Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa goordhaw Hotel Ku yaalla Xalane shir uga furmay Madaxweeynayaasha dowlad Gobaleedyada dalka iyo Xubnaha Beesha Caalamka . Shirkan oo madaxda dowlad gobaleedyada ay la qaadanayaan wadamada loo yaqaano C6+ ayaa looga hadlay Ajendaha shirka Afisiyooni. Madaxda dowlad gobaleedyada ayaa isku dyaarinaya shirweynaha doorashooyinka dalka ee Lagu qabanayo xarunta Afisiyooni maalmaha soo socda . Sidoo kale kulanka ayaa la filaya in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagna Doorashada. Madaxweeynayaasha dowlad gobaleedyada dalka ayaa sidoo kale Warbixin siinayo madaxda Wadamada C6+. GoobJoog News Source: goobjoog.com
  2. Abdirashid Janna’s rejoinder of the Somali government, and the overall accord covering this issue, was a necessity to achieve some kind of diffusing tension in the Gedo region and, possibly Source: Hiiraan Online
  3. Waxuar ayaa Saxaafada loo ogolaadey inay Sawiro ka qaataan kulanka maanta u dhexeeya Madaxdaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya. Kulanka Ajandihiisa waxaa lagu sheegay Xaalada Dalku ku sugan yahay. Hoos kadaawo The post Daawo Sawirada kulanka Beesha Caalamka iyo 5 Dowlad Goboleed appeared first on . Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la leh hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ka socda xeyndaabka Xalane, iyadoo looga hadlayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Ilo ku dhow kulanka safiirada beesha caalamka iyo shanta hoggaamiye goboleed ayaa sheegay in si gaar ah diirada loogu saarayo xal u helida muranka hareeyey doorashada. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaadaya qabsoomida shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee Afisyoono, si loo sii amba-qaado wada-hadallada looga arrinsanayo , sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka ka jira dalka. Kulankan waxaa garwadeen ka ah ergeyga Qaramada Midoobay, James Swan oo ay wahlinayaan wakiilka Midowga Afrika, danjiraha dalka Mareykanka iyo safiiro kale. Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada gelinka dambe ee maanta ay kulan gaar ah leeyihiin madax goboleedyada iyo Ra’iisul wasaare Rooble. Si kastaba dadaallada ka socda Muqdisho ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii xal waara looga gaari lahaa is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa nooca miinada meelaha fog fog laga hago ayaa ka dhacay agagaarka xarunta degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lala beegsaday gaari uu la socday xoghayaha maamulka degmada Dayniile, Mahad Sharaawe, kaas oo bad-baaday qaraxa. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 4 qof oo shacab ahaa, iyada oo uu ku dhaawacmay hal askari oo ilaalo u ahaa xoghayaha degmada Dayniile. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi. Maalmihii dambe ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayey weerarada qaraxyada ah oo uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
  6. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka kor intii aanu xilka Madaxweynenimada dalka qaban waxa uu ahaa mid si weyn uga soo horjeeda in Siyaasiyiinta la xidho, waxaanu sheegay marar uu war-baahinta kula hadlay xarunta Xsibiga KULMIYE in Xadhiga siyaasiga ahi aanu colaad iyo xumaan mooyee wanaag keeni,haseyeeshee xaalku wuu is baddelay markii uu xilka qabtay,waxaanay Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Xabsiga siyaabo kale duwan u dhigtay saddex-dii sanno ee ay tallada dalka haysay siyaasiyiin baddan oo ka tirsan Xisbiyadda Mucaaradka,kuwaas oo qaarkood ay xilal waa weyn ka hayaan Xisbiyadda. Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa noqotay Xukuumadda ugu xadhiga baddan dhanka siyaasiyiinta,waxaanay xabsiga dhigtay Siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka kale tirsan Xisbiyadda Muacaaradka ah iyo Musharraxiin, kuwaas oo ay kamid ahayeen Xoghayaha WADDANI Khadar Xuseen Cabdi Afhayeenka Xisbigaa Barkhad Batuun iyo Xoghayaha Arrimaha Gudaha e Xisbiga UCID Ramaax iyo Xoghayihii Beeraha Xisbiga UCID oo isagu hadda Xabsiga ku jirra iyo weliba laba Musharrax oo ka sharraxnaan Xisbiga UCID oo kale ahaa Musharax Golaha Wakiillada Raage Axmed Yusuf_Siciid iyo Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada Maxamuud Axmed Jaamac (Dhadoon),kuwaas oo loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheera bishii labaad ee sannadkan 2021-,balse laga soo daayey xabsigaa muddo kadib, iyadoo ay sidaas lagaga reebay tartankoodii Musharraxnimo. Geesta kalena Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn uga guban jirray ugana damqan jiray xadhiga siyaasiyiin xilal ka haya hadda Xukuumaddiisa ay kula kacday Dowladdii Madaxweyne Siilaanyo uu hoggaamin jiray, waxaanu ugu baaqi jiray in laga waantoobo xadhiga siyaasiyiinta oo ku tilmaamay inuu yahay mid colaad iyo nac iyo xumaan laga dhexlo waxaana kamid ahaa haddaladiisii kuwan:-“Dadka dhibaatadaa loo geystay ee la xidh-xidhay ,waxa aanu leenahay waa Khalad waa in gefkaa la saxaa oo dadkaa xuquuqdoodii loo soo celiyaa,tusaale ahaan sidiisaba Xadhiga siyaasiga ahi Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor, Xadhiga la xidhay waa xidhiga siyaasi ah,waxaynu ognahay xadhiga siyaasiga ahi colaad iyo nac iyo Xumaan mooyee, wanaag ma keenno ,waxaanu leenahay waa qalade ha laga noqdo.”Ayaa kamid ahaa haddaladiisii. Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Biixi oo Dowladdii ka horaysay ee Madaxweyne Siilaanyo si addag ugu canaan jiray ugana soo horjeesan jiray xadhiga siyaasiga ah, ayaa hadda tallaabooyinkii uu ka biyo diidi jiray isagii ku kacay, taas oo shacabka ku abuurtay wallaac iyo fejeciso ay la yaaban yihiin siday wax u dhacayaan iyo mawqifkii shalay ee Madaxweynuhu uu ka taagnaa arrimahan, waxaanay Dowladda uu hoggaamiyaa Madaxweyne Biixi ay xabsiga siyaabo kale duwan u dhigtay siyaasiyiin, iyadoo haddana uu xabsiga ku jiro Wasiirkii hore ee warshada Somaliland Shucayb Maxamed Muuse,kaas oo hadda ka tirsan Xisbiga UCID,isla markaana ahaa musharrax,waxaana xadhigiisu uu la xidhiidhaa arrimo siyaasadeed Source
  7. Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo nooca miinada ah oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee G/ Banaadir. Qaraxa koobaad oo miino ahaa ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay nawaaxiga xarunta maamulka degmada Daynille, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Warar ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxan lala beegsaday gaari uu la socday xoghayaha maamulka degmada Mahad Sharaaawe, kaas oo ka bad-baaday qaraxa. Ugu yaraan 4 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu ku dhaawacmay hal askari oo ilaalo u ahaa xoghayaha, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale qaraxa labaad ayaa ka dhacay agagaarka xarunta wasaaradda Gaashaandhigga, kaas oo lala eegtay gaari ay la soceen ciidanka DF, balse ma cada khasaaraha ka dhashay. Xaaladda gooobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi. View the full article
