Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. WASHINGTON - The leader of Somalia’s al-Shabab militant group is calling for lone wolf attacks against American and French interests in Djibouti ahead of key presidential elections in the Horn of Africa country. Source: Hiiraan Online
  2. A series of five evidence-based short films and factsheets about autism for the Somali community have been launched by National Institute for Health Research (NIHR) funded researchers at the University of Bristol and community organisation Autism Independence. Source: Hiiraan Online
  3. (ERGO) – Bashar Elmi Yey, a resident of Borama in Somaliland, has been wearing a facemask since the outbreak of COVID19 in March 2020, and he is still being publicly shamed quite frequently and called jeering names like ‘Coronavirus’ for wearing a mask. Source: Hiiraan Online
  4. The Somali National Army (SNA) special forces killed more than 10 al-Shabab militants including three commanders in the latest onslaught on the fighters of the terrorist group. Source: Hiiraan Online
  5. Djibouti (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ururka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda ayaa iska soo duubay fariin cod ah oo socaneysa in ka badan 20 daqiiqo, taas oo uu u diray shacabka reer Jabuuti. Farrintaan oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayuu Abuu Cubeyda “ku raddinayaa” dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee xukunta dalka Jabuuti. Waxa uu sheegay in madaxweyne Ismaaciil uu dalka Jabuuti gacanta u geliyey dowladdo aan Islaam aheyn, kuwaas oo uu sheegay inay hantiyeen dalka yar ee Jabuuti, isla markaana ay hadda hunguriyeynayaan dalkan Soomaaliya. In kastoo sida hadalkiisa laga dheehan karo uu cadaawadda ugu weyn u qabo dowladda Faransiiska, hadana dowladaha kale ee uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah Mareykanka iyo Shiinaha, kuwaas oo iyaguna saldhigyo militeri ku leh dalka Jabuuti. “Guud ahaan qabaa’ilka muslimka ah ee ku dhaqan Jabuuti waxaan leeyahay, dhulkiina waxa uu hooy u noqday Faransiis iyo Mareykan, ogaada shacabka reer Jabuutiyow, dowladda waqtigeedu sii dhamaanayo ee ina Cumar Geelle waxay ka mid tahay cadawga ugu weyn ee muslimiinta Bariga Afrika, Ismaaciil Cumar Geelle waxuu suurta geliyey in muslimiinta Bariga Afrika looga soo duulo dalkiina Jabuuti, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Abuu Cubeyda. Waxa uu sheegay in hurmar la’aan ba’an uu Jabuuti u hor seeday madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, islamarkaana ay ku jiraan caburin tii ugu darneyd abid, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Abuu Cubeyda ayaa qiray in kooxda uu hoggaamiyo ee Al-Shabaab ay jab culus kala kulmaan diyaarado uu sheegay inay ka soo duulaan saldhigyada militeri ee dowladaha reer Galbeedku ay ku leeyihiin dalka Jabuuti, kuwaas oo ku beegsada goobaha ay ka joogaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday ciidanka ay Jabuuti u soo dirtay Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaas oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u yaqaanaan Hiil-walaal, isagoo sheegay in culeys badan ay ku hayaan xasiloonida Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Abuu Cubeyda. “Waxaan reer Jabuuti ugu baaqeynaa inay iska dul qaadaan xukunka Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa waajib idin ku ah sidii aad dalkiina uga saari laheydeen Faransiiska mar kasta aflagaadeeya Nebigeenna Muxamed NNKH,” ayuu hadkiisa ku sii daray hoggaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.
