Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,856
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warbaahinta dalka Ruushka, gaar ahaan Kanaalka Koowaad oo soo xiganaya xubno ka tirsan aqalka Kremlin-ka ee dalkaas looga arrimiyo ayaa sheegay in Madaxweynihi Suuriya Bashar al-Assad iyo xubnaha qoyskiisa ayaa ku suganyihiin magaalada Mooskow. Ruushka ayaa la sheegay inuu mangelyo siyaasadeed siiyay Bishaar Al-assad oo saacado ka hor ka baxsaday caasimadda dalka Suuriya, ka dib markii kooxaha mucaaradku ay qabsadeen, islamarkaana ku dhawaaqeen in la soo afjaray xukunkiisii 24 sano jirsaday. Bishaar Al-assad ayaa saacadihii la soo dhaafay cinwaanada ugu horreeya ee warbaahinta dunida haystay, ayadoo la falanqeynayay meesha uu u baxsaday ka dib markii xoogagga hubaysan ee mucaaradku ay ka fara maroojiyeen xukunkii uu tan iyo sanadkii 2000-dii ku mardaadinayay, horayna ugu dhaxlay Aabbihiis oo taniyo 1970 dalkaas gacan bir ah ku maamulayay. Source: goobjoog.com
  2. AQOdaQ-kNunkFwMrMFSgnBzjumtilGYSxqBGzzuIl3EVPBctbb1BitJDxx4uaAicEeaF6vKUc5AuH0s1pt2kmsOO Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa gudaha Soomaaliya ka wada daan-daansi iyo falal ku xadgudbaya madax-banaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana isha lagu hayaa talaabooyinka la gudboon ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso. Galabta wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa qabtay shir jaraa’id, isagoo farta ku fiiqay shakhsiyaad Soomaali ah oo Itoobiya ku soo hoggaaminaya dalkooda, kuwaas oo ciqaab adag ay la damacsan tahay dowladda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaa cadeysay in Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka wado falal ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, iyadoo gacan siineysa madaxda la doonayo in sharciga la hor keeno ee heysata maamulka Jubbaland. Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in Itoobiya ay shalay Kismaayo ka dejisay labo diyaaradood, kuwaas oo Addis Ababa u qaaday madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kale oo Jubbaland ka socda, si loogu adeegsado burburinta iyo carqaladeynta dowladnimada Soomaaliya. “Shakhsiyaadka Itoobiya kala shaqeynaya falalka guracan isha ayaan ku heynaa, waxayna dowladda Soomaaliya hor keeni doontaa sharciga,” ayuu yiri Wasiir Cadaala, farriintaan ayaa u muuqatay haniabaad ay dowladdu u direyso Jubbaland. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay Hub si sharci-darro ah ku soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, “Itoobiya waxay gudaha dalkeeda ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle,” ayaa lagu yiri bayaankii dowladda. Eedeynta dowladda Soomaaliya ay maanta u jeedisay waxay saameysay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airline, taas oo labo diyaaradood shalay u soo dirtay Jubbaland, hadii dowladda Soomaaliya ay go’aan qaadatonwaxay dalka ka mamnuuci kartaa diyaaradaha shirkadaas, taas oo musiibo dhaqaale ay kala kulmi karto Itoobiya. “Xubnaha heysta Jubbaland waxay Itoobiya doonaysaa in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri warka dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyntii Dawladda Soomaaliya ayaa ku goodisay inay diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta. “Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka,” ayaa lagu yiri go’aanka dowladda.
