Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in uu yeesho kulan xasaasi ah. Farriin xalay loo diray xildhibaannada, ayaa loogu sheegay in uu jiro Kulanka Baarlamanka, islamarkaana looga hadli doono saddex ajande oo muhiim ah. Ajandayaasha waxa kamid ah Covid-19, u codaynta laba xubnood oo ka tirsan guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo sidoo kale u codaynta sharciga Qaxootiga. Kulanka ayaa shaki xooggan laga qabo, kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in mudda kordhin loo samaynayo Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya. Golaha badbaado Qaranka oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubaland,Puntland,Midowga Musharaxiinta iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya ayaa ka digey in baarlamaanku uu muddo kordhin u sameeyo dowladda. Waxa xusid mudan, in ay jiraan 15 xildhibaan oo kulamada Baarlamanka laga joojiyay, balse saaka ku adkaysanaya in ay xaadiri doonaan kulankan. PUNTLAND POST The post Baarlamanka oo Soomaaliya oo maanta yeelanaya Kulan shaki xooggan laga muujiyay appeared first on Puntland Post.
  2. PRESS RELEASE Viral Facts Africa initiative to combat dangerous health misinformation The Viral Facts Africa launch comes as 90 million more COVID-19 vaccines are set to arrive in Africa in the coming months BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), March 30, 2021/ — Viral Facts Africa, a first of its kind African initiative to combat health misinformation online, was launched today by the World Health Organization (WHO) and a network of fact-checking organizations and leading public health bodies. Viral Facts Africa will leverage the insights and reach of a unique network of 14 organizations to counter health misinformation as it spreads and to “inoculate” people against falsehoods. The initiative is starting with engaging health fact checks, explainers, myth busters and misinformation literacy messages that are optimized for sharing on Facebook, Twitter and Instagram. “False claims can spread faster than COVID-19 itself, often because they are simple, visual and tap into our emotions. Viral Facts Africa aims to debunk myths fast right where they spread, and to help people sort life-saving facts from noise. Together, we can stop viral rumours by sharing viral facts,” said Dr Matshidiso Moeti, WHO Regional Director for Africa. Information on COVID-19 was shared and viewed over 16 billion times and mentioned more than 6 million times on Twitter and web-based news sites between November 2020 and March 2021 in the 47 countries of the WHO African Region, according to UN Global Pulse, The UN Secretary-General’s global initiative on big data and artificial intelligence. Similarly, in the WHO African Region mentions of vaccines rose by over 300% to over 675 000 between December 2020 and February 2021 when compared with the previous two months. The Viral Facts Africa launch comes as 90 million more COVID-19 vaccines are set to arrive in Africa in the coming months. Tracking the focus of misinformation circulating on social media is difficult, but African fact-checking organizations say they have debunked more than 1300 misleading reports since the onset of the pandemic. Widely shared misinformation includes conspiracies around unproven treatments, false cures and antivaccine messages. During the testing phase, Viral Facts Africa products were viewed over 20 million times on social media. All products are open for anyone to use and are available in English and French, with more languages planned. The initiative is managed by Fathm, an independent news laboratory and consultancy with global experience of anti-misinformation collaborations. Viral Facts Africa is a part of the Africa Infodemic Response Alliance (AIRA), a WHO-hosted network that coordinates actions and pools resources to combat misinformation and fill information gaps around the COVID-19 pandemic and other health emergencies in Africa. Launched in December 2020 with 12 organizations, AIRA brings together the Africa Centres for Disease Control and Prevention, International Federation of the Red Cross and Red Crescent (IFRC), UNICEF, UNESCO, UN Verified, UN Global Pulse, WHO and the fact-checking organizations Africa Check, PesaCheck, Agence France Presse Fact Check, Dubawa and Meedan. The alliance is growing, with Gavi, the Vaccine Alliance, and Ghana Fact also recently joining. “COVID-19 is not over, and as vaccines are rolled out across Africa, mask wearing, hand hygiene and physical distancing are still key to saving lives. We need a whole-of-society push to keep these messages fresh in people’s minds and everyone has a role to play as viral health misinformation costs lives,” said Dr Moeti. Viral Facts Africa was launched at a workshop on health communications for leading African influencers from business, sports, the arts and the media hosted by the Africa Centres for Disease Control and Prevention, the African Union, the Rockefeller Foundation, Access Challenge and WHO. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  3. Mogadishu (PP News Desk) — The Prime Minister of Somalia Mohammed Hussein Roble has called on Puntland and Jubaland leaders to join the electoral summit currently going on in Mogadishu. “The Federal Government of Somalia is calling on the Federal Member States not attending the National Consultative Summit on Elections to join the talks to thrash out differences to conduct transparent elections in Somalia” reads a statement from the Office of the Somali Prime Minister. Members of the International Community held talks with the Somali Prime Minister on the 17 September Agreement and Baidoa Reccomendations. Puntland and Jubaland leaders formed a political alliance and are seeking to redefine stakeholders beyond Federal Member States and the executive and legislative branches of the Federal Government of Somalia for participation in the talks. Separate talks held by Federal Member States in Mogadishu have not yielded any results. Hirshabelle, South West and Galmudug rejected demands from Puntland and Jubaland to renegotiate terms of 17 September Agreement and inclusion of non-signatories in the electoral talks. © Puntland Post, 2021 The post Somalia PM Urges Puntland and Jubaland to Join the Electoral Summit appeared first on Puntland Post.