  8. Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa saddexda xisbi qaran waxa ay dib ugu soo celiyeen qaar ka mid ah Musharraxiinta Golayaasha Deegaanka kuwaasi oo buuxin waayay shuruudaha u yaalla Musharraxiinta Golayaasa Deegaanka kuwaasi oo hore Liistadooda xisbiyadu ugu gudbiyeen Komishanka. Ilo-wareedyo u dhuun daloola Koomishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta qaranka ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in ku dhawaad 28 Musharrax oo u taagnaa Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka kana mid ahaa liistooyinkii saddexda xisbi qaran ku soo xereeyeen Xarunta Guud ee Komishanka Doorashooyinka qaranka in ay Komishanku dib u soo celiyeen kadib markii ay gabi ahaanba buuxin waayeen 28-kaasi xubnood shuruduuhihii sharciga ahaa ee u yaallay in ay buuxiyaan xubnaha isu soo taaga doorashada Golayaasha Deegaanku. Wararka la xidhidha arrintani waxa ay sheegayaan in Komishanka Doorashooyinka qaranka oo maalmihii ugu dambeeyey si weyn ugu hawlanaa baandhaynta iyo kala hufidda xubnaha Musharaxiinta Golayaasha Deegaanka ee loo soo gudbiyay ay shaandhadoodu soo qabatay illaa imika inta naloo xaqiijiyey 28 Musharrax oo buuxin waayay shuruudaha kala duwan ee u yaallay Mushararxiinta Golayaasha Deegaanka. Inkasta oo ay jireen hay’ado dawladeed oo hore qaarkood shuruudahan ku xidhan Musharraxiintu u khuseeyeen sida Guddida Tacliinta sare oo hubinayay mid ka mid ah shuruudaha ugu mihiimsanaa oo ah shahaadada jaamacadeed ee laga rabay Musharraxiinta ayaa haddana waxa muuqata in Komishanku baadhitaan adag oo ay galiyeen waafaqsanaanta shuruudaha ee Musharraxiinta in ay ku soo qabtaan arrintan, taasi oo keentay in xubnahan dib loo soo celiyey kuwaasi oo ilahan xog-ogaalka ahi noo sheegeen in ay ka kala tirsan yihiin axsaabta qaranka. Dhinaca kale waxa ay berri oo Isniin ah oo ay Bishan March tahay 30 ku eg maalintii ugu dambeysay ee Musharraxiinta u taagan Doorashada Xildhibaannada Golaha Wakliillada ay ku soo xerayn lahaayeen dhammaanba xisbiyada qaranka, sidaana xisbiyadu ugu gudbin lahaayeen Komishanka Doorashooyinka. Waxa la dhawri doonaa bal sida ay xisbiyadu u shaaciyaan musharraxiintan. Source
  9. Wararka naga soo gaarayo Degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaas ka dhacay Qarax. Qaraxan oo inta badan dhawaqiisa laga maqlay xaafadaha Degmada ayaa lala eegtay gaari uu lahaa Xoghayaha degmada Deeyniile Mahada Sharaawe . Xoghayaha Degmada Deeyniile Mahad ayaa la sheegay in uu ka bad baaday Qaraxa lala eegtay gaari uu la socda . Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay, illa iyo haddana ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee Qaraxa . Wixii Ku Soo Kordha Warkaan Kala Soco Goobjoog Source: goobjoog.com
  10. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu ku gacansaydhay qorshe ay guddida doorashooyinku ay ku doonnayaa in dib loogu dhigo doorashooyinka is barkan,waxaana la sheegay inay ku sababeeyeen xalaadda adag ee dalku ku jirro ee cudurka halista ah karoona fayraska, balse waxa la sheegay inuu Madaxweynuhu ka diiday dalabkooda,isla markaana uu ku wargeliyey inay wakhtigii loo asteeyey ay ku qabtaan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog iyo xildhibaan Nac-nac oo warbaahinta kula hadlay shalay Magaalada Hargeysa ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay in loo baahan yahay in dib loo dhigo doorashooyinka isku sidkan, maddaama xaalad adag lagu jirro oo uu cudurka halista ah ee karoona fayras is tarab tarab ah u laynayo bulshada reer Somalilan,waxaanay ugu baaqeen Madaxweynaha in la hakiyo doorashooyinkaa oo dib loo dhigo, isla markaana awooda la saaro la tacaalista iyo ka hor taga cudurkaas oo la yareeyo halista uu u keeni karro bulshada iyo bad-baadinta nafo baddan. Xildhibaan Nac-nac ayaa arrimahaasi ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-“ Waxa aanu leenahay Madaxweyne waanu kula oggalnay in doorasho la qabto waana waajib, laakiin waxa weeye dadkeenii meel xun ayey marayaan, Colaad, cudur ayey maqlayaan, jiilaalkii oo gaadhi gaadhi saar ah iminka ninka isa soo sharraxaya ee 20 gaadhi abokor Axmed geeyaa, hadhow yaa dadka u soo guraya , markaa waxa aanu leenahay Madaxweyne intii laga ducaysan jiray oo