  4. Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa markii ugu horraysay tan iyo sanadkii 1974-tii dalka Suuriya gudaha uga galay, ayadoo ka tallaabay xuduudka, islamarkaana fariisimaha ka samaystay gudaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya. Sidoo kale wararka ka imaanaya magaala madaxda dalkaas ee Dimishiq ayaa sheegaya in ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen goobo hubka lagu kaydiyo oo ku yaalla magaaladaas, taas oo sababtay qaraxyo waaweyn sida warbaahinta ay tabinayso. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli saacao ka hor xoogagga mucaaradku ay ku dhawaaqeen inay talada ka tuureen Bishaar Al-assad oo isaga iyo Aabbihiis Xaafid Al-assad oo xukunka isaga dambeeyay ay dalkaas maamulayeen 54-tii sanoo la soo dhaafay. Source: goobjoog.com
  5. Garowe hosted one of the meetings aimed at raising awareness about career opportunities in the Puntland Police Force open to university graduates. Garowe (PP News Desk) — The Puntland Police Force has held a series of meetings aimed at providing updates and announcing recruitment opportunities for educated youth through Puntland State of Somalia. Brigadier General Caydiid Axmed Nuur, Deputy Commander of the Puntland Police Force, chaired the first of these meetings. The Minister of Youth and Sports Hodan Said Hassan and other key stakeholders participated in the meeting. The meeting, which brought together members of the police recruitment and selection committee, university administrators, and university students, focused on highlighting the benefits of joining the Puntland Police Force, particularly for university graduates. Brigadier General Caydiid Axmed Nuur, Deputy Commander of the Puntland Police Force. Building on this initiative, further meetings were held in Qardho on 5 December and Bosaso on 8 Decembe. Senior Officer Abdirisak Ismaaciil Hassan (Darwiish), Deputy Head of Public Relations and Human Rights for the Puntland Police facilitated these meetings. Participants included police commanders from the Karkaar and Bari regions, officers from regional police forces and representatives from various voluntary and business sectors. Senior Puntland Police officers attended the Boosaaso meeting on policing careers in Puntland State of Somalia. The discussions emphasised the importance of creating opportunities for educated youth to contribute to security and governance in Puntland State of Somalia. Participants were encouraged to explore career options within the Puntland Police, with specific attention paid to the force’s plans to recruit 500 new officers—both men and women—based on strict selection criteria. A session on the career opportunities in Puntland Police Force held in Qardho. “These meetings reflect our commitment to building a professional and inclusive police force that represents all segments of society,” said Senior Officer Darwiish. Participants were given the opportunity to ask commanders and recruitment committee members questions on the transparency of the recruitment process. The Puntland Police Force reiterated its commitment to enhancing the security of Puntland State of Somalia through a transparent and inclusive employment process. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Police Force Launches Recruitment Drive for University Graduates appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhexda uga jirta xiisad siyaasadeed xooggan, iyadoo qaaday tallaabooyin si weyn uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Dowladda ayaa baaralamaanka marsatay sharciyo dood badan dhaliyay oo la xiriira hanaanka doorasho ee uu ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ee qof iyo cod, iyadoo wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka KMG ah. Rabitaanka Villa Somalia oo buuq horleh ka abuuray baarlamaanka kadib markii xildhibaannada qaar ay ka horyimaadeen qorshaha Madaxtooyada, kuwaas oo maanta tallaabo ka dhan ah uu qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe. Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 15 ayuu guddoonka ka joojiyay kulamada golaha, halka mushaarkana laga dhimay, ayadoo lagu eedeeyay inay ka hortageen habsami u socodka shaqooyinka labada gole. Tallaabadan ayaa durba si weyn loogu dhalleeceeyay Madaxtooyada iyo guddoonka oo si dhow ugu xiran madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid aan ku dhisneyn xikmad, ayna tahay aragti ku dhisan koobi aan sariig laheyn. “Sanadkii 2021 waxaa Golaha Shacabka laga mamnuucay 15 Xildhibaan, tillaabo taas la mid ah ayaa 15 mudane maanta looga joojiyey ka qaybgalka fadhiyada Golaha,” ayuu yiri Warsame. Waxa uu intaas kusii daray “Isla-sanadkaas ciidamo ayaa gobolka Gedo loo daabulay, Raaskanbooni ayaa maanta loo daabulayaa. Ma jiro hal abuur hoggaamineed oo xikmad, xeelad, istaraatiijiyad iyo aragti ku dhisan oo aan ka ahayn, koobi (Copy) sarriig la’aan ah.”
