysay oo Sagaal Caruura Uurka ku ‘wada qaaday Hal mar. Xaliimo Ciise waa 25 jir u dhalatay Dalka Maali , Isbitaal ku yaal Dalka Marokko ayaa lagu qalay oo lagasoo saaray Sagaal Caruura 5 Gabdhood iyo 4 wiil, Waa markii u horaysay oo Qof Bini’aadamka ah uu uurka kuwada qaado hal mar Caruur intaan le’eg. Wasiirka Caafimaadka Maali Fanta Siby ayaa sheegtay in Markii hore loo haystay In Xaliimo ay sido Mataano ama Sadex Caruur ah laakiin Sawir laga qaadey Caloosha gudeheeda ayaa la ogaadey inay sido Caruur dhowra, Sidaas awgeed ayaa loogu qaadey Isbitaal gaara oo ku yaal Marooko halkaasoo mudo lagu xanaanaynayay , Xalay ayay Dhashay 9 Caruura. 9 Caruurta ah iyo Hooyadood aad ayuu u fiican yahay Caafimaadkoodu. Puntlandi.com A newborn baby lies under his mother’s arm in the maternity ward at the referral hospital Garissa Provincial Hospital (GPH) in the provincial capital of Garissa in Kenya’s North East Province on March 22, 2011. According to a survey completed in 2009, only 70% of women with a live birth received antenatal care from a skilled provider in North Eastern Province compared to 90% nationally. Only 17% of births in North Eastern Province occur in a health facility, this is the lowest rate in the country. Over 40% of women who delivered at home in North Eastern Province said they did so because the health facility was too far away. The second most common reason was tht the facility wasn’t open. North Eastern Province also has the lowest vaccination rate in the country, with only 48% of children aged 12-23 months receiving all of the basic recommended vaccinations. Despite the low levels of vaccination coverage compared to the national level of 77%, improvements have been seen in North Eastern Province since 2003 when coverage was only 9%. The post Haweynay u dhalatay Maali oo 9 caruura halmar dhashay appeared first on . Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid Cali Xasan oo kamid ahaa ciidanka Haramcad, islamarkaana ahaa muuqaal duubaha gaarka ah ee ciidamada, ayaa shaaciyey arrin argagax leh oo ku aadan mucaaridka, taasi oo ay si gaar ah u beegsadaan inta badan ciidamadaan. Saydi Cali oo dhawaan lagu eedeyay inuu ka dambeeyay weerarkii ay ciidamada Haramcad ku qaadeen Idaacadda Mustaqbal ayaa wareysi gaar ah uu bixiyey iskaga fogeeyay eedeymahaas, wuxuuna banaanka keenay arrimo badan oo ku aadan howl-galada ciidamada. Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda laga dhaadhiciyo in mucaaradka kasoo horjeeda dowladda ay yihiin cadow mudan “in xoolahooda la qaniimeysto”, midaasi oo lamid ah qorshaha ay argagixisada u adeegsato dagaal-yahaanadeeda. “Askari kasta ayaa laga dhaadhiciya in waxwalba oo mucaaradka leeyihiin ee kasoo horjeeda dowladda ay yihiin qaniimo. Haddii askariga loo sheego oo la dhaho gurigaan nin mucaarad ah ayaa iskaleh, Xasan Sheekh ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa markiiba kusoo dhaceysay qaniimeysiga,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in xafiiska madaxweynaha uu beegsi gaar ah ku hayo warbaahinada baahiya waxyaabaha ay dhibsato, gaar ahaan adeegsiga magaca “Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday” oo si weyn uga carooto Villa Somalia. “Idaacad kasta oo ka aragti duwan oo ku dhawaaqda ereyga madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxa uu qorshaha yahay in la beegsado, oo wariyaha la beegsado, xafiiska Madaxweynaha ayey awaamiirtaas toos uga timaada,” ayuu yiri. Waxa uu shaaciyey in dowladda ay qorshaha ugu jirto inay weerarto warbaahind dhowr ah oo ay dhibsatay qaab tabantooda, kuwaasi oo ay kamid yihiin Goobjoog iyo Radio Kulmiye, sida uu sheegay. Arrimaha uu shaaca ka qaaday Sayid Cali oo ah kuwo xasaasiya ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyey Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, oo uu sheegay in aan