Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MINNEAPOLIS (AP) — A former Minneapolis police officer goes on trial Monday in George Floyd’s death, and jurors may not wait long to see parts of the bystander video that caught Derek Chauvin’s knee on Floyd’s neck, sparking waves of outrage and activism across the U.S. and beyond. Source: Hiiraan Online
  2. (SLT-Hargeysa)-Deegaano ka tirsan Somaliland, ayaa laga dayriyey xaaladda ka jirta, gaar ahaan xanuunka Covid-19, iyadoo la xusay in aanay deegaanadan oolin qalabka shaybaadhka ee lagu kala saarayo dadka qaba xanuunkan iyo dadka aan qabin. Deegaanada hoos yimaadda Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, ayaa sidoo kale la sheegay in halkaas ay ka jiraan abaar iyo biyo yaraan. Maayarka Degmada Gar-adag Faarax Aadan Ciise oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ka hadlay Xaaladda Degmadiisa iyo Xanuunka Covid-19, waxaanu yidhi “Xanuunka Covid-19, aad buu hadda ugu badan yahay Gobolka Sanaag, oo dad badan u dhintay, gaar ahaan Deegaanada hoos yimaadda Degmada Gar-adag, aad iyo aad buu xanuunku ugu badan yahay, ilaa haddana lama keenin qalabkii lagu baadhayey ee lagu kala ogaanay dadka xanuunkani ku dhacay iyo dadka aanu xanuunkani ku dhicin, haddii aan qalabkan la keenina khatartu way sii badanaysaa, sidaa awgeed waxaan leeyahay inta aanu xanuunku sii fidin, si loo xakameeyo dadkuna u taxadiraan waa in la keena shaybaadhkii lagu ogaanay Covid 19, dadkuna waxaa haboon inay qaataan tallooyinka iyo wacyigelinta”. Mar wuu ka hadlaayey abaaraha wuxuu yidhi “Abaaro daran iyo biyo yaraan aad u daran ayaa Deegaanka ka jira, dadkuna aad bay u cadilan yihiin, waxayna dadkani u baahan yihiin in lala soo gaadho biyo deg deg ah iyo gurmad deg deg ah, haddii kale dadka deegaanadani waxay u dhimanayaan abaar culus , biyo yaraan iyo covid 19,ILLAAHAYNA waxaan ka baryeynaa inuu wax walba khayr inooga dhigo, inuu abaarta iyo xanuunkanba inaga dulqaado”. Source
  3. At least five people, including women and children, were killed and several others wounded when a roadside bomb blast targeted a district officer in the Somali capital Mogadishu on Monday, an official said. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan ayaa ka hadlay shirarka ay wakiilada beesha caalamka la leeyihiin madaxda Soomaalida ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka. James Swan wuxuu sheegay iney ku faraxsan yahiin dadaallada socda ee loogu gogol xaarayo shir weyne la isugu yimaado oo lagu gaaro heshiis doorasho, iyadoo mar walba lagu jaangoyn doono heshiiskii 17-ka September ee lagu gaaray Muqdisho sanadkii hore. Wakiilka wuxuu soo dhaweeyay dadaalka wadajirka ah ee dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ugu jiraan si loo helo tanaasul sax ah islamarkaana horay loogu sii docon lahaa arrimaha doorashooyinka. “Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar,” ayuu yiri James Swan. Wakiilada beesha caalamka waxey todobaadyadii ugu dambeeyay wadeen dadaallo ay isku hor keenayaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah si loo gaaro heshiis doorasho oo loo dhan yahay. Dadaalladan ayaa diiradda lagu saarayaa in marka hore la isku soo dhoweeyo shanta madaxweyne goboleed, ayada oo wada-hadalladan gees looga riixay dowladda gaar ahaan Farmaajo, oo la rumeysan yahay inuu caqabad ku yahay in dalka ay doorasho ka dhacdo. Si kastaba, waxaa mar kasta jirta cabsi laga qabo in madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ee HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aan la isku haleyn, oo marka ay ku laabtaan Farmaajo mar kasta beddela mowqifkooda.
