Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia restored diplomatic relations with Kenya on Thursday after five months following mediation by Qatar led by Emir Sheikh Tamim Al Thani. Somalia’s Ministry of Information said they were resuming the relations “in keeping with the interests of good neighbourliness”. “The two governments agree to keep friendly relations between the two countries on the basis of principles of mutual respect for sovereignty and territorial integrity, non-interference in each other’s internal affairs, equality, mutual benefit and peaceful co-existence,” the statement said. Acknowledging the development, Kenya’s Foreign Affairs ministry said it looks forward to further normalisation of relations by the Somali authorities. “The Ministry of Foreign Affairs acknowledges the continued support that has been extended from the international community, and in particular the government of Qatar, in efforts to normalise the diplomatic relations between Somalia and Kenya,” the release said on Thursday. Somalia is amidst a political standoff over elections, which were said to have led to the severing of relations on December 15, 2020. Mogadishu cited interference in its domestic politics, claims Nairobi denied. There have also been issues over the maritime dispute that is at the ICJ. A week after the severing of ties, presidents Uhuru Kenyatta and Mohamed Farmaajo met in Djibouti for the 38th Igad Extra-ordinary Summit where the matter was discussed. A team was formed to look into the allegations. In a report in January, the team reported there was no evidence to confirm Kenya’s interference. “The commission considers that these grievances, some of which are longstanding, do not appear to it to be sufficient to justify a diplomatic separation between Kenya and Somalia,” the Djibouti-led team said in the report. Late April, Somalia further accused Kenya and Djibouti of interference through their AU Peace and Security Council membership. This was after AU chairman and DRC President Felix Tshisekedi, on Farmaajo’s request, asked the Peace and Security Council to look into the matter. “It has come to our attention that two AUSPC members, namely, the Republic of Kenya and the Republic of Djibouti, are engaged in sinister campaigns aimed t derailing the political process in Somalia by trying to influence the outcome of AUPSC meeting to detriment of the future of the Somali people,” Somalia said in a statement. AU Commission chairman Moussa Faki in December last year had also called for dialogue between Kenya and Somalia to ease tensions between them. QATAR INFLUENCE Signs of white smoke started being seen in March, when President Tshisekedi travelled to Doha on March 28. Qatar’s newspaper The Peninsula reported that other than Qatar-DR Congo bilateral talks, “views were exchanged on a number of regional and international issues of common concern”. On April 19, Farmaajo flew to Kinshasa where he met President Tshisekedi and left. Uhuru arrived the following day. The visits triggered talk of negotiations, but Kenya’s Foreign Affairs PS Macharia Kamau said the trips were not related. However, Horn of Africa analyst Abdi Rashid, noting Tshisekedi had just returned from Doha, said the deal would be for Qatar and DR Congo to mediate Kenya-Somalia tensions, and in return Nairobi extends support to Farmaajo. On Monday, May 3, al Thani through special envoy Mutlaq bin Majed al Qahtani delivered a message to Farmaajo. Al Qahtani is the Special Envoy of Qatar Foreign Minister for Counterterrorism and Mediation of Conflict Resolution. A statement by Qatar’s Foreign ministry said the message pertained their bilateral relations and ways of promoting them, “in addition to the recent political developments in Somalia, and the importance of achieving the national reconciliation in order to realise stability of the country”. On Thursday, President Kenyatta also received a message from al Thani through al Qahtani. Around the same time, resumption of relations was announced in Mogadishu. Source: The Star The post How Kenya-Somalia relations were restored appeared first on Caasimada Online.
  2. Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u shaacisay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2021. Wasaaradda ayaa sheegtay, in maalin Sabti ah oo ku beegan 22-ka bishan May uu bilaaban doono imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare, islamarkaana uu soo geba-gaboobi doono 27-ka bishan oo ku beegan Khamiis. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa soo bandhigtay laba warqadood oo muujinaya shaxda jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee labada heer. Hoos ka daalaco shaxda jadwalka labada heer PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay jadwalka Imtixaanka shahaadiga ah ee iskuulada appeared first on Puntland Post.
  3. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, ayaa kormeer ku sameeyay dhismaha dekedda Garacad oo si isku-tashi ah ku socda, islamarkaana meel geba-gabo ah maraya. Waxa dekedda booqday Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiinno), oo ay weheliyaan wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo wasiirka duulista hawada, Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebilay. Wasiirada ayaa kormeer ku sameeyay dhammaan qaybaha kala duwan ee dekedda, waxaana ay warbixin ka dhegaysteen guddiga dhismaha dekedda Wadaagsin iyo shirkadda gacanta ku haysa hawsha dhismaha dekedda. Dhismaha dekeddan ayaa qayb ka ah mashaariic isku-tashi ah oo ka socda gudaha Puntland, kuwaas oo ay ku jirto wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo. PUNTLAND POST The post Wasiiro ka tirsan Puntland oo booqday dhismaha dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.