  6. Gudoonka Baarlamaanka ayaa Fariin ogaysiis ah u diray Xubnaha Baarlamaanka isagoo kubwargaliyay in kulankii Baarlamaanka uu baaqday Isniinta 29/3. Badalkeedana laga dhigay Arbacada 31,3,2021. Faahfaahin lagama bixin dababta loo baajiyay inkastoo loo badinayo laba arimood midkood inuu u baaqdey kulanku. Tankowaad oo ah Xildhibaanadii uu Gudoomiyhubka manuucay kulamada Baarlamaanka oo dhankooda kunhanjabay inay soo Xaadiriyaan Kulanka iyagoo u arkaya in Gudoomiyuhu uusan awood u lahayn inuu ka manuuco kulanada. Tanlabaad ayaa iyana ah Beesha Caalamka oo Xalay Gudoomiyaha la hadlay kulana taliyay inuu baajiyo kulanka, Waxayna cadaadis xoogan ku saareen Gudoonka in laga dheeraado waxwalba oo carqaladaynaya Heshiiskii 17 Sebtembar. Kulanka Baarlamaanka wuxuu Gudoomiyahu iclaamiyay Arbacada 31 Maarso. Puntlandi.com Muqdisho The post Kulankii Baarlamaanka oo baaqdey lagana dhigay Arbacada appeared first on . Source
  7. Kulankii Barlamaanka Somalia ee maanta oo la baajiyay+digniin Xalane ka timid & Mudo korodhsigii Farmaajo oo fashilmay Shirkii golaha shacabka ee saakala loo balansanaa ayaa dib loo dhigay kadib Farriin loo diray Xildhibaanadda. Fariinta loo diray mudanaaysha ayaa sidan u qorneyd oo katimid Gudoonka Golaha Shacabka “Mudane Xil. Shirkii Beri oo Isniin ah loo balansanaa waxaa dib loogu dhigey maalinta Arbacada oo tariikhdu tahay 31 March” Xildhibaanada ayaa u balansanaa maanta oo Isniin ah iney ka doodaan Covid-19 iyo ansixinta guddiyo kamid noqonaya kuwa ilaaliya xuduudaha. Xildhibaano badan oo mucaarad ah ayaa shalay laga ganaaxay kulamada dambe iney soo xaadiraan iyagoo wacad ku maray maanta iney tagi doonaan wixii ka dhacana uu mas ‘uuliyadeeda qaadanayo Mursal. Xildhibaanada ayaa intooda badan aaminsanaa in Ajandaha uu yahay muddo kororsi oo Villa Somalia ay wadatay, waxaana arrinta soo farageliyay Beesha Caalamka iyo AMISOM. Qaran News
  8. Ciidamo ka gadoodsan Mushaar la’aan soo wajajhday oo Isbaaro dhigtay waddo muhiim ah Ciidamo gadoodsan oo mushaar la’aan ka cabanaya ayaa muddo ku dhaw hal toddobaad waxey isbaaro dhigteen waddada iskuxidha Garowe iyo Gaalkacyo, sida ay wararka nagu soo gaadhayaan. Ciidamadaan oo aan tiradooda la sheegin ayaa ka cabanaya ineysan helin xuquuqdooda, waxeyna masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland u diideen iney isticmaalaan laamiga dheer ee labada magaalo isku xidha. Ciidanka ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Xarfo oo ka tirsan gobolka Mudug. Qaar ka mid ah saraakiisha oo aan magacooda la shaacin ayaa la hadlay warbaahinta, waxeyna sheegeen ineysan ka tagi doonin halkaas inta laga siinayo xuquuqda kaga maqan maamulka uu hogaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni. Wararka aan heleyno sidoo kale waxaa ka mid ah in ciidamadaan ay u diideen inuu wadada isticmaalo wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo doonayay inuu wadadaas isticmaalo. Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa la sheegay iney kusii jeedeen Gaalkacyo, balse waxaa warar dambe ay sheegayaan iney diyaarad ku aadi doonaan halkaas. Qaran News