  4. Somaliland waayahii soo maray maxay ka baratay? Halkay taagan tahay maanta? Maxaa u kordhay maxaase ka dhacay? Maxay ku dambayn? Sida loo wada tashato, loo wada raadiyo xalinta mashaakilka, ee laysu kaashado waxna loo wada qabsado, farsamooyin cusubna loo barto, danta guudna si wadajir ah illaashado ayaa lays ku dhaafey. Wadatashiga iyo wadajirka in laysku dhaafay waxa daliil u ah adduunyadan ummadaha ku uuman ee u kala baxay 3da qaybood: a) dad tegey, b) dad tiigsanaya dadka tegey, iyo c) dad aan hayn talo iyo tamar ay ku higsadaan dadka tegey ee horuumaray. Dadka tegey waa dadka caqliga fiican leh, nolol fiicanna ku nool, mar walbana ka fikira sida ay u gaadhi lahaayeen mustaqbalka nonol ka wacan tay hadda ku nool yihiin. Dadka tegey waa dadka hore uga artantamasaday in aanay isku yaacyaacin markay dhibi soo wajahda oo keliya (Covid-19 oo kale waa gaar – exceptional). Dadka tegey waa dadka aan ka daalaan in ay abuuraan xilli kasta firkir cusub oo wax ka tara maamulidda iyo maaraynta waayaha nolosha. Dadka higsanayaa dadka hore u maray waa dadka goostay in ay gaadhaan halka qayrkood gaadhay; waa dadka gartay in ay sameeyaan waxa qayrkood sameeyey; waxay garteen in ay ku kacaan waxa qayrkood ku hanteen dad iyo dal dhisan; waxay garteen in ay si hufan uga gudbaan waxyeelooyinka wax u dhimma horu-kaca bulsha-weynta; waxay garteen in aanay ceeb ahayn markay wax ka qasmaan in ay wax weydiiyaan dadka aqoonta leh ee hore u maray; waxay kaloo ay garteen in ay waxqabsi kasta ku bilaabaan waxay haystaan, oo aanay marnaba u hanqal taagin in ay wax ku qabsadeen wax gacan shisheeye ku jira. Dadka laga tegey ee qayrkood ka hadhay ee aan haynin talo iyo tub ay ku higsadaan dadyawga tegey waa dadka sida uu waayaha noloshu ugu yimaado u nool iskana aqbala kolba xaaladaha waayahu sidaa siday noqdaan, waxna aan iska weydiin waxay kaga bixi karaan waxyeelooyinka soo noqnoqda, ee ay ka mid yiin abaaraha iyo biyo la’aanta, ayadoo biyo aan qiyaas lahayni sannad walba ku qulqulaan badaha, tallo iyo tamar la’aan darteed. Dadka aan haynin tamar iyo tayo ay ku higsadaan dadka tegey waa dadka aan welli garan waxa ay wada leeyihiin iyo waxa ka dhaxeeya; waa dadka caado ka dhigtay in ay had iyo jeer is-xinniyaan isna xaasidaan. Haddaba Somalilanf waa qaybtee? maxaa kaaga baxay in aad war heshid oo aad wax ogaatid, waxna baratid. Qof kaa il dheeri ma kaa aragti fog yahay? Wax-weydiin-ogaal maxaa laga taransadaa? Sida wax loo kala hor ogaado, sida loo kala dadaal badan yahay, sida loo kala wax-barasho fiican yahay, sida nolol ladan lagu gaadho loo kala hor fahmey, ayey dadka maanta adduunkan ku nooli u kala horeeyaan. Wax-weydiin-ogaal waa aqoon korodhsi, oo la mid ah wax-barasho, wax-barashana waa tubta keliya ee kor u qaaday awoodda dadyaw badani ay horumar ku gaadheen. Somaliland wax ma lays wediiyaa? Ma lays dhegeysta