  4. Ugu yaraan 20 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, in ka badan 800 oo kalena waa ku dhaawacmeen weeraradii u dambeeyay ee ciidamada Israa’iil ka fuliyeen gudaha dhulka Falastiin, gaar ahaanna masjidka Al-Aqsaa. Mas’uuliyiinta Caafimaadka marinka GASA, ayaa laga soo xigtay in dhimashadu marayso 20 ruux, halka dhaawacuna gaaray 822 qof, kuwaas oo u badan haween iyo carruur da’ yar. Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda Falastiin, ayaa ku guul-darraystay in ay qaraar midaysan ka soo saaraan, kadib markii dowladda Maraykanku ay codka qayaxan ku diiday in Israa’iil la cambaareeyo. PUNTLAND POST The post Khasaare xooggan oo ka dhashay weeraro Israa’iil ku qaaday Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) –Daahir Cabdiraxmaan Maxamed oo ah sarkaalkii ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya ee isgoyska Banaadir ee Muqdisho ku rasaaseeyey gabdho dhigayey banaanbax ka dhan ah Farmaajo 25-kii bishii December ee sanadkii hore ayaa hadda qirtay dembigii uu geystay, isagoo dalbanaya cafis. Gabdhihii uu maalinkaas rasaaseeyey sarkaalkan waxaa ka mid aheyd Deeqo Soomaali oo maalmahaas sheekada ku saabsan ay aad u qabsaday baraha bulshada, kadib markii aad loo faafiyey sawirro laga qaaday, isagoo madaxa uga haya bistoolad. Sidoo kale rasaas ayuu hor ugu riday gabdhahaan, balse ma aysan joojin banaanbaxoodii ka dhanka ahaa Madaxweyne Farmaajo. Maanta ayaa kulan ka dhacay xarunta Xisbiga Wadajir ee Muqdisho waxaa ka dhacay kulan soo hoyasho ahaa oo Daahir Cabdiraxmaan uu cafis uga dalbanayey gabdhihii uu isgoyska Banaadir ku xabadeeyey sabayaaqadii sanadkii hore. “Maanta waxaan joogaa guriga xisbiga Wadajir oo ay joogaan gabdhihii walaalahey ahaa ee ay wax na kala gaareen, iyagoo ku banaanbaxaaya isgoyska Banaadir, kadib markii aan xabado kor ugu riday gabdhahaas, arrintaas si qalad ah ayey aniga iiga dhacday, marka maanta waxaan ka codsaday cafis, waana iga aqbaleen,” ayuu yiri Daahir Cabdiraxmaan. Sidoo kale Deeqo Muxudiin oo loo garan ogyahay (Deeqo Soomaali) oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in Daahir uu uga soo hoyday qaladkii uu ka galay, isla markaana uu ka dalbaday cafis, iyaguna ay cafiyeen. “Waxaa maanta garabkeyga taagan walaalkey Daahir oo 25-kii December aad ogeydeen inuu nagu xabadeeyey isgoyska Banaadir, anagoo banaanbaxeyna, Daahir Ilaahey waxuu maanta tusay inuu qirto qaladkii uu naga galay, waxuuna noogu yimid inuu naga dalbado cafis, anagana si niyadsami leh ayaan u cafinay,” ayey tiri Deeqo Soomaali. Hoos ka Daawo The post Video: Sarkaalkii rasaaseeyey taageerayaasha xisbiga Wadajir oo qaaday tallaabo lama filaan ah appeared first on Caasimada Online.
