Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Soomaaliya ayaa dowaladda Masar iyo shacabkeeda uga tacsiyeysay dadkii ku dhintay shilkii tareenka ee shalay ka dhacay gobalka al-Qalyuubiya ee waqoogiya dalkaas. Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya la qeybsaneyso murugada dowladda Masar sidoo kalena ay garab taagan tahay walaalaha Masaarida. Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Ilaah u naxariisto dadkii geeriyooday, caafimaadna siiyo dadkii ku dhaawacmay shilka. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo dadka aan walaalaha nahay ee Masar” ayaa lagu yiri bayaanka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo Masar uga tacsiyeysay dadkii ku dhintay shilkii tareenka appeared first on Puntland Post.
  2. MOGADISHU, Somalia Monday 19 April 2021 – Twenty-five Somali journalists from various regions in Mogadishu and other regional federal member states have participated in 2 –day Online training held from 17th – 18th April 2021 on respecting the safety procedures for Covid-19 prevention. Source: Hiiraan Online
  3. The Somali National Army (SNA) has killed a senior al-Shabab operative and arrested two others in an operation in the Middle Shabelle region, a military officer confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
  4. For Dr Ubah Farah Ahmed, returning to Somalia was not an easy decision to make, but she knew it was the right thing to do. Source: Hiiraan Online
  5. Somalia said Monday that it would welcome the African Union taking a principal role in facilitating a process that would lead to dialogue between the government and other stakeholders in the country. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib booqasho hal maalin qaadatay oo uu kusoo bixiyey magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo (DRC). Soo laabashada Farmaajo ayaa aheyd lama filaan, ayada oo madaxtooyada ay horey u sheegtay in safarka uu qaadn doono laba maalmood, balse lagu soo koobay kaliya 24 saac. Ma cadda sababta loo soo gaabiyey safarka, hase yeeshee waxaa horey u jiray warar sheegayey in Farmaajo uu walaac ka qabay in inta uu maqan yahay ay xaaladda Muqdisho faraha ka baxdo ama magaalada gacantiisa ka baxdo, maadaama xiisad colaadeed ay ka taagneyd maalmihii tegay. Safarka Farmaajo ee Kinshasa ayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka geliyey is-beddel cusub, kadib markii uu ka codsaday madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi in isaga oo cayaaraya doorkiisa guddoomiyaha Midowga Afrika oo dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaaliya. Si kastaba, Farmaajo ayaa sidoo kale soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu doonayo inuu galo wada-hadallo ku saabsan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taasi oo u muuqata mid aan suurta-gal aheyn xilligan. “Waxaan soo dhoweynayaa in Midowga Afrika uu kaalin hogaamineed ka qaato fududeynta hanaan doorasho oo muwaadin kasta uu doorasho xor iyo dhex-dhexaad ah ku doorto wakiiladooda. Dhammaan saamileyda siyaasadda ayaa ka qeyb qaadan doona wada-hadallada mustaqbalka dimoqraadiyaddeena,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraalka uu soo dhigay twitter-ka. The post Farmaajo oo soo gaabiyey safarkii CONGO, kuna soo laabtay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu ku dhacay arrin uu toddobaad kahor uga digay madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in talada inta ay gacmaha Soomaalida ay ku jirto, gudaha dalkana lagu wada hadlayo uu xal gaaro, haddii uu ka dhega adeegana ka gudbi doonto xerada Afisyooni oo ay gaari doonto in Kambala ama dalalka kale ee Africa, oo uu xal ka raadin doono. Hadalkaasi ayaa xaqiiq noqday markii uu madaxweyne Farmaajo u ambabaxay dalka DR Congo kana codsaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaalida ee ku muransan arrimaha doorashada. “Maanta waa laga soo tegay Afisyooni ayey joogtaa, Afisyooni waa dhul Soomaaliyeed weli waa caasimadii Jamhuuriyadda, war waa la yaqaan waxaan horaa loo soo arkay Maxamadoow hadaad Buffalo fadhiday adiga, anagaa soo joognay waa la yaqaan wadadaas meesha ay ku dhamaato, berri Kambala yeynan ku dhamaan, waa ku celinayaa maanta meel fiican ayey joogtaa caasimadii dalka ayey joogtaa, Villa Somalia iyo meeshii maqaamka wey ka timid xero ciidan iyo garoonka diyaaradaha ayey maanta joogtaa yey ka bixin beri ee boorsooyinka anagoo sii xerxeraneyno, jaakadaha sii dhuuqsaneyno yaan nala arkin oo aan sii socono,” ayuu yiri Xasan Sheekh Madaxweynihii hore isagoo intaa raaciyay in dadka iyo dalka intaasi ka mudneyn, awood iyo qorina dalka lagu haysan karin. Hadalkaasi dhaxal-galka ahaa ee Xasan Sheekh ayaa maanta noqday mid dhaboobay, markii uu Farmaajo ka codsaday madaxweynaha DR Congo inuu dhexdhexaadiyo Soomaalida, taasi oo sidoo kale meesha ka saartay dooddii Farmaajo ee aheyd inuusan dooneyn faro-gelin shisheeye. Tallaabada madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale bahdilaad iyo karaamo xumo ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdoodii hore oo muujiyay sharaf iyo karaamo inay u taagan yihiin dimuqraadiyad soo jireen ah. Tallaabada uu qaaday Farmaajo ayaa ka dhalatay aqbalaad la’aanta soo jeedinta tallooyinka mucaaradka, maamul goboleedyada iyo in uu ku fashilmay mudo kororsiga labada sano oo uu xaqiiqda ogaaday in aysan soconeyn wax aan raali laga wada aheyn. Ali Muhiyaddiin Caasimada, London The post Madaxweyne Farmaajo oo ku dhacay arrintii uu Xasan Sheekh uga digay + Video appeared first on Caasimada Online.