ciidan qaran laga filan karin. “La-yaab waxa leh askari ka tirsan ciidamo qaran inuu isticmaalo asagoon la qasbayn erayo la mid ah kuwa shabaabku sida xun ugu isticmaalaan boobka hantida dadka. Waxaase in la isweydiiyo mudan ciidamadii amniga dalka in ay ilaaliyaan loo soo tababaray inay ka hortagaan argagixisada inay noqdaan kuwo erayo dhibaya Farmaajo hawl-galadooda saldhig looga dhigo, amarkana ka qaata xafiiska Villa Somalia,” ayuu yiri. “Wiilkan dhallinyarada ah ee waraysiga bixinayey waxaa ka muuqatay degenaan iyo inuu iska rogayey eedo si gaar ah asaga dusha looga tuuray balse wuxuu daaha ka rogay arrimo dadka badankiisu aysan ogeyn laakin in muddo ah dad xog ogaal ahi ay sheegi jireen.” Fiqi ayaa isdul taagay qoddobo ku jiray wareysiga Sayid Cali Xasan oo kamid ahaa ciidanka Haramcad oo muujinayey hanaanka guracan ee loo adeegsado ciidamadaas, kuwaasi oo u dhignaa sidan; 1. Wuxuu isticmaalay erayga “Qaniimo” oo ah eray ay kooxda shabaabku si xun u adeegsadaan marka ay xalaashanayaan xoolaha dad ay aaminsan yihiin in ay gaalo yihiin. 2. Wuxuu sheegay in askarta hantidaas ku qamaamtay uu qof walba wixii uu qaadan karo u fasaxan yahay oo aysan jirin isla xisaabtan iyo tirakoob lagu sameeyo wixii meeshaas laga qaaday. 3. Wuxuu sheegay ciidankaas weerarada iyo hawlgallada ay samaynayaan in taliska Booliska ee uu hoostago aysan wax war ka heyn. 4. Wuxuu sheegay in ay beegsadaan warbaahinta isticmaasha erayga “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ama madaxweynihii hore”. 5. Wuxuu sheegay in madaxtooyada uu ka yimaado amarka ay uga hawlgalayaan goobaha iyo shaqsiyaadka ay weeraraan. 6. Wuxuu sheegay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ka hawlgala in weerarada soo socda ay ku soo wajahan yihiin asagoo sidoo kale magacaabay qaar ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka guryahooda in la qaniimaysto in ay amarkeeda haystaan. Hoos ka daawo muuqaalka The post Askari ka tirsan Haramcad oo bixiyey xog yaab leh oo ku saabsan aragtida ciidanka DF ee mucaaradka (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  6. (SLT-Mali)-Haweeney ku nool dalka Mali ayaa dhashay sagaal carruur ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Mali. Halima Cisse, oo 25 jir ah, ayaa la filayay inay dhasho toddoba carruur, sida lagu sheegay baadhitaan dhinaca aaladda ultrasounds ee laga sameeyay gudaha dalkaMorocco iyo Mali, hase yeeshee waxay umushay 9 carruur ah oo dhammaantood qalliin loogaga soo saaray. Madaxda dalka Mali ayaa gacan ka geystey sidii haweeneydan u dhali lahayd kadib markii la ogaaday inay carruur badan ay sido ayaa loo direy dalka Morrocco halkaas oo ay ku umushay. Wasiirka caafimaadka ee Mali, Fanta Siby, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee France, in hooyada iyo dhallaanka ay xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay. Haweeneydan iyo carruurteeda ayaa lagu wadaa in dib waddankooda Mali ay ugu soo laabtaan dhowr toddobaad kadib. Source
  7. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mar labaad diiday in uu la kulmo waftiga dhax dhaxaadinta ee ka socda dalka Qatar, kuwaas oo maalmahan Muqdisho u jooga xal u helidda arrimaha doorashada Soomaaliya, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigatay. Xog la helay ayaa sheegeysa in Sheekh Shariif, oo laba habeen ka hor ka cudur daartay kulankii Midowga Musharaxiinta iyo wafdiga Qatar, ay mar kale diiday codsi labaad oo ka yimid wafdiga Qatar oo ahaa inay si gaar ah ula kulmaam. Wararka aanu helnay ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in Soomaaliya ay dambiyo ka galeen dalalka, Itoobiya, Eritrea iyo Qatar, halka Turkiga uu sheegay in taageeradii ay siisay Soomaaliya si khaldan loo adeegsaday. Wafdiga Qatar ayaa la sheegay in si weyn ay u daneynayeen kulanka Murashax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay