-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-3132021.mp3 View the full article
-
WAREEGTO MADAXWEYNE: 31 /03/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-642/032021 iyo JSL/XM/WM/222-643/032021 uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada kuna magacaabay masuul cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Cabdi Maxamed Rodol, Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Waxaan Go’aamiyey; In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
-
Kabtan Sayed Shesha, oo ah lataliye ka ah Hay’adda Kanaalka Suweys, ayaa wareeysi uu siiyay warbaahinta ON TV, ku sheegay in maanta ay bilaabayaan baaritaan ku saabsan ciladahii qabsaday markabkii Ever given oo dhawaan ku ciladoobay Kanaalka Suweys. Lataliyaha Hay’adda Kanaalka Suweys ayaa sharaxay in baaritaanka ay qeeyb ka ahaan doonaan hubinta in kabtanka markabku uu ka jawaabay amaradii Hay’adda ka hor inta uusan markabku ciladoobin. Khubarada u xil saaran baaritaanka markabkan konteenarrada siday ee muddada toddobaadka ku dhow xayiray Kanaalka Suweys, ayaa su’aalo la xiriira sababaha shilka weydiin doona maamulka iyo Kabtanadii waday maraakan. Mid kamid ah Hawl wadeenada Hay’adda Kanaalka Suweys oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in khubaradu ay iskudayi doonaan inay ogaadaan waxa sababay cilada markabka. PUNTLAND POST The post Masar oo bilowday baaritaanka markabkii xayiray marinka Suweys appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulankii golaha shacabka ayaa furmay iyadoo ay ka maqan yahiin 15-ka xildhibaan ee laga mamnuucay iney yimaadaan shanta kulan ee soo socota kadib fowdo ay sameeyeen kalfadhigii sabtidii la rabay iney yeeshaan golaha shacabka, waxaana maanta la ansixiyay xubno. Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa furitaanka kulanka ka hadlay, wuxuuna sheegay in 139 mudane ay xaadir yahiin, wuxuuna sheegay in kaliya saddex ajende ay miiska saaran kuwaas oo kala ah: Cudurka Cronavirus, u Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha halka meesha laga saaray Ajandaha Saddexaad ee ahaa Sharciga Qaxootiga Qaranka. Labada xubnood ee kala ah Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza ayaa cod loo qaaday iney ka mid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha, waana la ansixiyay. Gudoomiye Mursal oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in 136 mudane ay u codeysay in labadaas xubnood ay ka mid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha, sidoo kalana sadex mudane ay ka aamustay, mana jirin cid diiday. Laba ajande ayaa dhiman oo ah mid ku saabsan xanuunka safmarka ah ee Covid19 iyadoo wasiirka caafimaadka xukuumadda xil-gaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ay warbixin ku saabsan xanuunkaan baarlamaanka u akhrineyso, waxaa xigi doona in laga hadlo ajandaha saddexaad oo ah Qaxootiga Qaranka.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-642/032021 iyo JSL/XM/WM/222-643/032021 uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada kuna magacaabay masuul cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Cabdi Maxamed Rodol, Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Waxaan Go’aamiyey; In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
-
Sababta Eyga Madaxweynaha Mareykanku Aqalka Cad Dadka ugu qaniino Mid kamid ah eyda uu xanaaneysto madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo lagu magacaabo Major oo aqalka cad ayaguna loo soo wareejiyay kadib markii xilka loo dhaariyay Biden ayaa markii labaad bishaan gudeheed qof ku dhex qaniinay Aqalka Cad. Eyga oo falkaan ku kacay maalmo uun ka dib markii laga soo celiyay tababar loo geeyay Delaware. Afhayeen u hadlay marwada koobaad ee Jill Biden ayaa sheegay in qofka uu qaniinay eyga lagu arkay qeybta caafimaadka ee Aqalka ka hor inta uusan shaqada ku laaban. Major oo ah labada ey midka yar, ayaa ah Eyga oo ah nooca loo yaqaano German shepherds. “Waa ey aad u fiican.” ayuu