  9. Saudi Arabia oo abuureysa 10 bilyan oo geed Saudi Arabia ayaa hiigsaneysa in ay sanadaha soo socda abuurto 10 bilyan oo geed taasi oo qayb ka ah olole hankiisu sarreeyo oo uu Sabtidii daahfuray Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan, ujeedkuna yahay in la yareeyo qiiqa kaarboonka, iyo la-dagaallanka wasakheynta iyo nabaadguurka. Saudi Arabia oo ah dalka ugu sarreeya ee dhoofiya shidaalka ayuu Dhaxal suguhu sheegay in ay damacsan tahay in ay dhinto qiiqa kaarboonka ay soo saarto iyadoo 50% tamarteeda ka sameyn doonta tamarta dib loo cusbooneysiin karo marka la gaaro 2030. Riyadh ayaa sidoo kale dowladaha kale ee Carbeed kala shaqeyn doonta barnaamijka Bariga Dhexe Cagaaran si loo beero 40 bilyan oo geed oo dheeri ah, taasi oo uu amiirku sheegay in uu noqon doono mashruuca dhir-beerista ugu weyn dunida. Hindisaha dhir-beerista Sacuudiga ayaa qeyb ka ah qorshaha aragtida 2030 ee dhaxalsugaha boqortooyada si loo yareeyo ku tiirsanaanta dakhliga saliidda iyo wanaajinta tayada nolosha ee dalkaasi. Qaran News
  10. “Haweenka iyagaa isugu wacan tacaddiyada” weriyeyaal hadalkaas shaqadoodii ku waayay Weriyaha caanka ka ah Kenya Shaffie Weru ayaa is weydiiyay inay haweenku sabab u yihiin inay ragga soo weeraraan Saddex weriyeyaal Kenya u dhashay kana shaqeynayay mid ka mid ah raadiyeyaasha dalka ayaa shaqada laga cayriyay kaddib markii ay ka doodeen in haweenku ay mas’uul ka yihiin inay raggu soo weeraraan. Waxay ka doodayeen kiis maxkamadeed oo ku saabsan nin lagu eedeeyay in haweeney uu Facebook ka bartay uu kulankoodii ugu horreeyay ka soo tuuray daaqadda dabaqa 12-aad. Baraha bulshada Kenya waxaa is qabsaday caro laga muujinayo hadalka weriyeyaashan, oo gabadha dhibbanaha ah ku eedeeyay inay iyadu isugu wacan tahay waxa ku dhacay. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in hadalka weriyeyaashan uu taageero u muujinayo tacaddiyada haweenka ka dhanka ah, waxaana la joojiyay barnaamijkaas. Shaffie is insinuating that the lady who was pushed from the 12th floor of a building in Nairobi CBD after she said no to a man's advancements was because she was too loose & very available hence putting herself is such a situation. Homeboyz yawa. What the actual hell! — BRAVIN YURI (@BravinYuri) March 25, 2021 Doodda waxay ku saabsaneyd kiis maxkamadeed oo Eunice Wangari ay ku eedeysay Moses Gatam Njoroge in kulankoodii ugu horreeyay uu ka soo tuuray dabaqa 12-aad, iyadoo sheegtay in sidaas uu sameeyay kaddib markii ay ka diidday damaciisa. Wuxuu Moses sheegay inuusan wax dembi ah ku lahayn dhaawaca jireed ee soo gaaray gabasha, kiiskuna haatan ayuu ka socdaa maxkamadda. Arbacadii weriyaha Kenya caanka ka ah Shaffie Weru ayaa arrinta Ms Wangari wuxuu kaga dooday barnaamijka Lift-Off ee subixii baxa ee raadiyaha Homeboyz. “Waxaan ka doodeynay Eunice, gabadha 20 sano jirka ah ee sanadkii la soo dhaafay, qof ka baratay Facebook, is barashadii ugu horreysay aadday ibtaas kaddibna … noqotay qof aan dhaqaaqi karin, weli way dhutineysaa sababtoo ah waxaa cad in ninkan ay ka baratay Facebook u ka casuumay dhisme, waxay ku kulmeen dabaqa 12-aad”. “Kaddibna qiyaas waxa dhacay? Ninka wuxuu isku dayay inuu dhaqdhaqaaq sameeyo… Waxay tiri ‘ma saneynayo sidaas, uma soo jeedo arrintan’ kaddibna ninka wuxuu ka soo tuuray dabaqa 12-aad haatanna waa curyaan. “Waxaana dhammaan gabdhaha ugu baaqayaa… waa inaad is jirtaan.” Wuxuu kaddib su’aal ka keenay: “Ma idinla tahay in haweenka Kenya ay ragga isku bandhigaan, aad miyay u dabacsan yihiin, miyay yihiin kuwo damac uu ku jiro, niyad jabsan sidaas darteedna ay ula kulmaan xaaladahan oo kale?” Codkaas ayaa waxaa baraha bulshada ku wadaagay dad careysan oo ku doodaya in Weru uu eedeynayo gabadha dhibbanaha