Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Somali people and the international partners who support the political process in Somalia have expressed their frustration over the lack of tangible results from the ongoing political discussions over the implementation of the 17 September 2020 election agreement. The discussions are yet to produce productive outcomes in favour of the aspirations of the Somali people, with political leaders with the primary responsibility to execute the election agreement engaged in trivial bickering. Rarely held accountable for their failures and abuse of power, the Somali politicians continue to overlook their responsibilities, particularly this difficult period of a pandemic and economic crisis occasioned by the COVID-19 outbreak. The need to reach a consensus on the election stalemate, therefore, is now more crucial than ever before. “It is unfortunate that the international partners are more concerned about the predicaments of the Somali people over the Somali leadership whose mandate had expired. The FGS leadership whose term had lapsed is, unfortunately, proving to be an impediment to the realisiation of consensual and inclusive elections,” said Presidential Candidate Jabril Ibrahim Abdulle. Presidential Candidate Jabril added: “For the first time in 30 years, the Somali people, the international community and entities who are concerned about the stability of Somalia have a shared view on the need to shame and impose restrictions on the individuals who are seen to be an obstacle to the implementation of the elections as well as the overall stability of the country. “Sadly, the obstacles in the way of a consensus on the elections are chiefly based on personal interest and greed; features that are detrimental to the aspirations elected the leadership.” Jabril cautioned that the politicians who are hindering the electoral process are playing with fire. “In order for us to get out of this uncertainty, it is paramount to impose appropriate sanctions on the persons who are hell-bent on obstructing the process,” added Mr Jabril, who spoke to the media in Mogadishu. …..END……
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee taageersan madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qiray tuhunkii laga qabay guddoomiye Mursal oo ahaa inuu muddo kordhin u sameyn rabo Farmaajo. Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa BBC-da u sheegtay in haddii xal lagu gaari waayo wada-hadallada doorashada in baarlamanka ay u taallo talada dalka. Hadalkan ayaa waafaqsan dooodda xildhibaanada taageerasan Farmaajo ay ugu raadinayaan muddo kordhinta oo ah in xal kale la la’yahay. “Haddii ay wada-hadallada socda ee arrimaha doorashada heshiisyo kasoo bixi waayaan oo la isku mari waayo, baarlamaanka ayey talada u taallaa, isha keli ee furan waa baarlamanka, baarlamaanka ayaan go’aan ka gaaraya ma ahanee wax go’aan qof gaari karaa ma jirto laakiin hadda waxa aan sheegi karo ma jirto,” ayey tiri Ubax Tahliil Warsame. Sidoo kale, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa shaaca ka qaaday in ajandaha baarlamanka lagu soo dari karo muddo kordhin, haddii loo baahdo, haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan. Hadalka Jeesow ayaa sidoo kale waafaqsan tuhunkii laga qabay kulankii shalay fashilmay ee la sheegay in COVID-19 looga hadli lahaa, balse la ogaa in lagu hoos qarin rabay mooshin muddo kordhin. “Haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan oo ay yiraahdaan ajandaha ha-lagu daro waa la arkaa. Haddii ajandaha lagu keeno waa laga doodaa marka hore ajandaha mooshin waaye, mooshinka ayaana qaadanayo in la diiwaan-geliyo, laga doodo, kadibna cod loo qaado,” ayuu yiri Jeesow. Hadallada Jeesow iyo Ubax Tahliil ayaa xaqiijinaya cabsidii laga qabay in Mursal uu ku dhaqaaqi rabo wax lagu qaaxay “is-miidaamin siyaasadeed,” oo kasii dari karta xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka.
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-2832021.mp3 View the full article
  4. Joe Hart ayaa jecel nolosha Magaalada London, waxaana uu qiimo jaban oo dhan 3.69 milyan oo gini ku iibinayaa Gurigiisii ku yaalay Greater Manchester. Dadka ayaa indhaha kala furay markii Goolhayahan ay heshiis labo sanadood ah kula wareegtay Tottenham, kaddib markii ay iska fasaxday Kooxda Burnley. Inkastoo 33-sano jirkaan uu ka dambeeyo goolhayaha dooqa koowaad ee Kooxda Hugo Lloris, hadda Hart ayaa bandhig cajiib ah sameeyey markii uu ciyaaray tartammada aan ahayn horyaalka ee laga dhigo dalka Ingiriiska. Guriga uu iska iibinayo Hart ayaa ka kooban afar dabaq, waxaana uu leeyahay Albaab weyn, lix qol oo jiif ah, todobo musqul iyo jiko cunada lagu karsado oo waasac u ah. Dadka doonaya inay iibsadaan Gurigaan, waxyaabaha ay ku jecleysanayaan waxaa ka mid ah inuu Gurigani leeyahay meel Shaleemo ah oo aflaamta iyo wax walba lagu daawado, Qol kaliya loogu talo galay in qamriga lagu cabo, qol jimicsi iyo garoon ciyaareed oo