u arkaan hoggaamiyaha ugu awoodda badan mucaaradka, sababta oo ah waa guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta, sidoo kalena ciidanka ku sugan Muqdisho ee Badbaado Qaran ayay badankood isku beel yihiin. Xubno ku dhow Shariifka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay inn madaxweynihii hore uu qabo su’aalo ay ka mid yihiin: Xagee jirtay Qatar afartii sano ee tagay, markii loo qeylinayey kaalmo dibadeed iyo in wax laga qabto xadgudubyada Villa Somalia ay ku kaceysay? Qatar xitaa kama hadal markii Muqdisho ay ololeysay toddobaadkii tegay ee ciidamada dowladda ay weerareen aqallada Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur taasi oo dagaal gelisay caasimada. Kama hadal markii Farmaajo iyo Mursal ay sameysteen laba sanno oo muddo korodhsi sharci-darro ah, markaasi oo beesha caalamka oo idil ay soo saareen qoraallo ay ku diideen. Source
  8. MOGADISHU (HOL) - The Somali government has sought the intervention of opposition leader and former president Sharif Sheikh Ahmed to remove security forces and armed militias from the capital Mogadishu following the easing of tensions. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU (HOL) - Three people were killed and several others injured in Mogadishu Wednesday following a car bomb attack. Source: Hiiraan Online
  10. With a population of under 1 million, Djibouti on the Horn of Africa is one of the smallest countries on the continent. Source: Hiiraan Online
  11. Xukumada Somaliland oo Maal-Gelinaysa Arday Muhindisiin ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in ay maal-gelin dhaqaale siinaysayo arday muhindisiin ah oo waxka barta Dugsiyadda sare ee dalka, kuwaasi oo ay wasaaraddu u qabatay munaasibad ay ku soo bandhiyeen Hal-abuur dhinaca farsamada ah oo ay ikhtiraaceen. Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo hadal ka jeediyay Munaasibad Ardaydan ku soo bandhigayeen hal abuurnimadan ayaa waxa uu sheegay in ay dhiirigalinayaan ardaydan. Waxaanu yidhi “Waan idin dhiirigelinaynaa, Wasaaradu idika hadhi mayso, ilaa uu hamigiinu meel sarre gaadho, qof kastaana waxa uu u baahanyahay waa in lala sameeyo, Maalgalintii ayaanay u baahanayaan haddii Dhalinyaradani soo bandhigeen hal abuurnimo, waxaana idiku dhiirigalinaynaa in aanu aragno waxaas oo runa, waxaana halkan kaga dhawaaqaynaa in mid kasta la siiyoToban Milyan oo Shilinka Somaliland ah si ay ugu iibsadaan Agab kale maalinta kale ee ay soo bandhigayaan Hal abuurnimada,”. Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Xasan Nuur Axmed (Taajir) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu kula dardaarmay Ardaydan in aanay ka Caajisin Hal Abuurnimadan ay hindhiseen.Waxaana uu yidhi”Wax waliba waa bilow hadii laga hadhi waayana guul ayaa laga gaadhaa maskaxdiina ayaad ka shaqaysiiseen guul ayaana idiin soo socotee haka caajisina,”. Sidoo kale Agaasimaha guud Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor Maxamed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku boogaadiyay Ardaydan Halabuurkan ay soo bandhigeen,waxaana uu ku dhiirigaliyay Ardaydan in halkaa sii wadaan Curintan. Qaran News
  12. Qatar has sent a special envoy from the office of the Foreign Minister, Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, to Somalia to engage with the country's political rivals in what could be a change in tack for the Gulf country that has been siding with President Mohamed Farmaajo. Source: Hiiraan Online