  6. (SLT-Qaza)-Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Falastiiniyiinta ee magaalada Qaza ayaa sheegtay in sagaal Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka wado dhulka Falastiin. Saddex ka mid ah dadka la dilay waxay ahaayeen carruur sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada Qaza. Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen duqeymo cirka ah oo ay ku qaadayaan Qaza, ayna ku dileen taliye sare oo ka tirsan Xamaas, iyagoo ka jawaabaya gantaallo ay soo tuureen Xamaas kadib weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus. Afhayeenka ciidamada Israa’iil Jonathan Conricus ayaa u sheegay wariyeyaasha “Waxaan bilownay, waana ku celinayaa in aan weerar ku qaadno bartilmaameedyada militariga ee Qaza.” Wuxuu sheegay in ciidamada Israel ay bartilmaameedsadeen “hawl wadeen militari oo ka tirsan Xamaas,” halka ila wareedyada Xamaas ee Gaza ay u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee AFP in mid kamid ah taliyayaashooda la dilay. Source
  7. Gaza (Caasimada Online) – Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeuymo ay ciidamada Yahuudda ka fuliyeen Marinka Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, kadib markii Xamas ay gantaallo laga soo tuuray magaalada ku weerareen Israel. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in dadka lagu dilay duqeymaha oo lagu garaacay Waqooyiga Gaza ay ku jiraan sagaal caruur ah. Duqeymaha ayaa yimid kadib markii Xamas ay dhowr gantaal ku tuureen Israel kadib markii uu dhammaaday waqti ay u qabteen inay ciidamadooda ka baxaan dhismaha Masjidka Al-Aqsa. Ciidamada Israel ayaa sheegtay in weerarka ku dileen saddex ka mid ah dagaal-yahanada Xamas. Goor sii horreysay oo maanta ah, xaaladda kacsan ee Al-Aqsa ayaa kasii dartay kadib markii ciidamada Yahuudda ay xoog ku galeen Masjidka, waxaana rabshado ka dhashay ku dhaawacay 300 qof kadib markii ay adeegsadeen xabaddo caag ah, bambooyinka aan qarxin iyo sunta dadka ka ilmeysiisa. Dhinaca kale, dab xooggan ayaa caawa ka kacay dhimsha Masjidka Al-Aqsa, kaasi oo laga arki karay qeybo ka mid ah magaalada Qudus. Sababta dhalisay dabka ayaa weli caddeyn, hase yeeshee wuxuu yimid markii ciidamada Yahuudda ay xoog ku galeen Masjidka. #عاجل حريق في ساحات المسجد الأقصى واشتعال الأشجار pic.twitter.com/5QXAZ7h4kJ — AlQastal القسطل (@AlQastalps) May 10, 2021 The post Wararkii ugu dambeeyey Xamas oo weerartay Israel iyo Yahuudda oo xasuuqay caruur badan appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa kamid ahaa Bahjo Maxamed oo aheyd Hooyo dhawaan caruurteeda kala soo guurtay dalka Mareykanka, si Soomaaliya ay ugu qaataan waxbarashada diiniga ah. Cabdiqafaar Axmed Aadan waa seyga Allaha u naxariistee Bahjo Maxamed waxa uu sheegay inta uusan reerkiisa ka soo rarin Mareykanka inay is barbar dhigeen nolosha iyo waxbarashada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yalla caalamka, balse Marxuum Bahjo ay dooratay nolosha Muqdisho. “In muddo ah waxaan raadineynay meel aan ciyaalka diintooda iyo dhaqankooda aan ku barbaarino… gabadha Allaha u naxariistee istikhaara ayay dukatay waxay dhahday aniga istikhaaradeyda waxay qabatay Xamar, sanadkii 2018-kii ayaan anigu Xamar tagey, waan soo sahmiyay, aniga aad baan uga helay magaalada Xamar, gaar ahaan deegaanka Daarusalaam, waxaana Bahjo la qaatay go’aankii ay ku dooratay Xamar, sidii ayaana ugu guurnay Muqdisho, waxaana degnay xaafadda Daarusalaam,” ayuu yiri Cabdiqafaar oo la hadlay BBC. Waxa uu sheegay in isagu hadda uu joogo dalka Mareykanka, isla markaana xalay markii la afuray ay wadahadleen iyadoo joogta xaafadii uu reerku deganaa ee Daarusalaam. “Markaan cabaar wadahadalnay waxay igu tiri waa baxaa, waxaan u maleynaayey in meel dheer aysan adeynin, saacado kadib taleefoono aana garaneyn ayaa Xamar iga soo wacay, ma aana ka qaban, markii dambe waxaa isoo wacay wiil deris la ahaa reerkeyga markaan ka qabtayna waxa uu ii sheegay in Bahjo ay ku dhimatay qaraxii ka dhacay Muqdisho.” “Macquul waa ila noqo weysay, waxaana ku iri ma Daarusalaam ayuu qarax ka dhacay saacado ka hor ayaanba la hadlee, waxuu ii sheegay inay baxeen oo Muqdisho aadeen iyada iyo gabdho kale oo deriska ahaa,” ayuu Cabdiqafaar hadalkiisa ku sii daray. Cabdiqafaar waxa uu sheegay intaas kadib inuu la xariiray mid ka mid ah gabdhihii loo sheegay inay is raaceen Bahjo, isla markaana ay u sheegtay inay soo dhaweyn u sameynayeen gabdho kale oo qurbaha ka yimid, balse iyadu ay aaday dhanka isgoyska Dabka, sidaasna uu Qaraxu ku haleelay intii ay u sii socotay Dabka. “Gabadhii waxay igu tiri markii aan imaanay halkii aan xafladda soo dhawqeynta ah ku laheyn ee KM4 ayey Bahjo nagu tiri dad ayaan alaab u geynaa waana soo noqonaa ee isuga, marka waa ay lugeysay ilaa Dabka, markii ay agmareysay saldhigga waxaa la ii sheegay in askartii hor fadhisay saldhigga ay aqoodeen oo ku yiraahdeen ‘Bahjo waad lugeyneysaa ee maxaa dhacay’ iyaduna ay ku tiri waaba daalay, sidaasna ay u siiyeen kursi, daqiiqado kadibna intii ay hor fadhiyeen saldhigga ayuu qaraxu dhacay,” ayuu yiri Cabdiqafaar Axmed oo ahaa seyga gabadhaan dhimatay. The post “Aniga istikhaaradeyda waxay qabatay Xamar” – Qisada gabar ka timid Mareykanka oo ku geeriyootay qaraxii xalay appeared first on Caasimada Online.