bannaanka guriga ku yaala. Waxyaabaha dadka iibsada Gurigaan ay ku faani karaan waxaa ka mid ah inay haystaan Guriga ciyaaryahanka xulka qaranka England, isla markaana ay ku ciyaarayaan garoonka uu kubadda ku ciyaari jiray Hart. Shirkadda RightMove oo ka shaqeysa Guriyeyna UK ayaa shaacisay sawirrada gurigaan, waxaana ay sharraxday qeybaha uu ka kooban yahay Gurigaan iyo cabirkiisa, iyagoo u sheegtay dadka doonaya inay la soo xiriiri karaan si ay u iibsadaan. Goolhaye Hart ayaa intii uu ka ahaa Manchester City mid aan la loodin karin iyo shabaq ilaaliyaha koowaad ee Kooxda waxa uu kula guuleystay labo horyaalka Premier League ah, laakiin tan iyo waqtigaas ma helin bandhiggiisii sare. Hart ayaa amaah ku bixiyey Kooxaha Torino iyo West Ham ka hor inta uusan si joogto ah uga mid noqon Naadiga Burnley. Kaddib isagu waxa uu noqday beeca xorta ah ka hor inta uusan ka mid noqon kooxda uu hoggaamiyo Tababare Jose Mourinho ee Spurs. Hart ayaa Magaalada Florence ee dalka Talyaaniga ku guursaday Kimberley Crew sanadkii 2015, waxaana ay haystaan wiil lagu magacaabo Harlow, iyagoo si wadajir ah u nool. Gool FM. Source: goobjoog.com
  5. Madax sharcidarro ahi iyo sharcidarro midna looma hoggaansamayo. Madax lagu dhaariyay ilaalinta dastuurka, sharciga, midnimada dadka, danta guud ee qaranka oo ku dhaqmeysa sharcidarro, musuqmaasuq, kibir, maquunin, daneysi, isla markaana rabta in inta diidan sharcidarradaas, dhibka sharcidarrada ku dhacayso ama tabanaya xadgudubka, mucaaradka ah, ay raacaan amarkooda iyo rabitaankooda ma garaadsan, waana qaldan yihiin, loomana hoggaansamayo. Farmajo wuxuu diidan yahay in Aqalka Sare jiro, ka mi yahay Barlamaanka Federaalka, sharci uusan wax ka ansixin uusan sharci aheyn. Sidaa darted, madaxnimada uu sheeganayo waa sharcidarro loomana hoggaansamayo. Muwaadiniinta dhaladka ah lama dhaariyo, waajibaadkooda iyo xuquuqdooda dastuurka ayaa dhigaya. Madaxda waxaa loo dhaarinaya inay qaadaan mas’uuliyad dheeri ah oo lagu abaalmarinayo. Waa damiir la’aan iyo khiyaano qaran in guddoon barlamaan oo og in muddo xileedkooda dhammaaday, lagu heshiiyay doorasho dadban, ex Madaxweyne farmajo iyo xilgaarsiiye RW Roble carqaladeynayaan fulinteeda, uu abuuro xasarad siyaasadeed oo 2 sano laga digayay, dadka iyo dalka Soomaaliyeed dhaxalsiinaya fashil iyo burbur. Waa guddoon mudan cambaareyn iyo kacdoon looga soo horjeedo ee aan loo kala harin. Waxaa muhiim ah in inta goori goor tahay la garowsado in madaxda xilka ka dhammaaday ay dalka geliyeen marxalad laga gudbay in laga hadlo maxaa sharci ah maxaanse sharci aheyn ee muwaadin kasta ee Soomaaliyeed waajib ku tahay inuu u tabaabusheysto difaaca xaqiisa, xorriyadiisa, iyo karaamadiisa bani’aadannimo, muwaadinnimo oo uusan cid kale isku laheyn. Waa dhici karta in xaaladdaas ka dhalato dhibaato, haseyeeshe dhibaatadu waa lama huran marka aad u fiirsato hadalka iyo ficillada Madaxda dooratay ku dhaqanka sharcidarrada iyo ku tumashada nidaamka dowladnimo. Dhib waa lama huraan haddii Madaxda xukunka haysa go’aansato in awoodda sharciga, dhaqaalaha, ciidanka, xiriirka caalamka, iyo warbaahinta dowladda u adeegsado hab ka baxsan tilmaamaha sharciga, dhaqanka wanaagsan ee dowladnimada, ka taxadarka tuhun abuurka, ku xadgudubka ilaalinta xaqa muwaadiniinta, saamileyda siyaasadda, mas’uuliyadda Xildhibannada, mucaaradka, mabaadi’da daahfurnaanta, wadatashiga, xaqa la xisaabtanka, waxaan shaki ku jirin inay dhaceyso dhibaato cid kasta saameyneysa waayo ku takrifalka awoodda dowladda waxay horseed u tahay mustaqbal dilka muwaadiniinta, burburka wada noolanshaha shacabka Soomaaliyeed, iyo ku kalsoonaan la’aanta dowladnimada iyo Madaxda. Waa fadeexo in xildhibaannada Barlamaanka Federaalka tuhmaan hufnaanta, daahfurnaanta, iyo habraaca shaqo ee guddoonka Barlamaanka oo mas’uuliyaddooda koowaad tahay dhexdhexaadnimo, wargelin cad, ilaalin xuquuqda Xildhibaan kasta. Guddoomiyaha Barlamaanka oo matala 50,000 muwaadinin soomaali ah kama joojin karo ka qayb galka fadhiyada Xildhibaan matala 50,000 muwaadinin kale ee Soomaaliyeed haddii uusan raacin habraaca shaqada iyo go’aan qaadashada Barlamaanka oo saldhig u ah dhawrista ku dhaqanka dastuurka, sharciga, iyo xeer hoosaadka. Waxaa intaa dheer oo ka muhimsan in Xildhibannada marna tuhmin daacadnimada Guddoonka, haddise Xildhibaanku tuhmo wuxuu xaq u leeyahay inuu qaado tallaabo kasta ee uga hortagi karo waxyaabaha uu tuhunsan yahay ilaa ay ka caddaanayaan. Iskadaa Xildhibaannada, muwaadiniinta waxay xaq u yihiin inay ka hortaagan sharcidarrada dowladda ku kacayso ama la tuhunsan yahay inay ku kici doonto. Aqlabiyadda xaq uma lahan inay ka tallaabsado habraaca shaqo ee barlamaanka si ay ujeedadeeda u gaarto. Ugu dambeyn, waxaa xusid mudan in ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka, sharciga, xeer hoosaadka, iyo habraaca shaqo iyo go’aan qaadasho aysan ku koobneyn cuskashada qodobbo dhowr ah, ee waxaa la fiirinaya duruufaha la marayo, dhammaan qodobbada aan la cuskan, mabaadi’da, ujeedada, himilada, la