  5. The leader of Somalia’s al-Shabab militant group is calling for lone-wolf attacks against American and French interests in Djibouti ahead of key presidential elections in the Horn of Africa country. In newly released audio, Ahmed Omar Abu Ubaidah accuses the leaders of Djibouti of turning the country into a military base “from where every war against the Muslims in East Africa is planned.” Abu Ubaidah specifically called on the youth in Djibouti to “carry out individual lone wolf martyrdom operations” to expel the French and Americans.” “Make American and French interests in Djibouti the highest priority of your targets,” the audio posted by al-Shabab media says. Abu Ubaidah said his group was ready to offer “safe refuge” and “prepare and train” those willing to migrate from Djibouti if they cannot fulfill the “individual obligation of jihad.” The United States Africa Command (AFRICOM), which has a base in Djibouti, responded to the new message from the al-Shabab leader. A spokesperson, Colonel Christopher Karns, told VOA Somali that the U.S. Africa Command is aware of the recent audio release from al-Shabab calling for attacks on U.S. and French interests in Djibouti. “U.S. Africa Command takes these statements seriously,” Karns said. “Al-Shabab remains a persistent threat to U.S. interests in East Africa. This is why it remains important to apply continued pressure on the al-Shabab network and isolate the threat it presents to the region and beyond,” he added. The United States completed the withdrawal of most troops from neighboring Somalia in January following an order from then-President Donald Trump. The number of U.S. military personnel in Somalia ranged from 650 to 800 people. U.S. troops supported and mentored an elite Somali unit known as the Danab “lightning” brigade. The U.S. military has also been conducting airstrikes against al-Shabab. There have been no confirmed strikes in Somalia since President Joe Biden took office. Earlier this month, Somali military officials expressed concern about the reduction of strikes against al-Shabab, which they fear could give the militant group additional momentum. Karns said airstrikes remain an option. “We will not telegraph actions or our intentions. It would not be in al-Shabab’s best interests to incite a response from us,” he said. “We remain committed to security in East Africa and are postured to respond to threats.” Al-Shabab previously attacked Djibouti on May 24, 2014 in a double suicide explosion at a restaurant frequented by Westerners, killing three people. Djibouti voters go to the polls on April 9 for presidential elections. Incumbent Ismail Omar Guelleh is seeking a fifth term in office. Djibouti officials could not immediately be reached for comment on the new threat. Djibouti has a military contingent serving as part of the African Union’s peacekeeping mission in Somalia. View the full article
  6. At least 4 people, including women and children, were killed and several others wounded when a roadside bomb blast targeted a district officer in the Somali capital Mogadishu on Monday, an official said. Abubakar Adan, a police officer in the Daynile district, told Anadolu Agency over the phone following the attack that all victims from the bomb attack were civilians. “As far as we know, at least five civilians, including women and children, lost their lives after this heinous attack,” Adan said. An unknown number of people were also wounded and they were rushed to hospital, he added. The police investigation is currently underway in the area, according to the official. No group has yet claimed responsibility for the attack, but Somali-based al-Qaeda-affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for recent attacks in the horn of Africa country. View the full article