  13. Haweeney Muslimada oo Mar qudha dhashay 9-caruur ah+Inta Wiilala & Hablaha+Hadal heyn ka dhalatay & Sawirro Haweeney 25-sano jir ah oo u dhalatay dalka Mali ayaa isbitaal kuyaala dalka Maroko mar qura ku umushay sagaal caruur ah , waxaana dhacdadan noqotay mid hadal heyn badan ka abuurtay daafaha dunida. Halima Cisse oo 25 sano jir ah ayaa horey baadhitaano loogu sameeyay lagu ogaaday in ay wado todobo caruur ah ,balse markii dambe dhashay sagaal caruur ah oo isugu jira shan gabdhood iyo afar wiil. Dhakhaatiirta Cusbitaalkan kuyaala dalka Maroko ayaa hooyadan qaab qaliin ah uga soo saaray caruurtan, waxaana dhakhaatiirtu sheegeen in hooyada iyo caruurtaba xaaladooda ay fiican yihiin. Wasiirka caafimaadka ee Mali, Fanta Siby, ayaa warbaahinta u shegtay in dowladu gacan ka geysatay sidii hooyadan loola socon lahaa xaaladeeda caafimaad iyada iyo caruurteeda, waxayna xustay in hada xaaladooda aad u fiican tahay. Warbaahinta iyo baraha bulshada ayey hadal heyn badan ka abuurtay hooyadan nasiibka badan ee mar qudha dhashay sagaal caruur ah, waxa ayna dadka siyaabo kala duwan uga hadleen sheekada hooyadan caruurta badan mar qudha dhashay. Qaran News
  14. Berlin (Caasimadda Online) – Hay’ad lagu eedeeyey inay dhaqaale siiso ururka Xamas ee reer Falastiin iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa lagu soo rogay xayiraad dhaqaale, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, dhismaha iyo jaaliyadda dowladda federaalka Jarmalka Horst Seehofer. Ururka lagu eedeyey inuu dhaqaale siiyey Xamas iyo Al-Shabaab ayaa lagu magacaabaa Ansaar International, wuxuuna saldhigiisa ugu weyn ku leeyahay dalka Jarmarka, halkaas oo lagu aasaasay. Afhayeen lagu magacaabo Steve Alter oo Arbacada maanta qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa yiri “Shabakadda Ansaar International waxa ay maalgelisaa ururo argagixiso oo ka dhisan qeybo kala duwan oo adduunka ku yaalla.” Afhayeenka ayaa sido kale sheegay in tallaabada kaliya ee ururada argagixisada lagula dagaalami karo ay tahay in laga jaro dhaqaalaha. “Haddii aad dooneysid in aad la dagaalantid argagixiso, waa in aad ka jartaa ilaha dhaqaalaha,” ayuu yiri Steve Alter. Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka ayaa sidoo kale ururkaan Islaamiga ah ku eedeeyay in dhaqaale badan u diro ururo ku kula sugan dalal kala duwan sida Al-Nusra oo Syria ka aas-aasan, Xamas oo Falastiin ah iyo Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dhisan. Ciidamada ammaanka Jarmalka ayaa howlgallo ka dhan ah ururkan waxay maanta ka fuliyeen 10 dowlad goboleed oo kala ah: Rhineland-Palatinate, Baden-Württemberg, Bavaria, Berlin, Brandenburg, Hamburg, North Rhine-Westphalia, Lower Saxony, Schleswig-Holstein iyo Hesse. Ururka Ansaar International ee xayiraada dhaqaale lagu soo rogay ayaa dadka mutadawiciinta ah waydisato inay bixiyaan lacago loogu deeqayo dadka ku nool waddamo kala duwan oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Falastiin, Lebanon iyo Sudan. The post Xarumaha hay’ad dhaqaale siisay Al-Shabaab iyo Xamas oo la weeraray iyo xayiraad la saaray appeared first on Caasimada Online.
  15. Under water: Rain water has turned the Ceel Daahir concrete watercourse into an impassable road. Bosaso (PP News Desk) — Lorries and passenger vehicles travelling to Bari districts have becoming stranded at Ceel Daahir watercourse due to torrential rains. Bari Police Division has issued travel warnings. Rain water from Sanaag stream into main road at Ceeldaahir, where the concrete watercourse gets inundated. A lorry braving the sludge at Ceel Daahir. “An ordinary bridge should have been built there in place of a concrete watercourse that cannot cope with torrential rains” said Abdul Mohamud, a structural engineer in Bosaso. Passengers stranded at Ceel Daahir watercourse. Floods eroded foundations of the concrete watercourse, leaving lorries and cars vulnerable to getting bogged down in the sludge. Ceel Daahir is 90 KM from Bosaso, the commercial city of Puntland. Seasonal rains affect travel along the under-maintained Bosaso-Garowe road. © Puntland Post, 2021 The post Torrential Rains Leave Lorries Stranded at Ceel Daahir Watercourse appeared first on Puntland Post.