higsanayo oo ah dowlad wanaag. Haddii la waayo shardiga ah guddoon ka madax bannaan Madaxtooyada, raacaya habraaca shaqada barlamaanka oo lagu abuurayo daahfurnaanta, go’aan kasta ee Guddoonka BF waa baadil. Guddoomiye barlamaan caan ku noqday ku tumashada dastuurka, xeer hoosaadka, habraaca wanaagsan ee dowladnimo kuma xadgudbi karo Xildhibaan la siman, matalaya bulsho ama deegaan, u xilsaaran ilaalinta danta qaranka oo ka hortagaya sharcidarro dhici karta. Mas’uuliyadda Xildhibaanka waa mid diini ah, siyaasadeed, sharci, nabadgelyo, sirdoon (intelligence), baaris ( investigation) dhaqaale, bulsho, iyo xiriir caalami. Barlamaanka federaalka waa asaaska dowladnimada Soomaaliya. Dr. Maxamud M. Culusow The post Guddoomiyaha barlamaanku waa baadil, kuma xadgudbi karo Xildhibaan la siman, matalaya bulsho ama deegaan, oo u xilsaaran ilaalinta danta qaranka. W/Q Dr. Maxamud M. Culusow appeared first on . Source
  6. Xildhibaannadii laga joojiyay fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo guddoomiye Mursal u cuskaday go’aanka kulamada looga joojiyay, isla markaana uusan jirin xeer u ogolaanaya inuu gaaro go’aankaas. Xildhibaannada ayaa guddoomiye Mursal ku eedeeyay in uu meel uga dhacay xeer hoosaadka Golaha Shacabka, uuna ku xadgudbay qodobo ku jira, isla markaana ku tuntay qodobka xarunta Golaha ka mamnuucaya in lala soo galo hub. Waxay sheegeen in shalay ciidamo uu hoggaminayay sarkaal horay uga tirsanaa Al-Shabaab, oo magaciisa ay ku sheegeen Shakiib, ku sugnaayeen xarunta baarlamaanka, kuwaas oo ay tilmaameen in loogu talagay in lagu handado xildhibaannada. Sidoo kale waxaa sheegeeen in maanta ay soo gaartay farriin loo soo diray xildhibaannada Golaha Shacabka ayna tagayaan kulanka berri wixii dhibaato ah ee soo gaara xildhibaannadana uu mas’uul ka noqon doono guddoomiye Mursal. PUNTLAND POST The post Sarkaal Shabaab ahaan jiray oo la sheegay in uu ka howlgalo xarunta Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo kasoo muuqday liiska 15-ka xildhibaan ee uu guddoonka baarlamaanka sheegay in laga mamnuucay shanta fadhi ee soo socota ee baarlamaanka, ayaa sheegay inuu ka maqnaa fadhiggii shalay. Xildhibaanka ayaa sheegay inuusan ku jirin xildhibaanada buuqa dhaliyay, banaankana uu ka joogay fadhigga, islamarkaana uu ku baraarugay kaliya fadhiga oo lasoo xiray. Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo la hadlay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa yiri: “Waxaan ku baraarugay uun in baaralamaankii lasoo xiray, bannaanka baan joogay…warqadda soo baxday waxay sheegeysay dadkii is hortaagay ee kulanku uu ka socon waayay laakiin anigu kama mid aheyn,” Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa xayiraad lagu saaray kadib wixii dhacay shalay, waxaana la sheegay ineysan shan kalfadhi soo xaadiri doono, balse gaashaanka ayey u daruureen go’aanka iyagoo sheegay iney xaadiri doonaan berito. Warqad ka timid guddoonka golaha shacabka oo uu ku saxiixan yahay gudoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa la faafiyay, waxaana ku qornaa ilaa iyo 15-xildhibaan oo muddo shan kal fadhi ah laga mamnuucay iyadoo la adeegsanayo xeer hoosaadka golaha shacabka
  8. Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa ka sheekeeyay ka hoos shaqeynta Tababare Pep Guardiola iyo xeeladihii uu sameyn jiray markii uu macallinka u ahaa Bavarians. Muller ayaa soo hadal qaaday qaabkii uu Guardiola u sameysan jiray tababarka iyo sida uu u dhiiro gelin jiray xiddigahiisa. Faa’idada ugu weyn ee ay haysteen Bayern ayaa ahayd inay soo dhammeysteen sanad ciyaareed guulo ah oo uu ku hoggaamiyay macallinkii shaqada isaga fariistay ee Jupp Heynckes markii uu shaqadan la wareegayey Pep Guardiola. “Ma aynaan haysan waqti aan ku nasanno guulaheenna, maxaa yeelay Pep ayaa dabada naga laadayay tababar walba, wuxuuna noo sheegay inay dadka tusno inaan horyaal kale isagoo jooga qaadi karo” ayuu yiri Muller. “Mar walba Guardiola qorshe ayuu nala dajin jiray, haddana toban daqiiqo kaddib afar ilaa shan qorsho oo kale ayaan helaynay, mar walba wax ayuu beddelayay.” Xiddiga Jarmalka ayaa intaas ku daray in tababaraha haatan Manchester City hoggaamiya uu daawan jiray kooxda ka soo horjeedda, haddii uu arko in qorshihiisa uu socon waayana waxa uu la imaanayay qorsho kale. Source: goobjoog.com
  9. Puntland forces protesting unpaid salaries have set up new roadblocks on the road between Galkayo and Garowe, banning Puntland officials from using the street. The checkpoints affected Puntland officials who were planning to train troops in Harfo district in Mudug region. The soldiers’ protest comes at a time when Puntland’s president has recently announced a pay rise. The protesters did not block public transport on the road, despite fears. In mutiny are not new to the public and was common during Abdiweli Gaas’ presidency in Puntland. Although President Deni said he has increased wages, the army’s grievances are not over, and it now stands in the Gardafu, where troops and officials complained of lack of rights. View the full article