horta? Xildoonis iyo xatooyo xoole dadweyne hankaagu ma dhaafsan yahay? Yaan been laysku maaweelin, dhaxalkaad caruurtaada uga tagtaa ‘waa reer hebel baan ahay’, no more no less. Qabiilkaad tahay ciddi kuuma diidana ee wax ku dar, goormaydun garan? Jama Falaag jamafalaag@gmail.com Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa lagu war-geliyey in berri oo Arbaco ah uu jiro kulan la hor keeni doono illaa seddax ajende, welina waxaa jira tuhun weyn oo laga qabo kulanka berri. Ajendayaasha lagu war-geliyey xildhibaanada in la hor keeni doono ayaa kala ah: 1- Cudurka COVID-19 2- U codeynta laba xubnood oo guddiga Madaxa-banaan ee xuduudaha ku biiraya. 3- Iyo u codeynta sharciga qaxootiga qaranka. Isniintii shalay ayaa la baajiyey kulankaan oo markaas ay hor yaalleen labada Ajende oo hore, halka ajandaha seddaxaad dib looga soo daray. Kulanka ayaa waxaa ku gadaaman laba halis, oo mid ay tahay in lagu sameeyo muddo kordhin sharci-darro ah oo qalalaase iyo dagaal sokeeye dalka u horseeda, halka midda labaadna ay tahay xildhibaanada laga joojiyey kulanka oo ay suurta-gal tahay in tegitaankooda uu horseedo isku dhac hubeysan. Guddoomiye waqtigu ka dhammaaday ee golaha shacabka ayaa si sharci darro ah u amray ciidanka madaxtooyada inaan lasoo deyn 15 xildhibaan, waxaana suurta-gal ah in arrintan ay horseedo dhibaato loo gaysto xildhibaanada. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa wacad ku maray inay tegi doonaan kulanka. ” Fariinta Xildhibaanada loo soo diray ee lagu wargelinayo in uu jiro kulankii Golaha Shacabka beri oo Arbaco ah hada ayay na soo gaartay. Waanan tagaynaa kulankaas beri inshaa’allah. Wixii dhibaato ah oo nagu soo gaara sababta waraaqdii sharci darada ahayd ee Maxamed Mursal naga qoray 27 bishaan mas’uuliyadeeda isaga ayaa si shaqsi ah u qaadaya,” ayuu yiri Mahad Salaad. Sabtidii la soo dhaafay xildhibaanada golaha shacabka ayaa isugu yimid kulan loo balamiyey, balse dood adag ayaa ka dhalatay ajendihii kulankaas, kadib markii xildhibaanada qaar ay ku doodeen in aysan jirin baahi loo qabo in ka hadalka Coronavirus la keeno fadhiga golaha, iyadoo guddigii loo xil-saaray aysan soo gudbisan wax codsi ah. Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyey kulankii maalintii Sabtida ee golaha shacabka, waxaana la ganaaxay illaa 15 xildhibaan oo guddoomiye Maxamed Mursal uu saxiixay in aysan kasoo qeyb geli karin shanta kulan ee soo socota ee xildhibaanada golaha shacabka. Tuhunka ugu weyn ee hadda laga qabo kulamada golaha shacabka waa inuu dhaco mudo kororsi la sheegay inuu gadaal ka riixayo madaxweyne Farmaajo, isla markaana loo adeegsanayo guddoomiyaha golaha Maxamed Mursal. Arbacada berri waxaa laga war sugayaa waxa ka soo bixi doona hadii uu qabsoomo kulankaan tuhunka badan abuuray iyo inay ka soo qeyb galaan xildhibaanadii laga mamnuucay ka qeyb galka shanta kulan ee soo socota.