  16. Maalqabeenada isfuray ee Bill & Melinda gates oo shaaciyey Siday Hantidooda u kala qaybsadeen! Lammaanaha ayaa is guursaday 1994. Bill iyo Melinda Gates ayaa ku heshiiyay in ay kala qeybsadaan hantidooda, ka hor inta aanay Isniintii shaacin furriinkooda, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka. Lammaanaha bilyaneerrada ah ayaa wada joogay 27 sano, waxaana lagu soo warramay inay kala saxiixdeen heshiis caddeynaya sida ay u qeybsanayaan hantidooda. Bill iyo Melinda ayaan gelin heshiis hantida u kala soocaya markii ay is guursanayeen sanadkii 1994. Lammaanaha ayaa maamula hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation, oo balaayiin doollar ku bixisa hawlaha samofalka ee ay ka qabato daafaha caalamka. Waxa ay ballanqaadeen in ay ka sii wada shaqeyn doonaan hay’adda marka ay sida rasmiga ah u soo afjaraan guurkooda. Bill Gates ayaa hadda ah ninka afaraad ee ugu taajirsan caalamka, waxaana uu haystaa 124 bilyan oo doolar, sida ay shaacisay majalladda Forbes. Waxa uu dhaqaalaha ka sameeyay shirkadda uu wax ka asaasay ee Microsoft, oo ah tan ugu weyn ee samaysa barnaamijyada Software-ka ee ay ku shaqeeyaan kumbuyuurarrada. Hantida maguurta ah ee lammaanaha ayaa la rumaysan yahay inay ka mid yihiin guryo ku yaal Washington, Florida iyo Wyoming. Aqalkooda u weyn ayaa la sheegay in uu yahay mid saaran harada oo ku yaal xaafadda Medina ee Washington, kaasoo qiimihiisa lagu sheegay ugu yaraan 127 milyan oo doolar. Bill iyo Melinda ayaa ogeysiiskooda furriinkooda Isniintii u gudbiyay maxkamad ku taal magaalada Seattle, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka. “Guurkeena waxaa soo gaaray burbur uusan ka kaban karin, waxaan ka codsaneynaa maxkamadda inay ansixiso furriinka,” ayaa lagu sheegay codsi ay maxkamadda u gudbiyeen lammaanaha. Codsiga ayaa lagu sheegay in hantidooda iyo ganacsiyada ay leeyihiin ay ku kala qeybsan doonaan “sida ku cad heshiiska kala tagga,” in kasta oo aan heshiiskaas la shaacin. Lammaanaha ayaa isu dhalay saddex carruur oo dhammaantood qaangaar ah, kuwaas oo aan u baahneyn daryeel waalid, sida lagu sheegay dukumiintiga furriinka. Midkiiba waxa uu qabsaday saddex qareen. Qareennada Melinda waxaa ka mid ah Robert Cohen oo ay macaamiishiisu kamid tahay Ivana Trump, oo ah xaaskii hore ee Donald Trump. Sidee ayay isku barteen Bill iyo Melinda? Melinda ayaa sanadkii 1987 ku biirtay shirkadda Microsoft, waxaana ay isla sanadkaas Bill ku kulmeen xaflad casho oo ka dhacday New York. Sidaa ayay ku billaabeen haasawahooda, sida uu Bill Gates u sheegay barnaamij ay ka diyaarisay shirkadda Netflix. Melinda ayaa sheegtay in Bill uu inta ay wada socdeen u soo bandhigay “faa’iidada iyo dhibaatooyinka uu leeyahay guurka”. Waxa ay sanadkii 1994 ku aqal-galeen jasiiradda Lanai ee gobolka Hawaii, iyagoo sida la sheegay kireystay dhammaan diyaaradaha helicopter-ka ah ee deegaankaas si ay uga hortagaan in dad aysan casuumin ay dul maraan jasiiradda. Bill iyo Melinda Gates Maxay tahay hay’adda Gates Foundation? Lammaanaha ayaa hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation sanadkii 2000 ku asaasay magaalada Seattle Waxa ay xoogga saartaa caafimaadka dadweynaha, waxbarashada iyo isbedalka cimilada Dhaqaalaha ay bixiso waxaa kamid ah 1.75 bilyan oo dollar oo ay ugu deeqday tallaalka iyo cilmi-baarista xilligan uu jiro Covid-19 Hantida hay’adda ayaa sanadkii 2019 lagu qiyaasay 43 bilyan oo dollar Muddo sanado ah, Bill iyo Melinda ayaa ku bixiyay hay’adda lacag ka badan 36 bilyan oo dollar Bill Gates ayaa sanadkii hore iska casilay xilkii uu ka hayay Microsoft si uu xoogga u saaro hawlaha samafalka. Qaran News