  10. The members of the parliament of the federal government of Somalia are scheduled to hold a meeting on Monday after Yesterday’s sitting ended in chaos. A statement from the parliament said the Covid-19 and voting members of the border Commission will dominate the agenda. On Saturday, the Somali Federal Parliament failed to proceed with its sitting after members of the House accused the speaker of planning to pass a hidden agenda. This comes at a time when the stalemate over the elections is at a critical juncture. View the full article
  11. The Kenyan troops in Somalia have received their first dose of the Covid-19 jab. The Director of Medical Services at the Kenya Defence Forces Maj-Gen George Ng’ang’a launched the vaccination exercise for troops deployed under the African Union Mission in Somalia at Sector II Headquarters in Dhobley on Saturday. This is part of the ongoing Phase 1 of the National Immunisation Programme in the fight against Covid-19 pandemic. Ng’ang’a urged all the personnel to take part in the immunisation exercise in order to boost the efforts of fighting the pandemic and at the same time have a healthy force, which is critical to serving the nation. “Let us all embrace prevention mechanisms rather than opting for the curative ones. The KDF leadership has led by example by participating in the vaccination drive and we have not recorded any side effects therefore I assure our troops that the vaccine is safe,” Ng’ang’a said. He urged the troops to continue observing the World Health Organisation protocols on the containment of the spread of Covid-19. “We must not drop our guard. We must stick to the protocols issued on containing the spread of the virus – ensuring we maintain social distance, wearing masks, washing and sanitising our hands. That will keep us safe,”he said. After the launch of the exercise, Sector II Commander Brigadier Jeff Nyaga kicked off the vaccination drive for KDF troops deployed under AMISOM. Other than the troops, the civilians working for the United Nations based at the Sector II Headquarters were also inoculated. The troops are in Somalia to help fight al-Shabaab militants who have caused instability in the region at large. Chief of the Defence Forces Robert Kibochi officially launched KDF Covid -19 vaccination exercise at Kahawa Garrison, Nairobi on March 11. Kibochi said adhering to the ministry of Health laid down Covid-19 protocols has enabled KDF to fight the global pandemic within and outside KDF and the vaccine has come in handy to boost this effort. He urged all KDF personnel to turn up for the exercise as it will go a long way in the ongoing fight against the coronavirus. “My message to Kenyans is let’s go ahead and take this preventive medicine. It is not always that you get an opportunity to have free vaccination. The government has taken upon itself to bring the vaccines to as many Kenyans as possible.” Among those vaccinated were the Vice Chief of Defence Forces Lt Gen Levi Mghalu, Commander Kenya Army, Lt Gen Walter Koipaton, General Officer Commanding Eastern Command (GOC EastCom) Maj-Gen Ayub Matiiri, Senior Officers, Officers and Service Members. Defence Cabinet Secretary Monica Juma also took part in the ongoing Covid-19 vaccination at the Defence Headquarters in Nairobi earlier in the month. She was accompanied by her Public Service and Gender colleague Margaret Kobia, who said she appreciated the sacrifice of the security personnel and medics. Major disciplined services have been vaccinated in the ongoing exercise. They include the police, prisons, Kenya Wildlife Service and Kenya Forest Service and National Youth Service. View the full article
  12. Somali military conducted planned operations in parts of the Lower Shabelle region to flush out the militants from Al-Shabaab in the supply routes. The operation which took place in Bulo Haji village left a senior Al-Shabaab commander Ismail Jiis and 10 Al-Shabaab fighters dead, according to the army radio. There is still no comment from the Al-Shabaab responding to SNA’s claims of heavy losses on the militants. For the past few months, SNA’s Danab Special Forces have stepped up operations against al-Shabaab in southern Somalia, including the Lower Shabelle region near Mogadishu. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimaha madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxweynaha Jaamac Deperaani ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah uga warbixiyay habsami u socodka shirarka u socda madaxda dowlad goboleedyada. Afhayeenka wuxuu sheegay in kulamada u socda madaxda dowlad goboleedyada uu yahay mid ku socda sida ugu wanaagsan, dhamaantoodna ay ka siman yahiin iney xal wadajir ah ugu raadinayaan in la xaliyo is mari waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxweynayaasha ay maanta la kulmeen gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran, sidoo kalana ka wakiil ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland. “Shirka Madaxweyneyaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa socda maalintii labaad, wuxuuna u socda si wanaagsan iyadoo Madaxdu ay wadajir xal ugu raadinayaan caqabadaha ku xeeran qabsoomida doorashada,” ayuu Jaamac Deperani ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. Wuxuu intaas ku daray “Madaxweynayaasha ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Ahna Gudd Madasha Badbaado Qaran Mudane Cabdi Xaashi iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland, Shirka Madaxweynayaasha iyo kulamada ay la qaadanayaan Masuuliyiinta waa kuwo bud-dhig u ah xal u raadinta arrimaha taagan” Qoraalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli la hadal haayo in talaadada la isu keeni doono madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
  14. Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisha waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Xildhibaanadii laga manuucay inay kasoo qaybgalay Kulamada Baarlamaanka oo u horeeyo kulanka beri loo balansan yahay. Mahad Salaad oo kamida Xildhibaanadaas ayaa shaaca ka qaadey in Ajandaha qarsoon ee Shirka uu yahay Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey oo Wakhtiga loo kordhinayo, wuxuu Mahad Salaad yiri waxaa sidaas afkiisa naga yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal, oo waliba raaciyey in Gudoomiyuhu uu xitaa yiri “ Heshiiskii Doorashada ee 17 Sebtembar waa burburay” Hoos ka daawo Shirka jaraa’id oo dhamaystiran trim.BDFA1C73-38EB-482B-82AE-29031A99190E The post Daawo Xildhibaanada laga joojiyay kulamada Baarlamaanka oo hadlay, kashifayna Ajandaha rasmiga ah appeared first on . Source
  15. Xildhibaanno 15 ah, oo xalay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal oo ka mamnuucay kulamada muddo 5 kulan ah oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu sharaciga ku tuntay, muddo kordhinna u durbaan tummayo iyaga oo balanqaaday iney berri golaha tagayaan, wixii ka dhacana uu mas’uuliyadeeda leeyahay Mursal. Xildhibaan Mahad Salaad oo akhriyey qoraalka waxaa uu sheegay in la keenay ciidan dhar cad oo ka baxsan booliiska uu ahaa golaha isaga oo intaa raaciyey in guddoomiye Maxamed Mursal u tageen iyaga oo wax ka weydiiyey (1) Ajendaha aan habraaca waafaqsaneyn sababta uu ku yimid (2) Ciidanka dhar cadda ah (3). Muddo kordhinta. Xildhibaan Mahad Salaad oo arrintaas ka hadlaya ‘‘ Guddoomiyaha nagalama xishoon si aan gambasho laheyn waxaa uu noogu sheegay (1) Ciidamada meesha jooga in isagu uu dalbaday, haddana uu soo badsanayo, (2). Waxaa uu noo sheegay in heshiiskii 17-kii September ee doorashada dadban lagu jideeyey inuu fashilmay (3). Inuu sameyn doono muddo kordhin madaxweynaha iyo baarlamaanka loo sameynayo. Dhanka kale, warqadda uu Mursal ku sheegay in 15 xildhibaan kulamada uga joojiyey ayuu sheegay inuu meel uga dhacay sharciga isaga oo yiri ‘‘ (1). Ma jirto wax sharci ah uu u cuskaday, (1). Ma jirto sharci fasaxaya in guddoomiyaha soo saaro go’aan noocaan oo kale ah (3). Waxaa uu meel uga dhacay xeer hoosaadka golaha shacabka. Awoodda keliya ee guddoomiyaha uu leeyahay xilliyada fadhiyada waa midda ku cad qodobka 16-aad, faqradiisa ee xeer hoosaadka golaha shacabka ee si cad u qeexaya haddii ay jirto fowdo ama nidaam darro, guddoomiyihu waxaa uu xeri karaa fadhiyada, waxaa uuna ajendaha maalintaas dib ugu dhigi karaa kulanka xiga, sidoo kale Mursal waxaa uu ku xadgudbay qodobka 25-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka, xadeynaya ajendaha golaha shacabk, guddiga joogtada ayaa diyaariya ajendaha, sidoo kale waxaa uu Mursal ku tuntay qodobka 14-aad ee si cad u qeexaya inuu mas’uul ka yahay fulinta iyo dhowrista xeer hoosaadka iyo ilaainta golaha shacabka, sidoo kale Mursal waxaa uu ku tuntay qodobka 4-aad faqradiisa 2aad ee xeer hoosaadka eek a mamnuucaya in dhismaha golaha lala soo galo hub isaga oo maleeshiyaad dhar cad ku soo daabulay xarunta golaha. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlayey ninka ciidanka watay waxaa uu sheegay inuu ahaa magaciisa Shakiib oo shabaab horay u ahaan jiray kaas oo isaga oo dagaalamaya oo dhaawac ah laga soo qabtay suuqa bakaaraha, waxaana lagu xiray xabsiga dhexe, kadibna waxaa loo sii gudbiyey Sarendi oo lagu xiro dambiileyaasha iska soo dhiibo Shabaab, halkaas ayaa laga soo saaray kadibna waxaa loo qaaday inuu ka mid noqdo ciidamada nabad sugidda, waxaa Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee dadka mas’uuliyiinta ah lagu laayo, waxaa uuna si toos ah ugu xiran yahay taliyaha nabad sugidda Fahad Yaasiin, waxaa uuna u qaabilsan yahay hawlgallada khaaska ah, waa markii 2-aad ee isaga iyo ciidamada uu wato la keeno golaha. Ugu dambeyntii, Mahad Salaad ayaa sheegay in berri ay tagi doonaan kulanka golaha iyaga oo wixii dhaca mas’uuliyadeeda dusha ka saaray Mursal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Xildhibaan Mahad Salaad oo goor