yiri biden. Michael LaRosa, oo ah afhayeenka Jill Biden ayaa sheegay in dhacdada oo Isniintii dhacday ay tahay mid muujineysa in weli eyga Major uu la qabsanayaayo deegaanka cuusb. Waxa uu sheegay inuu qaniinay qof dhex socday gudaha Aqalka. CNN ayaa soo werisay in shaqaale ka tirsan Shqaalaha Seerada Qaranka uu eyga qaniinay, taasi oo sababtay in shaqada uu joojiyo oo daweyn la geeyo, hase yeeshee shaqaalaha la sheegay in la qaniinay ayaan ka soo jawaabin codsi ay CNN u dirtay si uu uga hadlo dhacdada. Labada ey, Major iyo Champ, oo 13 jirro ah ayaa la geeyay guriga gaarka ee qoyska Biden oo ku yaalla Wilmington, Delaware ka dib markii ay qaniinyada koobaad ay dhacday 8-dii bishaan Maarso. Waxaa la sheegay inuu markaasina qaniinay mid kamid askarta qaabilsan amniga aqalka cad. Major Biden iyo madaxweyne Joe Biden Eygan ayaa la sheegay in uu lasoo baxay dabeecado qallafsan markii la geeyay aqalka cad. Madaxweynaha Mareykanka ayaa eygan soo korsaday saddex sano kahor. Waxaa uu noqonayaa xayawaankii ugu horreeyay ee inta aqalka cad la geeyo kadibna laga saaro. Ilo aan la shaacinin ayaa warbaahinta CNN u sheegay in eyga uu buuq iyo bodbood ku wareeriyay shaqaalaha ammaanka qaabilsan ee aqalka cad. Marwada koowaad ee Mareykanka, Jill Biden ayaa bishii lasoo dhaafay mid kamid ah warbaahinta Mareykanka u sheegtay in markii ay usoo wareegeen aqalka cad ay diiradda saartay sidii ay u saldhigan lahaayeen eyda oo xilligaas ku cusbaa madaxtooyada. “Waxay noqotay in ay adeegsadaan wiishka oo aysan u baranin, waana taas sababta aan aadka ugu doonayay in qofwalba uu saldhigto,” ayay tiri Jill. Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu leeyahay taariikh dheer oo ah in madaxda halkaas imaneysa ay la yimaadaan xayawaano, haseyeeshee madaxweyne DonaldTrump ayaa waxaa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee aanan ey ama xayawaan kale keensanin aqalka cad muddo 100 sano ah. Joe Biden ayaa sheegay in uu Biden ka murgacday lugta xilli uu la dheelayay mid ka mid ah eydiisa. Madaxweyne Biden ayaa dhammaadka sanadkii hore dhaawacmay kadib markii ay u baxday lugta oo uu dhulka ku dhacay xilli uu la ciyaarayay eyda uu dhaqdo midka ugu weyn. Madaxweyne Biden ayaa aqalka cad la wareegay horraantii sanadkan, inkastoo aanu xil wareejintii loga bartay aanu ku sameynin madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Trump, kadib markii uu saluugay doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka. Qaran News
-
Maxay tahay digniinta Al Shabaab ay kasoo saartay tallaalka la geeyay Soomaaliya? Al Shabaab ayaa shacabka uga digtay inay isticmaalaan tallaalka AstraZeneca ee dhawaan la geeyay Soomaaliya. Waxay shaki ka muujiyeen waxtarka iyo badqabka tallaalka iyagoo soo hadal qaaday in tallaalka ay joojiyeen qaar kamid ah dalalka Yurub, sida ay ku baahiyeen bogag taabacsan kooxda. Al Shabaab ayaa sheegtay in dowladda aysan laheyn qalab ama sheybaar tayeysan oo lagu hubin karo waxtarka iyo ammaanka tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19. Waxay shacabka ugu baaqeen in Alle bari ay sameeyaan si loo helo tallaal ammaan ah oo waxtar leh. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay ka hadashay tallaalka ka hortegga Covid-19 ee AstraZeneca, kaas oo la keenay dalka. Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxa ay shaki weyn uga muujiyeen waxtarka iyo badqabka tallaalkan oo horey u joojiyeen qaar ka mid ah wadamada reer Yurub. Sidoo kale kooxda Al Shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay inay isticmaalaan tallaalka ka hortegga Coronavirus ee loo yaqaano AstraZeneca. Al-Shabaab ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka in Alle bari ay sameeyaan, si loo helo tallaal ammaan ah oo waxtar leh. Ugu dambeyn bayaankan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan awood u laheyn hubinta tallaalkan, maadaama aysan heysan sheybaar casri ah. Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya uu soo gaaray tallaalka AstraZeneca, kaas oo isticmaalkiisa laga bilaabay qeybo badan oo ka mid ah dalka.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey,adda Tika u qaabilsan Soomaaliya Waxaay kawada hadleen Wada Shaqeynta ka dhaxeysa Hey,adda Tika ee laga leeyahay Dalka Turkiga iyo Gobolka Banaadir iyo in ay kawada shaqeyaan Shaqooyin istaraatiiji ah oo ku sabsan Arrimaha Hormarinta. Sida taageerida Machadka Dowladda Hoose iyo Xoojinta Xiriirka Dowladda Hoose ee Xamar iyo Dowladaha Hoose ee istanbuul iyo Konya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay inuu ka ladnaaday xanuunka covid-19 isla markaana laga waayay baadhitaan lagu sameeyay maalintii shalay. Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka. Waxa uu madaxweyne ku xigeenku u mahad naqay shacabka JSL ducadii ay usoo duceeyeen mudadii uu xanuunkaasi hayay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta is hortaag ku sameeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, xilli ay kusii jeedeen xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanadan oo uu ku jiro Mahad Salaad, kana mid ah xildhibaanadii laga mamnuucay kulamada baarlamaanka ayaa waxaa laga celiyey isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu Mahad Salaad ku sheegay in ciidamo ka amar qaata madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ay ku celiyeen Dabka, isaga oo shaaca ka qaaday in wixii mas’uuliyad ah uu qaadayo guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. “Isgoyska Dabka ayaa Ciidamo Farmaajo ka amar qaata hada nagu hortaagan yihiin aniga iyo Xildhibaano kale. Mas’uuliyada wixii na soo gaara Maxamed Mursal ayaa qaadaya” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook. Tallaabadan ayaa timid, kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka oo gaaraya illaa 15 mudane lagu eedeeyey in ay buuq iyo fowdo ka sameeyeen kulankii Sabtida ee baarlamaanka, kuwaas oo illaa amar dambe laga mamnuucay kulamada soo socda. Si kastaba xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa maanta kulan gaar ah ku leh xarunta Villa Hargeysa, kaas oo ay xubnaha qaar tuhun ka muujinayaan inuu jirio muddo kororsi.
-
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga joojiyay in ay soo xaadiraan kulamada Golaha ayaa sheegay in ciidamada ka tirsan dowladda ay u diidan yihiin in ay maraan Wadooyinka Magaalada . Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay ku celinayaan Wadada Debka, isaga iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka . Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in Mas’uuliyadda wixii ku dhaca uu qaadan doonno Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal Xildhibaan Maxamuud Abdirahman Beene Beene oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacab ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga ku sheegay in aysan dowladnimo aheyn waxa ay ku kaceen Madaxda sida uu hadalka u dhigay . “Ciddii waxaani dowladnimo u moodda ama u riyaaqda ama u malaysaba in waxaani dhib weyn jirin oo ay caadi yihiin. Safarkaani halkii uu usocday markii uu gaaro ayaad garan doontaa.” Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Waxa muuqda oo kaliya in aysan aheyn arinta balse ay jiraan Wax intaa ka weyn . “Dadbaa waxeey moodaan in aan kahadlayo beebahaas, dhowr ka shaqsi ee wadada ka muuqato Iyo wadadaas xeran, Go’aye cashir intaa kaban ayaa meesha kujira!” “Garashadaasne Rabbi in uu kuugu maneyste mooyee wallaahi in aadan School kasoo dhigan karin!” Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa mar kale waxa uu Murrashax Madaxweynaha ee Xisbigaasi u soo xulay Candiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), halka uu mar kale ku sidkan yahay Murrashaxii Jagada Kuxigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay wada dhaceen doorashadii Madaxtooyada 2017-kii. Shirkii Golaha Dhexe ee shalay ayaa xubnaha Golaha Dhexe, waxa ay cod aqlabiyad ah ku doortay Murrashax madaxweyne Kuxigeenka, inkasta oo aanay jirin cid la tartantay. Dib u doorashada Murrashax Madaxweyne kuxigeenka ee Xisbiga Waddani Maxamed Cali, oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa noqotay mid taariikhi ah, ka dib markii Xisbi Mucaarad ah oo ka mid ah Somaliland uu dib u soo celiyo murrashax u taagnaa jagada Madaxweyne kuxigeenka oo doorasho madaxtooyo, isla dhaceen murrashaxii Madaxweynenimo. Murrashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Waddani Maxamed Cali, markiisii koowaad murrashax Madaxweyne kuxigeen loo doortay 2016-kii, xilligaas oo uu loollan adag kala kulmay Siyaasigii Guddoomiye kuxigeenka Waddani ahaa ee Axmed Muumin Seed, ayaa shalay 30 bish March mar kale loo doortay jagadaasi. Tallaabadan, Xisbiga Waddani ku soo celiyey Murrashaxan, oo aanay dood badan ka dhalan sababta keentay, ayaa dadka siyaasadda falan-qeeyaa ay tilmaameen in ay tahay mid uu Guddoomiyaha Xisbigaasi u arko in mar kale, isaga iyo kuxigeenkiisa la siiyo fursad kale doorashada Madaxtooyada ee sannadka 2022-ka, madaama oo ay doorashadii hore 40% keeneen codadkii la bixiyey. Arrinta kale ee keentay soo noqoshada Murrashaxan, ayaa dadka qaarkood aamisan yihiin in haddii dood la geliyo, in ay taasi keeni karo in Murrashax Madaxweynaha laftiisa su’aal laga keeno soo noqoshadiisa, taas oo khilaaf ka dhex abuuri karta Waddani, sidii hore ugu dhacay Kulmiye ka dib doorashadii 2003-dii oo siyaasiyiin Xisbigaasi ka mid ah soo jeediyeen in la beddelo, madaama oo uu guul darro ka soo hooyey doorashadii wakhtigaasi, iyada koox kalena soo jeedisay in wakhti la siiyo, taas oo khilaaf culus gelin gaadhay Xisbigaasi. Xulashada murrashax Madaxweyne kuxigeenka, ayaa inta badan Xisbiyadu ku saleeyaan istiraatijiyado kala duwan oo salka ku haysan deegaanka Gobolka awdal iyo Beelaha degaa, sida ay u kala taageeraan Xisbiyada. Qodobka la weydiinayey ee la filayey in Xisbiga Waddani uu ka qiyaas qaadanayo, ayaa ahaa in xulashadiisa Madaxweyne ku-xigeenku ay noqon karto mid la jaan qaadaysa, is beddelka Siyaasaddeed ee ku yimid Gobolka Awdal, taas oo ay keentay ka dib markii Madaxweyne kuxigeenka imika Cabdiraxmaan Saylici oo labadiisii Teeram qaatay in laga saaray Hoggaanka Kulmiye, oo qorshahan Kulmiye bannaanka u saaray mid ka mid ah Beelihii Gobolka Awdal ee taageerada siin jiray Kulmiye, isla markaana Siyaasiga Maxamed Xasan Saajin lagu beddelay, loona badinayo inuu noqon doono murrashax Madaxweyne kuxigeenka ee doorashada 2022-ka, kaas oo ay isku deegaan yihiin murrashaxa Madaxweyne kuxigeenka ee Waddani ee shalay doortay. Deegaanka uu ka soo jeedo Saylici, oo aan imika fursad ku haysan Kulmiye iyo Waddani, ayaa waxa dhici karta in ay Is bahaysi siyaasaddeed la galaan Xisbiga UCID, oo siin kara jagada Murrashax Madaxweyne kuxigeenka, haddii aan la siinba ka Murrashax Madaxweynaha. Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayey Murrashaxiin u soo xuleen tan iyo Doorashadii Madaxtooyada ee 2003 – 2017 Kulmiye, waxa uu doorashadii u horreysay ee madaxtooyada Murrashax Madaxweyne kuxigeen u noqday Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, kuwaas oo ay la tartameen Cabdillaahi Xasan Buuni iyo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Alle ha u naxariisto labadoodaba. Xisbiga kulmiye mar kale, isaga oo ka duulaya qorshihiisa siyaasaddeed ee Gobolka awdal uu beddelay, waxaanu dejiyey qorshe uu ku keenayo murrashax madaxweyne kuxigeen oo aanay isku deegaan hoose ahayn Murrashaxii Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu keenay Cabdiraxmaan Saylici, oo ka soo jeeday mid ka mid ah Beelaha Awdal oo iyagu taageero u ahaa Kulmiye, kuwaas oo weliba Qurba joogoodu dhaqaale badan geliyey Kulmiye. Qorshahaasi kulmiye-na wuu guuleystay oo waxa Xisbigu ku guuleystay doorashadii 2010-kii. Mar kale Kulmiye, waxa uu dejiyey qorshe cusub oo uu ku doorayo inuu taageero badan kaga helo Gobolka awdal, isaga oo doonaya inuu soo sharaxo Siyaasi Saajin oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Guddoomiye kuxigeenka Afraad ee Kulmiye. Xisbiga UCID, waxa uu isaguna jagada Madaxweyne kuxigeenka u soo sharaxay doorashadii u horreysay ee Axmed Cabdi Source