  7. Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay waxay ku tilmaantay xad-gudubyada dowladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya. “Kadib markii Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay Ku wiiqayso Amniga Dalka Sida, in ay Dalka kusoo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda Ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan” ayay tiri dowladda Soomaaliya. “Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle. Markale ayay maalintii shalay ahayd ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo Sida aan xogta Ku hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo waday Hub sharci-darro ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda ayaa sheegtau in Diyaaradahan ay Itoobiya u qaadeen Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo. “Ficiladaan waxeey si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale uga digtay shaqsiyaad ay sheegtay in ay dalkooda kusoo hogaaminayaan cadowga iyo shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo mar kale digniin adag u dirtay dowladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  8. Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa, kuwaasi oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif. Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee Portsudan Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyey dhalinyaradan oo tiradoodu tahay 22 qof. 17 kamid dhalinyartan lagu guuleystay sii dayntooda ayaa wiilal ah, halka 5 ay yihiin gabdho, waxaana markii hore lagu qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah. Sii deyntooda ayaa waxaa door weyn ku laheyd hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawl-gala Portsudan. Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo, si ay ugu laabtaan dalkooda hooyo. Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa ka mahad-celisay dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah. Sidoo kale, safaaradda ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku jira. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixineysay furdaaminta iyo soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee naftooda ku biimeeyay tahriibka.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dejisay laba diyaaradood, oo siday hub, taas oo si adag uga hortimid. Xogta diyaaradahan oo maanta ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay digniin u dirtay Itoobiya, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta. “Dawladda Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhaq-dhaqaaqyada kasoo cusboonaaday xuduudaha ay la leedahay dalka Itoobiya iyo ficilada gurracan ee ay ka waddo dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ay si adag u cambaaraynaysay ficilkan, iyadoo si weyn uga soo horjeesatay xad-gudubyada dowladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso amniga iyo xasiloonida, kuwaas oo xad-gudub ku ah shuruucda caalamka iyo madax-banaanida Soomaaliya. “Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ficiladan ayey sheegtay dowladda inay si cad u muujinayaan sida uu maamulka cadowtinnimada dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobalka geeska Afrika. “Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub.” Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya madaxbanaanida, midnimada, amniga iyo xasiloonida qaranka.