dhawayd shir jaraa’id ku qabtay Hotel Jazeera ayaa shaaca ka qaadan kulan shalay waxyar ka hor kulankii Baarlamaanka ee buuqa kusoo dhamaadey ay la kulmeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal. Mahad Salaad wuxuu yiri “ Waxaan Gudoomiyaha ugu tagnay inaan waxka ogaano Ciidamo aan ahayn kuwii Baarlamaanka ilaalin jiray oo Baarlamaanka lasoo dhoobay iyo Ajandaha kulanka, Gudoomiyuhu nagalama xishoon wuxuu si cad noogu dheegay in Heshiiskii 17 Sebtembar uu burburay sidaas awgeed loobahan yahay in Xukuumada walhtiga loo kordhiyo si Dalka ay Doorasho u gaarsiiso”. Hadalkaan kasoo yeeray Gudoomiye Mursal waxaa xigay Kulankii kusoo dhamaadey Buuqa ee shalay iyo Kulanka Beri uu iclaamiyay, waxaana siweyn loo rajaynayaa inuu Gudoomiyuhu Wakhtiga u kordhiyo Xukuumada. Puntlandi.com Muqdisho The post Mahad Salaad “ Gudoomiye Mursal wuxuu shalay noo sheegay in Heshiiskii 17 sebtembar uu Fashilmay, Xukuumadana loo kordhinayo Wakhtiga” appeared first on . Source
  17. (SLT-Brazil)-Maxkamad ku taalla dalka Brazil ayaa ku amartay madaxweynaha dalkaas Jair Bolsonaro inuu magdhow siiyo gabadh weriye ah kaddib markii uu ka sheegay hadal aan habbooneyn. Mr Bolsonaro ayaa sannadkii la soo dhaafay sheegay in Patrícia Campos Mello ay galmo usoo bandhigtay qof ay dooneysay inuu warbixin khaldan ka sheego madaxweynaha. Garsooraha ayaa sheegay in hadalka Mr Bolsonaro uu dhaawacay sumcadda weriyaha. Madaxweynaha ayaa lagu amray inuu magdhow ahaan gabadha u siiyo 20,000 reais (£2,500; $3,500). Racfaan ayuuse ka qaadan karaa xukunka. Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ayay Ms Campos Mello, oo ah weriye hore ugu guulleysatay abaal marin una shaqeysa wargeyska Brazil laga leeyahay ee Folha de S.Paulo, ayaa sheegtay in go’aanka qareenka uu yahay “guul u soo hoyatay dhammaan haweenka”. Ururka Weriyeyaasha Ka dhanka ah Tacaddiyada ayaa sheegay in xukunka maxkamadda uu guul weyn u yahay gabdhaha weriyeyaasha ah iyo saxaafadda dalka Brazil. Mr Bolsonaro, oo ah madaxweyne ka tirsan xisbiga garabka midig isla markaana xilka hayay tan iyo bishii January 2019, waxaa lagu yaqaannaa hadallo aan habbooneyn oo ka dhan ah weriyeyaasha cambaareeya maamulkiisa. Ms Campos Mello ayaa madaxweynaha ka gudbisay dacwad ka dhan ah hadalkii uu ka sheegay February 2020. Warbixin lagu soo daabacay wargeyska Folha ayaa waxaa Mr Bolsonaro lagu eedeeyay in Ms Campos Mello uu u geystay gef. Mr Bolsonaro ayaa sheegay in gabadha weriyaha ah ay dooneysay inay sameyso wax walba oo isaga ka dhan ah. Ms Campos Mello ayaa dhowr warbixin oo baaritaan ah ka qortay koox ka dhisan WhatsApp-ka kuwaas oo taageero u muujinayay ololihii doorashada Mr Bolsonaro ee doorashadii 2018. Bishii January, Ms Campos Mello ayaa ku guuleysatay kiis ka dhan aha wiilka madaxweynaha Eduardo, oo ka tirsan baarlamaanka aqalka hoose ee Kongareeska Brazil. Wuxuu muuqaal bishii May la soo dhigay barta YouTube ku sheegay in weriyaha ay isku dayday inay shukaansato qof ay ka dooneysa inuu siiyo warbixin ka dhan ah aabbihiis. Xaakimka ayaa sheegay in hadalkaasi uu gef ku yahay sumcadda weriyaha, wuxuuna wiilka Mr Bolsonaro ku amray inuu gabadha magdhow ahaan u siiyo 30,000 reais. Source
  18. Munaasabad ka dhacday xarunta karantiilka ee magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu daah furey Tallaalka cudurka COVID-19 ee degaanada Koofur Galbeed. Ku simaha madaxweynaha ahna ku guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Maxamed Nuur Maxamed Macalin ayaa furey tallaalka, isagoo shacabka ku booriyay in ay qaataan tallaalka. Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa dhowaan Baydhabo ka dejisay shixnad gaaraysay 30,000 oo kuuro oo tallaalka COVID-19 ah. Wasiirka caafimaadka Koofur Galbeed, Maxamed Cismaan Jiidow, oo kamid ahaa mas’uuliyiinta lagu daah furey tallaalka ayaa bulshada ugu baaqay in ay is tallaalaan si cudurka looga hor tago. Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed, Dr. Xuseen Maxamed Daahir, ayaa sheegay in tallaalka la gaarsiin doono dhammaan degmooyinka maamulka. View the full article
  19. PRESS RELEASE The Aid for Trade Initiative for the Arab States Program contributes to post-COVID-19 Economic Recovery through Inclusive Job Creation The AfTIAS 2.0 Program was designed by ITFC in 2020 in consultation with beneficiary countries JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, March 28, 2021/ — The International Islamic Trade Finance Corporation (www.ITFC-IDB.org) organized a virtual Roundtable with high-level speakers from the Governments of the Kingdom of Saudi Arabia, Arab Republic of Egypt and the Kingdom of Spain, the World Trade Organization, the International Monetary Fund, the International Trade Center, and the United Nations Economic and Social Commission for Western Asia (ESCWA) on the impact of COVID-19 on trade in the Arab region and new business opportunities in the post-Covid era. Eng. Sonbol, ITFC CEO: “The COVID-19 pandemic has shown more clearly the importance of AfTIAS 2.0”, calling on donor countries and international development organizations to join AfTIAS 2.0 and contribute to the formidable task of supporting the most vulnerable and fragile countries in the Arab region. The International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC), on the 25th March 2021, organized a virtual roundtable on the second phase of the Aid for Trade Initiative for the Arab States Programme (AfTIAS 2.0) themed “Contribution to the economic recovery post COVID-19 through inclusive job creation.”