-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya ayaa isku dayay sanadkii 2012 iney khaarijiyaan Madaxweynihii hore dalka Kenya Moi Kibaki iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee xiligaas Reila Odinga sida ay baahiyeen warbaahinta ugu afka dheer wadanka Kenya. Wargeyska NATIONAL ayaa baahiyay in intii u dhaxeysay June iyo October sanadkaas la ogaaday in sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo aan magaciisa la shaacin uu booqashooyin ku tagayay magaalada Nyeri si uu dhaq-dhaqaaqa labada masuul ula socdo. Wararka waxey intaas ku darayaan in Kenya ay arintaan u gudbisay maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ bishii February si ay arintaan qeyb uga noqoto kiiska dacadda badda ee ay kula jireen Soomaaliya. Warbixintaan oo lagu daabacay bogga hore ee jariidada Nation in saraakiisha Kenya ay ka hortageen shirqoolka Alshabaab ay damacsanayeen inay ku khaarijiyaan Moi Kibaki iyo Raila Odinga. Dowladda Kenya ayaa ka dalbatay Maxkamada ICJ in galdacwadeedkeedi la eego waxaana ay ciwaan uga dhigtay shirqool lagu dili lahaa Madaxweynaha, Raisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Kenya sanadkii 2012kii. Warbixinta waxa ay leedahay waxaa suurta gal ah xitaa warbixinada Kenya ee Badda inay basaasseen kooxda Al Hijra ee xiriirka dhow la leh Al-shabaab.
-
Xisbiga Waddani oo Murashax Madaxweyne & M/weyne Ku-xigeen+Xoggo kale Shirweynaha Saddexaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta ka furmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana shirkaas dib loogu doortay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) inuu noqdo Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaas uga qaybgalaya doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo Bisha Novermber 2022ka, halka Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenkana dib loogu cugtay Maxamed Cali Aw Cabdi. Shirkan waxa hadallo kala duwan ka jeediyey Guddoomiyeyaasha Xisbiga Waddani ee Gobollada dalka, Afhayeenka Xisbigaas Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayaha guud ee xisbigaas Khadar Xuseen Cabdi, waxana ay ka hadleen tallaabooyinkii xisbigu qaaday muddadii u dambaysay iyo qorshaha xisbiga ee la xidhiidha Arrimaha Doorashooyinka ka qabsoomaya dalka. Waxa kaloo ay ka hadleen sida ay u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbigooda ee doorashada Madaxtooyada. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro) oo ka hadlay shirkaas ayaa si qotodheer uga warramay marxaladihii uu xisbigaasi soo maray, waxaanu ku tilmaamay tudhaale badan u sameeyey dalka isla markaana waxaanu xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay ilaalinta wadajirka ummadda reer Somaliland. Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xaqiijiyey in xisbiga WADDANI ay mudnaan weyn siinayaan sidii loo kobcin lahaa Waxbarashada heerarkeeda kala duwan iyo dhaqangelinta siyaasadda qaranka ee sugida cuntada. Guddoomiye Cirro waxa kaloo uu caddeeyey inay balanqaadayaan in ay Ciidamada dalka u kordhiyaan mushaharka Boqolkiiba 250%, haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtinimada ee soo socota. Waxa kaloo uu Xukuumadda, Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka ku bogaadiyey inay markii kowaad ka heshiiyeen in laba doorasho oo isku sidkan laga wada qabto dalka,taasi oo uu ku sifeeyey horusocod ballaadhan, waxaanu soo jeediyey in Doorashooyinku mustaqbalka noqdaan qaar aan dib uga dhicin wakhtiga loo qabto. Guddoomiye Cirro waxa uu shacbiga Somaliland u soo jeediyey inay qaataan tallooyinka caafimaad ee ka soo baxa Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana la qaato tallaalka Xannuunka COVID 19. Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu dadweynaha u soo jeediyey inay ilaaliyaan wadajirka iyo midnimada reer Somaliland. Shirkan waxa Xisbiga WADDANI mar kale u doorteen Cabdiraxmaan Cirro inuu noqdo Murrashaxooda madaxweynaha, waxana u coddeeyey 312 ergay, waxa diiday hal qof, cid ka aamustayna ma jirin. Sidoo kale, waxa isna murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka loo doortay Maxamed Cali Aw Cabdi,waxaana u coddeeyey 306 ergay, 5 qof ayaa diiday, hal qofna wuu ka aamusay, Guddoomiyuhuna muu codeyn. Labada murrashax ayaa u mahadceliyey ergadii dooratay waxaanay sheegeen inay ku shaqeyn doonaan siyaasadda xisbiga iyo danta guud ee dalkaba. Qaran News