  8. Muxuu daraa kulankii dhexmaray Farmaajo & M/weynaha Dalka Koongo Farmaajo iyo Felix Tshisekedi Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tegay magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyadda Diqomraadiga Congo ayaa la kulmay madaxweynaha waddankaas Felix Tshisekedi. Labada madaxweyne ayaa la sheegay inay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada waddan sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Soomaaliya. Waxay kaloo warbaahinta dawladda Soomaaliya sheegtay inay ka wada hadleen doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika u ka ciyaaro horumarka Afrika. Maaxweynaha DRC waa Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sannadkan. Dhinaca kalena, madaxtooyada DRC ayaa sheegtay inay labada madaxweyne ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. Madaxtooyada DRC waxay sheegtay inay labada madaxweyne yeesheen wadahadalo socday muddo laba saacadood ah. Waxay sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday madaxweyne Tshisekedi in isagoo ciyaaraya doorkiisa madaxeynaha Midowga Afrika inuu fududeeyo islamarkaana dusha kala socdo wadaxaajood dhexmara saamilayda Soomaaliya. Waxay sheegtay in madaxweynaha DRC uu soo dhoweeyey soo jeedinta madaxweynaha Soomaaliya inuu Midowga Afrika u furo dhammaan Soomaalida sidii loo gaadhi lahaa xal iyo nabad waarta. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa xaqiijisay codsiga Farmaajo. Qoraal kasoo baxay wasaaradda oo lasoo dhigay twitter ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu yiri “Dowladda federaalka ayada oo tixgelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo.” Qaran News
  9. Sababta Aniga & Sambuus aan isku macsalaameynay Bisha Ramadaan Sambuusku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka fudud ee caanka ka ah magaalooyinka Soomaalida. Bisha Ramadaanka dad aad u badan oo awooda dhaqaale ahaan ayaa jecel in ay ku afuraan. Anigu shakhsi ahaan, aad uma jecli sambuuska, oo wuu ku yaraa magaalada aan yaraanteydii kusoo barbaaray. Kama caagganeyn cunistiisa, laakiin haddana kama mid ahayn cuntooyinka aan joogtada u cuno. Maaddama aanan ku fiicneyn cunto karinta, war uma heynin howsha iyo dhibka laga maro diyaarinta sambuuska. Waxaanse ku baraarugay arrintaa dhowr sano ka hor, taas ayaana igu dhalisay in aan joojiyo in aan ku afuro sambuuska ama gurigeyga lagu sammeeyo bisha Ramadaan iyo bilaha kaleba. Sababta aan u joojiyay Waxaa igu qasbay inaan joojiyo in anigoo ka shaqeynayay magaalada Muqdisho ay waddadii aan shaqada u mari jiray ay xirantay maalin maalmaha ka mid ah, Muddo ayaan sugay bal inaan xeeladeysan karo oo aan waddo kale ka soo wareegi karo. Laakiin wey igu adkaatay, waxaana ku qaasbanaaday in aan guriga iska joogo maalintaas. Subaxdaas waxaa guriga ka socotay howsha sambuus sameyska, oo ay ku jireen xaaskeyga iyo gabdho walaalahey ah oo guriga nagula noolaa. Intaan la fariistay ayaan ku iri, maanta sambuuska ayaan idinla sameynayaa ee gambar ii keena. Waxaa la ii dhiibay howshii lagu fidinaayay foolyada oo aan khibrad saas u weyn u baahneyn Maalintaas waxaan goobjoog u ahaa howsha sambuus sameynta min billow ilaa dhammaad; qasida burka, rifaaqiddiisa, foolyada sambuuska fidinteeda, jarjariddeda, iyo isku laabiddeeda, ka bacdina shiididda hilibka iyo qudaarta lagu dhex shubayo sambuuska. Burjikooyinka ayaan wax ka shiday, foolyada ayaan wax ka laallaabay iyo waliba buuxinteeda iyo isku dhedhejinteeda. Markii dhowrkii xabbo ee ugu horreeyay jaga-gacdooda ay yeertay ayaan guriga ka baxay oo aan xaafadda walaashey iga yar soo aaday, si aan usoo salaamo. Sidoo kale, guriga walaashey waxaa ka socotay howl sambuus dubid ah oo intii aan soo arkay la maraayo. Galab-gaabkii ayaan guriga kusoo laabtay, iyadoo sambuuskii dubiddiisa ay dhammaatay, oo isagoo midabka dahabka oo kale leh saxamo lagu shubay, oo u diyaarsan in lagu afuro. Waxaan xisaabiyay inta saacadood ee ay qaadatay sameynta sambuuskaas oo aan ka yareyn 7 saacadood. Aakhirkiina kusoo dhamaaday bur la dhex galiyay hilib iyo qudaar. Markii aan afurnay ayaan isugu yeeray xaaskeyga iyo gabdhihii kale. Waxaan kala sheekeystay dhibka laga maro sambuuska ee aan maanta arkay, ayaguna ay maalin walba kujiraan, farahana uga gubtaan. Waxaan u cuskaday in sambuus si kasta ha u macaanaadee uusan istaahilin in waqtigaa iyo daalka intaas la eg lagu bixiyo oo intaas oo fara-murux ah loo maro. Waxaan ku iri: ka warrama haddii sambuus aan iska dhaafno sidiisaba, oo dhibkiisa ay ka nastaan. Dood dheer ka dib waxaan isku waafaqnay in caawa ay ugu dambeyso in gurigaan sambuus laga dubo. Markii ay gabdhihii aad iila doodeen waxaan ku iri “Aniga sambuus idiinma diidaayo, laakiin aniga kuma jiro, haddaad adinka rabtaan khiyaarkiin, laakiin yaan la isoo hor dhigin caawa ka dib. Habeenkaas ayaan aniga iyo sambuus afurkiisa aan is macasalaameynay, gabdhahana waxaan uga cudur daartay dhibkii horey ugu gaaray sammeyntiisa. Hadda reerkeygu wey ka nasteen sambuus howshiisa, intii dhowr sano ah. Markii