-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaar ka mid xildhibaanadii baarlamaanka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka mamnuucay in aysan soo xaadirin Fadhiyada Baarlamaanka ayaa sheegay in ay tagayaan Kulanka maanta . Xildhibaan Mahad Maxmed Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanadii Mursal uu ka mamnuucay in ay soo xaadiraan Fadhiyada Baarlamaanka ayaa sheegay in ay soo gaarttay fariinta lagu balamiyay xildhibaanada uuna tagi Doono . Mahada Salaad ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka dhaca uu mas’uuliyadeeda qaadan doono Maxamed Mursal. Dhanka kale Madasha Badbaado Qarana ayaa dhankooda Qoraal ay xalay soo soo saareen ku shegay in ay cambaareynayaan Go’aanka uu Mursal xildhibaanada uga mamnuucay Shaqadooda. Madasha Badbaado Qarana ayaa sidoo kale sheegtay in uu mas’uuliyadda dhibaatooyinka Xildhibaanada soo gaara uu qaadan doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal oo ay sheegen in Magacyada Xildhibaanada uu dhigay Baraha lagu hubiyo gaadiidka galaya Xarunta Baarlamaanka si looga Celiyo . Maxamed Mursal Sh. Abdirahman ayaa 27-kii bishaan soo saaray go’aan uu 15 Xildhibaan kaga mamnuucayo in ay soo xaadiraan Fadhiyada Baarlamaanka . Xildhibaanada Shaqada uu ka joojiyay ayaa waxaa ka mid ah Mahad Salaad , Xil Cabdullahi Maxamed Nur , Xildhibaan Xasan Yare iyo Xildhibaano Kale . Source: goobjoog.com
-
(SLT-Qaahira)-Madaxa Maamulka Suweys, Admiral Osaama Rabiici ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey Khasaare maalmeedkii ay kala kulmeen Markabkii xanibay Kanaalkaasi . Waxa uu Admiral Osaama tilmaamay inay lacag u dhexeysa 12 million oo dollar ilaa 15 million oo dollar ay khasaareen 6-dii maalmood ee ay socotay xanibaadaasi. Mar wax laga weydiiyey inay iyagu mas’uul ka ahaayeen Markabkii ku caariyey Kanaalka, waxa uu xusay inay iyagu dhibane ah, laguna eedeyn karin shilkaasi. Shirkadda leh Markabkii xanibay Kanaalka maalmihii la soo dhaafay waxay iyagana sheegeen in aanu Maamulka Kanaalka mas’uul ka ahayn inuu Markabkooda ku caariyey Kanaalka. Markabka Ever Given waxa Kanaalka laga jiiday maalin ka hor, taasi oo soo af-jartay Xanibaadii Marinka Kanaalka Suweys ee isku-xidha Badda Cas iyo Badda Mediterrean Sea. Tan iyo bishan March 23-dii waxaa xanibnaa Marinka Kanaalak Suweys ee isku xidha Badda Cas iyo Badda The Mediterranean Sea, kadib markii uu Markab Xamuul oo aad u culus ku caariyey inta u dhexeysa labada Cidhif ee Kanaalkaasi. Source
-
Soomaaliya ayaa ku guuleysatay xakameynta faafitaanka nooca seddexaad ee cudurka dabaysha, ka dib olol tallaal oo laga hir galiyay dalka sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO. Agaasimaha WHO ee ciribtirka Cudurka Dabaysha ee Bariga Mediterranean Dr. Xamiid Jafari ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray Isniinta ‘nooca Talaalka looga hortagayio cudurka dabeysha nooca 3 (cVDPV3) , iyadoo si rasmi ah loogu guuleystay Xakameynta faafintanka Cudurka . Sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka, kiiskii ugu dambeeyay ee nooca seddexaad ayaa laga diiwaan galiyay Soomaaliya sanadka 2018, xilligaasi oo uu Cudurka curyaamiyay toddobo carruur ah. “In kasta oo la qaatay tallaabooyin ballaaran oo lagula socodo cudurka ma jirto wax cVDPV3 ah oo la aqoonsaday tan iyo 7-dii Sebtember 2018, markii cunuggii ugu dambeeyay uu curyaan noqday.” Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay WHO. Nooca ‘CVDPV3’ ee 2018 la arkay wuxuu ka mid ahaa 2-nooc oo cudurka dabaysha ah oo ka dillaacay xilligaas Soomaaliya. ,Talaalka cudurka dabaysha oo loo yaqaan ‘poliovirus type 2 ayaa lagu guuleystay in uusan nooca seddaxaad ee cudurka uusan soo gaarin Soomaaliya. Xidhitaanka cudurka dabaysha ayaa ah nidaam rasmi ah oo ay hogaamineyso liis hubineed oo faahfaahsan oo muujinaya tilmaamayaasha la socoshada oo ay tahay in la buuxiyo si loo muujiyo in fayrasku uusan ku dhuumaaleysanin jeebka fog laakiin uu si dhab ah u lumay, ayay tiri WHO. Source: goobjoog.com