. The speakers and contributors at the roundtable highlighted various aspects of AfTIAS 2.0’s expected interventions, namely, poverty alleviation, inclusive job creation, enhancing stability in fragile states, and curbing migration. The rountable was chaired by Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) and Chairman of the AfTIAS Programme Board and with opening remarks from Mr. Frederick Agah Yonov, Deputy Director-General, World Trade Organization (WTO). The series of discussions and contributions kickstarted with keynote addresses by Dr. Majid bin Abdullah Al-Qasabi, Minister of Trade, Kingdom of Saudi Arabia, Chairman of the Board of Directors of the Saudi General Authority of Foreign Trade (GAFT), Dr. Nevin Gamea, Minister of Trade and Industry, Arab Republic of Egypt and Dr. Mahmoud Mohieldin, Executive Director (Arab Countries), International Monetary Fund (IMF), followed by a brief presentation on the AfTIAS Program by ITFC. In his opening speech, H.E. Dr. Majid Al-Qasabi, Minister of Trade and Chairman of the Board of Directors of the General Authority for Foreign Trade, reviewed the role of the Kingdom of Saudi Arabia in establishing the Aid for Trade Initiative for Arab States (AfTIAS) in its first phase, reiterating the importance of promoting trade in the Arab world. His Excellency also added, “The Kingdom of Saudi Arabia is looking forward to optimising the second phase of the AfTIAS program, with the aim of enhancing the competitiveness of micro, small and medium-sized enterprises, to increase the sector’s GDP contribution from 20% to 35% in line with the strategic goal of the Kingdom’s 2030 Vision.” Dr. Nevin Gamea, Minister of Trade and Industry of the Arab Republic of Egypt, also announced Egypt’s continuing support for the Program in its second phase, stressing that all efforts will be made to ensure the success of the program in promoting trade in the Arab world, which is still at low levels compared to other regional trading blocs across the globe. Dr. Mahmoud Mohieldin, Executive Director (Arab Countries), International Monetary Fund (IMF), spoke on how AfTIAS 2.0 could enhance stability in fragile Arab countries. Providing an overview of the economic and market landscape of the Arab region, he emphasized that trade can lead to improving future prospects through food security, employment, domestic revenue and resilience. Speaking at the roundtable, Ms Rola Dashti Under-Secretary-General of the United Nations and Executive Secretary of Economic and Social Commission for Western Asia (ESCWA) provided an assessment on the impact of COVID-19 on trade globally and in the Arab region in particular, highlighting the challenges being faced. Heraddress was followed by D.r Pamela Coke-Hamilton, Executive Director of the International Trade (ITC), who presented on business creation and ways to fast track internationalization for young entrepreneurs in Arab states in a post-COVID context. Ms. Maria Molina, Head of the Department of Cooperation with the Arab World and Asia, Spanish Agency for International Development Cooperation (AECID)highlighted the need to curb migration through creation of decent jobs in Arab countries. Commenting on the importance of the Roundtable, Eng. Hani Salem Sonbol, ITFC CEO, said: “The COVID-19 pandemic has shown more clearly than anything before that today’s global challenges do not stop at borders, and that cooperation is the key to overcoming them. The design of AfTIAS 2.0 as a regional program directly corresponds to this vital need for cooperation”. The CEO called on donor countries and international development organizations to join AfTIAS 2.0 and contribute to the formidable task of supporting the most vulnerable and fragile countries in the Arab region. The AfTIAS 2.0 Program was designed by ITFC in 2020 in consultation with beneficiary countries, regional and international organisations, following the successful completion of the 1st phase of the programme in 2018. AfTIAS 2.0 puts emphasis on inclusivity. A specific focus of AfTIAS 2.0 is to create jobs for youth and women, thereby alleviating the negative impact of COVID-19 in the Arab region, contributing to stability and mitigating migration challenges. The programme will be formally launched in June 2021 and will run for five years. Distributed by APO Group on behalf of International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC). Qaran News