ah. “Dooddan waa mid laga yaqyaqsoodo. Sidani maaha xalka walaalayaal. Ceebenta dhibbanaha waxay la mid tahay ficilka. Si ka fiican ka sameeya,” ayuu yiri Sauti Sol, oo ah fannaan. Khamiistii shirkad wax ku xayeysiisan jirtay raadiyaha ayaa kala laabatay xayeysiinta. East African Breweries, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hadalkaasi uu ka dhigan yahay mid lagu taageerayo tacaddiyada haweenka lagula kaco. Weriyaha Weru ayaa sidoo kale raalligelin bixiyay isagoo Jimcih qoraal soo dhigay barta Instagram. Balse shalay Homeboyz Radio sackedayaa shaqada ka cayriyay dhammaan saddexda weriye. Maamulka Warfaafinta Kenya oo arrinta ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijka uu ku eedeysan yahay taageeridda tacaddiyada galmo ee haweenka ka dhanka ah. Waxay joojisay barnaamijka Lift-Off muddo lix bilood ah waxaana raadiyaha lagu xukumay hal milyan oo shilinka Kenya ah ($9,100; £6,600). Qaran News
  11. Kulankii Baarlamanka Soomaaliya ee loo ballansanaa maanta oo Isniin ah ayaa la baajiyay waxaana dib loo dhigay ilaa maalinta Arbacadaha ah ee todobaadkan. Farriin kooban oo loo diray xildhibaannada Baarlamanka ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba maanta la baajiyay kulanka islamarkaana dib loo dhigay ilaa 31-da bishan oo ku beegan Arbaco. “Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri Farriinta. Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay cadaadis xooggan ku saareen madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka Baarlamanka in dib loo dhigo kulanka oo laga shaki qabay in mudda kordhin lagu sameeyo. Sidoo kale Kulanku wuxu diidmo adag kala kulmay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, Midowga Musharaxiinta iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Kulankii Baarlamanka Soomaaliya oo maanta la baajiyay appeared first on Puntland Post.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa quus ka muujiyay aqoonsi ay hesho Somaliland, isagoona sababtaasi ku sheegay inay tahay maamul xumi ballaaran oo xilligaan haysata Somaliland. Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay in aqoonsi la’aanta iyo in xuduudaha ay ka gudbi waayaan ay ku timid aqoon xumi, isagoo ku eedeeyay madaxweynaha xilka haaya ee Muuse Biixi in uu xirxiray dadkii ka fikirka duwanaa iyo murashaxiintii xisbiyada kale ee xukuumaddiisa kasoo horjeeday. Guddoomiye Feysal ayaa carabka ku adkeeyey in Madaxweyne Muuse Biixi uusan Somaliland sii maamuli karin. “Waxa maanta halkaan na dhigay ee xuduudihii gaari weynay, waa hoggaan xumo, ka fiirsada markaad wax coddeyneysaan, qabiil ha eeginee qofka hagaagsan oo wax qabanayo, caqli leh, iimaan leh ee ummada isku wadi kara ayaa la doortaa, hadaad mid jabhad sameyn kari waayay cod siisaan, hadde maanta dalkii waa beylah waa kaa,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe. Waxuu intaas ku sii daray, “Afweyne Dikteeter buu ahaa, waxbuu socod siin jiray, laakiin kani wax uu socod siin karo iska daaye, waxba ma qaban karo.” Gudoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa ku duceystay in ilaahey tuso shacabka Somaliland oo gacmaha is-qabsaday, si ay isaga hor wareejiyaan Muuse Biixi oo hadda madaxweyne u ah. Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe waxaa lagu yaqaan hadal adeega iyo in uu yahay siyaasi aan ka xishoon hadallada qaar oo wixii calooshiisa ku jira afka ka sheega xumaan ama amaan.