-
Waxaa Saakay xiran inta badan wadooyinka Muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo goobaha qaar isku socodka dadka iyo gaadiidka ay diidayaan Ciidamada dowladda. Wadooyinka oo lagu arkayo ciidamada dowladda iyo gadiidka dagaalka qaar , ayeey ciidamada gadiidka dadweynaha ka celinayaan goobaha qaar in ay maraan. Jidadka xiran ayaa waxaa ka mid ah adooyinka soo gala Wadada dheer ee Maka Al-mukarama , taas oo ay shacabka lugahooda ku marayaan , kadib markii la diiday gadiidka dadweynaha . Waxaa si gaar ah loo adkeyay wadooyinka Galo Madaxtooyada , iyadoo saaka ay xildhibaanada Kulan yeelanayaan . Xirnaasha wadooyinka oo ay dadka Saakay ku waa bariisteen , ayaa la ogeyn sababta ka dambeysay in wadooyinka loo xiro. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka shiraya Ajenda ay shaki galiyeen Xubnaha ka aragtida duwan Xukuumadda . Source: goobjoog.com
-
Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa xalay qaabilay Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan is mari-waaga doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka. Sidoo kale Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la wadaagay Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo Shirweynaha Doorashada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Waxaa maanta oo Arbaca ah xarunta Villa Hargeysa la filaya in uu ka furmo Fadhi ay yeelanayaan xildhibaanada Golaha shacabka BJFS. Xildhibaanada oo xalay loo diray fariin ku aaddan in ay soo xadiraan fadhiga Maanta ayaa loo sheegay in looga hadlayo Ajendayaal ay ka mid yihiin :- 1: Covid-19 2. U Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga M/B ee Xuduudaha 3. U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka. Ajendaha shirka maanta ayaa waxaa horay cabsi uga muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Madasha Badbaado Qaran. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa horay u sheegay in Ajendaha uu ku hoos qarsan yahay qorsha Mudda Kordhin ah oo ay Xukuumadda wadato. Waxaana Xarunta shirka uu ka dhacayo ka socda saakay diyaar garowgii ugu dambayey ee shirka u furmaya Xildhibaanada . Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi aheyn ku yeelanayo xarunta magaalada Muqdisho, kaas looga hadlayo qodobo muhiim ah. Kulankan oo ah mid isha lagu wado hayo ayaa daba socda, kulankii Sabtidii oo uu baaq hareeyey. Farriin loo diray xubnaha baarlamaanka ayaa lagu war-geliyey inay soo xaadiraan, iyada oo lagu shaaciyey ajandaha kulanka maanta ee baarlamaanka Soomaaliya. Halkan hoose ka aqriso:- Mudane: Xildhibaan Beri oo Arbaca ah oo ay Tar 31 March, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka. Agendaha 1. Covid19 . 2. U Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa banann ee Xuduudaha. 3. U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka Saacadu waa 09:00 subaxnimo. View the full article
-
Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda kulamada looga hadlayo Khilaafaadka Arrimaha Doorashooyinka dalka. Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul wasaarahaha dalka ayaa Xalay kulan Xubnaha beesha Beesha caalamka kula qaatay Xafiiskiisa. Kulanka oo Rooble ay ku wehlinayeen Ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Afhayeenka Xukuumadda iyo xubna ka tirsan Wasiirada. Shirka oo saacada badan qaatay ayaa looga hadlayay sidii Beesha Caalamka iyo xukuumadda ay qeyb uga noqon lahaayeen wada hadalada la isugu geynayo madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka. Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii u dambeyay dhex dhexaadin ka dhex waday siyaasiyiinta Soomaalida oo isku fahmi waayay Doorashooyinka dalka . Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-3132021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hakad uu ku yimid shirarkii u dhaxeeyey madaxda maamul gobaleedyada dalka, waxaana baaqday labadii kulan ee u dambeeyey ee dhici lahaa habeen hore iyo shalay ee shanta madaxweyne goboleed. Shirkaan oo socday afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa midkii ugu dambeeyey oo dhacay galabkii Isniinta uu soo dhammaaday ayada oo dhinacyadu ay isku hayaan qodobo dhowr ah, waxaana baaqday kulan qorshuhu ahaa in dib la isugu laabto xalay fiidkii hore. Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa rumeysan in caqabadda ugu weyn ay tahay in saddexda maamul ee kale aysan laheyn awood ay go’aan ku gaaraan markastana ay dib ugu laabtaan Villa Somalia ama ugu yaraan ay teleefon u diraan, kadibna lasoo beddelo, taasi oo xalka sii fogeyneysa. Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in dhinacyadu isku fahmi waayeen saddex qodob oo kala ah:- 1- In shirka ka qeyb galaan Midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka. Puntland iyo Jubbaland ayaa soo jeediyay in shirka la ballaariyo islamarkaana mucaaradka loo ogolaado, halka saddexda madaxweyne goboleed ee ku xiran Farmajao ee Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ay diideen. 2- Dhinacyadu waxay sidoo kale isku fahmi waayeen ciidanka sugaya amniga goobta uu shirka ka dhacayo. Puntland iyo Jubaland waxay soo jeediyeen in ciidanka AMISOM ilaaliyaan goobta, lagana kaxeeyo ciidanka ilaalada Madaxtooyada, halka maaamulada kale soo jeediyeen in ciidanka Madaxtooyada goobta sii joogaan iyo madaxda maamulada banaanka uga soo tagaan ciidanka la socda. Isla qodobka amniga ayaa Puntland iyo Jubaland waxay soo jeediyeen in ciidanka Madaxtooyada goobta laga ka xeeyo laakiin Madaxweynaha uu la imaan karo 18 askari oo kuwa dharcadka ah VIP Protection, halka maamuladana loo ogolaado min 5 askari oo dharcad ah. 3- Madaxda maamul gobaleedyadu waxey afar maalmood kadib isku fahmi waayeen ajandaha shirka. Hogaamiyaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed waxey soo jeediyeen in ajandaha shirka laga wadatashado laakinn kaliya uu ahaado heshiiskii 17-kii Sep 2020, halka Puntland iyo Jubaland soo jeediyeen dhacdooyinka iyo qodobo ka baxsan mowduucaas. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay 2-dii maalin ee hore in shirka aan looga hadlin qodobo muhiim ah balse lagu dhisiyay kalsoonida madaxda iyo is-faham dhaxdooda laguna xalinayay tabashooyin ay kala qabaan, balse doodda qodobada la billaabay labadii maalin ee dambe. Sida aan xogta ku helnay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxey ka tanaasuleen qodob ku saabsan in Farmaajo shirka guddoonsho, balse waxaa la sugayaa haddii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo saddexda madaxweyne gobo lee taabiciyiinta ah ay ka tanaasulaan arrimaha uu ku dheggan yihiin. Waxaa weli socda dedaalo ay wadaan xubnaha beesha caalamka, oo xalay la kulmay Axmed Madoobe iyo Deni, mana cadda haddii kulamada ay dib u billaaban doonaan maanta.