-
Xildhibaan Mahad Salaad oo kamida Xildhibaanada Mucaaradka ah kana mid ahaa 15 Xildhibaan ee magacyadooda loo qaybiyey Ciidamada si ay uga hor istaagaan inay galaan Baarlamaanka ayaa ilaa hada ku xayiran Isgoyska Dabka , halkaasoo Ciidamada Amaanku ay u diidan yihiin inuu u gudbo Magaalada hoose. Xildhibaanka waxaa wheleliya Xildhaabo kale oo aan tiradooda la sheegin, sida ay Puntlandi.com u xaqiijiyeen Dad arkaya Xildhibaanka oo la midnats Ciidamada si loogu ogolaado inuubu gudbo dhankaas iyo Baarlamaanka. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News—Xildhibaan Mahad Salaad oo Ciidamo ku xayireen Isgoyska Dabka appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah wadada aada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada waddooyinka ee loo yaqaano Traffic, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi qaraxa lagula beegsaday halka loo yaqaano Xoola Qalka, waxaana kasoo gaaray khasaare dhaawac ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban sameeyey qaraxa, kadib. Weli ma jiro wax hadal ah oo ay laamaha amniga kasoo saareen qaraxan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey qaraxyo u badan nooca miinada, waxaana kii ugu dambeeyey uu ka dhacay degmada Dayniile.
-
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay madaxweyne Farmaajo nin dalka xoog ku haysta. Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxu ku baaqay in lala dagaallamo oo awood ciidan xilka looga xayuubiyo madaxweynaha, islamarkaana aan hadal dambe la isaga lumin ka hadalka arrimaha doorashooyinka dalka. “Ninkaas doorasho lala galo ma taalo ee waa in uu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa” ayuu yiri Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir. Sidoo kale, wuxu tilmaamay in Mr Farmaajo Raggii doorashada kula tartami lahaa uu weeraray 19 February, halka Raggii taladu ka dhexaysana ay naftood ku aamini waayeen oo Xalane ku dageen. “Habeenkii iyo maalintii 19 Febraayo wuxuu weeraray ragii la tartami lahaa. Ragii ay talada kala dhaxaysana naftooda ayey ku aamini waayeen oo hubkooda ayey la soo degeen, Xalane way degeen.” Ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Farmaajo dalka xoog buu ku haystaa waa in la iska kiciyo appeared first on Puntland Post.
-
Inkastoo subaxnimadii hore ee saaka ay Ciidamada Amisom diideen in Baarlamaanka ay galaan Xildhibaanadu kadib markii ay Xildhibaanada Mucaaradka iyo Muxaafidku ay Qolada walbaa Ciidan soo kacaysteen, hadana aakhirkii waxaa lagu guulaystay in Ay si nabadgalyo ah ay Xildhibaanadu ku galaan Hoolka Baarlamaanka. Gudoomiye Mursal ayaa hada la sugayaa inuu Golaha furo kana hor akhriyo Ajandaha kulanka. Puntlandi.com Muqdisho The post Xildhibaanadii oo loo ogolaadey inay ku shiraan Hoolka hadana sugaya in Kalfadhigu uu furmo appeared first on . Source
-
Kadib markii Ciidamada Amisom ay soo faariqiyeen Hoolka Baarlamaanka ayaa Xildhibaanadii dhamaan waxay isdhoobeen banaanka hore ee Baarlamaanka. Hada waxaa Wadahadal u socdaa Xildhibaanada iyo Gudoonka Baarlamaanka si ay si nabdooni ah oo aan Buuq lahayn ay uwadagalaan Gudaha Baarlamaanka. Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in Gudoomiyuhu uu Ciidamo badan la yimid Baarlamaanka tasoo Buuq dhalisay, wuxuu Gudoomiye Mursal uu la hadlay Ciidamada Amisom, wuxuuna u sheegay in uu la hadlayo Xildhibaanada si ay si nabadgalyo ah oo aan khashkhashaad lahayn ay u galaan Gudaha Baarlamaanka, taasna Amisom way aqbaleen, laakiin waxaa shaki ku jiraa qaabka uu Gudoomiyuhu uga dhaadhiciyo Xildhibaanada Mucaaradka inay joojiyaan khashkhashaada. Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com Puntlandi.com Breaking News Center Garowe The post War Deg Deg Ah: Gudoomiye Mursal oo Amisom ka dalbadey in Xildhibaanadu ku laabtaan Gudaha Hoolka si nabadgalyo ah appeared first on . Source