dhan ayaa ina haysata ee dastuurku qabo, waxaanu leenahay il raxmad leh ku eeg innagu haddii aynu ladanay ama beero samaysanay ama gurya waa weyn samaysanay aanay cidi inoo soo gelayn , waxaanu leenahay ku eeg dadka il raxmad leh oo waxan kale jooji, doorashada in dib loo dhigo in muddo ah ilaa afar shan bilood,waanu doonaynaa in aanu doorasho qabano, lakiin wax ayaa ina haysta ,waxaanu leenahay inta cudurkani yaraanayo oo roobkuna inoo da’ayo dib inoogu dhig ayaanu leenahay.” Ayuu yidhi Nac-nac. Dhanka kalene Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa isna Madaxweynaha ugu baaqay in loo baahan yahay in dib loo dhigo doorashooyinkaa,sababo la xidhiidha cudurkaa halista ah ee karoona fayras oo si xawliyaha ugu fidaya dalka una dilaya dadka “ Marka aanu arragnay faraha kulul ee uu ku hayo cudurka dilaaga ah ah ee coved 19 ummaddii reer Somaliland oo magaalo walba ay bishii dhawr boqol oo qof ay ku dhimanayaa oo dadku tarab tarab u dhimanayaan,haldoorkii reer Somaliland oo u wada jiifa oo hebel iyo hebel aad odhan kartaan,Marka la eego qoddobka 42aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland farqadiisa 3aad waxay odhanaysaa “Haddii Doorashada Golaha Wakiilladu ay ku qabsoomi weydo duruuf adag awgeed, Golihii hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhammaanayso duruuftaas, lagana dooranayo Gole cusub, duruufaha adagi waa Dagaal Baahsan, Xasilooni darro gudaha ah, Aafo dabiici ah oo culus, sida:- dhul gariir, cudurada faafa, abaaro culus,waxaan qiimayna kana go’aan gaadhaya golaha guurtida , ka dib marka golaha xukuumaddu ay sidaa u soo jeediso.” Xildhibaan Xoog ayaa sheegay in Guddida doorashooyinka Qaranku ay Madaxweynaha u bandhigeen qorshe ay ku damacsanayeen in dib loo dhigo doorashooyinka isku sidkan, sababo la xidhiidha cudurka karoona fayras “Golihii Xukuumaddu ilaa iminka soo may jeedin,waxa igu maqaalo ah in Komishanka doorashooyinka Qaranku ay u tageen oo ay yidhaah-deen duruufahan adag ee jira cudurkan faafay ee dilaaga ah ee dadkii tarab tarab u laynaya ee haldoorkii Somaliland dhulka dhigay doorashadii lama qaban karrayo, Madaxweynuhu wuxuu yidhi mayee doorashadii sidii ku wadda.” Ayuu sheegay Gebo-gebadii Xildhibaan Xoog ayaa sheegay in intii u yimi cudurka karoona fayras uu Madaxweyne Biixi si weyn isku ilaaliyey, waxaanu ugu baaqay inuu bulshadiisan bad-baadiyo,isla markaana uu dib u dhigo doorashooyinkaa isku sidkan“Madaxweynuhu ilaa cudurkaas yimi hab maqal iyo muuqaal ah ayuu kula shiraa Golihiisa isagoo beertiisa jooga,wuu wanaagsan yahay inuu is ilaaliyo, lakiin dadkiisana waa inuu u tudhaah Madaxweynaha isaga ayey ku xidhan tahay inuu yidhaah-do waa la madhayaan dib inoogu dhiga doorashadii,lakiin duruuftaa uu jideeyey qoddobka 42 aad farqadiisa 3aad ee dastuurka ,xukuumaddu waa in ay soo jeedisaa arrinkaa iyada ayaa laga sugayaa, sharcigu waa in ay soo jeediso golaha guurtiduna uu qiimeeyo ,waxaan ku baaqayaa in xukuumaddu ay ku dhawaaqdo inay doorashadii dib u dhigtay lix bilood annaga mussharkaba naga jooji.”ayuu yidhin Xoog Source
  11. (SLT-Muqdisho)-Hoggaamiyaha ururka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda ayaa iska soo duubay fariin cod ah oo socaneysa in ka badan 20 daqiiqo, taas oo uu u diray shacabka reer Jabuuti. Waxa uu sheegay in madaxweyne Ismaaciil uu dalka Jabuuti gacanta u geliyey dowladdo aan Islaam ahayn, kuwaas oo uu sheegay inay hantiyeen dalka yar ee Jabuuti, isla markaana ay hadda hunguriyeynayaan dalkan Soomaaliya. In kastoo sida hadalkiisa laga dheehan karo uu cadaawadda ugu weyn u qabo dowladda Faransiiska, hadana dowladaha kale ee uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah Mareykanka iyo Shiinaha, kuwaas oo iyaguna saldhigyo millateri ku leh dalka Jabuuti. “Guud ahaan