  20. Ciidamo Puntland ah oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa jidgooyooyin cusub dhigtay wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe, iyagoo masuuliyiinta Puntland ka mamnuucay isticmaalka wadadaas. Jidgooyada ay dhigteen ciidamadan ayaa caqabad ku noqotay masuuliyiiin Puntland katirsan oo qorsheynayay in ay ciidamo tababar ugusoo xiraan degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Ciidamada dhigtay jidgooyada ayaa cabashadooda waxay kusoo aadaysaa xilli madaxweynaha Puntland uu dhawaan shaaciyay in la kordhiyay mushaarka ciidamada. Ciidamada gadoodka sameeyay ma xanibin gaadiidka dadweynaha ee ku kala safraya wadadaan, inkastoo cabsi laga muujinayo. Gudaha Puntland, in ciidamadu ay gadood sameeyaan, ma ahan wax ku cusub dhegaha shacabka, waxayna aad ugu badnayd xilligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa Cabdiweli Gaas. Madaxweyne Deni inkastoo uu sheegay in mushahaarka uu kordhiyay, hadana cabashada ciidamada weli ma dhamaan, waxayna haatan ka taagan tahay gobolka Gardafu, oo ay ciidamo iyo saraakiil ka cabanayay xuquuq la’aan sameysteen jabhad. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanadii laga mamnuucay inay soo xaadiraan kulanka xiga ee golaha shacabka ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho. Xildhibaanadaan oo dhawr iyo toban ah ayaa saxaafadda kula hadlay Hotel Jaziira waxeyna ka warbixiyeen waxa ay ka yeelayaan go’aankii kasoo baxay guddoonka golaha shacabka, haddii ay xaadirayaan kalfadhiga berri loo ballamay, iyo arrimo kale oo ku saabsan ciidamadii la keenay golaha shacabka kulankii shalay guuldarada kusoo dhamaaday. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada lagaga mamnuucay iney soo xaadiraan kalfadhiyaada baarlamanka ayaa shirka jaraa’id furay wuxuuna ka hadlay waxyaabo badan oo khuseeya ujeedka ay warbaahinta ugu yeereen. Mahad Salaad wuxuu sharraxay wixii dhexmaray koox xildhibaano ah oo uu ku jiray iyo gudoomiye Maxamed Mursal kuna saabsan ajandaha la keenay kalfadhigii shalay, sida uusan u waafaqsaneyn xeer hoosaadka baarlamaanka taasna ay ka dhalatay inuu kalfadhiga xirmo. Intaas kadib wuxuu dul istaagay go’aanka kasoo baxay guddoonka golaha shacabka wuxuuna yiri: “Xalay mar dambe ayuu guddoomiyaha soo tuuray warqad wiifto ah isagoo leh 15 xildhibaan oo xildhibaanada ka mid ah ma imaan karaan muddo shan kulan ah kulamada golaha shacabka, go’aaka Mursal uu ku sheegay inuu xildhibaanada uga joojiyay kulamada golaha shacabka, marka koowaad ma jirto wax sharci ah oo uu u cuskaday, ma jiro xeer fasaxaya in gudoomiyaha soo saaro go’aan nuucaan oo kale ah, wuxuu meel uga dhacay xeer hoosaadka golaha shacabka, awoodda kaliya ee gudoomiyaha uu leeyahay xilliyada fadhiyada waa midda ku cad qodobka 16-aad, farqadiisa 6-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka ee si cad u qeexaya, hadii ay jirto fowdo ama nidaam darro gudoomiyaha wuxuu xiri karaa fadhiyada, wuxuuna ajandaha maalintaas dib ugu dhigi karaa kulanka xiga” Mahad Salaad isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Mursal wuxuu ku xad gudbay qodobka 25-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka ee xadeynaya ajandaha fadhiyada golaha shacabka, guddiga joogtada ayaa diyaariyaha ajandaha fadhiyada golaha shacabka, waxaana loo qeybiyaa xildhibaanada 24-saac ka hor fadhiga loo dhan yahay, sidoo kale gudoomiye Mursal wuxuu ku tuntay qodbka 14-aad ee qeexaya inuu masuul ka yahay fulinta iyo dhawrista xeer hoosaadka iyo ilaalinta nidaamka golaha, wuxuu kaloo ku tuntay qodobka 4-aad, farqadiisa 6-aad ee xeer hoosaadka kaas oo ka mamnucaya dhismaha golaha lala soo galo hub, isagoo maleeshiyaad dharcad ah kusoo daabulay xarunta golaha oo meel walba ay joogeen.” Mahad Salaad ayaa tafaasiil ka bixiyay hogaamiyahii ciidamadii lagu soo daadiyay xarunta golaha shacabka wuxuuna ku sheegay in loogu yeero Shakiib, sidoo kalana isagoo dhaawac ah bakaaraha laga soo qabtay kana tirsanaa Al-Shabaab. Wuxuuna xogtiisa raaciyay in la geeyay xabsiga dhexe, loona gudbiyay xabsiga Sarandi oo lagu xiro dambiilayaasha kasoo goosta shabaab iyo kuwa la qabto iyagoo dagaalamaya, intaas kadib waxaa loo dalacsiiyay inuu ku biiro ciidamada NISA. Ugu dambeyntii xildhibaanada waxey sheegeen iney tagi doonaan kalfadhiga berito, wixii ka dhacana uu dusha saaran doono guddoonka Baarlamaanka maadaama aysanba aaminsaneyn iney warqadda lagu sheegay ineysan kasoo qeyb gali karin aysan aheyn mid sharciga ku qotonta. Hoos ka daawo muuqaalka
  22. Mogadishu (HOL) - Somalia's Federal Member State Presidents met at the Airport Hotel in Mogadishu on Saturday to discuss the ongoing political crisis without representatives from the federal government. Source: Hiiraan Online
  23. Two suicide bombers detonated explosives outside a Catholic church in the Indonesian city of Makassar, wounding fourteen people on the first day of the Easter Holy Week, the country’s national police said. Source: Hiiraan Online