-
Start of coronavirus pandemic in 2020 exacerbated risks experienced by migrants, says Organization for Migration Source: Hiiraan Online
-
SINGAPORE: Singapore will join international efforts to support initiatives of the International Monetary Fund (IMF) aimed at helping vulnerable low-income countries cope with the economic impact of the COVID-19 pandemic, the Monetary Authority of Singapore (MAS) said on Wednesday (Mar 31). Source: Hiiraan Online
-
Markii ay Soomaaliya qarannimada heshay,1960-kii, muddo 9 sano ah (1960 – 1969) ayey ku raaxeysatay dimoqraadiyad iyo xornimo siyaasadeed. Waxay Soomaaliya yeelatay dastuur qaran. Doorashooyin dastuuri ah ayaa dhawr jeer ka dhacay dalka. Xilka ugu sarreeya dalka ayey ku kala wareegeen hoggaan dalka. Qof kasta, iyada oo aysan caqabad ku ahayn qabiilkiisa iyo deegaankiisii hore, ayuu doorashada ka gali karay halka uu joogo. Soomaalinimada ayaa aad u sarreysay. Sidaas iney ku sii socoto ayaa ummadda aragti u ahayd, laakiin ma dhicin. Taliskii Maxamed Siyaad Barre 1969-kii, markii uu Kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre xukunka xoogay, waxa uu laalay dastuurka qaranka; Baarlamaankii ayuu kala eryey; waxa uuna xabsi geliyey cid kasta oo uu u arkay ineysan ogoleen afgambigiisa. Intaas kuma ekeysanee, waxa uu billaabay inuu si muuqata iyo si qarsoodi ahba u dilo qof kasta oo uu u arkay iney diidan tahay afgambigiisa. Intaas waxaa u dheereed inuu hantida qaranka sida uu doono ugu tagri-falayey. 21 sano oo qalqal iyo cabsi ah ayuu Siyaad geliyey dalka, waxayna arrintaas sababtay iney bilaabato iska caabin iyo iney shacabku, karaankooda, iska difaacaan arxan darrida Siyaad. Jabhado (SSDF, SNM, USC iwm) ayaa ka kacay Soomaaliya 1978 – 1991. Taas waxay horseeday xasuuqyadii magaalooyinka Hargeysa, Burco, Muqdisho, iyo gobolada Bari, Nugaal, Mudug iyo Galgaduud. Waxaa si wadar ah ama kali ah, si la og yahay ama qarsoodi ah, uu Siyaad u xasuuqay shacab leh siyaasi, wadaad, ganacsade iyo saraakiil ciidan oo hore. Taariikhaha dhacdooyinkii ugu waaweynaa, ee uu sida naxariis darada ah dadka ugu laayey, waxaa ka mid ah: 1978, 1980, 1988, 1989 iyo 1991-kii. Dhamaan sanadahaas waxa uu Siyaad geystay xasuuq aad u xanuun badan oo lagu lagu waayey boqolaal kun naftooda, taas oo kaliftay in illaa iyo hadda ay Soomaali is aamini la’dahay, una qeybsanto qabiil-qabiil. Dowladda Farmaajo 2000 – 2017, Soomaaliya dadaal xoog leh ayey u gashay iney dib u soo ceshato qarannimadeedii. Madaxweynayaashii dalka soo maray intii u dhaxeysay sanadahaas mid kasta wuxuu dowladnimada ku daray wax uun hormar ahaa. Si qunyar socod ah, oo dadka la isku soo dumayo, iyadoo laga ilaalinayo xanafyada qabiilka iyo dib u soo gocoshada nabaradii lagu geystay Dowladdii Kacaanka, ayaa lagu soo barbaariyey dowladnimada la haysto. Tanaasul, dulqaad iyo wadar-ogol ayaa Soomaaliya u ahayd dabci siyaasadeed Farmaajo hortiisa. Laakiin 2017 – 2021, wixii ka dambeeyey markii uu Farmaajo talada Soomaaliya qabtay, waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) si aan gambasho lahayn u jileysay kaligii-talisnimo. Ciidanka ayey ku weerartay siyaasiyiin, ku leysay dad isugu jiray rayid iyo ilaalo siyaasiyiin mucaarad ahaa, kuwaas oo qaarkood xabaal wadareed lagu aasay. Caburinta leh diidmada isu-soobaxa, isu imaatinka, cabiridda ra’yiga iwm ee uu Farmaajo sameeyey tiro iyo xisaab maleh. Si