-
Qaran News
-
Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka helayaan ilo Dublamaasiyadeed, Waxaa Adis Ababa ku sigan Wafdi ka socda Madaxweyne Farmaajo oo maalmahaanba ku mashquulsanaa Diyaarinta Heshiis qabyo ahaa oo ay wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Gudiyada ka socda Sadexda Dal ayaa hada diyaariyey dhamaystirka Heshiiskaas, waxaana lagu waday inay maanta oo Talaado ah ay Adis Ababa isugu yimaadaan Sadexda Madaxweyne si ay u saxiixaan Heshiiska, Laakiin Madaxweyne Farmaajo ayaa baaqdey, waxaana jira warar sheegaya in ay Beesha Caalamku ay shalay u diideen inuu Madaxweynuhu uu ka baxo Muqdisho. Raysal wasaarihii hore Cumar Cabdirshiid ayaa Xalay sheegay inuu ka digay Heshiiskaan oo uu xogtiisa helay, sababtoo ah wuxuu khatar weyn ku yahay Soomaaliya. Heshiiskaan oo loogu Magac daray Iskaashiga Geeska Afrika waxaa ku hoos qarsoon qorshayaal ay ka mid yihiin in la iska kaashado Amaanka iyo Dhaqaalaha, Maxay tahay Danta igu jirta Madaxweyneheena Farmaajo Heshiiskaan, Maxaase Itoobiya iyo Eritrea dan ah oo ugu jira Heshiiska Heshiiskaan wuu soo daahay oo waxay ahayd in la saxiixo Bishii Novembar Sanadkii hore waxaana dib u dhigay Dagaalkii Tigrey-ga oo mashquuliyay Itoobiya. Heshiiska wuxuu qorayaa in Sadexdaan hogaamiye kii u baahida awood Ciidan in laga caawiyo, waana meesha uu Danta ka arkay Madaxweyneheenu, tasoo macneheedu yahay in uu Madaxweyne Farmaajo helayo awood uu ku isticmaalo Ciidamada Itoobiya, Waana kawada dharagsanahay Sababta uu Madaxweyne Farmaajo u raadinayo isticmaalka Ciidamada Itoobiya, Raysal wasaaraha Itoobiya wuxuu isna Heshiiskaan u saamaxayaa in Itoobiya ay qiimo aad u yar ku isticmaasho Dhamaan Dekadaha Soomaaliya, iyo in ay Itoobiya ay Saldhig Ciidan Badeed ka samaysato Dekada Hobyo iyo Berbera. Madaxweynaha Eritrea wuxuu isagu isbtusay maadaama uusan saaxiibo badan uusan kunlahayn Caalamka inuu helo saaxiibtinimada Soomaaliya si uu ugu cadaadiyo Jabuuti oo Dagaal ka dhexeeyo, Heshiiskaan waxaa kamida qodob lagasoo maanguuriyay Heshiis Ciidameedka NETO ee ka dhexeeya Wadamada Reer Galbeedka + Turkiga, qodobkaasoo oranaya hadii wadan kamida NETO la soo weeraro waxaa lasoo weeraray dhamaan Wadamadaan, Heshiiska Geeska Afrikaan wuxuu ka dhigan yahay “ Hadii lasoo weeraro Eritrea waxaa lasoo weeraray Soomaaliya iyo Itoobiya” Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa aad uga digay Heshiiskaan,laakiin Madaxweyne Farmaajo wuu ka dhaga adaygay walina wuxuu ku dhiiranayaa inuu saxiixo Heshiiskaas. Puntlandi.com Garowe The post Raysl wasaaraha Itoobiya oo ku cadaadinaya Madaxweyne Farmaajo inuu Adis yimaado, Sababtu maxay tahay appeared first on . Source
-
Garowe (PP News Desk) — The Somali healthcare system has been one of the institutions severely affected by collapse of the state. Before 1991, the Health Ministry coordinators ran hospitals and clinics in regions. Those hospitals, under-resourced and understaffed, delivered basic health services and ran health awareness campaigns on vaccination against “six deadly diseases”. Mogadishu had several public hospitals such as Digfeer and Martini in addition to privately owned clinics at which government-employed doctors practised in the afternoon to supplement their incomes. Tuberculosis patients in regions preferred to travel to Mogadishu where Somalia-Finland Tuberculosis Project was based. The decision to base key health projects in the capital city was a feature of health inequalities in