  17. Min kumaandoos ilaa ra’iisal Wasaarihii ugu mudada dheeraa+ Taariikhdiisa Netanyahu ayaa ah ra’iisal wasaaraha ugu mudada dheer Israa’iil Shan iyo tobankii sano ee uu Benjamin Netanyahu ra’iisal wasaaraha ka ahaa Israa’iil, waxa uu noqday hogaaminaya ugu mudada dheeraa iyo weliba kii ugu horreeyay ee dacwad lagu soo oogo isaga oo xukunka haya. Hoggaamiyahan xisbiga Likud oo ay taageerayaashiisa ugu yaqaanaan “Boqor Bibi” iyo “sixiroole” ayaa wajahaya xilligii ugu adkaa, isagoo u dagaallamaya jiritaankiisa siyaasadeed xilli loo haysto eedeymo musuq-maasuq. Guusha uu ka gaaray doorashada ayaa inta badan loo tiiriyaa inuu u muuqdo qof Israa’iil ka difaaci kara cadowgeeda Bariga Dhexe. Waxa uu si adag uga hortagay qadiyadda Falastiiniyiinta, isagoo walaaca amni ku xira wadahadallada nabadda, marar badanna sheegaya in Iran ay khatar ku tahay jiritaanka Israa’iil. Dhalinyaronimadiisii Benjamin Netanyahu waxa uu ku dhashay Tel Aviv sanadkii 1949. Qoyskiisa ayaa Maraykanka u guuray 1963 kadib markii aabihii Benzion oo ahaa taariikhyahan uu halkaa ka helay shaqo barenimo. Markii uu 18 jir noqday, ayaa Netanyahu waxa uu ku soo laabtay Israa’iil, isagoo muddo 5 sano ah kamid ahaa ciidamada. Waxa uu kabtan ka noqday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Sayeret Matkal, isagoo ka qeyb qaatay hawlgalkii garoonka diyaaradaha ee Beirut ka dhacay 1968, kaas oo lagu burburiyay 14 diyaaradood oo garoonka tiilay iyo dagaalkii Bariga Dhexe ee 1973. Netanyahu (Midig) ayaa kabtan ka ahaa ciidanka gaarka ah ee Sayeret Matkal. Kadib markii uu gutay hawshiisii ciidan, waxa uu ku laabtay Maraykanka, isaga oo shahaadooyinka bachelor iyo master ka qaatay jaamacadda Massachusetts Institute of Technology (MIT). Sanadkii 1976, walaalkii Jonathan ayaa ku dhintay hawlgal ay ciidamada Israa’iil ku soo furanayeen diyaarad lagu haystay garoonka Entebbe ee Uganda. Geeridaas ayaa saameyn xooggan ku yeelatay qoyska Netanyahu, waxaana Jonathan halyey looga aqoonsaday Israa’iil. Netanyahu ayaa asaasay mac-hadka la dagaallanka argagixisada oo uu ugu magac daray walaalkii, waxaana sanadkii 1982 uu noqday kuxigeenka madaxa safaaradda Israa’iil ee Washington. Durbadiiba waxa uu si weyn uga dhex muuqday shaashadaha telefishinnada Maraykanka, maadaama uu ku hadlo Ingiriis aad u wanaagsan. Laba sano kadib, waxaa loo magacaabay wakiilka joogtada ah ee Israa’iil u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Siyaasadda Sanadkii 1988 ayuu dib ugu laabtay Israa’iil, waxaana uu ku guulaystay xubin ka mid ah baarlamaanka Knesset, kana tirsan xisbiga Likud, waxaana loo doortay wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda. Muddo kadib ayuu noqday guddoomiyaha xisbigaas. Sanadkii 1996, Netanyahu ayaa noqday ra’iisal wasaarihii u horreeyay ee ay shacabka toos u doortaan, kadib doorasho xilligeeda ka soo hormartay oo ka dhalatay khaarijintii Yitzhak Rabin. Waxa uu sidaa ku noqday hoggaamiyihii ugu da’da yaraa ee Israa’iil soo mara. Waxaa looga guulaystay doorasho xilligeeda ka soo hormartay oo dhacday 1999, taasoo uu ku soo baxay hogaamiyihii xisbiga Labour-ka, Ehud Barak. Dib u soo laabashadii siyaasadeed Netanyahu ayaa ka degay xilka guddoomiyaha Likud, waxaana kala wareegay Ariel Sharon. Markii uu Sharon noqday ra’iisal wasaaraha sanadkii 2001, Netanyahu ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibedda, kadibna kan maaliyadda. Sanadkii 2005, waxa uu iska casilay xilkii uu hayay isagoo ka carooday in ciidamada Israa’iil laga soo saaro marinka Gaza. Fursad kale ayaa soo martay sanadkii 2005, markii uu Sharon ka baxay xisbiga Likud, isla markaana samaystay xisbi cusub oo la yiraahdo Kadima. Waxa uu markale noqday hoggaamiyaha Likud. Bishii March 2009, waxaa mar labaad loo doortay ra’iisal wasaaraha Israa’iil. Inkastoo 2009 uu si cad u sheegay in uu si shuruudo leh u aqbalayo dal Falastiiniyiintu leeyihiin oo laga garab sameeyo Israa’iil, ayaa haddana waxa uu ka laabtay go’aankaas. “Lama samayn doono dal ay Falastiiniyiinta leeyihiin, mana noqon karo