ay carruurteydu ‘yiraahdaan ama dhahaan sambuus baan rabnaa’, waxaan ku iraahdaa ‘laamiga ka soo gata’. Dhacdada sheekadan oo aan iyadoo kooban la wadaagay asxaabteyda Facebook, waxay ku noqotay lama filaan, muddo ka dibna qaar badan oo ka mid ayaa qaatay go’aan la mid keyga, waxeyna noqotay sheeko qosol iyo xannun labadaba leh oo la is dhaafsado. Ka sokow sambuuska, waxaaba jirta in ragga soomaalida badankoodu aysan ka warqabin wax ka socda jikada dhexdeeda, oo gabdhaha keliya loo daayay, oo ay la aamusan yihiin daal iyo rafaad. Waana arrin u baahan in dood laga furo mujtamaca dhexdiisa. Waxaan soo xusuusatay oraah ay tiri gabadha qoraaga ah ee reer Nigeria oo lagu magacaabo Chimamanda Ngozi Adichie oo ahayd: “Aqoonta cunto-karintu ma ahan wax ay gabdhuhu caloosha hooyadood kaga soo bexeen oo dheddignimda ku laran”. Inta sambuuska jecel ee guryahooda laga sameeyo waxaan kula talinayaa in ay hal mar ka qeyb qaataan sameyntiisa, ka bacdina ay ka talo bixiyaan haddii sambuus istaahilo intaas oo dhib iyo howl ah. Qaran News
  10. Dagaal ka dhex Qarxay Qowmiyadaha Oromada & Amxaarada Itoobiya oo dhimasho & Dhaawac badan sababay+Magaalooyin la gubay Hanti badan ayaa lagu gubay magaalada Ataye Wasaaradda Gaashaandhigga ee Itoobiya ayaa xayiraad ah iney shacabku hub qaadan Karin ku soo rogtay gobollada deegaanka Amxaarada ka tirsan oo ay maalmahanba dagaallo ku dhex marayeen qowmiyado halkaasi wada dega. Wasaaraddu waxay sheegtay ciidammo dowladda dhexe ka tirsan oo si gaar ah gacanta uga hayo deegaannada ay dagaallada ka dhaceen in howl galiyey ciidamaduna amar lagu siiyey iney tallaabba ka qaadan cid kasta oo lagu arko meel hoygeeda ka baxsan hub ku qaadato. Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Itoobiya oo bayan a soo saartay xaaladda amni ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay dagaalladi ka dhacay Bariga deegaanka Amxaarada si wax looga qabto ciidamada qaranka in laga howl geliyey. Rabshadihi qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada ee wada daga gobollada ay dagaallada ka dhaceen oo hoos taga deegaanka Amxaarada dad badan ayaa ku naf waayey iyaa oo ay hanti bandanna ku burburtay. Wasaaradduna waxay sheegtay inta uu dhaxeeysa magaalooyinka Debresina iyo Kombolcha waddooyinka waaweyn oo ku yaalla ilaa iyo 20 km qof qori wato inan lagu arki Karin. Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa xayiraad dhanka hubka ah ku rogtay qeybo ka mid ah deegaanka Amxaarada, ka dib dagaallo maalmo socday. Xayiraadda ayaa ah in shacabka aysan hub qaadan karin, si looga hortago colaadda u dhexeysa qowmiyado halkaas wada dega. Wasaaradda waxay sheegtay in ciidammo dowladda dhexe ka tirsan, oo si gaar ah gacanta uga hayo deegaannadaas, lagu amray in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo lagu arko meel hoygooda ka baxsan iyagoo hub ku haysta. Ciidamadan ayaa ka howlgala deegaannada dagaallada ay ka dheceen ee gobolka Amxaarada. Waxaana loo xilsaaray ammaanka waddooyinka in ay gacanta ku hayaan. Waxay sida oo kale wasaaraddu sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii isku dayda inay xirto jidadka, kaniisadaha ama masaajidda, ay gubaan hay’adaha u adeegga bulshadana oo ay waxyeelleeyaan. Ciidamada gaarka ah waxaa amar lagu siiyey in ay tallaabo ka qaadaan qofkii isku deya in uu ku xadgudbo xayiraadaha ay wasaaradda ku soo rogtay deegaannadaas. Qaar ka mid ah shacabka ku nool goobaha ay maalmihi ugu dambeeyey qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ku dagaallamayeen, waxay BBC u sheegeen in dagaallada ay ahaayeen kuwa la isu adeegsanayey hubsi culus oo cabsi badan abuuray. Sida wararku sheegayaan, dhinacyada dagaallamaya waxay si gaar ah u beegsanayeen goobaha lagu cibaadeysto. Rabshadaha magaalada Attaaye ka bilalawday waxay ku sii fideen magaalooyinka iyo tuulooyinka ka dhow. Labada dhinac uu dagaalka dhex maray, midba kan kale wuxuu ku eedeynayaa in uu gardarada dagaal billaabay. Laamaha ammaanka ee Itoobiyana waxay sheegeen in dagaalladaas ay qayb ka ahaayeen maleeshiyaadka jabhadda OLF, garabka heshiiska nabadeed ka baxay ee Oromada. Hay’adda Cabashooyinka Shacabka ee dalka Itoobiya oo soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP, waxay sheegtay in toddobaadkii la soo dhaafay rabshadihi ka dhacay gobollo ka mid ah deegaanka Amxaarada ay ku dhinteen ugu yaraan 300 oo qof oo rayad ah. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble xalay uu la yeeshay odayaasha beesha Habar Gidir ee taageersan dowladda ayuu ku caddeeyay in dowladda waqtigeeda dhamaaday aysan duulaan iyo weerar ku qaadi doonin taliyihii guud ee ciidamada booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon oo xilkii iyo darajadii todobaadkii hore uu ka xayuubiyay madaxweyne Farmaajo. Suldaanka beesha Habar Gidir, Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho xalay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu damaanad qaaday in dowladda xiligeeda dhamaaday aysan duulaan ku aheyn deegaanka Shiirkole oo fariisin uu ka dhigtay Jen. Saadaq Joon. “Ra’iisal wasaarahu wuxuu noo damaanad qaaday in dowladda aysan duulaan ku aheyn Shiirkole, Saadaq-na aysan duulaan ku aheyn arrinkaasina ay jacel yihiin qaab wada hadal ah iyo is-fahan in lagu dhameeyo,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud oo ka warbixinayay wixii ay isla garteen Ra’iisul wasaare Rooble iyo waxgaradka beesha Habar Gidir. Suldaan Mahdi Cabdirisaaq ayaa meesha ka saaray welwelka iyo cabsida maalmahaan ka jirtay Muqdisho, isagoona sheegay in juhdi badan ay ku bixiyeen sidii loo baajin lahaa dhibaato soo gaarta shacabka deegaanka Shiirkole degan, islamarkaana aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadkaasi oo ay mas’uuliyadeeda ay qaadeen. Wuxuu tilmaamay Suldaanka in ra’iisul wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle ay ku madalaan siyaasadda beesha Mogadishu Clan, wixii wanaag ahna ka wada shaqeynteeda ay qeyb ka yihiin cid walba oo dhaqanka ugu horeeyo. Sidoo kale, wuxuu Suldaan Mahdi uu tilmaamay in xildhibaanada Mogadishu Clan ee habeenadaan ku baaqayay difaaca Saadaq Joon inay la kulmi doonaan, isagoona ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale inay nabadda iyo xasilloonida dalka ka shaqeeyaan. The post Video: Rooble oo odayaal Habar-gidir ah u sheegay qaabka ay u wajahayaan arrinta Jen. Saadaq Joon appeared first on Caasimada Online.
  12. President Mohamed (left) with President Tshisekedi in Kinshasa today. Mogadishu (PP News Desk) — The President of the Federal Republic of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed, who is visiting Democratic Republic of the Congo, has expressed support for an African Union mediator role to break the electoral impasse in Somalia. “I welcome @ AfricanUnion to take a leading role in facilitating an election process in which every citizen elects their representatives through free and fair elections. All Somali stakeholders will actively participate in the dialogue on the future of our democracy” tweeted President Mohamed. Western countries have pressed the Federal Government of Somalia to return to talks for 17 September Electoral Model following a controversial extension of the government’s mandate. The African Union maintains peacekeepers in Somalia and is viewed by stakeholders as impartial. The Somali Federal Government’s volte-face stands in sharp contrast to its past stance against foreign mediators in the electoral talks. President Félix Tshisekedi of the Democratic Republic of the Congo, who chairs the AU, held a two-hour meeting with President Mohamed in Kinshasa and said that his counterpart had welcomed the AU to facilitate negotiations among Somali political stakeholders. © Puntland Post, 2021 The post Somalia President Welcomes AU Mediator Role in Electoral Talks appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo ku dhow safaaradda Mareykanka iyo xafiiska Midowga Yurub ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Farmaajo uu wakiilada caalamka u sheegay in wax kasta oo ka dhasha muddo korarsiga uu mas’uuliyaddeeda leeyahay guddoomiye Mursal. Farmaajo iyo wakiilada beesha caalamka ayaa 17-kii bishan April, oo ku beegneyd Sabtidii, ku kulmay teendhada Afisyoone. Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Farmaajo uu wakiilada caalamka hortooda dhowr mar ka sheegay in muddo korarsiga uu yahay go’aan uu qaatay Golaha Shacabka, islamarkaana ay u madaxbanaan yihiin go’aannadooda, wixii ka dhashana ay mas’uul ka yihiin guddoonka Golaha. Sidoo kale Farmaajo ayaa wada-shaqeyn ku tilmaamay inuu saxiixo go’aanka Golaha Shacabka ay ka gaareen arrimaha doorashada, isagoo sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay in Goluhu ka laabtaan go’aankaas. Wakiilada beesha caalamka ayaa diiday soo jeedinta Farmaajo ee in wax kasta ay mas’uul ka yihiin Golaha Shacabka, balse waxaa la sheegay in guddoonku uu qeyb ka noqon doono shaqsiyaadka wax ku leh dhibkii dhaca ama la saari karo cunaqabataynta. Ma ahan markii koowaad ee Farmaajo dano siyaasadeed marsado Mursal kadibna uga baxo. Kahor heshiiskii doorashada ee September 17, Mursal ayaa meel-mariyey sharci doorasho oo qof iyo cod ah, hase yeeshee waxaa meesha ka saaray Farmaajo oo markii horeba ka dhaadhiciyey Mursal inuu sidaas sameeyo. Haddana, waxaa suurta-gal ah in cadaadis kadib Farmaajo sharcigan iska tuuro dibna ugu laabto wada-hadallada doorashada. Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa kulankii la sheegay in ay u sheegeen in uu beddelo mowqifka ku saabsan muddo korodhsiga dibna loogu laabto wadahadal iyo wadar-oggol. Farmaajo ayaa la sheegay in uusan markiiba siinin jawaab balse lagu soo kala tagay is-faham in la isku soo laabto. The post Xog: Farmaajo oo eedda muddo kororsiga dusha u saaray guddoomiye Mursal appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynahihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho hal maalin ah ku tagay Kinshasa, oo ah caasimadda Democratic Republic of Congo (DRC) ayaa dalbaday in la dhexgalo isaga iyo mucaaradka. Farmaajo oo kulan 2 saac ah la qaatay Madaxweynaha Congo oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika Felix Tshisekedi ayaa codsaday inuu dhexdhexaadiyo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo saamileyda Soomaaliyeed. Talaabo u eg waqti dheereysi iyo ka cararidda reer galbeedka, waxaa uu Farmaajo ku dooday in Afrikaanka ay tahay iney dhexdooda is xaliyaan. Warar ayaa sheegaya inuu arrintaas soo dhoweeyey madaxa Midowga Afrika Felix Tshisekedi. Dhanka kale qoraal lasoo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya aya lagu sheegay in dhankiisa uu Farmaajo balan qaaday qabashada Doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Kinshasa (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweynaha waqtigi ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo Soomaalida. Qoraal kasoo baxa wasaaradda arrimaha dibedda oo lasoo dhigay twitter-ka ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu doonayo wada-hadallo la xiriira qabashada doorashooyin oo uu Midowga Afrika dhex-dhexaadiyo. Felix Tshisekedi ayaa iminka ah guddoomiyaha ururka Midowga Afrika. “Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaaqay ‘Dowladda federaalka ayada oo tixgelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo,’” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Madaxtooyada dalka Congo ayaa sidoo kale qoraal ay soo dhigtay twitter ku sheegtay in Farmaajo uu madaxweyne Tshisekedi ka codsaday in isaga oo cayaaraya doorkiisa guddoomiyenimo ee Midowga Afrika inuu fududeeyo, oo uu dusha kala socod wada-hadallo dhex-mara dhammaan saamileyda ku lugta leh qalalaalsaha siyaasadeed ee Soomalaiya. Madaxtooyada ayaa sheegtay in madaxweyne Tshisekedi isaga oo u ololeynaya in xal African ah loo helo dhibaatooyinka Afrika uu aqbalay codsiga Farmaajo ee ah inuu la xiriiro dhinacyada Soomaalida, si nabad waarta ay u hesho Soomaaliya. Illa aiyo hadda ma cadda waxay ay yihiin wada-hadallada uu Farmaajo doonayo, iyo haddii uu ka tanaasulayo muddo kororsiga. Mucaaradka Soomaaliya ee Farmaajo codsanayo inuu la hadashiiyo madaxweynaha Congo ayaa si weyn u diidan mudo kororsigii uu dhawaan sameystay Farmaajo, waxayna habeeno ka hor si cad u diideen kulan uu dalbaday inuu la yeesho. The post DEG DEG: Farmaajo oo Midowga Afrika ka codsaday inuu fududeeyo wada-hadallo doorasho oo dhex-mara Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  16. Wararka naga soo gaaraya magaallada Kismaayo xarunta ku meel gaarka maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaas ay xiisad colaadeed ka aloosantahay markii dhul beereed deegaan u ahaa beesha Hartiga ay duulaan ku qaadeen ciidamo sida la sheegay uu soo diray madaxweynaha maamulkaas, Axmed Maxamed Islaam. Ciidammada ayaa doonayay inay xoog uga raraan dad dhulkaas deggenaa hasa yeeshee waxaa iska hor immaad dhex maray dadkii deegaanka iyo ciidankii halkaas tegay, sida la sheegay iska hor immaadkaas waxaa ku dhintay hal qof waxaana ku dhaawacmay tiro ilaa seddex qof lagu sheegay oo labada dhinac ah. Sida ay ku warameen dadka deegaanka ma aha markii ugu horeysay oo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe uu deegaankooda ku soo duulo isagoo adeegsanaya ciidammada maamulka, waxayna carrabaabeen in dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ciidammada maamulka loo adeegsaday oo ay burburiyeen dhismayaal meherado ahaa iyo dhul beereed dadkii lahaa xoog looga qaatay. Sida ay sheegeen xubno ka mid ah dadka deegaanka dhacdadan ayaa ka dambaysay ka dib markii uu madaxweyne Axmed Madoobe dhulka ay deggenyihiin uu lacag 500 kun dollar kaga iibsaday Xawaaladda Kaah. Eedaha noocaan ah ee dadka deegaanka u jeedinayaan madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ah kuwo soo noqnoqda ayey ku sheegeen in aysan jirin cid wax ka qabanaysa isla markaasna ay marar badan madaxweyne Axmed Madoobe arrimahaas ugu tageen laakiin aysan jirin wax is bedelay. “Waxaa dhibaato joogta ah nagu haya niman xoogaa lacaga ah haysta iyo kuwo dulaaleey ah oo ku xiran madaxweyne Axmed Madoobe oo ku leh guriga aad deggentahay ama beertaada anigay igu fiicantahay, maalinta xigtana askar ka soo wadanaya madaxtooyada!…” sidaas waxaa Puntland Post u sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka oo cabsi ammaankiisa u qabo awgeed codsaday inaan la sheegin, “Waxaad moodaa in Axmed Madoobe iyo dadka ku dhowdhow inay si gaar ah u bar tilmaansanayaan dadka Hartiga, oo mar kasta dadkaas ay si gaar ah ay u beegsanayaan hantidooda hadday tahay guri ama beer ama meherad kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxaa noo suuroobi waayay xiriiro aan isku daynay inaan la samayno ciidammada ammaanka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbalnd mana jiraan wax war ah oo dhacdadaas ama cabashooyinka ay dadka deegaanka sheeganayaan la xiriira oo ka soo baxay dhinaca maamul goboleedka Jubbaland. PUNTLAND POST The post Kismaayo: Colaad ka aloosan dhul deegaan oo Axmed Madoobe ka gaday Xawaaladda Kaah appeared first on Puntland Post.