  9. Garowe (PP News Desk) — Abdi Farah Saeed ‘Juha’, the former Federal Interior Mininster, has urged Puntland political associations to stop dragging their feet on the democratisation process currently underway in Puntland. “Since 1998 People of Puntland have been looking forward to the elections. Political associations must jump on the democratisation bandwagon . Puntland is obliged to transition to a democratic system of governance. It is moving forward with the democratisation process” said Saeed, who was at a ceremony to publicise a voter registration system that was handed over to Puntland Transitional Electoral Commission. Juha urged Puntland political associations to stop dragging their feet on pilot local elections. Several Puntland political associations have expressed reservations about pilot local elections to be conducted at three designated districts (Eyl, Qardho and Ufeyn) shorly after the voter registration process comes to an end. “Elections will not take place at major cities such as Galka’yo, Goldogob, Burtinle, Garowe and Bosaso. Some political associations have campaigned in those cities. Mustaqbal will boycott pilot local elections instead of blessing an electoral process that runs counter to the universal suffrage article in the constitution of Puntland” said a member of Mustaqbal Central Committee, who spoke to Puntland Post on the condition of anonymity. Ten political associations will contest pilot local elections to be overseen by TPEC. There is a growing fear that Puntland’s second attempt at democratisation might falter. In 2013 political stakeholders resolved to nip local government elections in the bud for fear that Horseed, a political association of the former Puntland President Abdirahman Farole, could have rigged election results. “Farole’s process was far more transparent and inclusive than what TPEC has concocted in contempt of the citizens’ rights to vote” added the Mustaqbal Central Committee member. © Puntland Post, 2021 The post Juha Urges Political Associations to ‘Jump on Puntland Democratisation Bandwagon’ appeared first on Puntland Post.
  10. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu safar dibadeed u baxo isaga oo ku wajahan caasimadda waddanka Uganda ee Kampala Afhayeenadda Madaxtooyada Uganda, Lindah Nabsayi oo la hadashay Warbaahinta chimpreports.com ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu kamid ah yahay madaxda ka qeybgaleysa caleema saarka madaxweynaha Uganda oo markii 6-aad ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimada ee bilowgii sanadkan ka dhacday Uganda. Caleema saarka Madaxweynaha dalkaas Yoweri Kaguta Museveni ayaa 22-ka bishan ka dhici doonta Caasimadda dalkaasi ee Kampala. Nabusayi ayaa sheegtay in Farmaajo uu ku jiro liiska madaxwayneyaasha la filayo in ay gaaraan magaala madaxda Uganda ee Kampala Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May. Lindah Nabsayi waxay kaloo tilmaamtay inay Madaxweynayaasha dalalka Mozambique, Burundi, Gabon, South Sudan xaqiijiyeen Ka-qeybgalkooda Munaasbadda Caleema-saarka ee Madaxweynaha Uganda. Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine. Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%. Dhanka kale, ma jiro wax xaqiijin ah oo illaa haatan laga hayo Villa Soomaaliya. Isku dayo ay caasimadda Online ku dooneysay in ay ku heleesho xiriirka xafiiska Farmaajo ayaanan guuleysan. The post Madaxweyne Farmaajo oo safar dibadeed u baxaya appeared first on Caasimada Online.