-
Guddoomiyahii Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaday ayaa 27/03/2021 soo saaray go’aanka summadiisu tahay GSH 362/B-12/21, go’aankaas oo ujeeddadiisu ahayd ka joojin ka qaybgal fadhi, Nuxurkiisuna ahaa in 15 mudane oo golaha ka mid ah laga joojiyay ka qaybgalka fadhiyada golaha shacabka. Haddaba, Mursal, ma u heystaa sharciyad inuu Xildhibaannada sida uu rabo ka yeesho ama uu ka joojiyo kulamada?! Abuukaate Carab oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in ugu horeyn hay’ada dawladda oo dhan iyo madaxda qarankuba ay tahy inay u hogaansamaan shuruucda dalka oo dastuurku ugu horreeyo, sidoo kalane sharcigu waa in uu ahaadaa hagaha qaybaha Dawladda oo dhan sida uu jiddaynaayo qoddobka 4aad Ee Dastuurka FKMG gaar ahaan farqadiisa 1aad. Isaga oo intaa raaciyey “Si taa la mid ah, go’aammada ka soo fula maamullada dawladda iyo hay’adaheedaba waa inay ahaadaan kuwo ku dhisan sharci, maangalna ah, go’aan-ka-gaaristoodana loo maray hannaan caaddil ah, sida lagu jideeyay qoddobka 32aad ee Dastuurka FKMG”. Mar uu ka hadlay awoodaha guddoomiyaha golaha shacabka waxaa sheegay in aanu jirin qodob u ogolaanaya inuu talaabo shaqo joojin ah Xildhibaannada ku sameeyo“ Awoodaha iyo xilalka guddoomiyaha golaha shacabka waxaa lagu qeexay qoddobada 14aad iyo 16aad ee Xeer-hoosaaska golaha , mana ku jiro hal qoddob oo guddoomiyaha awood u siinaaya in uu qaado tallaab noocaas ah, annaga oo maanka ku hayna in awood kasta oo mas’uul leeyahay ay lama huraantahay inay si cad ugu qeexantahay sharciga. Sida lagu jideeyay farqadda 2aad ee qoddobka 50aad ee Xeer-hoosaadka golaha shacabka, haddii tallaab laga qaadaayo xubin ka tirsan golaha waa in uu soo jeediyaa guddiga xeer-hoosaadka, daryeelka, anshaxa iyo xasaanadda, farqadaas xarafkeeda(E) wuxuu u qoranyahay sidaan “Guddigan wuxuu talo bixin ka jeediyaa, arrimaha la xariira tallabooyinka anshax marinta ee laga qaadaayo xubin ka tirsan Golaha Shacabka, sababo ay kamid yihiin anshax xumo ama ku xad-gudubka Xeer Hoosaadka Golaha”. Ayuu yiri Abuukaate Daahir Carab. Ugu dambeyntii, waxaa uu Daahir Carab kusoo gabagabeeyey hadalkiisa in go’aan kasta oo aan ku imaan habraacyada la soo tilmaamay wuxuu noqonayaa mid baalmarsan sharciga, gaar ahaan dastuurka iyo Xeer-hoosaadka golaha shacabka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ku yeelan doono xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid tahay saameynta Covid-19. Kulankan oo ah mid isha aad lagu hayo ayaa daba socda, fadhigii uu buuqa hareeyey ee ay xildhibaanadu ku kula kaceen Sabtidii lasoo dhaafay, kadib markii xildhibaanada qaar oo ka cabsi qabay muddo kororsi ay billaabeen fowdo iyo buuq hareeyey kulanka baarlamaanka. Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo golaha shacabka ayaa sheegaya in goor dhow uu bilaaban doono kulanka, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka xarunta golahaasi. Sidoo kale waxaa jira dood weli ka taagan go’aankii guddoomiye Mursal uu kulamada baarlamaanka uga mamnuucay illaa 15 mudane, kuwaas oo wacad ku maray inay tagayaan xarunta Villa Hagreysa, islamarkaana ay qeyb-galayaan kulanka maanta. Wariyeyaal tegay xarunta ayaa sidoo kale sheegay in albaabka hore la dhigay sawirrada xildhibaanada loo dooday inay ka qeyb-galaan kulankaasi, si u celiyaan ciidanka amniga. Xaaladda ayaa ka duwan sidii hore, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka soo-gala madaxtooyada, gaar ahaan wadada ka timaada dabka ee gasha madaxtooyada, wadada isgoyska Ceelgaabta iyo tan ku xigta ee hormarta Bacadlaha Xamarweyne. Ciidamada la dhigay waddooyinkaasi ayaa gaadiidka baaraya, iyaga aqoonsiyo weydiinayo, halka kuwa kalena ay ka celinayaan halkaasi. Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo go’aanada kasoo baxaya kulanka golaha shacabka oo kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo lagu jiro marxalad kala guur ah.