Somalia. A different healthcare challenge emerged after 1990: predominantly private healthcare systems characterised by poor quality control and unregulated pharmacies. A sample of antibiotics Puntland Post reporters managed to buy at several pharmacies in Garowe The sale of antibiotics without prescription throughout Somalia demonstrates the enormity of the problem. Pharmacies in Puntland sell medicines imported from different countries. In Somalia, there is no authority tasked with ensuring that pharmacies employ qualified pharmacists bound by a professional code of ethics. Many pharmacies in Puntland sell antibiotics to customers with or without a prescription from a doctor. Puntland Post reporters have managed to buy different types of antibiotics from several pharmacies in Garowe. No pharmacist asked our reporters to produce a prescription from a doctor or tried to know why antibiotics were needed in the first place. Many pharmacies sell antibiotics the way they sell over-the counter medicines such as paracetamol, aspirin and ibuprofen. A paper published in 2009 in American Journal of Respiratory and Critical Care Medicine delineated how “common antibiotic may be undercutting its utility as a first-line defence against drug-resistant tuberculosis (TB)”. A silent epidemic In Puntland Medicins Sans Frontiers supports a tuberculosis hospital where drug-resistant tuberculosis patients undergo a treatment regimen. In a 2013 paper published in Emerging Infectious Diseases researchers discussed the spread of drug-resistant tuberculosis in Somalia. 750 out of “9,760 pulmonary TB cases notified in Somalia in 2011” were multidrug-resistant tuberculosis “and therefore required treatment with second-line drugs…” Should President Deni give priority to dealing with the silent epidemic in Puntland? “The documented levels of MDR TB [in Somalia] are among the highest reported in Africa and the Middle East…” the researchers concluded. “Puntland Ministry of Health is aware of the availability of antibiotics sold without prescription. The research conducted in 2011 on which the paper is based shows comparatively marked prevalence of multidrug-resistant tuberculosis in Somalia, but no preventive measures have so far been taken” says a senior Puntland Health Ministry officer who spoke to Puntland Post on condition of anonymity. Without Puntland State Government taking decisive steps to crack down on the sale of antibiotics without prescription from a practising doctor, there is a risk that patients with drug-resistant tuberculosis could overwhelm the rudimentary healthcare system of Puntland State at a time a second wave of Covid-19 is costing lives in Somalia. “It is not solely a matter for Puntland State. It is matter for all Federal Member States and the Federal Government of Somalia to agree a health strategy to tackle the silent epidemic of drug-resistant tuberculosis” added the Puntland Health Ministry official. © Puntland Post, 2021 The post Selling Antibiotics Without Prescription Linked to Spike in Drug-resistant TB Cases in Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo war qoraal ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka. Khayre ayaa marka hore weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda federaalka, isaga oo shaaca ka qaaday inay ku guuleysan la’yihiin sidii looga gudbi lahaa xaaladda adag ee kala guurka ah. Musharrax Khayre ayaa xusay in natiijo aan wanaagsaneyn ay ka dhalaneyso marka danta gaar ahaaneed laga hormariyo tan guud, sida uu hadalka u dhigay. “Afar (4) bilood kadib, waxay dowladda muddo xileedkeedii dastuuriga ahaa uu dhamaadey ay wali ku guuleysan la´dahay oo ay la rafaneysaa maareynta iyo ka gudbidda isgoyska halista badan ee dalkeennu uu xiligaan taaganyahay. Waxaana wada aragnaa fool-xumadda natiijooyinka ka dhasha marka danta shaqsiga laga horumariyo danta guud, darteedna loo burburiyo danaha