  11. Maxaa riday dawladii Siyaad Barre ? Xeerka ha’yadda sirdoonka qaranka Xeer Lr 59/2012 awood uma siinaayo xubnaha ha’yadda ka midka ah xabsiyo iyo xarumo ciqaabeed oo gaara, goobaha aan ahayn goobaha uu xalaaleeyay Xeer Lr 65/2014 waa sharci darro iyo gef qaran. Dhammaan dadka qafaalan ee guryaha lagu haystaa way afduuban yihiin waana gabood fal weyn oo aan la aqbali karin. Baqo gelinta,argagax gelinta iyo sida loo bahdilaayo muwaadiniintu waxay abuuraysaa kalsoon darro iyo in laga aamin baxo laamaha amniga, waa in si degdega xukuumaddu uga jawaabtaa gabbood fallada soo noqnoqday ee ah dadka guryaha ay ku xidhaan xubnaha la sheegay in ay ka mid yihiin sirdoonka. Xaafad kastaa ha hubiso guriga jaarka la ah in ay ku jiraan sirdoonka la sheegayaa, xabsiyada iyo saldhigyada sharciga ah meesha aan ahayni waa budhacdnimo hor leh, guryaha saldhigayada laga dhigayaana kama dhacaan aqallada magafayaasha Libiya, haddi la sii eegtana waxa bilaabmi doonta madax furasho! Madaxweynuhu waa in aanu dhagaysan fadeexada soo noqnoqtay, dalka isagaa dastuuriyan hoggaamiya qoyskiisu waxay la siman yihiin qoysaska cabanaya ee lagu tacadiyaayo, muddo xileedku waa maalmo tirsan laakin sharafta iyo kalsoonida lagu wada noolyahay waa mid hadhaysa, cibro waa in ay u noqotaa hoggaamiyayashi awooda badnaa halka ubadkoodu mareen markay shacbkooda ciqaabeen ! Source
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shirguddoomiyey Kulan ballaadhan Lagaga Hadlayey Arrimaha Doorashooyinka. Hargeysa-10-05-2021-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-guddoomiyey kulan ballaadhan oo lagu lafo-guray arrimaha qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka, kaas oo maanta ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada. Shirkan uu guddoominayey madaxweynuhu, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka, hoggaanka saddexda xisbi qaran, xubnaha guddida doorashooyinka, guddoomiyaha maxkamadda sare, Xeer ilaaliyaha guud iyo ku-xigeenkiisa iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana ay dhinacyadu si qoto u lafo-gureen sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho lagu wada raalli yahay, islamarkaana uu dhinac waliba diyaar u noqdo inuu u hagarbaxa qabsoomidda doorashada. Ugu horrayn waxa halkaas warbiximo muhiim ah oo dhinaca doorashada ah, lagaga dhegaystay xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, waxana ay tilmaameen inay dhinacooda doorashadu diyaar ka tahay, dhammaanba dhinacyada kale ee ay doorashadu Khusaysana ay uga baahan yihiin taageero niyadsami leh. Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe) iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inay si hagar la’aan ah diyaar ugu yihiin inay dalka ka qabsoonto doorasho hufan oo waqtigeeda ku qabsoonta, kalsooni buuxdana u hayaan guddida doorashooyinka ee doorashada hagi doonta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn madaxda Axsaabta mucaaridka uga mahadnaqay dedaalka iyo daacadnimada ay ka muujiyeen u diyaargarowga iyo qabsoomidda doorashada, isaga oo xubnaha Komishankana ku bogaadiyey inay muddo kooban ku dhaqangeliyeen inay dalka ka diyaariyaan doorasho dhinacyada oo dhammi ku kalsoon yihiin, qabsoomiddeedana la wada sugayo. Madaxweynuhu waxa uu Akhriyey qaar kamid ah qoddobada bud-dhigga u ah shirka ballaadhan ee ay qabsadeen, kuwaas oo ay ugu muc weyn yihiin tirada maalmaha ololaha ay xisbiyadu isla qaateen in la yareeyo maaddaama oo waqtigu kooban yahay, waxana uu yidhi,“Waxaynnu ku heshiinnay in Ololuhu noqdo Lix maalmood oo uu xisbi waliba laba maalmood ololaha gelayo, weliba waxannu go’aaminnay oo xisbiyadu Komishanka ka codsanayaan xisbi waliba maalin buu goobta fagaaraha Beerta xorriyadda tegayaa, gobolladana goobta qaranka ka dhexaysa ee goobta weyn ah tegayaa, Bannaanbax guudna maalin buu leeyahay, maalinta labaadna wuxuu ku ololaynayaa degmooyinka oo ma imanayo goobta fagaaraha weyn, innagoo nabadgelyada eegayna, innagoo kharashaadka eegayna culayska eegayna, Komishankana siinayna inay hawlahooda u gacan furnaadaan oo aanay ku Arbushmin hawlo kale.” Madaxweynuhu isagoo sharraxaya waxyaabaha kale ee shirka la iskula qaatay waxa uu intaas ku daray, “Waxa kale oo aannu isku raacnay in wixii qaddar Rabbaaniya ah ee aynaan immika ogayn ee ka dhaca hawlaha Komishanka, dadka xisbiyada u jooga goobtaas ama muraaqib ha noqdo ama ha ahaado qolada xisbiyada uga wakiilka ah la shaqaynta Komishanka, ayaa ka wada-tashanaya, go’aanka kama dambaysta ahna waxa leh Komishanka qaranka.Dacwadaha waxaynu isla qaadannay oo aynnu door bidnay in haddii ay timaaddo in goob dacwadi ka abuuranto, marka hore waxa ku filan goobta cidda ka joogta Komishanka iyo xisbiyada, haddii ay kari waayaanna waxay u imanaysaa Komishanka, haddii ay xallin kari waayaanna oo ay dacwad tagtona dacwaddaas waxa ka wakiil ah xisbiyada.” Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaariyeen Kharashkii iyo ilaalinta dhammaanba goobaha ay doorashadu ka qabsoomi doonto, isaga oo bulshada reer Somaliland-na usoo jeediyey inay doorashada u diyaar garoobaan, kana dheeraadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara doorashada. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  13. Haweenayda Talyaaniga ah ee Diinta Islaamka Qaadatay Caa’isha oo Guursatay Nin Diinta islaamka u qaatay iyada darteed Caa’isha Silvia Romano ayaa la sheegay in ay guursatay ayna ka guurtay gurigii ay ka daganayd magaalada Milan, ka dib markii baraha bulshada loo mariyay aflagaado iyo hadallo badan oo ka dhan ah gabadhaas qaadatay diinta Islaamka, sida uu qoray wargeyska La Stampa ee Taliyaaniga. Gabadhan ayaa ninka ay guursatay oo lagu magacaabo Paolo P. waxa uu horaan haystay diinta Masiixiga balse dhowaan ayuu ka qaatay diinta Islaamka, waxayna isku guursadeen si waafaqsan diinta Islaamka. Inkastoo arrinta guurka ay hadda soo baxday, haddana waxay is arooseen bishii October ee sannadkii hore. Lamaanahan ayaa la sheegay inay lahaayeen xiriir qaatay waqti kooban, ka hor inta aysan isguursanin, balse waxay is garanayeen tan iyo yaraantoodii. Wuxuuna diinta Islaamka qaatay ka hor inta aysan is guursanin. Paolo, ayaa qaatay diinta islaamka si uu u raaco caqiiqada xaaskiisa, sida uu qoray wargeyska Italy24. Balse ma aysan sheegin magaca islaamka ah ee uu qaatay. Arooska kaddib waxay go’aansadeen inay u guuran magaalo yar oo u dhaxaysa Milan iyo Bologna. Bulshada ku nool magaaladaas ayaa lagu qiyaasay shan kun oo qof, sida uu La Stampa daabacay. Caa’isha Romano waxay noqotay macallimad barta luqadda Englishka. Waxay dhigtaa iskuul ay wax ku bartaan dadka waaweyn, waxayna sheegtay inay ku faraxsantahay. Sida ay horay u qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Taliyaaniga, Caa’isha Romano ma dooneyso in ay gudbiso dacwad ku saabsan aflagaada iyo hanjabaadda iyo hadallada naceybka ah ee loogu soo gudiyay baraha bulshada Caa’isha, Markii ay Milan ku noqotay, waxay dib u bilowday nolosheeda caadiga ah, waxayna ku xirnayd masaajid u dhow halkii ay ka degganayd magaalada. Hanjabaadaha loo mariyay Facebook Gabadhan oo ka shaqeyn jirtay arrimaha gargaarka, waxaa laga afduubtay Kenya, bishii November 2018-kii, waxaana la siidaayay bishii May 2020. Waxaa lagu haystay Soomaaliya, waxayna diinta islaamka qaadatay muddadii afduubka loo haystay. Markii ay ku noqotay Taliyaaniga, sannadkii hore, waxaa baraha bulshada loogu diray boqollaal fariin oo kala duwan. “Waa naceyb lagu baahiyay baraha bulshada”. Waa sida ku qoran natiijada ka soo baxday baaritaankii uu sameeyay xafiiska dacwad oogaha magaalada Milan. Xafiiskaas wuxuu Facebook weydiistay in uu sheego aqoonsiga dadka isku hoos qarinayay boqollaal cinwaan oo been abuur ahaa, waxaana la amray in la xiro dhamaan cinwaanadaas. Baaritaanka oo uu billabay xafiiska maamulaha la dagaallanka argagixisada, Alberto Nobili, waxaa lagu doonayay in lagu ogaado hanjabaadda ka dhanka ah Caaisha Silvia Romano. Sababaha loo aflagaadeynayay waxaa ka mid ahayd in diinta Islaamka ay qaadatay, taas oo “dad badan oo Taliyaani ah ay diidanaayeen”. Ilaa 40 farriin oo hanjabaado ah, oo loo arkay kuwo aad khatar u ah ayaa loo diray gabdhan, oo markii ay muslimtay, lana baxday magaca Caa’isha, labiskeedana ka dhigtay mid asturan. Dadka lasoo xiriiraya ayaa u sheegaya inay dili doonaan, sababtuna ay tahay go’aankeeda Islaaminada. Waaxda dambi baarista ee booliska Talyaaniga ayaa wadda howlgal ay diiradda ku saareyso aqoonsiga dadka farriimahaas soo diray. Kooxda baaritaanka wadda oo ay hoggaaminayaan Alberto Nobili iyo Carabinieri del Ros ayaa sheegtay inay marka hore kala xaqiijinayaan saxnimada farriimaha, si loo ogaado dadka ay ka soo baxeen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda Talyaaniga ee ANSA. ‘Sababaha aan ku jeclaaday Islaamka’ Caa’isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Alle subxana watacaala iyo iyada. Markii ay yareyd waxay sheegtay inay “fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo.” Waxay intaa ku dartay inkastoo “khaladaad badan” ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninada waxa ay tahay, oo waxay xustay “inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.” Intii ay joogtay deegaanka Chakama ee dalka Kenya, waxaa ay tiri: “dad badan oo Muslimiin ah ayaan halkaas ku arki jiray, balse taasi ma aysan igu dhiiragelinin in aan qaato diinta islaamka”. “Waxaan arki