-
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa markale baaq u dirtay madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka. Qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa si gaar ah looga dalbaday Axmed Madoobe iyo Deni inay kusoo biiraan shirka wada-tashiga Qaran ee Afisyooni. Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in khilaafka ka taagan doorashooyinka lagu dhammeeyo wada-hadal, si looga baaqsado xasilooni darro. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinka inay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Baaqa kasoo yeeray dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, xilli lagu jiro xaalad adag oo kala guur ah, islamarkaana uu is mari-waa ka taagan yahay doorashada. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinka dambe ee maanta kulan gaar ah la qaadan doono hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa ka dhacay xeyndaabka xerada Xalane, waxaana garwadeen ka ah beesha caalamka, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wakiilada beesha caalamka ayaa si gaar ah ula kulmay dhinacyadan, iyaga oo ugu dmabeyn ku guuleystay inay labada dhinac aqbalaan isa soo hor-fariisigooda. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saaro xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka hareeyey doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka. Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo muddo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka biyo diidan hannaanka ay dowladda ku wajaheyso doorashooyinka, iyada wada-hadallada labada dhinac uu gaabis noqday, kadib shuruudo ay miiska soo saareen Jubbaland iyo Puntland. Si kastaba beesha caalamka ayaa horey u kulansiisay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada oo si gaar ah uga wada-hadlay arrimaha doorashooyina dalka ee 2021-ka..
-
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, oo tixraaceysa war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Yemen ayaa sheegtay in uu jiro xiriir iyo iskaashiga ka dhexeeya maleeshiyada Xuutiyiinta iyo ururada Daacish iyo Al Qaacidada. Warku wuxuu intaa ku daray in maleeshiyada Xuuthiyiinta ay dhawaan sii daayeen 252 oo maxaabiis Al-qaacida ah, iyo sidoo kale mid ka mid ah dadkii ka danbeeyay qorshaha weerarkii Markabkii USS Cole, taasoo muujineysa in Xuuthiyiinta ay xariir adag la leeyahiin Al Qaacidada. Sido kale warbinta ayaa intaa ku dartay in 55 xubnood oo Al-qaacida ah oo ku sugan magaalada Sanca ay hoostagaan kooxda Xuutiyiinta. Warbixinta ayaa muujisay in xiriirka Xuutiyiinta iyo ururada argagixisada uu gaarey heerkii ugu sareeyay, oo ay ka mid yahiin wada shaqeyn iyo xog isweydaarsi si loo wiiqo xasilloonida iyo midnimada shacabka Yaman. Warqaddan ay Dawladda Yaman u gudbisay Golaha Amaanka ee Q.M, ayaa ku taariikheysneed 30-ka bashan Maarso, kaa oo ka koobnaa 21 bog oo ku qoran saddex luqadood oo kala ahaa Carabi, Ingiriis iyo Faransiis. PUNTLAND POST The post Xuutiyiinta Yemen oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida iyo Daacish appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa la dhammaystiray inta badan dhismaha waddada Cabbaaye Waa markii ugu horraysay oo dib loo dhiso waddada Cabbaaye tan iyo markii la dhisay oo ahayd wakhtigii dawladdii Siyaad Barre, marka laga reebo Maayir Xuseen Maxamud Jiciir oo mar kabkab wanaagsan ku sameeyay wakhtigii dawladdii Madaxweyne Riyaale. Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa ku guulaystay inay dib u dhis ku sameeyaan waddada Cabaaye oo ah muddo muhiim u ah isku socodka magaalada Hargeysa. Source