  10. Dowladda ayaa war ka soo saartay fara-gelinta ay Itoobiya dalka ku hayso, ayadoo sheegtay inaan loo dulqaadan karin falalka xad-gudubka ah ee Taliska Abii Axmed uu ku fooganyahay, kuwaas oo wiiqaya midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya. “Dawladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dawladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub Ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taas oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horaantii sanadkaan. Kadib markii Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay Ku wiiqayso Amniga Dalka Sida, in ay Dalka kusoo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda Ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan. Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle. Markale ayay maalintii shalay ahayd ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo Sida aan xogta Ku hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo. Ficiladaan waxeey si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika. Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub. Dawladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta. Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka”. Source: goobjoog.com
  11. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQM34oEjMbitGB6mSG79Ytu8EMw3ZYk2CWhtitZT-I2-eFxRUGDDVrCOWxOiTqtDCXtHNnt_RUrrU7LanPu0rIr0.mp4 Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta soo saaray go’aanno ka dhan ah qaar kamid ah xildhibaannada golaha shacabka. Xildhibaannadan ayaa wuxuu guddoonka ku eedeeyay inay ka hortageen habsami u socodka shaqooyinka labada gole, iyadoo 15 xildhibaan laga mamnuucay ka qayb-galka kulamada golaha muddo kala duwan. “Xubnaha golaha shacabka ee hoos ku xusan, kuwaas oo si ku tala-gal ah u hor istaagay guntanka, diidayna inay saxiixaan warqadda xaadirinta kulankaas, in laga jaro gunadooda shan meelood hal meel, sida uu qabo qodobka 23-aad faqrada 16-aad ee XGSH,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Aadan Madoobe. Sidoo kale waxaa xildhibaannadan qaarkooda laga dhimay mushaaradka, halka xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Firimbi) si gaar ah looga joojiyay fadhiyada golaha labada bilood ee soo socda. Xasan Firimbi ayaa lagu eedeeyay inuu u gacan qaaday askari boolis ah oo ka tirsan ilaalada baarlamaanka, xilli uu shalay raali-gelin ka bixiyay xildhibaanka arrinkaas, uuna si gaar ah ugu cudur-daartay askarigii. “Waxaan xoghayaha guud ee golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya farayaa dhaqan-gelinta go’aanka sare ku xusan,” ayuu guddoomiye Aadan Madoobe ku yiri qoraalka go’aannada uu soo saaray. Hoos ka aqriso magacyada xildhibaannada;
  13. AQPXfyg9DBCR9-n9-Ln3o9lImbT11WREakRCV6_w-YnqvGVCj0vvQxqM6xNxqmebmqQ2pyHHs3flHKbc2Ah1yhSZ Qaran News
  14. Hargeisa (HOL) — A former Somali national team and LLPP Jeenyo player, Ahmed Abdikarim Walaayo, known as Cantar Jeenyo, passed away at Medina Hospital in Mogadishu on Sunday night after suffering a heart attack. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — A former Somali national team and LLPP Jeenyo player, Ahmed Abdikarim Walaayo, known as Cantar Jeenyo, passed away at Medina Hospital in Mogadishu on Sunday night after suffering a heart attack. Source: Hiiraan Online
  16. Hargeisa (HOL) — Somaliland administration warned on Saturday against individuals and groups allegedly undermining peace, engaging in abuses, and organizing clan-based meetings across the self-declared Republic of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  17. Abu Mohammed al-Julani Warbixinadu waxay ku kala duwan yihiin magaciisa dhabta ah, taariikhda iyo goobta uu ku dhashay, taariikh nololeedkiisa iyo xitaa dhalashadiisa, taas oo sii kordhineysa wax badan oo qarsoon shakhsiyadiisa. Sida laga soo xigtay warbixinnada Qaramada Midoobay, waxa uu dhashay intii u dhaxaysay 1975 ilaa 1979, halka Interpol ay sheegtay in uu dhashay 1975kii. Sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta PBS ee Maraykanka, magaciisa dhabta ah waa Axmed Xuseen al-Sharaa, naaneystiisa oo tilmaamaysa Buuraha Golan ayaa ka tarjumaysa xiriirka qoyskiisu la leeyahay gobolkaas. Waxa uu waraysigaas ku sheegay in uu sannadkii 1982-kii ku dhashay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo uu aabbihii ka ahaa injineer shidaal ilaa sannadkii 1989-kii. Sannadkaas, qoyska al-Julani waxay ku noqdeen Suuriya, halkaas oo uu ku koray oo uu ku noolaa xaafadda Mezzeh ee magaalada Dimishiq. Warar ay baahisay warbahainta ayaa sheegay in Al-Julani uu ku dhashay magaalada Deir ez-Zor ee dalka Suuriya sanadkii 1981-kii, waxaana la sheegay in uu muddo labo sano ah uu cilmiga caafimaadka ku soo bartay magaalada Dimishiq, ka hor inta uusan ka tagin sanadkiisii saddexaad ee waxbarashada si uu ugu biiro ururka xagjirka ah ee Al-Qaacidada ee Ciraaq ka dib duulaankii Mareykanka ee 2003dii.Halkan ka sii akhsriso warbixinta oo dhameystiran Bbcsomali Qaran News