guud ee dadka, dalka iyo dowladnimada,” ayuu yiri Musharrax Khayre. Dhinaca kale wuxuu ka digay sii socoshada khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka, isaga oo tilmaamay haddii uu sii jiro in laga dhax-layo dib u dhac horleh. “Waxaan horey uga digay, hadana aan mar kale ku celinayaa in hadii aysan Soomaalidu ku heshiin qaabka doorashada madaxtinimada dalka, doorashaduna noqon mid ku dhacda qaab wadar ogol ah oo daah-furan, ay adkaan doonto inay Soomaalidu ku heshiiso ogolaanshaha natiijada doorashada iyo guud ahaan wadaagga hannaanka dowladnimada dalkeenna,” ayuu markale sii raaciyey Khayre. Halkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo marba marka ka dambeysa ay kasii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, siiba hanaanka loo wajahayo doorashooyinka sanadkan 2021-ka. Halkan hoose ka aqriso:- Afar (4) bilood kahor ayaa hadal aan jeediyay ku sheegay, in qaabka aan u maareyno afartanka (40) maalmood ee xilligaas nagu soo aadanaa, ay fure u noqon doonto afarta (4) sano ee nagu soo fool leh, ayna gundhig u sii noqon doonaan sawir-mustaqbaleedka dalkeena iyo dadkiisu ay yeelan karaan afartanka (40) sanno ee soo socdo. Afar (4) bilood kadib, waxay dowladda muddo xileedkeedii dastuuriga ahaa uu dhamaadey ay wali ku guuleysan la´dahay oo ay la rafaneysaa maareynta iyo ka gudbidda isgoyska halista badan ee dalkeennu uu xiligaan taaganyahay. Waxaana wada aragnaa fool-xumadda natiijooyinka ka dhasha marka danta shaqsiga laga horumariyo danta guud, darteedna loo burburiyo danaha guud ee dadka, dalka iyo dowladnimada. Waxaan horey uga digay, hadana aan mar kale ku celinayaa in hadii aysan Soomaalidu ku heshiin qaabka doorashada madaxtinimada dalka, doorashaduna noqon mid ku dhacda qaab wadar ogol ah oo daah-furan, ay adkaan doonto inay Soomaalidu ku heshiiso ogolaanshaha natiijada doorashada iyo guud ahaan wadaagga hannaanka dowladnimada dalkeenna. Aniga oo ku kalsoon garaadka iyo kartida dadka Soomaaliyeed, waxaa ii muuqdo maalmo qurux badan oo dalkeenna iyo dadkiisu ay yeelan karaan mustaqbalka dhow, hadii ay helaan hoggaankii saxda ahaa ee horumarkaas ku hoggaamin lahaa.
-
Saraakiil ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shir looga hadlayo Caqabadaha xaduudaha, xalinta khilaafaadka iyo maareynta isticmaalka hubka fudud uga qeyb galay dalka Uganda. Shirkaan oo ahaa mid heerkiisu sareeyo ayaa waxaa looga hadlayay faafista iyo maareynta isticmaalka Hubka fudud (Small arms and light weapon management SALW) Adeegsiga hubka fudud ayaa ah mid dhibaato weyn ku haya geeska Afrika. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Maareynta hubka fudud ee RECSA oo ay ku mideysan yihiin wadama geeska Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka socotay dhammaan wadama geeska afrika kuwooda madaxda ka ah xuduudaha. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa shirkan uga qab galay Saraakiil sarsare oo ku shaqo leh arrimaha hubka fudud ee xuduudaha iyo gudaha dalka. Shirkan ayaa laysku waydaarsaday dhammaan caqabadaha ka jira dalalka geeska Afrika ee dhanka xuduudaha iyo sida ugu fiican looga hortagi karo isticmaalka dhanka qaldan ee hubka fudud ee sida sharci darada ah ugu gacan galaya dadka kooxaha aan ku shaqada laheyn iyo shacabka. View the full article
-
Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa ka maquurtay inuu ka qayb galo Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani, oo lagu marti qaaday in ay marti sharaf ahaan uga qayb galaan. Shirkan oo saaka ka furmay Hargeysa, oo lagu soo marti qaaday xisbiyada UCID iyo Kulmiye, ayaa waxa ka soo xaadiray Masuuliyiinta UCID oo keliya, halka ay ka baaqdeen madaxda KULMIYE. Cabdinaasir Yusuf, oo ka tirsan UCID oo ka hadlay shirkan Golaha Dhexe ee Waddani, ayaa ku hambalyeeyey qabashada shirkooda Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab oo ka hadlay shirkan, ayaa sheegay in ay Kulmiye ku casuumo shirka, balse ay ka xun yihiin in ay iman waayaan. Lama oga sababta uu Xisbiga Kulmiye uga baaqday Shirkan Masuuliyiinta Waddani ay sheegeen ku casuumeen. Source