qabaa’ilka muslimka ah ee ku dhaqan Jabuuti waxaan leeyahay, dhulkiina waxa uu hooy u noqday Faransiis iyo Mareykan, ogaada shacabka reer Jabuutiyow, dowladda waqtigeedu sii dhammaanayo ee ina Cumar Geelle waxay ka mid tahay cadawga ugu weyn ee muslimiinta Bariga Afrika, Ismaaciil Cumar Geelle waxuu suurta geliyey in muslimiinta Bariga Afrika lagaga soo duulo dalkiina Jabuuti, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yidhi Abuu Cubeyda. Waxa uu sheegay in hurumar la’aan ba’an uu Jabuuti u hor seeday madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, islamarkaana ay ku jiraan caburin tii ugu darneyd abid, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Abuu Cubeyda ayaa qiray in kooxda uu hoggaamiyo ee Al-Shabaab ay jab culus kala kulmaan diyaarado uu sheegay inay ka soo duulaan saldhigyada militeri ee dowladaha reer Galbeedku ay ku leeyihiin dalka Jabuuti, kuwaas oo ku beegsada goobaha ay ka joogaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday ciidanka ay Jabuuti u soo dirtay Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaas oo shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u yaqaanaan Hiil-walaal, isagoo sheegay in culeys badan ay ku hayaan xasiloonida Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Abuu Cubeyda. “Waxaan reer Jabuuti ugu baaqeynaa inay iska dul qaadaan xukunka Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa waajib idin ku ah sidii aad dalkiina uga saari laheydeen Faransiiska mar kasta aflagaadeeya Nebigeenna Muxamed NNKH,” ayuu hadkiisa ku sii daray hoggaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda Source
  12. (SLT-Cape Town)-Kooxo hubeysan oo budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa habeenkii xalay ahayd ay deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen ganacsade Soomaali ah oo kamid ahaa dadka halkaas ku leh goobaha ganacsi. Dilka loo geystay ganacsadaha Soomaaliga ayaa ka dhex dhacay goob ganacsi oo ku taalla deegaanka Belhar oo ka tirsan Magaalada Cape-town, waxaana goobta ugu dhex galay budhcada hubeysneyd, iyagoona rasaas dhowr ah ugu dhuftay qeybaha sare ee Jidhka. Allaha u naxariistee nin Soomaaliga ee la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdiraxmaan Cali, isla markaana waxaa goobta uu falkaas ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay goobta, iyagoona sameeyay baadhitaano aan wax natiijo ah kasoo baxin, taas oo ah sida ay sheegeen dad Soomaali ah in ayna xil iska saarin sidii loo qaban lahaa dadka dilalka geysta. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa hore sidaan oo kale loogu dilay dad badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo goobo Ganacsi ku lahaa dalkaas. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda kulamo gaar gaar ah oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka hareeyey qabsoomida doorashooyinka. Wararka ayaa sheegaya in gelinka dambe ee maanta ay kulan gaar ah yeelan dooaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya mudane Maxamed Xuseen Rooble. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya arrimo ku aadan doorashooyinka & sidii loo sii amba-qaadi lahaa wada-hadallada ka socda Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinaca ay isla eegayaan qodobada ay isku afgarteen shanta Hoggaamiye goboleed iyo waxa laga doonayo xukuumadda. Rooble iyo madax goboleedyada ayaa shirkan oo ka dhici doono xeyndaabka Xalane, kadib ku dhowaaqi inuu beri furmayo shirka wada-tashiga loo dhan yahay ee Afisyooni, kaas oo ay kuu birayaan labada hoggaamiye ee maamullada Jubbaland iyo Puntland. Dhaq-dhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu qaabilay madaxda maamullada taabacsan dowladda dhexe, sida Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.