kasta oo uu u muujin karay inuusan sharci iyo dastuur dan ka lahayn ayuu sameeyey. Dadkii lagu laayey dibadbixii Baydhabo, si doorashadii Koonfur Galbeed loo boobo, weerarkii lagu go’doomiyey, kadibna looga musaafuriyey Galmudug saraakiishii Ahlu-sunna, xatooyada doorashadii ugu dambeysay ee HirShabeelle, cunno-qabateyntii shacabka Kismaayo, abuuridda xasarado qabiillo isla degan, kuwaas oo qaarkood loo maray doorashooyin la boobay, ciidanka oo xoog uga horyimid tiro dhawr jeer ah banaanbaxyo nabadeed, caburin iyo manaxaanimo xad dhaaf ah oo aan laga garaabeyn, ayuu Farmaajo si joogto u isticmaalayey. Isagoo laaluush xad ka bax ah ku bixinaya, eex iyo nin necbeysina dhaqan ka yeelanaya, ayuu Farmaajo hubiyey inuu waxaan ka dhigay Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu fogeeyey oo qarka u saaran inuu ceel ku dhaco wada-xaajoodkii Soomaaliya iyo Somaliland. 100% ayuu Farmaajo ku guuldareystay inuu doorasho ka qabto dalka. Hadda, oo uu dhawr bil xilka ka dhacsan yahay, wuxuu wali u shaqeynayaa sida Madaxweyne sharciya. Go’aanka Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya Beesha Caalamka iskuma dayin iney ka hor timaado ama xitaa cambaareyso kaligii-taliye Maxamed Siyaad Barre illaa ugu dambeyn ay Soomaaliya weysay dowladnimadeedii iyo wadajirkeedii 1991-kii. Waxaa xanuun kale ah in Farmaajo, oo sidaan kor ku soo xusnay si muuqata u jilaya dhaqankii Kacaanka, aysan hal erey oo ay runta ugu duur-xuleyso soo qorin ebad. Markii dalka laga eryey Nicholas Haysom kadib markii uu cambaareeyey xasuuqi Baydhaba, waxay noqotay markii ugu dambeysay ee beel caalam ay ka hadasho xadgudubyada ka socda Soomaaliya. Beesha caalamka kama cabsaneyso Farmaajo, wayna ogyihiin in waxa uu sameynayo ay burbur kusii ridayaan Soomaaliya, oo markii horeba burbursaneyd, balse waa sida ay dooneyso, sababtoo ah Beesha Caalamka dal dumaya kama joojiso burbur ee markuu burburo ayey waqti gelisaa iney caawiso, si mashruuca balaayiinta dollar ee lagu cuno dalalka dhibaatooyinka ka jiraan uu usii socdo. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyaga oo hakiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha & midka gaarka loo leeyahay. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xiray jidad dhowr ah oo isku xira waddooyinka Wadnaha & Maka Al-Mukarama oo u muhiim u ah isticmaalka dadweynaha. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay waddooyinkaasi ka celinayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyada oo loo ogol yahay kaliya dadka lugeynaya. Xirnaashaha waddooyinkan ayaa waxaa loo sababeynayaa kulanka maanta ee baarlamaanka oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana laga mamnuucay xildhibaanada qaar. Arrintan ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeelatay shacabka magaalada Muqdisho oo aan horey loogu war-gelin xirnaasha jidadkaasi. “Ciidamada ammaanka ayaa xitaa Gaadiidka Ardayda u diiday in ay ka gudbaan waddooyinka u xiran, Dadka da’aad kala duwan ayaa lugeynaya, qof weliba waxa uu ku weydiinayaa sababta loo xiray balse qofba wax ayuu ku sheegayaa, waxaa dib u dhac waqti ku yimid shaqaalaha, Ardyada & Dadka u socda Goobaha Caafimaadka,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Inta badan ciidamada ammaanka ayaa hakiya dhaq-dhaqaaq waddooyinka marka ay dhacayaan shirarka waa weyn ama Muqdisho ay imaanayaan wafuuf caalami ah.