  7. Sudan oo ogolaatay inay kala saarto Diinta & Dawladda Dowladda Sudan iyo koox mucaarad ah oo weyn oo ka dhisan buuraha koonfureed ee Nuba ayaa Axaddii kala saxiiday dokument dhabbaha u xaaraya heshiis kama dambeys ah, oo dhammaan dadka siinaya xorriyad caabudid, islamarkaana kala saaraya diinta iyo dowladda. Saxiixan ayaa loo arkaa tallaabo muuhim u ah dadaallada awood qeybsiga ee ay waddo dowladda uu madaxda ka yahay Jeneral Abdel Fattah al-Burhan ee heshiiska lagula galayo mucaaradka kala duwan ee dalkaas. Sanadii tagtay, Sudan ayaa heshiis la gashay kooxo badan oo ay ka mid tahay kooxda gobolka galbeed ee Darfur. Hase yeeshee kooxda muhiimka ee Dhaqaaqa Xoreynta Shacabka Sudan (SPLM-N) ee waqooyi, islamarkaana uu hoggaamiyo Abdelaziz al-Hilu ayaan ku biirin heshiiska, kadib markii ay ku adkeysatay dalabkeeda ah in Sudan ay meesha ka saarto shareecada Islaamka, islamarkaana noqoto dal cilmaani dimqoraadi ah. Shareecada Islaamka ayaa waxaa Sudan lagu soo rogay 1983-kii, waxaana kadib sii waday madaxweynaha xukunka laga tuuray ee Omar al-Bashiir, markii uu talada ku qabsaday afgambi. Waxa loogu yeeray ‘Baaq Mabaadi’ida’ ayaa waxaa Axaddii caasimadda Koonfur Sudan ku saxiixday Sudan iyo kooxdan SPLM-N, taasi oo macnaheedu yahay in wada-hadallada heshiis buuxa lagu gaarayo ay hadda billaaban karaan. Baaqa ayaa qoraya in labada dhinac ay isku raaceen “In Sudan laga aas-aaso dowlad rayid, dimoqraadi, federal ah, halkaasi oo xoriyadda diinta, xoriyadda caqiidada, iyo ku dhaqanka diinta iyo caabudidda loo damaanad qaado dhammaan shacabka Sudan, ayada oo dowladda laga saarayo aqoonsiyada dhaqanka, isirka iyo diinta.” “Qofna laguma qasbayo diin, dowladduna ma lahaan doonto diin rasmi ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ayada oo aan la caddeyn in Sudan ay noqoneyso dal cilmaani ah iyo in kale. Aman Amum, oo ah Xoghayaha Guud ee SPLM-N ayaa sheegay in is-fahamka laga gaaray kaalinta diinta ay ku leedahay Sudan uu fududeyn doono wada-hadallada heshiis buuxa. Sudan waxay iminka “aqbashay inay kala saarto diinta iyo dowladda,” ayuu yiri. Ma cadda, haddii militariga Sudan, oo awoodda la wadaaga dowladda rayidka ah, uu taageeri doonaan tallaabadan kadib sanado ay taageerayeen Islaamiyiinta. Kooxda SPLM-N ayaa ka howlgasha gobol ay degaan Kirishtan laga tiro badan iyo taabicyiin haysta caqiidooyin kale oo African ah, kuwaas oo sanado badan ka cabanayey xadgudubyada xukunka Al-Bashiir. Qaran News
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Farmaajo ku eedeyay inay wadaan bur-burinta Puntland. Waxa uu sheegay in madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ay dhaqaale badan ku bixineyso sidii loo fashilin lahaa xukuumadda maamulka Puntland, oo ayadu muddooyinkii dambe uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay. Wasiirka oo ka hadlayay kulan ka dhacay Garoowe ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dowladda federaalka ay rabshado ka abuureyso gudaha Puntland, islamarkaana ay kicin dadweyne iyo iska hor keen ka wadaan, sida u sheegay “Waxaad ka wada dheregsan tihiin in magaalooyinka amniga ah oo ay ugu dambeeysay magaalada Dhahar inay isku dayeen inay falqalalo ka abuuran, inay dadka kiciyaan iskana horkeenaan, inay baraha bulshada ku muujiyeen wixii ka dhacay dhahar in ay yihiin in dad lagu xad-gudbay,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu wasiirku ku eedeyay madaxda dowladda federaalka inaysan ka hadlin weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga Dhexe ee magaalada Boosaaso, taasi bedelkeedana ay deegaanada Puntland ka wadaan abaabulka qalaalaso. Wasiir Gallan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka aysan ku socon dhabadii saxda aheyd, islamarkaana aysan xiligan ku howlaneyn xal u helista doorashada, oo dadaaladeeda laga wado magaalada Muqdisho. Si kastaba, hadalkaan ayaa imanaya xili ay dhawaan dowladda si weyn u dhaliishay banaanbax la fahamsan yahay inay ka dambeysay oo ka dhacay Puntland, ayada oo xusid mudan tahay in dad si nabdoon ugu banaanbaxayey Muqdisho ay rasaas ku furtay bartanka bishii Febraayo.