  14. Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidanka dowladda, kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla halkaasi, waxaana xigay iska hor imaad toos ah. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yihin dhinaca Al-Shabaab. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi & weerarka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada huwanta oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  15. Kulankii xildhibaanada Baarlamaanka ee la qorsheeyay in maanta oo Isniin ah ay isugu yimaadaan ayaa dib loo dhigay illaa iyo maalinta Arbacada ah. Fariin loodiray xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in maanta la baajiyey kulankaasi, islamarkaana uu qabsoomayo 31ka bishan oo ku beegan Arbacada “Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada Baarlamaanka. Wararka ayaa sheegaya in dib u dhigistan ay ka dambeyso, kadib markii beesha caalamka ay cadaadis xoog leh saareen guddoomiyaha golaha shacabka & madaxweyne Farmaajo. Si kastaba kulankii u dambeeyey ee baarlamaanka ayaa lagu kala tegay, kadib markii ay buuq sameeyeen xildhibaano ka tirsan golaha oo tuhun ka muujiyey muddo kororsi. View the full article
  16. Tobaneeyo qof ayaa dhimatay ka dib markii weerar lagu soo qaaday magaalada Palma ee ku taalla waqooyiga dalka Mozambique, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga dalkaasi. 7 qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa la dilay xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan goob Huteel ah oo ay ku go’doonsanaayeen, waxaa sidaasi sheegay Omar Saranga. Boqollaal qof oo kale oo isugu jira ajaaniib iyo dadka deegaanka ayaa sidoo kale wararka sheegayaan in la soo badbaadiyo. Magaalada Palma ayaa tan iyo Arbacadii waxaa weerar ku hayay kooxo mintidiin ah oo halkaasi ka dagaalama. PUNTLAND POST The post Dad lagu laayay weerar ka dhacay waqooyiga dalka Mozambique appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay qaabilay madaxda maamul goboleedyada ee taabacsan Villa Soomaaliya & guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka dalka. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha xilka sii haya ee Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana dhinacyada ka qeyb-galay ay diirada saareen xaaladda cakiran ee ka taagan dalka. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ay madaxweynaha la wadaageen waxyaabihii kasoo baxay shirarkii ay la soo qaateen madaxda Jubbaland iyo Puntland, gaar ahaan qodobada hordudhaca ee ay isla soo meel-dhigeen ee wada-hadalada socda. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday halka ay marayaan dadaallada lagu doonayo qabsoomida shir loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda iyo dowlad goboleedyada. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in shirkan lagu soo hadal qaaday arrinta muddo kordhinta ee laga shaki qabo inuu ku dhowaaqo Golaha Shacabka, taas oo buuq weyn ka dhex-abuurtay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa muuqata mid kasii dareysa, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan-yahay hannaanka loo wajahayo doorashada 2021-ka.
  18. Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda waxey dadweynaha ku nool magaaladda Mogadishu la wadaagaysaa Goobaha Caafimaad ee laga heli karo Tallaalka Ka hortaga Covid-19 ee dhaaman dagmooyinka Gobolka Banadir. Waxaan sidoo kale bulshada ku wargelinaynaa In Tallaalka COVID-19 uu yahay lacag la’aan ah, waxaa mudnaanta hore la siin doona dhamaan shaqaalaha safka hore sida Shaqaalaha Caafimaad, Macalimiinta, Booliiska, iyo Dowladda Hoose iyo dadka weyn ee da’da 50 ka iyo wixii ka sareeya. Haddii aadan ku jirin dadka kor lagu xusay ee mudnaanta koowaad leh, fadlan dulqaado inta lag gaarayo xiligaaga maadaama dadka mudnaanta 1aad lasiiyay ay yahiin kuwa ugu nugul in xanuunku haleelo. Tallaalka waxaad ka heli kartaan goobaha caafimaad ee ku qoran shaxda hoose, kuwaas oo shaqeynaayo 7.00 am – 3.30 pm, sabti ilaa iyo khamiis. Fadlan iska diiwaangeli kana qaado tallaalka xarunta kugu dhow ee degmada aad ku nooshahay. View the full article
  19. Mama Sarah, oo aheyd ayeeyadii Madaxweeynihii hore ee Mareykanka Obaama ayaa geeriyootay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Eheladeeda . Sarah ayaa Saakay ku geeriyootay Isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga ee magaalada Kisumu. Mama Sarah Obama ayaa geeriyootay iyadoo 99 jir ah . Ayeeyada Obama ayaa la sheegay in ay u dhimatay Xanuunka Macaanka oo muddooyinkii u dambeyay ay la xanuun saneysay . Source: goobjoog.com