  18. Garowe (HOL) — Puntland security forces are preparing to launch an operation to rescue a Chinese fishing vessel and its 18 crew members, held hostage by Somali pirates off the coast of Eyl district, a local official confirmed on Sunday. Source: Hiiraan Online
  19. Dimishiq (Caasimada Online) – Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sheegay inay soo afjareen xukunka Bashaar Al-Asad ee 24-sanno ka talinayay, taasi oo markii ugu horreysay maanta ay ka shaaciyeen telefishinka dowladda dalkaas kaddib weerar bir ah oo caalamka ka yaabiyay. Taliska ciidamada Suuriya ayaa Axadda maanta ah saraakiisha ku wargeliyay in nidaamka Bashaar Al-Asad uu dhamaaday, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal Suuriyaan ah oo tallaabadan lagu wargeliyay. Laakiin ciidamada Suuriya ayaa markii dambe sheegay inay sii wadayaan hawlgallada ka dhanka ah “kooxaha fallaagada” ee ka socda magaalooyinka muhiimka ah ee Hama iyo Homs iyo baadiyaha Deraa. Assad, oo si weyn ula dagaallamay nooc kasta oo mucaarad ah, ayaa hadda ka duulay Dimishiq isaga oo u safray meel aan la garanayn, laba sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo fallaagada ay sheegeen inay soo galeen caasimadda iyadoo aanay jirin wax calaamad ciidan ah. “Waxaan ula dabaal dageynaa shacabka Suuriya warka ah in maxaabiistayada la sii daayay, waxaana ku dhawaaqaynaa in uu dhammaaday xilligii caddaalad-darrada ee xabsiga Sednaya,” ayay kooxdu sheegtay, iyagoo tixraacaya xabsi weyn oo millateri oo ku yaalla duleedka Dimishiq halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Suuriya. Kumanaan baabuur oo si aayar ah u socda ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Dimishiq iyagoo gacan haadinaya oo ku dhawaaqaya “Xornimo” laga soo bilaabo nus qarniga xukunka qoyska Asad, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Burburka baaxadda leh ee dowladda ayaa bariga dhexe u asteeyay mid daran, isagoo soo afjaraya xukunkii gacan birta ahaa ee qoyskan ku hayeen Suuriya, waxayna dhabar jab weyn ku noqdeen Ruushka iyo Iiraan, kuwaasoo lumiyay xulafo muhiim u ahaa gobolka. Xawliga dhacdooyinka ayaa ka yaabiyay caasimadaha Carabta waxayna sare u qaadeen cabsida laga qabo mowjad cusub oo xasilooni darro gobolka ah. Hayat Tahrir al-Sham, HTS oo hormuud ka ahayd horumarka fallaagada ee galbeedka Suuriya, waxay hore u ahaan jirtay ururka al-Qaacida ee loo yaqaan Jabhadda Nusra ilaa hoggaamiyahooda Abu Mohammed al-Golani, uu xiriirka u jaray dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee jihaad doonka 2016. “Su’aasha dhabta ah waxay tahay sida uu u nidaamsan yahay kala-guurkaani, waxayna u muuqataa mid cad in Golani uu aad ugu hamuun qabo in uu noqdo mid nidaamsan,” ayuu yiri Joshua Landis, khabiir Suuriya ah iyo Agaasimaha Xarunta Daraasaadka Bariga Dhexe ee Jaamacadda Oklahoma. HTS waa jabhadda ugu xooggan Suuriya, dadka reer Suuriya qaarkood ayaa weli ka baqaya inay soo rogaan xukun Islaami ah oo adag ama ay kiciyaan aargoosi. Diyaarad ay leedahay Syrian Air ayaa ka duushay garoonka Dimishiq xili lagu soo waramayo in caasimada ay la wareegeen kooxaha mucaaradka, sida lagu sheegay xogta shabakada Flightradar. Diyaaradda ayaa markii hore u duushay dhanka gobolka xeebta ee dalka Suuriya oo ah meel ay ku xooggan yihiin kooxda Calawiyiinta ee Bashaar Al-Asad, balse markii dambe si lama filaan ah ayay u leexatay, waxayna u duushay jihadii ka soo horjeeday muddo daqiiqado ah, ka hor inta aysan ka bixin khariidadda. Isa markiiba lama xaqiijin karin cidda saarneyd. Iyadoo dadka reer Suuriya ay muujinayaan farxad, Ra’iisul Wasaare Mohammad Ghazi al-Jalali ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu taageero sii socoshada dowladnimada uuna diyaar u yahay in uu la shaqeeyo hoggaan kasta oo ay doortaan dadka Suuriya. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo kooxdiisu waxay isha ku hayeen “dhacdooyinka aan caadiga ahayn ee Suuriya” waxayna la xiriireen saaxiibada gobolka, ayuu yiri Aqalka Cad. Jiidaha hore ee dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda ayaa dansanaa sanado. Dabadeed Islaamiyiintii mar ku xirnaa Al Qacida ayaa si lama filaan ah tallaabo u qaaday, taas oo caqabadii ugu waynayd ku noqotay Asad oo sannado badan ka badbaaday dagaal ba’an iyo go’doomin caalami ah oo gacan ka helaya Ruushka, Iran iyo Xisbullahida Lubnaan. Israa’iil oo aad u wiiqday kooxaha ay Iran taageerto ee Hezbollah ee Lubnaan iyo Xamaas ee Gaza, waxay u badan tahay inay u dabaaldegi doonto dhicitaanka Assad, oo ah mid ka mid ah xulafada muhiimka ah ee Iran. Laakiin rajada koox Islaami ah oo ka talinaysa Suuriya waxay u badan tahay in ay walaac dhalin doonto. Isha: BBC
  20. Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa la sheegay inuu isaga cararay dalka Suuriya. Hase ahaatee, ilaa hadda lama garanayo halka uu ku dambeeyey. Lataliyaha dublamaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in aanu hubin in Asad uu ku sugan yahay Imaaraadka iyo in kale. Isagoo wariyaasha kula hadlayay shirka Manama Dialogue ee Bahrain, Anwar Gargash ayaa diiday in uu ka hadlo wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Asad uu magangalyo ka raadsan karo Imaaraadka. “Marka ay dadku waydiiyaan, ‘xagee Bashaar al-Assad aadayaa?’, tani runtii tani waa sheeko hoose,” ayuu yiri. “Uma maleynayo inay muhiim tahay. Sida aan iri, ugu dambeyntii tani waa sheeko hoose oo dhab ahaantii dhacdooyinka waaweyn ka mid ah.” Gargash waxa kale oo uu xusay in Suuriya “ay ka bixin kaynta” oo ay weli u nugushahay xag-jirnimada iyo argagixisada. Bbcsomali Qaran News
  21. Waxaa saaka ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha shirka Amniga Qaranka, kaasoo uu shir Gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayna ka soo qayb-galeen Taliyayaasha guud ee Ciidamada qalabka sida. Shirkan muhiimka ah ayaa lagu Lafa-guray amniga guud ee Dalka, u diyaar garowga Xilwareejinta labada Madaxweyne ee xilka isku wareejinaya 12 bishan iyo go’aamo adag oo laga soo saaray cidkasta oo nabadgelyada iyo wada jirka bulshada khatar ku ah. Waxaana shirka ka soo baxay Qodobadan hoos ku qoran: 1- waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya Arrimaha Nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya Nabadgalyada guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 2- In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku hadlaya cayda, aflagaadooyinka lagu kala qaybinayo bushada, kuwaasoo abuuraya colaad iyo xumaan bulshada dhexdeeda ka dhacda. 3- Waa in Saxaafaddu ka fogaataa in ay baahiyaan hadalo xanaf leh oo dhaawacaya wada jirka bulshada iyo guud ahaanba Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland. 4- Maanta laga bilaabo waxaa la joojiyey in Hoteelada iyo meelaha kale ee la isugu yimaaddo in lagu qabto shirar qabiilaysan, waxaana la farayaa Hotelada in ay ka digtoonaadaan shirarka qabilaysan, Hotel ka lagu qabto shirar noocaas ah Tallaabo ayaa laga qaadayaa. 5- waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee Dalka, gaar ahaana amniga Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. 6- shirka waxaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga Xuduudaha iyo Kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee Dalka. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Source