-
Xoghaye ku xigeenka Guud ee Xisbiga UCID Mudane Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo hadal ka jeediyay Shirka Saddexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI oo maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa ayaa Xisbiga si weyn ugu bogaadiyay sida habsamida leh ee shirweynuhu u furmay. Waxa kale oo uu sheegay in ay haboonayd in Xisbiga Kulmiye oo shirka lagu marti qaaday ka soo qayb galo. “Waxaan Rajaynayaa In Doorashooyinka soo socda ay guulaystaan Xisbiyada Mucaaradka ahi, Xisbiga WADDANI Waxa muuqata in uu doorashada Madaxtooyada u diyaar garoobayo laakiin, waxaan leeyahay doorashada Wakiillada Iyo Deegaanka ayaa ka soo horaysa ee inaad xildhibaanno tayo leh soo saartaan oo u sii xayd-xaydataan Doorashada Madaxtooyada.,” Cabdinaasir Cismaan Qodax Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro heshiis halis ah oo ay kala saxiixan doonaan Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, kaasi oo uu ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho. Cumar Cabdirashiid, oo ah senator ka tirsan Aqalka Sare, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in heshiiskan oo ah mid amni iyo difaac la doonayo in dhowaan lagu saxiixo magaalada Addis-Ababa. “Heshiiska amni/difaac ee la isla dhex-marayo ee u dhaxeeya Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya waxa uu noqon karaa arrin khatar keeni karta oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Sababtoo ah, si xun u adeegsiga aan dhammaadka lahayn ee waaxda amniga, waxay noqon doontaa arrin wallaac dhab ah leh, haddii dowladda federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ay isku daydo in heshiis noocan ah ay ku saxiixdo Addis Ababa,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. A rumored Security/Defense pact between Eritrea, Ethiopia and Somalia can be a risk factor that warrants attention. Because of endless misuse of the security sector, it would be matter of serious concern if the FGS, whose term has expired, tries to sign such pact in Addis Ababa — Omar Sharmarke (@OmarSharmarke) March 30, 2021 Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Caasimada Online ay shalay qortay in beesha caalamka ay ku cadaadineyso Farmaajo inuu baajiyo safarka Addi-Ababa, taas beddelkeedna uu heshiis la gaaro madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku sugan Muqdisho. Maxamed Farmaajo, Isais Afwerki iyo Abiy Ahmed ayaa saaxiibo iyo isbaheysi noqday wixii ka dambeeyey markii Abiy uu la wareegay talada Ethiopia bishii April ee 2018, waxaana dadka dhaliila ay sheegaan inay ku heshiiyeen inay isku gacan siiyaan inay saddexda dal awood ku maamulaan. Afwerki waa kaligii-taliye sanado badan maamulayey Eritrea, Abiy inkasta oo uu hoggaanka yimid iyadoo loo han weyn yahay, haddana wuxuu xirxiray dhammaan mucaaradkii Oromada, isaga oo kadibna dagaal ku qaaday Tigray-ga. Farmaajo wuxuu awood ku muquuniyey oo uu xukunka uga tuuray saddex madaxweyne goboleed, isaga oo kadibna madax uga dhigay saddex isaga taabacsan, halka midkii afaraad oo ah Axmed Madoobe. Astaamihii ugu horreeyey ee heshiiska ay isku gacan siinayaan saddexda hoggaamiye ayaa la arkay markii ciidamada Ethiopia ay Farmaajo ku gacan siiyeen in awoodda laga tuuro qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuna guul-darreystaan inay Kismaayo diyaarad ku galaan markii uu Axmed Madoobe ka war-helay. Sidoo kale, ciidamada Eritrea ayaa Abiy Ahmed ku gacan siiyey dagaalkii gobolka Tigray, halkaasi oo ay hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ay sheegeen inay ka gaysteen tacaddiyo ay ka mid yihiin dil, kufsi, iyo jirdil. Kadib cadaadis caalami ah, Abiy ayaa toddobaadkii tegay Asmara, kana codsaday Afwerki inuu ciidamadiisa kala baxo halkaas, sida ugu dhaqsiyaha badan.