  13. Madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee dalkaas, Didier Ratsiraka geeriyooday. Didier Ratsiraka oo Madagascar soo xukumaayay 22 sano, ayaa ku geeriyooday isbitaal military, isagoo 84 jir ah. Didier Ratsiraka ayaa isbitaal la dhigay 22 bishaan Maarso, wuxuuna geeriyooday maanta inksata oo aan la shaacin sababta uu u geeriyooday. Didier Ratsiraka ayaa madaxweyne ka soo noqday Madagascar labo jeer oo kala ahaa 1975 ilaa 1993 iyo 1997 ilaa 2002. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee dalka Madagascar oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  14. Muddo soddon sano kor u dhaaftay, ayaa nimankii Soomaaliyeed (ma oran karo RAGGII Soomaaliyeed) waxay dhex hoganayaan Aqal Weynoo (i.e. Dal) burburay oo dhiiqo iyo qashin ka buuxaan. Meelo ka mid ah aqalku waxay noqdeen bahallo-galeen. Waxaa illaa hadda la garan la’yahay, in bal marka hore aqalka dib loo dhiso, keddibna lugu dhaqaaqo sidii qolalkiisa (i.e. xafiisyadiisa) oo dayactiran, loogu adeegi lahaa bulshada Soomaliyeed. Waxaa kaloo la garan la’ yahay in meela yaryaroo ka mid ah aqalka burburay aan laga dhigi karin xafiisyo. Cayayaanka aynu wada naqaan ee ABOORKA la yiraahdo, wuxuu ugu horrayntii dhisaa DUDDUNTII uu hadhow ku dhex shaqaysan lahaa, amaba tolkiisa (i.e. Abooryahan) oo idili ay ku wada noolaan lahayeen. Nimanka Soomaaliyeed waxay soddon sano beesha caaalamka ka sugayaan in aqalkooda loo dhiso. Nasiib-darrose, beesha caalamku waxay aqal-dhiskii laga filayay, si xeeladaysan ugu baddashay, nidaam ku dhisan xabbad-joojin aan dhamaad lahayn (never ending truce) iyo doorashooyin khayaali ah (i.e. Virtual elections) oo afartii sanaba mar la qabto, si aan heshiiska xabbad-joojinta cidina u jebin. Ilaahay amarkiis, nimanka Soomaaliyeed, waxay xataa ku cibraqaadan waayeen dadaalka iyo hawl-karnimada aboorka aan maskaxda lahayn ee ku shaqeeya qariisadda (i.e. instinct). Marka aboorku dhisanayo duddunta, ma jiraan bahal iyo cayayaan kaloo u soo gurmada oo duddunta la dhisa! Aboorku, waa mare, candhuufadiisa keliya ayuu ku dhisaa duddunta. Waa marka labaade, habaynkii keliya ( alyacni inta beesha caalamku huruddo kkk) ayuu dhisaa. Intaas keddib, waxaa jira laba arrimood oo xusid mudan: Kow:- waddamada horay u maray, gaar ahaan, kuwooda doofaarada dhaqda, waxay siiyaan cunno iyo caws waxtar leh iyo daawooyin (i.e. antibiotics), si doofaarku, durba, muddo gaaban uu u koro, una cayilo,si markaas loo geeyo kawaanka oo loo qasho. Soomaaliduna waxay si degdeg ah, ugu dhalaan, una koriyaan carruurtooda, si markay qaangaaraan oo ay lixaad iyo awood yeeshaan, loo hubeeyo oo dagaal loo geliyo, si ay awooweyaasha, ayeeyooyinka, bahallada iyo dhagaxda lugu abtirsado, QURBAAN ahaan loogu loogo! Waaxaa maanta ii muuqda in la soo gaaray xilligii mindiyo-soofaynta. Malaha dhallinyaradii baa wada kortay oo wada naaxday, diyaarna u ah in la qurbaano. Wadeeca Alla! Labo:- nimankii Soomaaliyeed waxay u qaybsameen:- 1- Kuwo ku raaxaysanaya keliya AWOOWEYAASHEEN baa wax ahaan jiray! 2- Kuwo ku raaxaysanaya in nimankii awal yasi jiray amaba liidi jiray, ay maanta dhooqada ku wada jiraan! 3- Kuwo garashadii iyo caqligii ka kaaftoomay oo ay ka soo hartay “Ninkii Caddaa, ama ninkii Carabka ahaa, wuxuu yiri, ama lahaa”! 4- Kuwo ku hamminaya in kuwa halka lug kula jira dhooqada, labada lugoodba loogu geliyo! 5- Kuwo qurbaha ku kala nool oo horay uga soo cararay dhibtii iyo gabood-falladii loo soo gaystay oo hadda ku raaxaysanayaa in kuwii dhibta usoo gaystay ay dhooqada ku dhex jiraan! 6- Kuwo, intaa falanqaynaya, kana doodaya dhooqada ay ku dhex jiraan oo camalba ka dhigtay ‘waraysiyo bixin, Twitterayn, live-soo-gelid iyo soo saaaridda maqaallo ku qoran afaf qalaad’! 