  6. Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen waxay sheegayaan in la isla ogolaadey in lagu kulmo Afisyooni khamiista todobaadkaan ka dib markii Beesha Caalamku ay maanta la kulmeen Madaxda Dowlada Federaalka ee Wakhtigoodu dhamaadey. Sida aan Xogta ku heyno Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku adkeystay in la isugu yimaado kulankii uu isaga ka bilaabay Afisyooni, Balse Beesha Caalamku waxay Raysal wasaaraha isla meel dhigeen in la isugu yimaado kulanka ay bilaabeen Shanta Madaxweyne. Xogtu waxay kaloo sheegaysaa in Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay uu Raysal wasaaraha kula hadlay Luuqad kulul oo uu hoosta uga xariiqay in la joojiyo Qoraalada lidka ku ah Geedi socodka loogu diyaar garoobayo Shirka Wadatashiga, Beesha Caalamku waxay damaanad qaadeen in Amaanka Shirka ay gacanta ku haynayaam Amisom. Sida ka muuqata Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya wali Madaxweyne Farmaajo kuma qanacsanayn ka laakiin Waxaa lagu khasbay ka qaybgalka shir. Puntlandi.com Muqdisho The post War Deg Deg ah— Kulankii Wadatashiga oo la isla gartay inuu ka dhaco Afisyooni khamiista appeared first on . Source
  7. Xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa maanta la kulmay Raysal wasaare Rooble, dabcan waxay kawada hadleen Arimaha Doorashada, kadibna waxay la kulmeen Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe. Kulamadii Sadexda Maalmood ee ay wada yeesheen Shanta Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada ayaa Qodobadii la isla merldhigay waxaa ka biya diidey Madaxweyne Farmaajo, tasoo keentay in Beesha Caalamku ay Raysal wasaaraha ku cadaadiyaan inuu kaalin ka qaato Wadahadalka. Warar waxaa jira sheegaya in Beesha Caalamku ay kulan ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo uu natiijo la aan kusoo dhamaadey kasoo keenay in uu saameyn ku yeeshay Kulankii dhex maray Raysal wasaaraha iyo Bersha Caalamka. Warar hoose waxay sheegayaan in Warsaxaafadeed ka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha uu yahay mid ka yimid Xafiiska Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo ku adkaysanayaa in la yimaado Kulankii uu isagu ka bilaabay Teendhada Afisyooni, Halka Bersha Caalamku ay taageereen Kulan Cusub, kasoo lagu samaynayo Qodobadii ay Shanta Madaxweyne kawada hadleen. Wali Xog intaas dhaafsan lagama hayo kulanada balse dhowaan naga filo warar rasmi ah oo ku saabsan kuwadaas. The post Beesha Caalamka oo waan waantii u dambaysay ka dhexwada Raysal wasaaraha iyo Badbaado Qaran appeared first on . Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa lagu shaaciyey in aysan gacmaha ka laaba doonin hadii madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ay ku dhaqaaqaan mudo kororsi, iyadoo aad loogu cambaareeyey go’aankii uu guddoomiye Maxamed Mursal kulamada golaha shacabka ugu joojiyey xildhibaano gaaraya ilaa 15 xubnood. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed waxey si adag uga soo horjeeddaa kordhinta xilka Madaweynaha iyo Baarlamaanka muddo xiloodkoodu dhammaaday. Muddo xileedka Baarlamaanka ayaa ku ekaa 28 Diseembar ee 2020, halka uu muddo xileedka madaxweynahana uu dhammaaday 08 Febraayo ee 2021. Ma jiro go’aan ama sharci ka sarrayn kara Dastuurka Dalka. Qodobka 60-aad ee Dastuurka ayaa qeexaya muddada xil heynta Baarlamaanka, wuxuuna dhigayaa sidatan; “Muddada xil-heynta Baarlamaanka Federaalku waa afar sano oo ka biHaabata maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo.” Sidoo kale ayuu qodobka 91-aad ee Dastuurka wuxuu caddeynayaa muddo xileedka madaxweynaha, wuxuuna dhigayaa