  17. Global health body warns none of antibiotics currently being developed are enough to tackle superbugs The World Health Organization has warned none of the antibiotics currently being developed against antimicrobial resistance are enough to tackle drug-resistant bacteria that are expected to kill millions by 2050. In a report published on Thursday, the WHO said that none of the 43 such drugs in the pipeline addressed the 13 most dangerous superbugs it had identified. Antimicrobial resistance (AMR) has been described by experts as a silent pandemic. Bacteria that cause pneumonia or sepsis are becoming more and more resistant to existing drugs, a process that has been accelerated by antibiotic misuse in humans and animals © Getty Images. Research suggests the spread of bugs that tolerate drugs kills about 700,000 people a year, a figure that could rise to 10m by 2050 — the same number of lives claimed by cancer each year. While observers and industry members had expressed hope the current pandemic could alert the world to the perils of under-investment in new drug research, progress has been stymied by one crucial problem: AMR drugs should be used as sparingly as possible, offering little commercial incentive for drugmakers to invest in research and development. The 2020 report finds the antibiotic pipeline is “near static”, with only a few new drugs approved by regulators in recent years. Most of these offer little benefit compared with existing ones, or are variations of antibiotic drug classes discovered in the 1980s. A number of pharmaceutical companies have given up on antibiotic development altogether because it is unprofitable. Bacteria that cause pneumonia or sepsis are becoming more and more resistant to existing drugs, a process that has been accelerated by antibiotic misuse in humans and animals, according to Peter Beyer, interim head of the WHO’s global co-ordination department on AMR. The impact of AMR is most evident in poorer nations and among the elderly and young children. About 30 per cent of newborns with sepsis die because their infections can withstand multiple antibiotics, for example. The innovation cycle to replace treatments is “broken”, Beyer said. “Very few new innovative anti-bacterial treatments will come to the patients’ bedside in the coming years, and even fewer are targeting the most dangerous resistant bacteria.” The report also highlights new classes of promising therapies including phages — viruses that eat up bacteria; antibodies; and immune therapies that weaken the effect of bacteria. There are also a number of initiatives aimed at enticing investors and companies to act. Still, scientists insist that because antibiotics are so prevalent and used to treat a wide array of infections in key healthcare settings, any delay in action could be costly. “We might be soon headed towards a post-antibiotic era, where a simple wound or a dental infection can be fatal,” said Hatim Sati, another member of the WHO task force. “That is what’s at stake here.” Source: Financial Times The post WHO sounds alarm on drug-resistant bacteria appeared first on Puntland Post.
  18. Kinshasa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa maanta kulan la qaatay dhigiisa Congo ee Felix Tshisekedi. Kulankaan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. “Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa horyaalla caqabado adag oo isku mid ah oo ay tahay in aan iska kaashanno si aan u xaqiijino horumarka labadeenna shacab. Caqabadahaas waxaa ka mid ah xagjirnimada, saboolnimada, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo argagixisada caadeystay carqaladeynta horu-socodka dalalkeenna.” Kulanka oo ka dhacay aagga Midowga Afrika ee caasimadda Kinshaasa ayaa si wada-jir ah labada mas’uul iskula qaateen muhiimad xoojinta xiriirka iskaashi labada dal iyo kor u qaadida xiriirka dalalka Afrika, sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia. Sidoo kale qoraalka ay Villa Somalia kasoo saartay kulankaas ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo Mudane Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen, isaga oo bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen.” Farmaajo ayaa asaguna dhankiisa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo sida ay usoo dhoweeyeen Isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in dowladda federaalka ay ku garab istaageyso Madaxweyne Tshiskedi doorkiisa hoggaaminta Midowga Afrika. Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Sii-hayayaasha Wasiirada Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Diblumaasiyiin iyo Lataliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa xalay gaaray caasimada dalka Congo. Madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa ayaduna dhankeeda markii ugu horreysay ka hadashay safarka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku tegay dalkaas. Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalkaas Félix Tshisekedi, oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika, uu Farmaajo kala hadli doono arrimo ku saabsan gobolka, oo aan la caddeyn waxa ay yihiin. Hase yeeshee, ajendaha kulanka ee ah “arrimo ku saabsan gobolka” ayaa ka duwan mid ay hore u shaacisay Villa Somalia oo ah in safarka “uu ku qotomo kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.” Waxaa soo baxaya tuhuno la xiriira in safarka Farmaajo ee Congo, ay soo abaabushay Qatar, islamarkaana la doonayo in lagu heshiisiyo Kenya iyo Soomaaliya, maadama ay Qatar saami buuran ku leedahay shirkada ENI oo haysata baarista shidaalka dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay. The post Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay kulanka Farmaajo iyo Felix Tshisekedi appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, ayaa la kulmay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo Mudane Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen. Labada Madaxweyne oo kulankoodu ka dhacay Aagga Midowga Afrika ee Caasimadda Kinshaasa ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Diblumaasiyiin iyo Lataliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Koongo appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka hadley xaaladda Soomaaliya ee xilligan, gaar ahaa is-mari waaga arrimaha doorashada, isaga oo si xun u weeraray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Stephen oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa ugu horeyn wax laga waydiiyey sida uu u arko xaaladda ay hadda ku jirto Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xaaladda Soomaaliya ay hadda tahay mid aad qatar u ah, wuxuuna madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuusan marnaba ku fakarin inuu qabto doorasho afartii sano ee uu xilka hayey. “Xaaladda waa mid qatar ah oo nasiib darro xambaarsan, waxay ila tahay looma baahneyn in