midka ay dadka ka hadlayaan. Taas ma dhici doonto,” ayuu u sheegay idaacad ku taal Israa’iil sanadkii 2019. Colaadda Gaza Dagaallada u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo milateriga Israa’iil ee ka dhaca Gaza iyo agagaarkeeda ayaa soo noq-noqday ka hor iyo kadib markii uu Netanyahu xilka ku soo laabtay 2009. Bishii July 2014, waxaa Gaza ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay, kadib markii gantaallada ay Falastiiniyiinta ku ridaan Israa’iil ay dhalisay in ciidamada lugta ay gudaha u galaan marinkaas. Colaadda oo 50 maalmood socotay ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 2,100 Falastiiniyiin ah oo badankood rayid ah, halka Israa’iil ay uga dhinteen 67 askari iyo lix qof oo rayid ah. Burburka Gaza Inkastoo uu Maraykanka taageero u muujiyay Israa’iil inta uu dagaalka socday, haddana waxaa meel adag marayay xiriirka Netanyahu iyo madaxweyne Baraclk Obama. Waxa uu xiriirkooda meel xun gaaray, kadib markii March 2015 uu Netanyahu khudbad u jeediyay Congress-ka Maraykanka, isagoo ka digay “heshiis xun” oo laga galo barnaamijka nukliyeerka Iran. Maamulka Obama ayaa dhaliilay booqashada Netanyahu, waxaana uu ku tilmaamay mid faragelin iyo dhaawac ah. Xiriirka Trump Markii uu Trump xilka la wareegay, waxaa aad isugu soo dhawaaday siyaasadaha Maraykanka iyo Israa’iil. Muddo sanad gudahiis ah, Trump ayaa Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil, tallaabadaas oo ka caraysiisay Carabta. Sanad kadib, Trump ayaa buuraha Suuriya laga haysto ee Golan Heights u aqoonsaday qeyb kamid ah Israa’iil. January 2002, Netanyahu ayaa soo dhaweeyay qorshaha Trump ee nabadeynta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, in kastoo laga qorshahaas laga diiday dhanka Falastiin. Netanyahu ayaa sidoo kale soo dhaaweeyay in sanadkii 2018 uu Trump ka baxay heshiiskii nulkiyeerka Iran, uuna cunaqabateyn ku soo rogay xukuumadda Tehran. Maxkamadeyn Bishii November 2019, Netanyahu waxaa lagu eedeeyay saddex dacwadood oo kala ah laaluush qaadasho, wax isdaba marin iyo inuu khiyaanay amaanada bulshada. Netanyahu ayaa lagu eedeeyay inuu hadiyado ka qaatay maalqabeenno ganacsato ah, uuna asxaan u sameeyay si uu warbaahinta uga helo tebin wanaagsan. Waxa uu beeniyay eedahaas, isagoo ku tilmaamay duulaan siyaasadeed oo ay wadaan dadka ay isku hayaan siyaasadda. Bishii May 2020, waxa uu noqday ra’iisal wasaarihii u horreeyay ee isaga oo xil ka haya Israa’iil maxkamad la soo taago, waxaana uu dhagaha ka furaystay baaqyo uga imanayay mucaaradka oo ahaa inuu iscasilo. Qaran News
  18. (SLT-Addis ababa)-Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta Midowga Yurub u go’aansaday in uu joojiyo kormeereyaal ay u diri lahaayeen doorashada baarlamaanka ee shanta bisha June ee soo socota ka dhici doonta dalka Ethiopia. Nabila Massrali ayaa u sheegtay wariyaha VOA James Butty in Ethiopia ay diiday inay buuxiso shuruudaha gundhigga u ah geynta kormeereyaasha goobaha doorashooyinka, oo ay ku jirto madax-bannaanida ergada. Waxay sidoo kale sheegtay in Etiopia ay diiday in howlgalka Midowga Yurub uu la yimaado qalab isgaarsiineed oo u gaar ah oo ay ku jiraan telefoonada satellite-ka. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa toddobaadkan sheegay in aan loo baahnayn taleefoonada dayax gacmeedka, wuxuuna sababta ku sheegay in goob kasta oo doorasho laga heli karo hab isgaadhsiineed oo hoosyimaada nidaamka Isgaadhsiinta Qaranka, isla markaana ay midowga Yurub isticmaali karaan. “Waa wax laga xumaado in Midowga Yurub aanu heli damaanad-qaadkii lagama maarmaanka u ahaa astaamaha dimoqraadiyadda ee loo fidin lahaa shacabka Ethiopia. Hufnaanta kormeereyaasha doorashada ayaa udub-dhexaadka midowga Yurub” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay Midowga Yurub oo ku aaddanaa hakinta kormeereyaasha reer Yurub ee doorashada Ethiopia. Midowga Yurub ayaa sheegay in ay Guddiga Doorashooyinka Ethiopia ay ugu deegeen 20-milyan oo lacagta Yurub ah, si dowladda Ethiopia u diyaariso doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo. Source