-
Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa guddiga dorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya u sheegay cabashada deegaanka haddaan laga jawaabin iney ku adkaaneyso doorashada soo socota iney ka qayb galaan. Warqad uu maamulka deegaanka Soomaalida uu si toos ah ugu qoray guddiga doorashaada qaranka dalka Itoobiya ayuu deegaanka ku codasaday iney guddiga dooorashooyinka dib uga laabtaan go’aanka ay ka gaareen 30 goobood oo cod bixin ah oo hoos tagto 8 tuulo oo ka tirsan deegaanka Soomaalida goobo codbixin ay ka sameeyaan ayna ku soo celiyaan deegaanki ay horay uga tirsanaayeen. Warqad maalinti shalay ahayd ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DDS waxaa lagu shaaciyey maamulka deegaanka iney eegeen guddiga doorashooyinka oo ka duulayo cabasho uga timid deegaanka Canfarta go’aanka uu k agaaray inaan goobo codbixin laga sameyn 30 deegaan doorasho oo deegaanka Soomaalida horay u hoostagi jirtay. Guddiga doorashooyinka wuxuu sheegay 8-dda tuulo ee aan loo asteyn goobo codbixin iney kala yihiin: Gala’eto/Cadayle; Adaytu/Adayitu; Teot/Allaale; Gurmudali/Danlahelay; Undafo/CAndhuufo; Gadamaytu/GarbaCiise; Afaso/Afuase; iyo Balaiti Gona/Madani, deegaannada Soomaalida iyo Cafratana tuulooyinkasi magacyo kala duwan looga yaqaanno. Warqadda mamulka deegaanka Somaalida ka soo baxday waxaa kale oo lagu sheegay “seddex magaalo ama tuulo oo deegaanka Soomaalida ka tirsan oo kala ah Garba-Ciise (Gadamaytu), Cadeytu iyo Candhuufa iney horay labada deegaan isugu heysteen balse 3-da tuulo ee hore iyo 5-ta tuulo uu guddigu hadda ku soo daray inuu deegaanka Cafarta uu ka cabanayo, tani iyo marki deegaanka Soomaalida la aasaasay iney deegaanka ka tirsanaayeen sidaa darteed ay marnaba aqbaleyn go’aanka ka soo yeeray guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya.” “Tuulooyinka uu deegaanka Cafarta sheeganaya iney iyagu leeyihiin 5-tii doorasha ee dalka Itoobiya ka dhacdayba iney deegaanka Soomaalida hoos tagayeen lagana soo doortay xildhibaanno heer federaal iyo heer deegaan, doorashada 6-aad ee dalka ka dhaceysana ay doorashada sideedi hore uga dhacdo ayna hoos tagaan deegaanki ay weligoodba tuulooyinkaasi hoos tagi jireen”, ayaa warqadda lagu yiri. Maamulka deegaanku wuxuu sheegay Guddigu inuu wax tala iyo tusaala ah oo amuurtan ku saabsan deegaanka weydiinin xaqiiqda jirtana ay qiimeynin balse ay u muuqdaan kuwa u adeegayo danaha iyo cabashada deegaanka Cafarta taasina ay shacabka deegaanka Soomaalida dhibaato ku keeneyso xaaladdana ay uga sii dareyso. Xaalka haddii uu sidan ku sii socdana ay dhici karto deegaanka Soomaalida dulqaadka uu ka muujinayey xadgudubyada joogtada ah oo shacabka ayaga loo geysto tuulooyinkaasi loogu geystay, inaan ka raja beelno. Ugu dambeyntina, degaanka Soomaalidu warqadda uu guddiga doorashooyinka u qoray wuxuu kaga codsaday iney ka noqdaan go’aanka ay sheegeen inuu hal dhinac u jajeero kaddibna xaaladda si qoto dheer ay ugu kuur galaan oo tuulooyinkaasi 5-ti doorasha oo hore sidi ay doorashada uga soo dhacday in deegaan doorasho loo soo celiyo haddii ay sidaa dhici weydana deegaanka Soomaalida ay ku adkaaneyso iney doorashada soo socota ee dalka ka dhaceyso ka qayb qaataan. View the full article
-
(Slt-Jigjiga)-Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Ee Dalka Itoobiya Ayaa Guddiga Dorashooyinka Qaranka Ee Dalka Itoobiya U Sheegay Cabashada Deegaanka Haddaan Laga Jawaabin Inay Ku Adkaaneyso Doorashada Soo Socota Iney Ka Qayb Galaan. Warqad Uu Maamulka Deegaanka Soomaalida Uu Si Toos Ah Ugu Qoray Guddiga Doorashaada Qaranka Itoobiya Ayuu Deegaanka Ku Codasaday Iney Guddiga Dooorashooyinka Dib Uga Laabtaan Go’aanka Ay Ka Gaadheen 30 Goobood Oo Cod Bixin Ah Oo Hoos Tagto 8 Tuulo Oo Ka Tirsan Deegaanka Soomaalida Goobo Codbixin Ay Ka Sameeyaan Ayna Ku Soo Celiyaan Deegaanki Ay Horay Uga Tirsanaayeen. Warqad Maalinti Shalay Ahayd Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Dds Waxaa Lagu Shaaciyey Maamulka Deegaanka Inay Eegeen Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Duulayo Cabasho Uga Timid Deegaanka Canfarta Go’aanka Uu Ka Gaaray Inaan Goobo Codbixin Laga Sameyn 30 Deegaan Doorasho Oo Deegaanka Soomaalida Hore U Hoostagi Jirtay. Deegaanka Cafartana Dhankiisa Wuxuu Dalbaday Inuu 30-Ka Deegaan Doorasho Ee Codbixinta Iyo Tuulooyinka Hoos Yimaaddaba In Maamulkooda La Hoos Geeyo Doorashadana Ay Deegaanka Cafarta U Dhacdo. Source