  9. Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyooday, ilaa afar kalena waa ku dhaawacantay, qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in Qaraxa lala beegsaday mas’uul ka tirsan maamulka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, kaas oo lagu magacaabo Mahad Shawaawe. Mr Sharaawe ayaa Qaraxaas ka badbaaday, waxaana la sheegay in dadka ku dhintay ay dhammaan Rayid ahaayeen, halka dadka ku dhaawacmayna uu ku jiro hal askari. Askariga ayaa ka tirsanaa ilaalada mas’uulka la weeraray, waxaana loola cararay isbitaal halkaas oo haatan lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta Qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo ku baaqay weeraro laga fuliyo Jabuuti Qariirad muujineysa saldhigyada ciidamada Mareykanka iyo Shiinaha ee Jabuuti Hoggaamiyaha ururka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubaydah ayaa hanjabaad cusub u jeediyey danaha Maraykanka iyo Faransiiska ee dalka Jabuuti. Abu Cubaydah ayaa hadal ay daabaceen warbaahinta Al-Shabaab ku jeediyey hanjabaad ah weeraro keli-duul ah oo ka dhan ah danaha Maraykanka iyo Faransiiska ee dalka Jabuuti. Hadalkiisan ayaa yimid iyadoo Jabuuti ay 9-ka bisha Abril isku diyaarinayso doorashooyinka madaxweyne. Jabuuti weli kama aysan jawaabin hanjabaaddan ka timid Al-Shabaab. Jabuuti waxay ka mid tahay waddamada ciidanka usoo diray Soomaaliya. Taliska milatariga Maraykanka oo saldhig ku leh Jabuuti ayaa sheegay inay ka war heleen hanjabaadda Al-Shabaab. Afhayeenka AFRICOM Gaashaanle sare Christopher Karns ayaa u sheegay VOA in Al-Shabaab ay halis ku tahay danaha Maraykanka ee Bariga Africa. Waxa uu intaas ku daray in taasi ay muhiimad ka dhigayso in cadaadisku lagu sii hayo Al-Shabaab. Maraykanku waxay inta badan ciidankooda ka saareen Soomaaliya kadib amar kasoo baxay madaxweynihii hore Donald Trump. Ciidanka Maraykanka ayaa taageero iyo tababar u fidinayey ciidamada Danab. Waxaa sidoo kale Maraykanku uu duqaymo la beegsanayey Al-Shabaab. Tan iyo intii uu xilka qabtay bishii Janaayo 20-keedii wax duqayn ah oo ka dhacday Soomaalia weli lama xaqiijin. Qaran News
  11. Obama oo Ayeeydii ku geeriyootay Kenya Obama iyo ayeeydii Sarah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayeeydii Sarah Obama ayaa ku geeriyootay da’da 99 jir , sida qoyskeeda ay u sheegeen warbaahinta gudaha. Saraha Obama ayaa saaka ku geeriyootay cisbitaalka Jaramogi Oginga Odinga ee ku yaalla magaalada Kisumu, sida gabadheeda Marsat ay u sheegtay wargeyska Daily Nation. Waxaana la filayaa in lagu aaso qabuuro ku yaalla Kisumu. Sarah Obama waxay ku nooleyd tuulada Kogelo ee galbeedka Kenya halkaas oo Obama aabihii uu ka soo jeedo. Qaran News
  12. (SLT-Khartoum)-Dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan, oo aan illaa iyo hadda heshiis ka gaadhin khilaafka biyo xidheenka ayaa weli madaxa is kula jira, gaar ahaanna muddooyinkaan dambe. Intaas waxaa sii dheer, ciidanka Suudaan waxa ay la wareegeen gacan ku haynta aagagga xudduudka barwaaqada ah ee dhulka beeraleyda Itoobiya oo ay sheegtay inay qayb ka yihiin dhulkeeda. Suudaan iyo Masar waxa ay dhawaan gaadheen heshiis tababar ciidan iyo iskaashi dhaqaale. Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, wuxuu Talaadadii ka hadlay arrimaha biyo xieenka, wuxuuna yidhi: “Itoobiya ujeedkeedu ma ahan in ay wax yeeleyso Masar ama Suudaan.” “Si kastaba ha noqotee, ma dooneyno in aan ku noolaano mugdi. Iftiinkeena ayaga ayaa ka faa’iideysan doono, oo ma ahan mid wax yeelo u geysanaya,” ayuu yidhi. Wuxuu sheegay in dhismaha biyo xidheenka uu sii socon doono, sidoo kalena aanu waxyeello u geysan doonin labada dal. Muxuu 3-da dal khilaaf ugu dhaxeeyaa? Ma biyo xidheenka keliya baa mise wax kale ayaa jira? Sudaan iyo xilligii Cumar Al-Bashiir Cilmi-baadhe arrimaha Bariga Afrika oo fadhigiisu yahay London, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Saciid Abu Haashim, ayaa sheegay in Sababaha rabshadaha keenay ay ka mid yihiin in la badalo mowqifka Suudaan. “Suudaan iyo Itoobiya waxay isku mowqif ka ahaayeen webiga Niil. Isbedelka ku yimid mowqifka Suudaan waa mid aad uga duwan kii hore oo lama filaan ah,” ayuu yidhi. Waxay tusaale u soo qaateen midnimo la’aanta dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Suudaan. Falanqeeyayaashu waxay leeyihiin ‘uma maleynayno in muranka xadka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan uu yahay mid sidaa u kala qeybsan’. Sida uu sheegayo Cabduraxman, Ciidanka Suudaan waxay doonayeen in arrinta xuduuda loo adeegsado arrimaha gudaha, laakiin gudiga xadka labada dal ayaa si nabad ah ku xalin lahaa. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in Suudaan ay mowqifkeeda u badashay xaaladda haatan ka jirta wadanka awgeed. Adam Kassie, oo ah falanqeeye siyaasadeed ee Bariga Afrika oo ku nool Netherland, wuxuu ku raacsan yahay Cabduraxman. “Suudaan waxay isku mawqif ahaayeen Itoobiya, gaar ahaan xilligii dowladdii Al-Bashiir. Hadda waxaa dalka ka jirto dowlad rayid ah. Labada hoggaamiyena isku mowqif ma ahan,” ayuu yidhi Aadam. Sida uu sheegayo falanqeeyaha, hoggaanka rayidka ah, ee uu hoggaamiyo raysal wasaare Hamdock, wuxuu raadinayay mowqif la mid ah kan Itoobiya. Sikastaba, wuxuu sheegay “in ciidanka Suudaan ay xoojinayaan awoodooda, ka dib xiisadii ka jirtay gobolka Tigray.” “Waxaan u maleynayaa in bulshada rayidka ah ay u maleyneyso in ay hadda si fiican uga soo bixi karaan wadahadalada,” ayuu yidhi. Labada falanqeeye ayaa qiyaasaya in muranka xadka Itoobiya iyo Suudaan uu horseedi karo wareeg cusub oo wadahadallo ah oo ku saabsan biyo xidheenka. Ka dib isbadalkii Suudaan ka dhacay, waxay heshiisyo kala duwan la gashay Marsar, sidaa darteed marka la eego Suudaan iyo Masar yaa faa’iido badan ku qabo heshiiskaas? Dr. Adam wuxuu sheegayaa in xaaladda hadda aysan ahayn oo kaliya biyo xidheen laakiin sidoo kale waxay ka jirtaa xadka. Sidaas darteed, Suudaan waxay hadda rumaysan tahay in aysan doonayn in ay arrinta u kala saarto biyo xidheen iyo xudduuda. Dagaal dhab ah ma dhici doonaa? Dr. Adam wuxuu sheegay in ay ka warwarsan yihiin in dagaal uu ka qarxo adeegsiga biyaha webiga Nile. Xitaa haddii aanu jirin rabitaan ah in dagaal la galo, waxaa jiri karo xisaab-xumo, waxaad isweydiineysaa waxa qolada kale sameyn karto, haddii aanan la hayn macluumaad dhameystiran. Waxaa la qaadi karaa tallaabo khaldan, marka sidaa darteed waxyaabaha aan ka cabsi qabo ayaa ah in tallaabooyinkaas khaldan ay xaaladda faraha ka sii bixiso. Adam wuxuu intaas ku daray in labada dal [Itoobiya iyo Suudaan] aysan haatan dagaal doonayaan, sababtoo ah waxaa jiro dhibaatooyin gudaha dalalkooda ka dhex taagan. “Waxaan u maleynayaa in qaladaad la sameyn karo xitaa haddii aysan dan ka laheyn dagaal,” ayuu yidhi. Cabduraxman ayaa dhankiisa sheegay in uu rumeysan yahay in dagaal toos ah bilaaban