  19. khilaafka ka dhex oogan Ethiopia & Midowga Yurub+Halka Sartu ka qudhuntay? Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta Midowga Yurub u go’aansaday in uu joojiyo kormeereyaal ay u diri lahaayeen doorashada baarlamaanka ee shanta bisha June ee soo socota ka dhici doonta dalka Ethiopia. Nabila Massrali ayaa u sheegtay wariyaha VOA James Butty in Ethiopia ay diiday inay buuxiso shuruudaha gundhigga u ah geynta kormeereyaasha goobaha doorashooyinka, oo ay ku jirto madax-bannaanida ergada. Waxay sidoo kale sheegtay in Etiopia ay diiday in howlgalka Midowga Yurub uu la yimaado qalab isgaarsiineed oo u gaar ah oo ay ku jiraan telefoonada satellite-ka. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa toddobaadkan sheegay in aan loo baahnayn taleefoonada dayax gacmeedka, wuxuuna sababta ku sheegay in goob kasta oo doorasho laga heli karo hab isgaarsiineed oo hoosyimaada nidaamka Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana ay midowga Yurub isticmaali karaan. “Waa wax laga xumaado in Midowga Yurub aanu heli damaanad-qaadkii lagama maarmaanka u ahaa astaamaha dimoqraadiyadda ee loo fidin lahaa shacabka Ethiopia. Hufnaanta kormeereyaasha doorashada ayaa udub-dhexaadka midowga Yurub” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Midowga Yurub oo ku aaddanaa hakinta kormeereyaasha reer Yurub ee doorashada Ethiopia. Midowga Yurub ayaa sheegay in ay Guddiga Doorashooyinka Ethiopia ay ugu deegeen 20-milyan oo lacagta Yurub ah, si dowladda Ethiopia u diyaariso doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo. Qaran News
  20. Wararka naga soo gaarayo degmada Kaxda ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaas qarax ka dhacay . Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaano SURF . Inta la xaqiijiyay Seddax qof ayaa ku dhimatay Qaraxa , kuwaas oo dhamaantood saarnaay gaariga Miinada ay la kacday , halka dhaawac uu ka soo gaaray Haweeney goobta ka ag dhaweyd . Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha warkaan kala Soco GoobJoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac. Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ayaa lala beegsaday gaari Land Cruiser oo marayey Kaxda. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan saddex ruux, halka uu ku dhaawacmay qof kale, kuwaas oo la socday gaariga la qarxiyey. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray dhacdada kadib, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma cadda bartilmaameedka qaraxan, mana jiro weli wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi khasaaraha dhaliyey. Si kastaba qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey Muqdisho, kuwaas oo isugu jiray dilal qorsheysan iyo qaraxyo intaba. The post Wararkii ugu dambeeyey qarax ay ku dhinteen dhowr qof oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal markale dib uga qarxay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa saaka ka billowday halka loo yaqaano Beledunuur oo ku taalla galbeedka Beledweyne, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed, kuwaas oo haatan dagaalkooda dib uga sii qarxay halkaasi, waxaana socotay rasaas xoogan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ay isku qabsadeen laba dhinac ee dagaalamay. Sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inuu ku baxay xiisadaasi, islamarkaana uu ciidamo geeyey goobta lagu dagaalamay. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dhaq-dhaaqyo ciidan laga dareemayo xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. The post Dagaal ka qarxay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.