sidatan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu xilka heynayaa muddo afar (4) sano ah oo ka billaabata maalinta xilka loo dhaariyo” Dastuurka waa sharciga ugu sarreeya ee dalka sida ku cad qodobkiisa 4aad; “Dastuurka waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansameysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan” Muddo kororsi waa marin dhidibbada loogu aasayo kali talisnimo, lagu carcialadaynayo dadaallada lagu doonayo in dalka doorasho ka dhacdo, laguna wiiqayo geeddi socodka nabadda, dimoqoraadiyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya. Madasha waxay caddaynaysaa in aysan gacmaha ka laaban doonin muddo kororsiga lagu carqaladaynayo doorashooyinka, laguna qalqal gelinayo xasilloonida, dimoqoraadiyadda iyo horumarka dalka. Madashu waxay canbaareynaysaa go’aanka sharci ku tumashada ah ee uu guddoomiyaha Golaha Shacabku uga hor istaagayo 15 xildhibaan ka qeybgalka kulamada Golaha, iyo qalqal gelinta amnigooda shakhsiga ah. Madashu waxay mas’uullyadda dhibka soo gaara xildhibaannada dusha ka saaraysaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Maxamad Mursal Sheekh C/raxmaan oo magacyada xildhibaannada dhigay baraha koontorool ee ciidanka , amrayna in awood ciidan loo adeegsado. Waxey kaloo madashu canbaareynaysaa ciidanka nabadsugidda ka tirsan ee Golaha Shacabka hubka la soo dhex galay. Tallaabadani waxey tusaale cad u tahay qorshaha lagu doonayo in ciidanka loo adeegsado boobka doorashooyinka dalka. Waxeyna xoojinaysaa dalabka Madasha ee ahaa in mas’uuliyadda amniga dalka laga wareejiyo Madaxweynaha rnuddo xileedkiisa dhammaaday.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa kulan wadajir ah la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho, sida lagu shaaciyey qoraalo ay baahiyeen dhinacyadu. Kulankaas ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray ka hadalka arrimaha doorashooyinka dalka, waxayna madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen wakiillada Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha wadatashiga ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Qoraal kooban oo kulankaas kadib ay baahisay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa wadajir caawa ku qaabilay Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan Doorashada, Iyadoo Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo Shirweynaha Doorashada.” Sidoo kale Jubbaland ayaa qoraal ay ka soo saartay kulankaas waxay ku tiri, “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya. Kulanka ayaa lagaga hadlay qaabka ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shir weynaha arimaha Doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira qaabka uu shirku ku qabsoomayo. Labada Madaxweyne ayaa Beesha Caalamka la wadaagay aragtidooda la xiriirta qabsoomida shirka.” Kulankaan ay wakiillada beesha caalamku caawa la yeesheen madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku soo aaday saacado kadib markii ay maanta xubanaha beesha caalamku shir kale la yeesheen Ra’iisul Waasaaraha xukuumadda xilka sii-hayaha Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay. Markii uu soo dhamaaday kulankaas qoraal uu baahiyey xafiiska R/Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhaba. Beesha Caalamka ayaa dadaal xoog leh ugu jirta sidii ay isugu keeni laheed madaxda Soomaalida oo ku heshiin waayey hanaankii ay doorasho uga qaban lahaayeen dalkan, waxayna hadda caqabadda ugu weyn ka taagan tahay qabsoomidda shirweyne dhex mara madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si heshiis ay uga gaaraan kala aragti duwanaashaha jira.