-
Ugu yaraan 71 Muhaajiriin ah laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Turkiga sida ay sheegayaan warbaahinta dalkasi . Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa waxay u direen kooxo si ay u soo badbaadiyaan 28 Muhaajiriin ah oo ku xayiran degmada Cesme ee gobolka Izmir ee Turkiga, Mana jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maadama saxaafadda loo diiday in ay booqdaan Muhajiriinta . Xeebta degmada Dikili ee isla Gobalka Izmir ayaa sidoo kale laga soo bad baadiyay 24 Muhaajiriin ah oo muddo ku xayirnaa Xeebtaas, ka dib markii Doonya ay wateen ay ka qaadeen Ilaalada Xeebaha Gobalka Izmir ee Turkiga . Dadka la soo bad baadiyaya ayaa waxaa ay isugu jiraan haween iyo caruur iyo dad dhalinyaro ah , iyadoo loo gudbiyay Waaxda socdalka Izmir . Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa magangalyo-doonka doonaya inay u gudbaan Yurub si ay u bilaabaan nolol cusub, gaar ahaan kuwa ka cararaya dagaallada iyo cadaadiska ka socda wadamada La daala dhacaya dhibaatooyinka Xagga Nolosha . Source: goobjoog.com
-
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaaa waxa ay ku dalbatay in loo midoobo ka hortagga cudurka Coronavirus oo dhawaan dalka ku soo laba kacleeyey, sidoo kalena la qaato tallaalka cusub ee cudurkaan. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa Wariyeyaasha iyo Culumada Soomaaliyeed uga codsatay inay bulshada u soo bandhigaan xaqiiqada dhabta ah ee tallaalka COVID-19. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa ku guul-darreystay mid ka mid ah shuruudihii ay ku xireeen in dib loo billaabo wada-hadallada doorashada ee kala dhaxeeya madax goboleedyada kale iyo Farmaajo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wakiilada beesha caalamka ay diideen dalabkii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ahaa in Farmaajo uusan shir guddoomin wada-hadallada, una sheegeen inay shuruudaas ka tanaasulaan. Dalabkan ayaa ka mid ahaa dhowr shuruud oo hortaagan wada-hadallada, oo sidoo kale ay ku jiraan ajendaha shirka, iyo amniga goobta shirka. Axmed Madoobe iyo Deni ayaa ku doodayey in muddo xileedka Farmaajo uu dhammaaday, sidaas darteedna uusan haysan sharciyad uu shirka ku hoggaamiyo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamka ay ku cadaadisay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni in la laabtaan shuruurddan islamarkaana ogolaadan in Farmaajo shirka guddoomiye, ayaga oo u sheegay inaysan muhiim aheyn cidda shirka guddoomineysa haddiiba shuruudaha kale ee ay wataan la fuliyo. Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale Axmed Madoobe iyo Saciid Deni u sheegay inaysan suurta-gal aheyn in la fuliyo mid kasta oo ka mid ah dalabyada ay wataan, sidaas darteedna kula taliyeen inay ka tagaan kuwa aan muhiimka aheyn. Arrintan ayaa Axmed Madoobe iyo Deni looga dhaadhiciyey kulan ay si gaar ah Axaddii ula yeesheen wakiilada beesha caalamka, waxaana goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka Donald Yamamoto iyo ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan. Si kastaba, wararka ayaa sheegaya in tani beddelkeed la fulin doono inta badan dalabyada kale ee ay wataan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, si wada-hadallada ay dib ugu billowdaan, heshiisna looga gaaro doorashada.