  20. Degmada xeraale ee waqoyiga gobalka Galgaduud ayaa malmahan dambe waxaa aad isugu soo tarayay dadka laga helayo caabuqa covid-19 . Iyadoo ay u,geeriyoden ku dhawaad 15 qof Xanuunka Maalmihii la soo dhaafay Gudaha Degmada Xeraale ee Gobalka Galgaduud . Wararka ay Goobjoog News Ka heleyso deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in dad badan oo ku dhaqan deegaanka uu xanuunka Saacadihii la soo dhaafay uu soo ritay . Degmada ayaa wajaheysa Xaalad Caafimaad xuma, iyadoo degmada aysan laheyn xarun caafimaad oo dadka uu soo rito Covid-19 lagula tacaalo , kadib markii December 2020-kii Adeegyari dhanka caafimaadka oo soo wajahday degmada loo xiray Isbitaalka Degmada . Isbitaalka weyn ee degmada ayaa horay waxaa gacanta ugu hayn jiray Hay’adda save the children, iyadoo December kadib aysan jirin cid la wareegta Gacan ku heynta Isbitaalka . Wariyayaasha GoobJoog U Jooga degmada ayaa sidoo kale soo wariyay in aysan jirin xarun caafimad oo lagu karantiilo dadka uu soo ridanayo Xanuunka , Sacaadihi lasoo dhafayna ay Oxygin la’aan ugu geeriyoodeen degmada dad badan . Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subaxn-2932021.mp3 View the full article
  22. Mogadishu (HOL) - Somalia's lawmakers were notified overnight that the House Speaker had cancelled Monday's planned parliamentary session.Members of Parliament were informed that the session had been moved to Wednesday. Source: Hiiraan Online
  23. Waxaa dib loo dhigay kulankii maanta ay lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu sheegay gudoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan. Maanta oo Isniin ah ayaa la filayay in uu furmo kalfadhi ay yeelanayaan xildhibaanada Baarlamaanka, Kaas oo uu Ajendahiisu ahaa ka hadalka Xaaladda Covid-19. Dib u dhigidda kulanka ayaa timid kadib markii Xildhibaano uu gudoomiyaha baarlamaanka uu ka mamnuucay in ay soo xaadiraan Fadhiyada Baarlamaanka ay sheegen in ay tagi doonan kulanka Isniinta . Xildhibaanada ayaa loo diray Fariin ah in maanta uu baaqday kulanka , kaas oo dib loogu dhigay Arbacada oo ay taarikhda Tahay 31 March . Hoos Ka AKhriso Fariinta Xildhibaanada Baarlamaanka Loo Diray M.ne Xil. Shirkii Beri oo Isniin ah loo balansanaa waxaa dib loogu dhigey maalinta Arbacada oo tariikhdu tahay 31 March. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ay culeys ku saarayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu joojiyo safarada dibadda xiligaan adag uu dalka ku sugan yahay marxalad aan horay u dhicin. Dalabkaan beesha caalamka ayaa yimid kadib markii ay ka war heleen in Farmaajo uu qorsheynayo safar dibadda ah, gaar ahaan booqasho uu ku tegayo Addis Ababa, safarkaasi oo xafiiska Farmaajo uu daboolayo, xitaana aysan xubnaha ku dhow dhow ka war qabin safarkaasi. Sababta ay ugu dalbadeen Farmaajo inuu joojiyo safarada dibada ayay ku macneeyeen inay sii murjineyso cakirnaanta siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo isu soo dhowaansha la’aanta, madax goboleedyada, mucaaradka iyo madaxweynaha xilkiisa dhamaaday. Caasimada Online ayaa ogaatay in Farmaajo uu qorsheynayo safar maalin ama laba maalin qaadan doono inuu ku tegi doono Addis Ababa, halkaasi oo uu kula soo kulmi doono ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo naftiisa culeysyo siyaasadeed ka haystaan gobolka Tigrey iyo cambaareynta hay’addaha xuquuqda aadahaha iyo caalamka oo ku eedeeyay dowladdiisa inay adeegsatay ciidamada Eritrea oo xasuuq ba’an ka geystay gobolkaasi. Lama oga in dalabka culus ee beesha caalamka u gudbisay Farmaajo inuu aqbali doono iyo in kale, xili madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ay ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho si xal looga gaaro arrimaha khilaafka doorashada. Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka uu Farmaajo ka leeyahay safarka.
  25. JOHANNESBURG — Rebels fought the Mozambican army Sunday for the fifth straight day for control of the strategic northern town of Palma, as reports came in that dozens of civilians have been killed and bodies were littering the streets. The fate of scores of foreign energy workers was also unknown. Source: Hiiraan Online