  10. Madasha Badbaado Qaran oo sheegtay in aaney gacmaha ka laaban doonin muddo kordhin lagu carqaladeynayo doorashada, waxayna ka hor yimaadeen is hor istaagga xildhibaanada. War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha ayaa lagu sheegay sidoo kale in dhibaatada Amni ee soo gaarta Xildhibaanada Baarlamaanka laga mamnuucay in uu qaadanayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal. Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Madasha Badbaado Qaran Source: goobjoog.com
  11. Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubalanad. Kulanka ayaa looga hadlay qaabka ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shir weynaha arimaha doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira qaabka uu shirku ku qabsoomayo. Labada Madaxweyne ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa Beesha Caalamka la wadaagay aragtidooda la xiriirta qabsoomida shirka. Wakiilada Beesha Caalamka ee shirka la qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa kala ah Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo safiirka UK. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qaar kamid ah xukuumaddiisa. Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo xal looga gaarayo ismariwaaga ka tagaan doorashada Soomaaliya oo dib u dhacsan. PUNTLAND POST The post Deni iyo Axmed Madoobe oo kulan gaara la yeeshay Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa caawa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ugu tegay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shafiif Sheekh Axmed. Booqashaas waxaa madaxweyne Lafta Gareen ku wehliyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, waxaana sida aan xogta ku helnay looga wada-hadlay khilaafka weli ka jira doorashooyinka dalka iyo shirarka socda. Sheekh Shariif ayaa qoraal uu bartiisa Facebookga ku baahiyey kulankaas kadib waxuu ku yiri, “Waxaa Caawa booqasho noogu yimid Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada, iyada oo aan ka wada hadalnay xaaladda cakiran ee dalka iyo sida lagu gaari karo doorasho heshiis lagu yahay, kuna dhacda jawi nabdoon oo lagu wada kalsoon yahay.” Sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa isna bartiisa Facebook-ga ku soo qoray, “Waxaan caawa hoygiisa salaan iyo booqasho ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Booqasheyda waxaa igu wehlinaayey qaar kamid ah Wasiirada Koonfur Galbeed.” Wali waxaa aad u cakiran xaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo aan wax xal ah laga gaari hanaankii loo qaban lahaa doorashooyinka dalka. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ka mid ah madaxda illaa seddax dowlad goboleed oo taabacsan madxada waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, halka Sheekh Shariif uu hadda yahay guddoomiyaha gole cusub oo siyaasadeed oo la yiraahdo ‘Badbaado Qaran’ kaas oo dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, isla markaana ay ka tirsan yihiin qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland. Waxaa xusid mudan in madaweyne Lafta Gareen uu yahay saaxiibka ugu dhaw ee madaxweyne Farmaajo, marka loo eego madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka.
  13. Madaxwrynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ay weheliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa ayaa booqasho ugu tagay Madaxwrynahii hore Shariif Sheikh Axmed. Booqashada ayaa kusalaysnayd Xaalada Dalku ku jiro, waxaana jira warar sheegaya in Laftagareen uu u kala dabqaadayo Maduuliyiinta Dalka si xal looga gaaro Arimaha Doorashada. Hoos ka daawo Sawirada The post Laftagareen oo booqdey Madaxweynihii hore Sheikh Shariif appeared first on . Source
  14. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ugu baaqday in ay ku soo biiraan shirka arrimaha doorashada ee xarunta Afisyoone. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran”. Beesha Caalamka ayaa maanta kulan la qaadatay Ra’iisul Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan qaar kamid xukuumaddiisa. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xal u helista arrimaha doorashooyinka iyo in ay si shuruud la’aan ugala xaajooto cid kasta oo ay khuseyso, ayna furan tahay gogoshii wadahadalka arrimaha doorashooyinka. “Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan, si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble Beesha Caalamka ayaa ku dadaalaysa sidii xal looga gaari lahaa ismariwaaga ka tagaan doorashada Soomaaliya oo dib u dhacsan. Madaxda Soomaaliya ayaa weli isku fahmi la’ arrimaha doorashada, muran iyo khilaaf horleh ayaana hareeyay shirar gaar-gaar ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Rooble oo baaq u diray madaxda Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  15. Maanta waxaa labaahiyay warar been Abuur ah oo laga baahyay Dekada Garacad ee Gobolka Mudug, wararkaasoo lagu sheegay in Dad hubaysan ay Hawada ka celiyeen Diyaarad ka timid Emaaraatka, Laakiin Xaqiiqda laba jirto Doyaarad maanta iman lahayd halkaas. Beri oo Arbaco ah ayay kusoo wajahan yihiin Wafdiga la sugayay,Saaka ayaa la shaaciyey in Wafdigaas imanayo, Arbacada. Waxaa hubaal ah Daxaafadaha baahiyay wararkaas inay awalba ahaayeen kuwu aan ka fiirsan wararka ay daabacaan, Waxayna Wararka kasoo urursadaan Baraha Bulshada. Masuuliyiinta Degmada Jariiban oo Garacad ay hoos tagto ayaa dhankooda wararkaas ku tilmaamay kuwo ay ka dambeeyaan kuwa diidan horumarka Buldhada. Puntlandi.com Gaalkacyo The post Warar been Abuur ah oo laga baahiyay Dekada Garacad appeared first on . Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Waasaaraha xilka sii-hayaha Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamka ay ku cadaadineyso Rooble inuu door muuqda ka qaato xalinta muranka doorashada, maadaama qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay diidan yihiin Farmaajo. Rooble ayaa qoraalka ku sheegay in dowladda federaalka mar walba diyaar u tahay xal u helista arrimaha doorashooyinka iyo in ay si shuruud la’aan ugala xaajooto cid kasta oo ay khuseyso, ayna furan tahay gogoshii wadahadalka arrimaha doorashooyinka. “Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan,si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira.” Rooble ayaa kadib kulanka farriin u diray madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran,” ayuu yiri Rooble.