  22. Warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil. Xildhibaanka ayaa fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka, sidoo kalena waxaa ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay sida warqadda ku xusan is horistaagid Guntanka ama kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeerhoosaadka Golaha Shacabka. Qodobka laad Xubnaha Golaha Shacabka ee hoose xusan, kuwaas oo si ku-talagal ah u hor-istaagay guntanka, diidayna inay saxiixaan warqadda Xaadirinta kulankaas, in laga jaro gunnodooda shan meelood hal meel (1/5) sida uu qabo Qodabka 23aad Faqradda 16aad ee XGSH. Xubanahaas oo kala ah: Xil. Xasan Cabdi Ismaaciil Xil. Axmed Maxamuud Jamac Xil. Cabdulqaadir Masamud Dagane Xil. Saadaq Cabdullahi Cabdi Xil. Axmed Cusmaan Ibraahim “Daqare” Xil. Cumar Yuusuf Galadiid Xil. Cali Mahdi Maxamed “Qalato” Xil. Cabdirizaaq Xasan Axmed “Dhookir” Qodobka 2aad Sidoo kale in xubnaha Golaha Shacabka magacyadooda hoos ku xusan yihiin, oo si buuxda uga horyimid in ay u hogaansamaan Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, gaar ahaan Qodobka 28aad iyo Qodobada 14aad, 16aad, 18aad, 50aad ee XGSH, in laga joojiyo shan (5) kulan oo ka mid ah kulamada ugu horeeyo kalfadhiga baad, Xubanahaasi waxay kala yihiin: Xil. Axmed Maxamuud Jamac Xil. Cabdulqaadir Maxamud Dagane Xil. SaadAq Cabdullahi Cabdi; Xil. Axmed Cusmaan Ibraahin “Daqare” Xil. Cumar Yuusuf Galadiid Xil. Cali Mahdi Maxamed Qalato Xil. Cabdirizaaq Xasan Axmed “Dhookir” Xil. Cabdirashiid Jire Qalinle Xil. Cabdinuur Cali Aadan Maxamuud Xil. Maxamed Cali Cumar “Caana-nuug” Xil. Mowliid Cabdi Maxamuud Xil. Cabdulqaadir Xuseen Cabdi “Uurdoox” Xil. Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif Xil. Maxamed Sheekh Nuur Cusmaan “Garaad” Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud Xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay howlaha ay Qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay ilaalinta iyo dhowrista nidaamka iyo sidoo kale habsami u socodka Golaha. Source: goobjoog.com
  23. Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay wararka sheegaya in ciidamadii Jubbaland ee ku sugnaa degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ay isku dhiibeen dowladda. Wasiirka amniga Jubbaland, Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo war qoraal soo saaray ayaa beeniyay wararkaasi, wuxuuna sheegay in markii horeba aysan ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland joogin gudaha magaalada Beledxaawo, ayna ugu dambeysay ciidamadii daraawiishta ee uu horay wasiir Janan ugu wareejiyay dowladda. “Waxaan si cad u beeninayaa in aysan jirin ciidamo ka tirsan dowlada Jubbaland oo daraawiish ah oo ku sugan Baladxawo arintaas oo ah mid lagu qaldayo dowlada fedraalka iyo shacabka reer Gedo, ciidamo Jubbaland oo daraawiish ah waxaa u dambeesay kuwii uu dowlada federaalka ku wareejiyay wasiirkii hore ee amniga jubbaland, Cabdirashid Xasan Cabdinuur” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda amniga Jubbaland. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Hadaba, saraakiisha dowladda ee kusugan gobolka Gedo ee fashilan ee cidanka nabadsugida, booliska iyo maleshiyaad ku soo uruuriyay haddana dhahayo waa ciidamo Jubbaland ah oo ay rabaan in ay ku qaldaan shacabka reer Gedo, waxaan wargelinaa dadka reer Gedo in arintaasi aynan wax ka jirin”. Dhuumaal ayaa usoo jeediyay in saraakiisha gobolka joogta ay ka shaqeeyaan shaqada ay u igmatay Jubbaland, ayna ka baxaan waxyaabaha kale ee aan shaqadooda ahayn. “Saraakisha dowladda waxaan kula talinayaa shaqooyiinka dowladda ay u soo igmatay in ay ka shaqeeyaan, ayna ka dhex baxaan maamulada iyo canshuuraha dowlada Jubbaland, wixii ka yimaado arintaas waa mid ay masuliyadeedu qaadan doonaan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli uu kasii darayo khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxaana jirtay in ciidan badan oo kasoo goostay maamulka Axmed Madoobe ay isa soo dhiibeen, kuwaas oo ay haataan diiwaan-gelin u sameysay dowladda dhexe.