7- Kuwa, wanaag iyo run kastoo loo sheego ku CARIIQSANAYA, oo aan la soo marin karin, inay oggolaadaan wanaag, khayr ama XAL kastoo ka soo maaxday maskax kaloo aysan isku ROOXAAN (i.e. Beel) ahayn. Rabbi tala ku filan Xaashi Yaasiin Cismaan Switzerland hashiyosman@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Muqdisho (Caasimada Online)– Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka loona kala diray xildhibaanada ayaa lagu ogeysiiyay in la baajiyay kulankii maanta oo Isniin ah loo balansanaa. Fariinta loo kala diray xildhibaanada golaha shacabka ee mudo xilkeedkiisa dhamaaday ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay kulankaasi ilaa maalinta arbacada ah sida ku cad farintaasi. “Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada. Sida wararku sheegayaan arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii cadaadis xooggan la saaray Farmaajo iyo guddoonka baarlamaanka ee mudo xileedkoodu dhamaaday. Diblumaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka ayaa saacadihii u danbeeyay wada hadalo dhinaca muuqaal araga fog iyo taleefano kula xiriirayay Farmaajo iyo Mursal si loo joojiyo kulanka baarlamaanka, waxaana heshiis lagu gaaray in kulanka Isniinta la baajiyo. Hakinta shirkaan ayaa la sheegayaa iney qeyb ku leeyihiin madaxda Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo si weyn u diidan qorshaha Farmaajo. Dhinaca kale xildhibaanada kasoo horjeeday kulankaasi oo la sheegay in mudo xileedka Farmaajo loogu kordhin lahaa hadii uu qabsoomi lahaa ay sheegeen in xaalada siyaasadeed iyo mida amni ay noqon laheyd mid waji cusub yeelato, mas’uuliyadeedana uu qaadi lahaa Maxamed Mursal iyo Farmaajo sida ay hadalka u dhigeen.
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-2832021.mp3 View the full article
  17. Mogadishu (PP News Desk) — The Former Somalia Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke called for unconditional implementation of 17 September agreement on the Somali electoral model. Sharmarke tweeted that “ongoing efforts to nullify the 17 Sep accord, it will be major step towards instability which warrants sanctions against those have spoiled the process.” Sharmarke: “The smooth implementation of 17 September agreement …remains so far the best solution.” Sharmarke’s tweet repudiates the position of Puntland and Jubaland leaders on the electoral model and subsequent technical summit held in Baidoa this year. Sharmarke is considering to run for Somali presidency again. Jubaland is lobbying for renegotiation of the terms of 17 September electoral model which it endorsed after the Federal Government of Somalia had accepted demands from Puntland and Jubaland to abrogate the electoral law in favour indirect elections. James Duddridge, the UK Minister for Africa emphasised “the urgent need for Somali leaders to come together and reach consensus on implementing the electoral process, according to the model agreed on 17 September and the recommendations of the 16 February Baidoa Technical Committee”. Sharmarke is believed to have urged Puntland and Jubaland leaders to sign the electoral agreement after their demand for a return to indirect elections was accepted and passed by the Federal Parliament. Abdirahman Ibbi, a Somali MP, yesterday criticised Jubaland and Puntland Presidents for “undermining the electoral process”. © Puntland Post, 2021 The post Former Somalia PM Calls for Sanctions Against ‘Spoilers’ appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee dalka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu waqtiga dheeraa, waxayna xog ay heshay Caasimada Online sheegeysaa in dhowr arrimood la isla meel dhigay. Kulamada madaxdan oo galay maalinkoodii seddaxaad ayaa maanta diiradda lagu saaray xal u helida caqabadaha ku hor-gudban qabsoomidda shirka guud ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo gogoshiisu taal teenadhada Afisyooni ee xarunta Xalane. Sida aan xogta ku helnay waxaa kulankii maanta lagu gorfeeyey sidii looga gudbi lahaa shuruudaha ay madaxda Puntland iyo Jubbaland ku xireen shirka guud ee xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada. Qodobada qaar ee ku jiray shuruuradahaas ayaa la sheegay in madaxda dowlad goboleedyadu ay isku raaceen in laga gudbo, halka ka doodista qodobo ay ku jiraan sugidda amniga shirka Afisyooni iyo in laga heshiiyo ajandaha shirka guud ay ka hadalkooda madaxdu dib u dhigteen oo berri laga wadahadlayo. Intii uu shirkaasi socday maanta waxaa ku soo biiray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxayna madaxda maamul goboleedyada u gudbiyeen tallooyin iyo sida ay doonayaan in loo xaliyo muranka ka jira doorashada kuraasta xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland. Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa mar kale shirkooda waxaa maanta ku soo biiray Midowga Musharaxiinta, iyagoo ka wada-hadlay arrimaha amniga doorashada, shakiga la xiriira kulanka Baarlamaanka ee berri iyo hadalheynta ka soo cusboonaatay mudo kororsi lagu dhaqaaqo. Sidoo kale xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta intii ay ku sugnaayeen Xalane waxay la kulmeen Waliika Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, waxayna kala hadleen amniga doorashada iyo inay dhex dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo aysan amar ka qaadan madaxweyne mudo xileedkiisu dhamaaday oo aan sharciyad heysan. Sida maanta la qorsheeyey Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle iyo K/Galbeed ayaa caawa la kulmaya madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna u gudbinayaan wixii ay maanta isla meel dhigeen madaxda kale ee Jubbaland iyo Puntland. Fariimaha ay sidaan madaxdaan ee Farmaajo ay la wadaagayaan caawa waxaa ugu culus mowqifka ay madaxda labadaas maamul goboleed, midowga musharaxiinta iyo xubnaha gobollada waqooyi ay ka taaganyihiin arrinta muddo kordhinta ee la hadal-haayo iyo shakiga laga qabo kulanka berri ee xildhibaanada Golaha Shacabka.
  19. Waraysi uu bixiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal mudo Sanad iyo bar laga joogo wuxuu hoosta ka xariiqay inay sharci daro tahay in Baarlamaanka wakhtigiisa loo kordhiyo isla markaasna uusan isagu ku fakarayn iney mudada kororsadaan. Inkastoo aan wali afka Gudoomiyaha laga hayn Mudo kororsi uu u ololaynayo hadana Saaxiibadiisa kala tirsan Baarlamaanka waxay maanta sheegeen in Gudoomiyaha Laftiisu uu shalay (Sabti 27/3/2021) uu u sheegay in ay wakhtiga kororsanayaan Isla markaasna Xukuumadana u kordhinayaan 2 Sano. Waxaan hada xasuusinaynaa Gudoomiyaha hadalkiisii sanad iyo bar ka hor, waxaana sugaynaa hadalkiisa beri oo isniin ah 29/3/2021 oo Baarlamaanku balan sanyahay, iyadoo xanta suuqa taal ay tahay mid kasoo horjeeda hadalka aad hoos ka maqli doontaan Hoos ka dhagayso The post Dhagayso Gudoomiye Mursal Sanad iyo bar ka hor“ Dastuurka meelna ugama qorna xilli kordhin annaguna maalin kuma fakarin, xaqna uma lihin in aan xilka kororsanno.” appeared first on . Source
  20. MINNEAPOLIS — Nearly all the wreckage along Lake Street has been hauled away. The fire-swept buildings have been torn down or repaired. The police station is empty, its entryway sealed with stacked concrete blocks like a street corner pharaoh’s tomb. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhow wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in safiirrada Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ay xiriirro talefoon la sameeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Xiriirradaas oo ahaa kuwo gaar-gaar ah ayey xubnaha beesha caalamku guddoomiye Mursal kala hadleen arrimaha la hadal haayo ee muddo kordhinta iyo cawaaqibka ka dhalan kara hadii uu qaato go’aan noocaas ah. Sida aan xogta ku helnay, waxay uga digeen in haddii uu goluhu qaato go’aan mudo kororsi ah, faa’iidada laga dhaxlo ay noqon doonto mid wiiqda xasilloonida dalka iyo dadaaladii dowlad dhiska ee socday sanadahaan. Xubnaha beesha caalamku waxay guddoomiye Maxamed Mursal u sheegeen in aan la aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hey’adaha dastuuriga ah ee mudo xileedku ka dhamaaday, isla markaana aysan heli doonin taageerada Beesha Caalamka, sidoo kale ay si adag ula xisaabtami doonaan guddoonka golaha shacabka. Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in qorshuhu yahay in saacadaha soo socda ay Beesha Caalamka war ka soo saarto shirka berri loo balansan yahay ee xildhibaanada golaha shacabka iyo shakiga laga qabo waxa dhici doona. Beesha Caalamka ayaa si adag u diidan muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday, waxayna soo saarayaan bayaan ay ku cadeynayaan mowqifkooda.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay aroornimadii la geeyay xarunta baarlamaanka ciidamo badan xili ay mudaneyaashu u balansanayeen kulan, waxaana soo baxeysa in uu hogaaminayey sarkaal hore uga tirsanaan jirey Al-Shabaab, kadibna u gacan galay dowladda. Xildhibaanada uu guddoomiye Mursal xalay shaaciyey inuu ka joojiyey kulamada baarlamaanka oo badankooda ahaa kuwa mucaaridka ayaa shaaciyey xogta sarkaalkaasi oo ay magaciisa ku sheegen ‘Shakiib’. Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada laga mamnuucay kulamada golaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dhar-cadka uu dalbaday Guddoomiye Mursal. “Ciidamada dhar-cadka ah ee la keenay baarlamaanka shalay waxaa watay nin la yiraahdo ‘SHAKIIB’ oo hore shabaab u ahaan jiray. Isagoo dagaalamaya oo dhaawac ah ayaa laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu xiray xabsiga dhex, kadibna waxaa loo sii gudbiyey xerada Sarendi oo lagu xiro dadka Shabaabka ah, halkaas ayaa laga soo saaray, kadibna waxaa loo qaatay ciidamada Nabadsguida,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in sarkaalkaan uu hore Shabaab ugu qaabilsanaan jirey dilalka qorsheysan ee dadka mas’uuliyiinta lagu hayo, wuxuuna himika si toos ah uga amar qaata oo ku xiran yahay taliyaha Nabadsugida, sida uu sheegay. “Waa markii labaad oo isaga iyo ciidamada uu wato la keenayo Golaha Shacabka, ciidamada uu wado waxaa kamid ahaa ciidamo shabaab ka yimid oo ku xareysnaa Sarendi oo bistoolado loo qeybiyay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Mahad Salaad. Kulankii shalay ee la isugu yeeray mudaneyaasha golaha ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo sawaxan xoogan, kadib markii xildhibaanada mucaaridka ay sheegen in ajendaha kulanka oo ahaa saameynta Covid-19 uu ku hoos qarsan yahay muddo kororsi sharci darro ah oo loo sameynayo hay’addaha dowladda. Guddoomiyaha golaha shacabka oo xalay qoraal soo saaray kulamada golaha ee soo socda ka mamnuucay 15-xildhibaan oo u badan mucaarid, xili maalinta berri ah uu goluhu u balansan yahay kulankii shalay baaqday oo lagu soo kordhiyey ajande cusub oo lagu sheegay ‘cod u qaadista guddiga madax-banaan ee xaduudaha’.
  23. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Xayndaabka Xalane, Beesha Caalamka ayaa xiriir lasameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna kawada hadleen Xaalada Dalka. Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Midowga Yurub waxay Gudoomiye Mursal u Sheegeen in ay Cawaaqiib xumo Siyaasadeed, Mid Amni xumo ay horseedeyso hadii lagu dhawaaqo Isku day awoodeed oo walktiga lagu dheeraysanayo. Beesha Caalamku waxay Gudoomiyaha Baarlamaanka u sheegeen in la taageero Heshiiskii 17 Sebtember , wax ka baxsana aysan marnaba aqbalayn Saaxiibada Soomaaliya. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Gudoomiye Mursal uu Beesha Caalamka u sheegay inaysan Ajandaha ugu jirin mudo kordhin, kaliya ay Xildhibaanadu ka doodayaan Ajandaha Shirka Isniinta, wuxuu kaloo intaa ugu daray in Baarlamaanku dareensan yahay in Xilkii ka dhamaadey balse ay yihiin oo qura kuwo sugaya cidii Xilka kala wareegi lahayd. Wararka aan helayno waxay kaloo sheegayaan in Beesha Caalamku ay Qoraal ka soo saarayaan saacadaha soo socda Xaalada Baarlamaanka iyo Mudo kororsiga laga dhawaajinayo. Puntlandi.com Nairobi The post Breaking News— Beesha Caalamka oo Gudoomiye Mursal uga digay Mudo Kororsi appeared first on . Source