karin. “Haddii aad is tiraahdo qiyaas, waxaa laga yaabaa in aan dhahdo in boqolkiiba 50 ama ka yar. Uma maleynayo in ay jirto rabitaan ah in dagaal la galo xilligan, laakiin in hal wadan cadaadis la saaro waa suuragal.” Dagaal noocee ah ayuu noqon karaa? Wuxuu sheegay in haddii Suudaan iyo Itoobiya uu dagaal culus ku dhexmaro xadka, in Masar waxay si toos ah u taageeri karto Suudaan. Si kastaba ha noqotee, wuxuu intaas ku daray, “Ma aaminsani in Suudaan ay awood u leedahay dagaal, xitaa marka ay xasilloon tahay, ama sida ay hadda tahay.” “Marka Suudaan wax faa’iido ah kamaheleyso dagaalka. Laakiin haddii dagaalka uu dhici waayo, Suudaan iyo Masar wey wada joogi doonaan. Dowlada Ereteriya waxay hadda xidhiidh la leedahay dowlada Itoobiya. Heshiiska labada dal wuxuu gaadhi doonaa heer illaa iskaashi dhanka amaanka ah.” Aadam, dhankiisa; Wuxuu sheegayaa in ay adag tahay in la qiyaaso waxa dhici doona “dagaalka ka dib”. “Haddii Masaarida ay rumeysan yihiin in dagaalka uu lagama maarmaan yahay, dalkooda ayay gantaallada ka soo ridi karaan. Waxay sidoo kale Suudaan ka caawin karaan xoog iyo hub markii loo baahdo. Haddii ay aaminaan in ay lagama maarmaan tahay, waxay garaaci karaan biyo xidheenka.” Laakiin Adam wuxuu rumeysan yahay in dowladda Eritrea ay la safan karto Itoobiya. “Maaddaama ujeeddada ugu weyn ee dawladda Ereteriya ay tahay in la burburiyo kooxda TPLF, dawladda Itoobiya ma rabto in dareenkeedu u ekaado Suudaan ama dal kale. Ereteriya waxay dooneysaa in ay nabad la gasho Suudaan sida ugu macquulsan.” Source
  13. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato shanta hoggaamiye goboleed ee dalka. Kulanka oo ka dhacay hoteel ku yaalla garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. Intiisa badan waxaa kulankan diirada lagu saarayaa, sidii xal looga gaari lahaa is mari-waaga ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka. Sidoo kale waxaa lagu soo qaadayaa qabsoomida shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo sida qorshuhu yahay berri ka bilaabanayo magaalada Muqdisho. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana haatan socda dadaallo ay wado beesha caalamka oo xal loogu raadinayo khilaafka hareeyey doorashada 2021-ka. View the full article
  14. Hoggaamiyaha ururka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubaydah ayaa hanjabaad culus u jeediyey danaha Maraykanka iyo Faransiiska ee dalka Jabuuti. Abu Cubaydah ayaa hadal ay daabaceen warbaahinta Al-Shabaab ku jeediyey hanjabaad ah weeraro ka dhan ah danaha Maraykanka iyo Faransiiska ee dalka Jabuuti. Hadalkiisan ayaa yimid iyadoo Jabuuti ay 9-ka bisha Abril isku diyaarinayso doorashooyinka madaxweyne. Jabuuti weli kama aysan jawaabin hanjabaaddan ka timid Al-Shabaab. Jabuuti waxay ka mid tahay waddamada ciidanka usoo diray Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Al-shabaab oo hanjabaad culus u diray dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2932021.mp3 View the full article