-
Maxkamadda gobolka Mudug ee dowlad goboleed Galmudug, ayaa ganaax mid 700 boqol oo doolar ah ku riday 31 ruux oo si sharci daro uga kalluumeysanayay Biyaha xeebaha u dhaxeeya magaalooyinka Xarardheere iyo Hobyo. Sidoo kale waxaa lagala wareegay doontii iyo qalabkii ay wateen, kalluumeysatadaan ayaa kasoo jeeda dalka Yemen. Guud ahaan dadkaan la qabtay ayaa ka koobnaa 39 ruux hase ahaatee sideed ka mid ah ayaa ah Caruur sida ay ku dhawaaqday Maxkamaddu. Ciidamada amniga xeebaha Hobyo iyo Xarardheere ee Galmudug, ayaa sedex cesho ka hor gacanta ku dhigay kadib Howlgalo isdaba joog ah oo ay ka wadeen xeebaha Galmudug gaar ahaa Degmada Hobyo iyo deegannada ku dhaw dhaw. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-3032021.mp3 View the full article
-
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay qaadashada Talaalka Corona Virus oo dhawaan dalka soo gaaray. Dhaqaatirta ayaa sheegay in maadama Cudurka uu soo laba kacleeyay loo bahan yahay in laga hor tago Qatarta uu ku faafi karo Xanuunka. War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ururka uu bilaabay wacyi gelinta xanuunka . Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani ayaa beeniyey warar saacadihii lasoo dhaafay lagu qoray baraha bulshada, kuwaas oo sheegayey in Deni uu ka tanaasulay qorsha Madasha Badbaado Qaran iyo Saamileyda kale ay uga mid noqonayaan heshiiska arrimaha doorashooyinka dalka. Qoraalkan oo lasoo dhigay cinwaan facebook been abuur ah oo u eg midka Saciid Deni ayaa lagu yiri “Waxaan ka tanaasulnay qorshaheyga aan ku doonayey in dhammaan xubnaha Madasha Badbaado Qaran iyo saamileyda siyaasadda ay qeyb ka noqdaan heshiiska dalka ee arrimaha doorashooyinka, kadib marki aan aragnay in baarlamanka federaal Soomaaliya waqtigiisu dhammaada uu doonayo inuu sameeyo mudro kordhin aan sharci aheyn.” Jaamac Deparani ayaa qoraalkaasi ku tilmaamay mid looga been abuurtay madaxweyne Deni, iyada oo la adeegsanayo ciwaan aan sax aheyn. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in qoraalka lagu sameeyey habka Online-ka ah, sida uu hadalka u dhigay. “Wax la eryo been baa u gaabisa ! Ciwaanka saxda ah ee Madaxweynaha waakan H.E Said Abdullahi Deni sawirkana waa mid lagu been abuuray habka Online-ka ah,” ayuu yiri. Madasha Badbaado Qaran ayaa waxaa ku mideysan Puntland, Jubaland, Midowga Musharraxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka sare, iyada oo dhowaan looga dhowaaqay magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga noqoto dadaallada socda ee doorashooyinka. Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu dalku ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, waxaana weli si mari-waa uu ka taaagan yahay doorashooyinka 2021.
-
Afar Ceel ayaanu ka Qodaynaa Degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-Janno” Wasiirka Warfaafinta Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wac’gelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ay ka mid yihiin Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ah murrashax u taagan golaha wakliillada, isuduwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Sool Axmed Maxamuud Xirsi iyo mas’uuliyiin kale ayaa xogogaal u noqosho ku maraya gobolka Sool. Weftiga oo si weyn loogu soo dhaweeyey degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-janno ayaa u jeedada socdaalkooda ku sheegay in uu salka ku hayo sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool degaanadaas, waxaanay xuseen in ay u qodi doonaan afar ceel kuwaas oo laga hirgelin doono degaannada hoos yimaadda gobolkaas. Wasiirka Warfaafinta ayaa degaanka Gol-jano sheegay in degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-janno ee ay marayan laga qodi doono afar ceel, kuwaas oo ka ugu horeeya laga qodi doono degaanka Goljano, waxaanay intaas ku dareen in xukuumaddu dadaal ugu jirto daboolida baahiyaha biyo ee ka jira gobolka Sool iyo degaannada hoos yimaada. Qaran News