-
Qoraa Reer Galbeeda isbarbardhigay Horumarka S/land ku dhaqaaqday iyadaan taageero ka helin Dunida & Fashilka hadheedhay Somalia oo Caalamku ku bixiyo Balaayiin dollar Sanad walba! Gordon Peake oo ah qoraa Caalami ah, ayaa ka hadlay qadiyadda Ictiraaf-raadinta ee Somaliland, waxaanu ka warramay sida Beesha Caalamku Awoodda u saartay soo noolaynta Soomaaliyada Fashilantay, isla-markaana ay indhaha uga lalisay Somaliland. Maqaal dheer oo Mr. Gordon Peake uu ku baahiyey Bog uu ku leeyahay Internet-ka, ayuu Ciwaan uga dhigay in Somaliland oo beesha Caalamku indhaha ka qarsatay ay wax wanaagsan qabsatay iyadoon helin taageerada Adduunka intiisa kale “Qabsashada Wax wanaagsan Caawimo La’aan, waa Kiiska Somaliland..” ayuu qoraalkiisa ku yidhi. Qoraagu wuxuu Maqaalkiisa ku sheegay in Sagaashamaadkii oo Somaliland bilowday inay Madax-banaanideeda kala soo noqoto Soomaaliya, aanay Beesha Caalamka taageero ka helin si ay u dhisanto, laakiin xilligaa Maraykanka iyo Dawladaha ku midaysan Qaramada Midoobay ay 4 Billion oo dollar ku bixiyeen hawl-gallo Millateri oo ujeeddada laga lagaa ahayd dib u soo celinta iyo soo noolaynta Soomaaliyadii burburtay, halka xilligaa Qaramada Midoobay iyo Maraykanku ay Somaliland ku taageereen wax aan boqolkiiba hal dhamayn (1%) oo 4 taa Bilyan ka mid ahaa, si Nabadgalyada loo soo dabbaalo. Gordon Peake oo maqaalkiisa ku soo xiganaya War-bixinno hore looga qoray Marxaladihii Somaliland soo martay, ayaa sawir wanaagsan ka bixiyey sida Somaliland u guulaystay iyadoon Beesha Caalamka ka helin wax taageero Maaliyadeed ah oo buuran. Qaran News
-
Masar oo Itoobiya uga digtay cawaaqib xumo ka dhalata muranka biyaha Nile Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Sisi Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al Sisi ayaa ka digay ‘cawaaqib xumo daran oo ka dhalan karta’ waa haddii biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile uu saameyn ku yeesho biyaha gaara dalkiisa. “Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin qof qaadan kara dibic kamid ah biyaha Masar , haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin” ayuu yiri madaxweyne Sisi. Madaxweyne Masar oo maanta ka hadlayay marinka Suez wuxuu carabka ku adkeeyay in lasii wadi doono wadahadallada kala dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsan muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya. “Ma jirto cid aan u goodinayo, wadahadalladeena waa kuwo mar kasta macquul ah” Itoobiya waxay sheegtay inay sii wadeyso buuxinta biyo xireenka marka ay roobabka bilowdaan halka Masar iyo Suudaan ay doonayaan in wadahadal lagu soo afjaro muranka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muddo saddex jeer ah laga baajiyay safar uu ka aadi lahaa dalalka Eritrea Ethiopia. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in xubnaha beesha caalamka ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyeen in uu ka baaqdo safar dalka dibadiisa ah ilaa laga heshiiyo arrimaha doorashada Soomaaliya. Xogtan oo aan ka helnay ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in qorshaha safarka Farmaajo uu ahaa ka qeybgalka heshiis amni oo u dhaxeeya dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea laakiin lagu cadaadiyay in uusan ka bixin dalka ilaa xal laga gaaro muranka doorashooyinka. Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale shalay shaaca ka qaaday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, in kasta oo markii dambe ay beenisay Villa Somalia. Si kastaba, Caasimada Online ayaa in warka Cumar Cabdirashiid uu sax yahay, balse beesha caalamka ay cadaadisay Farmaajo. Safarka Madaxweyne Farmaajo oo ilaa hadda aan laga quusan ayaa lagu sheegay in sidoo kale uu qorshihiisa qeyb ka yahay xagal daacin shirarka Muqdisho ka socda ee looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya iyo khilaafka culus ee u dhaxeeya hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya. Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online sheegaya in Madaxweyne Farmaajo beesha caalamka u sheegay in shirka muhiim u ahay islamarkaana uu rabay inuu Asmara tago toddobaadkii hore, oo ay wada joogeen madaxda Itoobiya iyo Eritrea. Wuxuu mar kale laba goor isku dayey toddobaadkan inuu tago Addis-Ababa, taasi oo beesha caalamka ay mar kale ka diiday. Wakiilada beesha caalamka ayaa aaminsan in haddii uu baxo Madaxweyne Farmaajo, ay sidoo kale Muqdisho ka tegi doonaan madax goboleedyada, taasi oo wiiqi doonta dadaal lagu raadinayo heshiis doorasho.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Halis iyo cabsi xooggan ayaa soo wajahday dowladda Kenya kadib markii ay heleen warbixino sirdoon oo qeexaya suuragalnimada mid ka mid ah muwaadiniintooda qibrada u leh duuliyenimada oo ku biiray Al-Shabaab inuu qorsheynaayo weerar diyaaradeed oo Al-Shabaab soo abaabushay ka fuliyo gudaha Kenya. Sida ay uu baahiyay telefishinka CTV, Sirdoonka iyo hay’addaha amniga oo macluumaadkaan soo bandhigay ayey ku shaaciyeen in Rashid Mwalimu oo in mudo ah la baadi goobayay ay booliska soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan Rashid Mwalimu oo xiligaan ku sugan Soomaaliya. Rashid Mwalimu oo booliska la dagaalanka argagixisada baadi goobayaan ayaa waxay ku sifeeyeen nin halis ah khatartiisana leh oo duuliye tababaran, howhsiisana tahay inuu fuliyo howlgal diyaaradeed isagoo xubin ka ah ururka Al-Shabaab. Hay’adda amniga Kenya ayaa rumeysan in Rashid Mwalimu uu qorsheynaayo in Kenya uu kusoo laabto si uu u fuliyo qorshahiisa Al-Shabaab soo abaabushay. Warbixinta sirdoon waxay kalooo sheegaysaa in Rashid Mwalimu uu tababar kusoo qaatay dalka Philippines isaga iyo saaxiibkiis Cholo Abdi Abdulla oo bishii July 2019 lagu qabtay dalka Philipine oo uu wax ka baranayay machadka duulimaayada All-Ais. Qabashada Cholo Abdi ayaa ka danbeysay markii uu saaxiibadiis la wadaagay qorshahiisa ah inuu afduubto diyaarad si uu u fuliyo weerar la mid ah kii 9/11 ee Mareykanka. Mareykanka ayaa aaminsan in Cholo uu lix qodob oo dambiyo ah uu wajahayo oo la mid ah weerarkii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday isagoo qorsheynayay inuu afduubto diyaarad uu ku fuliyo weerarkii 9/11 oo kale. Cholo iyo Mwalimu ayaa ahaa saaxiibo aad isugu dhow waxayna ku biireen Al-Shabaab sanadkii 2015, iyagoona mar qura tababartay isla markaana fuliyay weeraro joogto ah oo ka dhacay Somalia ka hor inta aan loo dirin qorshaha duulimaad ee loogu soo diyaariyay koorsada duilimaad. Warbixinta sirdoon waxay kaloo tilmaamtay inay saaxiibo dhow ahaayeen hoggaamiyihii weerarkii hotel DusitD2 ee Nairobi Salim Gichunge “ aruq” iyo Osman Geeddi oo geystay dhimashada dad badan. Ugu danbeyntii hay’addaha amniga Kenya ayaa shacabka ka codsaday inay ka shaqeeyeen sidii warbixin looga heli lahaa Rashid Mwalimu oo qorshahiisu yahay inuu ka dhabeeyo qorsahiisa ah weerar uu ka geysto Kenya. W/Turjumay Ali Muhiyaddiin Caasimada Online London Uk
-
Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-sisi ayaa digniintii ugu kululeyd u jeediyay Itoobiya oo uu kala dhaxeeyo muranka webiga Nile, isagoo ku ugu hanjabay in haddii ay biya xireenka Nile ee Itoobiya ku howlan uu saameyn ku yeesho inay la kulmi doonto cawaaqib xun oo weligeed aysan kasoo kabsan doonin. Hadalkaan ayuu madaxweyne Abdel Fattah El-sisi ka sheegay xili tallaadadii ka hadlayay marin biyoodka Suez ee maalmihii lasoo dhaafay uu xayiray markab ka timid dalka Shiinaha kuna sii jeeday dekadda Rotterdam. “Waxaan mar kale iyo mar kale ku celinayaa in aysan jiri doonin cid qaadan karta dhibac ka mid ah biyaha Masar, haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin,” ayuu yiri madaxweyne El-sisi. Madaxweyne Abdel Fattah El-sisi ayaa carabka ku dhuftay in aysan jirin cid ay u goodinayaan, laakiin danahooda iyo nolosha maalaayiinka qof ee Masar in la waxyeeleeyo ay u sameynayaan sidii loo difaaci lahaa dadkaasi. Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in dalkiisa uu sii wadi doono wada-hadalada ku saabsan muranka Nile ee kala dhaxeeya Itoobiya iyo Sudan. Dowladda Itoobiya ayaa horay u sheegtay inay sii wadeyso buuxinta biyo xireenka si looga faa’iideysto kheyraadka biyaha webiga Nile ee dalkeeda sii mara, taasoo ay ku doodeyso inay faa’iido u tahay gobolka oo dhan, hase ahaatee dowladdaha Masar iyo Sudan ayaa si cad ugu soo horjeeda qorshahaasi, iyagoona diyaar u ah in wada hadal lagu xaliyo murankaasi.
-
Mogadishu (PP News Desk) — At the core of the deadlock over the Somalia elections are 2016 presidential guidelines for government business during the election season in which the former Somalia President Hassan Sheikh Mohamud commited himself to limiting his presidential powers to appoint, suspend from work or promote government employees, reorganise government institutions and enter into new agreements. Members of the 2016 National Leadership Forum of Somalia. The guidelines were issued three months after Puntland State had signed an agreement on indirect elections. President Mohamud signed the presidential guidelines in line with an agreement signed by the National Leadership Forum made up of the Federal Government and Federal Member States. Puntland President Said Abdullahi Deni (left) with Jubaland President Ahmed Mohamed Islam in Mogadishu. In May 2019, President Mohammed Abdullahi Mohammed, who was attending a summit in Garowe, rejected a suggestion from Puntland President Said Abdullahi Deni to form a National Leadership Council. Citing the 2016 presidential guidelines in the absence of an electoral agreement will prove an obstacle to breaking the electoral deadlock. © Puntland Post, 2021 The post Somali Presidential Guidelines Puntland and Jubaland Cite as Precedent appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-3032021-ok.mp3 View the full article
-
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya. Kulanka oo saacado kooban qaatay ayaa labada dhimac waxaa ay kaga wada hadleen xaalada Amniga doorashooyinka iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee Amniga Dalka iyo iskaashiga labada dal. Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey ayaa uga mahad celiyay dowladda Ingiriiska taageerada dhinaca Amniga oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay inay kordhiyaan. Safiirka Uk ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay joogteyn doonaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Wasiir Xundubey iyo Safiirka Ingiriiska? appeared first on Puntland Post.