  16. Maamul goboleedyada federaalka ah ee shanka ah oo maalmahan fadhiyo aan kala kac laheyn ku lahaa xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka muuqato isu soo dhowaanshiyo iyo iney ka heshiiyeen qodobbo xasaasi ahaa, iyaga oo hoggaanka doorashada kala wareegay Farmaajo iyo maamulkiisa kuna dhow iney ku dhawaaqaan waqtiga uu furmayo kulanka lagu saxiixayo wareeggii ugu dambeeyey ee arrimaha doorashada 2021. Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ka gudbay caqabado badan oo Villa Somalia ay hordhigtay heshiiskii September 17 iyo hannaan kasta oo lagu dhabar jabinayo guud ahaan doorashada. Arrintan ayaa timid kadib markii uu marar badan fashilmeen kulamo badan oo Farmaajo uu isugu yeeray qabashooda, laguna hungoobay. Wada Hadallada Fashilmay: Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynihii hore waxaa uu isku dayey dhowr jeer inuu isku keeno maamul gobleedyada oo ay ku jirto markii lixaad inuu shir ugu baaqay bishan dhexdeeda, kuwaan oo dhammaan guuldareystay halka Puntland iyo Jubbaland oo ah labada maamul ee kulankiisa diiday ay Xalane gudahiisa kulammo joogta ah kula yeesheen saamileyda siyaasadda iyo beesha caalamka, waxaa ayna dhiseen madasha badbaado qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, guddoonka aqalka sare iyo xataa 15 musharax. Iyada oo Farmaajo keligii uu Afisyooni kula shiro saddex maamul ee taageersan ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyo gobolka Banaadir, ayna wax dhaqaajin la’yihiin oo weliba aaney isku fiicneyn maamulladaas la jooga iyo Puntland iyo Jubbaland ayaa xubno ka tirsan mucaaradka waxaa ay ka shaqeeyeen isu soo dhowaanshiyaha maamul goboleedyada Farmaajo iyo Puntland iyo Jubbaland, tiiyo miro dhal noqotay, ayna ka dhasheen is aragga maamul goboleedyada keligood faraj cusub oo xagga doorashada ah. Axaddii, maamul goboleedyada oo wada jira ayaa arkay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo ay la socdaan matalayaasha Somamaliland, waxaa kale ay si gaar ah u arkeen midowga musharaxiinta kadibna maamulladii la ologga ahaa Villa Somalia ayaa xalay warbixin siiyey Farmaajo iyo kooxdiisa. Maamul Goboleedyada oo Qoraya Ajendaha Shirka Ilo ku dhow maamul goboleedyada ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inuu jiro isu soo dhowaanshiyo dhinacyada ah iyo laga gudbay khilaafaadkii jiray ayna maamul goboleedyada hadda jaan goynayaan ajendaha shirka Afisyooni, taasi oo ka dhigan in laga gudbay mayal adeeygii Farmaajo ee ku dheganaa in aan la furin heshiiskii September 17. Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo wakiillo ka ah midowga musharaxiinta iyo Somaliland ama waxa loogu yeero madasha badbaado qaran ayaa ku guuleystay in maamul goboleedyada kale kula heshiiyaan in la furo heshiiskii September 17, oo lagu dul shaqeeyo, laguna daro arrimo ay ka mid yihiin muddo xileedka Farmaajo, muddo kordhin la’aan, amniga doorashada iyo guud ahaan arrimo muhiim ah kala-guurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Shir gaar ah o u dhexeeyo mdaxda maamul goboleedyada dalka iyo beesha caalamka ayaa maanta ka furmay xeyndaabka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha doorashada iyo sidii loo dardar-gelin lahaa dadaallada lagaga mira dhalinayo wada-hadallada socda. Ergeyga QM ee Soomaaliya oo ay wahlinayaan wakiilka Midowga Afrika, danjiraha dalka Mareykanka iyo safiirada kale ee beesha caalamka ayaa garwadeen ka ah shirkaasi. Sidoo kale waxaa looga hadlayaa sidii uu u furmi lahaa shirka dowladda dhxe iyo dowlad goboleedyada oo ay horay uga biyo diideen Axmed Madoobe & Deni. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli is mari-waa xoogan uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  18. Waxaa Goordhaw Hotel Jaziira shir uga furmay Midawga Musharixiinta iyo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kulankan ayaana looga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee dalka . Shirka Midawga iyo Odayaasha dhaqanka ayaa diiradda lagu saaraya xaaladdii ugu dambeysay ee doorashooyinka dalka , iyo kulamadii Fashilmay ee baarlamaanka . Shalay ayeey aheyd markii Odayaasha dhaqanka ay sheegen in Farmaajo iyo xulafadiisa laga Aqbali doonin Mudda Kordhin Hay’adaha dowladda ah. Midawga Musharixiinta ayaana la filaya in war ay ka soo saaraan saacadaha soo socda kulanka. Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya hirka uga docda Hotel ku yaal Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo maalmo ka hor ay ka qayb galeen Madasha Musharixiinta, Maanta ay Bersha Caalamku ka qayb gashay ayaa laga ilaaliya inay saameyn iyo ka qaybgal ku yeeshaan Madaxda Dowlada Federaalka ah. Sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan Beesha Caalamka ayaa ka hor istaagtay Codsiyo dhowra oo ka yimid Madaxweyne Farmaajo uu ku doonayay inuu saameyn ku yeesho kulankaas, waana tan keentay in Villa Soomaaliya ay isku dayaan inay abuuraan Jawi kale oo lagu khashkhashaadayo Shirkaas. Jawi abuurkaas wuxuu ahaa abaabulkii uu Gudoomiyaha Baarlamaanku ku abaabulay Baarlamaanka, Shirkii Jamcada .Shirkaas Jamcada kolkuu baaqdey wuxuu Gudoomiye Mursal mar kale isugu yeeray Xildhibaanada maanta oo isniin ahayd, Laakiin Beesha Caalamka oo dareensan ujeedka Shirka Baarlamaanka ayaa Xalay geed dheer u fuulay in la baajiyo kulankaas, Wayna ku guulaysteen, Qaar kamida Mucaaradka ayaa aaminsan in uusan wali quusan Madaxweyne Farmaajo, uuna soo abaabulayo Qorshe kale oo Shirka Ka socda Xalane lagu khashkhashaadayo ama indhaha Shacabka looga leexinayo. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirka Arimaha Doorashada ee ka socda Garoonka Diyaaradaha oo Villa Soomaaliya looga diiday talo iyo Saameyn inay ku yeeshaan, Maxay kaga jawaabeen Arinkaas appeared first on . Source
  20. MOGADISHU (HOL) - Demands by Jubbaland and Puntland to bar President Mohamed Farmaajo whose term lapsed in February from chairing the upcoming electoral talks flopped Sunday following pressure from the international community. Source: Hiiraan Online
  21. MOGADISHU (HOL) - Demands by Jubbaland and Puntland to bar President Mohamed Farmaajo -whose term lapsed in February - from chairing the upcoming electoral talks flopped Sunday following pressure from the international community. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa shir ku leh hotel Airport oo ku yaalla garoonkan diyaaradaha Muqdisho. Shirka waxaa kasoo qeyb galay madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo wakiilada Beesha Caalamka sida Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo waliba safiirada Midowga Yurub iyo UK. Shirka oo aan weli wax la isku afgartay ka soo bixin ayaa looga arrinsanayaa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ka taagan yahay khilaaf u dhexeeya qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka. Madaxweynayaashad shanta shanta dowlad goboleed ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay lahaa shir gooni ah oo looga hadlayay khilaafka doorashada. Beesha Caalamka ayaa ku dadaalaysa sidii xal looga gaari lahaa ismariwaaga ka tagaan doorashada Soomaaliya oo dib u dhacsan. PUNTLAND POST The post Dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo shir ku leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.