jiray dad xiran khamiis, maalminta Jimcaha iyo dadka oo salaadda u aadaya misaajidka, balse xilligaas ma aanan daneyn jirin diinta Islaamka”, ayay tiri mar ay la hadleysay wargeyska Laluce ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga. Waxay gabadhan sheegtay in arkii la afduubay oo la sii watay ay isweydiisay su’aalo dhowr ah ay ka mid yihiin: “Waxaan u imid Kenya in aan dadka caawiya oo wax wanaagsan ayaa sameynayay ee maxay waxani iigu dhacayaan? Maxay tahay sababta aanan loo afduubanin gabdhaha kale?” Waxay tilmaamtay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. “Waxaa is dhahay – dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo” Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warqad u dirtay Midowga Afrika, taasi oo ay ku dalbaneysay in la bedelo Ergey sarre oo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaabay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay dalbatay in la beddelo Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama oo dhawaan usoo magacaabay Midowga Afrika, ayada oo ku eedeysay inuusan dhex-dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya. Arrinta u weyn ee dowladda waqtigeeda dhamaaday u dalbaneyso bedelka Ergeygan cusub ayaa ah inuu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka. Dowladda ayaa ka cabsi qabta in danahaas ganacsi dartood ay ergeyga saameyn ku yeelan karto dowladda Kenya oo xiisad ay kala dhaxeyso madaxweyne Farmaajo, inkastoo dhowaan xiriirka diblomaasiyadeed ee laba dal lasoo celiyey. Midowga Afrika ayaa wajahaya cadaadisyo dhowr ah oo ku aadan is-diidooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya oo uu dhawaan ku dhawaaqay dhex-dhexaadintooda, xili ay degtay xiisadii ka dhalatay dagaalkii Muqdisho. Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay mid kamid ah diblomaasiyiinta ugu saraysa kooxda dhex-dhexaadinta Soomaaliya uga saarayaan xubnaha ay magacaabeyn kadib markii ay sidaas codsadeen Midowga Musharixiinta. Caasimada Online, ayaa ogaatay in Midowga Afrika uu tallaabadaas qaaday kadib cadaadis uga yimid xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dacwad ay gudbiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta oo si toos ah usoo dhaweeyey ergeyga loo soo magacaabay dhex-dhexaadinta balse walaac ka muujiyey in Babatunde Taiwo uu kamid ah noqdo la taliyeyaasha madaxa dhex-dhexaadinta. Babatunde Taiwo ayaa ah madaxa qeybta Arrimaha Siyaasada ee AMISOM, waxayna midowga musharixiinta ku eedeeyen inuu la shaqeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Midowga Afrika ayaa markale wajahaya cadaadis uga imaanaya dowladda waqtigeeda dhamaaday, lamana oga in Guddoonka uu hogaansami doono fulinta dalabkaas iyo cidda lagu beddeli doono Mahama. The post Xog: DF oo dalbatay in la beddelo ergeyga sare ee Midowga Afrika uu soo diray + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  15. Dad Tukanayay Salaadda Taraawiixda oo la afduubtay Koox hubeysan ayaa 40 qof oo tukanayay salaadda taraawiixda ka afduubtay masaajiid ku yaalla magaalada Jibiya ee gobolka dhaca waqooy galbeed ee Katsina ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen booliska. Kooxdii hubeysneyd ayaa habeenkii Axadda weerar ku qaaday masaajidka, waxay rasaas ku fureen dadkii salaadda taraawiixda tukanayay, waxay kaxeysteen tiro kamid ah musalliinta. Afahayeen u hadlay booliska gobolka Gambo ayaa BBC u sheegay in maleeshiyo maxalli ah, booliska iyo militeriga ay durbadiiba baacsadeen kooxdii hubeysneyd isla markaana ay soo badbaadiyeen 30 kamid ah dadkii la afduubtay. Wuxuu intaas ku daray in 10 qof weli la la’yahay. Arrintani ayaa ku soo beegantay iyada oo lagu jiro tobanka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan. Nigeria waxaa kusoo batay weerarada afduubka ah ay geysteen kooxo dambiilayaal ah oo dadka madax furasho weyddista, meelaha ugu darana waxaa kamid ah gobolka Katsina. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariiste Taliyihii saldhiga Booliska degmada Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye-xigeenkii Qeybta Waliyoow Cadde, Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamed Cageey oo xalay ku geeriyooday qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay saldhiga Waaberi. Taliyeyaasha ayaa waxaa saaka Aas Qaran loogu sameeyay qabuuraha Isbitaalka Xooga ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay aaskooda mas’uuliyiin sarre oo uu kamid yahay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo ehellada iyo asxaabta marxuumiinta. Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka qeyb-gashay aaskaas oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay sida ay uga naxeen dilka labada Sarkaal oo ahaa shaqsiyaad sumcad iyo shaqo wanaag ku suntanaa. Sidoo kale waxay ilaahay uga baryeen inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Saraakiisha iyo dadkii kale ee ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay afaafka hore ee saldhigga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo ku yaalla meel aan ka dheereyn isgoyska Dabka. Dadka ku geeriyooday qaraxaas ee la xaqiijiyey oo tiradooda lagu sheegay ayaa waxa kamid ahaa Taliyahii saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane oo ku magac-dheeraa Taliye Calooley iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey. Sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhaawacmay 6 ruux oo kale, sida ay laamaha amaanka u xaqiijiyeen warbaahinta. Saldhiga ayaa aad ugu dhaw isgoyska mashquulka badan ee Dabka, sidoo kale waxa uu aad ugu dhaw-yahay laamiga, waxaana dhici karta in khasaaruhu inta boolisku xaqiijiyey uu ka bato, maadaama ay wadada hor marta saldhigga ee Maka Al-mukarama ay aad u saxmad badan tahay.. The post Saraakiishii lagu dilay qaraxii Muqdisho oo maanta la aasay appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariiste Taliyihii saldhiga Booliska degmada Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye-xigeenkii Qeybta Waliyoow Cadde, Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamed Cageey oo xalay ku geeriyooday qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay saldhiga Waaberi. Taliyeyaasha ayaa waxaa saaka Aas Qaran loogu sameeyay qabuuraha Isbitaalka Xooga ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay aaskooda mas’uuliyiin sarre oo uu kamid yahay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo ehellada iyo asxaabta marxuumiinta. Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka qeyb-gashay aaskaas oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay sida ay uga naxeen dilka labada Sarkaal oo ahaa shaqsiyaad sumcad iyo shaqo wanaag ku suntanaa. Sidoo kale waxay ilaahay uga baryeen inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Saraakiisha iyo dadkii kale ee ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay afaafka hore ee saldhigga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo ku yaalla meel aan ka dheereyn isgoyska Dabka. Dadka ku geeriyooday qaraxaas ee la xaqiijiyey oo tiradooda lagu sheegay ayaa waxa kamid ahaa Taliyahii saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane oo ku magac-dheeraa Taliye Calooley iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey. Sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhaawacmay 6 ruux oo kale, sida ay laamaha amaanka u xaqiijiyeen warbaahinta. Saldhiga ayaa aad ugu dhaw isgoyska mashquulka badan ee Dabka, sidoo kale waxa uu aad ugu dhaw-yahay laamiga, waxaana dhici karta in khasaaruhu inta boolisku xaqiijiyey uu ka bato, maadaama ay wadada hor marta saldhigga ee Maka Al-mukarama ay aad u saxmad badan tahay.. The post Saraakiishii lagu dilay qaraxii Muqdisho oo maanta la aasay appeared first on Caasimada Online.
  18. Ku simaha madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wakiilka hay’adda IOM u qaabilsan Soomaaliya, Richard Danziger. War ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen, dardar gelinta mashaariicda hormarineed ee hay’adda socdaalka Adduunka IOM ka wado gudaha Puntland. Karaash iyo Richard Danziger, ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ka hortagga arrimaha tahriibta iyo caawinaadda Qaxootiga ka soo tallaaba xuduudaha. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in uu hay’adda IOM uga mahadcelinayo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato kobcinta iyo tayaynta Hay’adaha dowliga ah. PUNTLAND POST The post Ku simaha madaxweynaha Puntland oo qaabilay wakiilka IOM u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Riyadh: HE Secretary-General of the Cooperation Council for the Arab States of the Gulf (GCC) Dr. Nayef Falah Mubarak Al Hajraf praised the State of Qatar’s efforts and mediation between the Republic of Somalia and the Republic of Kenya by bridging views and enhancing relations between the two countries, thus strengthening international security, stability and peace. In a statement today, the GCC Secretary-General welcomed the announcement of Somalia and Kenya on the resumption of full diplomatic relations between them, highlighting the importance of this step that will bring good and prosperity to the peoples of the two countries and achieve security and stability in them. Source: The Peninsula The post GCC Secretary-General praises Qatar’s efforts in restoring diplomatic relations between Somalia and Kenya appeared first on Puntland Post.