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Haben-3032021.mp3 View the full article
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda ciyaaraha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xidiggii Kubadda koleyga Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab uu ahaa xidig Qaran oo dalkiisa u soo hooyey guulo dhanka ciyaaraha kubadda Koleyga, isaga oo door weyn ka soo qaatay horumarinta ciyaaraha dalka, waxa uuna soo saaray ciyaartooy waxtar u leh Xulka Kubadda Kolayga heer Qaran. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab waxa uu ahaa Xidig Qaran oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed u soo saftay xilliyo kala duwan, isaga oo ka mid ahaa xidigaha Qarankeenna guulaha u keenay” Madaxweynaha jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyska qaraabada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay. View the full article
  19. Ra’iisul Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka ee jooga magaalada Muqdisho. Labada dhinaca waxay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, oo muddooyinkii dambe lasoo warinayay inuu kala dhaxeeyo khilaaf. Sida aan xogta ku helnay, kulankaan ayaa waxaa gadaal ka riixeysa oo soo qaban-qaabisay Villa Somalia, oo rabta in meesha laga saaro kala shakiga muddooyinkii dambe ka dhex taagna labada mas’uul oo ka dhashay qorshaha uu guddoonka golaha shacabka ku doonayo inuu mudo kororsi ugu sameeyo Farmaajo. Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay turxaan bixinta xiisada dhexdooda iyo sidii aysan saameyn ugu yeelen laheyn loolanka siyaasadeed ee taagan, kaasi oo maraya meeshii u sareysay. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la rumeysan yahay inuu si cad uga soo horjeestay muddo kororsiga, taasi oo haddii ay dhacdo qalalaase weyn gelin karta dalka. Ma cadda haddii kulanka maanta uu fikrakiisa beddelay. Waxaa kulankaan ka qeyb-galay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka, oo aad ugu xiran Villa Somalia iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ayagu qeyb ka ah isu-soo dhaweynta labada mas’uul oo ku kala irdhoobay kala shaki maalmihii dambe soo kala dhex-galay. Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxay kamid yihiin mas’uuliyiinta la dhacsan hogaaminta madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee taageerada weyn u ah, waana sababta u weyn ee Villa Somalia isugu soo dhaweynayso, si meesha looga saaro khilaafka ka dhaxeeya, midaasi oo hoos u dhigeysa in labada mas’uul uu midkood ka baxo garabka Farmaajo. Kulankaan ayaa imanaya xili uu hakad ku yimid wada-hadaladii gooni-goonida ahaa ee maalmihii u dambeeyay u socday madaxda dowlad goboleedyada, sidoo kalena waxa uu kusoo aadaya ayada oo maalinta berri ah uu kulan yeelanayo baarlamaanka, kaasi oo laga muujinayo walaac la xiriir in muddo kordhin la horgeeyo.