xaaladda sidaan noqoto, balse haddii aan fiirino sida ay aheyd xaaladda Soomaaliya afartii sano ee ugu dambeysay ee Farmaajo, waxaa jiray dhaqan joogto ah oo muujinayey inuusan rabin in la helo hanaan doorasho, lama qaadin tallaabooyinkii muhiimka u ahaa doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Stephen. Sidoo kale Stephen ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyey inuusan waxa xiriir ah la yeelan madaxda maamul Goboleedyada ee ka jira Soomaaliya marka laga reebo kuwa uu isaga ka caawiyey inay xilka qabtaan. “Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku guul-dareystay inuu wax xiriir ah la sameysto madaxda Maamul Goboleedyada marka laga reebo kuwa uu isaga ka caawiyey inay xilka ku guuleystaan, wuxuu ku fashilmay inuu wada-hadal la yeesho madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo ah kuwa khibrad leh isla markaasna heysto kalsoonoda shacabka deegaanadooda,” ayuu sii raaciyey. Mar wax laga waydiiyey sida uu arko go’aanadii kasoo baxay beesha Caalamka ee looga soo horjeestay muddo kordhinta uu sameeyey Baarlamaanka Soomaaliya iyo jawaabtii ay ka bixisay Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay muujiso inay ka maaranto beesha Caalamka, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay inay tahay wax lala yaabo maadaama Soomaaliya ay ku tiirsan tahay taageerada Beesha Caalamka. “Labadii bilood ama seddexdii bilood ee ugu dambeysay jawaabaha Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan qoraalada Beesha Caalamka waxay ahaayeen kuwa aad u adag, waxay ila tahay inay isku dayayaan inay hadal ahaan muujiyaan awood iyagoo sheegayo inaan la qasbi karin, hase yeeshee aad ayey uga fiirsanayaan sababtoo ah beesha Caalamka ayey isku haleenayaan marka ay noqoto badbaadadooda, haddii ay ahaan laheyd kaalmada debadeed, deyn cafinta, xawaaladaha, iyo muwaaqifta ku aadan lacagaha sirta ah ee ka imaaneyso Qatar, Sidoo kale haddii ay lahaan laheyd tababarada Ciidamada Militariga oo ay siiso Turkiga, haddii ay ahaan laheyd nooc kasta oo taageero oo ay ka helaan Eritrea, dhammaan beesha Caalamka oo kala duwan ayaa caawinayo Dowladda Soomaaliya, sidaa daraateed waa wax yaab leh inaad iska dhigto inaad ka maarmi karto danahaas oo dhan iyo cadaadiska ay beesha caalamka waddo,” ayuu yiri. Sidoo kale Stephen ayaa Dowladda Mareykanka ugu baaqay inay tallaabo adag ka qaado madaxweyne Farmaajo oo uu ku eedeeyey inuu si ula kac ah uga leexday hanaankii uu ku socday dalka Soomaaliya oo aheyd in si dimoqraadi ah la isku doorto, wuxuuna taas badalkeeda sheegay in Farmaajo uu dalka ku wado jid aad u xun. Wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo aan marnaba laga fileyn inuu hadal wax ku qaato balse Beesha Caalamka looga fadhiyo inay qaado tallaabo adag oo looga jawaabayo dhibaatada uu Farmaajo doonayo inuu u horseedo Soomaaliya. Stephen ayaa is waydiiyey haddii ay Dowladda Mareykanka ka suurta geli karto inay aqoonsi uga raadiso safiirkeeda cusub ee Soomaaliya dowlad aan iyadaba sharci heysan, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Mareykanka inay joojiso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya iyo kaalmada ay siiso iyadoo il gaar ah lagu fiirinayo arrimaha bini’aadanimada. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/04/61f754c2-dde6-41c7-ba36-719431f8108c_48k.mp3 The post Safiirkii Mareykanka: “Farmaajo ma rabo inay doorasho dhacdo, waa in tallaabo adag laga qaado” appeared first on Caasimada Online.
  21. PRESS RELEASE Natural risks cartography project in ECCAS member states : the final validation workshop took place on 29 and 30 March 2021 Experts from IGN FI and BRLi then presented the methodologies used in their respective areas of expertise to assess hazards, vulnerabilities and risks PARIS, France, April 19, 2021/ — In October 2019, the IGN FI (www.IGNFI.com) – BRLi consortium was awarded the regional contract to assess hazards, vulnerabilities and risks in the Member States of the Commission of the Economic Community of Central African States (ECCAS). This is the international organisation for the economic, social and cultural development of the following Member States: Angola, Burundi, Cameroon, the Central African Republic, Chad, the Democratic Republic of Congo, Equatorial Guinea, Gabon, the Republic of the Congo, Rwanda and Sao Tomé and Principe. Financed by the European Union within the framework of the ACP-EU programme to strengthen resilience to natural hazards in ECCAS, and managed by the World Bank’s Global Facility for Disaster Reduction and Recovery (GFDRR), this project involved organising a regional workshop held by videoconference on 29 and 30 March 2021. The workshop marks the end of the project. Held over two half-days, the regional workshop to approve the Cartography of Natural Risks in ECCAS Member States took place on 29 and 30 March 2021 by videoconference, in view of the COVID-19 health situation. Dr Honoré Tabuna, Commissioner for the Environment, Natural Resources, Agriculture and Rural Development, spoke on behalf of His Excellency Ambassador Gilberto Da Piedade Verissimo, President of the Commission of the Economic Community of Central African States (ECCAS). In his opening address, he highlighted how demographic pressure, unplanned urbanisation, loss of biodiversity, climate change and degradation of soil and ecosystems were having a heavy impact on the daily lives of the 182 million people living in the 11 Member States of central Africa. Since 1970, sub-Saharan Africa has experienced over 2,000 disasters, just under half of them in the last decade. The most frequent disasters in sub-Saharan Africa include floods, droughts, cyclones, earthquakes, landslides, volcanic eruptions, coastal erosion and epidemics. Introducing the first day, team leader Gilles Martin outlined the project’s aims and challenges. Experts from IGN FI and BRLi then presented the methodologies used in their respective areas of expertise to assess hazards, vulnerabilities and risks. These included creating hydrological and hydraulic models, assessing geotechnical hazards, using climate data and studying coastal flooding and coastal erosion risks. The second day consisted in presenting and approving the various project deliverables, including the ECCAS Risk Atlas produced as part of the project. This atlas outlines risks at two different levels: firstly, it presents the major hazard types and their geographical distribution in ECCAS (river flooding risks, geotechnical risks, climate risks and risks specific to coastal areas); secondly, it includes a focus on the main cities in the area and their specific risks. Camille Pinet, project manager at IGN FI, says: ‘We have ensured that the results are as clear as possible and can be used by all types of user, from experts and technicians to decision-makers, including the general public.’ In addition to the atlas, all of the data collected and produced as part of the project has been organised into a database and made available to ECCAS, so that it can be used in the future by the experts responsible for continuing the work. Marie-Christine Germain, project director at BRLi, says: ‘this unique knowledge base will enable all Member States to improve their knowledge of risk in accordance with the specific features of each region and therefore to create regional or national strategies in the areas with the highest risk exposure. In particularly sensitive areas, detailed specific actions can be developed to reduce risk, injury to persons and damage to property’. As Semingar Ngaryamngaye, Regional Coordinator in Disaster Risk Management and Climate Change Adaptation (DRM/CCA), points out, this project is not an end in itself. The study is a step along the way and is not sufficient for the creation of Risk Prevention Plans (RPPs). The atlas is therefore the initial basis for a structure summarising the knowledge needed for risk prevention, which must be based upstream on education and must form an integral part of the sustainable management of areas prone to significant socioeconomic and environmental change. At the end of the workshop, the participants confirmed that it had been interesting and drew attention to the importance of training and knowledge transfer to national teams so that the data can be used and regularly updated. The workshop gave participants the chance to comment on the content of the atlas and provide additional regional or local information. This additional information, submitted at the workshop and during the days just before and after it, constitutes a valuable contribution to the project’s deliverables and will be included in the project before the final version is published. Once it has been approved, the atlas will be delivered to ECCAS in digital format and in hard copy. In total there were over 40 participants in the discussions (DRR [disaster risk reduction] focal points in the Member States, representatives and experts, and authorities and institutions responsible for disaster risk management). Distributed by APO Group on behalf of IGN FI. Access Multimedia Content Press contact: IGN FI Aude Areste Lamendour alamendour@ignfi.fr About ECCAS: The Economic Community of Central African States (ECCAS) (www.ceeac-ECCSAS.org) mobilises all of its resources and energy to make Central Africa a region of peace, prosperity and solidarity based on a unified economic and political space within which each citizen can move freely, thereby ensuring sustainable and balanced development. The ECCAS Commission, for its part, covers all of the activities of public institutions, private companies, civil society and the populations of the region in an integrative dynamic perspective based on five pillars: peace and security; common market; environment and natural resources; land use planning and infrastructure; gender and human development. Created in October 1983, ECCAS acquired the status of Commission in December 2019 in order to implement its activities with greater efficiency in the face of the region’s challenges and thus meet the hopes of a very young population that sees the success of its future in regional integration. About IGN FI: Part of the GEOFIT Group for its international projects and the technical operator for the export of IGN France, IGN FI is a major global player in geomatics. IGN FI uses its expertise in geodesy, metrology, cartography/national spatial data infrastructure, databases, geographic information systems, portals, etc. in many sectors. These include land planning, land administration, natural resource management, agriculture, risk management and defence. 100% active in export, it specialises in setting up geomatic projects. It has run a large number of projects in Africa. About BRLi: BRL Ingénierie (www.BRLI.brl.fr/en) is a subsidiary of the BRL Group, founded in 1955, which manages, under concession, a large hydraulic network for the Occitania Region comprising canals, dams, pumping stations and treatment plants and providing nearly 1 million people with water. BRLi is a consultancy firm specialising in areas relating to water, the environment and land use planning. It operates in France and over 80 other countries on behalf of local communities and authorities and major international donors. It deploys its multidisciplinary expertise in projects seeking to meet the considerable challenges of climate change adaptation, food security, demographic change and the ecological transition. About the ACP-EU programme: In 2015, the European Union and the African, Caribbean and Pacific Group of States established an intra-ACP cooperation programme entitled Building Disaster Resilience to Natural Hazards in Sub-Saharan African Regions, Countries and Communities. The programme consists of five Result Areas, which are implemented by several partners and together make up a complete cycle of disaster risk management and capacity building measures. Result Area 2, known more simply as ‘R2’, is one of two Result Areas managed by the World Bank/GFDRR (the other being Result Area 5) (www.GFDRR.org/en/result-area-2). The specific objective of Result 2 is to strengthen and accelerate the effective implementation of a comprehensive African disaster risk reduction (DRR) and disaster risk management (DRM) framework at regional level. SOURCE IGN FI Qaran News
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan loo doortay markii shanaad inuu hogaamiyo dalkaas. Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeedinayay kulan ka qabsoomay Clubhouse ayaa waxa uu ku sheegay inaysan marnaba heshiis aheyn madaxweyne Geelle, islamarkaana uusan la dhacsaneyn siyaasidiisa xukun maroorsiga. Waxa uu ku tilmaamay madaxweynaha Jabuuti inuu yahay cadowga Somaliland ee kasoo horjeeda inay hesho aqoonsi caalami ah oo ay baadi-goobeyso soddankii sanno ee u dambeeyay, maadama ay ku doodeyso inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya. “Anigu heshiis ma nihin Ismaaciil Cumar Geelle, waayo Ismaaciil waa cadowga Somaliland, waayo marnaba ma ogola in Somaliland la aqoonsado. Djibouti-na kama dambaynayso Ismaaciil,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in madaxweyne Geelle aysan ka dambeyn doonin Jabuuti, maadama uu gebi ahaanba curyaamiyey siyaasiyiintii ka aragtida duwaneyd, islamarkaana uu caburin iyo awood ku haysto hogaanka dalkaas. Faysal ayaa dhowr jeer oo hore taageero u muujiyey banaan-baxyo looga soo horjeedo Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu xiligaas ku sifeeyay shaqsi ‘gacan-maroojis iyo kali-talisnimo’ ku haysta hogaanka Jabuuti. The post FAYSAL Cali Waraabe oo shaaciyey arrin uu Geelle ‘ka hor-istaagay’ Somaliland appeared first on Caasimada Online.