  21. Murashaxiinta Xisbiga Waddani Ee Doorashada Madaxtooyadda Iyo Kala Duwanaanshaha Sannadeed Ee 2016-kii & 2021-ka. 22/10/2016-kii Shirkii golaha dhexe ayaa lagu doortay Murashaxa jagada Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Cali Cabdi, sannad kadib ayaanay ka qayb galeen doorashadii Madaxtooyada oo qabsoontay 13/11/2017-kii. Markale maanta 30/3/2021-ka Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Waddani oo Hargaysa ka qabsoomay waxa si aqlabiyad ah Murashax Madaxweyne loogu doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi halka ku-xigeenkiisa loo doortay Maxamed Cali Cabdi. Isla sannad kadib haddi Alle idmo 2022-ka waxay labadan Musharax ka qayb gali doonaan doorashada Madaxtooyada oo mudaysan. Haddaba su’aashu waxay tahay maxay ku kala duwanyihiin 2016-kii iyo 2021-ku. Xisbiga Waddani 2016-kii wuxuu aha Xisbi curdin ah oo jiray 4-sanno oo kaliya isago aha Xisbiga ugu da’da yar saddexda Xisbi qaran ee tartamaayay, taas oo la odhan karo mulahayn khibrada uu maanta haysto. 2- Xilligaas waxa Waddanka ka ariminayaay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo aan doorashadii lagu tartamaayay murashax ahayn balse doorwayn oo is xulafaysi ah ku xoojinaayay Xisbiga Kulmiye oo tartanka ugu adagi dhexmaray Murashaxiinta Waddani. Dhaqaale u badna maalgashi dabadeed iyo dawlado shisheeye ayaa si aan qarsoodi lahayn waxay dabada uga riixayeen doorashadii Madaxtooyada oo markaas 2016-kii diyaar garawgeedu socday. 4- Murashaxii Xisbiga Kulmiye oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isna wuxuu aha 2016-kii mid aanay bulshadu sawir fiican ka haysan hoggaamintiisa iyo siday noqon doono. Maanta oo ah doorasho kale iyo sannad ka duwan oo ah 2021- waxay labadan Musharax saxada yimadeen iyadoo dhammaan qodobadasi meesha ka maqan yihiin. Taxalufkii siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye ee Axmed Siilaanyo odayga ka aha oo noqday mid aan la mahadin, bulshadii oo u qaybsantay si aanay rer Somaliland waligood u qaybsamin, dhaqaale xumo daran oo Dalkii wajahay, maamulkii dawladnimo oo soo uruuray, Murashaxii Kulmiye ee wakhtigaas oo la tijaabiyay halku dhiga dadkii u codeeyayna noqotay “Fartaydii eeday”. Intaas iyo in kabadan ayuu sannadkan 2021-ku kaga duwanyahay 2016-kii. Gebo gebadii diyaar garowga Xisbiga Waddani isku nidaaminaayo, mudaynta Shirwaynihii Xisbiga oo loo qabtay 7-bilood gudahood iyo doorashada Murashaxiinta Madaxtooyada ee Maanta la doortay waxay muqaal ka bixinaysa inuu Xisbiga Waddani isu diyaariyay guusha doorashada Madaxweyne ee 2022-ka Haddii Alle ka dhigo. Muniir Axmed Cigaal. Source
  22. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar ku saabsan in Madaxweyne Farmaajo maalinta berry ah u safri Addis Ababa si uu heshiis Amni ula saxiixdo dalalka Itoobiya iyo Eriteeriya. “Wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah waa mid been abuur ah oo aan jirin.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Villa Somalia. Dowladda Federaalku waxay sheegtay in Safarada shaqo ee Madaxweyne Farmaajo ay yihiin kuwa daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed. “Waxaa nasiib darro ah in Madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jaahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga gol leh dano siyaasadeed oo gaar ah, halka ay ahayd in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee horyaallay 4-tii Sano ee la soo dhaafay.” Ayuu sii raaciyay Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo beenisay warar laga faafiyay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  23. Safiirka u fadhiya Jabuuti Soomaaliya Amb.Aaden Xasan ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa waxay kawada hadleen Xaalada Dalku ku sigan yahay, gaar ahaan Arimaha Doorashada. Jabuuti waxay kamid tahau Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kolka lagasoo tago wada Dhalashada, waxayna had iyo jeer saameyn ku leedahay Siyaasada Soomaaliya. Xukuumada Madaxweyne Farmaajo iyo Jabuuti xiriirkoodu ma fiicnayn tan iyo Markii Madaxweyne Farmaajo uu saaxiibka la noqdey Eritrea iyo Itoobiya. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxweyne Deni iyo Safiirka Jabuuti oo kawada hadlay Doorashada appeared first on . Source